Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

WAXAAN AHAY REER CEERIGAABO WAXAAN KA AHAY REE SOMALILAND

$
0
0

Marka hore waa salaane Mareegtan warlalineed Mudanaha iyo Marwda aqriste 

Guud ahaan madasha waxaad mutaysateen salaanta muslimka, Marka xiga Ninba waa waagii e eshay nabad Ogaalkayna guud ahaan dhulkii hooyo NABAD.
Intaa hadaan ka gudbo. Ninba wixii ka yaabiyaa wixii kale ka darane wax aniga iga yaabiyay Qabyaalada oo guud ahaan naafaysay geedi socodka bulshadeena oo ka sii tuuraysa qarka iyadoo aynu ogsoonahay inay dhamaan inaga reebta wadama kale ee caalamka oo wadan  qabiilba laga yaqaanaa uu hada yaryahay.
Dadku waxay oran jireen qabyaalada iyo qabiilku waxay inaga soo gaareen wadamada carabta wadamadaasna hada waxaan ognahay in badideedu aanay ka jirin wax qabyaaladoo qayaxani hadaba waxa suaal le? maxaa dadkeena daba dhigay.
Qofbaa ku oranaya waxaan ahay nin reerhebela oo reerhebel kasii ah oo laandheere  laandhere ah oo reerhebel na waliba kasoojeeda hadaad tiraahdid waar maxaad  waxaa u aqrinaysaa dadku waa isku mide? wuxuu ku oranayaa waa sax inaan barto qabiilkayga waayo isku gartaa la yiri(li tacaarifuu)  dadka qaarbaa waxaad moodaa inay dusadeen oo ay dalo ka dhigtaan markay doonayaan  inay aqriyaa quraafaadka ay dadka u sheegayaan iyo laandhereaan ahay. 
Qof kula diina kula dhula oo aad isku wadan tihiin isku midab tihiin isku aftihiin oo dariskaaga ka soo toosaa abid maxaytahay laandheeraha aad u sheeganaysaa miyaanay waxlala yaabo ahayn
 
FAA IIDADA QABIILKA IYO QABYAALADA
 
Waxaan ognahay inaan abid la soo sheegin in qabyaalada 
cidi faaiido ka tirsato waa 000000 siiro
 
WAXYEELADA QABIILKA IYO QABYAALADA
 
Waxyeelada qabiilka iyo qabyaaladu maaha mid maqaal iyo qoraal lagu soo koobi karo buugaag fara badan baan xitaa lagu ururin karin  waa aafo xun iyo masiibo naafaysa nolosha dhankasta,  Waxay wax yeelaysaa caafimaadka  marka colaado ay ayadu sababto dadka ku reebaan dhaawacyo maguuran ah. 
Waxay wax yeelaysaa ganacsiga iyo guud ahaan dhaqaalaha oo dad shaqaysanaya ayaan wax looga iibsan qabyaalada darteed Waxay dhaawacyadda waawayn ku dhufataa amaanka iyo guud ahaan 
isdhexgalka bulsho iyo wada noolaanshaha.
Waxay saamayn ku leedahay siyaasada sportiga waxbarasha iyo  Dhamaan qaybaha kalee nolosha ee igu muhiimsan.
 
FIKRADAYDA TALEED
 
Waxaan anigu soo jeedinlahaa in lasameeyo la dagaalan wacyigalineed oo laga samaynayo goobaha dadku ku kulmo sida masjidyada maqaaxiyaha warbaahinta qaybaheedakala duwan jaamacadaha iyo iskuulda iyadoo layska kaashanayo dawlad iyo shacaba,
Waxaan been ahayn inaan arinkan bulshadu ku baraarugsanayn hadanay ay baanaan  tahay kaleenteedi ladagaalaneed,Lana soo nooleeyo bulsho ku dhisan fikir ah waxwada qabsi iyo iskaashi aqoon iyo kala dabayn. Gabagabadii Dhalinyarada waxaan kula talinayaa marka la yidhaahdo qolamaa tihiin inay yiraahdaan  
 WAXAAN AHAY REER CEERIGAABO WAXAAN KA AHAY REE SOMALILAND 
iyo gobalkii kalay ka soo jeednaba khayrbaan idiindhaafay—asxaaaabta 
 
BYE INA DHAGAWEYNE

Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles