Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Sababaha keenay wasir faratoon in laga dhigo wasiirka arimaha dibada

$
0
0

Madaxwayne muuse biixi cabdi wuxuu wasiirka arimaha dibadda u magacaabay wasiirkii hore ee waxbarashada, una magacaabay wasiirka arimaha dibadda, iyadoo si deg deg ah xilkii loogu wareejiyay.

Waxaa geeska Africa ka socda siyaasad sedex gesood ah tasoo ay daadihinayaan sedexda hogaamiye ee kala ah ra’iisal wasaaraha Ethiopia, madaxwaynaha Eretria iyo madaxwaynaha Somalia.

Madaxwayne muuse isagoo ka xun arimaha ka dhacaya geeska, waxaa kusoo xidhantay siyaasadii arimaha dibadda ee jamahuuriyada Somaliland, wuxuuna miciin saday inuu magacaba wasiir kazoo jeeda darafyada Somaliland.

Dowlada Ethiopia waxay ahayd mid gacanta ku haysa mas’uuliyinta ka madaxda ah Somalia iyo Somaliland, kuna kharash garayn jirtay dhaqaale xoogan, maamul walba oo jirana ay ku lahayd qunsul ka hawl gala, ula jeedada ugu wayna waxay ahayd sidii ay mustaqbalka Somalia gacanta ugu dhigi lahayd,

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Mr abiy wuxuu xidhiidhka u jaray maamuladii ka jiray Somalia iyo Somaliland wuxuuna kala baxay qunsuladii u fadhiyay, wuxuuna xooga sarayaa sidii Somalia iyo Ethiopia ay u midoobi lahayeen, qorshaha ugu wayna wuxuu yahay inuu helo saxiix laba degmo badeed oo kala ah degmada  marka somalia iyo degmada saylac oo ka tirsan Somaliland.

Wuxuuna sheegay Mr Abiy deked la kiraystaa inaysan macna wayn samaynaynin balse loo baahan yahay dekedo ay wada leeyihin Somalia iyo Ethiopia,

Iyadoo aynu ogsoonahay in dekada berbera Ethiopia laga siiyay share dhan 19%,

halkaana waxaa ka cad sidii uu u saxiixay maxamaed siyaad bare safer eriya inuu farmaajana saxiixay laba degmo badeed oo kamid ah wixii la isku oran jiray Somalia,

waxaana marqaati ma doon u ah in diradhaba gudaheeda calanka Somalia uu ka dhex lulanaya gidaarada iyo meheradahana lagu buufiyay, halka wixii la isku oran jiray somaliyana calanka Ethiopia  magaala kasta ka lusho, ayna muujinayso inuu xoogaysanayo is dhex gal siyaasadeed oo ka dhex socda labada dal.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia xidhiidhkii qotada dheraa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia si diplumaasiyadaysan ayuu u jaray, balse madaxwayne muuse arinka wuu u qadan waayay, isku dayo badan oo ay Somaliland samaysay siday kusoo celin lahayd xidhiidhkii Somaliland iyo Ethiopia umay suurta galin.

Madaxwayne muuse isagoo ka duulaya arimaha, dhaliila badana ay uga yimadeen bulshada qaybaheeda kala duwan wuxuu magacaabay wasiir faratoon oo ah wasiir ay ku adagtahay inuu la jaan qaado arimaha ka socda geeska.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan u arkaa inay Somaliland u baahan tahay siyaasiyin fur furan kuwasoo aqoon dheraad ah u leh siyaasada Somaliland.

By Mohamed Osman


Dharaaro Xusuustood: “La Kala Dheeree, Orodse Maaha”

$
0
0

Prof. Maxamed Siciid Gees – Hargeysa

Bishii February ee sannadkii1986-kii, ayaan xoolo ka saaray doon ka baxday  tuulada Ceelaayo   oo qiyaas dhan 27 kiilomitir u jirta magaalada weyn ee Boosaaso. Sida la ogyahay meesha la yidhaahdo Qaw oo u dhaw Ceelaayo ayaa ah xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas ayuunna Talyaanigu ka fadhiyi jiray dhinac, halka Ingiriiskuna joogi jiray dhinaca kale, sida xadka Lowyacado oo kale. Carabta ka ganacsata xeebaha Somaliland waxay odhan jirtay; “Ceelaayo walaaya, laakin ahluhaa belaaya.” Waxa kaloo ay odhan jireen; “Law tishti kadib mujamac roox Xiise wa Maydh wa tasamac!”

Ceelaayo, Xiis, Maydh, Berbera iyo Saylac waxay ka mid ahaayeen magaalooyin waa hore (taariikh hore) la degay, sida lagu sheegay khariidadda Badda Cas oo lagu magacaabo Khariidadda Greek Periplus ee la qoray qarnigii labaad (200 AD).  Sida ku cad ama ku muujisan khariidaddan Badda Cas, meesha ay hadda ku taalo magaalada Berbera  waxa ku xusan magaalo la yidhaahdo; “Mallo ama Malbo.” Halka magaalo la odhan jiray“Mudno” ay ku xusan tahay meesha ay hadda ku yaalaan magaalooyinka Maydh iyo Xiis, meeshaas oo ay Soomaalidu u taqaanay magac “Maduuna.” Meesha ay hadda tahay Ceelaayo, waxa iyadana ahaan jiray Musellayn ama Mosylon.

Haddaba, aan ku soo noqonnee waqtigii aan xeebta Ceelaayo ka dhoofinayey xoolaha, waxa jirta in tuulada Ceelaayo ay caan ku tahay, kuna wareegsan yihiin dhismayaal taalooyin kala waaweyn, kana dhismo ah, waana meesha ugu taalooyinka badan  arladda/dhulka Soomaalidu degto. Taalooyinku waa xabbaalo-wadareedyo, waxaanna loo malaynayaa in meeshu degaan weyn ahayd waqtiyo hore.

Magaalooyinka xeebaha ee hadda laga guuray waxa ka dhisan fooqyo iyo daaro hadda dumay, dadka hadda degan xeebahaasi waxay ku nool yihiin cariishyo ama guryo waabab yaryar ka samaysan. Dalxiise reer Yurub ah oo mar tegay degaanka Laas-qoray ayaa dadkii degnaa weydiiyay cidda dhistay fooqyadan dumay, kadibna waxay u sheegeen, in awoowayaashood dhiseen. Dalxiisihii reer Yurub waxa uu ku yidhi; “Oo hadda maxaa idinka waababka iyo buulashan idin dejiyey, dunidu hore ayey u socotaa ee idinku ma dib ayaad u socotaan?!”

Tuulada Ceelaayo ee aan markaas joogay waxa qudha ee daaraha ka bed-qabay masaajid weyn oo la dayactiro oo aad u fiican. Haddaba, waddaad aroorta hore dadka salaadda u kicin jiray ayaa ku dhawaaqi jiray tiraabta aan madaxa uga dhigay qoraalkan; “La kala dheeree, orodse maaha.” Khayrkii loo kala dheeree, haseyeeshee oradkii olomibaga ee Mo Farah billadaha ku qaatay maaha.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo bogaadisay dhowaan wax lagu tilmaamay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Baydhabo ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya. Cajab! Beenaw tii shan-u-roon ahayd xaggee ayey ku dambeysay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilladu ee muddo dhaafay. Sheekadu ma awoowayaashayada ayaa qaban jiray doorashooyinka miyaa, oo dib ayey u socotaa?

Doorashoooyinku waa balaayo xijaabka Somaliland ama waa (Fire wall) xaafaddan odaya-xunta ah ee lagu mashaqeeyey keli-taliyeyaasha ee IGAD ayey innaga hor joogsataa, haddii la waayo doorasho iyaga oo ciidammadoodu oorinayaan ayey shaqo innaga dhigan doonaan sida Soomaaliya oo kale.

 Waar ha loo tudho dalka iyo dadkaba oo sagaal xubnood (9) waa laga heshiin karaa oo toddobadan (7) qof ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, haddii aan arrintu ka sii daba dheerayn. Alla maxaa laga digay cidhib-xummaanta ka iman doonta qodobka dastuurka ee xakameeyey axsaabta ee saddex xisbi ku soo koobay.

Nuqulkii loo gudbiyey labada Gole ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobkaas xisbiyada oo xakamayntii laga saaray oo xukuumaddu wadatay aniga oo Guddoomiye ka ahaa Guddiga soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka intaan aftida la qaban. Waxa si badheedh ugu hor yimi xubno ugu tunweynaa Golayaasha oo ka ololeeyey wax-ka-beddelkaas, taasi waxay oggolaatay in xisbi qudhi uu daadafayn karo qabsoomidda doorashada, haddii aan soo-jeedintiisa la yeelin. Maanta WADDANI, shalay KULMIYE, berri UCID. Waxa ka daran saddexda xisbi ee markaas joogaa midna ma oggola in qodobkaas la taabto.

Qoraalo hore ayaan kaga hadlay dhibaatada saddex xisbi ee kootaha loogu xidhay ka-qaybgalka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda reer Somaliland ay u keeneen dalka oo ay ragaadiyeen geeddi-socodkii dimuqraadiyadda oo qoorta isaga duubeen isbeddelkii siyaasadda.

Haddaba, inta aan wax-ka-beddel loogu samayn qodobkaas dastuurka, oo u baahan 2/3 codka mudanayaasha labada Gole ee Baarlamanku (Guurtida iyo Wakiilladu) inay ansixiyaan, si aanay doorashadu cid ugu deldelnaan ama xeerka doorashada lagu darin in murrashaxyo madaxbannaaani ay ka qaybgeli karaan doorashooyinka, taasoo hawl yar oo hal cod dheeri ah u baahan oo Golaha Wakiilladu keligood ku kooban, iyada oo Qodobka 9-aad ee dastuurka la beddelin, kaas oo sidan u dhigan.

Qodobka 9aad: Nidaamka Siyaasadeed

1.       Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad iyo talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

2.       Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badan karaan saddex (3) xisbi.

Faqradda labaad muran badan ayaa ku jira. Hadda halkan kuma soo qaadi karno dib-u-habaynta dastuurka iyo xeerka doorashada ee waxa loo baahan yahay xaaladda taagan sidii xal loogu heli lahaa ee doorasho u dhici lahayd oo reerkan daalay loo dejin lahaa. Mindi-mindi ku-taag ayaa xaaladdii maraysaa iyo car iyo wir.

1.       Xisbiga WADDANI hal diid; oo wuu diiday inuu doorasho ka qaybgalo haddii aan la kala dareerin Guddigan Doorashooyinka Qaranka ee hadda jira oo mid cusubi aannu iman.

2.       Xukuumadda xisbiga KULMIYE ka soo jeedaa hal diiday; in aan la kala dirin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo aannu xilligoodii dhammaan, isla markaana aan qof walba gooni loo soo eedayn oo habka sharciga la marin.

3.       Guddigii Doorashooyinku Qaranka hal diid, inay bisinka iska qabsadaan oo istiqaalad iskood u keenaan oo xilka banneeyaan lagu kari waa oo diid.

