Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Dagaalkii Beder, Q. 1aad

$
0
0

Assaalamu Calaykum,

Ramadaan Wacan Walaalayaal,

Bisha Ramadaan waa bishii muslimiintu guulaha taariikhiga ah soo hooyeen,waana bisha aad ka warhaysaan in gaajo iyo haraad lagu suganyahay,iyadoo taasi jirto ayey muslimiintu safar dheer iyo daagalo joogta ah gali jireen,halka dadka maanta jooga ay la diifsanaadaan  gaajada iyo haraadka.

Dhacdooyinkii bishan ramadaan kuwii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa dagaalkii Beder ee muslimiintu jabka weyn ugu  gaysteen qooryaweyntii quraysheed.

Dagaalka Beder wuxuu dhacay maalin isniin ah sanadkii labaad ee hijriga todoba iyo tobankii bisha ramadaan.
Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee markuu ogaaday in ganacsi ay leedahay qurayshi ka soo socdo dhanka Shaam, uuna hoggaaminaayey Abii Sufyaan Ibnu Xarbi wuxuu Rasuulku SCw go’aansaday  inuu weeraro si uu nimankii quraysheed awooddooda dhaqaale u dhulka ula simo.
Waxaa la socday  ganacsiga afartan ilaa sondon dagaalyahan.
Nebigu SCW wuxuu u sheegay saxaabadii warka soo dhacay wuxuuna ku yidhi”Tani waa ganacsigii quraysheed waxaana ku jira xoolohoodii ee u soo baxa Ilaah inuu idiinku guuleeyaa lagayaabaaye”.
Sidii ayuu rasuulku scw ku soo saaray saxaabo ka kooban sadex boqol iyo afar iyo toban ,waxayna wateen todobaatan geela iyo laba faras.Waxaa la sheegaa in sadexdii saxaabiba hal geela iskaga degdegaayeen,Nebiga, Cali iyo abuu lubaaba ayaa hal geela u kala degdegaayey.
Abu sufyaan oo ahaa hoggaamiyihii ganacsigu  wuxuu ahaa  fariida jidka dhibkiisana wuu ka warhayey,dadka deggan waddadana wuu warasanaayey ilaa uu markii danbe ogaaday soo bixitaanka rasuulka iyo saxaabada.
Wuxuu kiraystay nin la odhan jiray Damdam bini camar sii uu qayla dhaanta u gaadhsiiyo nimankii quraysheed,sidii ayuu Damdam quraysh ugu dhex dhacay warkiina ku wada gaadhay,markaasey isa soo uruursadeen dagaalna iclaamiyeen,waxay se ka baqeen inay magaalada Makka u soo dabamaraan reer Bakri oo ay ka dhexaysay cadaawad ragaadday,laakin waxaa Suraaqa ibnu maalik iskaga soo dhigay Shaydaankii markaasu yidhi”Anaa idinkaga filan in reer Banii Kanaana dhabarjabin idinku sameeyaan ee gala dagaalka “.
Qabiiladii quraysh oo dhan ayaa dagaalka u soo baxay qabiilkii reer Cadiyi mooye,waxayna soo uruursheen ciidan gaadhaya kun dagaalyahan oo aad u qalabaysan waxaan ciidanka hoggaaminaayey Abuu Jahal.
Markuu ogaaday abu Sufyaan in jidka loo galay isagoo khibradiisa iyo fariidnimadiisa adeegsanayaa ayuu go’aansaday in uu qaafilada badbaadiyo markaa wuxuu qaaday jid aan ahayn jidkii hore dhaankaas iyo xeebta ayuu u weecday wuuna badbaadshay ganacsigii.
Wuxuuna warqad u diray ciidankii warqadaas oo xanbaarsanayd in uu nabad galay ganacsigii ayna iska noqdaan ileen waxay u soo baxeen iney badbaadshaan ganacsiga ee.
Arintaas waxaa ka soo horjeestay abuu Jahal wuxuuna yidhi”Walaahay noqon maynu ilaa aanu beder gaadhno,oo geel ku qalqalano ,habluhuna noogu heesaan ,carabna warkayagu gaadho markaas sidaas inagaga baqaan”.
Waxaa kaliya oo noqday qabiilkii la odhanjiray reer Suhra.

Rasuulka iyo asxaabtii
Muslimiintu ma filayn in dagaal dhacaayo waayo hadday ogyihiin waa u soo diyaarharoowi lahaayeen.
Markii rasuulka warku soo gaadhay,loona sheegay in ganacsigii nabadgalay qurayshina isa soo uruursatay iyagoo dagaal u diyaara ,Nebigu scw wuxuu soo uruurshay asxaabtii markaasu ku yidhi”Waar dadyahow ila taliya?”.
Waxaa hadalka bilaabay abiibakar sifiicanna wuu u Hadlay, Cumar iyo Miqdaadna sifiican ayey u hadleen.
Haddana Nebigu wuxuu yidhi”Waar dadyahow ila taliya?”
Sacad Binu Macaad ayaa hadalka qaatay oo ahaa reer ansaari markaasu yidhi” Rasuulkii ilaahayow waxaad moodaa inaad annaga noo jeedo”Reer Ansaar”?
markaasu rasuulku yidhi”Waa run”.
Wuxuu yidhi Mucaad”Waanu ku rumaynay misaanu kuu run sheegnay,waxaanu markhaati ka noqonay waxaad la timid inuu yahay diin dhab ah markaasaanu kula galnay heshiisyo ku dhisan inaanu ku addeecno kuna maqalno,Rasuulkii ilaahayow ku soco waxaad qorshaysay ,waxaan ku dhaartay ilaahii xaqa kugu soo saare haddaad badda nagu shubto hal qof naga hadhimaayo,mana necbaysanayno in aanu berri cadawgayaga la kulano,dagalkana waanu ku sabri naqaan cadowgana kama cabsano waxaannu rajeynaynaa in ilaahay naga kaa tuso waxaad ku faraxdid ee barakada ilaahay ku soco”
Wuu ku farxay rasuulkii SCW hadalkii Mucaad markaasu yidhi”Socda oo bushaaraysta ilaahay wuxuu ii balanqaday labada kooxood mid ee”. La soco Q.2aad

Cabdinaasir Xasan Macallin

Zudaizi2020@gmail.com

+252634136953


Maxaad Ka Taqaanaa Hanti Dhawre Cali Bilyan, Taariikhdiisa Iyo Qaabka Uu Wax U Baadho + Sirta Ka Dhexaysa Axmed Dirir. Q: 4-Aad

$
0
0

Waxaan aad u jeclaystay inaan bulshadda la wadaaago maqaalo taxane ah oo aan isleeyahay ku lafo gur, islamarkaana bulshada fahamsii shaqsi si layaableh intii ay Somaliland jirtay uga dhex shaqaysanayay Hay’adda Hanti dhawrka qaranka Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), kana mid ah shaqsiyaadka bahdilay ee madaxdii kala dambaysa ee Hay’addaasi soo maray ee baray laaluushka, waxa uu aad u yaqaanaa oo uu bartay qaabka loo Cabsi-maalo madaxda dawladda iyo sida Madaxda kolba ugu timaada Hay’addaasi sida loo hanto, isagoo ku xididaystay Hay’addaasi islamarkaana waxaan tusaalayaal u soo qaadan doonaa baadhis layaableh oo uu sameeyay, qaar uu ku fashilmay iyo qaar illaa maxkamad lala tagay oo uu ku ceeboobay, waxa kale oo aad ku arki doontaan taxanahan Hay’addo gaar ah oo uu Mushaharooyin ka qaato oo uu maalo, iyo sida uu u fashiliyo shaqada hanti dhawrka ee uu isku soo oodo.

Taariikhdiisa.

Cali Sheekh Maxamed Axmed(Cali Bilyan) waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka HARGEYSA, Gaar ahaan waxa ay hayb wadaag yihiin oo ay isku beel kasoo wada jeedaan Madaxweynaha Hadda Talada Dalka haya, waxa ay walaalo yihiin Haweenayda iyadduna intii ay Somaliland jirtay haysata Xafiiska Maamulka iyo Lacagta Golaha Guurtida oo aanay waligood hanti dhawrku galin, lana baadhin. Waxa uu Shaqadda Hanti dhawrka bilaabay bilawgii Aasaaskii Hay’addii markii la unkay, isagoo xilal kala duwan oo agaasime Waaxeed kasoo qabtay, balse waxa uu yahay masuulka keli ah ee fahmay islamarkaana ku mabay shaqadan isagoo caan ku ah Cabsi ku maalka Hay’addaha Qaranka, heshiis la galida Madaxda kolba meesha hanti dhawrku galo haysata, iyo inuu si hoose lacago laaluush ah uga soo qaado. Waxa kale oo uu qaabilsan yahay inuu ceebeeyo kolba Hay’adda ay baadhaan ee laaluush bixin wayda isagoo Buuggaa foljari ah jeebka ku qaata islamarkaana ku dhex daadiya Kolba halka ay baadhaan ee laaluush ogolaan wayda si uu u ceebeeyo, waana arimaha la ogaaday ee uu ku ceeboobay.

Akhri Layaabka Dhacdadan: Sanadkii 2012-kii, waxa dhacday in hanti dhawrka qaranku galay, islamarkaana uu baadhis ka bilaabay Kastamyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Waxa Kooxdii Baadhistaasi waday madax u ahaa Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxa waktigaasi Hanti dhawrka Haystay Maxamuud Dheere oo aan shaqadda inta badan ku fiicnayn una daba fadhiisan jiray Masuuliyiin uu Cali Bilyan ka mid ahaa, taasi oo sahashay in maamul Xumo iyo hawlgab dhinaca Shaqada ahi ku dhacdo Xafiiska Hanti dhawrka. Waxa dhacday Wakhtigaasi in Baadhistaasi oo ay sameeyeen Koox uu Cali Bilyan Hogaaminayay in Cali Bilyan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Kastamka Kalabaydh u qaabiyo buugggaag (GR) fool jari ah oo baalmarsan nidaamkii Wasaaradda Maaliyadda kuwaasi oo lacag loogu ururin jiray Hanti dhawrka.

Waxa arintii soo helay Xafiiska baadhista Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda oo uu wakhtigaasi madax ka ahaa nin layidhaa Khadar Indho Leeb, waxa arintii loo xidh xidhay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii uu Cali Bilyan hawsha gaar ka ah u igmaday, waxa la isla galay Maxkamadda waxaanu kiiskaasi Muddo ka socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Arimaha layaabka leh waxa ka mid ah in Cali Bilyan iyo Hanti Dhawrihii Guud Maxamuud Dheere ay Maxkamadda ka difaacayeen Shaqaalihii Buugta (GR) Fooljariga lagu soo qabtay, waxaana halkaasi ku kala cadaatay halka ay buugtaasi ka yimaadeen iyo inuu Cali Bilyan hawsha si gaar ah u fuliyay oo ay mid tahay shaqooyinka uu ka faa’iiday ee uu lacagta ka helo. Waxaanay tani ka mid taha shaqo maalmeed Cali Bilyan ee bahdilay islamarkaana sharafta ka qaaday Hay’adda Hanti dhawrka,waana caado illaa maanta uu ku dhaqmo oo lagu bartay.

Waaxda Baadhista Wasaaradda Maaliyadda ee loo yaqaan (Internal Audit) oo uu Khadar Indho Leeb madax ka ahaa ayaa baadis xeel dheer ku samaysay Buugtii Fooljariga ahayd ee uu Cali Bilyan sheegay inuu Xafiisyadda lacagta ee Kastamyadda uu dhex dhigtay waxaana aakhirkii dhacday in la ogaaday in la buugaag badan oo kale la dhigtay kastamada kale ee wadan kuwaasi oo lacag lagu urursanayay islamarkaana uu ka dambeeyay Cali Bilyan. Waxaa la ogaaday shaqaale Cali Bilyan hawshaasi u fududeeyay oo shirqoolkaasi kula jiray, waxaana la isla galay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanay arintaasi ku cadaatay Cali Bilyan inuu falkaasi isagu gacantiisa ku sameeyay oo uu fuliyay. Waxa ay ka mid ahayd dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee hanti dhawrka shaqadiisa curyaamiyay ee keenay inay muddo dheer u dhutiyaan hanti dhawrku fool xumadaasi uu ninkaasi gayaysiiyay. Waxa uu goobaha uu baadhayo ka samaystaa shaqaale arintaasi la fududeeya kuwaasi uu wax kasiiyo laaluushka uu qaato.

