Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

“Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeisa Cabdicasiis Cagowayne Oo Noqday Maqaar Saar Maayar Cabdiraxman Solteco Dhaqaalaha Ku Urursado”By Maxamed Aadan Seed Maayarka caasimada Haargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Solteco iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi “Cagowayne” ayaa guud ahaanba ku fashilmay dhismaha wada madaarka caasimada hargeisa oo todobaadkii hore ay dawlada hoose bilawday dhismaheeda balse wadada ayaa istaagtay ka dib markii maayarka iyo ku xigeenkiisu dadkii xaafada ku war galiyeen in laga qaadi doono lacag ka baxsan cashuurta ku waajibtay taasina ay diideen dadwaynihii xaafadu. Maayar ku xigeenka caasimada Hargeisa oo dhawr jeer dadku ku canaanteen hirgalinta dayactir lagu sameeyo wadadan ayaa ku fashilmay.Waxaana wadadan ay tahay wada Labaad ee halbowlaha u ah caasimada Hargeysa ,maayarka Hargeisa Cabdiraxman Solteco ayaa ka dhigtay ku xigeenkiisa mid uu ku garaaco dadka deegaanka amarna ku siiyey inuu dhaqaale ka soo ururriyo dadka degan xaafadani iyo waliba dadka goobaha ganacsi ku haysta wadada agteeda,isagoo wadada madaarka hareeraheeda dhigtay sanaaduuq uu kaga urursado dhaqaalaha uu ku sheegay inuu wadada ku darayo Maayar ku xigeenka Cabdicasiis Cago-wayne waa masuul lagu yaqaano fudayd iyo kalsooni la,aan haysata naftiisa taasina ay ku sababto inuu si dhakhso ah isu bad-badalo taasina uu cabdiraxman Solteco uga faa,idasto ……… Lasoco qaybta danbe… Qalinkii Maxamed Aadan Seed Email:-Aadanseed2014@gmail.com

$
0
0

“Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeisa Cabdicasiis Cagowayne Oo Noqday Maqaar Saar Maayar Cabdiraxman Solteco Dhaqaalaha Ku Urursado”By Maxamed Aadan Seed

Maayarka caasimada Haargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Solteco  iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi “Cagowayne” ayaa guud ahaanba ku fashilmay dhismaha wada madaarka caasimada hargeisa oo todobaadkii hore ay dawlada hoose  bilawday dhismaheeda balse wadada ayaa istaagtay ka dib markii maayarka iyo ku xigeenkiisu dadkii xaafada ku war galiyeen in laga qaadi doono lacag  ka baxsan cashuurta ku waajibtay  taasina ay diideen dadwaynihii xaafadu.

Maayar ku xigeenka caasimada Hargeisa oo dhawr jeer dadku ku canaanteen hirgalinta dayactir lagu sameeyo wadadan ayaa ku fashilmay.Waxaana wadadan ay tahay wada Labaad ee halbowlaha u ah caasimada Hargeysa ,maayarka Hargeisa Cabdiraxman Solteco ayaa  ka dhigtay ku xigeenkiisa mid uu ku garaaco dadka deegaanka amarna ku siiyey inuu dhaqaale ka soo ururriyo dadka degan xaafadani iyo waliba dadka goobaha ganacsi ku haysta wadada agteeda,isagoo wadada madaarka  hareeraheeda dhigtay sanaaduuq uu kaga urursado dhaqaalaha uu ku sheegay inuu wadada ku darayo

Maayar ku xigeenka Cabdicasiis Cago-wayne waa masuul lagu yaqaano fudayd iyo kalsooni la,aan haysata naftiisa taasina ay ku sababto inuu si dhakhso ah isu bad-badalo taasina uu cabdiraxman Solteco uga faa,idasto ………

Lasoco qaybta danbe…

Qalinkii Maxamed Aadan Seed

Email:-Aadanseed2014@gmail.com


HAL LA QALAY RAQDEEDAA..!!!! WQ Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse

