Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Booqashadii Madaxweyne Putin Ee Dalka Suuriya… Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

$
0
0

Booqashadii Madaxweynaha Ruushaka Putin uu ku booqday dalka Suuriya waxay aheyd dhoola-tus dagaal oo uu Ruushku ku muujinayay Awoodahiisa Meleteri & saldhiga uu Suuriya ku leeyahay inuna ka tageyn, iyadoo Ruushku hore loogu dhaliilay in uu dayacay saaxiibadii uu ku lahaa bariga dhexe sida Saadam Xuseyn iyo Qadaafigii Liibiya.

Si kastaba ha ahaate Butin ayaa khudbadiisii uu Suuriya ka jeediyey wuxuu ku soo qaatay hadalo ay kamid yihiin “Ciidamada Ruushka iyo Suuriya waxay awood u yeesheen inay ku jebiyaan ururkii ugu weeynaa Argagixisada Caalamka muddo labo sanno ah gudahooga”. isagoo sheegay inuu ciidamadiisa uu dhowaan  kala bixi doono dalka suuriya.
Hadalada butin ayaa u muuqda dabaal deg iyo guul uu kasoo hoyay dagaaladaa, hase ahaatee kooxahaa mucaaradka ayaa iyaguna umuuqda kuwo diyaar garow horleh ku jira iyadoo aan la garaneyn halka ay arimahaa ku dambeyn doonaan.

Ciidamada cirka ee Ruushka ayaa faro-gelin ku sameeyay dalka Suuriya bishii October ee Sanadkii 2015-kii iyadoo xiligaa dhulka dalka Suuriya 70% gacanta ugu jiray kooxihii kasoo horjeeday ee kacdoonada waday,iyadoo xidhiidhka ka dhexeeyay dalalka Ruushka iyo Suuriya uu soo socday mudo 45 sano ah.

Ruushka ayaa saldhigiisii ugu dambeeyay ee bariga dhexe wuxuu ku leeyahay dhulka Xeebta ee Tartus ee dalka Suuriya.

Mareykanka ayaa iyaguna ka qeyb qaatay dagaalada Suuriya iyagoo duqeeymo xaga cirka ah ka geeystay oo garaacay meelaha ay haystaan ururka Dowladda Islaamiga Ah (ISIS).

Sidoo kale Mareykanku wuxuu taageero maaliyadeed oo gaadheysa 14-Milyan oo dollar iyo Hub uu siiyay kooxda xoogaga mucaaradka Suuriya ee Dimuqoradiga ah, taas oo u suurto gelisay inay qabsadeen magaalada Raqqa.

Nidaamka Suuriya ee Bashaar Al-Asad ayaa iminka haysta aqlabiyada dalka Suuriya gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Dimisheekh, Ximsa, Xamaa, Xalabtii ku jirtay gacmaha mucaaridka xitaa sanadkii dhoweyd, kadib taageerada Suuriya ay ka heshay dalka Ruushka, dowladda Iiran iyo dagaalyahanada Xisbu-laah.

Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa iminka u muuqda mid ku guuleystay taageeradii Xulufadiisa uu ka helay kadib markii mucaaradka Suuriya ee uu taageerayay Mareykanku ay u muuqdeen kuwa aan waxba sameeyn kareyn, kadib markii ay kala jabeen iyagoo oo aan weliba laheyn hogaamiye meeydaani ah oo xoog badan, kadib markii duqeeymo lagu laayay  abaanduulayaashoodii.

Shardigii Madaxweyne Asad inuu ka dego xukunka ee ay ku xidhayeen kooxaha mucaaradka marka wadahadalada ay la gelayaan ayaa iminka u muuqanaya mid aanu aqbali kareyn waaqica dalka Suuriya, marka laga eego xaga Diplomasiyada.iyadoo dalka ruushku uu cadaadis ku saarayo bashaar inuu degdeg ula heshiiyo kooxaha ku kacsan inta aynan wax taageero ah helin,si dagaalka suuriya loo soo afjaro.

Mareykanka ayaa ka maqan oo ka indho qarsanaya wadahadalada loo qabanayo dowladda Suuriya iyo Mucaaradka, wadahaladaas oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay (UN) ayna horkacayaan dalalka Turkiga, Ruushka iyo Iiraan.

Khudbadii Madaxweyne Bashaar uu ka garab jeediyey Madaxweyne Butin ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa “Caawa waxan ugu yeerayaa doowladaha hore umaray inay nagu soo biiraan, si aan u joojino is dilka iyo dhiiga daadanaya ee Suuriya, taasina waa argagixisada noocyadeeda oo dhan”.

Hadalkaas oo u muuqanaya gardaro garab og iyo hadal kasoo baxay hogaamiye aan u diirnaxeyn shacabkiisa.

Madaxweyne Trump ayaa maalmihii uu talada dalka Mareykanka qabtay gacan ka siiyay Ruushka garaacista goobo kamid ah dalka Suuriya, xaga sirdoonka iyo hagida, inkastoo Madaxweyne Trump bishii April ee sanadkan 2017-ka uu duqeeymo xoogan uu ugeeystay garoonka diyaaraha ee Shayray isagoo ku garaacay 59-gantaalo oo nooca Cruise-ka ah, halkaas oo xarun u aheyd Ciidamada cirka ee Bashaar Al-Asad, duqeyntaasi waxay ugeeystay qasaarooyin waaweyn oo kamid tahay:

-Waxa gantaaladaas ay burburiyeen goobo shidaalka laga dhoofinayay.
-Waxay gantaaladaasi baabiiyeen difaacii cirka ee Suuriya.
-Waxay gubeen 20-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay Suuriya laheyd.
-Waxaa ku dhintay 85-askeri oo ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamaa cirka ee Suuriya.

Weerarkaasi waxaa loogu jawaabayay sida uu sheegay xoghayaha difaaca ee dalka Mareykanka (James Matts) Weerar maalmo ka hor Bashaar Al-Asad ciidamadiisa ay ku qaadeen Gobolka Idlib degmo ka tirsan oo la yidhaahdo Khansheikh, weerarkaas oo ahaa weerar kimika loo adeegsaday dad rayid ahna ay ku dhinteen, kuwaasi oo iskugu jirey Dumar iyo caruur ay tiradoodu gaadheysay 89-Qof.

Hadaladii Xoghayaha difaaca ee Mareykanka waxaa kamid ahaa “Inay talo xumo ay tahay haddii mar kale hub kimiko ah loo adeegsado dalka Suuriya”. Weerarkaas oo ay dad badan oo caalamka ku nool u arkayeen dagaal cusub oo ka dhex biloowday dowlada Suuriya iyo Mareykanka, haddana arintu halkaa may-dhaafin sababo aan la garaneyn awgeed.

Si kastaba ha ahaatee maamulka Trump ayaa umuuqanaya maalmaha dambe inay ogolyihiin qoyska reer Asad inay sii xukumaan dalka Suuriya, kadib markii Mareykanku ku guul dareysteen inay ridaan maamulkaa, waxaanay u arkaan inaan Awood meleteri lagu ridi kerin laakiin wadada keliya ah ee u banaan ay tahay inay ku bedelaan nidaam doorashooyin.

Waxa kale oo ay Mareykanku dareensanyihiin in doorashooyin xilka looga qaado Madaxweyne Bashar Al-Asad ay tahay arrin aad u adag oo ubaahan dadaal iyo halgan dheeraad ah.

Si kastaba arrintu ha ahaate waxay saadashu tilmaameysaa in Bashaar Al-Asad uu xilka sii hayn doono hadaanay Geeridu u imaanin ilaa 2021-ka doorashooyinka kadib.

Halka madaxweyne Trump uu xilka dalka Mareykanka uu ka degi doono. Taasi oo ku tusin doonta haduu alle yidhaahdo fashilka siyaasada Mareykanka ee bariga dhexe.

Al muhiim dadka reer Suuriya ayaa uhaajiray dibadaha, iyagoo inbadana ay ku barakaceen gudaha Suuriya kadib markii dagaaladii ay baabiiyeen aqaladii ay geli jireen, iyagoo kuwa kale oo faro badana ay ku dhinteen dagaaladaa, ayaa waxaa la odhankaraa kacdoonadaasi waxay ahaayeen ayaan daro iyo hoog ku dul habsatay dalka Suuriya iyadoo dowladda haysatana ay tahay cadow dadkeegii leeysay. Ilaahay ha ugar-gaaro Walaalaheen Suuriya.

Waxa maqaalkan idiin soo diyaariyey Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibar oo ah qoraa wax ka qora siyaasadaha Bariga dhexe.

Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: +252(63)-4453653 / +252(65)4453653
Borama – Somaliland


20kii Disember 2011ka: Lix-guurada Ku-biiritaankii Siyaasadda Ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

$
0
0

Maanta oo kale, labaatankii bishii Diisambar, sannadkii 2011kii, mid ka mid ah jileyaasha ugu waaweyn siyaasadda Somaliland ahna dhaqaaleyahan, qoraa iyo hal-abuur ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu ka dhex loollamayo fagaaraha siyaasadda Somaliland… Waa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.. Walaw uu siyaabo badan ugu jiray siyaasadda Somaliland, waa dharaartii uu hankiisa oogta ka caddeeyay. Waxa aynu qormadan kooban ku eegi doonnaa guulihii, gedaafooyinkii, geeddigii iyo waayihii uu Jamaal Cali Xuseen dhex jibaaxay lixdaas gu’. Maqaalkan waxa aan bulshada la wadaagay afar gu’ ka hor, eeggana waxoogaa tifaftir ah baan ku sameeyay.

Waxay ahayd bishii toddobaad ee sannadkii 2011kii markii uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen safar ku yimi Somaliland isaga oo ka soo kicitimay dalka Tansaaniya oo uu madax u ahaa Bangiga Citibank. Maalmahaas waxa shidnaa dabayshii ururrada siyaasadda, waxaanu Jamaal ka mid ahaa bulshadii sida weyn loogu hadal-hayn jiray inay alkumayaan urur-siyaasadeed cusub. Xilligaas kuma dhawaaqin arrimo siyaasadeed, laakiin waxa uu galay la-tashi ballaadhan, isaga oo dib ugu noqday Bariga Afrika. Waxa uu is-weydiiyay kee faa’iido badan urur cusub oo u baahan in la barto, xafiisyo cusub, taageerayaal, dhisme hoggaan magac leh, xayeyiis, maraya diiwaangelin laguba hadhi karo ama la isku reebi karo iyo in boodhka laga tumo xisbi jiray, caan ah, rug iyo rag leh, keliyana u baahan dardar-gelin iyo dhiig cusub?

Intii uu Tansaaniya joogay waxa carrabka lagu adkayn jiray inuu siyaasadda ku biirayo, marka aan weydiiyo-se waxa uu odhan jiray “Way caddaan doontaa… Wanaag bay noqon..”.. Si guudmar ahna waa ku dhaafi jiray. Waxa uu si rasmi ah uga soo degay madaarka Hargeysa 20kiiDisember, 2011ka, abbaaro 09:00 arooryo. Soo-dhaweyntiisa waxa diyaar u ahaa dhallinyaro, salaaddiin, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, kooxaha ciyaaraha dhaqanka, saxaafadda iyo qaybo kale.

 Dadkaas waxa ka mid ahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Jaambiir Suldaan, Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Marxuum Idiris Ibraahin Cabdi, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil iyo Mudan kale.

Kaddib markii uu gegada diyaaradaha Hargeysa soo gaadhay waxa uu mahad-naq u jeediyay bulshada ku maamuustay soo-dhaweynta diirran, waxaana loo gelbiyay Hudheelka Summer Time oo uu kaga dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu siyaasadda u tartamo, isaga oo u sharraxan jagada Madaxweyne ee Xisbigii UDUB “Guul iyo guul-darraba waxa aan u taaganahay Madaxweynennimada UDUB” ayaa hadalladiisii ka mid ahaa. Intaas waxa uu Jamaal ku daray inuu shaqadiisii caalamiga ahayd ka doorbiday inuu dalka u adeego. Misana waxa uu bogaadiyay bahweynta dhallinyarada Somaliland oo dal iyo dibadba ugu baaqay, kuna guubaabiyay inuu waddanka wax u qabto halkii qurbe ka hawl-geli lahaa.

03dii Jenewari, 2012ka ayaa loo doortay Murashaxa Madaxweyne ee UDUB, isaga oo lagu doortay shir ka dhacay Crown Hotel ee magaalada Hargeysa, kaddib markii uu bandhigay qorshihiisa hoggaamineed ee UDUB, kuna dhiirraday inuu bixiyo $300,000 oo ahaa shardi lagu xidhay murashaxa raba inuu u tartamo hagista UDUB si uu Xisbiguu dhaqaale ugu helo hirdanka aloosnaa oo ay 18 urur isu diiwaan-geliyeen, midba meel uu kuu hadho.

Waxa se taas ganafka ku dhuftay garab ka mid ahaa Xisbigii UDUB oo uu hormood u ahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin. Waxa ku kacay camaasiir iyo xiisado siyaasadeed. In aanu Xisbiga UDUB iib ahayn ayaa la sheegay. “Maad shaqadaada ka mushaharka badan Madaxweynaha iska haysatid?” ayaa la yidhi. Tartankii xorta ahaa ayaa loo diiday. Inuu reernimo UDUB u qaadanayo ayaa lagu eedeeyay, hadda inuu UDUB ka baratamo waxa kula taliyay Daahir Rayaale oo yidhi “Waxba mid cusub ha furane, kan la dhex loollan”.. Khilaafka UDUB waxa uu gaadhay heer maxkamad la isla galo, laakiin waxa ka soo baxay natiijo aan dhinacna mahadin. Haddana waxaas oo dhan dheg uma jalaq siinnin. Habeennimada la daaddifaynayo murashaxnimadiisa, waxa aanu subaxnimadii wada joognay oo uu khudbad ujeediyay laba kun oo ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee Nuuraddiin.

Isaga oo ay talo ku ciirtay ayuu dib u aaday Tansaaniya, waxa uu curiyay gabay uu kaga warramay wixii UDUB ka qabsaday.. Dhacdooyinkaas waxa uu ka dheefay waayo-aragnimo mug iyo miisaan leh. Halkii uu hankiisa siyaasadeed ka ambaqaadi lahaa ayuu maankiisa la kaashaday. Laba bilood kaddib ama 19kii Maarj, 2012ka ayaa uu ila soo hadlay Jamaal Cali Xuseen isaga oo ku sugan Imaaraadka Carabta, waxa uu yidhi “Mar haddii UDUB adkaatay waxa aan doonayaa inaan UCID u diga-rogto, waanu wada hadalnay Eng Faysal Cali-Waraabe”.

Intii aanu UCID ku biirin, waxa loo diray ergo doonaysa in aanu UDUB ka tegin, waxa sidoo kale u gacan-haadiyay laba ka mid ah urur-siyaasadeedyadii hadhay laakiin waa uu ku gacan-saydhay, waxaanu ku adkaystay inuu kobciyo, dhiso, ka mid noqdo oo uu udub-dhexaad u noqdo xisbiga UCID ee ay isku af-garteen in uu ka noqdo Murashaxa Jagada Madaxweynaha.

Faysal Cali-Waraabe qudhiisu waxa uu la baaxaa-degayay maayado ku kacay markii ay siyaasiyiin mug leh oo UCID ka tirsanaa ku dhawaaqeen Xisbiga WADDANI. Isaga oo baadigoob ugu jiray masuuliyiin buuxiya jagooyinka Murashaxnimada Madaxweyne ee UCID, waxaanu caddeeyay inaanu murashax ahayn markii uu shirweynaha Xisbigiisa ku qabtay Crown Hotel 03-04/01/2012. Waxaynu odhan karnaa Ilma Cali Xuseen “Jamaal iyo Faysal” waxa ay ahaayeen laba hiil u baahnaa oo is-helay. Horena waxa ay u lahaayeen xidhiidh, aqoon iyo saaxiibtinnimo weyn.

Waxa ay ahayd 12kii Julaay, 2012ka markii ay si rasmi ah Xisbiga UCID ugu biireen garab ka mid ah Xisbigii UDUB oo uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Qodobbadii lagu heshiiyay waxa ka mid ahaa:

  1. In Garabka UDUB la siiyo jagooyin ay ka mid yihiin Murashixiinta Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa, Xoghayaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad iyo Af-hayeenka
  2. In xoghayeyaasha xisbiga si siman loo qaybsado
  3. In golaha dhexe laga dhigo 250: 100 UCID ah, 100 garabka UDUB keenaan iyo 50 keyd ah oo wadajir loo xulo iyo
  4. In heshiiskan lagu ansixiyo shir ay qabsadaan Golaha Dhexe ee UCID
  5. In heshiiska lagu sharciyeeyo shirweyne aan caadi ahayn

Munaasibaddii lagu saxeexay heshiiskan waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku faahfaahiyay sababaha ku dhaliyay inuu UCID ka mid noqdo.. In aan wax shuruud shuruud ah lagu xidhin ayuu sheegay.. In Xisbiga UCID uu yahay meel uu damaciisa siyaasadeed ka hirgelin karo ayuu ku nuuxnuuxsaday…

Heshiiskan waxa lagu ansixiyay shir ay Golaha Dhexe ee UCID qabsadeen 28kii bishii Oktoobar 2012ka waxaanay halkaas ka ambaqaadeen Ololihii Doorashada Golaha Deegaanka ee qabsoontay Nofember, 28, 2012ka, oo ay ka qayb-galeen Toddoba urur siyaasadeed. Nasiib-wanaag waxa ku soo baxay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Jamaal waxa uu dedaal weyn oo wakhti, muruq, maal, maskax iyo naf-hur leh u galay sidii uu Xisbiga UCID uga gudbi lahaa doorashooyinka Golaha Deegaanka. In la guuleystaa ma ahayn wax sahal ah, laakiin halgan, soo-jeed, socod iyo safaadba waa loo maray. Waxa ayaan-darro weyn ahayd markii Xisbiga UCID uu kal-fadhi aan caadi ahayn ku qabsaday magaalada Hargeysa 7dii Nofember 2016ka, halkaas oo uu ku sheegay in la laalay heshiiskii ay la galeen garabkii UDUB ee uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay. Falkani waxa uu sababay in ay taageerayaashii UCID 80% ka tagaan xisbiga, waxaanay murashaxiintii UCID uga qayb-gashay doorashadii 13ka Nofember 2017ku heleen cod ah 4%, kaas oo ah kii ugu hooseeyay ee uu abid Murashax Madaxweyne ka helo dalka.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii NEW UCID waxa ay si rasmi ah ula midoobeen Xisbiga KULMIYE 6dii Feberweri 2017ka, iyaga oo kaalin muuqata ka gaadhay guusha KULMIYE ka gaadhay doorasahadii Madaxtooyada ee sannadkan ka dhacday Somaliland. Isaga oo Jamaal Cali Xuseen 16kii Disember 2017ka ka hadlaya aragtidiisa ku aaddan waxa uu uga mid noqon waayay Golaha Wasiirrada Somaliland iyo hankiisii Madaxweynnimo waxa uu yidhi:

“Anigu ma ahayn nin Wasiir doonaya, dalkana uma iman inaan wasiir ka noqdo. Waxa aan Somaliland u imi in aan madaxweyne ka noqdo. Murashaxnimadaydii iyo xisbigii UCID ee aan soo saarayna halka uu maray waad ka war haysaan. Markii dambena bilaa shuruud ayaanu ku taageernay Madaxweynaha la doortay iyo xisbiga KULMIYE oo guul baanu ka gaadhnay. Markaas dad guul tirsanaya ayaanu nahay, intaas ayaana annaga nagu filan. Dadku ma wada aha in ay xil helaan. Anigu xil wasiirnimo diyaar uma ihi, mana doonan. Madaxweynuhuna wuu ogaa in aanan doonaynnin wasiirnimo.

Beri hore ayaa sidan oo kale xilka wasiirka maaliyadda la iigu yeedhay, waxaanay ahayd 2010kii markii Madaxweyne Siilaanyo la doortay intii aan jagadaas la siinnin Eng Maxamed Xaashi Cilmi. Ninkii kowaad ee Madaxweyne Siilaanyo la soo hadlo ee uu xilka wasiirka maaliyadda u bandhigaa aniga ayuu ahaa, aniga oo markaas madax ka ahaa bangiga Citibank laantiisa Tansaaniya. Xilligaas waan ka cudurdaartay, waxaanan u arkayay in halka dalka ugu sarraysa u tartamo, oo aan waddanka wax badan ka beddelo, laakiin may dhicin. Markii dambena waxa aan goaansaday in aan ku taageero cidda ugu habboon, ee aan u arkayo qofka ugu habboon. Waxaana la doortay Muuse Biixi Cabdi oo aanu guushiisa door weyn ka ciyaarnay aniga iyo taageerayaashayduba.

