Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Hankii Odyaasha Soomalida ee ahaa la midowga Imaaradaha ‪Shaariqa‬ Iyo ‪Ras_Al Kheema‬ 1837

$
0
0

Aslaamu Calaykum

Sida ku cad qoraal ay saan/harag ku qoreen odyaashii ku dhaqnaa Xeebaha waqooyi ee carriga soomalida iminka (Jamhuriyada Somaliland) una direen Sheekha Deegaanda Ay ka talin jireen Qaasimiyiintu sanadii 1837 Sheekh Suldan Bin Saqar Al Qaasimi‬ imkana kala ah Imaarada Shaariqa Iyo  Ras_Alkheema , ayaa waxa ay ku xuseen ammuro badan oo isugu jirtay wacdi diimeed, murugu ka dhan ah madaxdii dalalka islaamka oo gabay diintii, gubaabo jihaad iyo iskaashi iyo midow dhaqan, dhaqaale, iyo mid ciidannba si ay ula dagaalaman Boqortoyada Ingriiska oo damac kaga jiray inuu guumaysto mandaqada, balse waxa la sheegay inaanu Sheekhu ka soo jawaabin dhambaalkaas iyadoo loo maleenyo inuu ingriisku isku dir ka dhex abuuray labada geesood, hadba saantas oo ka koobnayd dhawr xaashood kuna qornayd afka carbiga ayaa waxa aad ku cajab galinya soomalida sida ay ugu xeel dheeraayeen luqadaas iyado markii cilmi badhista lagu sameenayay ay ereyo badan u bahaadeen in sharaxaad dheeriya lagu sameeyo, hadaba xaashi ka mid ah ayaa sida tan u qornayd:-

و نحن محتاجون الى مدد و حتَى كلامك يكفينا اذا امرت السَواعى المسافرة الينا ان يقوموا معنا و يجاهدوا في سبيل الله الحيث اذا جاؤا عندنا ما يخالف احدُ من السَومال لأنهم يهابون اذا سمعوا ان السلطان بن صقر قائم بالجهاد فيهتابون و يقولون كلهم نحن من رعيته و هذه السَواعي المساعره تكفينا بحول الله و قوته و ما ترى ان شاء الله الا و هم داخلون تحت طاعتك في سنة واحده و لا يضر هذا البعد الذي بيننا لانَ السَواعي مقربة تحمل الى بلد لم تكونوا بالغيه الاَ بشق الانفس كما ان سعيد بن سلطان ملك ارض السواحل كلها و هي بعيدة عنه مع انه خارجي ليس من اهل السنة و الجماعة و انت بحمد الله قلوب السَومال مشتاقة اليك لما ذكرنا لهم من اتباعك الكتاب و السنة.
فاجتهد في ضم ملك السَومال الى ملكك الاول فان المملكة سعادة لمن ادىَ حقها و شقاوة لمن جار و طغى و اثر الحياة الدنيا.
Annaguna waxaannu u baahanahy taageero xitaa eraygaaga nagu filan haddii ad amarto doonyaha dhankayga u soo safraya in ay nala garab istaagaan Ilaahay dartiina ay jihaadkana noola galaan, haddii ay yimaadaana cid ka hor imanysa ma jirto , sababtoo ah waxay ka haybadesanyaan haddii ay maqleen in jihaadka Uu ku jiro Suldaan Bin Saqar iyagoo leh anagu dadkiisa banu kamid nahay, doonyahan ganacsina iyada nagu filan awooda iyo xooga ilaahay, iyo waxa aad arki, inshaallaah iaygoo hoostada wada yimid daacadna kuu ah sanad gudihii, , waxba yaanu ku dhibin masaafada an kala fognahay sababto ah Doonyaha aya isku dhawaysay dhul ad ku gaadhi lahayd dhib iyo rafaad, sidoo kale Siciid Bin Suldan Ahna Boqorka xeebaha oodhan iyadoo ka fog kana baxsnyahy balse u yahay ahlul sunna wal jamaca, sidook ale Alle mahadii quluubta Soomalida oo aad kugu xiisoonaysa sababto ah markaan dadkaygii u sheegnay inaad raacday kitaabka Alle iyo Sunihiisa.

Sidoo kale ku dadaal sidii ad iskugu dari lahayd boqortoyda Somal iyo boqortaydaada hore. sababto ah boqortooyada farxada waxa ay u sugnaatay cida xaqeeda gudatay hoogna u sugnaaday cidda leextay ee xadgudubtay sido kalena nolosha aduunyada doortay ……….
رسالة زعماء الصومال
إلى الشيخ سلطان بن صقر القاسمي1837 م
بتحقيــق الدكتور الشيخ سلطان بن محمد القاسمي 1996م 

Risaalat Zucama AL Somal Ilaa AL Sheikh Sultan Bin Saqar Al Qasimi 1837 
By: Dr Sheikh Sultan Bin Mohamed Al Qasimi 1st Jan 1996.

W/D: Abdiqani Abdirahman H Mohamoud (Shariif)



Somaliland: a commencement of the Health Service we Need and Deserve

$
0
0

“Optimism is the thing that drives you forward.”—John Bielenberg, Founder, Future Partners.

Risk comes from when you not knowing what you’re doing” Warren Buffett. In Somaliland, there is an information and research gaps, which is important for the National Development in order to ensure that we made the best decisions in the use of our limited resources, for instance, if the government have been given to a 100 million aid for the improvement of the health of its society but the government didn’t know what diseases it’s people are dying most, then the government can’t made the right decisions and can’t scientifically defend decisions that it has made.

What matters most to mention is that now we don’t know any information about exactly what we die mostly if its non communicable diseases or if it’s communicable diseases, we don’t know exact figures and information about the demographics of the health care services consumers and service users.

In Somaliland currently the situation is more or less similar as above and though there is significant number of people who are dying for Non communicable diseases and its complications such as heart attacks and stroke, cancers, chronic respiratory diseases and diabetes.

Thus far there aren’t significant ongoing health projects with the focus of addressing these diseases, including healthy life style education and awareness raising on this reducing risk factors of these diseases, for the reason being that there are no figures, researches, and evident based data to support the decision of putting in our limited funds to address this diseases.

Recently, there has been the launching of Somaliland Demographic and Health Survey which is the first ever of its kind, the objective of this survey is generating accurate and reliable Demographic, Health and Socio-economic Indicators to fill the existing data gap and come up baseline for HSSP2, NPP and SDGs.

The Somaliland Health and Demographic survey (SHDS) will help the Somaliland National Statistical offices and Ministry of Health produce valid, reliable, and representative national and sub-national data on infant and child mortality, adult mortality, fertility, and birth spacing, maternal and child health indicators and gender based violence.

The main objective of the SHDS is to bridge important gap in the Somaliland statistical systems, by providing baseline health and demographic indicators for the development and monitoring of Somaliland development plan and framework which are based on the globally aimed Sustainable Development Goals (SDGs).

The magnitude of this data for the development of sound national and sub-national evidence based policy, for the effective planning of service delivery to our limited resources, while above all this is important to the monitoring and evaluation of performance by services provides and development projects and programs.

The UNFPA Somaliland office with the financial support of UKAID has supported the Ministry of Health and Planningthe implementation of Somaliland Demographic and Health Survey which will

provide us the necessary data for decision making, with a sample size of 3600 households in Somaliland.

Somaliland has been suffering decades for poor health care services, but I believe the new government of President Muse has recruited the right people in the leadership of the Ministry of Health Development, who are lucky enough to show up their potentialities of improving the nation’s health sector and on the contrary they are unlucky to have the road to change which is a long way to take is waiting them ahead.

As per the Somaliland National Health Policy, 2nd edition, 2011, “Health Sector Reform is a sustained process of fundamental change in policies and institutional arrangements of the health sector, usually guided by the government. Any meaningful reform process ought to be based on evidence and information about the current state of affairs, and potential effect of alternative policy choices” and based on that any meaningful policy and institutional arrangements reform process ought to be based on evidence and proof is why the Minister of Health H.E. Dr. Hassan Ismail Yusuf, director of planning and research of MoHD Dr. Hamud, Dr. Osman from Office of Statistics of Ministry of Planning and Head of UNFPA Somaliland Dr. Adam Haybe has provided a huge input for this survey to be successfully implemented.

This survey has been also named Somali Health Demographic Survey and was covered throughout the 3 Somali zonal government administrations.

If used efficiently to the developmental programs and projects in the data produced by the survey report at the end of this survey, then a one step forward was taken to the evidence based decision making of the national developmental programs and projects, the development of national evidence-based policy, effective planning and service delivery, monitoring and evaluation of performance by service providers and development projects and programs.

The government of Somaliland as well has in place to a national development plan which is based and in line with the globally aimed sustainable development goals SDGs. Somaliland, with its limited resources is aiming to tackle down the figures of disease burden from its people, with the help of the international community, and I believe that Somaliland has a bright future a head.

Somaliland is yet unrecognized and poor but is able and willing to use its resources and attract foreign international investment so as to tackle the level of poor health, poverty and unemployment among its societies. Above all I would like to conclude that the way forward isn’t to try to stop the unstoppable (Somaliland) but the way forward is to look and search win-win solutions.

An opinion of Ahmed Suleiman Omer ahmedsuleimanomer@hotmail.com

+252 63 4352658

Dan qaran iyo Bulsho WQ Ahmedyasin Sh omar Ahmed Fure

$
0
0

“Dal shisheeya ah

Ninka u barooranaayee

baradiisu nabad tahay

Waxaan kaaga baqayaa

Inaad baadi noqotee

Cidla baylah keligaa

Yaanu bahalku kugu cunin”

 

Erayadani waxay ka mid Maansooyinkii hadraawi oo aan yara fadhataystay wax ku daray si aan ujeedayda ugaadho.

Aqoonyahan dooddu way ka leexatay waqti xaadirkan waxaad arkaysaa nin dalkii uu isagu halgan inuu u galo laga filayay ayuu shaki galinayaa isagoo waliba xariif isu haysta balse waxaan kaaga baqayaa inaad baadi noqotee cidla baylah kaligaa yaanu bahalku kugu cunin.

Talaabooyinka positive ka ah ee hogaankaaga iyo dalkaaguba qaday faalo wanaagsan ka bixi taasaa ajar kuugu jiraaye.

 

“Turn the ship around” waa buug uu qoray nin la yidhaahdo L.David marquet wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa hogaaminta wanaagsan iyo saamayn ay bulshada kaga tagto,marka la eego dhaqdhaqaaqa shaqo iyo abaabulka bulsho dawladdu waxay si togan ula tashataa acyaantii bulshada wadaad,siyaasi,aqoonyahan waa bilow wanaagsan oo positive ah.

waxaa siyaasiyiintu ina dhaxalsiiyeen nidaam qufulan oo dhinac kaliya ujeeda iska caabinta,is difaaca,Qabyaalada ku qadhaabka,boobka waxaa laga yaabaa in aynu garan laanahay wadadii sax nayd ee wax ku qiimayn lahayn.

Buugani Turn the ship around wuxuu jiirada ka saarayaa fahan balaadhana kaa siinayaa hogaanka wanaagsan “Leadership is communicating to people their worth and potential so clearly that they are inspired to see it in themselves.”

Dawladda waxaan ku boorinayaa inay sii wado halgankaa xaalad walba oo ay ku sugan tahay bulshada acyaanteeda wanaagsana la tashato xili walba iyo xaalad walba, dadwaynuhuna waa inay dawladeeda wanaag kasta lagarab istaagtaa dawladda in la naaxiyo ayay inooga baahan tahay.

 

W/qoray: Ahmedyasin Sh omar Ahmed Fure

 

Ahyaseen216@gmail.com

Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu Waa Xidig Godkiisii Helay.