Previous: “Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeisa Cabdicasiis Cagowayne Oo Noqday Maqaar Saar Maayar Cabdiraxman Solteco Dhaqaalaha Ku Urursado”By Maxamed Aadan Seed Maayarka caasimada Haargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Solteco iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi “Cagowayne” ayaa guud ahaanba ku fashilmay dhismaha wada madaarka caasimada hargeisa oo todobaadkii hore ay dawlada hoose bilawday dhismaheeda balse wadada ayaa istaagtay ka dib markii maayarka iyo ku xigeenkiisu dadkii xaafada ku war galiyeen in laga qaadi doono lacag ka baxsan cashuurta ku waajibtay taasina ay diideen dadwaynihii xaafadu. Maayar ku xigeenka caasimada Hargeisa oo dhawr jeer dadku ku canaanteen hirgalinta dayactir lagu sameeyo wadadan ayaa ku fashilmay.Waxaana wadadan ay tahay wada Labaad ee halbowlaha u ah caasimada Hargeysa ,maayarka Hargeisa Cabdiraxman Solteco ayaa ka dhigtay ku xigeenkiisa mid uu ku garaaco dadka deegaanka amarna ku siiyey inuu dhaqaale ka soo ururriyo dadka degan xaafadani iyo waliba dadka goobaha ganacsi ku haysta wadada agteeda,isagoo wadada madaarka hareeraheeda dhigtay sanaaduuq uu kaga urursado dhaqaalaha uu ku sheegay inuu wadada ku darayo Maayar ku xigeenka Cabdicasiis Cago-wayne waa masuul lagu yaqaano fudayd iyo kalsooni la,aan haysata naftiisa taasina ay ku sababto inuu si dhakhso ah isu bad-badalo taasina uu cabdiraxman Solteco uga faa,idasto ……… Lasoco qaybta danbe… Qalinkii Maxamed Aadan Seed Email:-Aadanseed2014@gmail.com
$
0
0

HAL LA QALAY RAQDEEDAA..!!!!

Wuxu yidhi hal abuurkii:

“Hal la qalay raqdeedaa lagu soo qamaamoo,

ninba qurub haleeloo, qosol wuxu ka joogaa,

qubanaha dambeeyee, qarka soo jafaayee, 

Buuraha qotada dheer ka arkaaye qiiqee..”

Dalka waxa ka jira seddex xisbi qaran oo ku hirdamaya hanashada hoggaaminta talada dalka. Xisbi afraad oo loolanka ku weheliyaa majiro. Waa Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, iyo Faysal Cali Xuseen. Ganacsade Maxmed Aw Siciid la yidhaa tartanka doorashada ka mid ma aha. Dadweynaha ayey u taala xisbiga ay talada dalka ku aaminayaan. Tartan siyaasadeed ka duulaya barnaamij cad oo waxqabad ayaa looga fadhiyaa seddexda xisbi in uu mid waliba ummadda la horyimaado oo haddii sidaa codka loogu hibeeyo xilkana loogu hanneeyo..Waa marka caqliga fayow la adeegsado.

Hadalada aan loo meeldeyeyn ee lagu xajiimaynayo ganacsade Maxamed aw Siciid, cidda ay ka soo burqanayaan siiba xubinta ka tiran xisbiga wadani ee Safiir Axmed Safiina waxa looga fadhiyaa in uu maxkamadaha horkeeno caddaymaha la xidhiidha mukhdaraadka iyo hubka loo dhoofiyo Xuutiyiinta Yaman ka dgaalamaysa. “Ragbaa ku raaxaysta dhawaaqa rasaasta dagaalada Sokeeye..” Hadalada noocaas ah ee ku tiiraabaya dagaalo sokeeye oo dalka dib uga curta ma olole siyaasadeedbaa mise waxay sii saadalinayaan aafo hor leh? Ereyadaasi xisbiga taagero dadweyne iyo kalsooni ma usoo kordhinayaan? Jawaabtu waa maya.

Sidaa mar haddi xaalku yahay awtaad, rugunada, tiirarka iyo udub dhexaayada Xisbiga wadani waa in ay si cad uga jawaaba arrintan, haddii kale se waxay noqonayasaa mowqif xisbigu ka midaysanyahay. 

Hanjebaad, aflagaado, habaar iyo waxyaabo aan hore saaxadda siyaasadda inoo soo marin ayaa maregaha laga soo afuufayaa. Dalku waa Somaliland cid loogu hanjebeyaa majirto. Ha lagu ekaado saaxadda tartanka. Codku waa baryo; budh-ku maal iyo baqa-ku-maal shaqaynmayso.