Qaybtii: 4-Aad.

Lasoco Qaybaha Dambe:

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London

Dagaalkii Beder, Q.2aad.

$
0
0

Asalaamu Calaykum,

Ramadaan Wacan,

Waxaynu soo gudbiney qaybtii horee dagaalka,waxaynu maantana kuda galaynaa qaybtii labaad ee dagaalkii beder,waana qayb aad u muhima,

Dagaalka ka hor

Nebigu SCW wuu soo dhaqaajiyey ciidankii isagoo doortay boos ku haboon dagaalka,Khabbaab Binu Mundar ayaa rasuulka SCW u soo jeediyey in ceelasha biyaha beder ka danbeeyaan muslimiinta, si ay halkaas uga xukumaan Biyaha waayo dhulku wuxuu ahaa saxare lama degaan ah.

Asxaabtu waxay soo qabteen laba wiil oo reer quraysheed ah si ay uga ogaadaan tirada ciidanka quraysheed,waxay asxaabtii iyo nebigu scw ogaadeen in ciidanku yahay sagaal boqo ilaa kun dagaalyahan.

ciidankii muslimiintu sidaas ayey dagaalkii ugu diyaar garoobeen,ilaahayna SWT wuxuu usoo dejiyey roob qaboojiyey iyo hurdo si ay ugu nastaan dagaalka berri una xamilaan ka hortagga gaalada.

Waxaan nebiga scw loo sameeyey Cariishkii uu ka hoggaaminlahaa ciidanka waxaan arinkaa soo jeediyey Sacad Ibnu Mucaad.

Nebigu SCW habeenkaas muu seexan salaad iyo duco ayuu ku jiray ilaa intuu abiibakar u soo galay ku yidhi jooji nebi allow ilaah waa kaa aqbaliye. Rasuulka SCW wuxuu ka soo baxay taandhadii isagoo u bushaaraynaaya asxaabtii wuxuuna ku yidhi”booska hebelbaa berri ku dhimanayaa isagoo madaxdii quraysheed sheegaaya”.

Qooryaweyntii Quraysheed,

Halka uu Nebigu SCW ciidankiisii uga bushaareynaayey qalbigana ugu dhisaayey,Nimankii quraysh waxaa soo foodsaarey khilaaf weyn oo ka dhexqarxay,waxaa laakin markasta quraysh dhib ku ahaa ninkii abuu jahal oo markasta ka soo horejeesanaayey in la noqdo,khilaaf dheer ka dib intuu abuu jahal dadkii kiciyey oo xamaasad ku beeray ayaa waxay qurashi go’aansatay inay dagaalka galaan.

Bilowgii Dagaalka,

Qofkii ugu horeeyey ee dagaalka lagu dilay wuxuu ahaa nikii habaarka qabay ee la odhan jiray Alaswad Ibu Cabdil Asad,wuxuu yidhi biyaha ayaan ka soo cabayaa ka dib waxa maydkiisa isa saaray saxaabigii weynaa ee Xamsa Ibnu Cabdi Mudalib.

Intaas Ka dib waxaa bilaabmay dhoola tuskii dagaalka, sadex dagaalyahan oo quraysha ayaa badka iskeenay oo yidhi”yaa noo soo baxaaya” sadexdaa nin waxay kala ahaayeen,Cutba ,Shayba iyo Cutba wiilkiisii oo ahaa Waliid. Waxaa isla markiiba u soo baxay sadex dhalinyaro oo reer ansaara laakin waxay dhaheen qabiilkayaga iyo kuwa noo dhigmaa hannoo soo baxaan dabadeed waxaa u soo baxay isla markiiba,Xamsa,Cali iyo Cubayda.

Markiiba sadexdii gaal dhulka ayaa la dhigay maydkoodiina meesha ayaa looga tegay,nimankii quraysheed jabkii ugu weynaa ayaa ku dhacay,intaan laysgaadhinna way niyad jabeen waayo sadxe dagaalyahan oo qaali ah ayaa markaliya laysa saaray maydkoodii.

Isla markiiba gaaladii iyagoo xanaaqsan ayey weerar ku bilaabeen asxaabtii,sidaas ayaa gondaha laysku daray dagaalkiina wuu adkaaday rasuulku scw wuxuu ahaa mid ilaahay baryaaya oo leh”Ilaahow haddaad kooxdan yar halaagtid lagu caabudimaayo”aad ayuu ugu dheeraayday ducada ka dib wuu soo booday Rasuulku scw wuxuuna ku yidhi abiibakar”Bushaarayso abiibakarow waankan Jibriil oo fariiskisii boodhaysanyahay ee”   kadib Nebigu SCW wuxuu qaaday sacab ciida wuxuuna ku qubay dhankii gaalada ,ciiddii waxay wada gaadhay dhamaan wajiyadii gaalada,maalinkaas dagaalka waxaa ka qaybqaatay malaa’ig uu hoggaaminaayey malakul jibriil.

Dagaalkii sidii ayuu ku socday ilaa uu ku soo dhamaaday guul weyn oo ay gaadheen asxaabtii iyo rasuulkii scw,muslimiintu waxay dileen todobaatan dagaalyahan oo quraysh kuwii ugu mudnaa ku jireen,waxayna soo qafaasheen todobaatan kale,Nebigu SWC intuu maydkii quraysh isu keenay ayuu kuyidhi”Qoyska Nebiga idinkaa u xumaa,waad i beeniseen misay dadkii i rumeeyeen,waad i hoojiseen misay dadku ii hiiliyeen,waad isoo saarteen misay dadku isoo dhoweeyeen”.

Guuldarada warkeedii wuxuu gaadhay degaankii Makka waxaana la sheegaa inaanu jirin guri aan baroorto gaadhin ilaa markii danbe ay Qurayshi mamnuucday in la baroorto.

warkii guushu markuu gaadhay magaaladii Maddiina waxaa hadheeyey farxad iyo guul ka dib waxay bilaabeen tasbiix iyo tahliil waxayna u mahadnaqeen Ilaahooda siiyey guusha weyn.

Dagaalkii Beder wuxuu noqday guul wayn oo muslimiinta u soo hoyatay ilaa maantana warkeeda la xiiseeyo,waxay noqotay in nimankii quraysheed ka cabsadaan muslimiinta,warkii guusha muslimiintuna wuxuu gaadhay calamkii waqtigaa jiray. Dagaalkii Beder uga sheekaysanmayno in aynu macaansano taariikhda iyo guulihii muslimiinta laakin waxaa ku duugan casharo aynu u baahanay in aynu isticmaalno waqtiyada dagaalka,casharkan ka kuxiga waxynu kaga warami doonaa casharada laga barankaro dagaalkii Beder.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inoo soo celiyo guulihii islaamka ramadaantana innaga aqbalo.  Aamiin, Aamiin.

Cabdinaasir Xasan Macallin

Zudaizi2020@gmail.com

+252634136953

Nin Sheegay In Maayarka Hargeysa Uu Ku Soo Oogi Doono Dacwad Ugub Ku Ah Soomaalida

$
0
0

 

Nin ka mid ah dadka deggan magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo, Cabdi Duco ayaa sheegay in maayarka Hargeysa uu ku soo oogi doono dacwad ugub ku ah Soomaalida. Cabdi Maxamuud Daahir, oo loo yaqaan Cabdi Duco, ayaa siduu sheegay maanta geynaya maxkamadda magaalada Hargeysa dacwad uu kaga cabanayo in maayarka magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Solteelko uu ka saaray barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook-ga oo ay asxaab ku ahaan jireen.

Ninkan waxa uu ku doodaya in aannu maayarku xaq u lahayn in uu iska saaro, isla mar ahaantaana ay la mid tahay sidii in laga celiyey xafiis dawladeed. Cabdi Duco oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in maayarku uu matalo bulshada oo idil asaguna uu kuu ka mid yahay bulshadaas la doonayo in uu u adeego. ” Maayar markaynu leenahay maahan qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay”. Ayuu yidhi Cabdi Duco oo BBC-da u waramay

Cabdi ayaa sheegay in uu yahay nin dhismaha ka shaqeeya uuna u baahan yahay xogta magaalada sidoo kalena uu kasoo horjeesan karo mayaarka ama uu taageeri karo. Waxa uu sheegay in maayarku uu bartiisa facebuugga ka saaray kaddib markii uu siyaasaddiisa dhaliilay. ” Dhowr jeer ayaan kala xidhiidhay Massenger-ka waan dhaliilay mana caayin anigu, xilka uu ii hayo ayaan ku dhaliilay”. ayuu yidhi. Cabdi Duco waxa uu intaas ku daray in halka maayarku uu ka saaray aanay ahayn barta dawladda hoose ay tahay bartiisa gaarka u ah. Mar la waydiiyey in maayarkuu uu xaq u leeyahay cidda uu bartiisa ka saarayo iyo cidda uu daynayo ayuu ku jawaabay. “Baraha bulshadu waa meel la wada leeyahay, asaga maayar ahaanna waa hanti ay dadweynuhu leeyihiin”. Waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo loo xidhay wax ay halkaas ku qoreen oo aanu jirin xeer arrintaas ka yaal asaguna uu yahay qof shacab ah oo xaq u leh in uu helo xagta magaaladiisa. Ninkaan ayaa sidoo kale sheegay in dacwaddaan uu qareen u qabsaday uuna doonayo in uu maayarka maxkamad la tiigsado.  “Anigu qof baan ahay shacab ah, xeer baa iga dhigay shacab, madaxweynaha iyo maayarkana xeer baa ka dhigay xeer baan xilalkan ay hayaan u dhiiba, qofka la ciqaabayo xeer baa ciqaabtiisa sheega ee maahan qofka rabitaaankiisa”. Cabdi ayaa ku doodaya in uu maxkamadaha ka doonayo in ay kiiskiisa qaadaan, si la mid ah sida dadka facebook-gga waxyaabaha qaar ku qoroba loo ciqaabo. “Anigu kiiskayga haddii aanay maxkamaduhu siduu yahay u qaadayn majirto sabab ay xeer ciqaabeed ugu qaadi karaan qof facebook-gga wax ku qoray, waana labo isku xidhan”.

Si kastaba ha ahaatee dacwaddan ayaa ah mid ku cusub dhagaha Soomaalida, waana markii ugu horraysay oo qof shacab ahi uu masuul dawladeed ku dacwaynayo arrimo la xidhiidha baraha bulshada.

Waan Iska Dhigay Farmaajo Intii Biixi la Doortay!

$
0
0

 

Werwerkii iga hayey Soomaaliya wuu iga hadhay  tan iyo markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan ku kalsoon nahay  inuu  gaashaanka u daruuri karo wiilasha ka taliya Villa Soomaaliya adduunyada kaga  qadhaabta aqoonsiga rahmaadda ku ah  maamulka Muqdisho ee hor iyo dabo-diidka ah  28kii sannadood ee la soo dhaafay.

Waxaan aaminsanahay inuu sitida u qaban karo dood fool-ka fool ah oo ay iskaga horyimaaddaan Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo), waxana libinta Madaxweyne Biixi ka keeni karo wadahadallo Somaliland la gasho  Soomaaliya laga suurayn  karaa   feejignaanta uu  cod dheer beesha caalamka ugu  dareensiiyey   sida uu uga calool weydsan yahay dhexdhexaadnimada dalka Turkiga oo gogosha wadahadalka dhigay, kaasoo Madaxweynaha Somaliland  kashifay  inuu taageero firfircoon u yahay dhinaca Soomaaliya. Sidaa daraadeed, waxa uu dalbaday in xeerbeegti caalami ah goob-joog ka noqdaan miiska wadahadalka, sidoo kalena la helo dal ka madax-bannaan arrimaha siyaasadda Soomaalida oo dhexdhexaadiye u noqda labada dhinac.

