Burco International Airport
Dundumada aboorkuna, Isku duubnidiisuu, Derbiyada ku taagaa, Danwadaagta beeluu, Qaraamaadka dayrtii, Marka doobi loo culay, Laga dhigo daf iyo midhiq, Baahi bay dabooshaa, Idinkuna dadkaygow, Haddii dollar iyo gini, Bilba lagu daldalo kiish, Marka laysku soo daro, Dayr iyo gu’ dabadeed, Burco dacalladeedii, Madaar dowliyaa jiri.
Waxaanu dhamaan bulshada Somaliland eek u dhaqan UK London la ogeysiinayaa in la qabanayo kulan loogu magic daray kulanka Burco international Airport . Kulankaas oo lagu qaban doono ciwaanka hoos ku xusan. Sidaas darted waxaanu dhammaan bulshada danaysa horumarka Somaliland iyo ka gobalka Togdheerba ka codsanaynaa in ay ka soo qeybgalaan kulankan…
Maalibnta Axada
Saacada 17:00 – 20:00
Madasha:
95 Bloemfontein Road
Egybtian House
Shepherd Bush
London
W12 &DA
Duni wada muraayada
1)Maraan xalay dream galay,
Iga biiyey daalkii,
Aan idiin dulxaadshee,
Idinkuna ducada iyo,
Ha rumowdo ugu dara.
Dooxadaa Togdheeroo,
Madaar dawliyoo wacan,
Laga furay daboolkoo,
Dayaaradaha waaweyn,
Dreamliner-tii iyo,
Airbustiiba degayaan,
Boqolaalna duuleen,
Boqollaal ka daranina,
Hungarrada dugsanayan,
Duddadana runway-yada,
Qaar kaloo diyaar ahi,
Queue dabada haystaan,
Duni wada muraayada,
Dabaqyada xafiisyada,
Adeegyada dadweynaha,
Qolal lagu daryeeliyo,
Loo daleeyey socotada,
Oo daawashada guud,
Dubai iyo Hetro-ba diray,
Anigoo dulmarayaan,
Durba soo baraarugay,
Daymadaa layaabka leh,
Dad samaystay baa jira,
Dayrow adduunyada,
Waxa diirad iyo qalab,
Lagu kala debberayaa,
Daayinkeen aqoontuu,
Ugu deeqay weeyaan,
Dadna uma gudboonee,
Dawladaa haruu maray,
Nimcaday ku daaqaan,
Rag u daadahshaa jira,
Dayaxii la dhaafyoo,
Xiddigtii dagaaraa,
Inta aalad loo diray,
Lagu duullimaad yahay,
Waxay doorkan culimadu,
Daraasaad ka qorayaan,
Bal in caalam dihin iyo,
Nolol kale la daah furo,
Ayaa loo dan leeyahay,
Afrikadan dambaysiyo,
Inta diirka madoweey,
Miyeynaan ilaa dura,
Hebel hebel ku duuliyo,
Awrka doohba dhaafayn.
Waxan uga dan leeyahay,
Nin kastoo dadaalaa,
Xaajigii dirdiran jirey,
Dacalkuu ka dhaafaa,
Dundumada aboorkuna,
Isku duubnidiisuu,
Derbiyada ku taagaa,
Danwadaagta beeluu,
Qaraamaadka dayrtii,
Marka doobi loo culay,
Laga dhigo daf iyo midhiq,
Baahi bay dabooshaa,
Idinkuna dadkaygow,
Haddii dollar iyo gini,
Bilba lagu daldalo kiish,
Marka laysku soo daro,
Dayr iyo gu’ dabadeed,
Burco dacalladeedii,
Madaar dowliyaa jiri,
Ee walaal rag iyo dumar,
Alla haydin daayee,
Maw diyaar garownaa. Tiriyay Xasan Macalin Qaasim
Togdheer Development Committee UK London