$
0
0
Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Runtii wuu asiibay markuu wasiirka horumarinta maaliyadda jsl u magacaabay Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah;
Waxaanu haystaa Wasiir yuusuf;
(two Three Masters
1. Master of Public Administration
2. Master of Public Finance
3. Master of science international trade facilitation and development).
muddo dheerna ka soo shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda. Isagoo ka soo bilaabay karaani kana gaadhay maamule kastam. Mudane yuusuf waa masuul xog-ogaal ah isla markaana la socday hannaankii koboca cashuur-ururinta, horumarinta miisaaniyadda iyo kor u qaadidda dakhliga qaranka.
Yuusuf maxamed cabdi raage wuxuu ka mid ahaa muddo dheer xubnihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, isagoo kaalin fircircoon ugu jirey Xisbiga & horu kaciisa.
Talaabadii ugu horeysay ee uu ku talaabsado Wasiir yuusuf maxamed cabdi waxay ahayd inuu markiiba bilaabay isku shaandhayn waaxaha wasaaraddu ka koobantahay, isagoo u badheedhay kuna talaabsaday bedelaadda shakhsiyaad la soo jiifay tan iyo 1992. Iyada Oo ay hagayso Wasiir yuusuf aqoon & khibrad uu u lahaa waaxyaha wasaaradda & hawl-wadeenada wasaaradda.
Talaabadaas Oo dadku badi ku hambalyeeyeen Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland mudane yuusuf maxamed Cabdi raage.
Talaabada labaad iyana waxay ahayd miisaaniyadda.
Iyadoo miisaaniyadda 2018-ku ay ka sarayso tii 2017-ka 
1. Miisaaniyadda dawalada dhexe 9% 
2. Wadarta Guud ee Miisaaniyadda 2% 
3. Odoraska Dakhliga waxay ka saraysaa 30% oo kala ah 21% hoos u dhac ku yimid dakhligii 2017-ka + 9%-ka ku talagalka dakhliga Miisaaniyadda dhexe. 
Taas oo kaga duwan  miisaaniyadahii hore  
Qaabka loo diyaariyay oo ah hab ku dhisan (Capital budgting) halka miisaaniyadii hore ay ahayd  mid ku dhisan (kharashka Dawlada).
Talaabada saddexaad Oo ahayd inuu ku talaabsaday kordhinta dakhliga.
Waxa iyana ka mid ah horumarka uu ku talaabsaday wasiir yuusuf maxamed cabdi korodhka dhakhli.
Taas oo uu ahaa xiligii samaale iyo samsam dakhligu 2 bilyan
Maantana uu yahay 10 Bilyan
Oo waliba labada gobol Ee Bariga aan la dhisin.
Hagar daamooyinkii barbar socday horumarka uu ku talaabsaday Wasiirka horumarinta maaliyadda;
Iyada oo dedaalkaas, kobaca dakhli & horumarinta miisaaniyadeed la wado, wakhtiga uu xilka hayayna muddo kooban tahay, ayaa waxaan indhawaalaba arkayay dhaleecayn wajiyo badan leh oo warbaahinta loo marinayo Wasiirka horumarinta maaliyadda. Waxaanan u kuur galay in aan ogaado cidda & halka ay eedahaasi ka imanayaan + sababaha xagashada keenaya & ula jeedka dhaliisha & qadafka lagula kacayo wasiirul maaliyaha. Dhaliilahaas Oo aan ahayn kuwo wax lagu saxayo, balse daaran cadho ka dhalatay quudhi-waa, isir neceb, xoolo doon & magac-dil.
Mambaca ay ka soo burqanayaan eedahaasi & dhaliilahaasi Oo ku soo ururaya Wasiirkii horee maaliyadda mudane cabdicasiis maxamed samaale.
Isagoo kaashanaya niman ay ilmaadeer yihiin. Kuwaas Oo Uu u horeeyo;
1. Falalow Cali Gobanimo. oo falkiisii qaban waayay dawladda mujaahidka Ee balaayo xijaabka sidata.
2. Mukhalas Khadar indhaleeb. Oo waayay shaqadii mukhalasnimo ee uu u hayay samaale & samsam 
3. Qabyaaladayste Cabdi Rashiid foore. Oo wasiir samaale adeer u yahay & 
4. Qaar adeegsanaya magacyo qarsoon oo aan is-muujinayn.
Ula jeedka ugu weyn ee Cabdi Casiis samaale Oo daaran. 
1. Doonis uu doonayo
inay Hargeysi noqoto Ceel Afweyn oo kale Oo dawladda tayyada badan Ee Madaxweyne Muuse Biixi-na la fashiliyo.
Iyadoo la ogaa wuxuu sameeyay Wasiir samaale Ee xumaan, musuq iyo qabyaalad ahaa.
Ugu denbeyntii;
Xumaha & neceybka uu u qabo samaale Wasiirka maaliyadda mudane yuusuf maxamed cabdi maaha imika uune way ka qoto dheertay.
Samaale wuxuu wasaaradda yimid yuusuf maxamed Cabdi Oo ah maamule kastam.
Isagoo samaale markiiba ka qaaday shaqadii maamule kastam ahaan.
Markii uu muddo bilaa camal ku ahaa wasaaradda dhexdeeda ayuu yuusuf deeq waxbarasho ka helay dawladda itoobiya taas Oo ahaud;
(Lecturer at Civil Service Institute as the following subjects: 
Public Financial Management 
Governmental Accounting 
Public Administration
Tax Accounting).
isagoo machadka shaqaalaha dawladu uu direy Mudane yuusuf.
Markii uu Mudane yuusuf u baxay bilaabidda aqoon korodhsiga uu dalka itoobiya u tagay ayuu samaale ka joojiyay mushaharkii qoyskii Wasiir yuusuf maxamed Cabdi. Anigu waxaan ka mid ahaa ergooyinkii gaalaa bixinayay Wasiir samaale si aanu mushaharka uga joojin qoyska Wasiir yuusuf maxamed Cabdi maadaama uu waxbarasho ugu maqanyahay dalka dibadiisa dawladuna dirtay. Taas oo aanu ku guuleysanay hawl & tacab badan dabadeed.
Markii uu soo dhamaystay Wasiir yuusuf waxbarashadii uu itoobiya ugu maqnaa ayaa markuu sidaa u yimid-ba wuxuu shaqo ka helay haayad la shaqayn jirtay wasaaradda maaliyadda Taas oo la odhan jirey; 
(Adam Smith international Company as Audit,Tax Administration and Tax Policy Expert).
isagoo imtixaan u galay kuna guulaystay. Ayaa haayadii uga baahatay warqad uu Wasiirka ka soo qaato taas Oo kala cadaynaysa inay wasaaraddu ka maarmayso iyo in kale. Ku darsoo xiligaa yuusuf wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha dhex meeraysta xarunta  wasaaradda isagoon wax shaqo ah loo diran. Ayaa Wasiir samaale haayadii u qoray warqad odhanaysa yuusuf Kama maaranee qof kale oo idinla shaqeeya ayaanu idinku bedelaynaa halkii yuusuf. Waayo yuusuf maaha qof ay marnaba ka maarmayso wasaaradda maaliyaddu, iyadoo ula jeedka samaale uu daarnaa laba qodob;
Xaasidnimo iyo 
Inuu booska haayadda ku bedelo inan uu adeer u ahaa. 
Laakin haayadii ayaa ka gacan taagatay qof loogu bedelo booskii uu imtixaanka ku helay yuusuf maxamed Cabdi , ugu denbeyntiina sidii buu  haayadii kula bilaabay shaqadii.
Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela. Hussein H. Y Cadde. Hussein Badmah. Siciid Gaaxnuug. Siciid Geeljire. Xuseen Cabdi Nuur. Hussein Jama. Baxnaan Hussein Ahmed. Haji Hussein Haji Abdi. Abdi Yusuf Osman. Yusuf Kayse Abdi Laahi. Khadar Siilaanyo. Suxufi Khadar Maxamed. Khadar Nuur. Mohamed Abdi Ibrahim. Barkhad Hassam Johorson. Abshir Axmed. Cumar Gallow. Abdikareem Garas. Garyaqaan Jamal Cagoweyne. Garyaqaan Cabdiqani Xanan. Mawliid Maxamed Garyaqaan Mawliid. Garyaqaan Mustafa Aideed Osman. Khaddar Mahamed Askar. Xasan Cabdi Xaashi.
La soco qormooyinka denbe……..?
Allaa Mahad Leh.
Qalinkii: Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

Qaladkii Madaxweyne Muuse Biixi kaga sii faalooday Go’aanadda Shirka Beelaha Garxajis oo Kalifay inay Beeshu Ficil Qaranimadda Saameyn ku leh kaga jawaabto

$
0
0
Faalo Kooban ? 2-bada Qodob ee ugu hadal haynta badan ee laga waayey (aan lagu soo darin qodobadii shirka ka soo baxay) Warmuriyteedkii ka soo baxay shirkii Tolwanaaje 2 ee Beelaha Garxajis uga qabsoomay Gacan Libaax ?
Waa labada qodob ee kala ah ?
1 > Beeshu Waxay Taageersan tahay Midnimadda, Madaxbanaanidda iyo Gooni isku taaga Jamhuuriyadda Somaliland ?
2 > Beeshu waxay diyaar u tahay nabad kula noolaashaha, walaatinimadda iyo Derisnimadda Guud ahaan beelaha kale ee Somaliland ?
Labadan qodob ee aan lagu soo darin qodobadii gunaanadka iyo Warmurtiyeedka ee ka soo baxay Shirka Tolwanaaje 2. Ee Beelaha Garxajis, anigu waxaan u fahmay ?
Qalad ka dhacay Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi oo si la ma filaan ah todobaadkii shirku socday ee lagu gudo jiray inta uu Saxaafadda ka hadlay si aad moodo Jees Jees iyo in uu kuba faanayo in uu Shirka Beelaha Garxajis Basaasiin u dirsaday oo ay uga qaybgaleen isla markaana Ergadda Shirka Basaasiintaasina iyagu u yeedhinayaan dadka gacanta ku hayey.
Arintaasi waxay keentay cadho Gudo iyo Dibadba oo xata dadka intii aan taageersaneyn shirkani balse ka soo jeeday Hayb ahaan Beelaha Garxajis ay la yaabeen sida iyada oo tabasho xoogani beeshu tirsaneysao hadana uu madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi Cabdi ku ogaaday qodobada uu ku dooday in shirka Gacan Libaax ay Beesha uga socda ay ka soo bixi doonaan, waxaana midhihii hadalka aan ka fiirsashadda lahayn ee Madaxweyne Biixi ka soo yeedhay, keentay in maanta maxsuulkii iyo qodobadii shirkaasi ka soo baxay aan qaranimadda , jiritaankeeda iyo midnimaddeeda Jamhuuriyadda Somaliland lagu soo hadal qaadin iyada oo beeshu tixraacaysa oo ficil shanaysa hadalkii madaxweynuhu sida fudud u yidhi, waxaana qalinka laga ilaaliyo intii uu hore u sii sheegayba iyo xata inay Beeshu balan qaado inay Somaliland jiritaankeeda dan iyo xaajo ka leedahay.
Hadaba in kasta oo Beelaha Garxajis xaqiiq ahaan yihiin kuwa aan indhaha laga lalin karin inay ka mid yihiin dadka taariikh ahaan iyo umad ahaanba ugu lexejecladda badan Qaranimadda iyo difaacista Jamhuuriyadda Somaliland, waxa haboon in madaxda dawladda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi marka ay Beelaha Somaliland qaarkood sida hadaba dhacday isaga iyo dawladdiisa caddaalad uga marti yihiin ee ay tabasho jirto iyo garnaqsi waa in aanu ku deg degin wixii afkiisa iyo qalinkiisa ka soo baxaaya waayo waxa suurto gal ah in dhaawaca ugu badani ay gadho qaranimadda Somaliland sida hadaba tabashadan iyo ficilka madaxweynuhu ee is khhilaafsani keenay sababay, waxaana haboon in Madaxweynaha iyo xata Beelaha Somaliland midkoodna aanu ku gefin jiritaanka Qaranka iyo Tabashadda umadda dhexdeeda.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Qalinkii Cabdiwali Cali Ismaaciil (Hudle)