Madaxwexweynaha Somaliland waxa uu muddo laba sanno ku dhow oo uu xilka hayey fagaareyaal badan kaga hadlay aragtidiisa ku aaddan madaxda xilligan  majaraha u haya maamulka duruufaha madow hadheeyeen ee Muqdisho, taas oo ka muujinaysa sida uu ula socdo  dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed iyo dhagaraha ay u maleegayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dabinnada  siyaasadeed ee ay dibadaha uga maleegayaan.

Waxa kaloo marag-ma-doon ah in waayo-aragnimo ahaan madaxweyne Muuse Biixi aad uga khirbad iyo xogogaalsan yahay dhiggiisa Soomaaliya oo ah dhallinyaro qurbo-joog  camal doon ka faa’iidaystay waddan  nidaamkiisa maamul iyo dawladnimo la mid yahay odhaahda tidhaa,  “Madax Geel Ninkii Qaadaaba Dhig!” waxana taas u daliil ah sida ballanqaadyadii Farmaajo u noqdeen qaar sida xumbada u gudhay oo xataa taageerayaashiisii aanay maanta ku niyadsamayn hoggaamintiisa  oo uga sii dartay  dhiriqdii siyaasadeed iyo amni-darro ee ka jirtay Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa ku af-gobaadsada in Farmaajo aannu jawaabin naqdiga Madaxweynaha Somaliland marar badan warbaahinta uga jeediyey, kuwaas  oo ku dooda in uu yareystay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi, balse waxay u muuqataa inuu yaqiinsaday inaannu xilligan gaadhin waqtigii uu u jawaabi lahaa Somaliland oo marka uu dibadda u baxo oo si joogto ah beesha caalamku ugu  xujayso inay Somaliland  ku dhisatantay, iskuna bixisay cashuurta dadkeedu u huraan, iyagana looga baahan yahay inay la yimaaddaan jidkii ay kaga kaaftoomi lahaayeen qaadhaanka shisheeye ee dawladnimadoodu ku tiirsan tahay.

Sidoo kale, waxa daruuri ah in madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu la yimaaddaan qorshe ay maamulka Muqdisho kula tartanta diblomaasiyadda arrimaha dibadda si ay  furfurto qufullada dawladda taagta daran ee Soomaaliya isku dayday inay Somaliland kaga xidho dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba.  Waxa madaxweynaheenna looga fadhiya inuu ciyaaro xeelad kasta oo uu ku sii adkeyn karo in Itoobiya iimaansado iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland, kuna qancinaya masaalixda dhaqaale iyo maalgashi ee ay wadaagi karaan labada dal oo ka duulaya hindisaha “isdhexgalka ganacsiga” ee uu wado Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.

Waxa kaloo xukuumadda Somaliland  lagu shirrabi doonaa sida ay awoodda u dul-dhigto   inay cilaaqaad siyaasadeed, ganacsi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato dalka Eritrea oo ah mid  ka soo miiraabay go’doonkii siyaasadeed oo uu ku jiray muddo tobanaan  sannadood ka badan, kaas oo muujiyey hunguriga ka haya inay xidhiidh lugo adag ku taagan la yeesho Somaliland oo ah qaran si dhow ula socday taabbogalkiisii oo duruufo is shabbahaa mataaneeyeen.

Ugu dambeyn, waan ka bogsaday welwelkii iga hayn karay in maamulka Muqdisho carqalad ku noqdo Somaliland tan iyo markii shacabku codkooda si xor ah ugu doorteen madaxweyne Muuse oo ah ruug-caddaa  furfuri kara dagaallada dahsoon ee Farmaajo u maleegi karo Jamhuuriyadda Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Xaalufinta Deegaanka Miyi Ilaa Magaalo W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

$
0
0

Bulsho waliba waxay ku nooshay deegaan kaas oo uu Alle ku abuuray hadaba sidaas oo ay tahay deegaan waliba wuxuu   noqdaa hadba sida ay bulshada ku nooli u ilaashadaan ama u baabiyaan hadba inaga oo ka nasiib badan  bulshaooyin  badan oo uu Alle  ku abuuray  deegaan baraf  fadhiyo kuwo saxare haawanya degan kuwo buuralay ku dul nool qaar cadeeda wax yar arka  iyo kuwo kulayl lagu itaxaamay  hadana sidaas oo uu deegaan koodu yahay isku tashaday oo wax ka dhigay, ayaa waxa  cajiib kula noqonaysa marka aad eegto deegaan keena oo ah mid dhammaan ka madax banaan dhibatooyinka dabeeciga ah ee aan kor ku soo xusay iyo sida ay bulshadeenu miyi iyo magaalaba u la dhaqmeen deegaan keena.

 Waxa  aad la yaabaysa marka aad bulshadeena barbar dhigto bulshooynka  lamidka ah ama wadamada inala midka ah bulshooynka  ku dhaqan sida ay u dhawrtaan bilicda deegaankooda  iyo sida ay kuweenu u dayacaan deegaan keena  waxa kuu cadynaysa hadii aynu ugu horaynba  milicsano kuwa kudhaqan magaalooyinka wadanka .

Waxa aad arkaysaa kuwo inta  ay xashiishka iska xaadhan hadana ku qubaya jidadaka ama hordhigaya kuwa la  jaar ka ah  waxa aad arkaysa kuwo biyaa xalka iyo saabuunta ku daadinaya jidadka laamayga ah kadibna ay saabuunt jeex jeexayso daamurka wadada  waxad arkaysaa kuwo caagadaha ay sharabka ka caban ku tuuraya jidadka kadibna ay qashin isku rogayaan marka ay baabuurtu jiidho waxad arkaysaa  kuwo garaabada ku daadinya jidadka waxad arkaysaa kuwo kaartoonta iyaguna ku daadinaya jidadka waxaad arkaysa iska rogo ciid sida dabaduna u furantay ciiduna kaga qubanayso wadada ay marayso.

Dhanka miyiga hadaynu u yara leexano iyaguna may yaraysan oo dhankooda  waxay wadaan haawlo kuwanba kadaran waxa ay jareen dhirtii oo ay labo u kala  qaybiyeen qayiib dhuxul laga shiday qayiib seerayaal lagu ooday  waxa aad yabaysa marka aad argato kaymo xidh ahaan jiray shiniduna malabka dhigi jirtay midhah noocyadooda  kala duwani ay kabixi jireen oo duur joogta quruxda lehi joogi jirtay oo xoolu  gu’  iyo jiilaalba ay ku Noolaan jireen oo dugsoonka aanad waxba huwanjirin oo udgoonka ubaxa dhirtu sanka aad laraaci jirtay  oo hadh macanida aanad katoosi jirin oo dab la galiyey  oo dhuxul laga shiday ama seere laga dhigay ama banaan cadba noqday  oo aad hanfiga iyo kulaylka aad haraadayso oo aadan moodaynba dhulkaad taqaanay  oo xooli uugamayaan  markii ay waayeen kayn ay galaan ama geed ay daqaan oo naf leh .

Ugu dambayntii wadaniga dhabta ahi kan maha ee waa ka deegaankiisa dhawrta ogow hadii aad deegaankaaga dhawrato waa gurigaagi oo aad dhawratay haadii aad dhawran waydana waa gurigaagi oo aad dayacday  hadaba bal fikira bulshoy oo dhawra deegaankeena dahab ka ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Hargeysa somaliland

Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Fb: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmr

 

26 ka Juun Maalinta Xorriyadda Somaliland’ Axmed Xasan Carwo

$
0
0

Waa xuskii 59 naad ee maalintii xorriyadda, maalintii gumeysigu ka huleelay dalkeena ka dib qarni uu talo xumo iyo wax qabad la’aan inagu maamulay, inagu kala qaybiyey oo uu nidaam qabiilaysan oon ka bax lahayn inoo dhigay. Waa ayaan xus iyo qiimeyn mudan, ayaan weyn oo taariikh dahab ah leh, ayaan faan faan iyo farxadi umadeyna mideysay yar iyo weyn rag iyo dumar. 

Waxa inaga dhigay Soomaliland een Soomalida kala kaga duwannay waa maalintan inteena ku abtirsata Somaliland isukeyn keyntay, inoo yeeshay dhul xadidan, dawladnimo iyo dhaqan dhaqaale inoo gaar ah. Iyadaa inaga dhigtay ummad taariikh gooni ah iyo dabecado u gaar ah leh. Iyadaa inaga dhigaty inaynu ku dhaadano magaca Soomaliland. Iyadaa u sal ah oo dhashay halgamadii ina soo maray ee uu ugu dambeeyey kii SNM ee aynu dib u dhisnay jamhuuriyaddii labaad kolkaynu dib ula soo noqonay qaranimadii aynu ku luminay haybaddii 26ka Juun.
26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.
Waxay ahayd maalin intii dhalatay wiil iyo gabadhba loo bixiyey sitiin, dhalinyaro badanina ay ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.
Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF, USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.
Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u horreysaa qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay 27kii Juun. Labada kalena loo jaangooyey Soomali Galbeed iyo NFD.Taas ayey ku dhisnayd hammigii iyo himmiladii is-raaco.
Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah oo midaysan, nabad ah oo dimuquraadi ah.
Waxa Soomali u dan ah in qolo walba halkeeda ay nabad iyo horumar ku gaadho. Waxaynu ognahay in Somalida Kenya iyo Itoobiyaba ay maanta gaadheen horumar iyo nabad. Taasi ayaa inoo xaqiijisay in nabadda iyo wadjirka inta isku dalka ihi fure u tahay horumarka. Waa inaynu ka horeysiina danta shacbiga nabadda u buka hadafka gaaban ee siyaasiga jaceylka madaxnimo dhaafsiisanaaya nolasha dadkiisa. Waa in taliska Soomaliya uu garwaaqsadaa rabitaanka Shacbiga Soomaliland sida uu u aqoonsaday doonista iyo masiirka Soomalida Itoobiya iyo kuwa Kenya, horeyna aynu u oggolaanay walaalaheen Jabuuti oo markaynu u baahannay inoo noqday garab aynu ku tiirsano iyo dhul aynu ku badbaadno.
Aan ku laabto astaamaha maalintan.26ka Juun waa maalin rajo wanaag iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.
Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin, odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo dhammaan halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka bilaabmaayo kii Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku dhimmatay,ku-dhawacantay, kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waa lama iloobaan geesinimadii Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir, halgankii seddexda xisbi ee SNL, NUF iyo USP.Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe, Guduudo, Cali Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi, Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan, Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.
Waa dharaartaan waxyeeladii dhaqdhaqnay, noqonay qaran xor ah oo ku biiray dunida xorta ah. Waa ayaanta aynu xididka u taagnay qarannimada Soomaliland. Waana iyada tan aynu u garnaqsanaa ee sharciyeynaysa qarannimadeena. 26 June 1960, rabitaanka shacbiga ayaa caydhiyey isticmaarkii Ingiris, isla rabitaanka dadweynaha ayaa sidoo kale soo celiyey kolkay fool habowday dhidib adagna u taagay qarannimada Soomaliland.
GUJI HOOS OO DHEGEYSO0 ABWAAN TIMOCADDE AHUN IYO GABAYGII CAANKA AH EE 26KA JUUN.
Aan xusno oon siino qiimaha ay leedahay.
Axmed Xasan Carwo

Somaliland: Possible Preliminary Meeting In Kenya Between Somaliland & Somalia

$
0
0

Informed sources within the Somaliland government have indicated that there is the possibility of preliminary talks between Somaliland and Somalia in Kenya, in an effort to restart the failed meetings between the two parties.