Anigu nin da’yar oo xoog baan ahay. Dalkana wixii aan u qaban karayo ma aha in aan xil iyo wax la mid ah lagu xidho. Waxa ka mid ah in lala taliyo oo la taageero. Waxa aan leeyahay aynu taageerno Madaxweynaha Cusub iyo Golaha Wasiirrada oo aan halkan hambalyo ballaadhan uga jeedinayo”

Haddii uu qofku dedaalo, Allena waafajiyo wax waa uu qaban karaa. Bile Rafle Guuleed isaga oo aan u dhalannin Somaliland ayuu wax badan ka qabtay gobolladii uu maamulay. Sidoo kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu kaalin muuqata ka ciyaaray hagidda bangiyo heer caalami ah isaga oo ku sugnaa carro Mareykan iyo carriyo kale. Waxa uu hormood u yahay ragga u heelllan in talada laga wareejiyo ragga illaa lixdankii hoggaaminayay siyaasadda.

Weli Jamaal Cali Xuseen ma furin heensihii, kamana tanaasulin higsigii uu lahaa.. Waxa uu diyaar u yahay in marka ay xilligeeda gaadho uu u tartamo doorashooyinka Madaxtooyo ee Somaliland, waana la eegi inuu majaraha u qabto masiirka, aayaha iyo horumarinta ummadda Somaliland haddii Eebbe idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Wasiirka Cusub ee Maaliyadu ma ku hafan doonaa caqabadaha horyaala mise durduruu ku dhaafi doonna

$
0
0

Wariye:Barkhad-ladiif M. Cumar, Barkhadladiif@hotmail.com

Wasiirka cusub ee Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi tan iyo intii la doortay fagaarayaasha uu ka hadlo waxa uu ka jeediya hadalo macaan oo u badan axaadiis iyo sunihii asxaabtii Nabigu (SCW) udhaqmi jireen Inuu kaga dayan doonno, haseyeeshee waxa aanu ogayn inay dadku ka badow baxeen siyaasi hadalkiisa macaan aan ku darin ficil, waliba waxa ka horeeyey oo wasaaradiisa hore usoo qabtay rag xaga wadaadnimada iyo diintaba ka gaadhay darajada Imaam, haseyeeshee quraanka iyo axaadiista u adeegsan jiray uun hadba waxa hor yaala inuu kaga baxo, taas oo dad badani saluug ka muujiyeen in qawlkaasi wanaagsan ee uu umadda u jeedinayo ka muuqan ficiladiisa shaqo,sidoo kale waxa jira rag ganacsato ah oo wadaado ah oo inta cashuurta ku waajibtay bixin lahaayeen ka door bidaya laaluush ay ku soo dhaafsadaan alaabtooda, iyagoo dhaqankaasi ku shaqaysta hadana safka hore ee masaajidka wacdi la fadhiya in xaaraanta la iska ilaaliyo hadda waa kuwii laaluushka bixinayey. Hadaba is aaminkii iyo kalsoonidii dawladnimada lagu qabay  rag hore dilay ee yaanu wakhtigu kaaga lumin hadal macaan ee waxa loo baahan yahay ficil dhab ah in lagaa arko inta hadal galin lahayd. wasiirka waxa hor yaalla caqabado badan wasaaraduna waa mid dusha sare ka dhisan, balse hoostu madhan tahay oo nidaamkii maamul daadajin lahayn, waxa kaliya oo  wada shaqeeyaa waa wasiirka iyo maamulayaasha kastamda oo si toos ah u wada xidhiidha, wasiir walba waxa uu ka talaabsada jaranjarooyinka wasaaraddu u dhisan tahay, mana jirto wax maamul daadajin oo wasaaradaha dalka ka shaqeeya, waxaana loo baahan yahay in marka hore uu wasiirk dajiyo sidii wasaaraddu u dhisi lahayd nidaamkii kala dambeeyey iyo siyaasad cad oo wasaaraddu ku shaqayso, wasiirku hadii uu dajiyo siyaasad nidaam hufan leh waxa ka yaraanaysa shaqadan kaligii dusha ka saaran.

Inta badan miisaaniyadeenu 80% dakhligeenu waa kastam, waxa jira sagaal kastan oo waaweyn oo kala ah kastamka Berbera, kastamka Kala-Baydh, kastamka Saylac, kastamka Beer, kastamka Caynaba, Kastamka Laascaanood, kastamka Wajaale, kastamka Boorama iyo Kastamka Madaarka, waana Illaha u badan ee dakhliga dalkeenu ka soo baxo.

Hadaba, kastamadan lacagta ay soo saaraan in yar mooyee inta kale qasnado kale ayey ku dhacaan, waxaana meesha jooga rag khuburo ku noqday in wasiir kasta oo yimaadda sida loola dhaqmo iyo sida loola saaxiibo ku takhusay, waxaad arkaysaa maamule kastan oo lix sanno aan laga bedelin kastamka loo dhiibay, wasiir kasta oo yimaadana la jaan qaadda, bal u fiiro kastamadda ugu dakhliga badan raga jooga lama bedelo xiitaa haddii uu maamule wanaagsan oo kastamkaasi shaqo fiican ka qabtay in loo bedelo kastan kale oo wax soo saarkiisu yar yahay si uu kuwa kale usoo gaadhsiiyo,laakiin taasi ma dhacdo oo waxa lagu naasnuujinaya kastamkan caanaha badan si uu naftiisa, ka wasiirka igmaday iyo intii qaranka ee faro guud ahaydba  u farsameeyo, waxaanu maamulahaasi meeshii lagu ilaaway ee lagu ilaashanayey ka dhigtay goob uu leeyahay oo aan cidi kula xisaabtamayn wixii uu keena uun la arko waana dib u dhacyadda dalkeenna ina haysta.

Nidaamka kastamyada waxa weeyi in muddo marka uu maamule kastam joogo si aanu meesha u yeelan, isla markaana xidhiidh fiican ula samaysan gaancsatada ka adeegta kastamka loo bedela waana meertada shaqadda in la isku bedbedelo, laakiin waxa jira oo labaddii wasiir ee Maxamed Xaashi ka dambeeyey ina bareen in dadka qaar lagu naasnuujiyo kastamada ay joogaan, hadii aad dib u baadho maamulayaasha kastamada waaweyn mid waliba hanti badan buu ka samaystay kastamkii uu maamulayey, taasina waxay timid markii isla xisaabtan la waayey, sidoo kale, waxa jirta sababta aan nidaamkii kastamadda ee meertadda shaqada ahayd loo mari waayey in maamulo kasta oo jooga kastam caano badan uu ku xidhan yahay qof adag sida madaxtooyadda ama wasiirka Maaliyadda ama oday awood ku dhex leh xukuumadda. Taasina waxay keentay in la arko maamulo kastam ka awood badan badhasaabka gobolka uu ka shaqaynayo maadaama oo ay lacag badan yihiin.

Waxa jira dad marar badan ka soo cawday qaabka anshax darada ah ee maamulayaashu ula dhaqmaan dadka cashuur bixiyeyaasha ah, haseyeeshee cid wax ka qabatay ma jirto, waxaad arkaysa wakhti shaqadii lagu jiro oo maamulihi kastamku wakhti galin hore lagu odhanayo wuu hurdaa ama safar gaaban ayuu dalka jaarkeena ka soo noqonaya oo lala sugayo saxeexiisa oo marka uu yimaado uun inta uu saxeexo hawlihisa kala tuurayo.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay si fiican u shaqaysay mudadii gaabnayd ee Maxamed Xaashi Cilmi wasarada joogay, waxaana wakhtigaasi arrimahaasi u suurogaliyey waxa uu hawlgaliyey dhalinyaro cusub oo xoog iyo maskax haya, taasina waxay keentay in muddo gaaban  lix bilood oo mushahar shaqaaluhu ku lahaayeen bixiyo, deyn badan oo lagu lahaa uu sadex bilood ku biixyo,isla markaana uu waliba dakhli badan usoo hadho, lix biloodna uu shaqaalihii iyo ciidamadii mushaharka u kordhiyey, waxa kale arrintaasi kuma gaadhin ee waxa uu ka shaqaysiiyey dhalinyaro shaqada ku cusub, waxaanu buulka wada dhigay ragii ku mamay cunista xoolaha dadweynaha ee kastamada joogay, kuwaas oo la saaxiibay ganacsatadii cashuurta laga qaadayey isagoo meeshii ka dhigay qaataye qaado.

Inta badan waxa wasaaradaheena ka dhaca in marka uu wasiir cusub wasaarada la keeno in dad ka joogo waaxaha lacagta leh markiiba wasiirka waxay u laabaan wax la yidhaahdo xagal dejiin oo isha wasiirka la iskaga leexinayo la iskuna barayo, wuxuuna wasiirkaasi noqda af wax cunay cishoo, ka dibna waxay noqdaan indhihiisa iyo dhagihiisa wax aan iyaga ahayna ma maqlo mana arko, taasina waxay wasaaradaha gayeysiisay in wax isbedel ahi ka dhicin wasaaraddii wasiir uun baa wasiir bedela laakiin shaqo xumaddii waa halkeeddii wixii laga cabanayey waa sidiisii.

Masuqmaasuqyadda la doonayo in lala dagaalmo maaha kuwo muuqda balse waa kuwo qarsoon, tusaale ahaan meelaha dakhliga laga helo maamulaha jooga iyo ganacsada ka adeegsaddaa ayaa heshiish qarsoodi ah wada galla, tusaale ahaan ninka ganacsatadda ee Mobilo la soo degaa boqolkii midhba waxa dawlada cashuur ugu jirta kun dollar, haseyeeshee maamulaha kastamka iyo ganacsadu waxay ku heshiiyaan in kunkii dollar ee laga qaadi lahaa laaluush ku bixiyaan oo laba boqolna qasnadda dawladda la galiyo, saddex boqolna maamulaha la siiyo shan boqolna usoo hadho ganacsadaha amaba boqol kale oo mobile uu soo dhaafsado oo aan la cashuurin, waana tabooyinka iyo khiyaamooyinka ay sameeyaan ganacsatadda iyo maamulayaasha kastamadda.

Tan iyo intii Somaliland la yegleelay waxay dadku ka markhaati furayaan inuu wasiirkii ugu wanaagsanaa ee wasaarada Maaliyadda soo maray uu ahaaa wasiir Maxamed Xaashi,waxaana shakhsigii mudadii uu joogay wasaaradda boqolkiiba konton qabtay wixii xukuumaddii kulmiye ee Axmed Siilaanyo ololaha ku gashay, haday tahay mushahar kordhin, haday tahay bilaashka laga dhigay ardayda dugsiyadda dhexe, haday tahay hirgalinta mishiinka Kalyaha ee illa hadda shaqeeya iyo haday tahay wadooyinkaas faraha badan ee gobolada oo dhan laga hirgaliyey waa dhakhligii uu waagaasi uu soo xareeyey, isagoo la og yahay halka uu ka bilaabay iyo qasnada dawlada oo madhnayd.

Wasiirka cusub hadii uu ku dhac yeesho oo uu sidii Maxamed Xaashi doonayo in taariikhdu xusto waa inuu ga’aan qaadasho dhab ah la yimaadaa, kana go’an tahay inuu doonayo inuu fuliyo balantii uu madaxweynaha cusub la galay shacabka ee ahaa la dagaalanka musmuqmaasuqa iyo cadaalad darada iyo in aanu miskiinka uun cashuurta laga qaado taajirkana laga leexleexdo.

Wasiir wasaaradda Maaliyaddu waa udub dhexaadka dawladnimadda, hadba sida ay u shaqayso uun buu qarankanka horumar u gaadhay, haddii aad doonayso in hawshaasi lagu xil saaray si fudud kugu hirgasho waa inaad qodobadan hoos ku qoran oo ah caqabadaha ku horyaalla wax ka qabataa:

Guushaadu waxay ku xidhan tahay wax ka qabashada qodobadan:

1.        Wasiir haddii aad doonayso inaad wax qabato waa in dhamaan maamulayaasha iyo qasnad hayeyaasha aad wada bedesho kuna bedelo dhalinyaro cusub oo dardar hor leh wadata.

2.       Waa inaad dhisdo waaxdii kastamadda sida uu dhigayo xeerka kastamadda waana inaad ilaaliso qaab dhismeedka wasaaraddu iyo sida ay u kala sareeyaan oo aanu wasiirku soo dhaafin nidaamka dawladeed ee qaab dhismeedka wasaaradda, maxa yeelay wixiii Maxamed Xaashi ka dambeeyey waaxdii kastamadda lagama shaqaysiin, waxaana si toos ah wasiirku ula xidhiidhayey maamulaha kastamadda.

3.       In markasta oo muddo la joogo uu wasiirka cusub hawlgaliyo meertadda shaqadda oo aanu maamule kastan meel lagu ilaawin oo kolba meel loo bedelo si u kala go’aan xidhiidhka uu ganacsatadda la samayn lahaa oo uu kolba kastan kale loo bedelo waana nidaamka dakhligii dawladdu ku soo xaroon lahaa.

4.       In ganacsatada loo sameeyo diiwaan loo kaydiyo oo ah  sida cashuurta dawladda u kala bixiyaan looguna tixgaliyo hadii dhul dan guud ah  la iibinayo ama adeeg kale oo dawladdi u baahan tahay hadii ganacsatado rabto loo tixgaliyo sida cashuurta dawladda loo kala bixin badan yahay, taasina waxay keenaysa In ganacsataddii u tartamaan inay cashuurta bixiyaan.

5.       In wasiirku sameeyo kormeer joogta ah oo wakhtiyo kala duwan uu si kadis ah u booqdo goobaha dakhliga uga soo baxo.

6.       Inuu sameeyo Odhadkii gudaha oo madax banaan oo wasaaradda gudaheega odhadkeedu hawlgalaa.

7.       In la cashuuro shirkadaha ugu dakhliga badan ee Isgaadhsiinta oo qaarkood shan boqol oo milyan sanadkii macaashaan taas oo haddii dawladdu ka qaadi lahayd 120 milyan waxtar weyn u ahaan lahayd, hadda lama cashuuro marka laga reebo biraha dhaadheer iyo dhismayaashooda mooyee, waxaana dawladdu ka heli lahayd dakhli badan.

8.       Tan iyo intii ay soo baxeen lacagaha Mobiladda ee loo yaqaan Zaad-ka iyo Edahabka waxa qiimo jabay lacagtii Shiling Somaliland, sidaas darteed hadii danta shacabka la eegayo waa in gabi ahaanba la joojiyaa boqolka dolar wixii ka yar in dollar lagu isticmaalo .

9.        Sidoo kale, waa in la cashuuro Zaadka iyo Edahabka oo ah Bangiyo gaar ah oo kayd ah.

10.   In aad ku cadaadiso in Baanka dhexe la socda lacagta wareegaysa Mobilidda,isla markaana sida dalalka isticmaalka mibile ka lacagta Banka dhexe uu isagu xadiddo lacagta suuqa lagu siidaynayo ee dhex wareegaysa hadii kale waxay ka dhigan tahay sidii qof mishiintii lacagta guriga dhex dhigtay oo kolba inta uu doono daabacanaya, cidi ma oga inta Digit ee u xisaabsan ee lagu bedealyo lacagta adag, marka arrintaasi waxay u baahan tahay go’aan adag oo shirkadaha lagu xakameeyo oo mid walba hogaanka loo siideyn waana caqabadda ugu weyn ee wasiirka hor taalla sida uu qiimaynayo danta guud ee shacabka iyo shirkaha macaashka doonta ah ee wax walba ka horeysiinaya faa’iidadoodda.

Wariye:Barkhad-ladiif M.Cumar,

Tel:2524489033

Em:barkhadladiif@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

Xasuuqa Siyaasiyiinta: WQ Sakariye Awaare

$
0
0

 

Madaxweyne Cigaal ayaa 1996-kii ogaaday in ninkii Cabdalle ee Berbera Maayirka u ahaa uu guriga magaalada ugu ganjeelka weynna dhistay, bahal Eey ah oo Faras la moodana uu ku dhex rabbaystay, musuq iyo wax is daba marinna uu ka dhammaan waayey. Dabeeto intuu u yeedhay ayuu ku yidhi waar Cabdalle bal orod oo $100 kun oo dollar ii keen aan hawlo yaryar ku xalliyee, isna wuxuu ugu jawaabay Madaxweyne khasnnadda ba wax $20 kun gaadhaa kuma jiraan. Cigaal ayaa ku celiyey waar orod oo baaqiga meel uun ka soo amaaho oo la kaalay waynu iska bixin doonnaaye. Odaygii Cabdalle intuu big yidhi ayuu Boqolkii kun dhowr meelood ka soo kala amaahday oo u keenay. Markii uu ka dhaqaaqay ayuu Ina Cigaal warqaddii eriska ka daba geeyey “Duca-qabe xilku waa meerto”. Ninkii haba la eryee lacag dayn ahna waa lagu jaray. Cadhadii maalintaa sidii uu gaadhi weyn oo Muqdisho u raran uu sii Fuulay, toban sanno ka dib 2006 ayuu Hargaysa ka soo degay, dabeeto TV-ga Qaranka oo markaa cusbaa ayuu ka soo muuqday isaga oo aad mooddo inuu tobankaa sannadood ba Isbaaro Xamar ku haystay, hadalladiisii waxaan ka xusuustaa “Madaxweyne Daahir Rayaale ayaan Cafis soo weyddiistay oo tigidhkana ii soo diray”.

Wasiirradii Xukuumadda Siilaanyana arrintaas oo kale ayaa ku dhacday. Xilligii Ololahii u danbeeyey ayuu maalin maalmaha ka mid ah Madaxweyne Siilaanyo Golahiisii Wasiirrada ku war geliyey in ay Berri Madaxtooyada isugu yimaaddaan si Musharraxii Kulmiye waa Muuse Biixiye uu khudbad ugu jeediyo. Dabeeto Cukuse maahane intii kale way soo xaadireen. Hadalladii faraha badnnaa ee uu subaxaa Muuse ku nuuxnuuxsaday waxa ka mid ahaa. “Horta kulankan inta soo ajiibtay way mahadsanyihiin inta ka maqanina way mahadsanyihiin, nimanyahow Maanta anigaa meesha taagan idinkuna Xukuumaddii ayaad tihiin, waxaan idiinka fadhiyaa in aad Ololaha ila gashaan, weliba waxaan idiin sheegayaa in aanan ballanqaadi karin in aan idin soo celinayo oo idin magaacaabayo waayo’ anba iima ballanqaadi kartaan inaad i soo saaraysaan oo Madaxweyne iga dhigaysaan, waxaan kale oo idiin sheegayaa in aanan nin qudha oo Wasiir ah lacag u dhiibayn oo ku odhanayn iigu soo ololee, bal se idinku jeebkiinnna ka bixiya kharashka aad igu taageeraysaan, haddii adduun aad leedihiin aydaan haysan, wixii aad Siyaadda ka dheefteen ba igu taageera oo iigu ololeeya”

Markii uu Muuse Biixi hadalkiisii dhammaystay waxa kacay Maxamuud Xaashi oo maalintaa garowsaday in aan wax la kala qarsadaa ba hadhin, illeen Siilaanyana wuu dhegaysanayaa dooddee. Wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay. “Muuse Biixiyow waxaad tahay Musharraxayagii aan wadannay, waan ku garab istaagaynaa waan kuu Ololaynaynaa naf iyo maalna kaala hadhi maynno, xagga kharashkana anigu ka Wasiir ahaan iyo ka Madaxtooyada ahaan ba dib ayaannu isugu noqonaynaa shilinna kaala hadhi maynno”. Markii uu Maxamuud Xaashi go’aankaa qaatay ayay Wasiirradii kalena sidaa si la mid ah ku wada qanciyeen Muuse Biixi nin kastaana sidaas ayuu wixii uu Account ku leexsaday is yidhi Muuse u hur hadhow markuu Madaxweyne noqdo ha ku qaato oo ha ku magacaabee, qaarkoodna inta ay waxay hayeen u dhiibeen ayay weliba daynna u soo amaahdeen. Bal se umay fiirsan hadalkaa uu ugu celceliyey ee ahaa: “Ninkii aan adduun uu leeyahay igu darsanaynow wixii aad Wasiirnnimada ka faraqabsatay ba igu taageer oo iigu ololee”. Weedhahaas oo ahaa qorshe uu Muuse Biixi uga jeeday in dhaqaalihii ay Qaranka ka lunsadeen oo dhami uu kaga baxo Ololahan Kulmiye, hadhowna iyagoo caydh ah ayuu awel hore ba Siilaanyo Magacaabee, iyagoo Caydh ah in xilalka laga tiriyo oo suuqa lagu sii daayo, tiina way dhacday, weliba sidaa kaga muu hadhine wuxuu ku ifiyey toosh weyn oo talaata-xajar ah, isaga oo xilalkii uga wada qaaday si bilaa Karaamo ah, weliba mar kasta oo uu hadlana uu xuso musuqoodii ba’naa. Markaa waxay illaawi waayeen Kaarto-Millataridan lagaga faro maroojiyey Malaayiin Dollar oo ah hanti umadeed oo ay sir iyo caad ba u boobeen, bal se waxay illowsan yihiin in ay sidaa kaga baxeen saaxaddii oo aan sumcad ay siyaasiyiin ku sii ahaadaan ba jirin, bulshada dhexdeedana ay ka yihiin Tuke-baalcad. Dariiqa qudha ee u furani waa in ay Xabsiyadaa muuse hagaajinayo sugaan ama in ay Xamar iska aadaan Madaxweyneyaasha danbe ayaa Cafis u fidinayee.