Waa sheekadii Bah Xawaadle (Ogaadeen) ee qarnigii 19naad ka dhex dacday,

Haddii nabadda ceelkaan ku rido ciddi ka soo saarto

Abwaan Nuur Ibraahim (Nuur-Jiir)

1.       Ilaahay hal diid, inuu walaalkay soo nooleeyo diid.

2.       Bah Xawaadle hal diiday inay walaalkay laba maggood iga siiso diiday.

3.       Anna hal diiday, inaan walaalkay laba maggood waxaan hayn ka qaato diiday.

Waar qarnigii 21aad ayaan joognaa oo kasiweynay,

Waxu waa qabaal, waadna kabataan’eh.

Abwaan Ismaaciil Mirre Cilmi

Haddaba, bal sidiriq sida arrinkani u suurtagal yahay: dhaqanka Soomaalida waxa uu ahaa ka hor inta aannu Khawaajuhu (reer Galbeedku) nashuushadayn in labadii qof ee isku qabta arrin; loo kala gooyo arrinka ay isku hayaan, si cid kastaa u guulaysato oo weji-gabax u dhicin (win-win solution). Soo jeedinta arrintan lagu furdaaminayaa waxay tahay sidan:

1.       Guddiga Doorashooyinka qaybtood ha la kala diro oo kuwa cusub ha lagu beddlo ,qaybina ha sii joogto.

2.       Xubinta dumarka ah iyo labada xubnood ee beelaha darafyada ka soo jeedaa ha sii joogeen.

3.       Afarta xubnood ee kale ee beelaha dhexe ka soo jeedaa ha la beddelo.

Hadalka duulay daayoo, Reerka daalay dejaay, dejiyaay dejiyaay

Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo)

Arrinta kale ee aan doonayo in aan ka hadlo waa dhibaato lale oo haysata dalka iyo dadka Somaliland, taasoo saldhig u ah sicir-bararka, waana arrinta galaafan karta dhaqaalaha dalka, haddii aan laga hortegin, arrintaasina waa labada sarif ee khuseeya lacagta doollarka.

1.       Midi waa sarifka dowladda ama sarifka cashuurta doollarka oo ah toddoba kun oo Somaliland shillin ah (7,000 SLSH)

2.       Iyo Sarifka labaad oo ah sarifka suuqa ee xukuumadda iyo shicibkaba wax lagaga iibiyo oo halka doollar ah lacag dhan toban kun oo Somaliland shillin ah ($1 la mid yahay 10,000 SLSH)

Arrintaasi waxay jaha-wareer ku samaysay sarifka oo waxay keentay hoos-u-dhaca joogtada ah ee shillinka Somaliland, taas macnaheedu waxa weeye waxa la kabaa baddceedda la soo waarido boqolkiiba 40 ama (40%). Badeecaddaas oo uu ku jiro sigaarku, qaadka, cadarka, baabuurta raaxaada oo haddii quutal-darrooriga ay ku koobnaan lahayd cawo ayey noqon lahayd. Arrintaas labada sarif ah qoraalo hore ayaan ku soo qaaday.

Ganacsatada qiimaha doolarka goysaa, illeyn Baanka Dhexe lacag adag ma haysto uu ku xakamayn karo qiime-barrarka doolarka, waxay had iyo goor ku dedaalaan faraq weyni u dhexeeyo sarifka ay wax ku cashuurtaan iyo ka ay wax ku iibshaan, si ay macaash badan u helaan, waa arrin caadi ah oo aan lagula yaabi karin. Qofku waa ka faa’iidaystaa daldaloolada sharciga isaga oo aan jebinayn.

Hadda dawladda Federalka ah ee la aqoonsaday ee intaas jalaafadda u dhigaysa Somaliland, waxa loo soo daabacayaa lacag cusub Baanka Adduunka ayaa lacag siiyey, waxanna lagala talinayaa lacagta, oo lala dhisaya habka maamulka. Haddaba, waxa iman doonta in lacagtaas ka xoog badato Somaliland shilinka oo sida birta Itoobiya inuu qabsatay ay iyana innagu soo faafto. Haddii inta goori goor tahay aan la adkayn lacagta Somaliland oo xukuumaddu ku qaadan cashuurteed sarifka suuqu hadba inta uu joogo, haddii kale sheekadu waa, “La kala dheeree, orodse maaha.” Bal adba!

The poisoned chalice& the Sabotage of Somaliland Written by Ahmed M.I. Egal

$
0
0

Berberanews-The reference to a “poisoned chalice” was most notably used in Act I, Scene VII of Shakespeare’s Macbeth, when Macbeth is contemplating the consequences of murdering King Duncan.  Macbeth broods as follows: “…that we but teach bloody instructions, which, being taught, return to plague the inventor:this even-handed justice commends the ingredients of our poison’d chalice to our own lips.”With respect to the usage of the phrase herein,while the “inventor” of the “bloody instructions” or “poison’d chalice” is the previous Kulmiye government of President Silanyo, the real victims of imbibing the said chalice are the people of Somaliland which had voted the said government into power and are left to suffer the consequences of its actions.

As we approachthis first anniversary of Muse Bihi’s assumption of the Presidency of Somaliland, we must ask what the future has in store for the country.  It is an undeniable fact that the previous administration has passed on to its successor a poisoned chalice regarding the almost uniformly negative legacy they have bequeathed with respect to both the domestic and foreign consequences its policies.  The government of Muse Bihi has succeeded the most corrupt, most cynical and most divisive government in the short modern history of Somaliland.  Accordingly, the vast majority of the people were happy that a new leadership assumed power on 13 December 2017 in the expectation that there would a major change in the outlook for the country, not to mention a complete overhaul of domestic politics from division and tribalism towards unity and reconciliation which have been the country’s ethos and the foundation of its national success in an increasingly fractured and restive region.

This expectation was occasioned, in large part, because of perceived differences between the new President and his predecessor despite the fact that they were both Kulmiye Party stalwarts and candidates.  Firstly, Muse is perceived as a staunch nationalist who is irrevocably committed to Somaliland’s independence; whereas his predecessor’s commitment to this cause was called into question by his own public statements during the 2010 presidential campaign, not to mention his pro-federalist positions during the SNM struggle.  Secondly, Muse was not directly implicated in the blatant and naked corruption of the Silanyo government whereby the senior members of the regime enriched themselves through the exercise of their official powers, so the new President assumed office with the perception of ‘clean hands’.  Thirdly, Muse was known as a strong leader willing to take hard decisions and unwilling to suffer fools; whereas his predecessor had been ill for much of his term and was indeed largely absent from day-to-day management of national affairs which had become delegated, perforce, to a ‘kitchen cabinet’ of family members and senior governmentofficials.

The components of this poisoned chalice can be summarised as follows:

  • With respect to foreign policy, the previous government severely compromised the country’s strong independence stance by entering into a pointless and counter-productive policy of dialogue with the successive, illegitimate and unrepresentative so-called governments in Mogadishu. By conferring some level of legitimacy upon these rogue, foreign sponsored regimes in Mogadishu under the aegis of the so-called dialogue, the Silanyo government hadcommenced the process to subjugate Somaliland’s quest for recognition to the whims of the reigning regimein Mogadishu.

  • In addition, the Silanyo government deliberately sabotaged the campaign for international recognition by abandoning it as the focus of its foreign policy. Instead, foreign policy was focused upon maximising foreign aid receipts and the marketing of national assets for the enrichment of government officials and their acolytes.  When this effort required the subordination of the country’s national interest to the dictates of the Mogadishu ‘government’ of the day, this was accepted.  Thus, for example, Somaliland students wishing to apply for the foreign scholarships extended by donor countries had to travel to Mogadishu in order to do so; while Somaliland Haj pilgrims had to travel to the holy sites as part of the Somalia delegation since no serious effort to secure Saudi agreement to a Somaliland delegation was made or even contemplated.

  • The assault of the Silanyo administration upon Somaliland’s independence stance are also evident in the deliberate downgrading of the creditable achievements of the Egal and Rayalle governments in securing key supporters for the country throughout Africa, e.g. Ethiopia, Kenya, Ghana, South Africa and Senegal. Instead, countries with an avowed hostility to Somaliland’s quest for recognition, such as Turkey, were actively wooed and their overt attempts to compel Somaliland’s acquiescence to Mogadishu’s sovereignty accommodated, and even quietly encouraged.

  • With respect to national security and domestic unity, the alienation of the majority population in the Sool&Sanag regions through the naked, tribal and divisive support of the President’s clan in land & pasturage disputes with other resident communities in these regions has resulted in exacerbating divisive feelings in these key border areas. The overt tribalistic tendencies of the Silanyo government, evidenced by the loud trumpeting of its tribal “Cheegaan” alliance by its Isaaqstalwarts and supporters, have lead to the splintering of the unity and national ethos that it had inherited from the two previous administrations.

  • With respect to economic policy and financial strategy, the Silanyogovernment effectively abandoned any effort at developing and enacting any policy at all. It left economic and financial affairs to the whims and dictates of itsmajor donors and supporters in the business community, thereby abrogating its statutory responsibilities.  Indeed, the only significant action the previous government took with respect to the economy was to impose sales taxes and increase customs duty which hurt the small traders as well as impose income taxes which hurt public sector employees.  The Silanyo government also failed to take advantage of the lifting of the livestock ban by the Arab Gulf states to implement procedures and regulations to both modernise and streamline the sector to prevent future bans and also to bring it within the control of local authorities and local stakeholders, i.e. pastoralists, merchants and exporters.  Instead, the entire livestock sector was delivered into the hands of a few foreign, principally Saudi, merchants which have a key interest in keeping the local players weak, divided and disorganised.

Thus, Muse Bihi has inherited a toxic brew of (an arguably treasonous) subjugation to Mogadishu; regional & international isolation and subservience to foreign donors and investors externally; a worsened security situation in the eastern regions and increased fragmentation and social frictions domestically with a negative economic environment characterised by high inflation and rapidly depreciating currency.  This is the poisoned chalice that the current Kulmiye government has inherited from its predecessor.It is a mammoth task to overcome the major wounds inflicted upon the country by the previous government and it will require a sustained national effort to effect the changes required; nevertheless, this is what the situation requires and what the people of Somaliland expect from their new government.

This mission will require skill, tenacity, patience and true patriotism from Muse Bihi and his team.  The new President’s patriotism and patience are not in question and he must assemble a team with the requisite skills, tenacity and public spirit to work with him to bring the country back on track.  The single greatest asset the new administration has is in the patience and political maturity of its people which have consistently chosen to protect their hard won peace and independence in the face of all provocations by internal and external forces seeking to subvert their wishes.  Muse and his government must proven themselves equal to the task facing them and thus worthy of the support they have secured at the ballot box.

It is most disturbing that Muse Bihi and his government have not undertaken any significant initiatives, domestically or externally, to address and reverse the disastrous policy outcomes listed above.  One calendar year is more than sufficient to at least commence the process of mitigating and overcoming the obstacles to the country’s continued progress, yet there has been no concerted effort to design, espouse and implement such a strategy.  This lack of a coherent and effective strategy to address the nation’s negative position, externally and domestically, has not gone unnoticed by the public as well as by Somaliland’s enemies.  This is demonstrated by the increasing groundswell of frustration domestically as many voices are being raised imploring the government to take corrective steps, as well as by the growing assertiveness of the Mogadishu regime in confronting Somaliland militarily as well as diplomatically at every turn.  Muse Bihi and his government must take this matter to heart and treat it as the national security issue that it is since nothing less than the independence, not to mention the very existence, of Somaliland is at stake.