Ganacsatadu maalkeeda cidda ay ku taageerayso waa u xor oo haddii ganacsatada Somaliland hal xisbi adduunkooda ku taageeraan, xisbiyada qaranku kama horjoogsan karaan talana kuma laha. Mar hadday raadcadii kursigu noqotay hanti, Seddexda xisbi ee xilka madaxtooya ku tartamayaa dhaqaalaha ay ku hawl geleyaan xeeladday ku heleyaan qorsheeda iyaga ayaa iska leh.

Markase loolanku ka bilaabmo maryo iyo mooryaan iyo dhacdooyin laga soo hayaamay, halkaynu u soconnaa?

Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse

January8, 2017

Khiyaamada ganacsadaha iyo mooganaanta macmiilka!.

$
0
0

Barnaamijka toosinta, iyo tayaynta bulshadeena

Ganacsade haddi sharci dawladeed ku xidhiwaayay diin iyo iimaan miyuu kuxidhiwaayay?

 By: Aqoonyahan Mustafe Rayaale (masters of sociology)

Barnaamijkan lamagac baxay toosinta, iyo tayaynta bulshadeena, waa taxane todobaad leh ah, oo aydun kala socondoontaan shabakadan caalamiga ah, kaas oo aanu ugu talogalay inaaan idin kula wadaagno, daraasad cilmiyaysan oo diiradda saaraysa,  3 arimood oo muhiim ah, kuwasoo kala ah, a) 8 sanno ee u danbaysay maxaa horumar u qabsoomay bulshadaydeena? B) maxaa ugu waawayn mushkiladaha bulsho iyo kuwa siyaasiga ah ee hadda dalka kajira, sidee se loo xalinkaraa? C) maxaa ugu mudan in bulshadeena sabankan lagu dhiirigaliyo.? mid mid ayanu idiinla wadaagi doonaa insha allaah.

Manta waxaynu kusoo qaadanaynaa qodob mushkilad wayn ku ah bulshadeena, haddaan xal loo helinna khatar wayni ay kadhalankarto. Qodobkaasi ayaa waxa uu yahay qiyaamo qaawan oo ay sameeyaan ganacsatadeena qaar-kamida sida ay daahfurtay daraasad cilmiyaysan oo arimahani laga sameeyay.

Hubaashii waa doqoniimo, damiir xumo iyo dadnimo la’aan in qof muslim ah oo muwaadin sheeganaya islamarkaana inala wadaaga, diir, diin, iyo dal, uu khiyaamo intaa le_eg ula badheedho dalkiisii iyo dadkisii, waxay daarasadni shaaca ka qaaday in ganacsatada dalkeena qaarkamidi magacaabi maynee, ay debeddaha ka keenaan alaabo tayadeedu aad uga hoosayso intii adduunku ugu talogalay,  ee waxtarkeeda looqiyaasay, tusaale ahaan bal kawaran , DAAWOOYIN bilaa tayo ah, iyo kiniino aad quruurux moodo oo bukaanka lagu gurayo uun waxna aan ka tarayn, subxaanalaah, somalida dhexdeeda waxba kuma qarsoomaane iyaguunbaa isfashiliyay oo kasheekeeyay.

Bal akhriste qiyaas raashin ama alaab wakhtigiisu dhacay, oo intoo date-ka laga bedelo dadkii laga iibinayo, subxaanakka yaa caddiim, intay khatar caafimaad leedahay, kudarsoo ganacsadahaasi wuxuu doonayaa inuu faaiido, oo tollow ma inuu dad walalihii ah waxyeelo ayuu faaiido kubedelanayaa?