However, given the current frosty relationship between Kenya and the federal administration in Mogadishu, it is highly unlikely that the Somalia would agree to any talks taking place in Kenya.

The sources indicate that the current visit to Kenya, by the Somaliland Foreign Minister, Yasin Haji Mohamud Hir “Faratoon”, who has already met with members of the Kenyan cabinet, including the Trade Minister, Peter Munya and other senior Kenyan officials, could be part of an effort to resume talks between Hargeisa and Mogadishu.

Once again, this is not likely, as Somaliland and Kenya are currently engaged in efforts to strengthen the ties between Hargeisa and Nairobi, and would not welcome the distraction of a third party involvement.

The  Somaliland Foreign Minister has already met with the IGAD Executive Secretary, Ambassador Mahboub Maallim, to discuss the forthcoming parliamentary and local council elections scheduled for the end of this year and other issues pertaining to the Horn of Africa.

Ali Mohamed Abokor


Why Indigenous Seeds matter?

$
0
0

Seed is the most important input in agriculture and is the most precious thing to a farmer. Our indigenous seeds are sustainable, but are lost due to the import of hybrid seeds which are not sustainable. The indigenous seeds can be sustained for thousand years because our local farmers know how to select, collect, keep and store it.

Many farmers in Somaliland are rejecting modern farming technology of farming and are resorting to traditional methods of farming for better yield.  The modern technology is characterized by the use of hybrid varieties, frequent applications of fertilizer and pesticides.

However, they are searching for indigenous varietal seeds because they are perfectly adapted to extreme changes in our climate avoiding to total dependence on hybrid seeds.

We have many indigenous varieties of sorghum, and maize and each one of them has a particular quality, trait, productivity and adaptability to the environment. Some of these varieties are resistant to drought, salt, water logging, and local diseases. We need to conserve themfor future use.

Crop yields are relatively low compared to other developing countries with similar climatic conditions. One of the main factors of low productionis among others  attributed to imported hybrid seeds which are not resistant to local environmental conditions for instances drought, salt, water logging, and local diseases.

To this end, Somaseed is a National Project funded by FAO and EUaiming to improve genetic quality of indigenous seeds in Somaliland and also to enhance the capacity of the Ministry of Agriculture and farmers’ organizations. Through the program, their skills will be upgraded to handle plant testing, plant breeding, and basic seed production and establishing a seed certification system. This will diversify the seed market in Somaliland and make locally produced improved and certified seeds available to farmers. In turn, this will reduce dependency on imports and responds to both the demand of the agriculture sector and emergency situations. The activities of the project is included indigenous Seed sourcing from the local farms and circulating the seeds among the farmers to grow and multiply.  In this way, the project have managed to re-introduce over thirty indigenous varieties of cereal and pulses.  But it is not about the indigenous seed of Somaliland or about the survival of sustainable agriculture systems with the knowledge of over one thousand years. It is about a global phenomenon taking place where non sustainable system systematically destroys a sustainable one where short term profit has the power to overwhelm common sense and the consciousness of many millions, where progress is not progress but the wanton destruction of an ecosystem and environment.

We will never be able to produce more if we do not begin to repair the environmental damage taking place in our environment. We will lose not only our cultural identity but our fundamental right to truly sustainable system of food security.

Abdirahman Ibrahim Abdilahi

Contact: Abdirahman270@gmail.com

The Weak FGS Severs Diplomatic Ties With Guinea Over Somaliland

$
0
0

The weak federal government in Mogadishu has decided to sever diplomatic ties with the Republic of Guinea as a direct result of the visit to that country by the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, at the invitation of Conakry.

President Muse Bihi Abdi and his delegation arrived in Guinea on a two day visit, and the federal entity in Mogadishu, upset at the invitation and the welcome afforded the Somaliland delegation began an offensive to counter the visit.

It has been reported that the FGS “ambassador” to the EU was dispatched to West Africa to try and forestall any further visits in the region by the Somaliland delegation. This has yet to produce any results.

Furthermore, the severing of diplomatic ties with the Republic of Guinea over an issue that is entirely in the prerogative of Conakry, makes the politicians in Mogadishu look petulant and immature.

The threat by Mogadishu to any nations engaging Somaliland with the severing of diplomatic ties seems hollow, since most countries in the world deal with Somaliland as a de-facto state, and the “unity and sovereignty of the territory of Somalia” issue has to all intent and purpose become defunct after the failure of the union in 1991.

The FGS in Mogadishu has as much authority over Somaliland, as we on earth have over the other planets in the solar system!

If the weak FGS in Mogadishu wants to be taken serious, then they must engage the original partner of the 1960 union which helped to create the defunct Somali Republic, and that is Somaliland.

Ali Mohamed Abokor

ruraledcomm@yahoo.co.uk

Barbaarinta Ubadka WQ Mukhtar Ali Sheikh

$
0
0

Banii Aadamku waxalayidhaa waxay isku af-gartaan Hadalka iyo wax isu sheegga, Xayawaankuna urta. Waxa hubaal ah in waalidkeen inna jecelyihiin islamarkaana innala jecel yihiin waxawanaagsan, Sidaa si lamidah carruurtuna waa ay jecelyihiin waalidkood.

Qormadan waxa aan ugu talogalay in aan ku soo bandhigo isla markaanaku iftiimiyo dhibaato xooggan oo dhextaal waalidka iyo ilmaha ay dhaleen.

Ilmuhu  waa uu dhashaa ka dib marka uu warkani soo yeedho waxaa la is waydiyaa ilmaha dhashay ma wiilbaa mise waa Gabadh? tahniyadda ka imanaysa asaxaabta iyo Ehelka ayaa Bilaabanta, ilmahan ay ka qaybqaadanayaan Soo dhawayntiisa Asaxaabta iyo Ehelkuba waxa  bilaabantain korintiisa, kobcintiisa iyo kool-koolintiisuba halkaa kasii socoto.

Haddaba ilmahan sidee ayaa loo korinayaa?

Jidhkiisa iyo Caqligiisa sidee la isugu miisamaya?

Waxa aynu aragnaa Waalidka oo Amarro kaladuwan faraya ilmihiisa wiil ha ahaada ama gabadh ha ahaatee  (Tusaale ahaan, Ax, kadaa, Car, Xuux IWM).

ilmaha Sanadka ilaa Shan  sano jira Usamee Sidan:-

  1. Ku ammaan waxa wanaagsan ee uu sameeyo/ay samayso.

  2. Bar hadalka oo hadduu kalmada badh sheego badhka kale u dhammaystir.

  3. Ku dadaal in ay indhihiisu qabtaan waxa wanaagsan ee ay samaynayaan dadka kawayn ee guriga joogaa.

  4. Bar sida wax loo akhriyo loona qoro isaga oo jooga guriga.

  5. Bar Quraanka Kareemka ah.

  6. Uga sheekee waxa wanaagsan waxa xuna ka reeb kuna bar-baari sidaaa.

Horta waa hubaal qofka ilaahay waaniyaa waansan, qofka ilaahay hadeeyo ayaa hadaysma. waxa jira ubad badan oo aan helin barbaarin wanaagsan haddan ka wanaagsan kuwo helay inbadan oo aynu kasoo sheekaynay balse, waxa hubaala wixii lagu cel-celiyaa inay noqdaan sidaa loogu celceliyey oo ay midho dhalaan.

Sida aynu wada ogsoonahay ilaahay ha innoo hadeeyo ubadkee xilligan caruurtu waxay marayaan meel ilaahay uuni ogyahay, hadda ha umalayn carruurtani inay tahay dad ay waalidkood dayaceen ama aanay siin daryeelkii loo baahnaa balse waxaaba laga yaabaa inay yihiin dad xufaada oo xifdiyey Qawlka Eebbe Sidoo kale kasoo baxay ama dhigtaba Dugsiyo aad ugu wanaagsan barbaarinta ubadka ilaahay ayaa wax barbaariyee.

Hadaba, halkay sartu ka qudhun tay?  Ma waalidkaa qaldan?

Ma macalinkiisa ayaa qaldan?

Ma manhajka ilmahan ayaan ahayn mid ku haboon?

Waa suaalaha ka dhex guuxaya dhammaan bulsha-waynta Somaliland.

Bal sheekadan ila eeg:

‘Maalin dhawayd anoo ka xiiranaya Timo-jare kuyaal Xaafadda aan ka deggan ahay magaalada Hargeisa ayaa waxa Rayislaha soo galay Nin Odayah iyo Wiil uu dhalayaabbuhuwaxa uu Rabaa inu ka xiiro timo aad u dhaadheer oo uu wiilku labaxay, Da’ ahaan wiilkuwaa ilaa 15 jir ama kayarba Rayislihii ayuu aabbuhu amar siinayaa isagoo leh “dhammaan kaxiir timaha oo ka dhukur” wiilkuna waaba maroora dilaacsanahayUgu danabayn laga xiir wiilkii walaw aanu ku qanacsanayn sida laga yeelay oo uu dareemayey Afduub iyo Jujuub Wiilka yari waxa uu Ugu hanjabayey aabbaha inuu wax samayndoono anuu aan markaa umaleyey inuu leeyahay hadaan baxsan  waayo ama wax lamida’.

Wiilkaas yar Malaga yabaa inu aabuhu ka eego meel aanu mahadin?

Malaga yabaa in uu samayn karayey Habkale oo kafudud inu inankiisa kusoo Dhawaysto?

Aniga Ahaan waxan odhan lahaa malaha wuu Xalin kari lahaa waanu soo dhawayn kari lahaa wiilkiisa inta aanay lumin kalsoonida ka dhaxaysaa.

Bal aynu kala qaadnee horta hablaha iyo wiilashu waa kala korriin iyo ilaalin duwan yihiin oo dee hablaha ayaa ka adag oo Nabigeena suubbani NNKH waa kii xadiis ku lahaa “Waalidka koriya Saddex Hablood ee Ku toosiya Dariiqa saxda ah jannada ayuu galayaa”.

Waxa uu ogaa nabigu NNKH in ilaalin iyo toos toosin badan ay ubaahanyihiin habluhu. Wiilashu iyagu waa ay ka duwan yihiin marka loo eego dhinacyo badan laakiin iyagaba waqtgian la joogo ma hawl yara korintoodu.

Wiilku marka uu soo Gaadh0 hilaadahan waxa dhacda intabadan in uu waalidku ka qariyo hayntiisa, hantidiisa,Shaqadiisa iyo wax kasta oo uu qabto, kaliya aabaha ilmahan dhalay waxa uu ku dadaalayaa Inuu ku hayo waar waxbaro waliba waa aabbaha ugu wanaagsan wakhtigan aynu joogno.

Tani waa ta dhasha marka danbe inay isu qabsadaan caruurtu hantidii uu lahaa aabbohood isaga oo nool ama ay isaga laftiisa ku qabsadaan hantida uu u hayo iyaga taasoo sababta in ay walaaluhu birta iska aslaan ama ay waalidkoodba dilaan ama dhaawacaan.

Maanta immisaa walaalo ah oo aan dabka kala qaadan?

Immisaa waalaalo ah oo aan is bariidin?

Immisaa walaalo ah oo aan iyagu isbixinayn?

Waxas oo dhan waxa ka masuul ah waalidka dhalay ubadkan sababta oo ah ma ay barinwax wada lahaanshaha, Mana ay barin Inay hantidan iyaguleeyihiin islamarkaana wada manaafacaadsaaan, umanay sheegin hantidani halka ay taalo iyo sida ay ushaqayso hadday u sheegaanna mid ama laba kamid ahayaa og ee dhammaan caruurta Xaafadda ka dhalataa ma wada oga.

 Tani waa sababta keenta in uu ilmuhu yidhaahdo waan tahriibayaa haddii kale hala ii smayeeyo waxa aan rabo.

Tani waa tasababta in la arkoilmaha oo balwado aan fiicnayn yeesha sida jaadka, sigaarka, xashiidad iyo qaarkale oo badan.