Ahmed M.I. Egal

November 2018

“Ma Xuma” ?? Qalinkii Cabdiwali Cali Ismaaciil

$
0
0

Waa Sheeko Tusaale u Ah Erayada aan Fiicnayn ee Hal-Haysaha u noqday umada Somalida

<………………Qalinkii Cabdiwali Cali Ismaaciil ……………………..>

Beri Ayaa waxa uu Nin oday oo Qabaa’ilada Somalida midkood ka soo jeeda ayaa waxa hal hays u lahaa Erayga (MA XUMA) hada sheeko kasta oo uu maqlo waxa hadalkiisa ku jirta ama uu ku jawaaba waa Erayga ma Xuma’Qofba arin u sheegay waxa uu leeyahay ma xuma mid kale ayaa war farxadleh u sheegay waxa uu ugu jawaabayaa Ma Xuma mid kale ayaa war Xun u sheegaya xata hadu doono ku odhanaaya Aabahay ama qof ehelkay Ah ayaa Geeriyooday Ninkan odayga Ah isagu wuxuumbu soo qadimayaa Eraygan kor ku Qoran.

CAJAB: wuxu ninkii odayga ahaa Eraygaasi ka laalaadoba maalinkii dambe isaga oo Rag ay Saaxiib ahaayeen Geed hoostii ay ku wada shaxayaan ayaa Nin ay isku deegaan ahaayeen oo Ordayaa la soo Joogsaday Geedkii ay ku hoos Shaxaayeen ninkii odayga ahaa iyo Ragii Kale Saa waxa uu yidhi inta uu magac dhabay ninkii Hal hayta MA XUMA ku Caan Bay magaciisa isaga oo Ninkii odayga ahaa aan xata sare u fiirin Ninkan la hadlaaya ee warka doonaaya in uu u sheego waxa uu foorarka ku dhex martay doodan.

Ninkii Warka waday “Waaryaahe Hebel Hebel” ?

Odaygii “Adeer Waan Ku Maqlayaa Maxa Jiray” ?

Ninkii Warka waday “Aw-hebel Hbeloow adiguna halkan ayaad Iskaga Shaxaysaa Inantaadii Heblaayana iyada oo Adhigii la Joogtay ayaa Nin KUFSADAY “

Markii intaasi Hadalku maraayo ee odaygiina aanay wali Wax jawaab ahi ka soo bixin ee ay Fidhi wali ku go’an tahay.

Ayaa Nin kale oo ay Odayga saaxiibyihiin kana mid ahaa ragii Geedka Shaxda kula ciyaarayey waxa uu ninkii warka dhiilada Ah u sheegay ugu jawaabay “MA XUMA”

Ka dib Ninkii odayga ahaa inta uu Fadhigii Cirka uga booday oo Budh wayn oo uu la haa oo agtiisa u yaalay inta uu la Booday.

KUYE “Yaaa Yaaa Maxaad Tiri Alyelehe ay XUN TAHAY oo Ay Waliba XAAR Leedahay” ayuu yidhi isaga oo cadho jiq Ah oo laga qaban kari la yahay oo doonaaya in uu ku Budheeyo Ninka yidhi Eraygii isagii Looga taag waayay *kkkkkk😀😁😆😈

Somalidu waa ku caan Erayo badan oo Hal haysyo aan fiicnayn Ah oo qofka carabku uun uu kaga dhego balse Dambaab iyo Khasaare aanay magasin oo Xun ay marka dambe ka macaasho qofka Erayga aan fiicnayn hal ku dhig u noqdo waana tii hore Somalidu u tidhi Xigmadii ahayd “ALLE Eray Gef waa ka Keena Kaaagamase Tago” Waa Xigmad dhaxal gala oo Ninkan waxa ku dhacay ayaa inoo tusaale cad ah.

Ugu dambeyntii Hadaba akhristoow bal adiga laftaadu wllo isqiimee kolay Kelmad aad ka shalayn doonto waa suurto gal in Carabkaaga had iyo Jeer ay ku dhegsan tahay Erayga fiican ogoow.

Mahadsanidin.

Qalinkii Cabdiwali Cali Ismaaciil

Caqabadaha ka horyimid madaxweyne muuse safarkiisa ee ku saabsan 4 degma doorasho ka tirsan gobolada bariga Somaliland

$
0
0

Mohamed Osman Haji

Bulshada sida dhaw ula socotay madaxweyne muuse socdaalkiisa waxay is waydiinayaan caqabadaha ka horyimid madaxweynaha ee u diiday inuu tago 4 degmo doorasho ka tirsan gobolada bariga Somaliland.

Ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan daawaday xildhibaan ka tirsan barlamaanka Somaliland oo leh madaxweyne muuse bulshada ku dhaqan degmooyinka taleex, badhan, dhahar, laasqoray inuu gaadho oo uu baahiyaha asaasiga ah ee ay u baahan yihin kala hadlo uguma uusan tala galin.

Waxaynu ogsoonayn xaalada ka taagan geeska Africa iyo doorashada ka jirta maamul goboleedka puntland,

Sida bulshada inteeda badani ay la socdaan maamul goboleedka puntland wuxuu si toos ah ugu xad gudbay dalka Somaliland degmooyinkiisa qaar kamid ah oo uu ka samaystay xarumo dowladeed, balse dowlada Somaliland indhaha way ka laabatay inay wax ka qabato dhulkeeda lagu soo xadgudbay.

Dulucda hadalkaygu wuxuu yahay caqabadaha ugu wayn ee madaxweyne

muuse ka horyimid inay tahay bulshada degaankasi xukuumadan cusub xuquuqdii ay ku lahayeen kamaysan helin,

madaxweyne muuse siyaasiyiin umatasha degmooyinkasi qorshihiisa siyaasadeed ma qabto sida aynu ka dhex aragno magacaabistiisa.

Waxaynu la soconaa boqorka  darood oo ugu baaqay cabdi weli gaas inuu degmada taleex usoo magacaabo gobol cusub, boqorkas oo dhowr cisho ka hor ku sugnaa degmada laascanood ee gobolka sool, isagoona la kulmay madaxdhaqameedka gobolkaasi,

Waxayna kawada hadleen arima badan oo horseedi kara cabsi nabad galya daro.

Boqorka markuu yimid gobolka sool magala madaxdiisa lascanood mas’uuliyinti ka hor tagtay waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo aan si wacan u fahmin boqorka ula jeedada uu usocday. Bulshadana waxay aragtaa habac sanaan siyaasadeed oo wali ka dhex taagan siyaasada madaxweyne muuse.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxweyne muuse ugu baaqayaa inuu ka yeesho dhowrka degmo doorasho siyaasad cad, tasoo muujinaysa kasbasho bulsho, siyaasiyin matali karana uga qayb galiyo magacaabisaha soo socda.

Bulshada Somaliland uu ka shaqeeyo isku duubnaantooda.

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha

$
0
0

Qalinkii Maxamed Faarax Qoti

Shaqaalihii diyaaradii  ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow,  suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka  cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii,  sidaa awgeed, waxa inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), nasiib darro markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee ashahaata oo tukada.

Waxaanu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradaas (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaradaha ee Charles de Gaulle international Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska.

Waxaan ka caagay in aan diyaarad danbe ku safro, waxaanan go’aansaday safarkaygii afaraad in aan raaco mid ka mid ah maraakiibta u kala gooshta daafaha dunida, wakhtigaasi waxa aan ogaaday, in sirta noloshu ay tahay habka fahamka maskaxda aadamuhu wax u fahamto nolosha iyo qaabka ay kaga fal-celiso wax ka qabashadeeda.

Isla markaana ay tahay qaybta hore ee maskaxada Aadamuhu (Conscious brain), sida naakhuudaha haga maraabkiibta badda gooshta, halka shaqaalaha markabkuna ay yihiin sida qaybta labaad ee maskaxda Aadamaha (Subconscious brain), marka naakhuuduhu jiheeyo markabkaasi, waxa uu amaro u kala diraa shaqaalaha ku jira qolka hoose ee uu yaalo mishiinka markabka, kuwaasoo, ka illaaliya mishiinka markabku inuu kululaado, kuna leexiya jihada ama ku kordhiya ama ka hakiya xawaaraha uu ku socdo markabku.

Dhamaan dadkaasi kama war-hayaan meel alla meel ay marayaan, waxa ay la socdaan oo kaliya amarada uu faro naakhuudaha, laakiinse, haddii uu ka khaldamo dariiqii naakhuudaha markabkaasi ama uu ka khaldamo naakhuudaha qaabkii uu u raacay xagasha jihada qalabka jihaayahaasi, kana soo hor baxo dhagaxaanta loo yaqaano shacaabiga, haddana, dadkaasi waxa ay wada aaminsan yihiin naakhuudahoodaas, sababtoo ah, waa horjoogahoodii  markabka,  waxa khasab ku ah hoggaamiyahaasi oo la gudboon in uu ogaado waxa uu qabanaayaa waxa ay tahay.

Nasiib darro’se, waxay iigu naxdin badneyd, markii aan arkay naakhuudihii wadey markabkii aanu saarneyn oo  ka soo degay guradii markabkii aanu saarnayn, isagoo hoos ugu soo dhaadhacay khanankii ugu hooseeyey ee markabkaasi, taasoo ay sabab u ahayd, ka dib, markii shaqaalihiisii ay qaadan waayeen fariimihii iyo amaradii naakhuudaha markabkii aannu saarnayn.

Haddaba, waxa isweydiin mudan, waa haddii naakhuudahaasi uu sii joogteeyo inuu ka soo dego gurada sare ee markabkaasi, in aynu halis ugu jiro in uu jiidho shacaabi ama uu ka lumo jihadii uu ku socday markabkaasi, waxa muhiim ah  marka aynu dooneyno wax ka badelka  xaaladda jirta, waa in aynu wax ka badelnaa wixii sababay xaladdaasi.

Muddo yar ka dib, waxa nala’soo daristay hurdo yaraan ay sabab u ahayd ciy’da mashxaradda ay nagu raali-galinaysay markay naga fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn, waxay lahayd lix-lugood, af-dheer iyo in ka badan boqol (100) indhood, taasoo, ku duuleysay duulimaad hoose oo gaadhayey illaa iyo 18- joog sare (Feet),  inkastoo, cimrigeedu uu gaabnaa, haddana, miisaanka culeyskeedu uu ahaa laba milligaram (2mg), kaasoo keeda lab uu quudanayey geedaha Ubaxa leh ee saarnaa markabkaas, halka dhadigeeduna ay quudanaysay dhiigayaga.

Waxa lagu qiyaasaa qabiilada ay ka kooban tahay kaneecadu Laba kun iyo todoba boqol (2,700) oo qabiil, sida, Culiseta mosquito, Mansonia mosquito, Psorophora mosquito, Toxorhynchites mosquito, Wyeomyia mosquito, Uranotaenia mosquito, Orthopodomyia mosquito, Deinocerites mosquito,  oxorhynchites mosquito , haemagogus mosquito, asian tiger mosquito, psorophora ciliate mosquito, Marsh mosquito,  balse, waxa dhibaato soo gaadhsiiya aadamaha, teeda dhadiga saddexda qabiil ee kala ah,  Aedes mosquito, Anopheles mosquito iyo Culex mosquito.

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano  Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka.

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano  Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, taasoo aan ka akhriyey war-bixin ku saabsan cudurka kaneecada inay u dhinteen 429, 000 oo qof, una jiifaan qayb ka mid ah dadka dunida ku nool cudurada kaneecada sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-kii.

Akhriste, muddadaasi waxaan ogaaday mid ka mid ah siraha Dahsoon ee ku duugan kitaabka quraanka kariimka ah, innay jirto Aayad aad kaga badbaadayso qaniinyada kaneecada, waxaan kulan la yeeshay qaar ka mid ah dadkii saarnaa markabkaasi, waxaanan ku wargaliyey, haddii ay akhriyaan suuratul Ibraahim Aayada 12-aad, 7-jeer kuna tuftaan biyo nadiif ah, isla markaana ay ku rusheeyaan goobta ay ku jiraan, iyagoo  isticmaalaya erayga idamka Alle (SW) nagu nabad gali, aynu kaga badbaadayno  ciy’deeda iyo qaniinyadeeda kaneecadan aynu ka seexan kari weynay, taasoo dadka qaar ay u arkayeen inay tahay khurufaad, haddana dadka intooda badan  markii ay tijaabiyeen way ka nabad-galeen qaniinyadii kaneecadaas.

Waxa kale oo aad u layaab badnaa todoba (7) su’aalood oo ay ka xannaaqi jireen, shaqaalihii (Cruise) markabkii aanu saarneyn haddii la weydiiyo, waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi,  korontadii maxaa ku dhacay? Isgaadhsiintii maxaa ku dhacay? Qolkaygu malaha biyo?  Maceeshadii maxaa qaaliyeeyey? Miyaanu markabku lahayn adeeg caafimaad oo bilaasha? Miyaanu jirin hudheel lagu iibiyo cuntada badda? Maxaad u hagaajin weydeen suuliyada Markabka uu leeyahay? taasoo ay sabab u ahayd in aanay intooda badan gacanta ugu jirin shaqaalihii (Cruise) ee markabkaasi S-Dnal-Re.

Markii uu dhamaaday caymiskii uu kula jiray dowlada Ingriiska, qarnigii 19-aad, waxa uu markabkaas hormood ka noqday bilowga shirkad  cusub  oo lagu yagleelayey caymiska maraakiibta mandaqada geeska Africa,  kaasoo noqday mid lagu guul-dareystay hirgalinta himiladdii laga lahaa shirkada caymiska maraakiibta.

ka dib, waxa aanu ku soo beeganay xuska dabaaldeg lagu xusayey sannad-guurada maalintii ugu horeysay ee markabka S-Dnal-Re uu u kala gooshay daafaha dunida, taasoo aan ka xasuusto midhihii luuqda erayada dhawaaqa codka dananka lahaa ee jiibta iyo jaanta ay isla helayeen shaqaalihii (Cruise) markabkaas, waxa ka mid ahaa.

Sidii dayax soo baxoo

Intuu sagal roob dhex-galay

Cadeeda sagootiyaay

Siraad ii nuurayaay

Adaa sadrigayga galay

Wadnaha ku dulseexdayoo

Naftiiba adaa sitee

Waxaan sugayaa annigu

Inuu Alle innagu simo

Aroos loo sacab tumee

Kalsooni naftaada sii .

Aduunyadu waa silsilad

Salaamo wareegayoo

Subaxba waabaa baryoo

Saadaal kheyrlaan arkaa

Sursuur waa laga baxaa

Sabool waa laga dhaqdaa

Sedkaagu hadduu yar yahay

Iimaanbaa lagu sedkaa

Hadday inna seegtay tallo

Sideed Saddex iyo Todoba

Khaldkii waataan saxnee

Allow samo nooga yeel.

Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan  kula kulmay nin la socon jiray  markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf.

Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan  kula kulmay nin la socon jiray  markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf.

Anigoo la yaaban sheekadaas, ayuu yidhi,:-  Ninkaasi waxa uu  qabay gabadh hindiyad ah oo uu aad u jeclaa,  balse, aan wax caruur ah u dhalin muddadii ay wada joogeen, taasoo, markii danbena u geeriyootay xanuunka Kansarka oo ku dhacay, wakhtigan xaadirka ah waxa u yaala qolka hurdada uu seexdo quraarad weyn oo uu ku jiro dambas, gurada sarena uu ka sudhan yahay sawirkii gabadhiisa.

Saacado ka dib, waxa nalagu war-galiyey in markabku madaafiic uu ku ganay Laashash soo hujuumay oo ay saarnaayeen qowlaysato budhcad badeed ah, kuwaasoo uu wax-yeelo gaadhsiiyey mowjadihii iyo madaafiicdii uu ku ganayey markabkaas, muddo yar ka dib, haddana waxa nalagu war-galiyey in markabka ay ku soo waajahan tahay duufaanta loogu magac daray Siyaasadii siyaasigii Hadimo-taliska ahaa ee Cyclone Ismail Buubaa, duufaantaas oo waxyeelo badan soo gaadhsiisay  qaar ka mid ah dadkii ku laydhsanaayey banaanka barxada weyn ee uu lahaa markabkii aanu saarnayn ee S-Dnal-Re.

Xaaladdu way adag tahay, oo maaha mid isha lagu sii hayn karrayo, markaad aragto   hirarka mowjaddaha badda ee kacsan iyo xawaaraha dabeylaha xidhiidhsan ee ku socda xawli aad u dheereynayey, annagoo taasi ka warwarsaneyn, ayey haddana, nagu war-galiyeen waaxda saadaasha cimiladdu, in maalmaha soo socda ay nabdoon tahay saadaasha cimiladda baddu.

Waxaanu daawanaa duni cusub oo aan lahayn midabbada dhulka oo kale, waxaanu daawanaa midabbada xidigaha cirka ee basaliga, liimiga iyo cadaanka ah,  maalinkiina shimbiro u wada socda kooxo-kooxo oo wadhfinaayey baalashooda, kuna haadayey duulimaadyo hoose.

Billihii ugu horeeyey waxaanu yeelanay adkeysi badan iyo waayo-arragnimo dheeraada, rajadayaduna waxay ahayd mid sii kordheysay maalinba maalinta ka danbeysa, annagoo dareensan in aanu ku dhex jirno sanduuq madow oo aan lahayn wax dabacsanaan ah, una diyaarsaneyn sidii dad dhoofaya oo kale,

Markabku wuxuu lahaa qawaaniin cudoon iyo xeerar dhaqan oo lagu kala saari jiray marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaanshaha dadka saaran markabka guudkiisa, taasoo, tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyin in badan ka dhex alloosnaa dad xasarad badnaa oo la kala illaalin jiray, la iskana illaalin jiray  dhibkoodu in uu gaadho bulshadii kale ee degeneyd qaybihii kale ee uu ka koobnaa dabaqyaddii markabkii S-Dnal-Re.

Kulan wada-xaajood ah oo lagaga arinsanaayey, sidii xal loogu helli lahaa dhibaatadan muddada dheer soo jiitamaysay, waxaana ka soo qayb-galeen dad badan oo iskugu jiray, aqoon yahano, xeel-dheerayaal, xidaariyiin, salaadiin iyo suldaano.

Gabagabadii shirkaas, waxa go’aan lagu gaadhay oo la isla qaatay in la fuliyo fikir uu soo jeediyey, Xidaari ku takhakhusay cilmiga barashada dabiibka cudurada nafsaaniga ah, oo ku taliyey, in hal habeen oo kaliya la’wada mariyo rinji basaliya dhamaan guryaha ay degen yihiin dadkaas.

Markii  habeen kaliyaata lagu dhameystiray hawshaas ee uu waagu baryey soona tooseen aroornimadaas, waxa uu indhahoodu qabtay midab basali ah oo aad u qurux badanaa, oo la mariyey dhamaan guryaha ay degen yihiin, arrintaas oo ku dhalisay inay la ashqaraaraan, iyagoo isweydiinaya, sidii ay suuro-galka u noqotay in hal habeen oo kaliya, san qadh la’aan loo wada mariyo rinji boqolaal kun oo guri? laakiinse, fikirkaas waxa uu dabiib u noqday xal u hellida dhibaatadii muddada dheer soo jiitamayey.

Sidoo kalena, waxa in badan dhagahayaga soo gaadhayey hadallo xanaf leh, kuwaasoo ujeedooyinkoodu abuuraysay, tacluus, taws, cunfi  iyo xumaan, waxaana muhiim ahayd inay illaaliyaan ficiladda ay qaadayeen dareenadda maskaxdoodu, isla markaana, waxa haboon in tamarta hadalladaas ay u isticmaalaan inay ku baabiiyaan awoodaha dadaaladda aan faa’iidadda inoo lahayn ee ay isku dayayeen. …………. La soco………

Maxaa u sahlay Shirkadda Somaliland HONO GROUP inay Mar kale ku guulaysato Fulinta Mashruuc 5 Milyan oo Dollar ku baxayso?

$
0
0

Shirkadda Hono Group oo ku guulaysatay Mashruuc Dib-u-dhis iyo Dayac-tir loogu samaynayo Jidka Laamiga ah ee Isku Xidha Caasimadda Hargeysa ilaa magaalada Kala-beydh ee gobolka Gabiley.

WARBIXIN by HORYAALPRESS.COM

Shirkadda Dhismaha iyo Maalgelinta ee Somaliland Hono Group oo ah shirkad uu iska leeyahay muwaadin u dhashay Somaliland oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Jamaal Ismaaciil (Cumaani) isla markaana mashaariic wax-qabadkeeda loo bogay hore u soo fulisay dalka, ayaa mar kale ku guulaysatay fulinta mashruuc ballaadhan oo dib loogu dhiso jidka laamiga ee Isku xidha caasimadda iyo gobollada Galbeedka dalka.

Mashruuca ay shirkadda Hono Group ku guulaysatay ah ballaadhin iyo Dayactir lagu samaynayo Jidka Isku xidha Caasimadda Hargeysa iyo tuulada Kala-baydh ee Galbeedka Hargeysa, waxa lacagta ugu badan ee ku baxaysa maalgelintiisa bixinayay Midowga Yurub oo mashruucan soo mariyey Hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo GIZ, halka sidoo kale Xukuumadda Somaliland bixisay qayb ka mid ah lacagta ku baxaysa.

KU-DHAWAAQISTA GUDDIGA QANDARAASYADA

Guddiga Qandaraasyada Somaliland ayaa 1-dii bishan shaaciyey in shirkadda Hono Group ku guulaysatay mashruuca waxa u tartamay shirkado tiro badan oo isugu jira qaar laga leeyahay gudaha iyo dibadda dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in dhismaha jidkani ay tartan xor iyo xaal ah u galeen shirkado dhan 11, hase ahaate saddex shirkadood oo kali ahi ay isugu soo hodheen liska, islamarkaana ay u qori tuureen.

“11 shirkadood ayaa u soo tartamay, saddex shirkadood ayaa (short lis-ka) soo galey, Management and Enginering Company, Somaliland Hono Group, Amal jv, Civil Enginering and Contract Company, saddexdaasi shirkadood ayaa short liskii ku soo baxay, waxaana nasiibku siiyay oo ku guuleystay Somnaliland Hono Group, sideedaba tartanka laba qof iyo saddex midina ma wada helaan, shirkad uunbaa Illaahey calafka ugu daraa,” sifdaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu, isagoo sheegay inay qaab caddaalad ah u kala saareen shirkadaha ku tartamay mashruucan.