Habka uu u dhaco musuqmaasuqa dakhliga qaranku

$
0
0

Musuqmaasuqa dakhliga qaranka hababka ay ugu suurto gasho masuuliyiinta xilka qaranka haya waxaa ka mida  1.  Mushaharka shaqaalaha dawlada iyo 2. Kharashka adeega hawsha .

 

  1. MUSHAHARKA SHAQAALAHA DAWLADA

Sidaynu ka warqabno miisaaniyada qaranka ee guud  50% waxaa loo qorsheeyaa oo lagu bixiyaa mushaharka shaqaalaha haayadaha qaranka  .

Sanadkii 2015 guud ahaan shaqaalaha dawladu wuxuu ahaa 15 ,273 (Shan iyo tobon kun laba boqol sadexyo todobaatan  ) qof   yagoo ku kala darajaysan sidan :

DARAJADA  TIRADA SHAQAALAHA
A 2491
B 8161
C 2231
D 2390
   
TOTAL  15273
   

 

Hadaba masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradaha ama  Haayadaha dawladu waxay lunsadaan   72 % dakhliga miisaaniyada qaranka ee mushahar shaqaale aan jirin ugu jirta .

Markaan mudo dabagal badan ku sameeyay waxaa ii suurto gashay  inaan ogaado .

  • In Wasiirka iyo agaasimaha guud ay si gaara u samaystaan jeega lacag bixinta iyo payment voucherka uguna qoraan mushahar shaqaale aan jirin dabadeedna u gudbiyaan wasaarada maaliyada , markay saxeexaan masuuliyiinta wasaarada maaliyada iyo xisaabaadka qaranku  waxaa  jeegaas  si toosa u qaada masuulka u sareeya haayadaas ama wasaaradaas oo aan u ogolaan cidkale dabadeedna baanka la taga sidaana lacagta kulabaxa isagoo shaqaalaha u fududaynaya hawshana siiya lacago yar yar  .

 

  • Somaliland 26 sano ee ay jirtay waxay soo maraysay marxalado kaladuwan marxaladahaas ayaa waxay abuureen in masuul   kasta oo soo mara wasaaradaha ama haayadaha dawladu uu qoro shaqaale cusub kuwaas oo aan si rasmiya u shaqayn xafiisyadii loo qaatay islamarkaana aan laga saarin liiska shaqaalaha markuu qofku ka tago wasaarada  ama uu dhinto  ilaa ay gaadhay heerka maanta ay taagan tahay oo ah in shaqaale aan jirin ama magac been abuur ahi uu ku jiro liiska shaqaalaha haayadaha dawlada .
  • Qaab dhismeed ama nidaamka shaqo ee haayadaha dawlada ee heer gobol iyo mid guud ba oon dhisnayn ama aan shaqayn islamarkaana shaqaalaha ka shaqeeyaa malaha waa jibaadkii shaqo (job-description).
  • Madaxda sare ee wasaaradaha heer gobol iyo wixii ka sareeya oo mudada ay xilka hayaan aan dhisin wax nidaam ah oo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dawladu.

Tusaale ahaan xog ururin aan ka sameeyay gobolka togdheer waxaa ii suurto gashay inaan ogaado  lacagta mushaharka shaqaale ee loo diro isuduwayaasha gobolka u jooga wasaaradaha ama Haayadaha  wuxuu lunsado iyo intuu shaqaalaha rasmiga ee u shaqeeya siiyo .

 

Anigoo ka duulaa inaan si dhab ah u darso shaaqalaha ka hawl gala wasaaradaha iyo haayadaha waxaa ii suurto gashay inaan helo,

  1. Shaqaalaha guud ahaan uga diwaan gashan haayada shaqaalaha, wasaarad kasta oo gobolka Togdheer ka hawl gasha.
  2. Shaqaalaha si rasmiya uga shaqeeya xafiisyada wasaarada/haayada ee guta hawl maalmeedka maalin walba ka dhaca xafiisyada.
  3. Waxaa iyaguna jira shaqaale ku meel gaadh ah (temporary) oo caawiya shaqaalaha dawliga ah ee diwaan gashan si ay shaqada xafiiska u bartaan.
  4. Hadaba sidaad ku arki doontaan shaxdan hoose waxaa si toosa aan u helay shaqaalaha dawlada u diwaan gashan laakiin aan ka shaqayn xafiisyada dawlada ee gobolka Togdheer , taasoo ay sabab u yihiin qodobadan hoos ku xusan :
 

s/no

Wasaarada /Haayada Shaqaalaha guud Shaqaalaha si rasmiya u shaqeeya Shaqaalaha aan shaqaynba
1 W.Caafimaadka      
2 W.Waxbarashada 64 54 10
3 W.Qorshaynta 12 9 3
4 W.Ganacsiga 15 2 13
5 W.Warshadaha 13 0 13
6 W.Biyaha 24 1 23
7 W.Macdanta 16 0 16
8 W.Deeganka 17 5 12
9 W.Beeraha 33 1 32
10 W.Maaliyada 102 56 46
11 W.Duulista 43 4 39
12 W.Dibudajinta 45 1 44
13 W.Diinta/Awqafta 8 1 7
14 W/X.Xoolaha 63 2 61
15 W.Hawlaha guud 39 1 38
16 W.Shaqa/bulshada 38 3 35
17 Hayada xidhiidh Rashinka WFP 23 0 23
18 H.Quality control 32 0 32
19 H.Shaqalaha Dawl 24 0 24
20 W.Dh/Ciyaaraha 38 0 38
21 W.Warfaafinta 23 0 23
22 H.Nerad 36 0 36
23 W/B.Isgaadhsiinta 28 0 28
24 H.Solnac 30 1 29
25 Ag/G/Martida      
26 Wakaalada Biyaha 155 94 61
27 Baanka 61 50 11
28 W.Cadaalada 32 0 32
         
         

 

Sidaa shaxda sare ku aragteen wasaaradaha intooda badan waxaa ku qoran zero (0) waxay ka dhigan tahay malaha xafiis ay ku shaqeeyaan gabi ahaanba ma jirto  gobolkaTogdheer.

Shaxdan iyo chartkan hoose waxaan ku eegi doonaa  boqolkiiba shaqaalaha shaqeeya dhamaan wasaaradaha ama haayadaha gobolka Togdheer iyo boqolkiiba shaqaalaha aan shaqayn dhamaan wasaaradaha/haayadaha gobolka Togdheer .

 

S/NO   TIRADA BOQOLKIIBA
1 Shaqaalaha shaqeeya 285 28%
2 Shaqaalaha aan shaqayn 725 72%
       
  TOTAL 1014 100%

 

 

 

 

 

 

  1. KHARASHKA ADEEGA HAWSHA IYO DHISMAYAAL

Miisaaniyada qaranka ee wasaaradaha ama haayadaha  50% waxay ku baxdaa kharashka adeega hawsha iyo dhismayaal .

Masuuliyiinta u saraysa wasaaradaha ama haayadaha dawladu  waxay soo xushaan ganacsadayaal  ay heshiis ku yihiin in ay buunbuuniyaan  qalabka ay dawlada ka iibinayaan ama kharashka ku baxaya dhismaha ay u dhisayaan  . taasoo ay kala qaybsadaan lacagtaa faraha badan ee ay dawlada wax kaga ii biyeen ama ay adeeg ugu qabteen .

 

Hadaba waxaa u suuro galinaya musuqmaasuqa dakhliga qaranka masuuliyiinta haayadaha dawlada :

  1. Miisaaniyada qaranka iyo habka xisaabaadka oo ilaa intii Somaliland ay jirtay aan la horumarin taasoo sababtay in ay u fududaato musuqmaasuqa tusaale ahaan  wasaarada maaliyadu waxay u diyaarisaa oo ay isticmaashaa  qaabkan soo socda oon nidaam ahaan ku urursan qaybahan wasaarad kasta  laakiin aan ku faahfaahsanayn nidaam ku qorshaysan gobol  ama hawl  ujeedadu  caday .
  • Mushaharka shaqaalaha .
  • Guno Shaqaale iyo habeen dhax (perdium )
  • Shidaalka gaadiidka .
  • Gunooyinka shaqaalaha .Jaraaid , Gaadiid cusub , Dhismayaal cusub , Dayn hore , Allaabta ama stationaryga xafiisyada .

NB:  Nidaamkaa miisaaniyadu u taalo waxaa sameeyay Alle ha unaxariistee Madaxwaynihii hore Maxamed X.ibrahim Cigaal oo isagu ugu talo galay inuu wasiir kastaa ka shaqeeyo nabad galyada Reerkiisa iyo odayaashiisana uu dhaameelka ugu daadiyo si loo sugo amniga qaranka oo ahaa markaa hadafka guud ee la hiigsanayay .

 

TALO SOO JEEDIN (RECOMMENDATIONS)

 

Sidaynu kawada warqabno qaran wuxuu dhismaa  ama horumaraa markay haayadaha dawladu si fiican ugutaan shaqada ay qaranka u hayaan , somaliland waxay maanta u baahan tahay  in la dhiso qaab dhismeedka  shaqada  haayadaha dawlada ilaa heer gobol .

Hadaba waxaan talo ahaan soo jeedinayaa in madaxwaynuhu uu awood badan siiyo islamarkaana  si fiican loo dhiso  labadan haayadadood ee kala ah  :

  1. ) Haayada Shaqada Shaqaalaha& Maamulwanaaga

2) Wasaarada Maaliyada.

 

  1. HAAYADA SHAQADA , SHAQAALAHA IYO MAAMUL WANAAGA

Sidaynu kawada war qabno qaranku wuxuu leeyahay haayada shaqaalaha oo shaqadeedu tahay shaqaalaha haayadaha qaranka Somaliland , sida uu dastuurka Somaliland dhigayo waa haayad dastuuri ah oo lagu ladhi karo ama lagu kordhin karo hawlaha qaranka horumarinaya ee uu madaxwaynuhu garto .

Anigoo madaxwaynaha qaranka Somaliland usoo jeedinaya waxaa talo ahaan soo jeedinayaa in laysku daro Haayada shaqaalaha  , haayada maamul wanaaaga iyo qaybta shaqada ee wasaarada qoyska iyo shaqada   si ay u noqoto Haayada Shaqada Shaqaalaha iyo maamul wanaaga .

Haayada shaqada,  shaqaalaha iyo maamulwanaagu  waxay dajinaysaa siyaasada ama nidaamka shaqada  shaqaalaha haayadaha dawlada Somaliland iyadoo haayad kastaa yeelanaysa qaab dhismeed ilaa heer gobol ah  mustaqbalkana lagu fidin karo ilaa heer degmo  islamarkaana ku daba galaysa fulinta iyo daadajinta shaqada haayadaha qaranka Somaliland .

Haayada shaqada shaqaalaha iyo maamulwanaagu  waa in ay is waafajisaa  baahida haayadaha qaranku  shaqaale aqoon leh u qabaan iyo  baahida shaqola’aaneed ee dhalinyarada aqoonta leh ee  ku nool gobolada Somaliland . Tusaale ahaan xog ururintan aan ka sameeyay haayadaha dawlada ee gobolka Togdheer  waxaan ku helay  in 330 shaqaale ah loo baahan yahay markaan sameeyay qaab dhismeedka haayadaha dawlada ee gobol Togdheer  anigoo ka tix raacay xafiisyada dawlada dhexe ee hargeisa iyo mabaadiida ay u dhisan yihiin qaran ahaan  .

  1. WASAARADA MAALIYADA

Wasaarada maaliyadu waa halbawlaha uu qaranku  ku horumaro hadii ay ku dadaasho ilaalinta iyo dabargoynta musuqmaasuqa yadoo si wada jira u kaashanaysa haayada shaqada , shaqaalaha iyo maamulwanaaga iyo Wasaarada qorshaynta Qaranka Somaliland ,  isla markaana raacaysa nidaamka iyo baahiyaha u qorshaysan haayadaha dawlada .

Wasaarada Maaliyadu waa in ay dajisaa Xeerka maamulka iyo maaliyada ee ay raacayaan haayadaha dawladu  wakhtiyada samaynta miisaaniyada iyo wakhtiyada ay isticmaalayaan lacagaha loogu talogalay hawlaha haayadaha dawlada u qorshaysan  .

Wasaarada Maaliyada gaar ahaan Xafiiska Xisaabiyaha guud ee qaranku waa in uu si dhab ah u raacaa xeerka maamulka iyo maaliyada isagoo adeegsanaya waaxaha xafiiska xisaabaadka qaranka  ee haayadaha dawlada   wakhtiyada lacag bixinta  ,  iibsiga Agabka iyo ilaalinta hantida qaranka  .

Xeerka Maamulka iyo Maaliyadu wuxuu qayb laxaad leh ka qaadanayaa  ama uu halbawle u yahay daadajinta shaqada haayadaha dawlada iyo ka midho dhalinta hadafka horumarinta qaranka , xeerkan oo faahfaahsana waxaad ka dheehan kartaa buug aan ka qoray qormadan .

WAXAA DIYAARIYAY: IID ISMAIL CABDI  

TELEPHONE: 063-4421588

Email: iid4001873@gmail.com

Heshiiskii Saldhiga Berbera waxaa Baarlamaanka lagu jiidhsiiyey Awood dhaqaale iyo Mid dawladeed. qalinkii A/rahman fidhinle

$
0
0

Fadhigii labada gole ku ansixiyeen Nuxurka Heshiika Saldhiga Berbera 12/2/2017 Wuxuu ahaa Sharci daro baal-marsan Dastuurka qaranka Qodobkiisa 38-aad farqadiisa 6-aad. Wuxuu ahaa heshiis muhmal ah oo fawdo ah, wuxuu ahaa heshiis qarsoodi ah oo ku saleysan ku daneysi gaar ah. Wuxuu ahaa heshiis golaha lagu marsiiyey awood dawladeed iyo mid dhaqaale. Heshiiskani wuxuu ahaa khiyaamo qaran waxaana u markhaati ah muu aheyn heshiis rasmi ah oo dhameystiran oo ay wada saxeexdeen labada dawaladood ee Somaliland iyo Imaaraatka Carabtu sidaa daraadeed waa in Xukuumada cusubi ka  noqtaa.

1-  Bixinta iyo go’aamada Saldhiga Berbera waxay ku Saleysnaayeen sife ka aradan sunaha dawaldnimo kaas oo ahaa jujuub, garbo duub ah oo loo diiday in xildhibaanadu oo xasaanadooda huwani in ay dersaan , naaqishaan oo wax iska weydiiyaan nuxurka rasmiga ah ee heshiisku salka ku hayo laakiin loo diiday.

   Heshiiskan looma marin haba yaraatee sife sharci ah sidaa daraadeed fulinta Heshiiskan iyo khasaaraha ka yimaadaba waxaa uqoolan intii ansixisay iyo intii daaha dabadiisa ku saxeexday.

2-Xukuumadu waxay ka baxday Xayndaabkii sharciga ahaa waxaana ay ilaa iyo hada ummadda ku qancin wayday in ay keento Heshiis dhameystiran oo macquul ah oo faa’ido buuran xanbaarsan oo ay ummadda ku qanciso, Waxaana ay carabka ummadda ugu cel celisay kuna canqarisaa Mashaariicdii shirkada  DPWorld ay hore ugu dhawaaqaday in ay dalka ku horumarinayso.

3- Saldhiga Berbera waxaa cadaan ah in ay Dawlada UAE u isticmaali doonto Dagaal gelin, Dulimaadyo Dagaal, Basaasnimo, Tijaabo hub cusub, iyo keydin hub khatar ah oo bay’ada iyo degaanka  ku reebi kara hawo xumo iyo falgalo kimiko ah oo dadka iyo duunyadaba wax yeeleeya.

4- Hadii Saldhiga Berbera lagaga Duulo Cadan iyo Yaman waxay si xun usaameynasaa isu socodka marin biyoodka Gacanka cadmeed taasoo isu socodka maraakiibta xamuulka ee Berbera imanayaa ay hakad geli doonaan  Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dalkana saameyn taban ku yeelan doonta.

5- Dhamaan maangelintii iyo Horumarintii Dekedaha dalka oo dhami waxay mudo dheer oo 30 – 40 sanadood ah u xidhnaanayaan Heshiiska Saldhiga Berbera iyo heshiiskii shirkada DPWorld Dekeda Berbera kula wareegtay  bishii 3-aad ee sanadkan.labadan mashruuc oo ah lamaane isku lamaan oo ay Imaaraaka Carabtu rabaan in ay dalkeena kula wareegeen kuna dhaxal wareejiyaan muddadaa dheer 30 ka sanadood ka badan.

6- Ku lahaa Saldhiga Berbera wuxuu aduun inagu soo kordhinayaa lacag yar oo $1.2 Million dollar ah, halka Saldhiga yar ee  dawlada Djabouti ay USA  kaga kireysatay lacag dhan $63 million dollar sanadkiiba  iyo weliba $70 million oo dollar oo mashaariicda arimaha  bulshada lagu horumarinaayo  sanadkiiba.

7- Tusaale ahaan Saldhig yar oo 2 mile oo isku wareega ah oo Dawlada China ka dhisanayso dalka Djabouti waxaa lagu heshiiyey in dalka China dalka Jabouti ka dhisto 7 Dekedadood oo caalami ah lacag kiro ah  oo gaadhaysa $12 million oo dollar ahna ay sanad walba bixiso dawlada China oo ay siiso Dawalda Djabouti.

Halka aynu inagu Saldhigeena oo dhaca goob istiraatiji ah aynu xaqul qalinka yar siisanay.

8- Dawlada  Somaliland ee doog-dhabashada iyo doogsin cararka ku can baxday Waxba kameysan baran Heshiisyada 7-da Saldhig ee Dawlada Jabouti dalalka aduunka la gashay Saldhigyadaas oo ku fadhiya dhul kooban oo 30 mile ah. Waxaana arin lala yaabo ah in   Airpotka Berbera oo dhameystiran oo ah ka Africa ugu dheer uguna istiraatijiyad fiican iyo Saldhig labaad oo baddeed oo ku fadhiya baaxad dhul iyo mid bad oo gaadhaya ilaa 70 -150 mile in Sife qeyrul-sharci ah oo raqiis ah lagu bixiyo  laguna  wareejiyo mudo aad u dheer oo gaadhaysa 25- 30 sanadood.

9- Maadaama aynaan aheyn dal la ictiraafay Ciidamada UAE ee  huwanta ahi waxay xaalufin doonaan oo dhici doonaan kheyraadkeena bad iyo beriba gaar ahaan kaluunka iyo macdantaba. Waxaana ay Ciidamadaasi qaadan karaan  hadii aanay dagaal ku foogneyn Qandaraasyo ay badeena iyo berigeenaba  ku aasaan Qashinka Nuclear ah. maadaama aynaan laheyn awood tooda ka badan oo aynu iskaga xakameyno.

10- Maadaama ciidamada imaaraatku ay 70 % yihiin calooshooda u shaqeystayaal darban oo dalabka uun ku shaqeeya waxay ku kici karaan dhaqano xun xun oo lidi ku ah Diinteena iyo dhaqankeena suuban. Marka la eego shuruucda Caalamiga ah ee Saldhigyada Ciidamada aduunka xad-gudub kasta oo Saldhiga dhexdiisa ka dhaca shuruucda Somaliland ma qabanayaan oo waxay doonaan ay saldhiga dhexdiisa ku sameynkaraan oo xataa dumarkeena ayey ku faro xumeyn karaan.

Madaama aan Sife sharci ah loo marin ansixintii nuxurka heshiiskan oo aan dhameystirneyn isla markaana, hada xukuumada cusubi ka dhawaajisay in mad-madow badani ku jiro, Heshiikan Saldhiga Berbera Fulintiisu waa qayrul sharci.  Waxaana  dawlada cusub ee Somaliland looga fadhiyaa in ay Hakiso Ansixinta Heshiiskan  mugdiga iyo mad-madowga badani ku gedaaman yahay.

Alleh ayaa Mahada Leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

Hiigsiga Madaxweyne Muuse iyo Guulihii Lee Kuan Yew: Laba isku lammaan

$
0
0

Bismilaahi.

Qormooyinka taxanaha ah ee aan ciwaanka uga dhigey Hiigsiga Madaxweyne Muuse Biixi qormadii 1-aad waxaynu kaga soo sheekaynay Guulihii Thomas Sankara uu ku hogaamiyey wadanka Burkina Faso Wakhtigii koobnaa ee uu xukunka dalkiisa gacanta ku hayey .

Qormooyinkan Taxanaha ah qeybta 2-aad waxaynu diirada saaraynaa Wadanka Singapore iyo Madaxweynihii ku hogaamiyey jidka horumarka kana dhigay in Singapore ay noqoto wadamada ugu dhaqaalaha badan uguna qanisan dunida.

Singapore waxay ku taala qaarada Asia waxaanay dhinaca koonfureed ka xigtaa wadanka Malaysia ku dhawaad ​​85 miles (137 kiiloomitir) dhinaca waqooyigana waxay xuduud la leedahay Equator.

Singapore 1963-kii ayey ka xornimadeedii dib ugala soo noqotey guumeystihii ingiriiska kadibna shacabka Singapore waxay go,aan sadeen in ay ka mid noqdaan federaalka Malaysia, balse midowgaa labada dal masii waarin waxaanay kala tageen laba sano ka dib, 1965-kii ayey noqotay qaran madaxbannaan oo iskeed u taagan.

Lee Kuan Yew, oo ahaa ra,iisal wasiirihii ugu mudada dheera dalka Singapore wuxuu xukunka hayey in ka badan 30 sano,

Mr.Lee, cimrigiisu wuxuu ahaa markii uu geeriyooday  91-jir wuxuuna dhashay bishii Sebtembar 16, 1923-kii,  March 23, 2015 ayuu geeriyooday), Mr. Lee inkasta oo lagu sifeeyo  in uu ka mid ahaa hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee xagjirka ah waxaanu lagu dhaleecayn jiray cabudhinta saxaafadda xorriyatul qawlka balse waxa uu wadankiisa ku hogaamiyey in ay noqoto wadamada aduunka ugu qanisan uguna maaliyada badan.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Singapore Mr. Lee Kuan Yew markii uu talada gacanta ku qabtay wadankiisu wuxuu ka mid ahaa wadamada ugu faqiirsan uguna saboolsan aduunka , Singapore wakhtigaas waxay ahayd goob halis ah oo qalalaase badan ka jiro waxay ahayd jasiirad ay kheyraad lahayn , haddaba mr lee wuxuu qaaday talaaboyinkii uu wadankiisa ku horumarin lahaa wadankiisa oo markaa ka mid ahaa dabaqada saddexaad oo ah ta ugu hooseysa waxaanu ku guuleysatay inuu wadankiisu ka mid noqdo wadamada horumaray ee dabaqada 1-aad “From The Third World to First”. 

Mr. Lee wuxuu hirgaliyey istiraatiijiyad laba-geesood ah oo la xidhiidha waaxda maaliyadda wuxuuna  abuuray laba guddi, Guddiga Horumarinta Guryeynta iyo Guddiga Horumarinta Dhaqaalaha.

Guddiga Guriyeyntu waxay wax weyn ka badeshay bilicdii jasiiraddan waxaaney muwaadiniinta u dhistay guryo ay ku noolaadan, sidoo kale guddidu waxay diyaarisay guryo yaryar ghettos oo si taxadar leh loo qorsheeyey oo xasiloon looguna talagalay maalgashadayaasha shisheeye in ay ku noolaadaan xaalado nololeed oo ka sarreeya muwaadiniinta.

Dhanka kale, guddiga horumarinta dhaqaalaha ayaa si tartiib ah u dhistay warshado iyo shirkado ganacsi oo ku yaala Singapore si ay u abuuraan fursado shaqo oo aan keliya loogu talogelin muwaadiniinta, waxaana fursado ganacsi la siiyey ajinebiga taaso suurto gelisay in dadka wadamada shisheeye ka yimida ay dhaqaalaha wadanka kor u qaadan taas oo uu Mr.Lee u arkaayey in ay wadanka si deg deg ah uga saari karto saboolnimada waxaanay Singapore mudo gaaban ku noqotay  xarun maaliyadeed oo caalami ah, waxaaney horumar ka sameysay  Ilaha, beeraha, iyo kalluumeysiga iyo sidoo kale dekedaha singapore waxa ku taala dekeda labaad ee ugu weyn aduunka oo marin u ah kala badh maraakiibta ganacsi ee iskaga Kala goosha wadamada caalamka

Singapore waxay leedahay khayraad dabiici ah oo aan badneyn. Wadanka oo ah jasiiradda, wax soo saarka beeraha maaha mid fiicn isagoo dhaqaalaha guud ee wadanka ka noqonaya qadar aad u yar, balse jilaabashada kaluunka ayaa si deg deg ah kor loogu qaadey waxaana la sameeyey warshado kaluunka lagu farsameeyo iyo maraakiib kaluumeysi, Singapore waa dhoofiyaha ugu weyn ee labada nooc ee ugu qaalisan kaluunka sida orchids iyo kalluunka aquarium.

Sidoo kale Waxsoosaarka Warshadaha Singapore Tan iyo dhammaadkii 1960kii waxa loo dajiyey siyaasad guud Si loo soo jiito maal-gashi shisheeye, cashuurta ayaa aad loo khafiiyey waxaana tix galin gaar ah la siiyey shirkadaha caalamiga ah waxaana la aasaasay aagagga ganacsiga xorta ah. Si tartiib ah, wax soo saarku wuxuu kala duwanaa sida tufaaxa waxqabadyada farsamada casriga ah sida soo saaridda qalabka elektarooniga iyo dib-u-eegidda saliidda.

Sidoo kale Mr. Lee wuxuu xoogga saaray faa’iidada isbarbardhigga ah ee waxqabadyada aqooneed-gaar ah-gaar ahaan isgaarsiinta iyo macluumaadka iyo adeegyada maaliyadeed – kuwaas oo aan ku tiirsanayn maalgashiga shisheeye. Waxsoosaar sare , cilmi baaris iyo horumarin ayaa lagu dhiirigeliyay iyada oo loo marayo nidaamyo bixiya dhibcaha maalgashiga iyo gunnooyinka. Istaraatiijiyad dhaqaale oo tayo leh ayaa lagu maalgeliyo dhaqaalaha maxalliga ah iyo isla mar ahaantaasna xirfadaha maareynta. Mr.Lee wuxuu qortay dad xirfad leh, gaar ahaan ajinebiga oo ka yimid Maraykanka iyo Shiinaha, sidoo kale Dalxiiska ayaa waxa uu noqday mid muhiim u ah dhaqaalaha Singapore. Xarunta dhexe ee Singapore ee Southeast Asia iyo xarumaheeda gaadiidka caanka ah ayaa lagu maalgeliyay maalgashiyo ballaadhan oo laga hirgeliyey hoteelo casri ah ,xarumaha ganacsiga iyo meelo kala duwan oo madadaalo leh, oo ay weheliso xeebta oo dib loo habeeyay waxaaney keentay in dalxiisayaasha caalamka soo jiidato.

wakhtigan aynu joogno Singapore waxay kaalinta 5aad kaga jirtaa Qiimaynta Horumarka Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo 3-da ugu sarreeya ee qofkiiba. Waxay kaalinta ugu sareysa ka gashay waxbarashada, daryeelka caafimaadka, rajada nolosha, tayada nolosha, badbaadada shakhsiyeed iyo guryaha. Inkasta oo sinnaan la’aanta dakhliga ay kor u kacdo, boqolkiiba 90 guryuhu waa mulkiilaha. 38% dadka Singapore ee 5.6 milyan oo qof waa deganaan joogto ah iyo muwaadiniin kale oo ajnabi ah. Waxaa jira afar luqadood oo rasmi ah: Ingiriisi (luuqad dhexe iyo midka hore), Malay, Mandarin iyo Tamil; Ku dhowaad dhammaan dadka reer Singapore waa laba luuqadood

Mr.Lee oo ahaa nin han sare leh waxa uu ku guuleystay inuu badalo wadan yar oo ku yaal gabbaro jasiirad ah. Cabbirka miisaaniyadda dalka ee qofkiiba ayaa ahaa 350 Dollar sanadkii waxaana uu kor u qaaday nolosha muwaadiniinta iyadoo wakhtigan lagu qiyaaso maaliyad sanadeedka qofkiiba lacag kor u dhaaftay $ 60,000 oo Dollar. marka la is barbardhigo qiyaasta korodhka maaliyada iyo kheyraadka la’aanta ayaa markhaati u ah guusha uu gaaray.

Mr Lee inkasta oo uu ahaa kaligii teliye in badana xukunka wadankiisa awood ku haystay balse wadada horumarka ah ee wadankiisa ku hogaamiyey ayaa ka dhigtay in uu noqdo hogaamiye sumcad kaga tagay wadankiisa iyo dunidaba 2015-kii markii uu geeriyooday Ra’iisal wasaare Lee waxa aaskiisa kasoo qayb galey hogaamiyeyaasha ugu waa weyn wadamada caalamka Madaxweynihii Mareykanka ee wakhtigaa, Barack Obama, ayaa ugu yeeray Lee “taariikhda dhabta ah ee Singapore” halka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, uu ugu yeeray “halyeeyga Asia” iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ammaanay Lee “oo ay saaxiibo aad iskugu dhow ahaayeen.

Haddaba guulahaa  uu taariikhda ku galey Ra’iisal wasaarihii hore ee Singapore Lee Kuan Yew fikrad ahaan waa kuwo aad ugu dhow guulaha uu doonayo in madaxweyne muuse biixi taariikhda ku galo waxaana taas ku iftiimineysa khudbadihiisa uu fagaarayaasha ka jeediyo waa haddiise uu ka dhabeeyo oo uu ficil u rogo’ee

Hiigsiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa himiladiisu tahay in Somaliland ka maarmi doonto gargaarka dibada inooga yimaada oo ay isku filnaan doonto waxaanu kaga hadlay khudbadii uu ka jeediyey munaasibadii xilka loogu dhaarinaayey isaga iyo ku xigeenkiisa waxaanu yidhi isagoo fariin u diraaya shacabkiisa “Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa maaha in aynu sugno caawimo shisheeye iyo hay’ad loo shaqo tago ee innagu waa in aynu wax qabsannaa, maaha isku dhererino Soomaaliya oo gubanaysa ee waa in aynu hiigsanaa halka ay gaadheen dalalka horumaray ee ay ka mid yihiin Maleesiya, Singabuur, Kuuriyada Koonfureed iyo kuwo kale oo badan oo inala awood ahaa ama innaga hooseeyey 1960-kii markii aynu madaxbannaanida qaadanay.

waxaan qormadeydan kusoo afmeerayaa tuducyo ka mid ah gabay afarreya oo uu curiyey abwaan Cabdiraxmaan Xiiray gabeygaas oo uu kaga hadlaayey soomaalida han yarideeda iyo horumar la’aanteeda

 “Kuwa hodanka joogaa horey dhib’ugu hiileene”

 “Qayrkeen dagaarbey hayaan ugu hilaadeene“ 

 “ Waakuwa dayaxa haybsadeen hadalka taagneyne

 “ Hammi iyo dadaal wada jirey ku hano qaadeene“ 

 “ Hanku waa waxay aadamuhu libin ku hooyaane“ 

 “ Habaas kamakacaan duul haddey himilo liitaane“ 

 “ Haybteenu waa waxay filkood uga hagaaseene“ 

“ Haddeydu hinjisaan guusha waa helilahaydeene

“ Goormeydun heensayn fardaha laydinka huleelye?“ 

“ Hareeraha ma qabannaa wixii horumar keenaaye?“ 

“ Oo maysku howllaa fadhiga kuma heleysaane?“ 

“ Mise waa hurdeysaan sidii horeba loo sheegay?“ 

 

La Soco qormadda Xigta…………….

 

Qalinkii:- Ciise Cali Haybe

Email:= wacays_16@hotmail.com

Telephone:- +252 634444153

Berbera/Somaliland

 

SCAMA Website: Another Manifestation of Somalia Aviation Scams

$
0
0
According to the official website of SCAMA (Somali Civil Aviation and Meteorological Authority), the organization is an autonomous body working under the Federal Government of Somalia through the ministry of aviation. It plays not only the role of aviation regulator but it also performs the services of air navigation and airport services.
This organization also establishes and implements Somalia’s civil aviation policies and protocols thus as acting as a professional establishment of sorts and a gateway that links the country to the international aviation community.
It becomes very strange then when a vital organization held to high standards and with such immensely crucial responsibilities as this one act so unprofessionally.
To elaborate, one only needs to visit the official website of this “professional authority” to see how shameful and negligent they are when it comes to describing their different sectors.
without shame and a drop of professionalism, They have plagiarized and copied from the Seychelles civil aviation authority website. To add insult to injury they have done this by copying a single page from the Seychelles website (air navigation services) and pasted it to all their departmental/sector information pages.
You can see that what is described on the SCAMA website is a clear explanation of the Seychelles airspace and aerodromes. Describing such control towers as Mahe and Praslin.
It has come to our knowledge that upon seeing this monstrosity of civil aviation impropriety, some staff members notified a high SCAMA official (nonother than the director himself).  He pulled down the whole website for a few weeks,  stating the website was under maintenance. But, lo and behold! The old website came back into operation without changing any of its old content, design – or any of its illegally, blatantly plagiarized words and turns of phrases.
I cannot fathom how this clear defamation of what is supposed to be an official governmental “authority” has evaded the attention of any reputable official.
The process of writing a description of simple departments does not require any vast knowledge of aviation terminologies AT ALL but a sound mind, good English and a dash of common sense. How then did this happen even after the knowledge of the directors of the organization?
A few days ago a rumor came to surface which brought into light the corruption that is rampant in Somalia”s civil aviation when it was brought into light how they sold Visas to Canada and Italy intended to help staff undergo a training for the betterment of the aviation profession in the country.  The veracity of that piece of ‘news’ cannot be challenged when the perpetrator, SCAMA, is so brazenly stealing other people’s creations for everybody to see. Nowadays, a website is where you tell the rest of the world how they should see you, evaluate you and either reach out to you or run away from you!
How disorganized is this entity? Don’t they consider the image of the country they are trying to represent? Do they not feel embarrassed? I can only ask myself if they even know what they are doing looking at how they published their website, it looks like intermediate school graduates are handling the website and its an insult even, to intermediate school students to be compared with SCAMA officials.
SCAMA proves to be another SCAM!
VISIT Somalia’shttp://www.scama.so/
VISIT Seychelles’: http://www.scaa.sc/index.php
Suleiman Abdurahim
Freelance journalist and advocate of civil rights.

Sidee loo xalin karaa Qorshe la’aanta dhalinyarada Somaliland ee Malyuunka kor u dhaaftay?. qalinkii A/rahman fidhinle UK

$
0
0
Allaa Mahad Leh-Wa Billaahi Towfiiq.
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Djibouti iyo Somaliland  Wa UL iyo Diirkeed

$
0
0

Hordhac: Maqalkani waxaa la fafiyay 10 sandood hore merkii President Rayaale booqdey Djibouti  xidhiidh labade dal oo hagaday ilaa sanadkii 2005. Madaxwene Rayaal wuxu sii geesinimo u fideyey taageero hiil iyo hooba ah la garab dowlade iyo  dadka reer jabuuti kagana soo horjeestey  gardaradii qaawanayd ee ay Eretariya kula kacday Jabouti.

 Maqal aad loo xiiyey aayu aha oo  lagu dabacay websites badan oo kamid ahayeen Somalilandnation.com iyo  Djiboutination.com.

Maqal kale oo wakhtigan xaadir ka ah iyo booqashadii Madaxweyne Muse Beei Cabdi ku tagey Djibouti  ka turjumaayse  aya aanu idiin soo gudbin doona Insha Allah.

10/ 08/2008 : Djibouti iyo Somaliland  Wa UL iyo Diirkeed

Booqashadii Madaxweyne Rayaale uu ku tagay dalka Jabouti waxay ahayd talaabo aad ugu muhiim ah horumarka dalka wakhtigan aan joogno. Siyaasadu waa xirfad ku dhisan wixii suurtogalnimo ah. Madaxweyne Rayaale iyo Madaxwaynaha Jabouti Mudane Geele waxay ku kicitimeen wax loo baahan yahay oo macquula iyagoo uga faa’iidaysanaya fursadani soo martay si cilmiyaysan.  Isku soo dhawaanshaha labada dal ka dib wada xidhiidh hagaday ilaa sanadkii 2005 waa talaabo aad muhiim u ah haday noqoto xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba. Taageerada ay dadka reer Somaliland u hayaan dadka reer Jabuuti waa mid geesinimo ah waana mid ay dadka reer Somaliland ogol yihiin inay taageero hiil iyo hooba ah la garab galaan dadka reer jabuuti kagana soo horjeestaan gardaradii qaawanayd ee ay Eretariya kula kacday Jabouti.

 

Reer Somaliland iyo dadka reer jabuuti waxay isku yihiin ul iyo diirkeed. Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ku nool Jabuuti sidoo kalena dad badan oo reer Jabuuti ah ayaa ku nool Somaliland, Qofka reer Jabuti ee dhintaa waa qof ka dhintay Somaliland, taasi waa arinta dhabta ah ee lama huraanka ah, sidaasi darteed dadka reer Somaliland iyo Dawladooda waxaa ka go’an inay taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagaan walaalahooda reer Jabuuti.

Wakhtigii aynu soo dhaafnay labada dal aad bay isu caawiyeen midba marka uu ka kale u baahdo. Hadaynu tusaalayaal soo qaadano:

 

  1. Markii ay reer Jabuuti u dagaalamayeen inay xoriyadooda ka qaataan Faransiiska, dadka reer Somaliland waxay la garab istaageen taageero hiil iyo hooba ah, haday noqoto mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Waxaa lama ilaawaan ah heeso wadiniyeedkii, gabayadii, Mudaharaadyadii iyo ololihii ay dadka reer Somaliland yar iyo waynba ay ku cabireen sida ay u jecel yihiin inay dadka reer Jabuuti xoriyadooda ka qaataan Faransiiska. Waxa kale oo dadka reer Somaliland si diiran ay u soo dhaweeyeen dadkii reer jabuuti ee uu gumaystuhu wadankooda ka soo cayriyay iyo waliba xoriyad doonkii Jabuuti oo lagu tababaray Somaliland. Reer Somaliland way soo dhaweeyeen dadkaasi reer Jabuuti guryahoodiina way u fureen, waxbarashadiina bilaash ayay uga dhigeen caruurtooda. Waana xaaqiiq in dad door muhiima ka ciyaara Jabuuti ay wax ku barteen Somaliland. Halgamaagii waynaa ee reer Jabuuti, Maxamuud Xarbi, gabadhiisu waraysi ay siisay laanta Afka Somaliga ee BBC da sanadii 2004 kii ayay dhamaan ku sheegtay arimahaasi oo dhan.
  2. Taasi badalkeeda waxay dadka reer Jabuuti iyo dawladooduba caawiyeen reer Somaliland wakhtigii ay la dagaalamayeen Dawladii kali taliska ahayd ee uu hogaaminayay kalidii taliyihii Siyaad Bare. Anigu markii aan dalka laajiga ka ahaa  ee 1981-1984kii waxaan magangalyo ka helay DJabouti. Dad badan oo reer Somaliland ah oo aan anigu ka mid ahay ayaa ganacsi midho dhal ah ka samaystay wadankaasi Jabuuti. Waana dhab inay Jabuuti meel nabdoon u ahayd dadka reer Somaliland wakhtigaasi ay la dagaalamayeen Siyaad Bare, wakhtigaasi oo dadka reer Somaliland lagu hayay nooc kasta oo xaqiraad ah, Cadaadis iyo naxariis daro u horseeday dadka reer Somaliland xasuuq iyo cuno qabatayn dhaqaale oo uu Siyaad Barre kula kacay. 1980-1981kii markii dakadii Berbera la xidhay alaabtii dakada ka soo dagaysay waxay ahayd 300 oo malyuun oo Dollar taasi oo la bililiqaystay 1980-1981kii, Jabuuti waxay noqotay albaab u furmay nolosha iyo noolaanshaha dadka reer Somaliland. Djabuuti waxay ahayd meel aad u nabdoon oo ay hooyadu iman karto si ay u aragto inankeeda ay jeclayd ama ay gabadhi la kulmi karto saygeeda.

Waxaa jirta boqolaal dhacdooyin oo taariikhda gashay taasi oo aniga iyo saaxiibadaydii SNM ee Jabuuti joogay aanu la kulanay markhaatina ka nahay. Bal waxaad qiyaastaa Mujaahid SNM ah oo dagaalamaya oo kula kulmaya xaaskiisa ama hooyadii Jabuuti.