Tani waa ta sababta in wiilku uu noqdo budhcad dadka waddooyinka u istaata oo ah ta ugu badan wakhtigan xagga wiilasha.

Hadaan u imaad Gabadha aad dhashay, Hoos ula hadlideeda iyo u kuur galkeeda waxa ku habboon hooyada dhashay inantan.

Intaaanan Galin Doorka hooyada bal aan soo yara kooba hooyadii Soomaaliyeed ee Hore ama Miyiga Degganayd.

Waxa ay fari jirtay inanteeda hawlahan marka ay istaagtaba.

  1. Hooyadu waxay Kubarbaarin jirtay inanta inay iyadu tahay Inan, inantana laga rabo inay ka caawiso hooyadeed hawlmaalmeedka guriga oo Waa tii Maah maah soomaaliyewd ahayd “Inantii Hooyadeed Hadhuudhka tuntaa, iyana Haadiskay Barataa”.

  2. Hooyadu waxa ay bari jirtay inanta inay inantahay oo anay dhex galin wiilasha ama rabgaba oo waynnagii Mocooyooyinkeen ka maqli jirnay Iyadoo la leeyahay “Naa Dhiidhiibso”

Labadaa Qodab haddi aynu yara dul saarno kuna miisaamno dhaqanka iyo barbaarinta ka dhexaysa hooyada cahdigan, hooyooyinka maantaqaarkood inanta waxba ma baraan aan ka ahayn sida loo hadlo, sida loo jaaso ma loogu ciyaaro muusikada, Sida loo daawado Musalsalka iyo Filimada aan wanaagsanayn ee yaalla guryaheena Markaa miyeynaan odhan karin “Inantii Hooyadeed Filimada Daawataa iyana Fidnaday daawataa”.

Intanta yar wakhtigii hore hadii laodhan jiray “dhiidhiibso” hadda waxaaba la odhanayaa waxa Style ah inaad Dhinac ka banayso jidhkaaga  haddii kale waxbaa ka dhiman labbiskaaga.

Markaa tani waa ta sababtay inaynu aragno mar walba hablo aad u da’yar oo xilliyo danbe oo habeenkiiya meeraysanaya hudheelada cawayska ee waawayn iyagoo la socda niman aan qabin balse aan ehel u ahayn (muxrim) lagana yaaba inay sidaa kaga maqnaadaan guryahooda oo meelo kale u dhaxaan.

Tani waa sababtaa aad u arkayso Inan loo diray waxbarasho oo tagaysa meelo kale.

Tani waa sababta aad u arkayso inan Qaawan oo lugaynaysa suuqyada waa wayn ee magaalooyinkeena xilliyada dambe ee habeenkii.

Tani waa sababtaad u arkayso inan Kadhaxayso reer kooda habeen, laba iyo inkabadanba.

Tani waa sababta aad u arkayso inan Samaynaysa xumaano badan oo aynaan halakan kusoo koobi karayn.

Qoraalka ayaan dheereeyee waxa aan kusoo Gebo-gebayn lahaa dhawr qodob oo aan isleeyahay malaha waa laga faa’idi lahaa haddii la sameeyo:

  1. Ugu horrayn waa in waalidku bartaa dhaqanka suubban ee islaamika si uu u ababiyo una barbaariyo caruur wanaagsan.

  2. Wiilka guur doonka ahi waa in uu raadsadaa hooyo fiican oo ubadkeedu kaga dayan karaan wanaagga.

  3. Gabadha guur doonka ahi Iyana waa in ay ka taxaddirtaa wiil balwad waayo ubadka uu dhalaa inta badan waxa ay kaga dayan karaan dhaqan xumadaasi.

  4. Hooyada iyo aabbuhu waa in ay noqdaan laba is jecel si uu ugurigu u noqdo mid naxariis iyo jacayl ka buuxo ubadkuna ay ugu barbaaraan jacaylkaasi waalidkood ay ka dhaxlayaan.

  5. waalidiinta caruurta dhalay waa in ay ubadkooda ka qayb geliyaan hawlaha guriga ka socda sida: shaqo maalmeedka guriga iyo talooyinka qoyska.

  6. Ilmaha yari waxa uu xaq u leeyahay in la waraysto haddii uu hadlayana la dhagaysto oo aan la odhan “adigu waad yar tahaye naga aamu” iwm.

  7. Aabbo ama hooyo waligaa ilmahaaga ma u sheegtay meesha aad ka shaqayso magaceeda, shaqada aad meeshaa ka qabato iyo waliba mushaharka aad ka qaadato?

Aan kula wadaago sheego gaaban oo dhab u dhacday macno ballaadhanna xambaarasn”

‘wiil yar ayaa hooyadii ka dalbaday in ay soo qorto meel luuqadaha lagu barto gelinka dambe maaddaama ay subax kasta shaqo tagto, waxa ay hooyadii u sheegtay ilmaha in aanay qaadanin mushahar ku filan sidaas darteed aanay ka bixin Karin lacagta waxbarashada gelinka dambe, waxa ay kula talisay in uu gelinka hore dugsigiisa iska dhigto. Maalmo kooban ka dib ayaa ilmihii yaraa waxa uu arkay warqadda lacag qaadashada(cheque) oo qolka hooyadii taalla oo ay ku qoran tahay mushahar aad u badan. Ilmihii yaraa maalintaa laga yaabo waxa uu ka aamin baxay hooyadii waxaana uu qorshaystay in uu iskaga tago qoyskooda maaddaama ay hooyadii oo dad ugu dhawayd been u sheegtay waanu tahriiby’

  1. Waalidku waa in uu ilmaha ku dhiirri geliyaa wax kasta oo wanaagsan.

  2. Waalidku waa in uu caruurtiisa u caddaalad sameeyaa oo aanu kala jeclaysanin.

  3. Macallinka koowaad ee ilmuhu waa hooyada iyo aabbaha dugsigiisa koowaad na waa guriga halkaa sida uu ku yahay uunbuu bulshada dhexdeedana ku noqonayaa.

Sanaag hadal uma baahna,waxay u baahan tahay wax qabad

$
0
0

Horudhac yar baan doonayaa in aan ka idhaahdo marka ,hore waa magaalo xadaarad leh dadkeedu aad u wanaagsan yahay,waxaan kaga baxay imtixaankii la odhan  dugsiga hoose 1974 oo lagu dhigan jiray carabi iyo ingiriisi a waa mudo laga joogo 42 sanadood,haddan macalimiintaydii yara xasuusto..siciid karow,dhibitaati,ali jaamac boqore,jaamac ali daalin,jaamac darajo ,cabdirahman jaamac jangeli.aaleh,soodaani  iyo Mohd  weyd oo ahaa maamulihii ka schoolka hoose.

Waxay leeday meelo loo dalxiis tago,xeebta oo dhan,buurta daalo,godka, iyo bustaanadda,midhisho,hareeda iwm.

Horta waan duceynayaa in ay na kacdo caweer…wadada ceerigaabo…dawladda waxaan leeyahay sidii xirsi xiin uma laha ee ka kaca oo mashruuc bal u raadiya caawimo dawladaha khaliigka iyo kuwa kale ee bixiya caawimooyinka inta aanay fadhiisan inkastoo wanaag laga sheegayo ilaahay baa u baryayaa in ay guul ku dhamaato,laakiin gudo iyo debadba waa in la isu taagaa..gaar ahaan reer ceerigaabo ka kacaan oo ay u uririyaan bil walba gaadhaan oo ay gobolada kale ee wadankana ka qaadaan gudiyo ay ka sameeyaan khaliijka iyo wadamada kale yurub,america,Australiya.

Xagga qalinkii berberana waa in loo duwaa wadada ceerigaabo,sidii ay u weydiiyeen madaxdii u tagtey dhawaan gobolka sanaag odayaashu gobolku.

Horta mashruuca ku xiga waa airportakoo u leh qiimo weyn dhica is gaarsiinta,dalxiiska gaar ahaan daalo iyo meelaha kale ee loo tago dalxiiska. daalo oo laga sameeyo  isgaarsiin casri oo ilaa xeebta ah.

Xoolaha oo tayadooda la kordhiyo iyagu daran bay daaqeen waa mac yihiin  laakiin waa in laga sii kordhiyaa,xagga beeraha khurda ayey caan ku tahay baradha ,kaabajk,dacasaha,batroolka iwm iyagan waa in la xoojiyaa.

Beeyada ayaa ah isna tadawur lagu sameeyo iyo dhirta kale ay ka mid tahay murkuda oo loo iib geeyo itoobiya,kaluunka ku dar debinta,taraaqadd,tuuna,libaax IWM,waxaasi oo dhami ,dekadda meydh,warshadda laasqoray ee kaluunka oo la baladhiyo iyaduna waxay ka qeyb qaadan kartaa horumarka dhaqan dhaqaale ee ku taamayo gobolku uma baahna hargeysa iyo wixii la hal maala ee wuxuu baahan kadariin is heysta oo u dhabar adeyga hawsha baaxadaa leh oo dhiig cusub leh.

Ismaaciil xaaji muuse oo ah aabay saaxiibkiina waxaanay leeyahay dhalinyada uu ka mid yahay jaamac jibriil oo ah class mategii ,jaammiciyiinta u baneeya kuraasta si uu gobolku u gaadho haromar…waanad ku aaman tahay inta aad soo gaadhsiisey intii aad u ahayd mayorka.

Dawladu waa in ay hadal ula tagto maaha ee waa inay buuxiyaan baahiyooyinka jira sida caafimaadka ,biyaha,laydha,waxbarashada iyo amniga oo ay aad uga shaqeyso….waa in ay dawaladu ay yareysaa dilalka ka dhaca gobolka iyadoo u mareysa sharciyadda iyo wacyi gelin dadweynaha.

Waxa muhiima ah  inta degta gobolka ee ay dani ka dhaxeyso in ay gacmaha is qabsadaan ileyn kala tegi maayaan wax kastoo dhaca(Dhulbahante,habarjeclo,habar yoonis,warsangeli,ugus labe,gaheyle,jibrahiil,muhumed,dadka laga tiro badan yahay..madigan,tumaal,magaado iwm)gacmo wada jir bey wax ku gooyaan,haddi aan taa la helin wax horumar ah ha ku seexan.

Waxaan maqaalka ku soo gunaadi lahaa dawladdu ha u dedaasho horumarinta gobolka ceerigaabo,dadweynuhuna ha baraarugaan.

Far keli fool ma dhaqdo.

Guuleysta reer ceerigaabo.

Dr. Abdul razak Mohdi Essa

Senior supplu medical chain officer.

Seha Company/UAE

magaado

Somaliland Must Prepare for War With Somalia

$
0
0

United Nations is already undermined by powerful countries. International laws are weakened and not as effective as before. Military aggressions and violations are on the rise. Countries are threatened or invaded just because of their natural resources or of their sovereignty. This is the current appalling order of the world.

 

In the case of Africa, borders are based on territory, not on tribal lineage. The independence and diplomatic recognition of each African country is based on its colonial territorial borders. Somaliland is not an exception and has the right to be sovereign nation as any other African country. Somaliland sovereignty (achieved on 26 June, 1960) is based on its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate while Somalia’s sovereignty (achieved on July 1, 1960) is based on its colonial borders inherited from Italy.

 

Somaliland is a peace loving country and wants to have good relations and interactions with its neighbors. But, Somalia, which committed all kinds of atrocities in Somaliland in the 1980s, is again raising its ugly head to threaten Somaliland sovereignty and existence. There is only one thing that counts in today’s world for survival: It is military might or power. Somaliland should focus on building best and strongest military in the Horn of Africa to defeat its sworn enemies surrounding it.

 

Most of the available resources of Somaliland Republic including human resource must be allocated to the military. Somaliland military must have the best training and the best available military hardware to easily defeat Somalia and even conquer and occupy parts of it to liberate itself from being claimed by Somalia and force Somalia to respect and recognize Somaliland.