Gudoomiyaha shirkadda tartankani ku guuleysatay ee Somaliland Hon Group Cabdirisaaq Jamaal Ismaaciil (Cumaani) oo ka hadlay madasha, ayaa yidhi, “Illaaheybaan ugu mahad naqayaa in shirkadda guuleysatay ay noqotay shirkadeydii, waanan u mahad celinayaa dhammaan, sida wanaagsan ee naloo tartansiiyay anaga iyo companiyaddii kale ee ka qayb qaatay tartankani, iyo shaqadii badneyd ee ay qabteen waan uga mahad celinayaa, anagana hawsha nalaga rajeynayo iyo shaqada nalaga sugayo intaba si fiican ayaanu u qaban doonaa, waliba in aanu libin-laabno dadaalka dhismaha waddaadaasi ayaanu rajeynaynaa Illaaheyna nala qabto idinkuna aad noo soo duceysaan.”

SAXEEXII HESHIISKA EE HAY’ADDA WADDOOYINKA

Haddaba, kaddib markii Guddiga Qandaraasyadu shaaciyeen in shirkadda SOMALILAND HONO GROUP ku guulaysatay mashruucan, waxa todobaadkii hore kulan ay iskugu yimaaddeen hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo Madaxda shirkadda HONO GROUP lagu shaaciyey Heshiis rasmi ah oo dhexmaray shirkadda iyo xukuumadda Somaliland, kaas oo ay labada dhinac si rasmi ah ugula kala wareegeen fulinta mashruuca dhismaha Jidadka Hargeysa ilaa Kala-baydh oo ka mid ah Jidadka ugu muhiimsan ee dalka isla markanaa Isku xidha caasimadda iyo gobollada Galbeedka.

Maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi ayaa sheegay in tartanka loo galay dhismaha jidkani uu yahay mid ku dhammaaday guul.

“Waxaa wax lagu farxo ah in aan maanta wax dhibaato ahi ka jirin, amase muran oo shirkadii ku guuleysatay dhismaha wadadaasina lagu dhawaaqay, taasi oo ah Somaliland Hon Group, amase shirkadda uu hogaanka ka yahay Cabdirisaaq Cumaani.”

Lacagta ku baxaysa fulinta mashruuca dayax-tirka Jidkan, ayaa lagu sheegay inay gaadhay ku-dhawaad 5 Milayn oo Dollar.

MASHAARIICDA AY HORE U FULISAY SOMALILAND HONO GROUP

Shirkadda Hono Group oo hore u soo fulisay dhismayaasha waddooyin Isku xidha gobollada dalka qaarkood iyo gegida diyaaradaha ee Hargeysa xilligii xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa dalka ku soo kordhisay qalab iyo farsamo aan hore uga jirin dalka, waxaanay qaab casri ah oo tayadoodu aad u sarrayso u fulisay dhismeyaasha iyio dib-u-habaynta jidadka Caasimadda, qaar ka mid ah jidadka isku xidha gobollada dalka.

Jidka Isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ah jidadka ugu muhiimsan dalka isla markaana burbur badan soo gaadhay, ayaa shirkaddani fulisay dayac-tirkeeda, waxaana lagu ammaanay Tayada ay leeyihiin jidadka ay dhistay oo Heer Caalami ah isla markaana aan nooca Tayadeeda hore looga fulin dalka.

Somaliland Hono Group oo sidoo kale hore ugu guulaysatay Dhismaha Madaarka magaalada Burco, waxa kale oo fulisay tayac-tirka iyo dhismaha Jidadka Hal-bowlaha u ah Caasimadda, gaar ahaan Jidka hormara madaxtooyada, iyadoo muddo dhowr sanno ah oo jidkaasi dhisan yahay ay ka muuqato farsamada iyo Tayada farsamo ee shirkaddu gelisay.

Jidadka kale ee ay shirkaddu dhistay waxa ka mid ah Waddo laami ah oo Isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Balligubadle, iyadoo jidkaasi ka mid noqday jidadka tayada iyo bilicda sarreeya ee dalka ka jira.

Sidoo kale, shirkaddu waxay fulisay dayac-tir iyo Ballaadhin lagu sameeyey qaybo lagu kordhiyey Gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay qaab casri ah u fulisay mashruucaas oo ay u tartameen shirkado qaarkood laga leeyahay dalka dibaddiisa, waxaanu ahaa mashruucii ugu horreeyey ee shirkaddu fuliso isla markaana ay ku soo bandhigtay tayada iyo Farsamada Casriga ah ee ay dalka ku soo kordhisay.

BALLAN-QAADKA HONO GROUP EE FULINTA MASHRUUCA JIDKA HARGEYSA-KALA BEYDH. 

Iyadoo sababta ugu macquulsan ee shirkaddani ugu guulaysatay Mashruucan lagu tilmaami karo waayo-aragnimadeeda iyo sida loogu qancay mashaariicda ay dalka hore uga soo fulisay, haddana Guddoomiyaha isla markaana ah Mulkiilaha shirkadda Hono Group Cabdirisaaq Cumaani oo ka hadlayey Kulan ay heshiis ku kala saxeexanayeen hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo shirkaddiisa, waxa uu halkaas ku ballan-qaaday inay sidii hagar-la’aanta ahayd ee looga bartay ay u fulin doonaan dhismaha Jidka Hargeysa/Kala-baydh.

Burburka Ka Muuqda Jidka Hargeysa ilaa Gabiley

“Anagana hawsha nalaga rajeynayo iyo shaqada nalaga sugayo intaba si fiican ayaanu u qaban doonaa, waliba in aanu libin-laabno dadaalka dhismaha waddaadaasi ayaanu rajeynaynaa Illaaheyna nala qabto idinkuna aad noo soo duceysaan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cummaani.

Burburka Jidka Galbeedka Hargeysa

XIDHIIDHKA BULSHADA IYO SOMALILAND HONO GROUP

Shacabka ku dhaqan deegaannada shirkaddu ka fulisay mashaariicda dib-u-dhiska iyo dayac-tirka waddooyinka, ayaa HONO Group ku ammaanay inay wada-shaqayn wacan dhexmartay isla markaana u shaqaaleysiisay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka qayb-qaatay mashaariicaha ay fuliyeen.

Sidoo kale, shacabka deegaanka ee Jidka Isku xidha magaalooyinka Hargeysa ilaa Kala-beydh ayaa soo dhaweeyey shirkadda, waxayse ugu baaqeen in maamulka shirkaddu xoogga saarto sidii ay uga qayb-gelin lahayd isla markaana u shaqaaleysiin lahayd dadka deegaanka muddada uu socdo mashruuca dib u dhiska waddada oo dhererkeedu dhan yahay ilaa 60KM.

GUNAANAD

Shirkadda HONO GROUP, ayaa sidoo kale xilligan ku gudo-jirta mashaariic kale oo ay dalka gudihiisa ka wadaan, sida dhismayaasha Waddooyin Cusub iyo dayac-tirka waddooyinka dalka qaarkood oo burburay.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda HONO GROUP oo maqalka magaceedu markii u horeysay dhegaha bulshada ku soo dhacay bilowgii sannadkii 2012-kii kaddib markii ay ku guulaystay mashruuc dayac-tirka gegida diyaaraha ee Magaalada Hargeysa, waxa ay dalka ku soo kordhisay farsamo iyo Qalab casri ah oo la jaan-qaadaya heerarka caalamka isla markaana aan dalka hore uga jirin, shirkadihii dalka hore uga jirayna aanay soo bandhigin. Waxaanay tani sababtay in lagaga maarmay shirkado shisheeye oo fuliya mashaariico fulintoodu ka awood badatay shirkadaha dhismaha ee waddaniga ah.

Hambayo Meher Wacan: Dhammaan Dadkani waxay Hambalyo u dirayaan Cali Faysal Cali iyo Xamda Cali Saleebaan

$
0
0

Gacal iyo Sokeeyaba Guurkiinna lagu farax….. Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinnu Guri Nagi Guulloow ka yeel..

Dhamaan Qoyska Reer Maxamed Xaaj Xasan dhamaan qoyka reer Ibraahin Warsame (Reer Walanwal ): Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Hure Walanwal.

***                       ***                       ***

Dhamaan qoyska Reer Saleebaan iyo Caruurtood, Hooyo Caasho Ibraahin Maxamed, Hooyo Khadiija Maxamed Xasan.

***                       ***                       ***

Dhammaan Qosyka Ilma Cali Nuur; Faadumo Cali Nuur, Odaygeeda iyo Carruurtooda, Maryama Cali Nuur; Odaygeeda iyo Carruurtooda, Aamina Cali Nuur; Odaygeeda iyo Carruurtooda, Rooda Cali Nuur; Odaygeeda iyo Carruurtooda, Khadra Cali Nuur; Xaliimo Cali Nuur, Sagal Cali Nuur, Aadan Cali Nuur; Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdillaahi Cali Nuur, Siciid Cali Nuur, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdirisaaq Cali Nuur; Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdicasiis Cali Nuur; Xaaskiisa iyo Carruurtooda.

Dhammaan Qoyska Reer Cali Nuur Axmed Yaasiin, Reer Cali Cabi (Caliyare beereed), Reer Caaqil Muuse Axmed-Yaasiin iyo waxay dhaleen guud ahaan meelkasta oo ay kala joogaan.

Dhammaan Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabta xagga sare ku xusan

Waxay Hambalyo iyo Bogaadin aan la soo koobi karin  u dirayaan:

Mudane Cali Faysal Cali

Iyo

Marwo Xamda Cali Saleebaan

Oo Meherkoodu ka qabsoomay magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-12-2018 Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii isku raaga, Ubad khayr qaba kala hela ee Aqal-galkooda ku gaadha, Bash-bash, Barwaaqo, Farxad, Nabad-qab iyo Raynrayn Insha ALLAAH. Aammiiin….Aammiin…..Aammiin.


Hambayo Meher Wacan: Dhammaan Dadkani waxay Hambalyo u dirayaan Cali Faysal Cali iyo Xamda Cali Saleebaan

$
0
0

Gacal iyo Sokeeyaba Guurkiinna lagu farax….. Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinnu Guri Nagi Guulloow ka yeel..

Dhamaan Qoyska Reer Maxamed Xaaj Xasan dhamaan qoyka reer Ibraahin Warsame (Reer Walanwal ): Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Hure Walanwal.

***                       ***                       ***

Dhamaan qoyska Reer Saleebaan iyo Caruurtood, Hooyo Caasho Ibraahin Maxamed, Hooyo Khadiija Maxamed Xasan.

***                       ***                       ***

Dhammaan Qosyka Ilma Cali Nuur; Faadumo Cali Nuur, Odaygeeda iyo Carruurtooda, Maryama Cali Nuur; Odaygeeda iyo Carruurtooda, Aamina Cali Nuur; Odaygeeda iyo Carruurtooda, Rooda Cali Nuur; Odaygeeda iyo Carruurtooda, Khadra Cali Nuur; Xaliimo Cali Nuur, Sagal Cali Nuur, Aadan Cali Nuur; Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdillaahi Cali Nuur, Siciid Cali Nuur, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdirisaaq Cali Nuur; Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdicasiis Cali Nuur; Xaaskiisa iyo Carruurtooda.

