Diyaare suxuf Maxamed Ismaaciil Cuma(maxamed biid)
Wajaale-(Berberanews)-MagaaladaTog-wajaale oo ah xuddunta ganacsiga bariga afrika, isla markaana kutaala xadka udhexeeya Somaliland iyo ETHOPIA ayaa waxa ay nasiib uyeelatay sanadkan 2013 markii ugu horeysato yeelato 14jid oo casri ah isla markaana dhexmaraya qaybo kala duwan ee suuqyada Ganacsiga magaalada TOGWAJAALE magaaladan Togwajaale oo katirsan ama ugu mudan degmooyinka hoos yimaada GOBOLKA GAILY kuna taala dhulka carro sanka ah ee hodanka ku ah qadiimada ah wax soosaarka dalaga beeraha ayaa dhawrkii qarni ee lasoo dhaafayba ay ahayd xudunta ganacsiga isku xidha Somaliland koonfurta soomaaliya iyo Ethiopia iyo dalka djabouti.
Magaalada TOGWAJAALE oo sidaynu soo sheegnay ah magaalo ku caano maashay hodana ku ah Qaybaha kala duwan ee ganacsiga hadana waxaa kutaala Saylada ugu wayn ee Dibida laga dhoofiyo oo WAJAALE dhawr magac oo qadiimiya ayay kasoo digo rogotay sida 1)laanta curdinka 2)garoonka
Garoonka ayaa wakhtigan looyaqaanaa TOGwajaale iyo dakada qalalan ayaa waxaa lagu isticmaalaa dhawr lacagood oo ay kamid yihiin Sl,US$ dollar,etobiya Bir Dirham Faranka. Islamarkaana waxaa laga hadlaa qaybaha luqadaha kala duwan ee AFKA Somaliga,AMxaariga,OROMO,ENGLISH.
Magaalada wajaale marka laga tago qaniimada ganacsi. Waxay caanku tahay helista caanaha Geela oo sida la ogyahay 24saac laga helayo caano fresh ah oo xoorkii leh oo dhiilkii lagu soo lisay ee qoriga ahaa lagu sido,waxaana caanaha noocaas laga lisaa halkaliya ugu yaraan halmar 10litir oo caano ah, waxaa xusidmudan ma arkaysid Geel tirro balbadan oo kadareeraya duleedka magaalada balse waxaa laga lisaa caanaha intaa leeg Geel aan tiradiisudhaafin(xerro kasta)5 ama 4halaad oo fadhiga loogu adeego biyaha iyo cuntadaba fadhiga lagusiiyo waana sobobta keentay in halqudha laga liso 10litir ama 8litir marka aynu unoqono nasiibka ay maanta uheshay2013 in xuduntii ganacsiga ee togwajale yeelato ugu yaraan 14jid oo laami ah oo ka ugu yari yahay 150mitir ka ugu dheerina yahay 670mitir ayaa waxaa la odhan gi karaa waxaa ka hawgalay maa mulka degmada oo uu hormood kayahay Gudoomiyaha degmada togwajale, mudane xaashi,
Iyo gudida ganacsatada kala duwan ee togwajaale ee uu guddoomiye kayahay gudoomiye SH.yuusuf maxamed xasan(YUUSUF CALI) dib udhiskan casriga ah ee jidadka magaalada lagu dhisayo ayaa sida uu sheegay gudoomi ye yuusuf maxamed xasan ayaa waxaa labilaabay bishi march ee seddexaad 2012kii sh.yuusuf ayaa isagoo arintaa ka hadlaya wuxuu yidhi fikirkan iyo hamigan ah in Wajaale lagadhiso jidad noocan ah oo casri ah wuxuu ahaa mid qofkasta oo wajaale kudhaqan maskaxdiisa ku jirtay isla markaana jid la aanta magaaladu waxay ahayd carqalada kaliya ee gnacsiga hortaagnayd.oo warwar badani kah aystay qaybaha badan ee gaadiid layda xamuulka,waxa kale oo uu intaa ku daray