Dardaarankaygii Ardayda: W/Q Rakad Maxamed Sultan

$
0
0

Waxaan si gaara u hambalyaynayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulkeeda oo  aan marna ka seexan shaqadii loo igmaday ilaa maalintii uu imtixaanku bilaabmay ilaa dhammaadkii imtixaanka  sidoo kale waxaan  qalbiga uga soo duceynayay ardaydii qiimaha badnayd ee Imtixaanku u socday,   intii aan idin odhan lahaaba halkan baan idiinku soo gudbinnayaa:—- 

Noloshu waa ardaynimo intaad nooshahay ardaybaa tahay marna Iskuulbaad ku jirtaa mar Jaamacad, mar shaqodoon baad ku jirtaa,  Marna shaqo barasho, iyaddoo ay dhex socoto nolosha caadiga ah ee iyanna caqabadaha iyo isbeddeladaba lehi, intaad nooshahay waxkasta oo kugu cusub ardaybaad u tahay haddii xattaa aad guursatid, carruur dhashid, da’ noqotid, isku soo duubboo intaad nooshahay arday unbaad tahay, waxa kuu dheer intaad nooshahay macalin baad tahay oo tilmaan iyo tallo unbaad ku jirtaa ood bixinnaysaa ama aad qaaddanaysaa marka halkaa laga yimmaado maanta wakhtigan dalka waxa ku badan shaqo la’aanta iyo iska fadhiga maxaa sabab u ah ayaad iswaydiinnaysaa?  Ilaa maalintii dalka lagu soo noqday waxa ardaydeenna iyo aqoonyahan keennuba baranayeen aqoonta aan xirfadeedu badnayn  waxaanna ay xoogga saarayeen aqoonta Arts ka  sidoo kale ardayda Science  baranaysay markasta way ka tiro yaraayeen ardayda Artska  baranaysay marka gebo-gebada Jaamacadda la gaadho. Maaha hadda  wakhtigii Secondariga.

Tusaale Marka la is barbar dhigo Ardayii baratay Management iyo Nursing, waxa shaqo la’aanta ugu badani haysaa ardaydii Baratay Management, Maxaa sabab u ah, waxa sabab u ah Meelkasta management loogama baahna oo dadka qaarbaa Managementiga Abuur ahaan u dhasha, se meelkasta Nurse waa looga baahan yahay oo cidkastaa Nurse ma noqon karto kumana dhallan karto halkaa markaan marayo waxaan uga socdaa in Aqoonta xirfadda ahi ka jaanis wanaagsan tahay aqoonta kale ee aan xirfada lahayn.

Ujeeddada aan uga socdo maqaalkan waxa weeye haddii aad tahay arday dhammeeyay dugsi sare oo doonnaya innuu jaamacad gallo waxaan markasta kuu soo jeedinnayaa inaad baratid aqoonta loo baahan yahay ee aan hore loo baran, Haddii aannay dalka oolinna meeshay taallo u raadso haddii aannad awoodinna wax u dhigma baro, waxa dhib innagu ah innagoo jaamacaddaheennu sanadkii soo saaraan 10,000 oo arday oo bartay culuumta Managementiga iyo Accountigka oo aad ogtahay in 9,000 oo ka midi ay bilaa camal yihiin inaad adiguna baratid aqoontaas aan shaqada degdega ah lagu hellayn saw dhibwayn maaha.

Sababaha wax loo barto waxa ka mida in lagu shaqo tago iyo in baahiyaha bulshadda dhexyaalla wax loogaga qabto, haddaba ogow in aqoonta u badan ee dalka taalla aan loo wadda baahnayn waanna sababta 75.6% ay bilaa shaqo u yihiin, Haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid iyo inaad baahida bulshadaada wax kaga qabatid baro aqoonta bulshadu u baahan tahay haddii aqoontaadu baahida bulshadda wax ka qaban waydo shaqo la’aanbaad jaar la tahay.

Xalku muxuu noqonnayaa :————————

Inaad baratid aqoon dalka looga baahan yahay iyo culuumta aan xirfaddeedu qabyaalad gali karin sida kolba jaanisku u bannaan yahay iyo shaqooyinka dalku u baahan yahay.

Ardayda dugsiyada sare dhammeeyaay waxaan u soo jeedinayaa:——————–

In marka Hore ay waxbarashadda sii wattaan ilaa halka ugu sarraysa

Inay bartaan culuumta loo baahan yahay

Inay xirfado shaqo oo gaara bartaan intay jaamacadda ku jiraan

Innay shaqaystaan oo shaqo tagaan oo aannay sugin intay jaamacadda dhammeynayaan.

Innay computer  si fiican u sii bartaan gaar ahaan shaqooyinka xafiisyadda iyo qaababka computerka loogu shaqeeyo

Innay Coursooyin gaagaaban bartaan oo ah Xafiisyadda, Maamulka iyo Accounting oo ay Base ka dhigtaan.

Innaad ka shaqaysaan ganacsiga waaalidkiin oo aad horumarisaan oo aynaan iska waynaysiin.

Innaad aqoontiina gudbisaan oo dadka la wadaagtaan oo aydaan  waxba hagran.

Innaad curin yeelataan oo waxsoosaar yeelataan

Innay shaqo abuur sammayn karaan oo fikir ganacsi ku hamiyi karaan.

Inay macalinmiintooda xusuustaan oo soo dhaweeyaan goobaha ay kula kulmaan.

Mahadnaqa Allena markasta Wehel ka dhigo.

Sidoo kale haddii aad tahay arday jaamacad gallaya oo sanadkan ka baxay dusgi sare fadlan culuumta aad baranaysid ha noqoto mid aad aqoonteedda leedahay oo aad jeceshay qorshena ka lahayd tusaale haddii adiga oo Arts ahaa dugsigii sare aad jaamacadda gashid qaybta  ingineering waxa kugu adkaanaya inaad si fudud u fahantid taas oo ay sabab u tahay takhasuskaagii dugsiga sare markaa markasta oo aad waxbaranaysid waxaad jeceshay inaad noqotid aqoonteedda un barro waanna innaad leedahay laba  qorshe oo jaamacadda ah haddii aad qaybtaas waydid oo aannay dalka laga hellayn dibadanna awood u lahayd waa innaysii doorataa culuumta labaad ee aad jeceshay inaad ku takhasustid.

Waad mahadsan tihiin.

Adigu maxaad kula tallinaysaa ardayda Adna? Qor oo u gudbi.

Email:  Farxaanmxd@gmail.com

Berbera

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Article: 320.

Berbera

Tell: – 063-4400319

Adeege  arday/bulsho

ILAALINTA SIRTA W/Q Farxaan Maxamed Xasan (Rakad)

$
0
0

“Sirta shaqada oo aad bixisaa waxay kaa eryaysaa shaqadaada”

Sir: waa wax la rabo in la qariyo arag ahaan iyo maqal ahaanba taas oo la doonayo in aanay ciddi maqlin ama arkinba.

Sirtu waa qayb ka mida waxyaalaha qarsoodiga ah ee ay dadku isku ilaashadan ama isku sheegaan.

Sir waa waxkasta oo la qariyo ama aan la doonnayn inay adiga ku dhaafto.

Qofkastaa wuxuu sirta la wadaagaa cidda uu ku kalsoon yahay si uu uga hello  talo iyo tusaale anfac u yeesha.

Haddaba maalinkasta waxaad la sheekaysataan asxaabtiinna taasi waa sheeko waanna la wadaagaa se sirtu waa wax gaar laguugu sheegay ama koox la idinku sheegay oo la isku ogyahay in la ilaaliyo oo aan la faafin.

Markaa qofkasta waxa la gudboon in loo ilaaliyo sirtiisa gaarka ah iyo sirtiisa guud haddii lagu heshiiyo.

Sirtu waxay ka dhacdaa;

Sirta cidda aad la nooshay

Sirta cidda aad asxaabta tihiin

Sirta goobta aad ka shaqaysid

Sirta cidda loo shaqeeyo

Sirta meesha aad ku nooshay

Intaas oo meeloodba sirbaa laga helaa ama lagaaga sheegayaaa markaa adiga waxa kula gudboon inaad noqotid qof sirahaas kala duwan ilaalinaya kaliya la wadaagaya ciddii kuu sheegtay ama kula ogayd.

Marka shaqooyinka laga hadlayo sababaha la isku eryo waa ka mida bixinta sirtu, sidoo kale waxyaalaha jara ama baabiiya xidhiidhka saaxiibtinimo waxa ka mida bixinta sirta saaxiibkaa/taa sidoo kale dadka aad u shaqaysid ama macmiisha kuu ah oo aad sirtooda bixisid waxay sababtaa in macmiishu kaa tagto tusaale ahaan tukaan baad haysataa ama sarifle Gabadh ka mida oo ku xidhan meheradaada ayaad jirta ka dibna nin asxaabtaada ka mida ama socoto ah buu ku idhi ii sheeg inantaa Lambarkeeda ay zaadka kuugu dirtay si aan ula haasaawo adna si fudud ayaad ugu sheegtay isna wuu la hadlayba ka dibna marka ay ka qabato ee la is waraysto waxa ku xigaysa xaggee ka keentay telefankayga? Jawaabta waxa ina siin doonna qof ay ku dhacday oo garaacay ama waydiiyay su’aasha? haddii bixinta telefanku dhib keenno adiga ayaa masuuliyadeeda qaadi doonna.

Sirtu waa mid loo dhasho ilaalinteedu se marka ay wax kaa soo maraan ayaad garanaysaa dhibkeeda, haddii aad doonnaysid ilaalinta asxaabtaada, ilaalinta shaqaadaada, ilaalinta macmiishaada, ilaalinta dadkaaga iyo dalkaagaba fadlan ilaali sirtooda iyo wixii u baahan in la qariyo oo aan cid lala wadaagin.

Tusaale: Waddanka hay’ado badanbaa ka shaqeeya subaxwalba waxay gudbiyaan xaalada waddankeennu ku sugan yahay qofkasta oo shaqaale ahna xogbay waydiiyaan shaqo iyo waajibaad looga dhigay taas haddii ay xabad yari dhacdo ay haayadaha U.N iyo cidda la shaqaysaaba ogyihiin.

Waxaan uga socdaa Markaa wixii waddankaaga dhaawac u geysanaya ilaali oo ha gudbin se wixii horumara gudbi oo la wadaag.

Sirta inaad ilaalisaa waa aqoon iyo waayo-aragnimo la is dheeryahay.

Ilaali sirkasta oo aad gacanta ku haysid haddii kale waxaad noqon doontaa qof tilmaaman oo sirtiisa la hayo.

Haddii aad sheeko ama dhacdo haysid ii soo gudbi.

Wali ma kugu dhacday oo sirtaada ama telefankaaga ma bixiyay sarifle ama meheradi ka dibna ma lagula soo hadlay?

Wali sir shaqo oo aad bixisay ma lagugu eryay ama laguugu digay?

Wali sir aad leedahay oo aad qarisay ma la sheegay?

Ma tahay qof aan waligii sir bixin?