Dhammaan Qoyska Reer Cali Nuur Axmed Yaasiin, Reer Cali Cabi (Caliyare beereed), Reer Caaqil Muuse Axmed-Yaasiin iyo waxay dhaleen guud ahaan meelkasta oo ay kala joogaan.

Dhammaan Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabta xagga sare ku xusan

Waxay Hambalyo iyo Bogaadin aan la soo koobi karin  u dirayaan:

Mudane Cali Faysal Cali

Iyo

Marwo Xamda Cali Saleebaan

Oo Meherkoodu ka qabsoomay magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-12-2018 Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii isku raaga, Ubad khayr qaba kala hela ee Aqal-galkooda ku gaadha, Bash-bash, Barwaaqo, Farxad, Nabad-qab iyo Raynrayn Insha ALLAAH. Aammiiin….Aammiin…..Aammiin.

Dhibta Niyad Jabka | Depression

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Q 16aad

$
0
0

Waxa kale oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, in ay soo dabteen  kaluumaysatadu sannadkan kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone, waxa iyana isweydiin muddan, haddii dadka ganacsatada ah ee saarnaa  markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka kaluumaysta baddaha, kaluun tiradiisu ay  gaadhayso 2024.238  -tone,  ( Laba kun iyo afar iyo labaatan, dhibic laba-boqol iyo sideed iyo sodon) oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami karo wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun tiradiisu gaadhayso 2024.238 -tone, isla markaana, ay ka iibiyeen suuqyada ganacsiga kaluunka, si ay uga hellaan dhaqaale wanaagsan oo kordhiya dakhliga miisaaniyada markabkaas.

Waxa sidoo kale, dhanbaal sidaha wargeyskaasi ku xardhanaa, wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, ay talaaleen qiyaas dhan 3.000,000. milyan oo riyo ah, war-bixintaas laguma darin, xoolihii kale ee markabkaas lagu dhaqi jiray, waxa kale, oo aan war-bixintaas lagu xusin, riyahaa la talaalay in ay yihiin xoolihii markabku dhoofin jiray iyo in ay ahaayeen riyihii ay dhaqan jireen dadkii markabkaasi saarnaa ?

Halka waaxda horumarinta dalxiiska, dhirta, dayactirka qandaraastada, guryaha iyo jidadka markabka, lagu shaaciyey wax-qabadkoodii sannadkan,  in ay diwaan galiyeen 160-goobood oo ah, goobaha dalxiiska iyo 36-hudheel (Semi Clasic Hotels) oo ay ku soo deggaan dalxiisayaasha soo booqda markabkaas, iyadoo laga warqabo in aanay jirin wakhtigaas 36-kaa hudheel (Semi Clasic Hotels) oo u gaar ahaa  markabkaas, balse, hudheeladaasi ay lahaayeen dad rayid ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd dhaqaalaha ay ka hellaan dalxiisayaasha soo booqan jiray markabkaas.

Waxa kale oo ay ku guul dareysteen mashruuc waxsoo saar oo loogu tallo-galay in lagu beero sarac dhul cabirkiisu gaadhayey in ka badan 9,200- boqol oo Qoodi (sagaal kun iyo laba boqol)  sannadkaas,  inkastoo warbixintaas aan lagu shaacin kharashkii ku baxay mashruucaas, balse, masuulkii waaxdaas horjoogaha u ahaa, waxa uu ku tilmaamay guul-daradiisaas, waxaanu yidhi”,  waxaanu rajeynaynay in ay ka soo go’aan midho ka badan 29,000.-kun oo kiish, laakiinse, nasiib daro, waxa ka soo go’ay 700-oo kiish, guuldaradiisaas, waxa uu ku sababeeyey, “isagoo si xun u taagnaa, cayayaankii ku dhashay beertaas oo sin saarada yaqaanay iyo meeshii aanu siidhka ku beernay oo sibiibix ahayd,” isagoo hadalkiisii sii wata, haddana waxa uu yidhi”,  mashruucii aanu ugu tallo-galnay in aanu ku beerno goobo ka mid ahayd dhul beereed gaadhayey 28,000-kun oo qoodi (Sideed kun oo qoodi), waxa sabab u ahayd dib u dhacaas, Anniga iyo  saadaashii cimilada roobka ayaa heshiin waayey.

Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha markabkaas, waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid feydaayey heerka uu gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u wakiishay masuuliyada waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la filaayey waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay  dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas.….. La soco………….

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

Sababta Geeska Afrika Saldhigyada Looga Samaynayo Iyo Somaliland

Barnaamijka waxqabadka Maayarka Berbera

Sucuudiga oo samaystay wershad farsamaysa Gantaalada balaastikada ah

Safaarada Somaliland ee Ethiopia oo ku fashilantay inay soo celiso ardayda hoos tagtay safaarda Somalia + sababta

$
0
0

Salaan guud iyo mid gaar ahba waxan u diraya shacabka Somaliland meel kasta oo ay ku suganyihiin iyo gaar ahaan bahda Saxaafada.

Warbixintii, tan ka horeysay ee quluubta dadka yaabka galisay, waxay timid markii ardayda reer Somaliland ee cariga Addis Ababa, Ethiopia go’aan ku qaateen inay hoos tagaan lana jaan-qaadan safaarada Somalia ay ku leedahay Addis-Ababa ee Ethiopia, waa ta-kowaad, markii ay u muuqatay kana quus is-taageen sidey ugu hawl gabtay Sfaraada Somaliland oo markii horeba hawl-maalmel-keedu ahaa mid shakhsiyaad loo soo magaacaway ay ku tanaadeen.

Taaso Shakhsiyaadkaas uu ugu horeeyo Safiir-kuxigeenku Mohamed Abdikariim Maarshaal, oo safaarada ka dhigtay  goob ganacsi oo dilaaladiisu ka buuxan isuna daba maraan, oo ay layaab ku noqotay markay arkeen gudi arday oo ku booqata safaarada iyo cabashada ardayda oo yaab makaag ku noqota  marka loo gudbiyo iyagoo  albaabda ay ka xidhaan iyo telefoonada, Si la midana habeenkii ay shaqada ay qabtaan tahay sidii lagu kala qaybin lahaa ardeyda si aan iyaga wax hawl ah loogu qaban ama aan loogu baahan safaarada!

Safaarada Somaliland ee itoobiya oo ay wax qabadkeedu noqday mid dano-shakhsi gaar u ah una adeega ,wuxu  ku darsaday safiir-kuxigeenku Mohamed Abdikariim (Maarshaal)  inuu  madaxda Qaranka Somaliland u gudbiyay  warar sal iyo raad-toona lahayn taaso ay ka mid tahay inu ka been-abuuray maarshaal oo uu yidhi ardayda Ethiopia waxkabarta waa 10 arday, waa arin qariib oo aad u yaab-galisay  ardayda dhamaan wax ka barta Ethiopia sida gudida ardayda Somaliland  tirakoobkii ay sameeyeen  dhawaan uu kor udhaafayay 180 Arday.

Aqoon-darada haysa Mohamed Abdikariim maarshaal iyo nacaybka ku jira iyadoo horeba loo ogsoona inuu ahaa shakhsi aan wax baran, tabashada ardaydana heer jamacadeedna aanu fahmi Karin madaamu aanu soo marin heer jamacadeed oo uu yahay dadkii afka wax ku cuni jirey, Sidaas darteedna uu iska qarinayo ardayda la kulankeeda oo uu dabada ku wato dhawr qof oo magaalada iska jooga oo ay isku reer yihiin.

Iyadoo sidoo kale la ogyahay in maarshaal jagada loo soo magacabay ee safaarada Somaliland ku soo beegantay Markii talada dalka uu qabatay Madaxwayne,  Muuse-Biixi oo ay isku reer yihiin in si xigaal ahaan meesha lagu keenay iyadoo lala socday aqoon-laan iyo karti xumida mudane Maarshaal.

Guntii iyo gabo-gabadii, waa la iska fahmi karaa  marka shakhsi Maarshaal oo kale ah  masuuliyad loo dhiibo inaanu hawsheedii  iyo shaqadii loo igmaday aanu ka soo bixi-kareyn. Iyadoo qiimaynta ardayda ku samaysay qodabadan ay keentay inay ka digo-rogtaan safaarda Somaliland ee Ethiopia una digo-rogtaan bishan gudaheeda Safaarda Somalia hadii safaarada Somaliland aan isbadal muuqda lagu samayn oo shakhsiga nabarka ama boogta ku noqday ee Mohamed Abdikariim maarshaal aan lagu soo badalin qof la shaqayn kara jaaliyada iyo cabashada ardayd.

Kama noqonayan ardaygu hoggaankooda iyagoo  diyaarna u yihiin kana  rajeenaya is-badel  lagu sameeyo hawl wadeenada Safaarada Somaliland ama ardayda reer Somaliland sida ay  ku tashadeen inay  ay kula jaanqaadayso Safaarada SOMALIA.

Nasir Farhan farhannasir991@gmail.com


Hambalyo Ku Socota Ciidanka Qaranka

$
0
0

Hargeysa(Berberanews)-Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ah aqoonyahan iyo siyaasi reer Somaliland ah ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka qaranka Somaliland oo shalay 25 jirsaday.

Dr. Maxamed-rashiid, oo xalay nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika, wuxuu sheegay in ciidanka qaranka Somaliland ay kaalin muhiim ah kaga jiraan ilaalinta ammaanka iyo weliba difaaca qaranka Somaliland, “Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ciidanka qaranka Somaliland, waxaanan geesiyaasha ciidanka qaranka ku ammaanayaa sida ay mar walba heegan ugu yihiin difaaca dalkooda iyo weliba ilaalinta ammaanka guud ee qaranka.

Waxaan qirayaa in ciidanka qaranku kaalin mug leh kaga jiraan horumarka Somaliland, waxaanan dhammaan ciidanka qaranka leeyahay hambalyo.”

HAMBALYO MEHER: CABDIRAXMAAN XASAN CALI iyo HODAN MAXAMED FAARAX

$
0
0

Hambalyo Meher Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiyare). Maxamed maxamuud Cige (busi). Cabdi Hani Xaashi Cabdillaahi. Abw xasan qiso. Abw Maxamed Xarago. Axmed Ibraahin Furinle. Asma Axmed Ismaaciil (Asma Love.) Abw Cabdifataax Mursal. Kayse Faarax. Khadar Ilkacase. Asma Saban. Nasteexa indho. Sahra Cali Xasan. Bushaaro Baande. Khaalid meesi. Maxamed Cabdillaahi. Mustafe Macalin Caydiid. Abw,Salaan Ibraahin Gabeyxadi. Abw,CAbdixuseen warsame.

Dhamaan waxay Hanbalyo meher u dirayaan meherka

CABDIRAXMAAN XASAN CALI.

iyo

HODAN MAXAMED FAARAX.

Oo meherkoodu ku qabsoomay magaalada hargeysa Waxay leeyihiin reerkii lagu badhaadho AAMIIN AAMIIN AAAMIIN.