 

  1. Dhinaca kale dadka reer Jabuuti iyo dawladoodu waxay ka faa’iidaysteen xidhiidkii ganacsi ee ay la lahaayeen Somaliland. Dhaqaalaha reer Jabuuti wakhtigaasi wuu horumaray, khibrada ay dadka reer Somaliland u lahaayeen inay ganacsi samaystaan waxa uu waxtar u noqday dhaqaalaha dadka reer Jabuuti, iyada oo uu dhaqaalihii isu badalay mid ay gacanta ku hayaan dadka reer Jabuuti halka dhaqaalaha Jabuuti ay markii hore gacanta ku hayeen dad carab ah iyo inyar oo Somali iyo Canfar ah. Tani waxay noqotay mid ay labada dhican (Somaliland iyo Jabuuti) dhaqaalahooda ku horumariyaan waxayna tani tusaale la garanayo u noqotay iskaashiga gobolka ee xaga dhaqaalaha iyo iskaashiga dhaqaale ee lagu horumarin karo dhaqaalaha Aduunka.
  2. Maalmahaasi iyo sanadaadaasi madaw Jabuuti may ahayn oo kaliya albaab u furan dadka Somaliland ku nool oo qudha ee waxa kale oo albaab ay u ahayd Mujaahidiintii SNM ee xaruntoodu ahayd Ethiopia. Maal badan ayay dadkii reer Somaliland ee laajiga ku ahaa Jabuuti u ururiyeen iyagoo markaasina isu dayay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Dawlada DJabouti inay taageero siiso urukii SNM. Sidoo kale dumarkii waxay iska ururiyeen lacag waxayna samaysteen wada xidhiidh ah sidii ay u caawin lahaayeen qoysaskii ama xaasaskii ka yimid Somaliland, kuwaasi oo ragoodii uu xidhay Siyaad Bare ama ay ka mid ahaayeen SNM. Dadaalka ay sameeyeen dumarkaasi waa mid aan waligii la ilaawi doonin waana mid taariikhda lagu qori doono loona dhigi doona jiilka soo socda Insha Allah. SNM waxay ahayd dhaqdhaqaaq ka socday wadano badan, gudaha Somaliland/Somalia iyo gagada Dagaalkaba, ma aha mana noqon doonto SNM mid ay koox gaar ahi sheegan karto, laakiin SNM waa dadka oo dhan koox kastaana waxay ku leedahay door muhiim ah sidii  dadka reer Somaliland looga xoreeyay kalidii taliyihii Siyaad Bare. Waxaan aad ula yaabaa markaan arko koox kaligood sheeganaya SNM.
  3. SNM waxay gudo gashay weerar wayn 1984kii, weerarkaasi oo loo yaqaanay “Dagaalkii Buuraha”. Waa xaqiiq in dagaalyahano badan oo SNM ahaa ay ku naf waayeen dagaalkaasi, laakiin kalidii taliyihii awooda badnaa ayaa kumaan kun oo ciidamadiisa ah ku waayay dagaalkaasi, intii soo hadhayna way ka niyad jabeen inay la sii dagaalamaan SNM. Dagaalkaasi waxa uu dhisay niyadii iyo rajadii SNM waxaanu fursad u siiyay in SNM ay ka hesho khibrad khasaarahaasi wayn, inay si xoog ah isu urursadaan iyo inay xidhiidh la sameeyaan dadka reer Somaliland iyagoo ku guulaystay taageeradooda. Haseyeeshee wakhtigaasi  SNM waxay ku jirtay tababar manayna haysan wax hub iyo gaadiid ah. Dagaalkaasi SNM waxay isticmaaleen lugahooda taasi oo ay ku galeen dalka gudihiisa. Tani waxay ahayd arin aad u adag inay ku dhiiradaan.

 

Markii ay hogaankii garabka milatari ee SNM baadhitaan ku sameeyeen dagaalkaasi waxay ogaadeen in dhibaatada u wayn ee haysatay ay ahayd gaadiid la’aan. Horaantii 1985kii, wasiirkii difaaca ee SNM Alle ha u naxariistee Aadan Shiine ayaa noo soo qoray kooxdayadii SNM ee joogtay Jabuuti waraaq ay ku codsanayeen in si dhakhso ah loogu soo diro gawaadhi iyada  la’aantoodna aan la sii wadi karin in weeraro waawayn la qaado ama dadaalka la sii wado. Tani waa nagu adkayd inaanu samayno- dhinac waa ka suurta gal oo gawaadhi waanu heli karnaa laakiin sidee  suurta gal u tahay inaanu u dirno Diridhaba?-  Ilaahaybaa mahad iska leh, waxaanu ku guulaysanay in 20 nin oo naftood hurayaal ah oo gawaadhi waawaayn lahaa aanu ka dhaadhicino arintaasi, Inyar ayaa maanta ka nool oo badidoodii way dhinteen Alle ha u naxariistee.

 

Dawladii Jabuuti oo uu wakhtigaasi hogaaminayay Alle ha u naxariistee Xasan Guuleed iyo madaxwaynaha hada talada haya Ismaaciil Cumar Geele oo wakhtigaasi ahaa madaxa sirdoonka ee Jabuuti ayaa noo balan qaaday inay arintaasi noo ogolaanayaan aananu hore ka wadno. Waxaana lanagu war galiyay in labadii cishaba laba gaadhi aanu tareenka Diridhaba u baxaya saarno, maxaa yeelay waxay ahayd arin aad khatar u ah inaanu gawaadhida mar qudha wada dirno.

 

Markii aanu labadii gaadhi ee u horeeyay aanu dirnay ayaa Siyaad Bare koox maamulkiisa ka tirsan uu noogu soo diray Jabuuti  si ay dawlada Jabuuti ugu qanciyaan inay joojiso dirista gawaadhida wixii hadhay. Guntii iyo gabagabadii Dawladii Jabuuti way diiday arintaasi, kooxdiina iyagoo gacmo madhan ayay ku noqdeen Siyaad Bare. Saddex wiig ka dibna gawaadhidii oo dhami way gaadheen Diridhaba. Arintani waxay dhistay niyadii SNM arinta ugu muhiimsana waxay noqotay in dawaladii Ethiopia ee wakhtigaasi ay ku qanacday inay SNM tahay koox aad khatar u ah waxayna ogaatay inay dawlada Jabutina na taageersan tahay.

 

Waxaa kale oo jirta dhacdooyin fara badan oo dadkii reer Jabuuti iyo Dawladooduba ay ku  caawiyeen dadkii reer Somaliland wakhtigii ay la dagaalamayeen kalidiitaliyihii Siyaad Bare. Waxaan si buuxda u dareensahay in dad badan oo reer Somaliland ahi gaar ahaan dhalinyaradu ayna war u hayn taageerada lama ilaawaanka ah ee ay dadka reer Jabuuti u qabteen dadka reer Somaliland, wakhtigaasi oo aynu xoog ugu baahnayn taageeradooda SNMna ay curdinka ahayd. Waxaan rumaysanhay in la gaadhay wakhtigii taariikhda la sixi lahaa taasi oo ay dadka reer Jabuuti caawiyeen dadka reer Somaliland wakhtigii inoogu adkaa ee aynu la dagaalamaynay Siyaad Bare inaga oo kaashanay taageerada Dawlada Jabuuti.

 

Waxaan si xoog ah u rumaysanahay mucjisooyinka Ilaahay. Nin ka mid ahaa hogaamiye diimeedkii reer Somaliland kaasi oo ahaa ragii keenay fikrada ah  inaan Siyaad Bare la dagaalano ayaa maalin yidhi “Xaaladu way adkaan doontaa waxayna noqon doontaa mid aan loo dulqaadan karin, wakhtigaa Jabuuti waxay noqon doontaa gaboodkeena iyo ta inagu taageerta ka soo horjeedka aynu ka soo horjeedno Siyaad Bare”. Markii ay Jabuuti diiday inay ku biirto Somali weyn ee ku dhawaaqday gooni isu taageeda dad badan oo Somali ah ayaa ka cadhooday arintaasi, laakiin dadkaasi way qaldanaayeen waayo ilaahay baa og sida fiican.

 

Somaliland waxay ahayd dal jira oo gooni u taagan 17kii sano ee u danbeeyay waana dal nabdoon oo leh Madaxweyne, Baarlamaan iyo golayaal deegaan oo si dimuqraadi ah loo soo doortay. Xuquuqda aad u leedahay inaad gooni isu taagto waxay ku xardhan tahay dastuurka Qaramada Midoobay taasi oo sheegaysa “Dadka oo dhami xaq bay u leeyihiin inay gooni isu taagaan ama goonidooda isu maamulaan” iyagoo dadku tix raacaya xuquuqdaasi ay leeyihiin, waxay fasax u leeyihiin inay samaystaan maqaamkooda siyaasadeed oo ah sidii ay iyagu u maamulan lahaayeen horumarka dhaqaalahooda iyo dhaqankoodaba.

 

Waa cadaalad daro in wadamada aduunku iska dhago tiraan aqoonsiga Somaliland, iyagoo iska indho tiraya guulaha ay gaadheen dadka reer Somaliland iyo dimuqraadiyada iftiintay taasi oo aad ugu yar qaaradani Afika iyo wadanada badan ee horumaraya. Tani waxay dhabar jab ku tahay xuquuqda aasaasiga ah ee dadka reer Somaliland kuwaasi oo ku dadaalay sidii ay u samaysan lahaayeen dal dagan oo nabdoon kaasi oo gargaar aad u kooban dibada ka hela.

 

Warbixin ay si wada jir ah baanka aduunka iyo Qaramada Midoobay uga diyaariyeen Somaliland sanadii 2006 ayaa waxay ku sheegeen:

 

“Ilamaa bilawgii 1990kii, Somaliland meelo badan ayay horumar ka gaadhay, kuma koobna oo kaliya wada hadal iyo is dhexdhexaadin gaar ah, samaynta iyo ka shaqaynta Dawlada iyo sharci shaqeeya,  dimuqraadiyad u hogaamisay doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo dastuur. Waxaa tani suurto galiyay kuluglahaansho firfricoon oo ka yimid ururada madaxabanaan, bulshada rayidka ah, ka qaybqaadashada oday dhaqameedyada, iyo lacago badan oo dadku iska ururiyeen sidii ay nabad waarta u samaysan lahaayeen”

 

Inta ugu yar hadaan yidhaa, waa xaqirid iyo cadaalad daro in bulshawaynta caalamku ay Somaliland uga dhigto lahayste Somaliya – xitaa hadayna is maamul lahayn sidii ay ahayd 17kii sano ee u danbeeyayba ama ay waligeedba is xukunto mustaqbalka! Sida ku cad sharciga caalamiga ah dadka reer Somaliland way ka tashadeen mustaqbalkooda waanay soo ceshadeen madaxbanaanidoodii ay iska diideen 48 sano ka hor xaq ayayna taasi u leeyihiin. Dadka reer Somaliland, waxay si guul ah oo nabada ay u raaceen dariiqii dimuqraadiyada waxaanay si dumuqraadiyad ku dheehan tahay go’aan uga gaadheen mustaqbalkooda. Somaliland waxay rajaynaysaa in Dawladda Jabuuti ay ugu horayn doonto aqoonsiga ay dadka reer Somaliland sugayeen wakhtigaasi dheer.

 

Dad badan oo siyaasiyiin ruug cadaaya, aqoonyahano ah, Baadhayaal ah iyo khubaro badan oo dunida dacaladeeda ku kala nool ayaa ugu yeedhaya bulshawaynta caalamka inay u kuur galaan isbadal joogto ahna ku sameeyaan waxa loogu yeedho “Shanta  Somaliyeed ee xidigta shan geesoodka ah”. 28kii bishii July 2003, urur aad wax u saameeya, oo la yidhaa International Crisis Group, oo xaruntiisu tahay Dalka Belgium, gaar ahaan Brussels, ayaa warbixin uu ka diyaariyay Somaliland  waxay ku sheegeen in dhamaan ururada xiisaynaya Somaliland inay fahmaan taariikhda iyo xaalada ay hada Somaliland ku sugan tahay. Warbixintaasi waxay xooga saaraysaa:

 

“Dimuqraadiyada ka jirta Somaliland waxay ka dhigaysaa aragtida ah inay la midawdo Somalia waxaan dhici karayn ama aan suurto gal ahayn, ma aha in dastuurkoodu uuna la mid ahayn ka dawlada ku meelgaadhka ah, aragtida ah inay la midoobaan Koonfurta Soomaaliya, laakiin dadkoodu waxay  la xisaabtamaan madaxdooda – dadka reer Somaliland badidooduna ma rabaan inay wax midaw ah la galaan Somalia”

 

Waa cadaalad daro inay bulsho waynta caalamku  sii wadaan hadafkani macno darada iyo saboolka ah ee lagaga soo horjeedo danaha reer Somaliland kuwaasi oo  ay ka cadhaysiinayso, cadaalad darana ay ku tahay sharafdarada uu aduunku ku kacay isaga oo wakhti dheer aan adeecid aduunwaynuhu xuquuqda dadka reer Somaliland. Maxay ku qaadan hadii Dawlada Jabuuti ay dhinac sax ah ka istaagto madaxbanaanida dadka reer Somaliland ayna dhamayso cadaalad daradani uu aduunku ku hayo?

 

Siyaasadu waa xirfada wixii suurto gal ah dadka reer Somalilandna waxay rajaynayaan in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu si geesinimo ah uu go’aanka saxda ah u qaato, isaga oo isticmaalaya xirfadiisa siyaasadeed, aqoonyahanimo iyo hogaamineedba,  dulucduna waxay tahay wado kastaaba waxay ku gaynaysaa Caasimada Jabouti.

 

Iid Calisalaan Axmed

Eid is Chartered Fellow of the UK Institute of Personnel & Development and Management and Development Consultant. He is longtime active campaigner and lobbyist for Somaliland and one of the initiators and founders of SNM & UFO Group.

Xildhibaanada Barlamaanka JSL: Way U Xaadiraane Xaalka Ma Ogyihiin?

$
0
0

Xildhibaanada gollaha guurtida iyo wakiillada Somaliland oo laysku yidhaahdo aqalka Baarlaamaanka Somaliland ayaa golle walba waxa fadhiya 82 muddane oo midkiiba mushaharkiisu yahay lacag lagu qadarro 1, 3000$ oo lacagta Mareykanka ah.  Haddaba haddii aynu u soo daadegno si aynu u ogaano xildhibaan kastaaba tirada  mushaharka uu qaato iyo guud ahaanba qarash-mushahareedka ku baxa gollaha baarlamaanka Somaliland waxa uu noqonayaa sidan;

Marka uu xildhibaan walba uu qaato 13000 dollar tirada xildhibaanada labada gollena ay yihiin 164 xildhibaan oo aanay ku jirin xildhibaanada loo yaqaano xubin sharafeedka waxa uu noqonayaa mushaharka bishi ay qaataan marka lagu dhufto 1,300 dollar 164 =  213, 200 (Laba boqol oo kun saddex iyo toban kun iyo laba boqol oo dollar),  Taas macnaheedu waxa weeye mar haddii ay bishii tirada intaasi leeg ay qaataan in qadarka lacageed ee ay sannadkii qaataan uu noqonaayo 2, 558, 400 (Laba milyan, shan boqol siddeed iyo kontan kun iyo afar boqon oo dollar).

Tirada lacagta intaasi leeg iyo lacago kale oo fara badan oo ku baxa habeen dhaxooda, caafimaadkooda, kal-fadhiyadooda aan caadiga ahayn, gunnooyinka  guddiyada gollaha, iyo dhammaanba kharashaaddada kale ee dheeraadka ah haddii laysku geeyo waxa uu u dhigmayaa; mushaharka ciidamada iyo shaqaalluhu ay qaataan saddex meeloodow laba. Taas macnadeehedu waxa weeye aqalka baarlamaanka Somaliland waxa uu yahay ha’yadda ugu miisaaniyada badan ha’yaddaha ka jira Somaliland.

Shacabka Somaliland ma salluugsana awoodahooda shaqo iyo doorka ay ka ciyaaraan u adeeggista waajibaadka xileed ee ay hayaan. Bal se waxa ay dhalliilsan yihiin mushaharka xad-dhaafka ah ee ay qaataan muddanayaashani.

Haddaba ma habboon tahay in wax ka beddel lagu sameeyo mushaharka aqalka Baarlaamka Somaliland?

 

Jawaabtu waxay noqoneysaa hadba heerka dhaqaale ee waddanku taagan yahay. Maanta Somaliland waxaad arkeysaa muwaadiin camal la’aan iyo gaajo gaaf wareegaya. Muddanayaasha gollahani inta badan wax ay sheegtaan in ay tudhaalayaasha waddanka yihiin bal se looma diidana muhiimadu se waxay tahay in ay iyagu waddankooda u tudhaan. Tusaale yar;

Xildhibaan  bal qiyaas masaakiin maalintii ku nool 1 dollar ama wax ka yar. Bal qiyaas, Cali Mataan masjidka makhribka oo kaliya inta masaakiin leh; cashada naga soo bixiya. Bal baadh mushaharka guurtida, madax-weynaha iyo wasiiradda. Madaxda maanta masuuliyad ayaa bulshadan ka saaran, masiirkooda iyaga ayaa madaxaku sita, haddii ay maanta.

Xildhibaan ma og tahay in samaha waddanku yahay  xoriyad, cadaalad, sinnaan, wadajir iyo wax wada qabsi. Maxaad diidan maanta in aad mushaharkaaga dastuuriga ah ee ka fog cadaaladda aad dib u eegisa ku sameyso?. Xildhibaanada labadan aqal xoggo-gaal ayey u yihiin xaaladda rasmiga ah ee waddanku maraayo, bal se shacabka Somaliland waxay uga fadhiyaan inta aanay isbeddel kale sameynin in ay iyagu mushaharka ay u xaadiraan bishii wax ka beddel ku sameeyaan oo dhimaan.

Qadarka lacageed ee maanta ku baxa aqalkaasi baarlamaanka Somaliland haddii si wanaagsan oo cadaaladdi ku jirto loo maamuli lahaa waxa hubaal ah in baahiyaad badan uu dabooli lahaa.

Waxani maaha  dhalanteed iyo medadaalo ee waa xaqiiqo jirta. Fadlan waxay shacabku idinka codsanyaan maanta in isbeddelka koobaad ee qabataan in uu noqdo wax ka beddelista mushaharkaasi cadaaladda ka fog ee aad bil walba u xaadirtaan idinka oo eegaya baahiyaadka jira.

Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.

Email: mohoomer@gmail.com

Facebook: Mohmoud Osmaan

Mobile: +252634129326
Thank you.

WAAN HAYAA DAWADII. W/Q: Xamse Cumar Kujoog

$
0
0

“Wanaagga dunida oo dhammi waxa uu ku jiraa werwer la’aan, wanaagga aakhiro oo dhammina waxa uu ku jiraa gef la’aan”

Aadamuhu meel uu ku nool yahayba waxa dhab ah inuu kala duwan yahay, waxa uu ku kala duwan yahay abuurka, dhaqanka, midabka, luqadaha iyo sidoo kale qaab fekerka, sida ku cad Qur’aanka “Waxa ka mid ah calaamadaha Ilaahay lagu garto abuurka samooyinka, dhulka iyo kala duwanaanshaha afafkiinna (luuqadihiinna iyo midabbadiinna” Ruum 22.

Qofka wax qoraya, ka wax sheegaya, dhakhtarka wax dawaynaya, sheekha dadka wacdiyaya iyo cid kasta oo ummadda wax taraysa waxa waajib ku ah inay qiimayso kala duwanaanshahaas, mid kastaana uu waxtarkiisa ku saleeyo isku day uu ku raadinayo inuu ummadda ku hanto sida ugu fudud ee uu qalbigooda ku gaadhi karo.

Anigoo hordhacaas ka dhinbiil qaadanaya, ogaalkana ku haya in aynu nahay ummad muslin ah oo dhaqan iyo tusaalaba diintooda ka qaata, Qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Nabiguna SCW ay inoo yihiin ilaha ugu mudan ee aynu wax ka qaadanno, waxa hubaal ah kol kasta oo si aad ah aad ugu fiirfiirsato Qur’aanka iyo Sunnaha Nabiga Scw in aad ka helayso xalka iyo dawada dhibaatooyin iyo xanuunno badan oo ina haysta.

Sidaas awgeed, qormadan waxa aan si kooban isu dul taagi doonaa dawada laba xanuun oo dhib ku haya qof kasta oo dunida ku nool, dawadaasna waxa inoo qoraya dhakhtarkii ugu mudnaa ee loo soo diray dunidan badbaadadeeda oo ah Rasuulkii Ilaahay usoo diray Jin iyo Insiba Muxammad nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Labadaas xanuun midkood waxa uu qofka ku dhacaa inta uu adduunka korkiisa joogo, ka kalana waxa uu qofka ku dhacaa marka uu adduunka ka hulleelo ee halkii loo badnaa iyo aakhiro u hayaamo.

Xanuunka koowaad ee qofka ku dhaca inta uu dunida ku nool yahay waa xanuunka “Werwerka” oo ay adag tahay in qofku uu ka badbaado, sababtuna waa adduunkan aynu ku noolnahay oo sidiisaba ka samaysan dhib iyo dhakafaar, qof ayaa shaqo ka werweraya, mid kale ayaa ganacsi ka werweraya, mid ayaa ubad u werweraya, midbaa xanuun la werwersan, mid kale ayaa hanti la’aan la werwersan iyo qaar kale oo badan.

Xanuunka labaad ee qofku marka uu adduunka ka socdaalo ku dhacaa waa in uu aakhiro kula kulmo gefafkii uu adduunka kusii galay, taas oo iyaduna ah werwer kale oo qofku uu qaadayo, isagoo ka werweraya waxa uu noqon doono abaalkiisu, isna waydiinaya Rabbi ma iska cafin doonaa mise danbigii uu galay ayaa ciqaabtiisa la marin doonaa?.

Haddaba labadaas xanuun ee midna dunida korkeeda dadka ku dhaco, midna aakhiro ayaa waxa dawadooda aynu ka helaynaa sheekadan kooban ee soo socota.

Ubaya bin Kacab oo ka mid ahaa asxaabtii Nabiga Scw ayaa maalin maalmaha ka mid ah Nabiga Scw ku yidhi “Rasuulkii Ilaahayoow, marka aan Ilaahay xusayo ama ducaysanayo, intee in le’eg ayaan kugu salliyaa? (intee ayaa salliga Nabiga Scw ku celceliyaa), Nabigu Scw waxa uu ugu jawaabay “Inta aad doonto” kolkaa ayuu Ubaya ku celiyay “Rasuulkii Ilaahayoow ka warran haddii aan salligaaga ka dhigo affar meeloodoow meel” waxa uu Suubbanuhu Scw ugu jawaabay “haddii aad doonto, inaad ka badisaana adiga ayay kuu khayr badan tahay” kolkaas ayuu Ubaya yidhi “Ka warran haddii aan kala badh xuskayga ama ducadayda ka dhigo Salligaaga” Nabigu sidii si le’eg ayuu u sheegay in ay wanaagsan tahay, haddii uu kasii badinaya ay kasii wanaagsan tahay. Intaas kaddib ayuu Ubaya yidhi “Rasuulkii Ilaahayoow, ka warran haddii aan xuska iyo ducadayda oo dhan aan ka dhigo Salligaaga” kolkaas ayuu Nabigu Scw ku yidhi “Haddii aad sidaa samayso werwerka oo dhan ayaa lagaa dul qaadayaa, danbigaagana waa la dhaafayaa”.

Xadiiskan oo ansaxay ayaa waxa laga faa’idayaa dheeraadka uu leeyahay salliga Nabigu Scw, waxa kale oo aynu ka qaadanaynaa inuu Salliga Nabigu Scw dawo u yahay Werwerka iyo walbahaarka dunidan ina daashaday, sidoo kalana uu dawo u yahay qiyaamaha gefafka iyo danbiyada aynu dunida ku galno.

Salliga Nabiga Scw waxa kale oo laga helaa wax badan, waxa aan kaaga sheegi doonaa 10 qodob oo aanad ka maqli doonin qolyaha sannadka oo dhan Nabiga Scw maalinta keli ah ka xasuusta, bal ila dhugo oo ila dhuux:

  • Qofku waxa uu noqonayaa qof fuliyay amarkii Ilaahay ee ahaa in Nabiga Scw lagu salliyo sida ku cad aayadda 56 ee Suuradda Axsaab.
  • Qofku markasta oo uu Nabiga Scw ku Salliyo isagana Ilaahay ayaa toban jeer ku Salliyaya, Salliga Ilaahay addoomihiisa ku salliyaana waa danbi dhaaf.
  • In Salliga qofku Nabiga Scw ku salliyaa uu gaadhayo Nabiga Scw, sida ku cad xadiiska saxeexa ah ee uu warinayo Abuu hurayra ee sheegaya inuu Suubbanuhu yidhi Scw “Haka dhigina guryihiinna qubuur, qabrigaygana haka dhigina meel lagu ciido, Igu salliya, salligiinnu waa uu isoo gaadhayaa meel aad joogtaanba”.
  • Salliga Nabigu Scw waxa uu ka mid yahay calaamadaha deeqsinnimada, Nabiguna Scw waxa uu bakhayl dhabcaal ah ku tilmaamay qofka agtiisa lagu xuso Nabiga Scw ee ku salliyi waaya.
  • Salliga Nabigu Scw waxa uu ka mid yahay calaamadaha Iimaanka ee qofka muslimka ah sida ku cad xadiiska uu warinayo Anas bin Maalik, waxa uu Nabigu Scw yidhi “Midkiin Iimaan dhammaystiran laga heli maayo jeer oo uu iga jeclaado waalidkii, ubadkiisa iyo dadka oo dhan” jacaylka Nabigana Scw waxa ka mid ah in aad xuskiisa badiso.
  • Qofka badiya Salliga Nabiga Scw waxa uu ka mid noqonayaa maalinta qiyaame dadka ugu dhow Nabiga Scw sida uu Nabigu Scw ku sheegay xadiiska Cabdilaahi bin Mascuud.
  • Salliga Nabiga Scw waxa lagu helaa in danbiga lagaaga dhaafo, ajar badan oo buuro le’egna laguugu qoro sida ku xusan xadiiska uu Anas bin Maalik ka warinayo Nabiga Scw.
  • Salliga Nabigu Scw waxa uu sabab u yahay in ducada lagaa aqbalo, waxa ka sugan Nabiga Scw in maalin maalmaha ka mid ah uu arkay nin ducaysanaya oo aan ducadiisa ku bilaabin mahad naqqa Rabbi iyo Salliga Nabiga Scw, kolkaas ayuu Nabigu Scw yidhi “Kaasi wuu degdegay, midkiin marka uu ducaysanayo haku bilaabo ducada mahad naqqa Ilaahay, kaddibna Salliga Nabiga Scw, kaddibna waxa uu doono haku ducaysto”.
  • Salliga Nabigu Scw waa mid ka mid ah calaamadaha sheegaya in qofku uu ixtiraam iyo waynayn u hayo Nabi Muxammad Scw.
  • Ugu danbayn waxa uu salliga Nabigu Scw sabab u yahay in maalinta qiyaame –maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay, maalinta wiil iyo waalidkii kala roorayaan, maalinta cadceeddu nin joogii iman doonto- inuu Nabi Muxammad Scw kuu shafeeco qaado.

 

Waxa aan kusoo xidhayaa qormadan kooban ee aan rajaynayo in wax badan oo aad hore u taqaannay ay ku xasuusisay, sidoo kalana laga yaabo in wax aanad ogayn aad ka ogaatay, in werwer kasta oo kusoo wajaha, walbahaar kasta oo aad la kulanto iyo danbi kasta oo aad ku dhacdo inta aad ifka ku nooshahay in dawadiisu ay ku jirto Salliga Nabiga Scw. Warkayguna waxa uu ku kooban yahay “aynu badinno Salliga Nabiga Scw” gaar ahaan maalinta jimcaha, subaxa hore iyo gelinka danbe, sidoo kalana aynu carrabkeenna barno waqtiyo badan oo aad meelahaa iska fadhido, bas/tareen saaran tahay, cid sugayso ama aad lugaynaysaba in aad salliga Nabiga Scw aad ugu celceliso.

Salliga Nabiga Scw oo aad carrabkaaga ku badisaana waqti badan kaa qaadan maayo, bal kaliya waxa aad xisaabisaa inta jeer ee aad Nabiga Scw ku salliday muddadii koobnayd ee aad maqaalkan akhriyaysay.

FG: Ereyga waan hayaa dawadii, waxa aan ka maqlay nin inta badan aan ku arki jiray suuqa Hargaysa oo iibiya dawo dhireed.

Rabbi khayr adduun iyo mid aakhiraba ha inna waafajiyo.

Allaahuma salli wa sallim calaa Nabiyinaa Muxammad.

W/Q: Xamse Cumar Kujoog

Hkujoog@gmail.com

SOMALILAND: SABABAHA, SAAMEYNTA IYO SEETEYNTA SICIR BARARKA

$
0
0

HORDHAC: Dhibaatada sicir bararku maaha ugub waa mid muddo badan soo jiitameysay, wax ayna la kowsatey sannadkii 1994 markii la sameeyay lacag dalku leeyahay, wagaas waxa lala kulmey sicir barar balaadhan oo saameeyay dalka. Sicir bararkaasi wax uu ahaa mid asbaabihiisa kala duwan watey, hasayeeshee seddexdii sanno ee ugu danbeeyay xukuumaddii Siilaanyo ayuu xadhkaha goostey oo halkii ugu xumayd gaadhey abid, khatartiisuna waxaa laga yaabaa in ay sii socoto waayo Wali ma cadda sababaha sixir bararka ee SL, xaqiiqduna wax ay tahay xukuumaddu wax ay dhayeysaa mililka dushiisa halkii ay ka daweyn lahayd cudurka dhabta ah ee Sixir Bararka iyo Sarifka.

Ma jiri karto daawo waxtar leh haddii aan hoos loogu daaddegin dhibtu waxa ay tahay iyo sababaha aasaasiga ah ee arrintan la xidhiidha. Si kastaba ha ahaatee, dhibtii oo aan loo gondadegin korkana laga daaweeyo iyo sababaha dhibta oo loo arko ifafaalayaasha ayaa ah ta sii murginaysa wax ka qabashada iyo xakameynta mushkilada Sicir bararka iyo Sarifka.

 “Cudurka kaa gala fardaha

Haddii laga gubo dameer

Daawada lama gaadhayee”

SABABAHA SICIR BARARKA

Isirrada ugu waa weyn ee loo aaneynayo in ay sababeen Sicir Bararka Soomaaliland wakhtigan aynnu joogno wax ayynu u kala qaadeynaa isirro hore u sii jirey  iyo isirro dabka ku sii shidey.

Isirrada hore u sii jirey waxaa kamida:-

Waxsoosaarka Hooseeya ee dalkeena, dhammaan wax aynnu cunno iyo agabka aynnu isticmaalo 85% waynnu soo dhoofsanaa. Haddii shillinku qiimo dhaco, Qiimaha badeecacada aynnu soo-dejisaney wuxuu noqonayaa mid aad u qaaliya taasina wax ay horseedaysaa in sicir bararku kor u kaco. Sidaas daraadeed wax aynnu ku qasbananaynaa in lacag badan ku bixino si aynnu u iibsanno badeecado la soo dajiyey oo isku mid ah.

Habacsanaanta Baanka dhexe iyo wasaaradda Maaliyadda ee adeegsiga la’aanta siyaadsada maareynta lacagta iyo miisaanyidda ayaa iyaguna kamida sababha sicir bararka sii xoojinaya, waayo baanka dhexe ma jirto siyaasad lacageed iyo istaraatijiyad cad oo uga dagsan hanaanka dheellitirka dalabka iyo sahayda lacagta, wareega lacagta suuqa iyo isku bedel ka sarifka lacagaha qalaad. Taas waxa soo raacda wasaarada ganacsiga oo iyadauna ku fashilantey kala xadeynta ganacsiga iyo in ay xakameyso wax yaabaha aan daruuriuaadka ahayn iyo kuwa kootarabaanka ah ee dibada laga keeno qiimihii la doonana lagu iibiyo, taasi waxa ay kor u sii qaadeysaa lacagtii adkayd ee dibada inooga baxaysay.

Nidaam Ganacsiyeedkeenna ayaa sidoo kale ka mid ah isirrada hore u sii jirey. Wax kasta waxaa qiime u yeela baahida iyo dalabka loo qabo. Tusaale ahaan, Farduhu qiime aad u sarreeya ayay lahaayeen markii dalabka iyo baahida loo qabey aad ka u sareysay. Geela waxa qiimaha u yeeli jirey wax ay ahayd baahida iyo rabitaanka qof kasta oo soomaali ahiba jeclaa in uu geel yeesho. Maanta Mabda’a iyo ujeedada ganacsiga ka socda dalkeennu waa mid ku dhisan doolar urursi. Taasina wax ay horseeday in baahidii loo qabey shillinka Soomaaliland meesha ka baxdo. Sidaa daraadeed Inta ninka ganacsadaha ahi inga filaayo joonyadii Bariis ah, gadbadii Sonkora ah, kiiloogii saliid ah iyo agabka bagaashka, kirada korontada, guryaha iyo fiiga Waxbarashada mid walba uu rabo in dollar loogu beddelo, ayadoo aan wax xakameyn ahi jirin oo xadeynaya wax dalka la soo gelinayo, way adag tahay in aynu helno doollar inaggu filan oo daboola waxa xadeyn la’aanta inagu soo galaya oo dhan.

Isirrada dabka ku sii shiday sicir bararka

Isirrka koobaad waa korodhka ku yimi qiimaha maceeshadda. Dhawaanahan wax aynnu la soconay in uu aad kor ugu kacey qiimaha maceeshaddu taas oo ay sabab u tahay hoos u dhaca sahayda suuqa. Hoos u dhaca sahayda suuqa wax loo’aaneynayaa Abaarta daba dheeraatey ee ku baahdey dalka bari ilaa galbeed taas oo bilaabantey horaanta sannadkii 2015 socoteyna ilaa dabayaaqadii 2016, Abaartaasi wax ay si balaadhan u saameysay waxsoosaarkii Xoolaha iyo Beeraha.

Isirrka labaad waa Qiime dhaca shillinka ku yimi marka loo eego lacagaha qalaad gaar ahaan Doolarka oo ah min-qiyaaska ugu weyn ee Sarrifka lacagta taas oo gebi ahaanba xaaladda ka dhigtey mid cakiran. Shillinku wax uu qiima dhacey 33%, xaddiga sarrifka halkii doolar marka loo eego shillinka SL wax uu kor u kacey 7500SLsh ilaa 10,000SLsh. Sarrif bararkaasi in uu sii socdo oo shillinku qiimo tirmo waxaa xudin u ah Isku-dheellitir la’aanta Xaddiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta (Balance of Payment) taas oo ah in lacagta adag ee aynnu ka helno badeecadaha dibbadda loo dhoofiyo (export) ay aad uga yar tahay lacagta adag ee aynnu ku kharash-garaynno agabka aynnu dibadda ka soo dejisanno (import).  Iyada oo markii hore ba dheellitir-la’aan taas baaxadda weyni jirtey ayaa sannadkii 2016 Sucuudigu xayiraad saartey xoolihii aynnu u dhoofinjirney taasina wax ay horseeday in uu is dhimo dhakhligii dhoofinta xoolaha laga heli jirey (Export Revenue) iyo tiradii dhoofka xoolaha (Livestock Export). Sidoo kale Marar badan waxa dhacday in baanka dhexe soo daabcey lacag SLSh badan taasina ay keentey in shillinku tayo beelo, qiimaha quutal daruuriga iyo maceeshaduna saro u kaco. Maxaa yeelay sahayda lacagtu wax ay door muhiima ka ciyaartaa wax yaabaha go’aamiya qiimaha. Haddii ay jirto lacag badan oo baacsaneysa badeeco ama alaab yar, qiimha badeecadaasi kor ayuu u kacayaa.

Aron and Muelbauer (2015) Baadhis ay ku sameeyeen xidhiidhka ka dhexeeya iswaydaarka lacagta moobilka iyo sicir bararka dalka Uganada. Wax ay ku daahfureen in lacagta moobilku aaney sababin sicir bararka marka lacagta maxalliga ah loo isticmaalayo. Lakiinse ay caawiso in uu hoos u dhaco maxaayeelay isweydaarka lacagta mobile ku wax ay yareysaa kharashaadka Macaamilka. . Inkasta oo ay ZAAD iyo E-DAHAB koboca dhaqaalaha ay door weyn ku leeyihiin, haddana dalkeenna marka aad eegto iswaydaarka lacagta moobilka ZAAD iyo E-DAHAB arrintu taa Uganda way ka duwantahay, maadama ZAAD iyo E-DAHAB waxa ugu badan ee lagu isticmaalaa uu yahay Doollar siyaasad dawli ah oo ay ku shaqeeyaana aaney jirin. xiidh toos ah ayaa ka dhexeeya Isweydaarka Lacagta Moobilka iyo Sarrif Bararka Somaliland (Exchange rate fluctuations) , haddii Dalabka ama isticmaalka isweydaarka lacagta moobilku kordho shilinka somaliland wuu qiima dhacaa marka loo eego doollarka sidaasina wax ay horseedaysaa in sicir barar dhaco. Taa casikeeda haddii Isticmaalka isweydaarka lacagta teleefoonada gacantu hoos u dhaco shilinka Somaliland qiime ayuu yeeshaa.

Dadka ku dooda in adeegyada ZAAD IYO E-DAHAB aaney wax saameyn ah ku lahayn sicirka iyo sarrif bararka iyaga oo qiil u ga dhigaya haddii ay saameyn ku yeelanayaan markii la aasaasey ayay ku yeelan lahaayeen, lakiin doodaasi Waa mid jaban oo wax aaney ogayn in tirada isticmaala adeegyadaasi ay sannadadii hore ay koobnaayeen lakiin maanta in tirada isticmaasha adeega lacagta ee teleefoonada gacantu ay aad u korodheen.

Isirka Seddexaad waa Xilli Doorasheedka waddamada dimuqraadiyadu ka hanaqaadey wax ay leeyihiin sannad doorasheed (Election year) lakiin anigu wax aynnu kaga duwanahay muddo kordhin soo noqnoqotey sidaas daraadeed laba sanno iyo ka badan ayaynnu jawi doorasho ku jirnaa . Markasta oo doorashooyin jiraana dhaqdhaqaaqa dhaqaale wax uu noqdaa mid aan fadhiyin oo jahwareersan. Kharashaadka dawladduna kor ayuu u kacaa taasina wax ay dabka ku sii hurisaa Sicir Bararka, waayo kharashka dawladda ee kordhey waa mid lagu kharash gareynayo Ololaha Doorashada  oo aan faa’iido soo kordhineyn. Xilliga doorashadu sidoo kale waxa uu horseedaa in uu hoos u dhac ku yimaado maalgashiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Dhammaan mashaariicda cusub ee la bilaabi lahaa way gaagaxaan kal doorasheed kasta, waayo maalgashadayaasha iyo ganacsataduba dib ayay u dhigaan go’aanadooda muhiimka ah ilaa Dawladd cusubi dhalaneyso, sidoo kale wax ay sugaaan si ay u qiyaasaan jawiga siyaasadda mustaqbal sida ay noqon doonto ka hor inta aaney daahfurin mashaariicahooda waaweyn. Tusaale ahaan labadii sanno ee u danbeeyey kala iibsiga dhulku hoos ayuu u dhacey magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, sidoo kale waxaa baaqdey ama wakhtigii ay fuli lahaayeen dib loogu riixey Mashaariic horumarineed oo miisaniyadda qaranka ku jirey oo ay ahayd dawladdu in ay fuliso  2016/2017, iyo kuwii Haayadaha iyo Sanduuqa Horumarinta Somalialnd (SDF) laga maalgalinayey.

SAAMEYNTA SICIR BARARAKA

Kor u kaca Sicir Bararka wax uu saameyn balaadhan ku yeeshay heerka nolosha danyarta, shaqqalaha dawladda, Macalimiinta iyo Askarta mushaharka ku qaata shilinka, Waxa uuna hoos u dhigay awooddooda wax iibsiga. Ganacsatada heerka hoose/dhexe ayaa uu iyagan si taban u saameeyey maadama ay badi wax ku iibiyaan shilinka. Sidoo kale, Sii jiritaanka korodhka sicirka iyo sarrif bararku wuxuu dhiig-bax iyo is-nuug dhaqaale ku keenay dakhliga iyo kharashaadka Dawladda iyo koboca dhaqaalaha qarank guud ahaan.

SEETAYNTA SICIR BARARKA

Si loo dabro ama loo xakameeyo kor u kaca heerka Sicir Bararka :-

  • waa in Faragelin lagu sameeyo sarriflayaasha sarifka lacagaha qalaad iyo shirkadaha Waaweyn ee saffrika ka shaqeeya taas oo ah talaabada ugu haboon ee maareynta lacagta. Sidaa daraadeed Bangiga Dhexe ee soomaaliland waa in uu bilaabo faragelinta sarifka lacagaha qalaad si uu u dabro ama u xakameeyo qiime dhaca shillinka ee joogtada ah. Faragelintaasi wax ay meesha ka saari doontaa dheelista lagu dheelayo sarrifka Cumladda qaranka iyo in sarrifka lacagtu noqdo mid laga ganacsado oo tartan hawaawi ah loo galo (Currency Speculation).
  • Waa in Dawladdu la timaado istaraatiijiyad iyo siyaasado ku qotoma sidii wax kasta loogu iibin lahaa shilinka. Adeegyada iswaydaarka Lacagta moobilka ee ZAAD iyo E-DAHAB iyagana system koodu ugu shaqeyn lahaa shilinka maxaliga oo kaliya iyo shuruucda baanka dhexe.
  • Waa in si ku meelgaadh ah loo joojiyo dhammaan wax yaabaha aan daruuriyaadka ahayn ee aynnu soo dhoofsano, si loo hakiyo lacagta adag ee innagaga baxda. Waxaa kale oo jira badeecooyin daruuriya oo u baahan in la xakameeyo, lagana ilaaliyo in xadi dhaaf lagu keeno sida alaabta dhismaha, gaadiidka, iyo cuntada qasaacadeysan. Taa waxa soo raaca in xal loo helo arrinta gansiga qaadka ee ah in lacag doollar ah Ethiopia lagaga keeno iyo in laga shaqeeyo sidii xayiraadda xoolaha looga qaadi lahaa suuqyo cusubna loogu raadin lahaa.
  • Dawladdu waa in ay dhiirigeliso waxsoosaarka wadaniga ah, taageerana ay siiso waaxda beeraha iyo qof kasta oo daneynaya in uu bilaabo mashaariic macquula oo beeraha ah si loo horumariyo heerka wax-soosaarka cuntooyinka wadaniga ah, hoosna loogu dhigo cuntooyinka dibada laga keeno.
  • Marka dakhliga iyo kharashadaadka sannadku is dabooli kari waayaan ama odoroska miisaaniyaddu sidii ku talagalku ahaa hoos uga dhacdo, waan in aaney xukuumadda cusubi lacag cusub iska soo daabicin, sidii xukuumaddii hore taa badalkeeda waa in ay deyn ka qaadato ganacsatada gudaha.