Ma tahay qof ilaaliya siraha soo gala ?

Ma tahay qof ilaaliyay sir aad kadis ku heshay oo aan laguu sheegin?

Jawaab koooban.

La soco qaybaha dambe

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com

Article: 321.

Berbera

Tell:- 063-4400319

Nin aan Waxa Jooga Garanin-Waxa soo Socda Ma Garto!

$
0
0

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

Salaanta Islaamka ka dib, aduunyadda horaa loo yidhi, waa sagaal, qabyo ama baylah kama dhamaato, balse marwalba, Bani’aaddamku waxuu u taagan yahay, ama ku dedaalaa daboolideeda guud ahaan, gaar ahaana, ummad kastoo Ilaahay isku deegaan ku abuuray, way u taagan tahay hadafkaa, waajibku ha ku horeeyo, haddba inta ay u dooratay ee arrinka xalkiisa u xilsaaran. Balse hadii waajibkaa ay ka gaabiyaan kuwii looga fadhiyey, sida baylaho badan oo dalkeena horyaala, qeybna ka tahay ta maanta igu kaliftay inaan qalinka u qaato, oo xaqiiqdii gubaysa anniga iyo inta ila garaadka ah ee u taagan difaacida dannaha dalkooda JSL iyo dadkiisa, ayaa igu ajburtay inaan la wadaago bulshada, si aanu wadajir ugu hoga-tusaalayno inta ay khusayso, dhamaynteedu.

Waxa muddo dhoweyd dalkeena ka dhacay fal waxashnimmo ah oo loola badheedhay bulshada ku nool Buuhoodle, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadheen muwaadiniinteena, Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatay, inta ku dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan haka siiyee, aamiin, oo guud ahaan bulshadeeda iyo madaxdeenu uguna horeeyo Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi si weyn u cambaareeyeen, isla markaana Madaxweyne Biixi ku amray hay’addaha Amaanka dalka inay baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo cadowga ka dambeeyey.

Maalin ka dib, waxa weedhahii Madaxweynaha JSL Md Biixi kaga deyday isla markaana amray in muddo afar iyo labaatan saacadood lagu helo natiijada kuwii ka dambeeyey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Md Cabdi-weli M Cali Gaas, halka nasiib-darro Ku-xigeenkiisu hubsiimo la’aan eedaha weerarkii Buuhoodle kula soo galgashay dalkeena dadkiisii lagu gumaaday inay ka dambeeyeen! Balse horaa loo yidhi ( af aanad lahayn ma qabatid).

Maalmo horteed Guddi sheegtay inay baadhayeen falkii ka dhacay Buuhoodle oo maamulka Puntland metelayey waxay shaaciyeen inuu gebagebo ku dhow yahay hawshoodii, dhowaana natiijadeeda shaacin doonaan, ka dib kulan dhexmaray Madaxweyne-xigeenka Puntland (Ninkii Hubsiimo-la’aan ku eedeeyey JSL weerarkii Buuhoodle), akhristow- maxaad filaysaa in natiijada Puntland noqon doonto? Nin Raggi wuu Garran-doqqona loo sheegi mayo!

Waxaan isweydiiyey tollow, baadhitaankii Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi faray in lagu sameeyo falkaa oo sida cadceeda ugu muuqday ummada kuwii ka dambeeyey, dhinacyo kala duwana magacaabeen, ayaa xog la’aanta igala soo gudboonaatay arrinkaa, waxa iigu biiray, halis kaloo laga soo sheegay inay ku soo korodhay bulshada reer Buuhoodle, kuna saabsan baqdin-gelin dhinaca telefoonada fariimo dad kala duwan loogu soo diray, (Wallow) xaqiijinteedu dambayso, balse waa digniino aan la dhayalsan Karin, oo wadanka jaarkeena ee Soomaaliya hore bulshadiisa loogu burburiyey, hadaan degdeg looga gaashaaman?

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin aan waxa jooga garanin, waxa soo socda ma garto” waxaan ku baraarujinayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland inay feegijnaan dheeraad ah u yeeshaan ilaasashaha dannahooda iyo nabadgelyada dalkooda Ilaahay ku mannaystay, Uguna Mahadnaqaan, gaar ahaana hay’addaha u xilsaaran Amaanka iyo Xukuumada ku boorinayaa inay talaabooyinka ku haboon ka qaadaan, isla markaana looga fadhiyo inay qorshayaashii ay ku waajahi lahaayeen dabbinada cadowgu maleegayo u diyaar ahaado, iyagoo la kaashanaya bulshadooda u heelan dalkooda, Ilaahay ummadeena JSL iyo guud ahaan Islaamka guluubtooda ha mideeyee. Aamiin.


Xidhiidhka Dawlada Israaiil Iyo Carabta Qore Khadar Ibrahim

$
0
0

Sida loo wada ogsoon yahay aduun weynaha waxa ka dhaxeya waa xidhiidh amba siyaasadd laysla wadaago, xidhiidhka doblumasiyadeed marar qaarkood uma baahna xita in dalkaaga ay sifaarad dalka kale aad la rabto xidhhiidh in ay khasab ku ahayen, waxaana taasi ka dhex dhacday dalal rabay in xidhiidh doblimaasiyadeed la samiyaya dawlada israaiil oo ay ka mid yihiin dalalka carbeed,waxaana been umadooda ay u sheegaan dalalkaasi in wax xidhiidh ah lalahayn dalka israaiil.

Wargeyska baaca dheer ee ka soo baxa wadanka Maraykanka ee lagu magacaabo New York Times ayaa maalintii jimcaha ahayd ee 14 Jully 2017-ka waxa u daabacay warbixin uu u ugu magac daray  Israel’s Secret Arab Allies, Carabta gacansaarka Qarsoon la leh Israa’iil , isaga oo kaga waramay wadamada carabta ah ee isku deyeya inay hagaajiyaan xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo wadanka Israa’iil,warbixintan oo u diyaariyey nin lagu magacaabo NERI ZILBER oo ku caan baxay cilmi-baadhisyada iyo qoraalada dhaqanka…Halkan riix si aad u aragto macluumaad kooban oo ku saabsan qoraaga …..https://www.nerizilber.com/about oo warbixinada u qoro lagu daabaco wargeysyada waaweyn ee reer galbeedka sida Foreign AffairsTheAtlanticNew RepublicThe GuardianWashington PostIHS Jane’s, Foreign PolicyThe Daily Beast iyo Politico Magazine, ayaa wuxuu warbixintan kaga waramayaa dalalka sida joogtada ah ay u wada sheqeeyaan dalka Israa’iil ee carabta ah isaga oo tilmaamay in mudooyinka soo socda dawlada Israa’iil ay heli doonto xidhiidh fiican iyo jaar wanaagsan oo ah dadka markii hore cadawga u ahaa.

Sidoo kale wuxuu warbxintan aad ugu qaada-dhigay xidhiidhka ammaan ee ka dhexeeya dalka Israa’iil iyo dalka Urdun, waxaana xidhiidhka asaasay boqorkan awoogay ahaa boqor cabdalle iyo aabihiis boqor xuseen.dhowr jeer ayay ku badbaaday dalka urdun wakhtiyadii dagaalada 1956- 1967- 1973- oo soo waajahaday dagaaladaasi dalalka la jaarka ah israaiil .

Maamulada ay xidhiidhka weyn la leeyihiin waxa kale oo uu ku sheegay madaxda ismaamulka Falastiin oo ay iska kaashadaan siddii argagarixasada loola dirir lahaa sida ururka Xamaas oo labadooda cadaw u ah iyo ururada kale, warbixintu waxay aad hoosta uga calaamadisay in dalka Masar iyo Israa’iil xidhiidh weyn oo dhinaca ammaanka ah uu ka dhexeeyo, xidhiidhkaas oo keenay in sannadkii 2016-kii ay duqeyeen diyaaradaha Israa’iil meelo ka mid ah gudaha dalka Masar, iyo xishiisyadda ganacsiga ee u dhexeya laba dal, waxaana intaas ku racsan in labada dal wadaagaan sifaarado.

Wadamada Khaliijka ayaa iyaguna siday warbixintu xustay doorkooda ciyaaraya kuwaas oo waqti xaadirkan sii kordhiyey xidhiidhkooda ay Israa’iil la leeyihiin sababta keentayna ay tahay iyaga oo cabsi badan ka qaba dalka Iran, si aynu arrintaa u sii fahano waxa u wargeyska Israa’iil ee Haaretz qoray in madaxii sirdoonka ee dalka Israa’iil Meir Dagan u booqasho sir ah ku tegey dalka Sucuudiga isaga oo madaxda dalkaas ay ka wada hadleen arrimmaha nuclearka ee dalka Iran, waxayna ku tusaysa khatarta ay ku jirto qoyska boqotooyadda sucuudiga oo baahi u qaba xidhiidh lasameyaan israaiil.http://www.haaretz.com/israel-news/1.801194…..Qoraaga warbixintani wuxuu ku tilmaamay arrimahan oo dhan inay sidii hore ka degdeg badan yihiin marka la eego dhaqdhaqaqyada dublamaasiyadeed ee carabta iyo Israa’iil dhex socda arrintaasna u madaxweynaha Maraykanku ku tilmaamay guul u soo hoyatay adduunka oo dhan.

Taasna waxa ka horeyay xidhiidhkii dalka israaiil iyo qadar oo bilaambay sanadkii 1996 oo xafiis ay dawlada israaiil ka samaysatay dooxa. Imikana sida la sheegayo in ay dawlado kale sida baxrayn iyo imaraadka u haraadsan in xidhiidh la sameyaan dawlada israaiil. Dalal kale oo carbeedna way jiraan oo israaiil xidhiidh wanaagsan ka dhaxeyo sida morooko iyo muritaaniya iyo lubnaan. Isku soo wada duub maqaalkane wuxuu ku tusaya in dalalka carbeed ku fashilmayn siyaasadii iyo dagaalkii ay ku wadayen dalka israaiil oo u hadhsan in ay ku ictiraafaan israaiil oo dawlad ah.

Qore Khadar Ibrahim

 

Khadar338@hotmail.com

Xidhiidhka Ruushka iyo Somalia maxuu ku soo kordhinayaa mandaqada Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe?

$
0
0

Dagaalkiiqabooba (the cold war)markuudhamaday, dalkaMaraykankuwaxuunoqdayawoodakaliyaeecalamkakajirta(Only Super power). DhaqaalahaMaraykankuwaxuunoqdaydalkaugudhaqaalahawayncalamka, lacagtadollarkaeeMaraykankuwaxaynoqotaylacagtacaalamkaoodhanwax ku kala iibsadan.

Haddaba, majiro dal/dalalkale ooMaraykankala tartamikara,xagaciidaniyoxagadhaqaalahaba. Lakiiniminkawaxaasoobaxay in ay dalalkaRuushka, Shiinaha (China), iyo European Union ay kasoohorjeedsanahabdhaqankaMaraykanka.

Shiinahu (China) waxuunoqdaydalkalabaadeecalamkaugudhaqaalahabadan. DalkaRuushkaoomudosuuxsana(coma) kujirana, waxaasi cad ugasoohorjeedsadayawoodahaciidaneedalkaMaraykankaiyoxulafadiisukawadanbarigadhexe.

Sidadaradeed,waxaamarlabadbilaabmaydagaalqabooba (cold war) oocalamku u kala qaybiyaylabagarab. GarabuuMaraykankuhogaaminayo, oo ay ka mid yihiindalalkakhaliijku, iyogarab kale oouuRuushkaiyoShiinahu (China)hogaaminayo, ooIiranka mid tahay.