 

Somaliland people must choose readiness over complacency, strength over weakness, perseverance over idleness and resilience over vulnerability. Foreign aggressions are always doomed to defeat.

 

Ibrahim Hassan Gagale

July 7, 2019

Waa Noocee Xidhiidhka Ka Dhexeeya Somaliland Soomaaliya iyo Dawllada Sucuudiga? 

$
0
0

Mark aynu si dhab ah uga hadalno Soomaaliya iyo Somaliland Waa laba dal oo hore isugu jirrey haseyeeshee, dhibaatooyin badan oo dhacey iyo Dagaallo,  Mar kale laba Dal oo kala Madaxbanaan Noqdey, Islamarkaana, Wadahadal Diblamaasiyadeed muddo ka hor Dib U Bilaabay Kuwaas oo Xal lagaga gaadhayay(Soomaaliyadii-Talyaaniga iyo Somaliland oo 1960kii 26kii juun u Xornimada ka Qaadatey ingiriiska si iskeed ahna ugu tagtey 1960kii 1dii july hadana Mar kale ka noqotey, si Iskeeda 1991kii 18kii May).

Inkastoo ay Qabyo Kujirto Taasi haddana Waxa Isweydiin leh  Waa Noocee Xidhiidhka u Dhexeeya Somaliland iyo Sucuudigu?.

Marka Xaqiiqda laga hadlayo Habayaraatee, Majirro Xidhiidh Ka Dhexeeya Somaliland iyo Sucuudigu Haddii Laga Taggi Waayo Gudashadda Waajibaadka Xajka ee Cibaadadda ah taas oo Xoolaha Faraha badan ee Loo Raro dalkaasi Xilliga Xajku uu Qeyb ka Yahey Cibaadadda Xajka iyaddoo Dadka Soo Gudanayaana ay ku taggaan Baasaboorka Soomaaliga ah sidaa Daraadeed majirro Xidhiidh Ganacsi oo u Dhexeeya.labada dhinac Waana Sababta ay ugu Fududaatey, in Xoolihii ka Dhoofey Dekedda Berbera uu Dib ugu soo Celiyo Berbera.

Sidaa Daraadeed Waxa Suurtagal ah in Dawllada Sucuudigu ay Wali Maanka ku hayso Hambalyadda ay Soomaaliya ugu Hambalyaynayso Curashadii Kacaankii 21kii Oktoobar,oo Aaney Waxba ka  Badelin halkaa ay.kula Xidhiidhysay Dawlladihii hore ee Dalkii.hore la isugu odhan jirey Soomaaliya.

Haddiiba Shacbiga Somaliland ay go?aansadaan in aaney Dawllada Sucuudiga ugu taggin Gudashadda Waajibaadka Xajka ee Cibaadadda ah  Miyaanay u Banaanayn in halkan lagaga Aqbalayo qofkii u Niyoodda  Marba haddii aanu Sucuudigu ogolayn.

Sikastaba ha noqotee marbaba hadii aanu jirin Xidhiidh Diblamaasiyadeed oo ka Dhexeeya Somaliland iyo Sucuudigu,  Dawllada Sucuudigu Ku adkaysanayso in aaney Aqbali Karin Xoolo ka Yimid Somaliland in uu Dalkeeda Soo gallo, Dad ka Yimid Somaliland oo Xaj Gudanayana aaney hore u Aqqoonsaneyn, Xukuumada Somaliland iyo Ganacsatadeeduna ay ku adkeysteen Somaliland oo Shicibku ku Diirsadeen Soona dhaweeyeen kuna hambalyeeyeen, Waxaa Dhici Karta 3500 ilaa 5000 qof Waxaa dhici karta in Cadawnimadda Wasiirka Xamar ay Xajka Tagaan Wixii Baasabooro Wadan Kale haystaa oo Sidaa ay Ku joogsadaan Dadkii Baasaboorka Soomaaliya ku tagayay iyaggoo Dhawraya gooni Isutaagooda Muqadaska ah , Waxeynu Dhawrnaaba Maalmaha Soo Socda iyo Sida Xaalku Noqdo.

Nuur Cabdilaahi Maxamed

Hargeysa Somaliland

Nuuriye18@hotmail.com

Somaliland: Turbulent Demonstrations In Burao & Erigavo

$
0
0

Turbulent and violent demonstrations rocked the city of Burao in Togdher and the town Erigavo in Sanaag, yesterday.

The demonstrates who were mainly youngsters came out into the streets to protest the recent inter-community clashes in El-Afweine which cost the lives of at least 20 people.

The demonstration in Burao which was quickly brought under control by the Somaliland Police Forces, was confined to mainly the western sections of the city and led to minor damages to stores and other commercial locations. No one was fatality injured in the  clashes, although several people were taken to hospital for treatment.

However, the clashes in Erigavo were much more serious. Although there has been no reports of any fatalities in the city, there were an exchange of gunfire between remnants of the militia led by the renegade former Somaliland officer, Caare and the Somaliland Defence Forces on the outskirts of the town.

 
There are reports that in the hamlet of Doob, 45 east of Erigavo, the Somaliland Defence Forces were able to repel the militia and capture many of it’s members and their equipment.
 
 
These demonstrations come at a time Somaliland has made significant diplomatic successes and it is quite clear that they are being instigated from outside the country in order to put the nation in a bad light.
 
 
Our sources indicate that the recent lifting of the curfew in Sanaag appears to have emboldened the renegade Caare militia, who are no match for the Somaliland Defence Forces, but can nevertheless, cause insecurity in the region.
 
 
 
The issue of the inter-community conflict in El-Afweine had appeared to have been resolved, after an accord between the two relevant communities which included the exchange of compensation. But, it is quite evident outside forces and their fellow travelers are still causing trouble in the district.
 
The inability of the administration of President Muse Bihi Abdi, and in particular, the Somaliland Home ministry to bring these matter to a peaceful conclusion is a cause for concern.

 

 

Ali Mohamed Abokor

ruraledcomm@yahoo.co.uk


SHURUUDAHA WADAHADAL DHEXMARIKARA SOMALILAND IYO SOMALIA

$
0
0

Wadahadal kasta oo dhexmara laba dhinac ama laba dal sida Somaliland iyo Somalia waa inuu leeyahay shuruudo rasmi ah oo labada dhinacba fuliyaan isla markaana ixtiraamaan si wadahadaldu u qabsoomaan una guulaystaan. Qormadan waxay qeexaysa shuruudaha rasmiga ah ee laga rabo wadahadal dhexmarikara Somaliland iyo Somalia si uu u midho dhalo.

Sida taariikhda ku cad waxaa 1 dii Bishii July ee 1960 si aan rasmi ahayn oo ku dhisan caadifad iyo waayo-aragnimo la’aan u midoobay Jamhuuriyaddii Somaliland iyo Jamhuuriyaddii Somalia oo ka kala xoroobay Ingiriiska iyo Talyaaniga (Somaliland waxay Ingiriiska ka xorowday June 26, 1960 halka Somalia Talyaaniga ka xorowday July 1, 1960).

Midowgaas ku ekaa 30ka sano ma dhexmarin 5ta Somaliyeed ama Somaliweyn. Ma dhexmarin Somaliland iyo 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) balse waxaa uu dhexmaray Somaliland iyo Somalia oo qudha.

Wadahadlkasta oo dhexmara Somaliland iyo Somalia waa inuu dhexmara dadka u dhashay Somalia iyo dadka u dhashay Somaliland oo qudha. Marnaba lama aqbalikaro in Somalia ku soo darsato xubnaheeda wadahadalada dad u dhashay Kilinka 5aad ee Somalida Itoobiya, Jabuuti iyo Somalida Waqooyi Bari Kenya sababta oo ah Somaliland 1960 lama midoobin Somaliweyn.

Waxaa kale oo reeban oo aan la aqbalikarayn in Somalia xubnaheeda wadahadalada ku soo darsato xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha Somaliland sababta oo ah wadahadaladu ma dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliland balse waxay dhexmarayaan Somaliland iyo Somalia.

Shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee ku jira una adeega baarlamaanka, garsoorka iyo xukuumadda Somalia ama degan Somalia amaba degan meelkale ee u ololeeya waxa lagu magacaabo “MIDNIMO” iyo “Somaliweyn” amaba dad u dhashay Somaliland ma gelikaraan wadahadalada dhexmara Somaliland iyo Somalia iyaga oo matalaya Somalia sababta oo ah waxay u dhasheen ama ka soo jeedaan Somaliland. Sidaas oo kale, Somaliland kuma soo darsankarto xubnaheeda u matalaya wadahadalada dad aan u dhalan Somaliland.

Waxaa iyaduna reeban amaba mamnuuc ah in wadahadalada dhexmara Somaliland iyo Somalia lagu saleeyo waxa lagu magacaabo “4.5” oo ah arrin la xidhiidha Somaliweyn oo aan khusayn Somaliland. Wadahadaladu ma dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliweyn balse waxay dhexmarayaan Somaliland iyo Somalia oo qudha. Somalia ayaa ku dhaqanta waxa lagu magacaabo “4.5” oo u dhiganta “Somaliweyn” taas oo la macno ah dal, dad iyo dawladnimo aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed.

Ummadda Somaliland kuma dhaqanto “4.5” amaba “Somaliweyn” waayo dalkeeda iyo dawladnimadeeda iyada oo qudha ayaa leh. Somaliland marnaba ma aqbalayso Somaliweyn inta ay kala shaqaysato dabadeedna la isku adeegsado oo la isku baaba’sho sidii ka dhacday Somaliland sannadihii 1980s. Somaliweyn ma wada laha Somaliland sida aan Somaliweyn u wada lahayn Jabuuti, Kilinka 5aad ee Somalida Itoobiya iyo Somalida Waqooyi Bari Kenya. Ummadda Somaliland oo qudha ayaa leh dalkeeda iyo dawladnimadeeda.

Somalia oo qudha ayaa maanta noqotay raq aan la kala lahayn oo 5ta Somaliyeed u soo boob takaan iyaga oo ku soo gabbanaya labada figradood ee kala ah: “Muqdisho Waa Hooyadii Somaliyeed” iyo “Somaliweyn” taas oo la mid ah maanta “Carabweyn” oo aan midna la garanayn samanka ay hirgelidoonto iyo in kale. Dadka Somalia waxaa laga faramaroojiyay dalkoodii iyo dawladnimadoodii oo loo loogay 5ta Somaliyeed oo aan waxba wada lahayn. Haddii Somalia dadkeedu xukumi lahaa oo ay isku tashan lahaayeen iskana xorrayn lahaayeen hugun Somaliweyn ee aan u soo socon balse hoosaasinaya, mar hore ayay Shabaab ka adkaan lahaayeen, shisheeyaha iska saarilahaayeen, dalkooduna hagaagilahaa.

GUNAANADKA SHURUUDAHA WADAHADALADA

Xubnaha Guddiga Somalia ku matalaya ugana qaybgelya wadahadalada dhexmaraya Somaliland iyo Somalia waa inay noqdaan xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha asalka ah ee Somalia halka Xubnaha Guddiga Somaliland matalaya iyagana laga rabo inay noqdaan xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha asalka ah ee Somaliland .

Haddii Somalia ay xubnaheeda wadahadalada ku soo darsato xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha Somaliland taas macnaheedu waxaa uu noqonkaraan inay maleegayaan khiyaamo aan u soconayn amaba aanay daacad ka ahayn wadahadalada taas oo keenaysa inaan wax wadahadal ah dhicin.

Madaxweynaha Somalia waxaa uu dhawaan magacaabay xubno wadahadalo oo ay ka buuxaan dad u dhashay Somaliland sida wadahadaladu dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliland. Xukuumadda Somaliland waa inay si rasmi ah u qaadacdaa wadahadal kasta oo ay Somalia xubnaheeda wadahadalka uga qaybgelaya ku soo darsato xubno u dhashay: Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad ee Somalida Itoobiya iyo Gobolka Somalida Kenya.

