Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Degmada Gabiley waa in KABAHA laga xereeyo hadday doonayaan in Madaxweyne Siilaanyo yimaado‏

$
0
0

Salaan iga gudooma saxaafada iyo shacabka somaliland .Taariikhdu waa diiwaan qormaya waqtiga ayaana u markhaatiya.Somaliland oo dhami waxay daawatay  sidii karaamada ka aradnayd ee milgaha bani aadan nimada ka baxsanayd  ee shacabka degmada Gabiley Madaxweynaha la doortay Axmed Siilaanyo ugu soo dhaweeyeen KABAHA XAARAANTA ah taasoo aan hore uga dhicin degmo Somali degto noqotayna taariikh madaw oo Degmada Gabiley ku suntan kuna kasbatay in shacabka somaliland ugu yeedhaan degmada KABO KU SALAAN.

Madaxweyne Siilaanyo oo ah siyaasi ruug caddaya waayo aragnimo badanna u leh sida loo furdaamiyo cidii ka
hor timaada siyaasadiisa  ayaa dhirbaaxooyin is daba jooga ku dhuftay bulshada degmada Gabiley iyo siyaasiyiintooda,god madawna biyo ugu shubay.Aan soo qaadanno hawl galada uu ilaa hadda ku  fuliyey :

1-General Nuux Taani oo lagu shaanbadeeyey dhagartii iyo dhiigii Seemaal,xilkiina uu ka xayuubiyey
2-General Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo xil ka xayuubin lagu sameeyey, isagoon salkaba dhigin
3-Boobe Yuusud Ducaale oo si bilaa karaama uu xilka uga xayuubiyey kuwii uu Boobe shaqada ka eryeyna la dalacsiiyey
4-Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacade),oo loo xidhay  dhagartii Seemaal markii uu soo daayeyna
xil kale u dhiibay balse daruurtii dhagartii Seemaal weli dul hoganayso

Taa waxaa daba socday in dhawaan markii Siilaanyo ka soo qayb galayey munaasabadii ardayda ka qalin jabisay
jaamacada Camuud ee magaalda Boorama   uu soo noqodkii  shacabkii degmada Gabiley ee u taagnaa soo dhaweytiisa ee tubnaa dariiqa hareerihiisa uu muraayadihii ka dalacday xawaarana baabuurtii siday ku dhaafeen.

Balse tan maanta dhacday ayuu ugu quus gooyey degmada Gabiley (KABO KU SALAAN) ka dib markuu Siilaanyo mar maaha,oo laba maaha , oo saddex maaha  ee  markii afraad uu ka cudur daartay inuu kala qayb galo munaasabada ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Timacade oo  ciil iyo cadho ka qaadeen.Ninkaan tashan in loo taliyo  oo sidii xoolaha hogaanka lagu hayo waa lama huraan waayo Lax waliba halkay is dhigto ayaa lagu qalaa.

Madaxweyne Siilaanyo haddii uu Gabiley yimaadana wax ay Degmada KABO KU SALAAN (GABILEY)
u soo kordhinaysaa ma jirto balse aan ahayn maah maahdii ahayd ” ciyi waa ka baryey , ninkii cunay baa ka liita .”
Gabo gabo, Degmada Gabiley waa in KABAHA laga xereeyo hadday doonayaan in Madaxweyne Siilaanyo yimaado.

Amiin Adan Axmed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles