Maalin walba JAAMAC SHABEEL ayaa muraayad madaw noo soo gashanaya iyadoo la ogyahay in isga iyo siiraanyo wax isku ogyahiin Waxaad moodaa in madaxweyne Siiraanyo uu Jaamac shabeel u wakiishay xisbiga kulmie oo isagu yahay wasiirka xisbiga |KULMIYE , iyadoo gudoomiye MUUSANA isu haysto inuu kaligii leeyhay xisbiga .
madaxwaynaha Somaliland md Axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) go’aansaday in dib loo dhigo shir-waynaha xisbiga Kulmiye, kaasi oo qorshuhu ahaa in la qabto bishan march.
Warka ayaa intaa in madaxwayne siilaanyo oo shalay qasriga madaxtooyada shir kula yeeshay guddoomiyaha xisbigaasi muuse biixi ay isla qaateen in muddo ah shirwaynaha dib loo dhigo, taasi oo la sheegay in muuse biixi ku qancay isla-markaana la qaatay madaxwaynaha dib u dhigistiisa.
Madaxwaynaha ayaa la sheegay inuu muuse ka dalbaday inuu saraakiisha golaha fulinta kulmiye ka gaadhsiiyo fariinta ah in shirka dib loo dhigay, maadaama oo ay dalka ka jiraan duruufo kala gedisan oo laftoodu u baahan in wax laga qabto oo la saxo.
Inkasta oo xogta noocan ahi soo baxday, haddana guddoomiyaha kulmiye muuse biixi cabdi oo warbaahintu wax a wax ka waydiisay jiritaanka warkan ayaa si kooban u yidhi “anigu waxba kama ogi arintaasi, wax i soo gaadhayna ma jiraan”
Dhanka kale, guddoomiyaha golaha dhexe ee kulmiye Jaamac Shabeel, oo ka hadlay arintan, ayaa sheegay inaanu waxba ka ogeyn dib u dhigista shirwaynaha, balse haddii ay sidaasi jirto sharci ahaan dib u dhigistiisa uu golaha dhexe ee kulmiye go’aan ka gaadhayo “Golaha dhexe ee kulmiye ayaa eegaya codsiga madaxwaynaha, iyagaana go’aan ka gaadhaya wakhtiga dambe ee la qaban karo shirkaasi” sidaa ayuu yidhi Jaamac Shabeel sida Geeska Afrika lagu baahiyey.
Cali xareed