Faallo: Wariye Khadar Ali Hussein [Shiine] Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Qaaday Jidkii Ay Ku Halligantay Dawladii Uu Hogaaminayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.. Inta badan waxa iska caado ah inay ku dhaqaaqdo xukumad Afrikaani ahi hab-dhaqano xun iyo tallaabooyin baalmarsan shuruucda iyo qawaaniinta u degsan, dabarkana u ha. Iyadoo si jar iska xoornimo ama indho isku qabad ah u jabisa sharciga dalka u yaalla, taasoo aakhirkana dhaxalsiisa cidhib xumo aanay ka soo kaban karin. Waxa baryahan dambe isa soo tarayey tallaabooyinka quracan ee ay samaynayso xukumada uu hogaamiyo Madexweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], kuwaasoo guud ahaan shacabi weynaha reer Somaliland guddo iyo dibeddaba ku keentay u qaadanwaa. Ficilladdan ugubka ahi, una daran maqalka dadweynaha ay masuulka tahay, ayaa isugu jira sharci jabin toosa, xajiimayn, cambaarayn ay kula kacayso asxaabta mucaaradka ah iyo waliba Golaha wakiiladda oo ay dabadda ka riixayso, isla markaana ay hurinayso kuna shubayso basiin khilaafka cusub ee u dhexeeya Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda oo ku jooga cod dadweyne. Iyadoo ay badan tahay tallaabooyin sharciga baalmarsan iyo ficillada ceebaynta ah ee ay la dabagashay Xisbiyada Mucaaradkaa ee WADDANI iyo UCID, ayaan waxa aan soo qaadan doonaa dhowr ficil oo ay xukumaddu ku kacday dhowaanahan, kuwaasoo la arko inay ka shalayn doonto, kuna dambayn doonto gacan, dhafoor ku qabasho iyo qoomamayn, marka la gaadho doorashooyinka Madextooyadda iyo Baarlamaanka oo ay shacabka reer Somaliland caado u leeyihiin inay ugu abaal gudaan sidii ay ugu soo listay mudadii ay xilka haysay. Dariiqan cidhib xumadda iyo halaaga ahi maaha wax ku cusub maqalka shacabka reer Somaliland ee xalaasha, isla markaana jecel dalkooda, habeen iyo maalina heeganka ugu jira dhisida, horumarinta, ka midho dhalinta qadiyada aqoonsiga iyo ilaalinta qaranimadooda lagu waayey halyeeyo dalkan qiimo badan ku lahaa. Balse waa jid ay hore u martay Xukumaddii ka horeysay ee uu gadh-wadeenta ka ahaa Md Daahir Rayaalle Kaahin, taasoo dhaxalsiisay cidhib xumo iyo haraati daran oo ay shacabku ku dhufteen markii la gaadhay maalintii doorashadii Madextooyadda 26-kii June sannadkii 2010-kii, wakhtigaasoo shacabku afka ciida u dareen, kana aargoosteen xukumadii Rayaalle. Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay halkee ayey dadweynaha reer Somaliland ka qaniineen Xukumaddii Rayaalle, hadii aan ka jawaabo waxa kow laba ka ahaa. Markii ay xukumadaasi ay xidhay, isla markaana qufulweyn saartay Golihii Wakiilladda ee ay ummaddu soo dooratay hadhka cad, iyadoo si toos ah u jabisay shuruucda iyo distuurka JSL oo ay ku cad yihiin mihiimadda uu golahani dalka u leeyahay, iyadoo oo la ogaa inay dadweynaha reer Hargeysa u hiilyeen wakhtigaas shir-guddoonkii iyo xildhibaanadii dibed wareega ahaa, kuna dhinteen muwaadiniin. Sidoo kale, waxaanay shacabku dhegahoodu maqli karin asxaabta mucaaradka ah ayaa dalka burburinaysa, taasina waxay caado u ahayd Xukumadii Rayaalle oo iyadu markasta u jeedin jirtay dhaleecayn, cabaarayn iyo wanjalaad sal iyo raad toona lahayn asxaabtii mucaaradka ahayd ee UCID iyo KULMIYE, ficilladii xumaa ee ay xukumaddaasi ku wanjali jirtay asxaabta ayaa waxa ka mid ahaa waa argagixiso Xisbiyada mucaaradku, dalka ayey burburinayaan oo qandaraas ayey soo qaateen iyo qaranimadda Somaliland daacad kama ah. Iyadoo ay sidaas tahay, ayaa xukumada hada talada hayse ee KULMIYE martay jidkii noocaas ahaa ee galaaftay xukumadii ka horeysay, waxay bilowday inay shiidaal ku shubt khilaafka u dhexeeya shir-guddoonka golaha wakiillada ee salka ku haya isku shaandhayntii uu Guddoomiye Cirro ku sameeyey golaha uu guddoomiyaha ka yahay oo uu xaq u leeyahay inuu kala badelo. Waxaana laga dareemayey maalmihii u dambeeyey xarunta golaha iyo Madextooyadda dhaqdhaqaayo ku wajahan sidii looga horjeedansan lahaa isku shaandhayntaas, waxaanay u adeegsantay xukumadu xildhibaanadeeda KULMIYEYSAN ee ku hungoobay inay xilal ka qabtaan guddi hoosaayada cusub, kuwaasoo u badan qaar sideedii sanno ahaa guddoomiyeyaal. Waana ficil cid gaar ah loogu raadinayo xil. Sidoo kale waxay xukumadani kula mataanowday tii ka horeysay ficillada xun ee ay ka mid yihiin arinta qandaraas burburin ah ayey soo qaateen mucaaradku, sida ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde oo uu wanjal ma dhalaysa lana soo arkay cidhib xumaantiisa, kaasoo yidhi dooda qaran ee ay waddaan labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI waa qandaraas ay ka soo qaateen dawlada Somaaliya, taasoo xisbiyaduna si cad u sheegeen in aanay waxba ka jirin arintaas. Haddaba waxay eegnaa bal waxay faa’ido xukumadani jidkii galaafay xukumadii ka horeysay, taasoo shacabkii iyo fartoodiina diyaar tahay. Khadar Ali Hussein [Shiine] E-mail: khadarshiine012@gmail.com. Hargeisa/Somaliland.
↧
faallo Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qaaday Jidkii ayku fashilantay dawladii ka horraysay
↧