Sh.yuusuf oo uuyidhi
Markii aan dhinacwalba ka eegnay waxay katagi wayday in dhamaan bulshada Togwajaale ku dhaqaaqdo sidii ay uga qaybqaadan lahayd una dhigi lahay seeska dib udhiska jidadka cusub anagoo siwada jir ah gacmaha isku haysana maamulka dawlada hoose ee togwajaale wada jirna udhaqaajino wajiga hore,
Marka aanu horsed unoqono waxqabadkaas aanu xukuumada dhexana hordhigno sidaana lagu hawlgalo
Nasiib wadaag markaanu Gudoomiya wajaale isla garanay hawsha iyo sida loobilaabayo ayaanu ku dhaqaaqnay
Waxaanu gudoomiya ganacsatada Togwajaale SH.YUUSUF intaa kudaray in guud ahaanba 14jid ee dhexmara qaybaha kala duwan ee magaalada gabi ahaanba laqoday ciidii dhoobada ahayd iyo dhagaxa eelagu guru jury xiliyadii roobka oo aanu banaanka usaarnay waxaanu kubadalnay carada cad ee jidadka casriga ah lagu dhiso(carro kaawada)waxaanu u adeegsanay ruglay 20tan ah wayna dhamaystirtay
Maantana waxaanu diyaar unahay inaanu badhtamlaha bishan
Feberwari aanu dhigno laami casri ah macaal biyo mareeno casri ah,waxaanu intaa kudaray(kudhawaad 300,000dollar ayaa wajigii hore ku baxay,hawshan intii ugu badnaydna waanu kagudubnay anagoo iskaashiga ganacsatada iyo xukuumaduba kawada hawlgalney
Imikana waxaanu igubaaqanaa ganacsatada iyo xukuumadaba inay udiyaar garoobaan sidii hawshan wada jir loogu dhamaystiri lahaa ugu danbayn inta ka horeysa xili roobaadka insha allah,
Waxa kale oo uu mahad ujeediyada xukuumada iyo ganacsatada isagoo soo qaaday DAHABSHIIL ,TELESOM,MAXAMED AWSICIID .OOMAAR. BAXSANE IYO SHIRKADE DHEXE BAGAASHKA.waxa kale oo sigaara codsiga ugu jeediyay labada shirkadood ee INDHA DEERO IYO ALI MAAWEEL, oo aan iyagu nasiib ugu helin inay ka qayb qaataan wajigii koobaad,waxaanu usoo jeediyay inay usoo diyaargaroobaan oo qayb laxaadleh uga qaadan lahaayeen wajigan labaad ee jidadka casriga ah,waxa kale oo usilaxaadleh ugu mahad naqay gudoomiyihii hore ee golaha deegaanka GAILY,MR AXMED SAMIR,OOMAAR ,MSG isagoo sheegay inay qaybta ugu mudan kaqayb qaateen,OMINCO inay imikana keentay dekeda berbera daamurkii jidadka casriga ah,dhismahan jidadka ayaa noqondoona kii kasoo afjari doona warwarkii iyo walaacii gaadiidka xamuulka iyo ganacsatada 21 sano kaqabeen berbera ilaa Togwajaale,waxaa kale oo iyana lama huraan noqonaya dhismaha jidka u dhexeeya Togwajaale iyo kala baydh oo ah ku dhawaad 18km in xukuumada dhexe sida ugu dhakhsaha badan uga hawl gasho isla markaana rumayso,balan qaadyadii iyo dhagax dhigyadii dhawrka ahaa ee jidka doorashadii ka hor iyo kadiba,kuna darsato qorshaha mashaariicda wax qabadka ee sanadkan 2013ka taasi oo haday meelmariso samcad aan duugoobin ku yeelanaysa taarikhda hogaamineed ee jsl
Diyaare suxuf Maxamed Ismaaciil Cuma(maxamed biid)