Haddaba, Barigadhexewaxuunoqdeengoobahaxurgufdanikabilaabmatay, kanasiisoconayso. Iminkanawaxayu soogudubtayGeeskaAfrikaiyobadacas.

Haddaba, shirkaqaramadamidoobaywaxakukulmayRaysalwasaarahaRuushkaiyoWasiirkaarimahadibadaeedawladamagac u yaalka ah eeSomalia. Waxaa ay kuheshiiyeen in ay sooceshadanxidhiidhkiikadhexanjiray.

Haddaba, samayn ma inaguyeelankartaaxidhiidhka Somalia iyoRuushka?

Waxaa laga yaaba in laba mid ay noqoto:

  • In aynu kafaa’iidnoheshiiskood. Sida aynu ugafaa’iidnaykhilafkakhaliijka, markii aynu tageernayisbahaysigaSacuudiguhogaaminayo, Somaliyanameeldhexeiskatageen.Waa haddii ay xulafadaMaraykankuiyokhaliijkuhogaaminaya ay inacawiyan. Ama
  • In aynu dhibaatoinoogatimaadoheshiiskooda. HaddiiRuushkaiyoxulafadiisu ay Somalia kulaheshiiyan in ay kacawiyanxaga militaryiyodhaqaale. Somalia saldhigyo militarykagabadalato. Dawlada Somalia eedaciifka ahi, eemusuqmasaquhadheeyay ma diidikartoqorshaha ay wataanxulafadaRuushku.

DalkaRuushkuin mudaahbawuxuuwadaysidiiuu u joojinlahaaawoodaciidaneeuuMaraykankuiskubalaadhinayobarigadhexe. DalkaMaraykanuwaxauudoonayayinuudawladaSiiriyakatuuroxukunka,siduukayeelaydawladiiSadamXuseeneeCiraaqiyoTalabankaeeAfganistan.RuushkuwuxuuhakiyayawoodaciidaneeMaraykanka, markiidalalkaRuushku, Iiran, TurkiiyoAsadkaSiiriyaay jabiyeendawldadiiDaacishiyoxulafadaMaraykankuhubeeyay.

Haddaba, guushaRuushkaiyoxulafadiisukasoohooyeenSiiriya, waxaysiisayRuushkakalsoonicusuboo ay uguhanqaltaagan in ay kujoojiyanawoodaciidaneeMaraykankaiyoxulafadiisakhaliijkukawadandalkaYeman.

Haddaba, iyagaooxulafadaniuuRuushkuhogaaminayo mar marsiiyokadhiganaya in ay joojinayaxasuuqaiyomacluushakasocotadalkaYeman, ayaawaxayraba in ay saldhigyadamilitary kahelan Somalia/Somaliland. Saldhiganiooydoonaya in ay kaganaduulandalkaYeman.

DalkaRuushkuwaxaauudoonayainuumarinkaSuez-kaooah marindabadaeeugumihiimsancalamkainuufadhiisimokahelo, siisagaiyoxulafadiisu ay awoodadhaqaaleiyociidanbaugafaa’iidaystan. Labadasaldhigeeuudawlada Somalia waydiisanayaawaxaynoqonayaansaldhigBadacarabtakuyaala(amaBoosaaso) iyo mid BadaCaskuyaaloo (Berbera/Saylac) ah.

Somaliland ma ah dal la Ictiraafhaysta, calamkunawaxuuIctiraafsanyahaydawlada Somalia eetagtadarin in ay Somalia (ooy Somaliland) kujirtoka mid tahay. Ruushku, isagaootaasikafaa’iidaysanayaayuuogalaanshosaldhiga Berbera/Saylackasooqadanayadawlada Somalia.

Dawlada Ruushku way ogyihiin in aynadawlada Somalia katalin Somaliland (amaBerbera iyoSaylac), lakiinmarka ay ogalaanshosaldhigyadanihelan, ayayRushkuwafdi u soodiridoonaSomaliland.

WaxuuRuushkuSomaliland siindoona‘ultimatum’, amalabadamid in ay kala doorano:

  • In ay saldhig military aydawlda Somaliland u ogalaato.
  • Haddii Somaliland diido, waxay u sheegayaanin ay dawlada Somaliland khakhalsiyaasadeediyonabadgalyo ay galindoonan.

DalkaRuushku ma ah dal sidadalalkareergalbeedka, siyaasadiyo is qancinkafakira. MadaxwaynahaRuushku (MrPutin), isagaooguushauukagadhaySiiriyakuxusaabtamaya, ayuukusoodhiiranayainuuqabsadoGeeskaAfrikaiyoGacankaCadmeed.Ujeedauukaleeyahaywaasidaawoodisaciidanugufidiyodegankani, islamarkanauudawladaGalbeedkaeeuuMaraykanuhogaaminayo u tuso in aynadhimanawoodiiciidaneeRuushku.

Marka, haddii ay Somaliland ogalaato in ay saldhig Military siiyanRuushka.Ruushkuwaxuu Somaliland katageeridoonaxagdhaqaleiyociidanba.GeeskaAfrikanawaxuunoqondoona, meesha ay kaburburiyanawoodakhaliijka. IyagaoohubeeynayaxogagaxuutiyiintaeeYemankadagalamaya. Dagaalkasinawaxaagadhidoonadalalkakhaliijkaoodhan.

Haddii Somaliland diidocodsigaRuushka, waxaaiskudayidoona, in ay hub iyosaanadsiiyan Puntland iyomucaaridkaSomalilandkasoohorjeeda. TaniwaxaynabadgalyadaSomaliland iyoGeeskabagalindoontakhalkhal.

Haddaba, maxaa la gudboon Somaliland?

Somaliland waxaa mar kastafaa’iidougujirtaain ay xulafadaSacuudigaiyoMaraykankuhogaaminaya ay la safato. Lakiin, Somaliland waa in ay kooxdanihordhigtokhatartaSomaliland, GeeskaAfrikaiyodawladahakhaliijkawajahayaan, haddiiaan la tageerin Somaliland.

Marka, xulafadaSacuudiguhogaaaminayowaa in ay:

  • Ictiraafka Somaliland, siayna loo joojiyosheegashada Somalia ay sheeganaysoiyokhidadahaRuushkuwato. Iyo
  • In dhaqaalo Somaliland laga cawiyo, sicadawga Somaliland ugafaa’iidaysanbahidadadka Somaliland.

Marka, xukuumada Somaliland waa in ay fadhigankakacado, siyaasadaMarfishka ma shaqaynaso.

Somaliland waa in ay u cadaysodalalkaCarabta in Somaliland xidhiidh la samaynaysoRuushka, intaaynaSomaliaxadhiidhkoodahanaqaadin.

Gabagabadii, waxaa laga yaaba, in dalalkakhalijkaiyoxulafadoodu ay arintanika war hayaan, sidegdeg ah ugafalcalindoonan. Haddii kale,waa in Somaliland ay arintanidabadakariixdo.Intaaynaalbaabkastabaingasooxidhmin.

 

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!!!!!!!!!!!!!!!!

OMAR ABDI YOUSUF

OAKLAND, CALIFORNIA

omaryousuf455@gmail.com

The Importance of teh Somaliland Diaspora by Anis Esse

$
0
0

The Term Diaspora comes from an ancient Greek Word meaning, “To Scatter about”, and that’s exactly what the people of a diaspora do—they scatter from their Homeland to places across the globe, spreading their culture and language as they go.

 

The Somaliland Diaspora refers to the Communities throughout the world that have resulted by descent from the movement in historic times of people from Somaliland, predominantly to the America, Europe, Australia, Africa, Asia, the Middle East, and among other areas around the globe.

The contributions made by the Somaliland Diaspora, starting with the historical era of the Somali National Movement {SNM}, the continuous contribution the Somaliland Diaspora are still making, and finally I will talk about the future, what could be done for Somaliland by the Diaspora communities in cooperation with the Somaliland Leadership, both the Government and the opposition.

 

If we look back at the history, we all remember that the Somali National Movement, {SNM} that created the rebirth of Somaliland was formed overseas.  The people of Somaliland played large role in overthrowing the military regime of Siad Barre.  Specifically, the Somaliland Diaspora gave financial and moral support to the Somali National Movement {SNM}.  They lobbied the governments of the countries in which they resided.

For example, The Somaliland Diaspora and Student Association of America used to travel to Washington, DC. To demonstrate against the military dictatorship of Siad Barre.  These activities and others made the United States government and legislators aware of the political problems of Somalia.

In those days the Somaliland Diaspora not only to traveled to Washington dc. To demonstrate, we also worked closely with our State senators and the House of Representatives to lobby effectively.

In State of Illinois, The Somaliland Diaspora and Student Association of America were fortunate to have Senator Paul Simon, who was the Chairman of the Subcommittee in Africa in those days.  We reached out tohim and he helped us when he realized what was going on in Somalia at that time.  Also many other Somali landers were reaching out to their political leaders in different states as we were doing.

With the leadership of Senator Paul Simon, the congress of the United States Stopped giving financial aid to the Military regime of Somalia and that was the start of the downfall of the Siad Barre regime.

The contributions of the Somaliland Diaspora remain a never-ending set of responsibilities.  For most people in Somaliland the remittances received from Diaspora are still their main source of income.  We are all aware of the economic problems of Somaliland and the high unemployment rate. 

The Somaliland Diaspora not only help through direct remittances, they also are building Schools, Universities, Hospitals, Mosques, Light industry, telecommunications and  other businesses.  Again we are witnessing the role and continuous contribution of the Somaliland Diaspora.

 

In the future, if the Somaliland Diaspora come together and organize themselves with the cooperation of the Government and opposition leaders, the possibilities for further accomplishments for our people and nation are limitless.  In considering the future, we must deal with the issue of Somalia sooner or later.  Somehow we must devise a strategy to deal with this political issue.  For the last two and half decades, the political problems of Somalia have worsened.  The reconciliations sponsored by the international community have all failed.  It is not to our best interest to have the chaos continuing.  Our future plans must begin to include solutions that can help our progress, which is Recognition of our country.

The Somaliland Leaders have to find ways to connect with the international community and institutions to stabilize the nation and move it forward.  It is important to share the vision of what we can have together and what we can accomplish.  If we want to know where we want to go, we have to understand where we come from and how we got to where we are now.  Then there will be many other opportunities and possibilities to shape the future of our nation and people for the better.

“Abwaankii Waynaa ee  Ahmed Moxumed Good  “ Shimpir”  ayaa laga hayaa…heestan

Ayaan Daranaa dhulkaygu, Abaal daranaa dhashiisu, Ilaahay markuu wax siiyay , ilowsha dhowaa saboolku…..Waa la doogiye Yaan la dacaroon….Peace and Milk”

 

ANIIS ABDILLAHI ESSA

SOMAILLAND ADVOCACY GROUP

ABU DHABI, UAE.

Saddex Xigmaddood Oo Ka Anfici Kara Hadii Aad Noloshaada Ku Dabaqdo Inay Wax Badan Ka Anfacaan : Xigmadihii, Dulqarnayl Axmed

$
0
0

1: Qof Kasta Waa In Uu Aqbalaa Imtaxaan Kasta Oo Noolasha La Soo Dhaafay !! >  Xigmadani waxay  Tusaale iyo Talo dhaxal gal ah u tahay in qofku aqbalo isla markaana aanu ku mashquulin welwel iyo welbahaarna iskaga dhigin ,  dhibaato ama dhacdo kasta oo ku soo marta maalamaha nolosha, sababto ah waxa muhiim ah in wixii shalay dhacay qofka maanta nooli  uu uga faa’iidaysan karo  khibrad nololeed  waase hadii aad aqbasho inay tageen loona baahan yahay in  aqbasho wixii shalay dhacay kana sii fikirto waxa maanta ama Berito dhici sidii aad u waajihi lahayd.

