Dimuqraadiyad macnaheedu waa xukunka dadweynaha. Dabcan marka bulsho muslim ah la yahayna
xukunka dadweynaha waxa kasii sareeya xukunka Illaahay. Marka xukunka Illaahay loo hogaansamo
ayaa loo imanayaa intii usoo hadhay banii Aadamka. Sidaa darteed ayaa bulshooyinka caalamku ay
dastuurka ay isku xukumayaan ay usamaystaan. Dastuurka Somaliland waa mid ka turjumaya caqiidada
bulshada reer Somaliland oo markaasi si buuxda u qeexaya sareynta shareecada Islaamka. Intaa kadib
reer Somaliland waxay go’aansadeen inay iyagu yihiin kuwa iska leh xukunka umuuraha wadankooda
Somaliland. Bal markaasi qoraalkan waxaynu inyar kaga tilmaamaynaa wadanka dimuqraadiga ahi
muxuu kaga duwan yahay nidaamyada kaligii taliska ah marka laga hadlayo maamul wanaaga iyo
horumarka dhaqaale oo ah laba faaiido oo aanay bulshada casriga ahi ka maarmi karin.
Muhimadda Doorashooyinka
Reer Somaliland way soo arkeen kaligii talis waxa uu yahay iyo dhibka uu leeyahay. Nidaamka kaligii
taliska ahi ma ogola awooda uu shacabku u leeyahay inuu doorto cidda wadankooda hogaaminaysa.
Waa tahay waa laga soo gudbay kaligii taliskii oo waxaa loo soo gudbay taliska shacabka halgan dheer
oo dhiig ku daatay kadib. Carrabtaa tiraahda “xorriyadu waa geed aan dhiig la’aan ku bixin”. Reer
Somalilandna xorriyadoodu waa geed ay dhiig ku beereen. Soo dhaafoo waa la helay xorriyad. Hadaba
arrinka muhiimka ahi waxa weeyaan xorriyadaasi maxaa kaligii talis lagaga ilaalin karaa? Jawaabtu waa
doorashooyinka oo loo maamulo si xor ah. Doorashooyinku maaha hawl dhib yar oo waad ogtihiin oo
qabsoomidda doorashada waxa kuluma tamar badan iyo lacag badan. Hadana, doorashooyinku waa
ushii ay dadweynuhu iskaga ilaalinayeen kaligii taliska. Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in aan
marnaba la dhayalsan muhiimadda doorashinka. Waxa kale oo muhiim ah in la xaddido inta jeer oo uu
siyaasigu isu soo sharixi karro kursiga ugu sareeya ee dalka laga hago. Dastuurka Somaliland na waa
dastuur samayntiisa aad looga baaraan degay oo aan odhan karo wuu ka qiimo badan yahay dastuuro
badan oo ay leeyihiin wadamo kalloo African ihi. Tusaale ahaan dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa
in wadanku aanu yeelan karin in kabadan 3 xisbi qaran. Taasi waxay dawo ka tahay in nin kasta ama
gabadh kastoo siyaasi ahi uu yidhaahdo ama ay tidhaahdo “xisbi baan samaysanayaa oo qabiilkaygaa
iigu filan in aan soo baxo”. Saddexda xisbi qaran waxay isku haynayaan dad kala qabiil ah laakiin siyaasad
ahaan isku dan ah ama isku aragti ah. Dabcan inta jeer ee madaxweynaha lasoo dooran karana wuu
sheegayaa.
Daacadnimadda Xukuumadda
Maamul wanaaga iyo horumarka dhaqaale waxa door libaax ka ciyaari kara xukuumada lasoo doortay oo
si daacadnimo leh shacabka ugu adeegta. saddex arrimoodka ayaa loo baahan yahay inay xukuumaddu
si gaara ay daacad uga sii ahaato. Kow, waxa loo baahan yahay in xukuumadu ay si xilkasnimo leh usoo
ururiso cashuuraha shacabkeeda ku waajibay. Laba, waxa iyana muhiim ah in cashuurtaasi ay shacabka
kasoo ururisay ay xukuumadu si daacadnimo ay ku dheehan tahay ay ugu adeegto bulshadda. Saddex,
waxa loo baahan yahay inay door muuqda ka ciyaarto horumarka dhaqaale ee waddanka. Xukuumaddu
cashuurta ay soo ururisay qayb ka midda waa inay ku maalgelisaa mashaariic horumarineed oo
markaasi ay kaga dayan karaan ganacsatada wadanku. Xukuumadu waxa kale oo ay samayn kartaa
inay mashaariicdaasi kasoo qaybgeliso ganacsatada waaweyn si markaasi maalgelinta mashaariicdaasi
aanay mashaakil ugu noqonin dawladda. Nidaamkaasi mashaariicda horumarineed ay maalgelintooda
iska kaashanayaan xukuumadda iyo ganacsatada wadanku waxa loo yaqaanaa Public Private Partnership
(PPP). Waana nidaamka dhaqaale ee ay hirgelintiisa ku horumari karayaan wadamada dhaqaalahoodu
hooseeyo. Tusaale ahaan, waxa ay dawladda iyo ganacsatadu iska kaashan karaan ka faaiidaysiga
khayraadka dabiiciga ah sida sibidhka iyo macdanaha kale ee ay Somaliland qaniga ku tahay.