Tayada alaabta aysoo saaraan wadama qaarkood iyo shirkadaha qaarkood ayaa dadka soo jiita oo aad loo dalbadaaa, tusaale ahaan, dharka turkiga ah, dadku way jecelyihiin, bal kawaran ganancsatada inta wadan kale lagusoo sameeyo warshadda ay ka samaysanayaan ku odhanaya waxaad noogu qortaa _|”made in turkey” si looga iibsado lacag qaali ahna usiiyaan, dhinaca kale waxay daraasadu tilmaantay dad iyagu usoo shaqo tagay waxyaabo aysan cilmi ulahayn, oo intuu xoogaa ka bawsaday, ama khibrad kayara helay, kadib hungurigu u geeyay inuu sheegto inuu arimahan takhasus u leeeyahay, tusaale ahaan waxay daraasadi tibaaxday in nin dhakhtar ahi shaybaadh qof u diray, kadib shaybaadhihi usoo qoray qofkan waxaa haya kansar, kadib markuu dhaktarki u sheegay wixii shaybaadhuhu kahelay uu qofki isagoo ooyaya kabaxay dhakhtarkii illayn kansar aan dawo lahayn ayaa lagu sheegee, laakiin nasiib wanaag dhakhtarki wuxuu u raaciyay talo ahayd bal inuuu dalalka jaarka ah iskasoo baadho gaar ahaan Ethiopia, qof bukaanka ahaa wuu qaatay taladii dhakhtarka isagoo niyad jabsan oo quus taagan, ayuu Ethiopia tagay kadib waa labaadhay waana laga waayay kansarkii lagu sheegay, dabeeto naxdintii farxadbaa kadanabaysay. Subxaanakka yaa cadiim, marka tusalahani wuxuu kutusanayaa mushkiladda ay leedahay waxaan cilmigaaga ahayn oo aad kushaqayso.

halkan kumasoo koobi karnee dhibaatadaa khiyaanada ganacsadayaasha ayaa aad bulshadeena usaamaysay.

Khataraha kadhalankara haddii aan xal loo helin.

1-      Waxyaabaha kadhalankara haddi mushkiladaha noocan ah aan xal loo helin waxaa kamida, DHIBAAATOOYIN CAAFIMAAAD oo suurtogal ay tahay in maarayntoodu adkaato.

2-      Waxaa ka dhalankarta dhibaato bulsho, oo haddii dhaqanka khiyaanada iyo beentu bulshada kubaaho oo dadku u arkaan wax caadi ah, waxay kadhiganatahay bulsho diinteedii, dalkeediiba dhaawacday.

Sikastaba ha ahaatee haday sii

Suaal iswaydiin mudan ayaa waxay tahay maxaa sababay mushkiladaha noocan ah? Daraasadu waxay xustay in waxyaabaha sababta u ah ee ugu waawayn ay kamidyihiin, 1- sharciga iyo fulinta dawladda oo an sidii loobaahnaa ahayn, 2- qalabkii lagu baadhilahaa (lab) oo aan dalka oolin, 3- iyo ganacsadaha oo an masuuliyad isasaarin.

Haddaba ganacsadow hadduu sharci dawladeed ku xidhiwaayay, oo cidi si joogta ah kuugu dabagaliwayday miyay diinta ku xidhiwayday? miyuu damiirku kuxidhiwaayay? oo miyay dadnimadu ku xidhiwayday? Subxaaanakka yacaddim

Talooyin Daraasadda:-

1-      Ganacsatada waxaanu leenahay illaahay ka cabsada oo haddii sharci dawladeed idin xidhiwaayay diintu ha idin xidho, oo damiirku ha kuxakameeyo, oo masuuliyad muuji, addunyaduna waa imtixaane ha ku dagmin.

2-      Dawladda iyo haayadaha kushaqo leh arrimaha ganacsiga iyo qiimaynta tayada alaabta, fadlan hayadaasi ha qaadaan talaabooyin waxku ool ah, oo lagu xalinayo dhibaatooyinka noocan oo kale ah.

3-      Laga hawlgalo sidii loo helilahaa qalabka baadhidda tayada, gaar ahaan waxyaabaha asaasiga ah, sida daawooyinka, iyo cuntooyinka.

4-      Haayadaha ay khusaysaa waa in ay dabagal joogto ah sameeyaan oo ay talaabo ka qaadaan dadka iibinaya waxyaabaha dhacay, ama tayadoodu ka hoosayso intii caalamku u qorsheeyay.

5-      Columo awdiinku iyo aqoonyahanku waa inay door ka qaataan iftiiminta mushkiladdan islamarkaan ummad kawacyigaliyaan.

6-      Shacabku waa inay wax ka iibsadaan dadka diinta iyo iimaanku xidhayo ee aan qiyaanadu ka suurtoobin.

7-      Warbaahintu waa codka ugu xoogga badan ee manta bulshadu leedahay sidaa daraadeed waa inay kaalinteeda ka qaadato daawaynta mushkiladan bulsho.

8-      Ururada bulshadu, iyo shaqsiyaad u ololeeya arimaha bulshadu waa inay kadhiidhiyaan wax kaste oo bulshada waxyeelo ku ah.

