Dadweynaha Somaliland ayaa soo dhaweyey bixinta derejada Ciidamadda Qaranka , taasoo ahay arrin muddo dheer la sugaayay madaxweyne kastaana doonaayay inuu talaabadaas hirgaliyo, Balse dhibaataadda hortaalay ee caqabada ku ahayd, ayaa ahyad habka loo qaybinaayo iyo halbeeg cabirka lagu eegaayo, biixnta derejadda si askari iyo sarkaalkasta darajadda la siinaayo u noqoto mid u qalanta oo si cadaalad ah u dhacdda.
Haseyeeshe bixintii derejada ee dhowaan madax weynuhu siiyay 12 sarkaal ayaa dad badani su’aalo iska waydiiyeen, habka loo xushay ma waxa lagu saleeyay, hab beeleed, Mise inta xialaka ugu saraysa haysa, mise aqoon iyo xirfad ciidamo, mise xulayfaysi iyo cid jaclaysi.
Hadal haynta ugu badan ee bulshadda dhexdeeda ayaa noqotay sababta sarkiishan lagu taxay darajadda looga dhex waayay, Col. maxamed Cabdi Dhancadde iyo Col. Cabdi samed Xaaji C/laahi Gam-gam, oo ah laba sarkaal oo rug caadaaya, oo aqoonta maliateri ee ay leeyihiin aanay jirin cid kaga horeysa, saraakiisha ciidan ee Somaliland , Islamarkaana loo qirsan yahay oo aan muran lahayn.
Col.Dhancadde hadda waa taliyaha ciidanka Qaranka ee Aaga Bari, waa sarkaal rug caadaaya, oo si weyn looga yaqaano goobaha ciidamadda ee soomaaliya iyo soomaaliland, waa nin lagu dhaato maalinta Adage e xaaladda Ciidan timaado.
Waxa uu ku guulaysta dhidib u taagida ciidamadda Qaranka ee Aaga Bari, wuxuu sameeyey Ciidan qaran oo, ay u dhamaystiran tahay, nidaamka ciidamo, ee kala damaynta iyo amar qaadaashada, wuxuu Dhancadde ku guulaystay inuu dhirbaaxo kulul gaadhsiiyo ciidamadii Puntland ee fadhiyi jiray Laas-caanod ,ugu danbayntii ku guulaysay inuu ka saaro Ciidanka Puntland gobolka Sool oo hada ay maamusho Somaliland, balse hore ay u maamuli jirtay Puntland.
Hadaba Col. Dhancade oo guulo taarikhi ah u soo hooyay Somaliland, ayaa nasiib daro noqotay in madaxweyne Siilanyo, kala ma suugay, inuu ka mid noqdo Sarakiisha darajadda Jananka uu u xidhay Balse waa mid taarikhdu u xusi doonto, waana la dareensayahay sababta uu kaga reebay.
Waxa xusid mudan in col.Dhancade markii lagu jiray hawlagaladii lagu doonayay in ciidamada qaranku ku gaadhaan magaalada Buuhoodle , taladii uu soo jeediyay Dhanacade oo wakhtigaa lagu gacan saydhay oo madaxtooyadu ka hortimi ,ayaa waxay keentay guuldaradii soo gaadhay ciidanka qaranka.
Geesta kale Col. Cabdi Samad, waa sarkaal Ruug caadaya oo ay wada qirsan yihiin sarkaashii iyo ciidamadu, waxaan ayaan daro noqotay in Col.CabdiSamed laga dhex waayo bixinta darejadda Ciidanka ee dhawaan Siilaanyo bixinayey hase yeeshe iyana way cadahay wixii lagaga reebtay.
Bal aynu sugno waxay ku biyo shubato bixinta Derejadda ciidanka ee Madaxweyne Siilaanyo bilaabay iyo waxa maxsuudkeeda danbe noqdo.
Waxaaan Qoraalkayga ku soo xidhayaa Arintani waxay ka dhigan tahay “Waxaba yaanu xoolona isiin,xeerna ii galin, Xaashee nin libin kaa xistiyay, xumihii waa yaab.”
Beel Daaje Deyr Maxamed Cilmi.