Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Qormo Muhiim ah: Saxaafadda iyo Saxafiga Qalinka: Axmed Cisman Batuun

$
0
0
Waa saxafi ka hawlgala caasimadda Somaliland, wuxuu ka mid yahay da’yarta ku soo jiray mihnadda saxaafadda muddo dheer, wuxuu ku soo shaqeeyay duruufo kala duwan, isagoo marar badan la kulmay caqabado shaqo iyo kuwo shakhsi. Waxa la isku raacsan yahay inuu ka mid yahay weriyeyaasha lagu yaqaan akhlaaq-wanaagga iyo odaynimada da’diisa iyo hab–dhaqan bulshadu aanay […]

Nidaamka siyaasadeed ee Somaliland ku socotaa maaha mid mustaqbal wanaagsan soo sida

$
0
0
Bishii sadexaad ee sanadkii 2017 ayey ahayd xiligii aan maqaal ka qorey san-saantii iyo hab dhaqankii ay siyaasada Somaliland waayadan dambe u xuub siibatay oo ahaa nidaam qabyaalad qaawan ah waxaana uu qoraalkaa cinwaankiisu ahaa ( Tartanka Reeraha iyo Talo xumaanta qarniga 21aad ) waad heli kartaa hadaad Google ka baadho. Nidaamka siyaasadeed ee Somaliland […]

HAYADA NRC OO NOQOTAY XARUNTA MUSUQA, QABYAALADA,BURBURINTA HORUMARKA, IYO NIYAD JABINTA MUWAADINIINTA

$
0
0
Waxaan idiin sheegayaa wax dadka badankiisu ka wada dharagsan  yahay ayaan inta aan ogayn iyo inta madmadow kaga jiroba u iftiiminayaa, arinkaas oo ah in hayadaha wadanku badidoodu aanay ku shaqayn sidii wadamadii soo dirsaday ee meel dhexe wax laga badalo taas oo ah in marba cida madax ka noqotaa ay ku takri fasho oo […]

DAGAAL-QABOW OO DIB UGA CURTAY DALKA SHIINAHA, IYO SOMALILAND.

$
0
0
Qoralkani waxaan doonaya in aan kaga hadlo xidhiidhkaSomaliland iyo Taywan, iyo sida labada dhinacba uga faa’idilahaayeen. Haddaba, inta aanan xidhiidhka Taywan iyoSomaliland ka hadlin, waa in aynu fahano waxa la isku hayo. Boqortooyadii ugu danbaysay ee Shiinaha (Qing dynasty) waxaala riday sanadkii 1912, dhidibada loo tagay jamuuhriyadaShiinaha (Republic of China), Sun Yat-Sen noqdaymadaxwaynihii ugu horeeyay. […]

HIRDANADA QUWADAHA ADUUNKA EE QAARADA AFRICA IYO GOBOLKA GEESKA AFRICA

$
0
0
WALI MA ISWEYDIISAY SABABTA KEENTAY IN ADUUNKU INDHAHA KU HAYO AFRICA IYO GOBOLKA GEESKA AFRICA ? Waa su’aal qofkasta oo la socda xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa iyo Guud ahaan siyaasada aduunkuba isweydiinayo ? Qaarada Africa guud ahaan waa qaarad ka ka kooban shan gobol oo kala ah Afrikada Bari , Afrikada waqooyi Afrikada […]

Hambalyo: Musharax Aqoonyahan Maxamed Cabdilaahi Cilmi ( Maxamed Case ).

$
0
0
Waxa aan halkan hambalyo mug iyo miisaanle uga dirayaa, Aqoonyahan Maxamed Cabdilaahi Cilmi ( Maxamed Case ) Oo ku dhaqaaqay inuu yahay Musharax U taagan islamarkaana u Tartamaaya Maayarnimada Magaalada Berbera. Aqoonyahan Maxamed Cabdilaahi Cilmi ( Maxamed Case) oo kamida dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee dalka dibadiisa wax kusoo baratay ee kasoo jeeda Degmada berbera . […]

DHAQAALAHA TAYWAN IYO MAXAY SOMALILAND KA FAA’IIDAYSO XIDHIIDHKA TAYWAN?