 

U Hiili Naftaada WQ Hibo Ciise Maxamed

$
0
0

Markaad tahay qof uu Alle (SW) ku abuuray kawnkiisan, isla jeerkaasna ku manaystay caqli waa in aad yeelataa Hami & Hiigsi. adiga oo aan cidna u daba fadhiisan inaad rumayso ahdaaftaada ha noqdaan kuwo aduun iyo dabcan kuwo aakhiro.

Waxa jira dad badan oo u noqda nolosha dhibanayaal. taasi waxaan ula jeeda in ay noloshooda ka dhigaan tu ku xidhan qorshe qof kale dajistay ama jid ruux kale jeexday si uu u maro dabadeedna siday jidkaa u socdaan uu kaga dhamaado meel aanay doonayn amaba aan la mahadin.

Waxa kaloo jira in badan oo aan noloshooda masuuliyad ba iska saarin. Tusaale waxaad in badan aragtaa qof waalidkiisa la nool isagoo da,diisu 20 jir kor u dhaaftay kana raba mariin & masruufba haddii uu ka waayana iska cadhoonaya!

Waxa jira iyaguna hablo badan oo dhalinyaro ah oo wax bartay in badana soo baranayay oo marka ay dugsi sare ama jaamacadda heerka koowaad shahaado ka qaataan sugaya uun in la guursado oo aan indho & dhago kaleba lahayn. Guurku waa muhiim lakiin se waa in aad si waafi ah uga fakartaa halkaad talaabada u qaadeyso iyo waxa kaaga horeeya.

Iyana waxaan meesha ka madhayn Rag inta ay reero dhistaan haddana iska hurda oo doonaya inay jiifka wax kasta ku helaan taasi oo ugu danbeyntii keenta burbur qoys amaba dayac ku yimaada ubadkooda.

 

Haddaba waa inaad cindiga ku haysaa  in aaney xisaab la,aan waxba  shaqeynin, hadday dhacdana aaney kusii waarin, wax wal oo mas,uul lagaaga dhigay waxay kusoo idlaadaan uun xisaab gaw lagu siiyo, haddii aanay jirin taasina waa jaantaa rogan oo makhluuq oo dhan xisaabaa u danbeysa. Haddii aanad naftaada xisaabin oo aanad u dhigin qorshayaal aad hadhaw ka shidaal qaadato ogow waxaad tahay dhibane ka mid ah dhibanayaasha nolosha iyo aakhiraba.

Haddaba akhriste u hiili naftaada adoo uga hiilinaya

  • cibaadada & Alle ka cabsiga oo aad caadeysato.
  • noloshaada iyo qorshayaashada oo aad qof kale ku xidho iyo
  • wakhtiga malaayacniga kaaga dhacaya.

Turunturooyinka noloshu way badan yihiin lakiinse ogow inay yihiin casharo laguugu talo galey si aad wax badan u ogaato, kaligaana maahee qofkasta oo aduunkan ku dul uumanba wax buu la daala dhacayaa haba lakala badsadee.

U HIILI NAFTAADA…U HIILI NAFTAADA…. U HIILI NAFTAADA

Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

Shillinkii Mee? WQ: Hibo Ciise Maxamed

$
0
0

Waxa cirka isku sii shareeraya sarifka dolarka marka lagu badalayo S/land shilling halka uu wadankiina kasii guurayo gabi ahaanba lacagtiisii oo afkii US Dollar uu ku hadhay uun,.

Waxa isa soo taraya cabashooyinka kasoo yeedhaya dadka ku dhaqan Jamhuuriyadda S/land kaas oo salka ku haya abaaro baahsan iyo Sicir barar aan loo adkaysan karin wallow ay dawladu isku dayday inay xaaladaa wax ka qabato haddana way ku fashilantay sababta oo ahayd iyada oo aan la darsin sababaha dhabta ee keenay iyo sida u macquulsan ee loola tacaali lahaa.

Haddaba qoraalkan kooban waxaynu ku lafa guri doonaa qoddobo dhawr ah oo kala ah

  1. Waa maxey sicir bararku?
  2. Maxaa keena?
  3. Daabacaada lacag cusubi lug intee leeg bay ku yeelan kartaa sicir bararka?

Waa maxey Sicir –bararku?