 

Ahmed Cabdilaahi Cumar (Diini)

BBA Economics

Hargiesa Somaliland

Diini129@gmail.com

0633030031

“Deeqda Gebilay maaha Taakulany Abaaraha ee Cusbitaalka Waalida la Siiyey, sidaan Cusbitaalada Waalida ee Dalka u Gaadhsiinay.

$
0
0

Gebilay- Cusbitaalka Dadka Xanuunka Maskaxda ee magaalada Gebilay ayey Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka  gaadhsiiyey deeq isugu jirta dhar iyo cunto oo hay’adda Bisha Case e Imaaraadku ku deeqday.

Deeqdan Raashinka iyo Cuntada ee shalay la gaadhsiiyey magaalada Gebilay oo warbaahinta qaarkood ku sheegeen in deeqdii ugu horeysay ee taakulaynta Abaaraha la gaadhsiiyey ayuu sheegay Mr. Faysal Cali inaanay ahay Abaaraha balse loogu tallogalay Cusbitaalada Dadka Xanuunka Maskaxda ee Dalka oo dhan.

Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka Mr. Faysal Cali Sh Maxamed oo wariye Maxamuud Walaaleye weydiiyey deeqda la gaadhsiiyey Gebilay tahay mid loogu tallogalay Abaaraha ayaa sheegay in la siiyey Cusbitaalka Waalida, sidii hore aanu u gaadhsiinay dhamaan cusbitaalada kale dalka, waxaanu yidhi,

“Deeqda Gebilay maaha mid abaaraha ee Cusbitaalka Waalida ayaa loogu Talogallay, sidaan u gaadhsiinay dhamaan Cusbitaalada Waalida ee Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Laas-caanood iyo Ceerigaabo.” Ayuu yidhi Faysal Cali, isagoo raaciyey,

“Deeqdani maaha wax cusub oo noo yimi, laakiin waxay ahayd mid hore u timi, oo loogu tallogalay cusbitaalada Waalida ee dalka, oo hay’adda Bisha Case e Imaaraadku bixisay, annaguna sidaa ku gaadhsiinay dhamaan dalka.”

Gudoomiyaha Hay’ada U-Diyaar Garowga Aafooyinka Mr. Faysal Cali ayaa sheegay inaanay weli helin deeq la xidhiidha taakulaynta abaaraha, dhinacoodana ay baahiyeen baaqa loogu gargaarayo dadka saamaynta abaarahu ku yeesheen, waxaanu yidhi,

“Weli ma jirto deeq taakulanyta Abaaraha oo na soo gaadhay, laakiin waanu shaacinay baaq aanu u jeedinay dhamaan dhinacyada ay khusayso inay taakulany degdeg ah ka geysato, xukuumad ahaana hawsha gacanta lagu hayaa.”

Hadalka Gudmiye Faysal Cali ayaa meesha ka saaraya wararka sheegayey in deeqdii u horeysay ee Abaaraha la gaadhsiiyey Gebilay.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland

Qoolka Saboolnimada

$
0
0

Qoolka Saboolnimada

Marka waxsoosaarkaagu aad u hooseeyo waxa uu kugu hoggaamiyaa dakhli aad u hooseeya. Dakhliga dhabta ah ee hooseeya macnihiisu waa tashiil hoose. Heerka tashiilka hooseeyaana waxa uu kugu hoggaaminayaa maalgashi hoose. Haddaan si kale u qoro, Soomaalilaand dhulka waxsoosaarka beer-qodashada ku fiicani waa 10%. Laakiin wakhtigan aynnu ku jirno 3% qudha ayaa la beertaa oo aan waliba sifiican looga faa’iidaysan. Halka7% uu dhul beereedku wali dihin yahay oo aan far la saarin. Dhinaca waxsoosaarka Kalluunkana marka aad eegto kaba sii daran, oo halka ay ahayd sannadkii in aynnu soo saarno 40,000 oo tan, waxa aynu soo saarnaa in ka yar 13,000 oo tan, taas macneheedu waxa weeyaan in marka 4 meelood loo qaybiyo in aynnu soo saarno hal meel intii la rabay. Waaxda kalluunku dakhliga qaranka ee guud waxa ay ku dartaa wax ka yar 2%, balse haddii sida ugu habboon looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka kalluunka sannadkii waxa ay ku dari lahayd 100 Malyuun oo Doollar.

Biyaha dooxyada, macdanaha, shiidaalka iyo kheyraadka kale, waxsoosaarkoodu aad ayuu u hooseeyaa oo 1% ka mid ah lama isticmaalin, lagamana faa’iidaysan. Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxa ay tahay si qoolka saboolnnimada la is kaga furo maxaa hor taagan in si hufan oo wanaagsan looga dheefo kheyraadka dalkeenna? Weyddiintan jawaabteeda waxa aynnu ugu tagi doonnaa qaybaha dambe ee qormadeennan iyo labada gabay ee Gudgude iyo Tiigaal tuducyo ka mid ah oo halkan aynnu ku soo qaadan doonno.

Saboolnnimadu waxa ay la xidhiidhaa horumarka hooseeya ee raasammaalka dadka iyo kheyraadka dabiiciga ah. Horumarinta kheyraadka dabiiciga ah waxa ay ku tiirsan tahay awoodda waxsoosaar. ee dal dadkiisu ay leeyihiin. Haddii bulshadu tahay dib u socod oo aanay lahayn xirfado, farsamooyin muhindisnnimo, aqoon iyo dhaqdhaqaaq halabuurnnimo, kheyraadka dabiiciga ahi waxa ay ahaan doonaan qaar si habboon aan looga faa’iidaysan ama si khaldan loo isticmaalo.

Horumarka hooseeya ee raasammaalka dadku waa caqabadaha ugu mudan ee hor taagan horumarka dhaqaalaha ee waddankeenna. Haddii dadkeennu aanay lahayn xirfadaha iyo aqoonta muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha ee heer walba, raasammaalka dadka ee horumarkoodu hooseeyo waxay masuul ka noqonayaan in waxsoosaarka shaqaaluhu hooseeyo. Xaddidnaanta takhasusyada gaar ahaaaneed iyo caadooyinka iyo dhaqammada aan wanaagsanayn ee qaybaha bulshadu waxa ay yareeyaan waxyaabaha dhiirrigaliya guusha iyo horumarka dhaqaale.

Halabuurka suugaanta Soomaaliyeed iyo indheergaradka ummaddu arrintan marnaba iskamay indho tirin, waxaanay si xeel fogaan leh ugu nuuxnuuxsadeen sababaha keena qoolka saboolnnimda iyo siyaabaha looga bixi karo. Abwaan Cabdi Iidaan Faarax waxa uu ka mid yahay fogaan-aragga arrintaas ka hadlay. Mar uu  ka hadlayay sababaha keena iyo sida looga bixi karo qoolka ama giraanta saboolnnimada, ayaa isaga oo qaab su’aaleed u dhigaya waxa uu weyddiiyay madaxdii berigaa dalka xukumaysay. Horreyso iyo danbaysa ba lama hayo wali cid si ficil ah uga jawaabtay weyddiintaas, ilaa iyo inta laga war celinayo, lana fara galinayo arrintaa abwaanku ka hadlay muddo haatan laga joogo (ku dhowaad afartan sano), wuu jirayaa faqrigu. Qoolka saboolnnimaduna waxa uu noqonayaa mid facba, faca ka danbeeya u gudbiyo.

“Biyaha tacab qasaarka u lumiyo, wabi taraar dhaafay

Ilaha dahabku wada tuullanyiyo, talaxa baatroolka

Toddobaatan jaad oo macdana, oon ninnaba taaban

Tacliin iyo farsameyga dhiman, lagaga tuujaaye

Dadkuna baylahdaa wuxu u tirin, nimay ku taallaaye

Tag xumaanta gaajadu waxay, nooga tagi weydey”– Abwaan Cabdi Iidaan Faarax (Mareegta www.weedhsan.com)

Abwaan kale oo Soomaaliyeedna waxa uu yidhi:

Muruqiinna maaloo

Dhulka midho ku beertoo

Macdanta, dahabka

Muujiya wanaagga.

 

“Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda

Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli!”­­– Abwaan Hadraawi (HAL KARAAN, 1993)

Wax aqoon ah haddii aan lagala hadhin sooyaalka dhacdooyinka ama taariikhda waxa maalin kasta dhacaya, ha noqdeen kuwo siyaasadeed, dhaqaale, deegaan iyo bulsho, way adag tahay in la gaadho guul, badhaadhe, barwaaqo, hodantinnimo iyo horumar inta ba.

Haddii maanku gaajaysan yahay oo ay yar tahay aqoonta loo leeyahay ama xogta laga haysto deegaanka sida kheyraadka dabeeciga ah, farsamooyinka waxsoosaar ee suurta galka ah. Xirfadaha lagama maarmaanka ah, xaaladaha iyo furaska ka jira suuqa, guusha iyo tayada dhaqaale ee dadweynuhu wax ay ahaan doontaa weli mid hoosaysa.

Dadku waa gundhigga iyo qaybta ugu muhiimsan ee horumarka, laakiin noloshooda iyo deegaanka ay ku nool yihiinba waxa ay u baahan yihiin  horumar. Ummadaha ku guul darraysta in ay aqoonsadaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo kheyraadka way ku guul darraystaan in ay fahmaan qaabka dhismaha iyo hannaanka geeddi socodka himilooyinka horumarka dhaqaale.

Si looga gudbo la iskagana furo qoolka saboolnnimada ama faqriga, waxa loo baahan yahay dedaallo badan oo ka yimaadda dadweynaha iyo dawladda, kuwaas oo ku waajahan sidii maalgalin ballaadhan loogu samayn lahaaa waxbarashada, caafimaadka iyo tababarrada shaqaalaha. Waayo, kordhinta iyo kobcinta waxbarashadu waa waxyaabaha ugu horreeya ee saameeya horumarinta raasamaalka dadka, waxaanay suurtagal ka dhigtaa samaynta tiirarka ugu muhiimsan ee horumariya kheyraadka dadka.

Waxa kale oo ay tacliintu korisaa tayada iyo hawlkarnimada shaqaalaha iyo awoodaynta shaqaalaha xirfadda leh, si ay u maamulaan horumarka tiknoolajiyadda ee dal leeyahay. Sida aynnu hore u soo xusnay waxaa loo baahan yahay maalgalin xooggan si loo siiyo shaqaalaha tababar u sahla ka qayb qaadashada shaqada, diyaarinta adeegyada tababarka, qabatinka farsamooyinka gacanta laga qabto iyo u fidinta duruus xirfaddiisa xoojiya.

 

Axmed Cabdillaahi Cumar “Diini”

Hargiesa Somaliland

Diini129@gmail.com

0633030031


Warqad Furan WQ Maxamed Faarax Qoti

$
0
0

Mudane. Madaxweyne anigoo og magaca, milgaha iyo maamuuska aad huwan tahay, anigoo og illaalinta, dhowrida, faafinta sirta xukuumada iyo nidaamka dowladnimo, anigoo og illaalinta dhaqanka, magaca iyo sharafka aadamaha, haddana, marka aad aragto wax kaa hor-imanaya oo dhaawacaya magaca qiimaha dastuurka qaranka, magaca aad huwan tahay iyo magaca qarananimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana, aad aragto albaabkii aad u mari lahayd oo xidhan, sow markaas khasab kuguma aha inaad fariin u mariso baraha mareegaha wararka Madaxweynaha, maadaama ay waajib ku tahay qof kasta oo muwaadin ahiba in uu illaaliyo dhowrsanaanta dastuurka qarankiisa, dalkiisa, dadkiisa iyo magaca qaranimadda Jamhuuriyada Somaliland.

Mudane, Madaxweyne, waa markii labaad ee la jabiyo qodob ka mid ah qodobada ugu khatarta badan dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan, Qeybta koowaad, xubintiisa koowaad, Tilmaanta iyo Mabaadiida Guud, Qodabka 8-aad, Astaanta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhigayaa, Astaanka qaranku waa galeydh buniya oo ay laabta kaga qoran tahay “ ALLAAHU AKBAR” oo far carabiya ah, kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sareeyo ay labadaiisa kafadood hareeraha galeydhka ka laalaadaan, laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan galeydhka, laba caleemood baarkooda inta u dhaxeysa waxa ku qoran “Bisinka” oo far carabiya.

Haddaba, marka aad eegto Aduunka dalkastaaba waxa uu leeyahay Astaan u gaar ah oo ku xusan dastuurka qaranka dal kastaaba uu leeyahay, isla markaana aan badali karin, wax lagu kordhin karin, waxna laga saari karin illaa iyo la qaado cod Afti dadweyne oo lagu badalayo ama wax lagu kordhinayo, ama lagaga saarayo hab qoraaleedka iyo muuqaalka ku muujisan Astaanta qarannimo marka ay soo jeediyaan gollaha wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane, Madaxweyne, wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka wuxuu ku daray laanqeyr cas astaantii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaagoo ka saaray labadii caleemood ee hareeraha kaga xardhanaa, halka, maantana wasiirkan aad hadda u soo magacowday wasaaradda horumarinta caafimaadkuna uu ka saaray bisinkii ku xardhanaa dusha sare astaanta qaranka, kuna kordhiyey halaq laba carab leh oo ku maran shay dhumuc yar oo eegaaya Astaantii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gabagabadii, madaxweyne marka ay ku soo gaadho warqadaydan xidhan waxan kaa rajeynayaa inaad sixi doonto haddii Alle yidhaa.

Maxamed Faarax Qoti

Damiirsamihii Ducada Lagu Gelbiyay: Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare (Qormada 2aad) W/Q Siciid Gahayr

$
0
0

Waxa aynu qaybta labaad ee xuska iyo xasuusta Marxuun Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare ku soo qaadan doonnaa sooyaalkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkii uu qabtay iyo marxaladihii kala geddisnaa ee uu nolosha ku qaatay.

Marxuun Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa hilaad ku siman gu’gii 1966kii. Isaga oo konton jir ah ayuu galbaday. Waxa uu ifka kaga tegay toddoba carruur ah oo isugu jira saddex wiil iyo 4 gabdhood.

 

Waxbarashada dugsiga hoose/dhexe waxa uu ku qaatay Iskuulkii loo yaqaannay Maroodi-jeex (Maantana ah Machadka Cumar Binu Khaddaab) oo ku yaalla faras-magaalaha Hargeysa, dhulka iyo dhismaha dugsigaas waxa ku deeqay aabbihii Marxuum Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare. Sannadkii 1980kii ayuu Maxamed u geeddiyay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar halkaas oo uu waxbarashada dugsiga sare ku qaatay. Dhawr sanno kaddib waxa uu u wareegay dalka Sucuudiga.

 

Wuxuu ka soo jeeday qoys magac iyo maamuus ku leh bulshada Somaliland iyo degaanka Hargeysa. Aabbihii Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare wuxuu ka mid ahaa Xildhibaannadii 1967kii loo doortay baarlamaankii Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ahaa ganacsade hanti badan ku leh Hargeysa. Wuxuu ka mid ahaa dadkii qurbaha tegay xilliyo hore, halkaasna ka dheefay ilbaxnimo mug iyo miisaan leh. Raadadka khayrka leh ee uu ifka kaga tegay waxa ka mid ah Masaajidka Al-nuur ee ku yaalla Suuqa Waaheen iyo Machadka Cumar Binu Khaddaab. Ilaahay labadaba ha ugu daro miisaanka wanaagga’e.

 

Marka laga yimaaddo siyaasadda, ganacsiga iyo samafalka uu ku jiray, wuxuu Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare sabab u ahaa in ay dad badani ka diga-rogtaan nolosha miyiga oo ay magaalada soo degaan si ubadkoodu cilmi u helo, ganacsiyo u abuuraan, una noqdaan dad muuqda oo lagu xisaabtami karo. Wuxuu ahaa damal ay hadhsadaan dad badani oo si weyn u gacan-qabtay dadkii markaas la noolaa. Xaaji Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa dadka run-sheegga ah ee u hiiliya cidda la dulmayo, isaga iyo Abwaan Cabdi Iidaan Faarax ayaa tix iyo tiraab ugu gargaaray dhallinyaradii Somaliland ee Inqilaabka dhicisoobay samaysay Disember 1961kii.  Wuxuu geeriyooday 1977kii, waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa.

 

Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan, hooyadii waxay ahayd Marxuumad Faadumo Barre, waxaanay sannadkii 2009ka ku geeriyootay magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarrama oo ay u tagtay gudashada waajibaadka xashka. Mar walba waxan xasuustaa tudhaalkeedii, cibaadadeedii, naxariisteedii iyo daaddihinteedii. Waxa uu la walaalo ahaa 17 ruux oo isugu jira toban hablo ah iyo toddoba wiilal ah. Haddii dadnimada loo ab iyo isir sheegto, dhammaan qoysku waxa uu tusaale wanaagsan u yahay summadaha aadamaha lagu majeerto.

 

Gu’gii 1984kii waxa uu Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan u socdaalay dalka Kanada, isaga oo halkaas ku qaatay waxbarasho iyo takhasus ku saabsan maamulka iyo maaraynta (Business Adminstration). Kolkii ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda ayaa uu ku soo laabtay dalka hooyo. Waxaanu hayaan u galay horumarka dalka sida nabadaynta, shaqo-abuurka, hoggaaminta iyo koboca ganacsiga. Sannadihii 1994-1996kii wuxuu ka mid ahaa ergooyinkii ka shaqeeyay nabadaynta Somaliland. Walaw uu xilligaas nin dhallinyaro ah ahaa, haddana waa uu dedaalay karaankii.

 

Waxa arrinkan goobjoog u ahaa oo inoo faahfaahinaya Aqoonyahan Maxamed Cali Bile Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland, waxaanu yidhi “Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare waxa uu ahaa nin da’diisa ka weyn. Xilliyadii dagaalka sokeeye ka socdey magaalada Hargeysa 1994 kii, waxa uu ka mid ahaa dad xabbadda dhex socdey oo nabadda ka shaqeynayey. Isaga, Maxamed Baaruud iyo Laangadhe Libaax (AHUN) ayaan ka xasuusta oo kolna Hargeysa soo gelayey, kolna hawdka tegayey si ay nabad u dhaliyaan. Xilligaa an ka hadlayo marxuumku nin dhallinyaro ah ayuu ahaa oo qeyrkii gidaarada ayey taagnaayeen oo waxba looma diraneyn iska daa iney nabad dhaliyaane

 

Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan waxa uu lahaa qofnimo la-yaab leh iyo dad-dhex-gal heersarreeya. Maalin aanu joognay Xaruntii Wargeyska HargeyskaStar ayuu nin aanan magaciisa xasuusani ka sheekeeyay caleema-saarkii Marxuum Suldaan Maxamed Cabdillaahi (Galaal). Wuxuu yidhi “Kolkii xafladdu socotay ayaa cid laga arkay dhammaan ardaayadii kale ee Beelaha Ciidagale. Waxa se la tebay Ardaaga Cabdi Ciise oo uu ka soo jeedo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland. Kolkaas ayuu nin yidhi “Cidi ma ka joogtaa ardaagii Cabdi Ciise? Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa farta taagay oo yidhi ‘Haa. Aniga ayaa ka jooga’. Kaddibna qosol iyo sacab ayaa lala daatay”.

 

Tusaalahan kooban waxan u soo qaatay si aan u muujiyo in uu ahaa qof dad-la-dhaqan leh oo isku hayn kara cid is-diiddan iyo ummad kala dano ah. Caleema-saarka Marxuum Suldaan Galaal oo 22kii Sebtember 2015ka ku geeriyooday dalka Sucuudigu waxay ka mid ahayd meelihii laga ambaqaaday xasilloonida aynu maanta Somaliland ku fadhino.

 

Dhanka siyaasadda waxa uu Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan ka tirsanaa Xisbigii UDUB. Sannadkii 2005ta ayuu noqday Murashax u tartamaya Golaha Wakiillada Somaliland, isagoo ka baratamayay Gobol-weynaha Maroodi-jeex. Nasiib-wanaag kuma soo bixin doorashada, wuxuu se noqday Xildhibaannada kaydka ah. Waxa aan ka mid ahaa dadkii codka siiyay, hawsha ololaha iyo abaabulkana waa la iiga badsaday, waayo markaas ayuun baan ka qalinjebiyay dugsiga sare. Walaalkay Engineer Khadar Maxamuud Gahayr ayaa qoys ahaan ka qaatay kaalinta ugu sheeggan. Xisbiga UDUB ayuu ka tirsanaa illaa sannadkii 2011ka oo uu burburay, si rasmi UDUB wuxuu saaxadda uga baxay gu’gii 2012ka.

 

Waxan xasuustaa in Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan uu ka mid ahaa dadkii khilaafka Xisbiga ka ergeeyay ee aan kala raacin dhinacyadii ay Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin kala hoggaaminayeen. Muranka u weyni wuxuu curtay markii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen loo doortay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga 03dii Jeneweri, 2012ka, tallaabadaas xisbiga badbaadin lahayd waxa qaaddacay garab xisbiga ka mid ah. Mar dambe oo xisbigi jar ka laallaado waxa Murashaxa Madaxweynaha UDUB loo xulay Md Cali Maxamed Warancadde. Maqaal uu xilliyadaas qoray Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare waxa ciwaankiisu ahaa “Waxan Jamaal iyo Warancadde usoo jeedinayaa inay danta Xisbiga UDUB u tanaasulaan”. Ogaalkayga kumuu biirin Xisbi kale, haddana kama maqnayn siyaasadda iyo ololaheeda.