$
0
0
Taywan waa dal yar oo sida Somaliland Ictiraaf calamiya haysan, lakiin dalal badan xidhiidh dhaqaale iyo siyaasadeeba la leh. Baasaboorka Taywan dalal badan ayaa aqoonsan, oo lagu tagaa. Teeda kale, waa dalka sagaal iyo tobnaad (19) ee calamka ugu dhaqaala wayn ama GDP-PPP waa US$1.34 Trillion. Taywan waxay ka mid tahay afarta dal ee dhaqaalahoodu […]

Sheekada Saami qaybsiga iyo xalkeeda

$
0
0
Dooda saami qaybsiga xubnaha golaha wakiilada waxay u baahantay si dhab ah oo cilmiyaysan in loo lafaguro dabadeedna go’aan ama qiyaas cadaalad ku dhisan lagu saleeyo oo aanay noqon beelaysi iyo olole damac ku jiro ee ay noqoto nidaam iyo habraac siman. Sida qudha ee saami qaybsi xaq ah loo samaynkaraa waa iyadoo TIROKOOB GUUD […]

Reer Awdal ma xuquuq baa ka maqan mise dheeraad bay raadinayaan?

$
0
0
Cumar Axmed Cali. tabashooyinka  sami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee  Somaliland, waxay ka imanaysaa sedddex  jaho oo kala ah:-  dadka laga tirada badan yahay, dumarka iyo gobolada  aan ku qanacsanayn tirada xubnaha  golaha  wakiilada ay hadda ku haystaan. Waxaan se halkan si kooban isu-dultaagi doonaa haddii Alle idmo tabashada gobolka Awdal. Gobolka awdal waxa uu ka […]

Guddida caddaalada jsl oo sannadka samaysay musuqmaasuqii ugu waynaa

$
0
0
Guddida caddaaladda jsl oo ah halkii loogu soo eeranlahaa caddaalad , maamul wanaag iyo hufnaan  ayaa waxa uu noqday sannadihii u dambeeyey xarunta musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta iyada oo aanay jirin cid la xisaabtanta  . Halkan waxaan ku soobandhigayaa qaar ka mid ah musuqa ay guddidu samaysay:- 1- Miisaaniyaddii maxkamadda sare loo qorsheeyey inay […]

Dowlad-aloolkii Soomaaliya iyo Doodii Dhuusomareeb.

$
0
0
Waxa maalmo Ka hor soo xidhmay shirkii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb ee Dawlad Goboleedka Galmudug, oo ay dhawaan Ku dooyeysteen Shanta Dowlad goboleed ee Soomaaliya iyo Xukuumada maqaar-saarka ah ee Farmaajo. Magaalada Dhuusomareeb oo ah magaalo nabdoon oo kaladanbayn iyo haykal dawladeed leh, sidda awgeed waxay kasbatay in ay kulmiso dowlad gobaleedadii Soomaaliya oo idil, […]

Xeer ay Dowladda Maraykanku Dhaqan-gelisay oo Faa’iidooyin Kala Duwan u Yeelanaya Somaliland

$
0
0
Faalo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Dowladda Maraykanka, ayaa si buuxda u dhaqan-gelisay xeer muhiim ah oo faa’iido dhaqaale, diblomaasiyadeed, amni iyo iskaashiba u yeelan kara dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sidoo kale uu xeerkaasi ka dul-qaadi karo Somaliland culays kasta oo kaga yimaadda dalka Shiinaha oo u muuqda inuu isku deyayo sidii uu meesha uga […]

Saadaasha siyaasadda Geeska iyo saamaynta Somaliland

$
0
0
(Waxa laga yaabaa in uu dhowaan Hargeisa iyo Muqdisho isku maro raisal wasaaraha Ethiopia ,  sidoo kale wafti sare oo Madaxwayne Ordogan u gogol xaadhayana waa la filayaa iyagana ) Waxa aad moodaa in Somaliland ay isbadel mug leh waxna iyadu siyaasadeeda arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ku sameysay waxna uu wakhtigu keenay marka […]