Waa marka uu korodh ku yimaado qiimihii alaabada & adeegyada. Waxa  jira halbeegyo lagu cabirto sicir –bararka waxaana ugu caansan inta la ogyahay (CPI) Customer Price Index & (RPI)  Retail Price index, labadanba waxa laga dhex  arkayaa nolol maalmeedkeena iyo sida uu isku badbadalayo. Tusaale haddii uu CPI yahay 2% taasi macnaheedu waxey ka dhigan tahay celcelis ahaan shaygii aad sanadkii hore iibsatey maanta ma iibsan kartid ilaa aad qiimihii hore ku kordhisid 2%, sida kiilooga tamaandhada ah hadii lagaa siin jiray sanadkii hore 2000 sl shilling in maantana lagaa siiyo in ka badan.

Maxaa keena Sicir-bararka?

Sicir-bararka sidiisaba waxa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah

  1. Sicir bararka yimaada marka uu dalabku kordho (Demand-Pull inflation):  Sicir bararka noocan ah waxa la arkaa marka uu kor u kaco dalabku amaba iibsigu taasi oo alaabadii gabaabsi noqoto isla jeerkaasna qiimaheedii kor loo qaado.
  2. Sicir bararka uu keeno qiimuhu (Cost pull inflation): Sicir bararka noocan ah waxa sababa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin.

Qiimaha wax lagula soo dago (Import Price): 98% alaabada aynu adeegsano waynu lasoo dagnaa, haddaba waxa uu yimaada Sicir-bararku marka lacagta aad wax kula soo dageyso ay ka qiima sareyso ta dalkaaga, waxaynu aragnaa in $1 uu u dhigmayo 8900 sl shilling.

Sicir bararka ka dhasha faa’iido badsiga (Profit Push inflation): taas oo ah in alaabadii lagu gado qiima sareeya iyada oo la eegayo faa’iido badani inay soo gasho.

Wax soo saarkii oo hoos udhaca (Declining Productivity): wax soo saar keenu isagoo marka horeba liitay iminkana meeshaba waa ka baxey taasina waxay sababtay in aynu wax walba lasoo dagno dabadeedna layna sii wado uun.

Lacago badan oo la daabaco (Printing more money): haddii Bangiga dhexe soo daabaco lacago badan waxa la sugaaba waa sicir-barar, sababtoo ah lacagtaasi waxey door muhiima ka qaadataa fadhiisinta qiimaha. Haddii ay ka badato intii loogu tala galay  waxey ka dhigan tahay in lacagtii ka badanayso alaabadii dabeedna lacag badani daba yaacayso alaabo yar sidaasna uu ku dhalanayo Sicir-barar.

Dhibaatada ay leedahay Lacag badan oo la daabaco

Waxa ugu weyn ee ay sababtaa waxa weeye qiime dhac ku yimaada lacagta tayadeeda (Declining Purchasing Power). waxa tusaale nool inoo noqon kara in dhawr sano ka hor xabad nacnaca oo lasiin jirey 50 sl shilling ah, oo waxa jirey lacago yar yar sida 5 sh, 10 sh, 20  sh, & 50 sh imikana ay tahay baabacadaa oo tima kasoo baxeen inaad soo hesho. lacagtii 20ka shilling ugu yaraana ay hadeer ugu yar tahay 500 sl shilling. Daabacaada lacag tiro badani waxey sababtaa wax loo yaqaano (Hyperinflation) oo aakhirka keena dhaqaale burbur sidii ku dhacday wadanka Jarmalka 1920kii.

Daabacada lacagta oo badataa waxay dhulka dhigtaa oo qiimaha ka qaadaa lacagta

Sarifka iyo siduu u shaqeeyo

Dhanka dhaqaalaha marka laga eego sarifka waxa jira laba qodob

Qiima Dhac (Depriciation):  waxa weeye  hoos u dhac ku yimaada exchange Rate-ka amaba sarifka

Qiima  kac (Appreciation): kor u kac ku yimaada exchange Rate-ka amaba sarifka

Tusaale Shillin-ka S/land oo ku qiima dhacaya  US Dollar-ka

45 sl shilling ayaa u dhignayd $1, halka imikana   8700 sl shilling ayaa u dhigmaya $1 (45-8700= -8655) waxa ku yimi faraqa intaas le,eg mudo 23 sanadood ah.

Cawaaqibta ay keentayna waa kuwaa aynu maanta ka ooyayeno ee shay kastaa uu noqday US Dollar. Shilllinkiina aan waxba lagu faleyn haddii lagu falana isagoo dulaysan la kala qaadanayo.