2: Dumar Waa  Farxad, Laakiin In  La Jeclaadaa, Waa Farxad  In La Beero U Baahan  !! > Xigmadani waxay  Ina-Rageed   ku waaninaysa Dumarku inay yihiin Nolol iyo Farxad  u baahan in Farxadooda aad kasbata ay wakhti iyo Karti u baahan tahay in aad  Jacayl ku beertid.

3 : Macaanka Maalmaha Wanaagsan Wuu Kooban Yahay, Balse Imatxaanka Noolashu Wu Dhib Badan Yahay !! > Xigmadani waxay qof kasta u tusaalaynaysa, sida qof kasta ay muhiimka u tahay in uu xisaabta ku darsado inay maalmaha noloshu xanuunkoodu ka badan yahay saddex Jibaar inta aad Farxada iyo Raaxadda heli kartid Tusaalena waxa kugu filan Geerida Xanuunkeeda.

Qalinkii iyo Xigmadihii: Filisoofar : Dulqarnayn Axmed 

Ma jirtaa il-dhaqaale oo mudan in la maalgashado maanta Somaliland? (Qaybtii3aad) W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi

$
0
0

Waxaynu ku guda jirnaa maqaaladeenii taxanaha ahaa ee aan u bixinay ma jirtaa il-dhaqaale oo mudan in la maalgashado maanta somaliland taas oo maqaalkii kan ka horeyey aan ku soo qadanay faa,iidada  maalgalinta ay muwaadininta somaliland u ledahay maalgashiga kallunka iyo milixda ka buuxa badda dheer Somaliland oo lagu qiyaasay850Km2 kana buuxan khayraad kalluna oo aad u badan.

1 Fursadaha maalgalineed ee Warshada sibidhka ee Berbera

Warashada sibidhka ee Berbera waxay ku tala gobolka Saaxil, gaar ahaan halka ay ku taalo oo uu ka buuxo khayraadka sibidhka iyo noocyada kala duwan ee rinjiga,warshada sibidhka berbera waxaa la dhisay dabayaaqadii sanadii 1970, waxaana dhismaheeda iska kaashaday labada wadan ee Kuuriyada waqooyi iyo dalka Fransiiska, waxayna si rasmiya shaqada u bilawday bishii march -17 -1987 ayay kishkii ugu horeyey ee sibidha soo sartay , wakhtigaa laga bilaabo waxay soo saari jirtay maalin walba 12000 kiish una dhiganta 600 tan,waxayna qayb libaax ka qaadatay dhaqaalihii wadankii laysku odhan jiray Somalia,warashada sibidhka ee Berbera waxaa la xidhay bishii Apr -16 -1988kii waxanay shaqaynin inkabadan 30 sano taas oo ugu wacan tahay burburkii ka soo gaadhay dagaaladii dib dalka loogu xoraynayay, sidoo kale waxaaa warashada  loo gaystay boob balaadhan oo hantidii iyo qalabkii ay ku shaqaynaysay warashadu taasan ka dhigtay mid fadhida inka badan rubuc qarni.

Faa,iido intee leeg ayay u yelanaysa maalgashiga warshada Sibidhka ee Berbera Somaliland

Maalgalinta iyo dib ukicinta warashada sibidhka ee berbera waxay Somaliland u ledahay faa,iido aad u baladhan oo dhan walba leh baal aan soo qaadano qaar ka mida:

  • Maalgalinta warashada sibidhka berbera: waxay ka qayb qadanaysaa korodhka dhaqaale ee ku yimaada dhaqaalaha guud somaliland (GDP)

12,000 kiish malintii ×30cisho=360,000kish bishii

360,000kish×12 bilood =4,320.000 kish sanadkii

4,320.000 kish sanadkii ×$7 halkii kish maanta =    $30,240,000 faa,iido ah sanadkii

  • sidoo kale waxay kordhinaysaa dhaqaalaha ay ka helaan dadka shaqeeya(Disposable income)  iyo kuwa ka siii baacmushtareeyaba.
  • Shaqo abuuris balaadhan oo laga helo maalgalinta warshada sibidhka berbera iyadoo wakhtigii ay shaqaynaysay ay ka shaqayn jireen shaqaale ka badan 477 shaqaale hoosad ah iyo 60 khuburo ahaa taas oo maanta ay hubaal tahay in ka badan donaan tirade shaqaalaha warashada ka shaqayn doona maadama baahida sibidhka ee dalkeenu aad u badan tahay.
  • Waxaa mesha ka baxaya sibidhkii dabada inoogaga iman jiray ee lacagta adag inagaga bixi jirty oo sanadkii ahaa 4,320.000 kish sanadkii ×$7 halkii kish maanta = $30,240,000, taa badalkeedana waxaynu inagu dhoofinaynaa xadi sibidha ah oo lacag adagi inaga soo gasho          ( export promotion and import substitution)

Maxaa la gudboon shacabka Somaliland si looga faa,iidaysto Sibidhkeena?maxaase la gudboon dawladda Somaliland?

Dhamaan shacabka somaliland oo isugu jira ganacastada dalkan u dhashay, qurba joogta ku nool daafaha dunidda ee u dhashay Somaliland, ardayda ka qalinjabiyey jamacadaha dalka iyo bulshada oo samaysta iskaashato waxay u haystaan fursado dahabiya inay  maalgashadaan warshado badan oo ay ku jirto warshada sibidhka ee berbera oo baahi wayn maanta lo qabo  guud ahaan somaliland,

Hadii maalgashadayaal ajaanib ah damcaan in saami ku yeshaan warashada sibidhka ee berbera iyagoo raacaya sharciyada maalgalineed ee dawalada Somaliland waxay dawladu hadii ay ku qanacdo in loo bahan yahay maalgalintaa waa la siin karaa.

  • Dawalada Somaliland waa in ay saami ku yelataa warashada sibidhka ee Berbera diyaarisana sharciyadii lagu hagi lahaa nidaamka maamul ee warashada sibidhka ee berbera.
  • dawlada Somaliland waa in ay samayso sharciyada kala xadaynta ganacsiga Somaliland.
  • Dawlada Somaliland iyadoo dhiirigalinaysa wax soosaarka dalka waa in sibidhkii dabada inooga yimaada la joojiyaa taa badalkeedana kan dalka la dhiiri galiyaa.

 

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

mukhtarian.net@gmail.com 

00252-634241542

Godkuu Cabdi Daggey, Garanwaa Coomay

$
0
0
Marka laga taggo arrimaha si shakhsi ah u dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo
Prof Cabdi Cali, maqaaladii profku waxay gudbinayeen laba aragtiyood oo aan ula kala magac baxay ” Is-addoonsiga Siyaasadda & Maskax Ku Qufulnaanta Qabiilka ” profku waxay doodiisu daarnayd in aanu la shaqayn karayn cid walba oo aaminsan habdhaqankaas.  Maqaalka Qoraa Cali Coomay isna wuxuu ka hadlaayey aragtida hore ee aan u la baxay ” Is addoonsiga siyaasadda “, Cali wuxuu sheegay in la samro oo la dulqaato. Profku laftiisu jawaabtiisa wuxuu ku qiray in la samro oo la dulqaato laakiin waxay ku kale taggeen shayga, wacyiga iyo qofka loo dul-qaadanaaya kuu yahay ? Prof Cabdi shuruud buu ku xidhay, Qoraa Coomay se kuma xidhin.
• Is Addoonsiga Siyaasadda:  
Madaxweynahu wuxuu Madaxweyne ku yahay sharci, intuu sharcigaas ku shaqaynaayo ayuun buu Madaxweyne yahay. masuulka kasta oo ka hooseeyana sharci ayuu ku magacaaban yahay, Madaxweynaha waxaa awood loo siiyey innuu cid booskaa u qalanta ka soo xulo ummadda, hadda ma aha mid isaga si shakhsi ah u raaligalinaaya; innuu hawshaa qaran ka soo bixi karaayo, ayey shuruudo tahay.
Wadda shaqayntoodu waa mid sharci iyo habraac leh, ma aha innuu Madaxweyne wax walba oo niyaddiisa ku soo dhaco ku amro dadka la shaqaynaaya siddii ay ugu shaqeeyaan bakhaar uu gaar u leeyahay. Gabadha xafiiska u xaadha iyo madaxweynahu ba, waa laba shaqaale oo ummadda u shaqeeya, mid ba shaqo ayeynu u dirsanay, innagaa mushaharka siina, isuma shaqeeyaan, mushahar na isma siiyaan, labaduba ummadda ayey u addeeggaan, laakiin wey kala sareeyaan oo hishiiska bulashadeena ( dastuurka ) ayaa kala saraysiiyey.
Siyaasadda madaxweynaha ee ay kula shaqaynayso xukumaddiisu, waa in ay ku qotantaa barnaamijkii xisbigooda, ma aha innuu Madaxweynaha aragti cusub jeebka dambe kala soo baxo. Saaxiib, yeyna ku hoos marin; innagu kaliya laba qof oo iska luggaynaaya maynaan dooran ee waxaynu dooranay xisbi iyo buuggii wax-qabadkiisa, wixii buugga ka qornaa ee ay balan-qaadeen fulintiisa ayeynu ku dooraney labada musharax ( xasuuso waraaqadii cod-bixinta doorashada waxaa ku yaallay astaanta seddaxda xisbi ee kumuu oollin magac ama sawir qof gaar ah ) haddii Madaxweynahu ku shaqayn waayo aragtidii xisbigiisa ee isaga lagu doortay waa  khiyaamo sidoo kale na wuu ka baxay xayndaabkii xisbiga mar haddii uu ka hor yimi aragtidii xisbiga lagu doortay.
Aan biyo dhacee, nuxurka dooda Coomay waxay ahyd: in loo shaqaynaayo qof gooniya sidda Madaxweyne X oo kale, in isaga la raali galiyo, loo samro xataa hadduu shaah kugu daadiyo, loo ciyaaro, wax walba na laga yeello ( yes man ). Coomay wuxuu aaminsanyahay in habkaas ku dhisan raali galinta ashkhaastu iyo is gamaarinta marka shaah lagagu daadiyo in darajo lagu gaadho. Laakiin prof CC wuxuu aaminsan yahay in loo samro, loo tabco oo loo dhinto aragti aad aaminsan tahay. Coomay wuxuu aragtidiisa ku soo kooban in xil sare uun la gaadho bi’ayi shuruud laakiin Prof ku, xil qabashada wuxuu ka horaysiiyey aragtida lagu shaqaynaayo nooca ay tahay. 
Tusaale ahaan haddii hammiga ugu sareeya ee Cabdi iyo Coomay uu yahay; in maamule looga dhigo goob lagu cibaadaysto, Coomay ma kala jecel in goobtaasi tahay tu ay ku cibaadaystaan dad islaami ah, Hindus ah, Christian ah ama Buudis ah. Isagu kaliya wuxuu rabaa in maamule uun looga dhigo goob lagu cibaadaysto laakiin Cabdi wuxuu rabaa in kaliya maamule looga dhigo goob ay ku cibaadaystaan dad ay isku diin yahiin. Kuwaa ay isku Diinta yahiin dhibaato walba oo ka timaada wuu u samrayaa una dul-qaadanayaa haddii ay kala Diin yahiin farahuu ka qaadayaa, waayo profka caashaqiisa maamule jacaylka ah,  shuruud baa ku xidhnayd.
Maqaalka Coomay oo ay cadho badani ka muuqatay waxay dadka badankiisu u fahmaan inay baroortu Orgiga ka weyn tahay, oo uu Coomay adeerkii prof Cabdi Cali ku canaanaayo, adeer maxaad u mari wayday daraqii uu tolkeen maray oo aad Madaxweynaha ugu hor imanaysaa. Miyaad iska aamustid ama taageertid, oo u difaacdid sida Maxamed Xaashi, Boobe Y Ducaale,  Cali Guray, Yuusuf C Gaboobe iyo siyaasinta kale ee beesha oo dhammaantood isku xil qaamay difaaca Madaxweynahiina Biixi.
W/Q Xasan C/qaadir Yuusuf ( Hassan Garnayl  

Qalad fahanay Qalin-Jabintii!