Tartanka quwadaha adduunka ee Afrika iyo Marin-biyoodka Badda Cas

$
0
0
Waa maxay sababta ay dawladaha aduunku u danaynayaan Africa, Geeska Africa iyo marin biyoodka badda cas ? Waa su’aal qofkasta oo la socda xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa iyo Guud ahaan siyaasada aduunkuba isweydiinayo ? Qaarada Africa guud ahaan waa qaarad ka  kooban shan gobol oo kala ah Afrikada Bari , Afrikada waqooyi Afrikada […]

Abiy Ahmed: Midho Guntiga Kuugu Jira Looma Daadiyo Midho Geed Saaran

$
0
0
Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed wuxuu aamminsan yahay Soomaaliya oo xasillooni lagu soo dabaalo in dalkiisu dhaqaale ahaan ka faa’iidaysan karo iyo in muwaadiniintooda 100 milyan kor u dhaafay ay fursado shaqo ka heli karaan haddii ay meel mar noqoto siyaasaddiisa is dhexgalku, waxa kale oo uu aad u danaynayaa […]

Bandhiggii Hayb-sooc oo murugo isku baddelay

$
0
0
Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa bandhigga noo furfuray oo maanso kooban madasha ka tiriyay iyo xilgii barnaamijka hay-bsooc uu bilaabay. Aqoonyahan Barkhad Jaamac Batuun ayaa qiso murugo leh dadka la wadaagay, waxana uu yidhi ” Anigoo jaamacada Hargeysa dhigta kuliyadda shareecada ayaa macallin cashar noo dhigayay, tusaale u soo qaatay haddii qof Addoon ahi qof kale […]

DADWAYNUHU HA CODEEYO 2021 KUWA INOODIIDAN WAA CADAW INA TIJAABIYAY WQ YUSUF OMER

$
0
0
Dalka soomaaliya waxaa iskaleh soomaali.waa dal qani ah oo dunida cid walbaa ogtahay,hayeeshee dadka dalkaan iska leh ee soomaaliyeed ayaan wali u gudbin in ay kafaa iidaystaan dhulkaa illaahay siiyay ee hodanka ah.dhibka uugu waynina waxaa weeye waa dal aan lahayn dawlad hanatay bad iyo bari iyo cirba.sida culimada aduunka iyo aqoon yahanadu qabaan guud […]

Qaran Billad loo bixiyo iyo Qudh-gooye taalo lasaarto!

$
0
0
Sida lawada ogsoon yahay Aduun weynaha ruuxii muujiya Karti, wax qabad, geesinimo iyo wax kastoo wax Ku ool ah ama wax qabad ah oo uu faciii dheeri muujiyo waxa uu kasbadaa bilad lagu maamuuso oo lagu sharfo taas oo abaalmarin ahaan loo gudoonsiiyo, siddoo kale wixii ah wax tar ama wax qabad, naf hurid iyo […]

ISBEDALEDA SIYAASADA EE GEESKA AFRICA IYO ISKU-EKAANSHAHA TAARIIKHDA !!!

$
0
0
Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxa uu noqday oo uu Madaxwaynihii dawlada kumeelgaadhka ahayd ee Somalia mudane sheekh shariif u magacaabay Raisal wasaare dhamaadkii bishii oct 2010. Waxaa uu baarlamaankii dawlada kumeelgaadhka Somalia ku ansixiyey 31-Oct -2010 cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Khilaaf soo kala dhex gallay isaga iyo […]

GOLEYAASHA XEER DEJINTA DALKA WAXA AAN LEEYAHAY CIMRIGIINA OO TAGEY CEEB HA KU SAGOOTIYINA , EE HUBSADA XEERARKA IDIN HORYAALA !!!

$
0
0
( Kooto loo xidho haweenka iyo beelaha la hayb sooco waxa aan u arkaa takoorkii iyo diidmadii dhaqan ” Culture Barriers ” ku hayey dadkaasi oo la sharciyeeyey , maadaama saaxada siyaasadeed ee dalku tahay mid furan ) !! Nidaamka siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyada Somaliland u yaallaa qof iyo qabiil midna waxba uma diidana ee […]
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live