Kaalinta Ganacsatada
Ganacsatada waddanka waxaa la gudboon inay si hufan uga soo baxaan waajibkooda ku aadan
horumarinta dhaqaale ee waddanka. Horumarka dhaqaale ayaa wuxuu door wayn ka ciyaarayaa in
la helo maamul wanaag. Ganacsatada waxaa laga rabaa inay marka hore si daacadnimo leh ay isooga
bixiyaan cashuurta ku waajibtay, cashuurtaasi oo heerar kala duwan leh: ta kastamka, ta laga bixiyo
iibka badeecadaha (sales tax), ta laga bixiyo mushaharka shaqaalaha, ta dhulka iyo ta kirada guryaha,
iyo ta ku waajibtay faa’iidada uu ganacsaduhu sanadkii helo. Intaa kadib waxa kalloo ganacsatada laga
rabaa inay wadanka ka sameeyaan mashaariic horumarineed sida warshadaha waxsoosaarka. Waxa
nasiib darro ah in ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland aanay intooda badina aad moodo inaanay
uba soo jeedin inay lacagtooda wadanka ku maalgeliyaan. Marka aad warshad waddanka gudihiisa ka
samaysid ayaad waddanka faaiido usoo kordhisay oo markaasi lagaa faaiidayaa mushahar shaqaale oo
ay qayb weyn oo reer Somaliland ahi ay faqriga kaga bixi karaan. Waxa kalloo jirta in marka hal warshad
la furo inay mashaariicdu isasoo jiidanayaan maadaama ay warshadiba warshad u baahan tahay oo
waxsoosaarku isu baahan yahay. Laakiin haddaad tiraa lacagtayda maxaa “risk” (khatar) iga galinayaa
anigoo Thailand kalluunka ka keeni karaya, dee ogow oo markaa waxa kaa maqani waa wadininimodii.
Dhinaca kale markaad ka eegto,Illaahay mahadii weeyaan oo maanta waxa xaqiiqo ah in Somaliland ay u
dhasheen dad badan oo maalqabeen ahi, kuwaasi oo hadday fikirka intay bedelaan oo ay usoo jeestaan
warshadaynta waddanka, waxaa la hubaa in waddanku uu muddo gaaban oo aan 15 sanno ka badnayn
uu waddanku horumar dhaqaale oo la taaban karo uu soo hoyn karo; ama aynu odhan karno waxa
15 gudahood Somaliland ay ku biiri kartaa wadamada dhaqaalahoodu uu meel dhexaadka yahay sida
Thailand iyo Malaysia oo kale.
Foojignaanta Dadweynaha
Maamul wanaaga iyo horumarka dhaqaale way isku xidhan yihiin oo midkoodba midka kale ayuu u
baahan yahay oo la’aantii aanu jirri karrin. Xaga sarre waxaynu kaga soo hadalnay kaalmaha loo baahan
yahay inay buuxiyaan xukuumadda iyo ganacsatadu. Shacabkana waxaa laga rabaa inay doorkooda
kasoo baxaan. Shacabku waa inay xukuumada ka ilaaliyaan inay musuq-maasuq dhex muquurato
oo ay ka leexato tubta maamul wanaaga. Shacabka waxaa looga baahan yahay in marka hore ay
qiimeeyaan awooda ay u leeyihiin soo-saarida masuulka dawladda uga mid noqonaya. Waa inay
qeexaan shuruudaha loo baahan yahay inuu kasoo baxo qofka ay masuulka ka dhigayaan. Haddii marka
horeba shacabka ay iska soo dhexsaaraan kii balwadda lahaa ee heerkiisa aqooneed uu meel hoose ahaa
markuu kursiga ku fadhiistona fikirkiisu noqonaayo halkeebaan waxka qandhuuftaa si aan balwadayda
lacag buuran ugu helo, dee markaa shacabku kamay soo bixin kaalinta looga baahnaa oo iyagaa markaa
masuulka u horseeday maamul xumada ayaa la odhan karaa. Laakiin hadday iska soo dhexsaaraan ka
ugu mudan ee ugu dhawrsoon ee hantida shacabka iska ilaalinaaya, markaasaa la odhan karaa shacabku
doorkii looga baaahnaa ee dhisida maamul wanaaga sidii looga baahnaa ayay uga soo baxeen.
Marka ay qola waliba sidaasi doorkeeda uga soo baxdo ayaa laysla heli karayaa labada faaiido ee
maamul wanaaga iyo horumarka dhaqaalaha.
WQ/ Cabdirashid Axmed Guuleed, email: abdirashidaa@gmail.comMaamul Wanaaga iyo Horumarka Dhaqaalaha
Hordhac

WQ/ Cabdirashid Axmed Guuleed, email: abdirashidaa@gmail.com