 

La soco qormada saddexaad haddii Eebbe idmo..

Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com

Shirkadda Cayni Natural oo Saliido iyo Kiriimo Dabeeci Casriya ah ku Soo Bandhigtay Hargeysa – War + Sawirro

$
0
0

Hargeysa(Berberanews):- Shirkadda Cayni Natural Product oo ay hirgelisay Cayni Aadan Cali, ayaa magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ku soo bandhigtay Kiriimmada kala duwan iyo Saliido nafaqo badan leh oo dhammaantood ka samaysan Dhir iyo waxyaabo Dabeeci ah, isla markaana qayb wayn ka qaadanaya Qurxinta, Dawaynta iyo Nafaqaynta Qaybaha Jidhka iyo Timaha Aadamaha Rag iyo Dumar, gaar ahaan Haweenka.

Munaasibad xalay lagu qabtay Hoolka SONYO ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Dad Xafladdaas lagu casuumay oo Haween Dhalinyaro iyo Waayeel ba leh isugu jiray, waxaana Munaasibaddaas Saliidaha iyo Creams (Kiriimmada) kala duwan ee Shirkadda Cayni soo bandhigtay sharraxaad kaga bixisay Marwo Cayni Aadan Cali oo ah Aasaasaha Shirkaddan Cusub ee Kiriimada Casriga ah oo saartay, waxaanay ka sheekaysay Wax-tarka Kiriimmada iyo Saliidaha ay samaysay iyo weliba waxay kaga duwan yihiin waxyaabaha dibedda laga soo dhoofiyo ee dhibaatada Caafimaad ku haysa Haweenka Soomaalida. Waxaana Wax-soosaarka Cayni soo dhaweeyey Dadweynaha Munaasibaddaa ka qaybgalay, waxaana halkaas Shahaado-sharaf lagu guddoonsiiyey Cayni Aadan Cali.

Warbixinta Warka Xafladdaas Kiriimmadan Casriga ah iyo Saliidaha lagu soo bandhigay siday u dhacday iyo Weedhaha ay Ka Qaybgalayaasha iyo Cayni halkaas ka jeediyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

XALKA COLAADA CEEL-AFWEYN (5 Qodob): Ku Socota Madaxweynaha Somaliland

$
0
0

Mudane Madaxweyne arrinta Colaada Ceel-Afweyn kama adka ama kama  weyna dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray. Gudidii Xeer-Beegtida ahayd ee nabadaynta ka dhaliyay beelaha Somaliland sida Shirarkii Borama, Hargeysa, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo. Waxay waxay ahayd Odey Dhaqameed lagu kalsoon yahay  garta iyo Go’aankooda. Wakhti iyo Maal bandanna ku baxay  samirkeedana way lahaayeen.

Mudane madaxweyne marka dib loo eego sida ay Guurtidu hawshaa adag uga soo baxeen waxa kuu soo baxaysa waa iyaga oo samir iyo wakhti badan u huray, duurka u seexday. Ta labaadna ay ahayd in wax kasta oo guurtida ku baxaaya ay labada dhinac ka masuul oo marti loo ahaa.

Hadaba anigu waxa aan ku talin lahaa Shantan Qodob:-

  1. In la sameeyo Guddi  Xeer-Beegti ah oo adag isla markaana kalsooni buuxda lagu qabo oo laga  ilaaliyo in lagu farogeliyo hawshooda, Gudidaas oo samir/dulqaad u leh wakhti kasta oo ay qaadanayso hawshani.
  2. Si arrinta looga sal gaadho oo colaada loo soo afjaro, Dawladu keliya waa in ay qabanqaabinta Gudida mooyaane aanay wax talo iyo taakulo ah siinin Xeer-Beegtida si ay madax bannaani u  dareemaan.
  3. In wax kasta   oo lagu  heshiiyo la fuliyo isla markaana  ay Xeer-Beegtidu  ku ilaaliso laba dhinac wixii lagu heshiiyay.
  4. Ciddii jebisa wixii lagu heshiiyana Xukunkeeda/Ganaaxeeda  ay Xeer-Beegtidu yeelato.
  5. Waa in Xooga iyo Xooolaha ku baxayaa Xeer-Beegtida marti looga ahaado labada Beelood iyo Bulsho weynta Somaliland.

 

Allah Ha Sahlo

 

Qalinkii: Maxamed Siciid Cali

E-Mail: Realmohamedone@gmail.com

Cidda loo tirinayo in ay ku lug-lahayd duufaantii Awdal, Salal, saaxil iyo xeebaha dalka ku dhufatay iyo Xalka !! Dr.khadar-Libaaxley

$
0
0

Dhacdo   kasta     mid   muuqata    iyo   mid    dahsoon   sabab   ayey    leedahay ;  sida    quraanka    kariim  ka   ah    ku   xusan , 16/5/2018     illaa   22/5/2018    waxa   mudo  7  casho    ah   ku   da’ayey    badi   Somaliland ,puntland   iyo   khaliij   ka   cadmeed    roobab   cuf ,culays  iyo  cillado    dabeylo   iyo  duufaano   waaweyn   ku    hubaysnaa  kaas  oo   qaybo   ka   mid  ah    degmooyinka  Lughaya, Baki, Saylac, waqoyiga   Gabiley, Bula-xaar   iyo  Berbera    dhamaan  intaba   khasaare   la  xaad  leh   oo    dad,  duunyo   iyo   degaladoodii   intaba    halakeeyey    in   badan   oo   kalana     naafeeyay.

Hadaba;    yaa    ka   dambeeyey    duufaantii     sagar   ee   gabood  falada   ba’an    dalka   ka   geysatay?   Kuma    ayaa    kaaga    digay?    Ayaa    se    magac    markiiba   ula    baxay?

Malahayga    iyo   xaqiiqda    muuqata   marka    aan   diirada   saaro,   gabood   falada   araxanka   darnaa   ee   duufaanta ( sagar)  gaysatay   waxa   duluc   iyo  ill   ay   ka    soo   baxdo   masiibada   u  ahaa   2dan   mid   kood:

  1. meeraha dhawaan soo   dhexgalay  ururka    nidaamka   xidigaha   ee   loo   yaqaano   ( planet  X ,  ama   Nibiru   oo   30  sano   ka  hor   saynisyahanada   galbeedku    xaqiijiyeen   balse   quraanka   ku   xusan   oo    suurad    dhan   loogu    magac   daray   suuratu   DAARIQ )  iyo   saameyntiisa  ka   dhalata   ee    uu   ku   leeyahay   meerahan   aynu   ku   noolnahay   ee   dhulka, meerahan    ayaa   3 jeer   ka   weyn   bed-ahaan   dhulka , islamarkaana    leh   cuf   isjiidad   baaxad   leh   oo   uu   ku   maamuli    karo    dhulka, dhaq-dhaqaaqyadiisa   iyo    waxa   ku   dhexjira, hagistaasi   iyo    hogaamintiisaasi   ayaa    sabab   buuxda   u  ah  ( isbedelka   cimilada  dunida,  dhul-gariiro,  roobab   duufaano   wata   iyo    fatahaado,  fulkaano   qarxa,  khilaafyo   xoogan,  isfaham  la’aan   iyo   dagaalo   xoogan   oo   basharka   ka  dhex-qarxa  ,  dhamaan    dhacdooyinkan   ayaa    sabab    u  ah   kharaabka     meerayaasha    oo   uu   dhulku   ku  jiro)    dhamaan   dhacdooyinkan   ayaa   si   laba    lexaad  leh   u  curtay    2012  kadib    markii  uu   soo   dhex-galay   meerahani   nidaamka   urur  xidigeedkii   dhulku   kamid   ka   ahaa .
  2. Duufaantii arxanka darnayd   sifo   ay   tahayba   waxa   loo   badinayaa   in   ay    gacantooda   ka   soo   baxday  ( U.A.E , K.S.A, U.S.A   iyo   UK )  iyadoo  qadarka   illaahay  halkiisa   yahay   oo   awooda   illaahay    wax   la  barbar  dhigi   karaa     haba    yaraatee   aaney   jirin   mudane    akhrista;  waxa   aad   xisaabta   ku   darsataa  in  lagu   jiro   saban   fidno   iyo   aafo    oo   lagu    halaynayo    shakhsiyaadka   jiritaanka   iyo   awooda   rabi    shaki   kaga    jiro;   waxa    roob  sameynta   Aadamaha    daliil   u    ah  ( masiixu   Dajjal)  oo  qof   binu   Aadam   ah   ayaa  isaga    laftiisuba   roobab   dadka    u   shubi   doona    marka    la    soo   daayo   dhawaan;  sidaa   daraadeed   ha   anfariirin   saaxiib    waayo   roobka , duufaanada   iyo   kuwa    sameynaya   laftoodu   waxa   ay    ka   mid   yihiin    awooda   illaahay   ee   aaney   jirin    wax   la  barbar   dhigo    haba    yaraatee.

Farsamada   roob   sameynta   waa   mid   dalalka   horumaray   iyo    inta    la   macaashtaa    gaadheen,  balse    mucjiso   iyo   wax   lama    arag   ah   ku   ah   dunida   inteeda  kale   ee   aynu   ka  midka   nahay.

Waxa   10  jirsaday   farsamada   casriga   ah   ee   roob   iyo  duufaano   sameynta   iyo    kicinta   leh   ee    dawlada    maraykanka;  oo   ay   uga   wakiil   tahay   shirkada   sahaminta     hawada   sare    ee   loo  yaqaano   ( NASA) shirkadan   oo   ka   heshay    maalgalinta    ( HAARP   program )   qaybaha   iska   kaashaday    ee   (  the U.S. Air Force, the U.S. Navy, the University of Alaska Fairbanks, and the Defense Advanced Research Projects Agency (DARPA)  ayaa   casriyeysay   oo   tijaabooyin   meel  mar   ah    oo   xataa   duufaano   ku    jiraan   samaysa,  tijaabooyinka    ay   horey   u  sameeyeen   waxa   si   weyn   looga    shaki   qabaa   in   ay    ka   mid    aheyd     duufaantii     ( Irma)   ee   kal   hore    gobalo   badan   oo   maraykan   ka  ah    iyo    dalalka     koon  furta   maraykanka    halakaysa    sidii    ay   BBC  du   sheegtay.

Duufaantii   (sagar)  digniinteedii   iyo   magac  bixinteedii    intaba    waxa   iska   la  haa   haya’ada   ingiriiska   u  qaabilsan    saadasha    hawada    qaybteeda    arimaha   dibada,   magaca  ( sagar)  waa   kalmad   bangaala-dheesh   ah,  oo   la  macno   ah ( garaad    badane)   markalana   ah  ( waran  ka   lagu   ugaadhsado    kalluunka)  waaney    u  qalantaa   magac    bixintan;  sababtoo   ah    cida    roobabkii   iyo  dabeylihii    dhalisay   iyo   cida   isticmaalka   la   hayd   intuba    si    bay    u   garaad   badnaayeen,  marka   la   cabiro   halka    ay  ka   soo   curatay   iyo   jihada   intii   ay   martay   duufaantu   waxa   ay   sawirtay   jaantuus    qaabkiisu   yahay   sida   waranka   lagu   ugaadhsado   kalluunka,  balse    u   muuqday     sida   aan   filayo   mid     qorshaysnaa.

 

Waa     maxay    Sababaha   Awdal    duufaantu    ugu   dhacday?

 

Iyadoo   qadarka   illaahay   halka   uu   ku   dhacayo   meeshiisa   iyo   millaygiisa    midna    aan   la    baajin   Karin;  ayaa   waxa   mar   walba    jira   qadarka   wanaagsan   iyo   qadarka    kiisa   daran   intuba   intaba   horgale   ay    u   noqdaan    sababo     kalifa    dhicitaankooda;  si   lamid   ah   waxa   sababahaasi   ka    mid   ah:

1.Gobalka   Awdal   oo   ah    kan  Somaliland    ugu   Buuro    badan     dalka     marka   lag   yimaado   ( saaxil    iyo   sanaag )   oo   badka    dhulka   gobolka   2/3  saddex    marka   loo    qaybiyo   laba   kamid   ah    buuro   ay    hiin,  buurahaasi     oo   qayb   ka   mid   ah   Berbera   ku    af-dhamaadaan   oo    ah    laynka    duufaanta   bada    dul  sabeynaysay   soo   raacday;  iyada   oo   waliba    ay   isku    beegnayd     jiho    ahaan    dhanka   dhulka  barta   duufaantu  ka   soo  curatay  ee   madaxa   hore   ( jaziirada   suqadara)   iyo   laynka     duufaantu  bada   uga    soo    leexatay    ee    buuraha  sababtoo    ah    sideedaba   meel   kasta   Buurahu      waxa   ay   leeyihiin   cuf   is-jiidad   ka   xoog  badan    bada   iyo   bariga   intab,  sidaa    daraadeed    cuf    isjiidadka    buuraha   gobolka   Awdal   ayaa   soo   jiitay    duufaantii    Bada  maraysay   ee    ku   jihaysnayd   sidii   gantaalka      Djabuuti;  sidaa   darteed     gurmadka   Djabuuti     waxa   uu   xisaabsanaa   mahad  celinta   buuraha   Awdal    ee   ka   leexiyey    duufaantii    dad  , duunyo   iyo   degalada    intaba    salfatay  marka     laga    yimaado     ehelnimo    iyo   siyaasad.

  1. waxa kale oo    suuragal   ah   in   ay   ka    dambeeyeen    dalalka    imaaraadka   iyo   sucuudiga     oo   labaduba    hada    gacanta   ku   haya    deegaanka     duufaantu   ka   soo   kiciitintay   oo   ay   ku   jirto   jaziirada    suqadara    ee  ay    dhawaan   ciidamada   xulafada  ah   ee    sucuudiga   iyo   imaaraatku   la    wareegeen;   iyada   oo   ay   waliba    qorshaynayaa   labadan   dal   sidii  (  jaziirada   carabta    ee   maanta    saxaraha    ah   oo   looga   dhigi   la  haa    mid   cagaar   ah   oo     biyo   badan   oo   ay   shibiruhu   ka     xareediyaan;  iyaga   oo    adeegsanaya    tiknoolajiyada    casriga   ah   ee   roobsameynta    maraykanka      ee    loo   yaqaano  ( HAARP)  taasi   oo   ay    dhici   karto    iyadoo   qasdigoodu   kaa   ahaa   in   ( U.A.E )   uga   faa’idaysatay    tijaabinta   qalabkaasi   iyo   kalsooni   ku  qabka   roob   sameyntiisa   in  ay   ku   aftaxaan    marinka    bada  cas    gaar    ahaan    wajahadeena,   iyada    oo   imaaraadku   dhanka   kale     inoo    muujinaya    in   ay   taariikhda  u   gasho   jacayl    beerid  iyo   gurmad   wallaalnimo     maadaama    oo   uu    horey   ugu   soo    hungoobay    Somalia;  iyo  jabuuti;   sidaa    darteedna    raba   in   uu   si   buuxda   u  diyaarsado   rajada   gacan    ku   haynta   maamulka   dekadaha   xeebaha   Somaliland;   waxa   iyana   dhanka   kale   (K.S.A)  sucuudigu   inagu   qaniini   karaa   shaacintii   Somaliland   shaacisay   2019  in  dalka   shidaal  laga   qodi  doono,  taasi    dhamaan   dalalka    khaliijku    u   arkaan   dhamaadka  noloshooda  isku   diba  dhacday,  maadaama   dhulka    somalidu  yahay   keydka   4 aad  ee   shidaalka   aduunka    balse   Somaliland   rabto    soosaaritiisa   in   ay   horseed  ka    noqoto   maadaamo    oo   ay   xasiloontahay;   arintan    doorka    maraykan  ku   waxa   loo   badinayaa  in   uu   yahay    cida   iska    leh   (technology )  yadan   oo   maal    fara-badan   uu   ku   qandaraas   qaatay ,  halka   ingiriisku    yahay   isku   xidhaha    guud    iyo   dilaalka     maadaama   oo   uu   dhamaantood    soo    gumeysan    jiray.
  2. waxa kale oo   suuragal    ah   in   ay   sabab    buuxda   u   tahay    calool   isku    haynta   taban    ee   qofiba   qofka    kale   iyo   beeliba   beesha    kale    ugu   hayso     caloosha   dadka    deegaanadaa   wadayaala,  oo   ay   wehelin   karto    bixin   la’aanta    sakada    Xoolaha   iyo  beeraha    ee   uu     rabi    waajib   yeelay ;  isla   markaasna    suurta     gal    ay    tahay   in   aaney   dadkaasi    isgar-gaarsanin    gabi   ahaan   ba,    sidaa   darteedna     imtixaan   illaahay   ku   yimi    dadyowgaasi.
  3. U duceyn la’aanta    waalidiintii    hore     iyo    ka   gaabinta    laga    gaabiyey   siyaaradii    SH.Samaroon   oo   intii    aan    jiray    mar   kaliya   aanan   arag   iyadoo    siyaaradaasi    la  qabanaayo    taasi   oo  aaney    diintu   meelna    ku   diidin     siyaarada    qabuuraha     saalixiinta   iyo  u   duceynta    waalidiintii    hore    illaahay    dartii;  dhibta   ka   dhalatay   iyo   cawaaqibyo   isbiirsaday    ayaa    suuragal    ah   in   ay    gaar    ku   noqotay    masiibada   ku   habsatay   ummadan   aan   horeyba    tamar   buuran   u   la  hayn     ee    xeeb   iyo    xeeb    xigeenka     wada    taala.

 

Gabagabo:

Waxkasta    oo   dhaca   waxa   ay   ku   dhacaan   gacanta    qadarka    ALLE    oo  ay  sareyn    iyo   weyni   u   sugnaatay;   iyada   oo   ay   sababtu    tahay   galabsiga    taban   ee   kayimi   dadkii   ay    dhibtu   gaadhay .

Xalka   iyo   samata   bixinta   Dadka   dhibtu      soo   gaadhay    waa   in    loo    gurmado    illaahay   baa    loogu    dhawaanayaa   iyo  naxariistiisa;   mar   hadii   duunyadii    ay   dhaqanayeen    ka    baxday   ma’aha   in   ay   magaalooyinka   soo    galaan ,  waxa    haboon   in   laga   dhigo   ( xoolo   dhaqato   beeralay)  oo   beero   loo   sameeyo    beero,  kuwii    qalabka   iyo  beerihiiba  ay   duufaantu  ka  qaadayna    loo   yagleelo   beero   cusub   dhamaantoodna  la   siiyo    qalab   cusub   si   noloshooda   ay    u   bad-baadiyaan,  isla  markaana   ay   u   noqdaan   ummad    dalka   iyo   dadka   wax-soosaar   u   qaabilsan.

 tani   waa   arin  iyo    hawl   u    taala   dhamaan   dawlada   Somaliland,  dawladah    s/land    sxbiibka   la    ah, shacabka    sharafta   badan   ee   isku   gurmada   maalinta  ay   adagtahay   iyo   hay’adaha   caalamiga    ah.

Waxa    aanu  ugu   bushaareynaynaa    oo    si   buuxda   u   soo   dhaweynaynaa    oo   hagar   la’aan   ah    dhamaan    UK, USA, U.A.E,  K.S.A    iyo    cid    kasta    oo   damac    dano    hogaaminayaan    sidata   balse   waxtar    nololeed   oo   buuxa    u  leh     dadweynaha    iyo   deegaanka   dhibtu   gaadhay ;  taa    badal  keeda   waxa   aanu    dal   baneynaa    in    laga   daayo   ku    kicinta     duufaanada   iyo    dabaylaha    ummad    aan   waxba   galabsan    wax   hore   oo    aan  muuqan    maanta    se   mooyee.

Waxa    aan   si   weyn    u   bogaadinayaa   sida    ay    dawlada   Somaliland   iyo   madaxdeedu   oo   ay   ugu    horeeyaan    madaxweynaha   iyo   madaxweyne   ku   xigeenka   iyo   masuuliyiinta     hay’adaha    dibu-degjinta   iyo   ka   hortaga   masiibooyinku     dhamaantoodu    uga   qayb   qaateen    sidii   qiimaha   iyo   qaayaha  la   ee  ay   gurmadkii   iyo   samata   bixintii   dadkaasi    ay  ka   geysteen;   waxa    mahad   celin   iyo   bogaadin   gaara   leh   dawladaha     Djabuuti   iyo  U.A.E      sidii    dhakhsaha   aheyd   ee  ay   uga   dareen   celiyeen   iyo  U.S.A    oo  niyad   wanaag   muujisay   iyadna.

 

Fiiro   gaar  ah:

Mudane      akhriste:   Qormadan   looguma    tallo    galin    qof    xag   jir   ah    iyo  mid    aan    la   hayn    karaan    uu   ku   qaadi   karo     aragtiyaha   qormadani   xambaarsantahay.   

 

Dr.khadar -Libaaxley

 dr.khadar05@gmail.com

 gargorey4@gmail.com

 Regional political analysts

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live