$
0
0

“Qalin la jabiyaa ma jireewaalasiiQortaa”

WaxaiskasoodabadhacayaqalinjabinahaheerarkakaladuwaneeJaamacadahadalka Somaliland guudahaan.,iyadoo ay tiradaardeydusanadbasanadkakasiidanbeysasiikordheyso. Waa arrinAlleloogumahadnaqomadaama ay bulshadii u xadhkoxidhataywaxbarashoilaaheerjaamacadeedgaadhsiisan. Iyadooaqoontu ay taheyfurahahorumarka.

Haddaba, waxa la yaableh in ay xafladihiiqalinjabinuhu u ekaadeenarooswadareedyadii  loo dhigayeykooxdalamaanaha ah,oolagabadbadiyeymarka loo eegoxafladqalinjabineed, iyadoo la sameynayowaxyaaboaan loo baahanaynamabaaanmuhiimahaynsida: gawaadhi la sharaxo, in murayaadahagawaadhidalaguwadadhajiyoqofkiiqalinjabinayey, in sawiromeeloaanmunsaabahaynlagugalo, keegaglacagbadanikubaxaysoookhasablagadhigay in loo sameeyoqofkaqalinjabiyey& in layskugufaanoheerkalabiskasidoo kale in la sameystoxaflado, iyadaoo la kireysanayohoolalkaxafladahaaroosyada,lanasookireysanayofanaaniinkharashbadanikubaxayo.

Maxumaqofkiihayntiisugaadhsiisayinuusidaayeelo,balsewaxajiraboqolaalwaalidiintoodkallifayaiyagaoowaxbarashadoodiiiyohawlohoodii kale lalasoodhibmutay. Sidaaynukawarqabnowaxaaynuka mid nahaywadamadakahooseeyakhadkafaqiirnimadalaguqiyaasay (Under the Poverty Line), taasimacnaheeduna ay tahey 90% bulshadumaahakuwoawood u lehhawlahacaynkaasamarka la eegoduruufaha kale eekuxeeran,oo ay kowkataheywaxbarashadii&maceeshadiiooguudahaanbalabanlaabantayshantiisanadoodee u danbeysay.

Waxa kale oo Iyana jirta in heerkawaxbarashoeejaamacadaheenuaanugaadhsiisnaynheercaalami (Standard level) taasiooaankawado in aynaanhelindeegaankii, agabkii, iyodadaalkiiaynukulatalaabsanlaheyncaalamka. Tusaale,buugaagtacilmiyadakaladuwanlagabartosanadwalbawaxbaalagabadelaasiloolajaanqaadowakhtigahadba la joogo. Inaguwaxaaynuwelijaamacadahakuhaysanaabuugaagtii la daabacay 1998 kii,haddaanaykabahoreyn. Marlabaadkaardeygu 80% cilmigawaa in uukasbadaaoouusameeyaabaadhitaan&akhrisbadan,taasinamahaynooobulshowax akhrida ma nihin. Habkadoorashadawaxaaynubaranaynoiyohadafkaaynukaleenahaylaftiisa Ayaan inoocadeyn.Taasinawaa ta sababtay in ay ardeydajaamacadahakasoobaxayaabadankoodunoqdaanqaaraanwaxbakahaynwixii ay mudadakusootabcayeenamabasitadhibcomagac u yaal ah.

Waxaintaasiidheer in aanaywaxbarashadulahayn bar dhamaadee ay tahey mid joogto ah, Hadaadsidatoshahaadadaugusareysaee la diyaariyo (PHD) haddanakamamaarmaysid in aaddaaqad kale eegtoooaadcilmicusub wax kabawsato. CILMIGU WAA BAD, SE IRBAD AYAAD KA QAADANAYSAA MARKAAD U BADISID.

Dhamaanqodobadaaynukorkusoosheegnaymarkaaynuiskuwadadarnohaddiiaadiskuaragtayamaaaddareensantahey in ay jiraan. MA AHA IN AAD XAFLAD QALIN JABIN AH OO CAYNKAA AYNU ARAGNAY AH ISKUGU KALIFTID! Haa, waxaaadgaadhaymeelaadkuriyoonjirtay,lakiinmiyaanaddareemayn in ay wax kaadhimanyihiin. Waa in aadbaadigoobtaawaxakaamaqanhaddaba.

Marka ay ardeydubadankadiyaariyaanshahaadadaheerkakoowaadwaxa ay kurajoweynyihiin in ay shaqohelaanoowelibaxafiisfadhiistaan, iyagaoofilaya in wixii ay soobarteenlagushaqeynayo. Shaqadashahaadoqayaxanooqolfoof ah lagumahelowaa in aadbaadigoobtaahilibkii&hugiiaadshahaadadaadakuiibgeynlahayd. Waxajiraxirfadolagamamaarmaan ah in aadyeelatosiaad u shaqeyso, dabcanbadankoodanalagumabartojaamacadaheenaintaogaalkayga ah.

Gabagabo

Waxainahoryaalahayaandheer, dalka&dadkabamustaqbalkiisuwaainnagamarkaawaxa la inagasugayaa wax ka fog ookabadan in ayaamo loo damaashaadooowakhtilagulumiyowaanqalinjabiyey. Waxaaynukunoolnahay dal aduunkakago,doon ah, waxaaynukatirsanahayqaaradlagumagacaabodunidasaddexaad. Aduunyooyinkanawaxakalahoreysiiyeywaa dad. Wadamadanoloshooda la hiigsadoee ay ka mid yihiinMaraykan, Ingiriis, Iskaandanifiiyankaiyokuwo la mid ahwaxaheerkaasoogaadhsiiyeywaadadkoodiioodadaal&kartigaliyey. Maxaainaganainagahaysta in aynutubtaamarno?!

Kharashkayareeinasoo gala wakhtiganeeaynusidaauguciyaaraynowaxaquruxbadaninagaoomustaqbalkudhisanaooshaqooyinabuurana.

HiboCiiseMaxamed

hibafaakhir@gmail.com


Shirkii Baarlamaanka Somaliya kaga soo horjeeday maalgelinta DP World ee Somaliland wuxuu la mid noqday shirkii jiirku bisadda kaga tashaday

$
0
0

Qore: Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)

Waxaa beri deganaa goob barwaaqo iyo nabad maasheysay koox jiir ah, waxa mar danbe ku soo biiray koox kale oo nabada goobtu soo jiidatay. Way ku tarmeen nabad iyo caano ku maaleen, hase yeeshee waxa xaalkii is badalay markii bisadi soo ag degtay, ee ay midho midhaysatay, dhawr bay ku quraacatay dhawr kale oo jiirka ka mid ahna way ku qadaysay, intii kalana way ku cashaysay.

Cabdi Xusen Maraykan

Mid kasta oo ka mida jiirka deegaanku wuu dareemay halista la soo daristay, Odayaashii, haweenkii iyo dhalinyaradii baa iclaamiyey shir ballaadhan oo lagaga tashanayo arrintan ku soo korodhay. Markii lagaadhay maalintii loo ballan sanaa shirka waxa gudoomiyay odaygii ugu da,da waynaa jiirka, wuxuu yidhi “waad ogtihiin oo ma lihin awood aynu iskaga celino bisada waxaase loo baahan yahay in la fikiro, maskaxda la tuujiyo oo lala yimaado xeelad inaga bed baadisa baladan laynoo soo diray, shirkiina wuu furan yahay”. Waxaa markiiba farta taagey mid ka mid ah aqoon yahankii oo hadalkii la wareegay.

Waxaanu yidhi guddoomiye, “Bisadu intay soo dhabacato bay mar qudha daf ina soo tidhaahdaa inagoo baraad la, bay mid inaga mida latagtaa, haddii aynu si uun ku garan lahayn markay soosocoto waynu ka carari lahayn oo godkeena baynu isku shubi lahayn”. Midka mid ah dhallin yaradii baa hadalkii la wareegay wuxuu yidhi aniga oo tixraacaya hadalka saaxiibkay waxaan soo jeedinayaa gudoomiye in bisada aan qoorta u gelino koor, sidaas baan ku ogaanaynaa markay xageena u soo dhaqaaqdo oo aan ka tabaabulshayn karnaa, mar qudha baa sacab, mashxarad iyo sawaxanku is qabsaday, sax sax allelehe waad heshay loo noqon maayo bay ku dhawaaqeen iyaga oo jibbaysan.

Iyada oo sidii loo tubanyay farxad iyo riyaaq gudoomiyihii ku dhawaaqay in u shirku xidhan yahay baa waxa albaabka ka soo galey jiir shirka ka habsaamay oo hurdo latagtey hadda uun socda, markaas buu waydiiyey waar maxa dhacay mee shirkii?. Markii loo waramay wuxuu ku yidhi waar fikirku ma xumee yaa fulinaaya, yaa bisada koorta qoorta u galinaaya?!!. Hadaba shirkan jiirku wuxuu ixasuusiyay shirkii Baarlamaanka Federaalka Somaliya oo ahaa in ay go,aan ku gaadheen  in shirkada DPWorld ay ka mamnuuc tahay inay soo cago dhigato somaliya iyo Somaliland.

In labada shir isku mid yahay waxaa ii markhaati furay shirkii ay madaxtooyadda Somaliland iyo DPworld  ku kala saxeexdeen ballaadhinta dekeda berbera 11/08/2018. Subxaan allah, akhriste miyaanay labada shir isku mid ahayn. Waxaa naxariista eebe mudan qof is qiimeeyey oo gartay inta a woodiisu leeg tahay.

Qore: Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)

DAHABSHIIL: Waxuu Astaan u yahay Dhiiranaanta, Dhaaya-fogaanta & Dhabar-adayga Soomaalida

$
0
0

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

Shirkada Dahabshiil, marka qofka Soomaaliga ah ama baddi shucuubta caalamku magaceeda maqlaan, markiiba waxa niyadooda ku soo dhaca yididiilo, siyaalo kala duwan, qof walba miqyaas gaar ah u siinaya.

Qof ayey xusuusinaysaa, ama niyadiisa ku soo dhacaysaa ma fariintii farxada ayaa ku soo gaadhay, ama hadii aynu si kale u dhigno, dareemayaa inuu helay dhaqaale ku soo gaadhay adeegyada shirkadu fuliso awgeed, la’aanteedna aanu ku naaloodeen.

Shaqsi kale ayey xusuustiisu dib ugu celinaysaa maqalka magaca Dahabshiil, culays kula soo gudboonaaday qadarka Alle, balse, wax ka qabashadeeda iyo ka soo kabashadeediiba kaalin lama ilaawaan ah ay ka qaadatay, abaal aanu ilaawayna ugu hayo dhamaan maamulka iyo hawlwadeenada shirkada.

Sidoo kale, qof kale oo waayaha nolosha ka gaadhay miqyaaska badhaadhaha ama haynta heer ku deyasho mudan, ayey maqalka magaca Dahabshiil, uga dhigan tahay, shimbirkii guushiisa, Idamka Alle, dabadii, iyo gacantii maalgashigiisa sabab u ahayd, una fududeysay gaadhitaanka guusha uu ku naaloonayo.