Macnaha xisbiyada dimuqaraadiyada iyo masraxiyadooda

$
0
0

Waxaan qalinkaygan ku eeg doona qaab dhismeedka guud ee xisbiyada haday kuwo mucaarida iuo mid muxaafid ah baa,aaraarta yaan ku fogaanine aan nuxurka u dhaadhaco.

Ugu horeeyn xisbiyadu waxay ka dhashaan ama ka soo dhax baxaan urur siyaasadeediyo waafaqsan shuruucda dalka,una gudban heerka xisbinimo ee waafaqsan shuruucda dalka ka jirta.

Hadaba waa maxay xisbi ama xisbiyo?

Xisbiyadu waa ururo  ama koox dad ah oo wadaagaaya aragtiyo isku mid ah oo ku saabsan,hab maamulka dawladnimo iyo in la helo musharaxiin u tartama taladda dalka,waxay inta badan diiradda saaraan doorashooyinka kala duwan dalka.

Hadaba waa maxay sababaha loo samaysto xisbiyada dimuqaraadiyada ah?

  1. Ficilo wada jira: in xisbiyadu si wada jira ugu hortagan arimaha lidka ku ah jiritaanka qaranka

  2. Fududaynta iyo samaynta siyaasada: xisbiyadu waxay dardar galiyaan dhamaystirka siyaasadeed ee dalka iyaga oo isku dhinaca

  3. Han siyaasadeed: waa in xisbiyada dhexdooda ka jirta aragtida tartaranka xalaasha

Hadaba waa imisa nooc xisbiyada dimuqaraadiyada?

Siday dimuqaraadiyadu qabto xisbiyadu waa laba nooc oo kala ah muxaafid iyo mucaarid,isla markaan muxaafidku waa xisbi ay ku midaysan yihiin koox dad ah oo ka midaysan mabaadida siyaasadeed ee xisbi xaakimkoodu ku hagaayo dalka, halka mucaaridku noqon karno hal xisbi iyo wax ka badan sida oo kale xisbiyada mucaaridku waa xisbi ama xisbiyo ka aragti duwan hadaba xisbi xaakimka dalka jooga siyaasad ahaan.

Unugyada ay ka kooban yihiin xisbiyadu?

  1. Hoggaamiyayaal: waa tiro dad ah oo ugu sareeya qaab dhismeedka xisbiyada siyaasada

  2. Xubno firfircon : waa tiro dad ah qabta hawl maalmeedka iyo dardar galintooda

  3. Raacsanayaasha: waa mawjado dad ah oo kala duwan kuwaas oo ku qancasan barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiyada,isla markaan codkooda ku siiyaan barnaamijyadaas.

Tiirarka aasaaska u ah xisbiyada dimuqaariyada:

  1. Aragti siyaasadeed

  2. Han siyaasadeed

  3. Daahfurnaan siyaasadeed

SHaqada xisbiga muxaafidka

  1. Inuu dalka ka hirgaliyo barnaamijyeedii iyo balan qaadyadii wakhtigii ololaha doorashada

  2. Inuu la xisaabtamo xukumadiisa ama xisbi xaakimkooda

  3. Inuu iska difaaco eedaymaha kaga imanaaya xisbiyada mucaaridka,isaga oo ilaashanaya taageerida shacabka sida oo kale waa inuu xukuumadu dhageysto qodobbada mucaaradka si ayaa waxa u korsato ama u sameyso isbeddelo muhiim ah

Shaqada xisbiyada mucaaradka

  1. Xisbiyada mucaaradku waxay darsaan sababihii ku keenay guuldarooyinkoodii doorashooyinka

  2. Xisbiyada mucaaradku waa inay lahaadaan mabaadii ka duwan xisbiga talada haya, haday tahay dhanka xoriyada, dhanka cadaalada,dhanka dhaqaalaha

  3. Markaasta oo ay xisbiyada mucaaridku ogaadaan galdaloolada xukuumada waxay soo bandhigaan khaladaadkoodii iyagagoo waliba ku ilaalinaaya dimuqaraadiyad caafimaad qabta

  4. Mqnaanshaha xisbiyada mucaaridka waxay xukumada ku dhalin karta inay baalmarto sharciyada iyo xeerarka

Shaqada xisbiyada ka siman yihiin

  1. Waa inay ku dhaqmaan shuruucda iyo inay wuu cadaalad sameeyaan xubnaha xisbiga iyo inay qabsadaan shirarkoodasida shirwaynaha iyo shirka golaha dhexe

  2. Magacaabista

  3. Ilaaliyaan

  4. Waxqabad calaamadsan

Dooda fikirkayga ee qabdhismeedka xisbiyada

Marka soo ogaaday qaab dhismeedyada ay u dhisanyihiin xisbiyada dimuqaadayda leh,haday yihiin hanaanka labada xisbi iyo xisbiyada badan,somaliand waxay ku qurux badan tahay laba xisbi maxay yeeley laba xisbi qaab dhismoodu wuxu yahay sidan

  1. Mabaadii qeexan

  2. Waxtar badan

  3. Daahfurnaan

  4. Khilaafaad yar

Halka xisbiyada badani ayaa yihiin kuwo intaas ka maqan tahay qaab ahaan ama baa madmadow  badan baa leh

QALINKA: CABDICASIIS XASAN MAXAMED(SEED)

PHONE  : 0634905333

Maalinta Dhagax Tuurku waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM

$
0
0

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa, dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba,aan Allaha awoodda leh weydiisanayaa ,inuu inaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana.

20 February,oo aynu sannad walbba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre, waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM ,ee Somaliland ka xoreeyey daalinkii Siyaad Barre iyo huwantii.Waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland,waa maalin innaga mudan in la xuso ,waa maalin innaga mudan in la xasuusto ,waa maalin innaga mudan in taariikhdeeda la qoro,waa maalin innaga mudan in Iskuulada lagu dhigto.

Haddii waqtigu ii saamaxo,Allaha awooda lihina Nafta igu simo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sugnaa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqadii halkaa ka dhacday.

 

Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii Maxakamadda la keenay Macallimiintii, Dhakhaatiirtii,Aqoonayahanadii ee dhallinyaradii UFO,ee xaq darrada lagu soo xidh xidhay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad darrada lagu hayey shacabka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa iyo xaaladda murugada leh ee uu ku sugnaa waqtigaa, xaqiiqadiina ahayd arrin aad looga damqado,laga gil gisho,lagana murugoodo.

 

Waxay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFO , ay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga qarsan karin,ee bulshada laga cuna qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee nolosha Baniaadamku u baah nayd … Daawo aad u doonato daayoo, nadaafad darrada, tayo xumada,urta & dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay nafiba kuu gabateen, haddii aad waqtigaa Hargeysa ku noolaan lahayd.

 

Dhacdada Dhagax Tuurka ee 20 February,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,qaacuna cirka isku shareeray,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey . Jaha wareerkaa iyo niyad jabkii maalintaa ku dhacay Daalimiintii Ciidankii Siyaad Barre, waxay naf la caaridkii miciin moodeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa ,oon guryaha laga soo bixi karin…..Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weedhaadu ma gasho,” waana maalintii Ciidamadii keligii Taliyihii Afweyne Barre ,Umulo dooxii,Dhiigyo cabkii,Basaasiintiisii, iyo Damiir lawaya ashiisiiba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,shacabkuna u dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaastoodii !!!.

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii iyo dhammaan intiii ku shahiiday maalintii Dhagax Tuurka,waxaanan ilahaay uga bary ayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabiyo.Waxaan  tacsi gaar ah u dir ayaa, qoyskii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aqoon badan isku lahayn ,kana mid ah aa ardaydii Dhagax Tuurka , ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiigyo cabku sida arxan darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba.

 

Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada Somaliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqeeya , difaaca , ilaaliya , kuna mitida inaad adkaysaan Nabad gelyada iyo Qaranimada Somaliland ee aynu naf iyo maalbba ku bixinnay.

 

20 February, oo aynu sannad walba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre, waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM ,ee Somaliland ka xoreeyey daalinkii Siyaad Barre iyo huwantii.Waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland,waa maalin innaga mudan in la xuso ,waa maalin innaga mudan in la xasuusto ,waa maalin innaga mudan in taariikhdeeda la qoro,waa maalin innaga mudan in Iskuulada lagu dhigto.

 

Waxaan idinku dhaafayaa , Maansadii Taarikhiga ahayd, ee magaceedu ahaa Hambabber ama Hargeysi ma toostay,ee 1982 uu tiriyey Abwaanka weyn ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi ), kuna sahabsanayd dhacdada Dhagax Tuurka:

Habeenada weysha
Dhurwaa habarteeda
Dorraad ku hiraabtay
Haan-haabadka naaska
Haaneed ka deyeysa

********

Nirgaa hugun yuuska
Halkii lagu ooday
Hammuunta ka yaw leh
Riyaa hoganaaya
Idaa tuban heelka
Cadceedda hagoogtey
Haleelada weydda
Dhaqaaq hidin waaga
Hareeriga taagan
Dantaa ku habsiisey
Inay hakadaane

********

Dhulkoo hanad joogo
Intaan gadadh heerin
Ka sii degin heerka
Hadeer la yaqaano

********

Intaan habqan beeshu
Huluulaha oodan
Ku saan go’in hawdka
Intaan habac jiitan
Badhkeed ku hallaabin
Markay habaq baahdo
Dugaaggu hilbaysan
Intaan hawa boodka
Fardaa higil raacay
Kuwii higsanaayey
Hummaaggu ka reebin
Xayeeshku habaabin
Intaan halladaadka
Hayaanku is waayin
Habeenku dhex qaadin
Hadhow la shallaayin
Hadaadunka naaftay
Sidii habas daalka
Hawaarsadey ciidda
Anaa hiddiddiida
Hobey hobe hooda
Durbaankiyo heesta
Ku soo hoga geyne
Adaa hal abuurka
Tixraaca ha’leyda
Ujeeddada hoose
Hawaala yaqaane
Haruu orod Faarax
Horweynta jiciirtay
Hadhaaga u jooji

********

Haydaartiyo doogta
Hantaaqada ciilka
Dareenka huqdiisa
Qamuunyada haarta
Caloosha hugmaysa
Hiirtaanyada raagtey
Dhinbiisha hulaaqday
Dabkaan hurin doono
Colkaan humin doono

********

Hargaa igu laalan
Dhowaan henggel baasta
Ninkaan huwin doono
Sabaanka hagaagey
Barwaaqada hoortay
Daruur iyo heego
Waxaa hogol gaaxsan
Hadhaysay dushayda
Harooyinka buuxa
Hoobaanta bislaatay
Haraaciga daadka
Caleenta hiraysa
Indhaa halacdooda
Hibaaqiyo laaca
Naftayda hankeeda
Waxay hibanayso
Haddii wedku daayo
Inay heli doonto
Anaa huba taase

********

Hambaaber dhowaanta
Dareen ma hurdaana
Dagaal wata heeso
Hidday u lahayde
Hargeysi ma toostay
Hogaanka ma diiday
Harqoodka ma tuurtay
Inaanay hummaaga
Hadoodilan yeelin
Sidii hebel geel ah
Heshii Nebi Saalax
Horaadada dhiibin
Hankeedu ma siiyey.
Waxay hibanayso
Ninkay la hadlayso
Hagaag ma u sheegtay
Hadday sama weydo
Inay hantideeda
Nafteeda hurayso
Hubaal ma caddaysay