Wadahadalkasta waa inuu dhexmaraa dadka u dhashay Somaliland iyo dadka u dhashay Somalia oo qudha maadaama ay yihiin labadii is-raacay 1960 dabadeedna kala noqday 1991.

Waa adkaandoontaa in nidaamka maanta ka jira Somalia oo sida muuqata haya jidkii Siyaad Barre ee Kelitalisnimada uu la yimaado wadahadalo uu daacad ka yahay oo midho dhala.

Ibrahim Hassan Gagale
July 17, 2019

GUMAYSIGII INGIRIIS 1941 LAWAREEGAY SOMALIYA SYL LABAY XORAYSAY

$
0
0

Waxaynu wada ogsoonahay in dalkeena soomaaliya loo qaybiyay shan qaybood,iyadoo dadku yihiin isku diin,isku dal,isku dad,isku af,isku isir oo wada ah soomaali. waa taariikh cad 1884 in magalada baarliin laynagu qaybsaday. ma aha hada in aan ka sheekaynayo halgamadii gumaysiga ay dadka soomaaliyeed kala hortageen iyo wixii dhacay xiliyadii gumaysiga.

Hayeeshee waxaan u istaagay in aan in yar xasuusiyo dadka soomaaliyeed qaabkii ay u xoroobeen 1960 kii.inagoon ahayn dad soomaaliyeed dalkaa balaarana illaahay ina siiyay ah dad muslim ah oo wada dhashay,ayaa iyadoon waxba laynaga waydiin maalin cad rag dalkeenii iyo dadkeenii ku qaybsaday saan kor ku xusnay magaalada baarliin.

Gumaystaha cadaanka ahaa ee manaxa ahi wuxuu inoo diiday hormar iyo xor uugu noolaansho dalkeena isagoo inagala dagaalamay,maskaxda,dhaqaalaha, aqoonta,iyo midnimadeena ah wada jirka. hayeeshee waxa uu ku dagaalamay gumaysigu dhexdiisa khayraadka iyo nicmada taala dalkeena soomaaliya. haduu dagaalamay waxaa guulaystay Dawlada INGIRIISKA oo ka adkaatay Talyaaniga oo haystay koonfurta soomaaliya qaybna u helay.

INGIRIISKU waxa uu lawareegay dalka soomaaliya oo dhan Talayaanigana waa laga qaaday koonfur oo MOGDISHO waxaa soo dagay oo qabsaday INGRIIS 1941. Magaalda JIGJIGA waxaa fadhiyay INGIRIIS,HARGAYSA ingiriis, dhulka NFD ingiriis intaas oo dhan isagaa haystay,waxa uu san haysan oo kaliya waa jabuuti oo faransiis haystay.

Dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen dad waligoodba neceb oo iska diiday heeryada gumaysiga,sida dhaqdhaqaaqii Ahmed Guray,Halgankii Sayid maxamed Abdulle Hasan ee Daraawiishta,iyo dhaq dhaqaaqyadii gobonimadoon ee ka jiray MOGDISHO iyo HARGAYSA IYO  JIGJIGA sida SYL,SNL,USP. Soomaalidu waligeedba shisheeyaha wayska caabin jirtay oo gayigeeda ilaashan jirtay.

Dhaq dhaqaaq yadii xornimadoon,waxaa uugu waynaa kii  SYL oo ahaa mid ay ku midaysantahay umada soomaaliyeed meel kasta oo ay dagto,kaasoo lagu aas aasay MOGDISHO 1943 maskax katimid 13 dhalinyaro soomaaliyeed. Waxaa kaloo jiray laba dhaq dhaqaaq oo ka jiray gobolada waqooyi halkaana ku koobnaa oo ahaa SNL iyo USP. waxa ay SYL dalka oo dhan ka furatay xafiisyo halganka laga wado sida MOGDISHO,HARGAYSA,HARAR,JIGJIGA meelo badan koonfur iyo bari iyo galbeed iyo waqooyiba soomaaliya. waxaa aduunyadu dareentay awooda syl iyo soomaalida doonaysa madax banaani dalkeeda.

Dawlada INGIRIIS waxay go aan satay oo reer galbeed isku raacay 1950 kii in dalka Soomaaliya la xoreeyo lana siiyo xoriyadiisa loona aqoon sado dawlad.waxaana hoosta laga xariiqay oo laysla waa faqay in 1960 lasiiyo soomaali xoriyadaas. waxa hadaba laysku raaci waa yay dawladee soomaali tababaraysa mudo 10 sanadood ah si ay isu maamulaan oo xilka ugala wareegaan gumaystaha baxaaya.

Wadaniyiintii  syl  ee soomaaliyeed waxay samaysteen calan lagu midaysan yahay,oo uu fakaray halgamaagii waynaa Liibaan cawaale kaasoo lasoo bandhigay 1954 si loo taago kolkii gumaysigu baxayo oo ah 1960 kii oo hore loo qoondeeyay soomaaliduna ogayd.

Waxaa soomaali haleelay imtixaan wayn oo dhaawacay soomaaliya oo ahaa in INGIRIIS in uu inagaarsiiyo xoriyada oo 10 kaa sanadood isagu inasii tababaro ahayd ayaa waxaa diiday oo ku qabsaday Talyaaniga.waxayna isku dacweeyeen dalka maraykanka,isagoo talyaani ku dooday 3 meelood oo aan afrika qayb uuga helay waa in mid uun la iidaayaa,waa ERATARIA,LIIBIYA,IYO SOOMAALIYA. maadaama buu yiri dagaalkii aduunka aan kamid ahay dawladihii laga adkaaday wax ha la ii reebo oo yaan laygu sii tuman. INGIRIIS waa diiday,maraykan wuxuu go aamiyay in golaha qaramada midoobay lageeyo dalalkan midkii lasiin lahaa talyaani in uu lugta kusii hayo.

LIIBIYA waxaa u hiiliyay dunida carbeed oo kaashanaysa hindiya iyo wadamada qarada aasiya badankooda oo waliba ku guulaystay in ay helaan garab.ETATARIA waxaa difaacatay Ethiopia iyo xulufadeeda oo ay ka heshay garab. SOOMAALIYA mahelin cid garab siisa oo difaacda sidaa ayaa loo siiyay soomaaliya.

INGIRIIS ayaa diiday oo yiri dadkii soomaaliyeed xornimay diyaar u yihiin Talyaani marabaan iyaga oo xasuusan hab dhaqankiisii xumaa ee gumaysi sidaa daraadeed maadaama aan gacan ku hayo soomaaliya oo dhan marka laga reebo jabuuti aniga ii daaya 10 kaa sanadood. Talayaani oo xulufo weyn wataana waa diiday. MARAYKAN oo ku wareeray arinkooda ayaa go aamiyay in dadka soomaaliyeed la waydiiyo afti.

Leegada syl waxaa mabaadiidu ahayd u qoran oo dastuur u ahayd in lahelo dalkii lakala qaybsaday ee soomaaliyeed iyadoo ay xaaran tahay in laga dhigo shan qaybood dad iyo dal hal ah. waxaa mabaa diidoodu ahayd soomaaliweyn mid qura ah oo dalku midaysan oo xor ah. marna ma ogolayn kala qaybinta soomaaliyeed mab di iyan. 3 dawladood oo xaqiiqo raadin ah ayaa Mogdisho loo soo diray ah dadku maxay doonayaan TALYAANI mise INGIRIIS in uu 10 kaa sano tababaro?

TALYAANIGA ayaa khiyaameeyay ingiriiskii iyo soomaalidiiba,isagaana ku guulaystay.markaa ingiriis waa samray oo iska gaabsaday,caradii uu carooday NFD IYO SOOMAALI GALBEED IYO dhulkii hawdka la oran jiray RESERVE AREA wuxuu kala siiyay Kenya iyo Ethiopia. hadaad is waydiinayso siday arinkaani u dhacday xaq baad u leedahay laakiin maqaal kalay u baahan tahay in aan ku kala dhig dhigo hadii loo baahdo.

Laakiin dhaq dhaqaaq yadii gobonimadoon,ma niyad jabin ee halgankii waa sii wadeen Hargaysa iyo Mogdisho waxay diyaar u ahaayeen iyagoo isku duuban in ay calankooda taagtaan buluuga ah ee xidigta dhexda ku leh oo ahaa calanka kaliya ee umada soomaaliyeed lahayd kuna midaysnayd ilaa hada. dad ayaan aad u fahan sanayn maxaa keenay in 26 juun in calanka laga taago Hargaysa maadaama balantu ahayd lagaaray 1950 kii, in mar lawada taago INGIRIISNA meesha kabaxo MOGDISHANA laga taago laguna xafladeeyo?

Waxaa jiray rag wadaniyiin ah oo kacabsi qabay in dadka kasoo horjeeday xiligaa in soomaaliya xorowdo,iyo rag la shaqaynaayay oo isticmaarsigu maskaxda ka dhaqay oo aamin sanaa in Soomaaliya ay san israacin dawlad qurana aysan noqon ee ay ahaato sidii lookala qaybiyay,ayaa tagay  Magaalada LONDON oo yiri hadanasii sii anaga ogo laansho ah in aan calankayaga taagano oo xoroowno ingiriisoow. INGIRIIS wuxuu yiri calankiina Soomaaliyeed in aad taagataan ood xoroowdaan cabsi malaha oo horaan uuga heshiinay soomaaliyeey oo waxaa laga taagi MOGADISHO 1 luuliyo 1960.

Waftigaa oo ka koobnaa 5 nin oo ka yimid waqooyiga Soomaaliya, ayaa markii danbe oo aad u baryeen ingiriis ku yiri warqadna kaga sixiixay,in ay MOGDISHO tagaan oo aysan khilaafi karin go aankii dawladuhu iyo soomaliya lagu heshiiyay ee ahaa in soomaaliya lasiiyo xoriyada halmar iyagoo iyana aqbalay. halkaa waxaa ku fashilmay damacii dadkii qarsoonaa ee gumaysiga u adeegaayay.

Dalka soomaaliya majirin dawlad calan lahayd oo madaxweyne lahayd oo kala wareegtay gumaysiga maamul oo aan ahayn midaa dhalatay 1960 kii manajirin dalal soomaaliyeed oo kala ah british somaliland iyo itaaliyaan somaaliland. dalka oo dhan ingiriis ayaa haystay 1941 kana baxay 1960kii. waxaana kenya iyo ethiopia haysataa dad iyo dhul soomaaliyeed INGIRIIS siiyay, iyo jabuuti oo si dadban wali uu u haysto faransiis oo aan helin xoriyad taaba gal ah wali.

Wadaniyiinta soomaaliyeed ee ka halgamaysay waqooyi iyo kuwa koonfureed bari iyo galbeed halbay ahaayeen syl waxay daganayd HARGAYSA dadkuna wuxuu aamin sanaa soomaalinimo iyo wada jir dawladna maynaan ahayn ee dad iyo dal lakala googoostay oo laguumaysto ayaynu ahayn, xiligaa waxaa jiray dad u adeega isticmaarsiga oo kasoo horjeeday xoogagii gobonimo doonka soomaaliyeed siday hadaba u jiraan. cidkastoo soomaali kala goaynaysaa waa uun hirgalinta fikirkii isticmaarsiga cadawga ah ee dalkeena gumaystay.

Dadka soomaaliyeed ha ilaa shadaan walaal nimadooda hays raaco hagarto wixii awoowyaalkeen diideen oo ah gumaysi iyo kala qaybin soomaali.dhab waxaa ah in gacanteena ay soo galayaan dalka laynaga haysto maalin kamid ah maalmaha aduunka.Soomaalidu haka feejignaato dadka isticmaarku samaystay ee fulinaaya afkaarihiisii ahaa kala qaybinta dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed. waana danbi weyn kala qaybinta qaranka soomaaliyeed cidii lagu helaa aduunyadana maanta waa mid umaduhu isu tagayaan oo midoobayaan,nina ma ogola in dadkiisa iyo dalkiisa lakala qaybiyo. wadamada yurub iyagiibaa midoobay oo isu tagaaya inagiina waa ina kala qaybinayaan suuro galmaha mana aqabalayno in afrika dib danbe loo adoonsado.

