Berberanews-Tabashooyinka dhalinyaradda ee xaga shaqo doonta ma yara, haddii aad la sheekaysato waxaad dareemaysaa niyad jab iyo calool xumo xad dhaaf ee ay ka tirsanayaan madaxdoodda iyo shirkadaha wadaniga ah ee wadanka ka shaqeeya.
Inta badan dhalinyaradda marka ay ka sheekaynayaan dhacdooyinka ay kala kulmaan shaqo raadinta waxay dhalinyarada u leedahay laba Faa’iido, Ta kowaad waxay ku dawaynayaan ka sheekeyntaasi naftooda oo waxoogaa waxay qaadanaysa raaxo, iyagoo u arkaya inay dawo u tahay ka sheekaynta, ta labaad waxay u tahay khibrad iyo waayo aragnimo, marka uu nin waliba ka sheekeeyo dhibaatooyinka uu kala kulmay goobihii uu shaqadda u raadsaday, waxaanay mid waliba niyada ka odhanaysa ilayn cadaalad darada waa lagula qabaa, taasina waxay qofkii ka ilaalinaysa inuu quusto oo uu nolosha ka dhaco, maadaama oo wax lala wada qabo tahay oo aanay kaligii ku ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, Xeyndaabka iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan xafiisyada ay u arkaan inay fursado shaqo yaalaan ama shaqooyin lagu sheego fursadaha shaqo ayaa waxa fursad kasta kaga horeeya dad ay wadaan Suldaan ama Siyaasi ama xildhibaan, taasina waxay keentay inay dhalinyaro badan oo aan saaxiib dhow la lahayn madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta dushooda ku murma aanu fursad shaqo heli Karin.
Sacad waxa uu ka mid yahay dhalinyarada magaaladda Hargeysa ee sida weyn uga cawdo shaqo la’aanta iyo eexda iyo qabyaaladda la isku shaqaalaysiiyo, waxa uu ujoogay dhacdooyin badan oo meelaha shaqooyinka laga xayeysiiso kala kulmay, waxa uu ii sheegay in maalin isagoo ka mid dhalinyaro xaraystay shaqooyin ka banaan dawlada inuu xafiiskii Hay’adda shaqaalaha soo galay wasiir ka mid ah wasiirada ugu awoodda badan xukuumada, taas oo dareengalisay in wasiirkaasi u socdo kolay inuu dad hoosta ka wato.
“Anigoo jooga hay’ada shaqaalaha oo lagu soo xayeysiiyey shaqooyin ayaa waxa soo galay xafiiskii wasiir lagu tiriyo inuu yahay wasiiradda awoodda badan ku leh xukuumadda , waxaan dareemay in uu wasiirku u socdo inuu dad shaqaalaysiiyo ama loo fududeeyo sidii ay shaqo ku heli lahaayeen, waxaan si kadis ah u galay xafiskii uu galayey, markiiba dadkii meesha joogay way u sara kaceen si ay soo dhoweeyaan wasiirka, nasiib daro ana imay suuragalin inaan xafiiska gudaha usii galo, anigoo doonaya inaan ogaado waxa uu u socdo, cadhadii aan ka qaaday wasiirkaa ayaa magacaygii oo ku jira liiska la soo dhajiyey ee imtixaanka galiyey aan garan waayey oo aan arki kari waayey, ka dibna waan iskaga tagay oo rag kale ayaa isoo sheeegay in magacaygu jiro, laakiin waxaan dareemay kol hadii wasiirkaasi socdo in aan niyada galin in shaqadaasi heli karo sidiina way udhacday”ayuu yidhi Sacad oo iga waramayey niyad jabka uu kala kulmo goobaha dawladda ee shaqooyinka uu ka raadiyo.
Wiil kale oo isna magaciisa igu sheegay Maxamed ayaa isna ka sheekeeyey arrin uu kala kulmay xafiiska, waxaanu yidhi “ waxaan laba bilood daba socday sidii aan ku arki lahaa nin wasiir ah, waliba waa wasiirada shaqaalaha u badan qorta inta badana dhalinyaradu ku mashquulsantahay sidii ay ula kulmi lahaayeen si ay shaqo uun uga helaan, waxaan soo kaxaystay nin macruuf ah laakiin wasiirkan aanay garasho badan isku lahayn si uu wasiirka iga dhameeyo shaqooyinka, aniga iyo ninkii muddo laba bilood ah ayaanu raadinayney oo maalin kasta lixda subaxnimo iman jirnay, wakhti badan ka dib waxaanu helnay wasiirkii, wasiirkii markii aanu arrintii u sheegnay waxa uu nagu qoray buug hor yaalla, CV-giina wuxu yidhi u dhiiba xoghayihiisa, laakiin waxa markii dambe la ii sheegay inay wasiirku isticmaalo laba buug, ka uu doonayo inuu qofka uu shaqalaysiinayo ku qoro buug iyo mid kale oo uu qofka aanu dooneyn ku qoro balse ku qancinayo isaga iska dhigaya inuu qorayo, ka dibna iskaga riixa xogheynta, waxaana dareemay markii dambe inuu igu qoray buuga qancinta qofka aan la dooneyn”ayuu yidhi Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada sheekooyinka cajiibka ah kala kulmay shaqo raadinta.
Goobaha sidan oo kale ka dhaco maaha oo kaliya goobaha dawladda waxa ku jira shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadanka, waxa dhalinyaro badan aad uga cawdaan in masuuliyiinta leh shirkadaha waaweyni ay dad aan aqoon lahayn ku qasbaan inay tobabar shaqada xafiiska siiyaan, isla markiina laga saraysiiyo ama booskiiba looga qaado.
Mid ka mid ah dhalinyarada sidaasi ku dhacay ayaa iga waramay qiiso ku dhacday, waxaanu ii sheegay in shirkad uu ka shaqaynayey Nin dhalinyaro ah loogu keenay xafiiskiisii si uu u tobabaro, ka dibna markii muddo joogay ee uu isha u furay si cad loogu yidhi shaqadii waanu ka joojinay ka dibna ninkii uu waxbarayey loogu bedelay, isaga oo aan loo sheegin sababta loo eryey iyo dambiga uu siiyey, balse masuulka sare ee shirkadu uu nin ay isku reer yihiin ugu bedelay ninkii meesha ka shaqaynayey ee aqoonta u lahaa, isagoo door biday in nin barbarad ah u shaqeeyo kana maarmay kii aqoonta lahaa.
Barkhad-ladiif M. Cumar
E-mail:barkhadladiif@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland
La soco…