In badan oo noloshooda iyo inta ku xidhiidhsan ee caalamka ku kala nooliba, isha dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin, kana soo baxdo tahay xidhiidhkooda shaqo ee shirkada Dahabshiil, ayaan qabaa inay wax walba uga qiimo badan tahay, kuna doorsanayn, inta ay lamaan yihiin.

Haddaba, haddaynu tusaale kooban ku soo aragnay, halka ay noloshooda kaga jirto shucuubta caalamka, si guud ahaana shucuubta Soomaalida maqalka shirkada Dahabshiil, iyo xidhiidhka adag ee u dhexeeya ama la wadaagaan adeegyada kala duwan ee ay bixiso, dhinaca kale, way yartahay, ama tiro ayaa lagu heli karaa inta ku baraarugsan ama u istaagta inay u diyaargaroobaan difaacashada lama huraankooda! Iskaba daa inay qiraan abaalka ay ku leedahay, horumarka ay gaadheen iyo heerarka ay hiigsanayaan-ba.

Hadaan u soo noqdo, xulashada cinwaanka maqaalkan “DAHABSHIIL: Waxuu Astaan u yahay Dhiiranaanta, Dhaaya-fogaanta & Dhabar-adayga Soomaalida” iyo sababta aan qalinka ugu qaatay qoraalkiisa, xaqiiqdii waxa igu ajburay, isla markaana mudan in maqaalo iyo mowduucyo intan ka sii faahfaahsan laga diyaariyo, qoraal kooban, balse koobsaday fariin macnayaal kala duwan xambaarsan,  uguna horeyso qiritaankooda waxqabad, kartiyeed, iyo hadafka ay hiigsanayaan, ugu dambayna ah halbeeg tilmaamaya kaalinta dir-sooc ee Qofka Soomaaliyeed uga dhigan yahay shucuuta caalamka iyo waxqabadkiisa, oo sumadna u noqotay shirkada Dahabshiil.

Qoraalkaa kooban oo bartiisa Facebook uu ku baahiyey Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Dr Adan Xasan Adan (Beleloo), oo u dhignayd:

“Waxay shalay ii ahayd maalin aad u qiimo badan. Waxaan Xarunta Safaaradda Djibouti ee Muqdisho hadhimo ku wada qaadannay asxaab uu ka mid yahay Xaaji Maxamad Siciid (DAHABSHIIL) oo u yimid sii ballaadhinta qayb ka mid ah ganacsigiisa. Magaca Dahabshiil wuxuu astaan u yahay dhiirranaanta, dhaaya-fogaanta iyo dhabar-adaygga qofka soomaaliga ah. Dahabshiil waa bud-dhig u baahan baadhitaan cilmiyeed iyo laga dhigto cibaaraqaadasho horumarineed.”

Dhab ahaan, waan uga mahadcelinayaa Safiir Dr Adan Xasan Adan, garashada Ilaahay siiyey, iyo dhaaya-fogaantiisa uu ku cabiray, kaalinta shirkada Dahabshiil mudan tahay u huritaankeeda, iyo sida shucuubta caalamku uga korodhsan karaan aqoonta iyo waaya-aragnimadda ay ku gaadheen horumarka ay maanta ku naaloonayaan, iyo hiigsigooda mustaqbalka, Ilaahay ha ku guuleeyee, Aamiin.

Waxaan kaga baxayaa, maanta Safiir Dr Adan Beleloo, waxuu innaga furtay xujo innagaga beegnayd inteena badan, ka garaabida abaalka ay innaga mudnayd shirkada Dahabshiil, balse waxa la eegi doonaa, siddaynu wax ugu qaadano iyo inta aynu ka weelayno weedhahaa dhaxalka ah. 

Fashilaadda Wasaaadda Maaliyadda Somaliland maxaa sabab u ah?

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Wasaaradda Waxbarashada Oo Shaqaalaysiiyay 954 Bare

$
0
0

Hargeysa-13-11-2018-(Berberanews)-Hormoodka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  waxa ay kaga dhawaaqeen shaqaalaysiinta ugu yaraan 954 (sagaal boqol iyo afar iyo konton) macallin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda.

Macallimiinta la shaqaalaysiiyey oo ka hawlgasha 1,081-ka Dugsi ee ay dawladdu leedahay ee ku yaalla guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la hawlgeliyey kaddib Kormeer ay sameeyeen 15-kooxood oo ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxana ay macallimiintaasi si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah ee qaranka, kuwaas oo heli doona mushahar joogto ah.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle oo kulanka ay la qaateen madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa u bushaareeyey dhammaanba macallimiintii mushahar la’aanta muddada kala duwan ugu soo shaqaysay qarankooda, kuwaas shaqaale rasmi ah noqday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saaka waa u bushaaro iyo barkhad guud ahaanba macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugnaa guud ahaan dugsiyada dalka in ku dhawaad kun qof, saaka kulankii madaxweynaha  kaddib  wasaaradda waxbarashada iyo Hay’addaa shaqaaluhu ay shaqaalaysiinayaan.”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna sii hayaha xilka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faro-toon) oo isaguna halkaas ka  hadlay, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay waqti badan geliyeen hubinta iyo kala hufidda macallimiinta, natiijadiina noqotay shaqaalaysiinta macallimiinta muddada tabarruca kusoo shaqaynaysay, waxana uu yidhi, “Saaka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka qaranku waxa ay shir weyn oo ujeeddadiisu tahay shaacinta natiijadii kasoo baxday kormeer ballaadhan oo  wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda shaqaaluhu wada qaadeen oo ku saabsan sidii loo sugi lahaa arrimo badan oo la xidhiidha waxbarashada,  gaar ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo duruufo kala duwan ku jira oo lasoo tiro koobay, waxana halkan loo joogaa in lagu dhawaaqo in Kun ku dhawi inay maanta noqoto  shaqaale rasmi ah.”

Wa-bilaahi tawfiiq

Xukuumada Madaxweyne Muse Biixi maxaa u qabsoomay sanad ka dib, maxaase caqabad ku noqday ? qalinkii A/rahman fidhinle UK

$
0
0

Taariikhdu  waa dhacdooyin is qora, Xukuumad walibana waxay gashato ayaa taariikhda u gala shacabkuna midhaheeda ayuu gurtaa. Xukuumada Muse Biixi waxay la curatay humaaq qabyaaladeed, Colaado degaan iyo cadaawe Siyaasadeed oo degamsan.Dawladnimaduna waa dad iyo dal dhis ( Nation Building ) Hadaba Xukuumadda oo hada Sanadkii hore u dhamaaday bal aynu Miisaanka Saarno maxaa u qabsoomay ? Maxayse ku ribatay ?

  Waxaa u qabsoomay mudo xileedkii Sanadka ahaa  dhawr qodob:

1- Tiro koobkii shaqaalaha dawlada oo ay ku guuleysatay taa soo caagleyaal badan meesha ka saartay

2- Shaqaaqadii Ceel-Afweyn oo ay soo afjartay, Taa soo demisay Colaadihii labada beelood ee is diriray.

3- Mashruucii shaqo qaran ( National Services ) oo ay ku dhawaaqday laakiin laga dayriyey sifaha loo shaaciyey

4- Dhiiri gelinta wax-soo saarka beeraha dalka oo ay kor u qaaday, taa soo dalag badan la rajeynaayo inuu soo go’ sanadkan.

5- Gurmadkii Duufaandii ku habsaday gobolada Xeebaha qaarkood oo ay dadaal badan muujisay.

6- Kaabeyaashii dhaqaalaha oo qaar laga soo celiyey shirkadaha kala ah :  GTS, SICP, GOP, Sahal  Global, Somaliland ID Card, Moon light, Global Tech Solution and  Horn Africa Facility.laakiin weli faanoole fari kama qodna oo hadaan dhamaan illihii dhaqaalaha ee la boobay aan qaranka loo soo celin waxaa loo qaadanayaa qowda maqashii waxna how qaban.

Waxay ku fashilantay Xukuumadu oo aanay weli waxba ka qaban qodabadan tirada badan ee hoose:

1- Sicir bararkii iyo qiimihii Shilinka Somalilaan oo sidiisii ah oo weli baaxaa degaaya

2-Rojooyinkii Doorashooyiinkii isbarkanaa oo dib u dhacay farsamo xumo xukuumadeed awgeed

3- Xeerarkii Saami qeybsiga oo ilaa hada aan xal loo helin,taa soo xukuumadu iska dhego martay baaqyadii beelaha darafyada

4- Dalkii oo yeeshay Jabhado hubeysan oo cadowgii Somalilaan babada soo geliyey

5-Goleyaashii qaranka oo wada mudo dhaafay taa soo wiiqday dimuqraadiyadii yareyd ee aduunka laga iibin jiray

6- Albaabkii keli ahaa ee itoobiya oo ahaa albaabkii  Somalilaan Caalamka ka geli jirtay oo hada Somalilaan ku soo xidhmay

7- Kala qaybsanaantii shacabka ee ay reebtay haraatidii doorashadii madaxtooyada oo sii maqaarsiibatay. ilaa hada xukumadu waxba kama qaban mideynta shacabka.

8- Qorsheyaashii Horumarinta Higsiga qaranka ee NDP2 oo aan dhudhun lagu cabirin meersina la tolin

9- Mashaariicdii Dawladaha hoose ee JPLG ( Joint programme ) oo aan la falkin oo Fadhiid wada noqday

10- Dhamaan Mashaariicdii horumarineed ee shirkada DPWorld ku balan qaaday oo been  iyo afka baarkiisa wada noqda

11-  Caqabado badan oo xaga sharciga ah oo Xukuumada soo wajahay taasoo keliftay in ay adkaato in lafuro Dastuurka dalka si saami qaybsiga laysugu afgarto.

12- Hab macaamilaadkii gaar ka ahaa ee Somalilaan loola dhaqmi jirey ( Somaliland especial arrangements ) oo meesha ka baxay muddadaa sanadka ah

13- Khilaaf cakiran oo debeda u soo baxay oo ragaadiyey wasaaradihii muga lahaa iyo haydihii dawlada qaarkood sida Wasaarada Maaliyada V Xisaabiyaha guud ee qaranka..Gudoomiyaha Baanka  dhexe V Agaasimaha guud ee Baanka. Wasiirka Gaadiidka V Maareeyaha Hayada Wadooyinka. Wasiirka Beeraha V Hayada ka hortaga Afooyinka iyo Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha V Gudoomiye ku xigeenka isla hayadaa oo isaga oo aan xilkiiba laga qaadin Gudoomiye kale la dul keenay.

Waxaa Xukuumada Muse biixi ka muuqata in aany laheyn aragti Siyaasadeed oo dheer iyo biseyl Siyaasadeed oo ka mudh bixi kara dabeylaha Siyaasadeed ee dalka iyo mandaqadaba ka jira. Sidaa daraadeed hadii aanay dib u eegid iyo dib u qiimeyn mug leh ku sameyn Caqiidadeeda Siyaasadeed ee ku wajahan duruufaha dalka ka taagan waxaa sii kordhaaya cabsida shacabka Somaalilaan ay ka qabaan waayaha cakiran iyo daruufaha colaadeed ee maanta dalka dul hoganaayaa in ay u horseedi karaan dalka colaad beeleedyo hor leh iyo burbur dhaqaale oo saameyn taban ku yeelan kara dawladnimada Somaalilaan.

Waxaa Xukuumada Muse Biixi looga fadhiyaa: Xaq-dhowrida wada lahaanshaha dawladnimada, Cadaalad uqaybinta midhaha dawladnimo iyo in ay soo celiso yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii qaranimo. Waxaa looga fadhiyaa balan fulin iyo daahfurnaantii ay ku balan qaaday ( accountability and transparency ).

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live