FIIRO GAARA Dalkeena Soomaaliya waxaa ka jiray kontomeeyadii dawlad daakhiliya ah oo calankeeda lahayd buluuga ah ee xidigta cad leh.waxaana xukumay cabdullahi ciise ilaa julay 12.1960 kii koonfur iyo waqooyiba.halkaa dawlad ayay dadka soomaaliyeed ku midaysnaayeen.waxayna xoriyada ka qaadatay soomaaliya INGIRIIS oo dalkoo dhan qabsaday konfur iyo waqooyiba 1941 dii. waxaa jiray dad soomaaliyeed oo ku sugnaa koonfurta soomaaliya iy gobolada waqooyi oo diidanaa,soomaaliya oo mid ah xorowdana iyagoo fulinaayay kala qaybintii isticmaarsiga iyo mabaadiidii gumaysi. wadaniyiintii soomaaliyeed way kahortageen oo ka adkaadeen fikirkii cadawga iyo kala qaybinta soomaaliyadii daakhiliyada heshay. majirto dawlado soomaaliyeed oo isku biiray oo israacay sida cadawga soomaaliyeed umada ku khaldaba.markii daakhiliyada aynu haysanay laynama oran heshiiskiina ma ahayn qaramada midoobay yaalay in 1960 ka la dhiso laba dal oo xor ah oo ah dawlado soomaaliyeed. balse waxay ahayd in koonfur iyo waqooyi oo dawlad ah ay qaataan calankooda sidii ayayna u dhacday. 4 maalmood ee u dhaxaysay calanka in laga taago HARGAYSA IYO MOGDISHO waxay ahayd arin siyaasad oo wadaniyiintii syl ku badbaadinayeen dalka iyagoo ka ilaalinaayay in daba dhilif ka faa iidaysto geedi socodkaas ee ma ahayn dalal lakala xoraynaayo oo kala duwan syl waxay fadhiday HARGAYSA. waxaa gaalkii INGIRIIS dalkeena siiyay kenya iyo ethiopia oo uu ugu talagalay in mustaqbalka aynaan noqon daris isku wanaagsan oo nabad ah iyo dano kale oo guracan.

Soomaalidu waa in ay gacmaha is qabsadaan dalkoodana ka ilaashadaan gumaystaha iyo kuwa u shaqeeya isticmaarsiga kuwaas oo wadaniyiinta soomaaliyeed horaba ula soo daagaali jireen,ogaadana in ay wali jiraan nacabkaasi.

Yuusuf Omar mashruuc5@hotmail.com

Somaliland: President Muse Bihi Receives EU Envoy

$
0
0

President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, received today the new European Union Envoy to Somaliland and Somalia, Ambassador Nicolás Berlanga Martinez.

 

The President welcomed the new envoy to Somaliland and the region. Both parties discussed areas of mutual interests, including good governance, democratic elections, security, development and the plight of migrants in the Horn of Africa.

The issue of the upcoming parliamentary and local elections in Somaliland scheduled for December 12, 2019 and the EU’s funding of these elections were extensively discussed.

 

The progress of EU funded projects in Somaliland were also among the topics discussed in the meeting between President Muse Bihi Abdi and the EU envoy, Nicolas Berlanga Martinez.

 

Ali Mohamed Abokor

ruraledcomm@yahoo.co.uk

“Danta Guud Wadajirbay Dayac Kaga Fogaataa”Aadan Siciid Nuur (Goray)

$
0
0

Faallo Daaha ka qaadaysa Xaalada Gobolka Togdheer Iyo Duruufaha Nololeed Ee Ka Jira.

“Qalinkii Aqoon yahan Aadan Siciid Nuur (Goray)”

Markasta oo ay maskaxdaada ka soo maaxato inaad ummadda wax la wadaagto ama aad samaynayso qoraal sababta ka danbaysa inta badan waxay tahay inaad ka falcelinayso dareen ama arrin aad aragtay oo damqay damiirkaaga. Aniguna waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo xaalad taabatay qalbigayga oo ii muuqatay bulsho dayac iyo duruufo nololeed la deris ah.

Dunida dadyawga kala duwan ee ku nooli waxay la tacaalayaan nolosha iyo taaba galka dhinacyadeeda kala duwan ee saamaynta ku leh bulshada meel wada dagan, hadaba tani waxay ku tusaysaa bulsho ku dhex jirta dayr xidhan aan lahayn il kaliya oo horumar ka soo galo hadana dana badan u fulinaysa ninkii midada daabkeeda hayey oo aan daryeelkeeda marnaba dubaaqiisa gelin.

Burco waa xudunta iyo hooyada somaliland ee saldhiga u ahayd halgamadii iyo dib u dhiskii dalka ee duruufaha adag loo soo maray ,cidkastaa way ka dharagsan tahay taariikhda iyo doorka dadka reer burco iyo deegaanka togdheerba ku lahaa in qaranku taaba galo.

Inkasta oo duruufaha iyo xiliyada adagi saameeyeen bulsho badan oo ku nool somaliland hadana gobolka togdheer waxa uu ka mid ahaa meelihii ay abaarihii muddada dheeraa iyo dagaaladii sokeeye saamaynta iyo raadka xoogan ku reebeen waxaana ay dadka togdheer ahaayeen kuwo ku tiirsan dhaqshada xoolaha nool iyo dheefsigooda una badan reer guuraa.

Waxa sanadihii adkaa Togdheer ka dhaxlay dhaqaalo xumo iyo horumar la’aan mana jirto wax horumar ah oo ay dawladihii kala duwanaa ee somaliland soo maray ka geysteen ama ka fuliyeen gobolkaasi, dadkiisuna kama tashan aayahooda iyo danahooda lagama maar-maanka ah ee waxay kaga mashquuleen waxaan deeqaynin noloshooda oo dib-u dhac weyn ku keeni kara.

Somaliland madaxweynayaashii soo maray waxay u badnaayeen reer burco weliba waxaa intooda badan dhisay oo taageeray reer togdheer hadana mid qudha kamay helin sadkoodii sadbursiimo haba joogtee.

Maxaan Dogob beer is idhi

Daruuro u soo sasabay

Biyuhu uga sii dareen

Abwan Hadrwaai.

Dulucdaydu waxay tahay bilhii la soo dhaafay waxa wadanka ka da’ay roobab waaweyn oo lahaa daadad iyo fatahaado wax yeelo gaadhsiiyey qaybo ka mid ah magaalooyinka somaliland burco waxay ahayd meelihii ay saamaynta xoogan ku yeesheen raxmaadka EEBE .

Waxaana dhaawac soo gaadhay goobihii isku xidhaayey isu socodka bulshada dadka iyo gaadiidkaba iyadoo ilaa hadda ay xidhan yihiin biriishyo waaweyn taasi oo saamaysay dadka isaga gudbaya magalada iyo gaadiidkaba halka kuwo kale ay dayacayihiin oo bulshada ay ka soo gaadhaan halis iyo hagardaamooyin kale.

Bulshada cidbaa ka masuula cidbaana waajib ka saaran yahay danta guud ee ummadda ,Hadaba xukuumadda somaliland waxay gabtay doorkii ay ku lahayd dayactirka biriishyada burco iyo sidoo kale duqyda iyo danyartii daadadku la tageen ee la daala dhacayey culayska nololeed ee saaran.

Waxaa sido kale jira bur-bur lixaad leh oo soo gaadhay guryihii iyo hantidii gaarka lahayd marka laga tago danta guud ee ka dhaxaysa ummada , waxaas oo dhan oo jira hadana ma jiro wax qorshe ah oo ay ka leedahay dawlad hoose ama dawlad dhexe ee dadku wuxuu ku go’doonsan yahay dariiq labada dhinac ka xidhan.

Reer Burcana waxaan leeyahay inta badan waxaad isku raacdaan waxyaabo aan u wanaagsanayn dantiina oo kala dila midnimadiina balse waxaa idinla gudboon inaad u heshiisaan danta guud ee idinka dhaxaysa oo aad dareenkiina ka muujisaan caqabadaha kuwa jahan horumarka gobolkiina.

Inkastaan Dadkuba ,

Ka sinayn duruufaha,

Danta Guud hadana ,

Dayacii ku yimi ,

Wuu Wada Damqaa,

Dareen ku haduu mid yahay.

Togdheer wuxuu u baahan yahay talo iyo taageero dhaqaale oo lagu toosiyo tabaalada tiirarka bulsho ee liicay mudooyinka tirada badan.

Arrin iyo adduunba way ka arradan tahay burcadii aad taqaanay ee hogaanka u ahayd magaalooyinka kale.

Ciyaaro iyo cudud dhalinyaro way ka cakirin tahay burcadii caanka ku ahayd curadadii guulaystay.

Way badan yihiin duruufaha iyo dayaca bulsho ee ka magaalada burco hadana waxaa jira geesiyaal lugaha dhulka ku xejiyey oo qayb ka qaatay dhismaha iyo bilicda guud ee magaalada oo ay ugu horeeyaan ganacsatada dhisay dhismayaasha iyo ganacsiyada gaarka ah ee kooban ee weli sii jira balse waxa hadh iyo dabool ku ah bulshada taagta daran ee dantii guud iyo tii gaarka ahaydba ka liidata.

Ugu danbayntii waxaan ku soo ururinayaa qormadaydan in reer burco ay fadhiga ka kacaan oo ay xisaab tamaan geed dheer iyo mid gaabana u fuulaan xaquuqda iyo xaqooda la hagraday ee xero kale ku jira una istaagaan wada jirka iyo wax wada qabsiga dhexdooda intaanay cid kale wax ka sugin.

Waxaan sido kale masuuliyiinta iyo xildhibaanada kala duwan ee golayaasha dalka ee xilku ka saaran yahay burco u soo jeedinayaa inay dareemaan xaaladda dadkooda dibna ugu celiyaan daryeel iyo dedaal ay u galaan af iyo addinba.

Anigoo geba-gebadana baaq u diraya qurba joogta gobolka togdheer ee dunida kale ku kala nool oo aan leeyahay Inay gurmad deg deg ah u fidiyaan gobolkooda kana soo qayb galaan siyaasad ahaan ,horumar ahaan iyo baraarujinta wacyigelinta dadkooda.

Waa Qalinkii Iyo Aragtidii Aadan Siciid Nuur (Goray).

Somaliland: German Delegation Meets With Parliamentarians

$
0
0

A Germany delegation, currently in Somaliland and led by the Ambassador to Kenya, Annet Gunther has met with the Speaker of the House of Representatives, Bashe Farah and senior parliamentarians.

The two parties discussed the parliament and local elections scheduled for later this year and the current state of readiness by the Somaliland National Elections Commission (NEC).

 

 

The Somaliland House of Representative which has been sitting for more than 9 years after it’s original mandate expired in 2010, are yet to legislate an elections bill and have not addressed the issue of the representation within the chamber.

 

 

The parliament currently consists of 82 members, as mandated by the Somaliland constitution. However, since the last parliamentary elections in 2005, the population has increased substantially and since there has been no census conducted, it makes sense to increase the number of seats to facilitate the change in population density.

 

However, that would require amending the constitution, and neither the House of Elders, nor the Somaliland House of Representatives have the mandate nor the willpower to address the issue.

 

 

The dispute between the Somaliland political parties pertaining to the NEC and other elections issues continues to simmer, and neither the administration of President Muse Bihi Abdi nor the main opposition party, Waddani, are in a mood to make concessions.

 

Germany is one of the many EU countries that support Somaliland on democratic programs and good governance.

 

 

Ali Mohamed Abokor

ruraledcomm@yahoo.co.uk

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live