********

Allaylehe waa hog
Shax aan la hilmaanin
Malaa Hugur tiisa
Waxaabu u haystey
Inaan hayal toosan
Harraatii aqoonne
Maskii Hilqadaale
Ma soo hardaf boodey

********

Horaanse u sheegay
Inaan hadda beeshu
Hadhiimo ahayne
Haddeer waxa jooga
Hadmaan ka afeeftay
Hasaasaha muuqda
Wallee hagar daamo
Falkaagu habeensay
Higlooy gabbalkaa dhac
Hangaalli hungaalli
Hegaan hega gaalli
Hunjaalli hantoolli
Bidhaan had-hadowga
Hiwaali hahoodka
Jibaanjib hunnuunnu
Huraalka hiraalka
Hambaaber mardaali
Hadeedab mardaadi
Kallaal himbiriirsi
Hawaawir hayaayir
Sadaad herimooya
Hunnnuushle hannaashle
Sareedo hamboori
Hankooble hayooshe
Falaad habbabbaale
Hanquusle halowle
Garaad himhimowle
Hayaayub xumaanta
Humbaalle dhaqaaqa
Hallaallimo soofka
Hallaasiga sheelka
Harawsiga qaawan
Hiliiliqa jeexa
Higiishis boqoolka
Galbeed hiyi raaca
Maraykan ku hiilka
Shirqool la hadaafka
Habheeb alalaaska
Hinraag qayayaabka
Haraaryada neefta
Hantaatac ergeynta
Hagaas caga jiidka

********

Walaaac haghagoodka
Tawaawac higgoodka
Hamuun taltalawga
Calaacal hungowga
Heshiis macaluulka
Hunfey salsalaaxa
Hinfaal wax u sheegga
Wasiiro habaynta
Hoggaanno samaynta

********

Hadhuubada daatay
Hareero ka leefka
Jalbeebta hal leyda
Rogaal halalleyda
Hamaal shaqalkeeda
Higgaadda shanlleyda
Halkaan ka abbaaray
Hadhauudhku Carraale
Huftoo hufmi waaye
Maxaad kala haadin?
Intaas haqab beelka
Hadhoodho horteed dheh
Hal baase xasuus ah
Nin tiisa u heellan
Haddaan taladayda
Hayaankiyo beesha
Hoggaami idhaahdo
In taydi haallawday
Annaa huba taase
Hadhow iyo fullan
Waxaanan huraynin
Inaan hadda yeelo
Ayaa ka hagaagsan
Qabiil ku hadaaqa
Hobsheyntiyo faanka
Masayrkiyo haybta
Hinaase la boodka
Holayntiyo maagga
Hirrooda qab dhaafka
Tollaay hebel meeyey
Sidii horror waalan
Hilbaa igu yaalla
Halgaad kula duulka
Colaad hurgumootey
U sii hangagaarka
Heleysada dhiiggu

********

Markuu heleleyda
Sidii harawaati
Hamuun tiro ciidda
Dagaal lagu hoobtay
Halyey ku idlaaday
Ka soo hindiwaaska
Tabaalada huursan
Hangoollada qaybta
Fulaa halistiisa
U sii gacan haadsho
Halkay godobtaydu
Ka soo hullanayso
Ninkay huntutuulka
Ku soo hullaanayso
Inaan dib u haybsho
Hillaabta ka qaado
Ayaa ka hagaagsan

********

Shirqool hadiwaaga
Hiqlaynta riyaaqa
Hubsiino la’aanta
Haloosiga luuqda
Hawaawi la boodka
Hanuun la jibboodka
Dhurwaa halab saarka
Waraabe u heeska
Hufnaanta kashayda
Nin aan hibo saaray
Xariir ku habsiiyey
Markuu hal haleelka
Sidii hurin yey ah
U soo hal haliilo
Anoo hadhsan waayey
I soo hungureeyo
Inaan hanqalkayga
Sidii habla weynta
U soo rogo hoosta
Inaan af-lahaarka
Harraati ku diido
Ayaa ka hagaagsan

********

Hanraawe I boobay
Markuu iga haago
Inuu hadhadaydu
Hafeefta xanuunka

********

Markay hurgumooto
Hoosaaso afuufo
Halbawlaha kayga
Sidaas kula hoydo
Nin haad I cunsiiyey
Inaan horror siiyo
Ayaa ka hagaagsan
Hawraar iyo sheeko
Haween laga reebay
Beraa habar guurtey
Hayaan rarygeeda
Culaab iyo haamo
Waxay hilif saartay
Haldhaa kici waayey
Hiyeeda gadh jiidka
Markuu hollan waayey
Ayey hindiskeeda
Halaanhal ku keentay
Midaan kolkaa haabka
Markaa lagu haynin

********

Waxay tidhi “Hoogey
Hayaay Cabdi-Qaadir
Hareer qabo awrka”
Markuu hayinkeedu
Hagaag isu taagey
Ayey tidhi ” haakah”
Hebloo gabanteed ah
Hilowna basteeda
Malaa u han weynna
Karaamadan hiirta
Ku soo hormanaysa
Hilmaanina weydey
Wadaadka hoggiisa
Ka soo hangallaystay
Siduu ugu hiishey
Ayaa tidhi “hooyo
Muxuu horta sheekhu
Inoo yahay haybta”?

********

Waxay tidhi “heedhe
Hibooy ratigeennu
Markuu hingan waayo
Ayaan huriwaaga
Haleel cuskadaaye
Habeen ma wadaagno
Haddaan magaciisa
Dantaydu higgaadin
Ma soo hadal qaado”
Ujeediyo haatan
Nin tiisa u heegan
Halyeynimadiisa
Hashiisa ku dheelmay
Iddiisa ku hoystey
Inuu hantidayda
Habaynta xilkayga
Dhismaa hodankayga
Hiddaa sharafkayga
Waxaan nolol haysto
Horsed ka ahaado
Ka haayir idhaahdo
Ayaa ka hagaagsan

********

Hashayda nin maalay
Markuu hordhaceeda
Habniin kaga daalo
Inaan hanbadiisa
Hafriinyaha beenta
Habeedda qalaysan
Ku hoorsado weelka
Gobaad ka hillaabto
Inaan ku hagoogto
Ayaa ka hagaagsan
Anoo qaba hawsha
Habeen iyo maalin
Intaas sida heeryo
Habaaska I fuushan
Inaan ku hungoobo
Hulleeka madhnaanta
Hamaansiga quusta
Hamuun la carrawga
Heshiis ku ahaado
Naftayda ka hiisho
Hugaas doqonniino
Hurrow nin I saaray
Inaanan u hoogin
Calaacal harraaddan
Xaqayga ku haybsho
Ayaa ka hagaagsan

********

Habkii xidinxiidka
Dugaag huwantiisa
Horyaal ka ahaaye
Markii hankakoobka
La soo helay guusha
Libtii lala hoydey
Tukaa yidhi “hoy day
Hashaan qalay saami
Hagaagna u qaybi
Hadhowna I toosi”
Tukow hayedaadu
Waxbay huwanayde
Dantiisa ka haybi
Qorshii hiyigiisa
Halkay talo joogtay
Ka sii wadey hawsha
Ninkiina hilmaanyey
Saqdii dhexe hawda
Ninkii hurdey toosyey
Hareeraha eegyey
Raqdii ku hungowyey
Hanqaar warwareegga
Hankaag jaljaleeca
Haqdii samri waayey
Tukii hanfariirka
Waldeys kula haadyey
Gar laysu hankaabsey
Hamuun gorayaale
Ninkii Halac-dheere
Wuxuu yidhi “hoy war
Intaan hana qaaday
Hadeer iyo caawa
Haddee weligayba
Inaanan hanbaynin
Horaad u ogayde
Maxaad igu hiifi” ?

********

Ninkayse ka hoostay
Mar bay hawireene
Ka soo kabey haarta
Bahaysiga haadda
Hilbaa cuniddooda
Habeen gama’iisa
Inaanu haweysan
Ayuu han fogaanta
Halkii kaga dhaartay

********

Ujeeddiyo haatan
Rag waa hal adayge
Heddeyda wedkeyga
Inaan habalyeeyo
Tubaa halaq yaalka
Hog laygu qaniiney
Ku sii hiradkiisa
Ka haari agtiisa
Ayaa ka hagaagsan
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha

********

Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha
Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin
Wixii hurda toosin
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda

********

Haddaanan haddaanan
Waxaan huro caawa
Dhammaan huga xaaska
Hayla maryahayga
Sariirta hanbaadha
Kuraasta hagoogan
Ashuunka hunbuuca

********

Haraaq iyo haadyo
Waxaan jaqaf haysto
Haddaanan xaraashin
Waxay hanti goyso
Intaan hub u siiyo
Dadkayga habaynin
Dagaal u hormaynin
La soo hadhin guusha
Hawraartiyo luuqdu
Cabdow hadalkaygu
Hawaawi kac weeye
Ninkii hebel miihi.

********

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified Network Specialis
| CNA | CCNA | CNSA | MCP | A+ |

20 February,2019

Djibouti National Movement:- Press Release

$
0
0

The Djibouti National Movement, “DNM”,  is a political Organization dedicated to the Liberation of Djibouti from the Dictatorship of President Ismail Omar Gelle.On the basis of a common democratic platform.

We the DNM-North American Branch, has a responsible opposition branch of the DNM and concerned  with the well being of our  fellow citizens, have the duty and responsibility to expose to the international community the atrocities being committed by Ismail Omar Gelle and his cronies against the Djiboutian People. 

We would like to bring to the attention of the American Government, the Public and the International community in North America that the vicious Dictator.  Ismail Omar Gelle, who Presided over the Djibouti affairs for the last 20 years, and before that was  the first hand of the last President has escalated his Hitler-Like repression the past few months.  It has become customary for the totalitarian regime in Djibouti.

At this critical stage in our struggle for freedom and our Endeavour to restore democracy and the rule of law in our beloved homeland,  we call upon all people and governments to come to the moral and material aid of the Djibouti people and againt the Abhorrent Dictatorship that oppresses them.

WE “DNM” officially, call upon those governments with special  interests in Djibouti and all freedom loving nations to support the liberation movement so as to prevent the genocide, Illegally imprisoned and tortured being Engineered by Ismail Omar Gelle and his Cronies.  We also take this opportunity to call on all Governments, Particularly the United States, World Bank, IMF, France, to stop all kind of Aids.  Military aid to the repressive regime in Djibouti such an aid will only increase and encourage the arrest and massacre innocent people and will escalate the tension in the Horn of Africa.

We,  the DMN there fore, appeal to the American government, the public and the international community to look closer to the appalling situation prevailing in Djibouti.  In the light of the renewed violence by the government against the innocent civilians and nomads, We particularly urge the United States government to put pressure on Ismail Omar Gelle government to end the gross human rights violations that have characterized Djibouti over the past 20 years.  Such Pressure could  be applied by examining foreign aid authorization to Djibouti and its record of human rights.

 

GUDOOMIYAHA URURKA DHAQDHAQAAQA JABUUTI

XAAJI COLHAYE SEED GOBDOON

WASHINGTO  DC,  USA

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live