 

Gabagabo

Waxa la yidhi karis xun iyana wax ku la, oo haddii xaalku sidaa kasoo rayn waayo laba mid uun bay noqon in macaluul iyo gaajo loo dhinto iyo in dagaalo ka qarxaan wadanka, waa in si mug leh looga hawl galaa arinkan iyada oo laga fiirsanyo talaabooyinka la qaadi doonaa inay yihiin kuwo sii shaqeynaya in muddo ah iyadoo dadkii cilmiga u lahaa loo doonayo si daawo loogu helo.

Abwaan Mustafe Faarax Garane AHUN ayaa xaaladan maanta taagan ka gabyey, balse hadda ayeynu macnaha dhab u fahmaynaa.

    • Hargaysaabu oon ugu bakhtiyay shacabkii buuraaye
    • ~Sicir bararku wuu sii batiyo obor barayskii
    • ~Baad iyo biyoba doolar baa laysku baayacay

 

  • ~Bahaloobe dhiig miiratadan baladka haystaaye

 

    • ~In yarbaa barwaaqaysatoo kiishka buuxsadaye
    • ~Dadwaynaha intiisii badnayd waa bilaa camale
    • ~Hadii aad bangalo leedihiyo adigu baabuur cad
    • ~Badh banaan mid seexdaa jiroo buulna aan geline
    • ~Bariiskaad qubaysaana waad kala bakhayshaane
    • ~Gudi baasto weeyaan golihii baarlamaanadu

 

  • ~Gacantooda bidixbaa shacbiga lagu bireeyaaye

 

  • ~Balka hayska ruugaan sidii diiga beeraaye
  • ~Wali dawlad barakaysan oon loo bogaan dhalane!

Raali Galin

            Waxan idinka raali galinayaa wixii khalad ah ee ka yimaada erayada soomaliga ah ee  aan      kasoo turjumay afka ingiriisida oo aanan haynin erayadii dhabta ahaa ee u qalmayey macno ahaan iyo miisaan ahaan.

 

Xigasho

Tejvan studied PPE at LMH, Oxford University and works as an economics teacher and writer.

          http://www.economicshelp.org/blog/3445/currency/printing-money-and-devaluing-the-currency/

 

ALLAA-MAHAD-LEH.

 

WQ: Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

Dulsaarka daynta iyo dheefta iibka ee Baananka (Qaybti 2aad)

$
0
0

Maxaad u cuskan iibka banaan?
Allaah baa Qur’aanka inoogu caddeeyay  macaamilka iibabka . “Allaah kor ahaaye, waa uu xalaaleeyay iibka, waxaanu xaaraantinimeeyay Ribada”. Ayaadda 275 ee Suurada Al-Baqara.
Annagu , qoladayada shaaficiya waxa aanu fahamka ayaadan iyo macneheeda ka dhiraan dhirrinay wejiyo badan. Imaamyada MAD-HABKA ayaa qaba faham qoto dheer oo kala saafaya macnaha ku duugan aayadda.  Imaam Cali Al-Maawerdi baa ku soo minguuriyey  kitaabkiisa , Al-Xaawi Al-Kabiir , Jiska iibka ka hadla hadal waafi ah oo uu ku areerimay  macnahan aayaaddu ka hadlayso.
Imaam Maawerdi waxa uu soo guuriyey afar hawraarood ama odhaahood oo uu MAD-HABKU ka qabo fasiraadda aayadda :
1. Waa midda koobaade Aayaddu waa caam , oo erayga iib baa inoo sheegaya in uu banaan yahay iibab oo idil, iibka uu daliil dedefeeyo mooyaane , waayo , Al-sha fan gashan magaca Iib ayaa jinsiga guud ee iib inoo tilmaamaysa. wejigan koobaad waxa ka farcama laba odhaahood oo Mad-habku ka yidhi:
a)  In weedha Iib ay tahay tu gudo weyn caam ah, balse cidda ku  tirawda  baa macne gooni ah ula jeedda. Tusaale; haddii wiil lagu yidhaahdo ‘waar maad iibsatid tig aad ku shaqaysato , oo uu ku jawaabo’, waan iibsan lahaaye dadku ma ogola. isagoo ula jeeda waalidkay ma ogola. ereyga dad waxa soo gudo gelaya aadamiga oo dhan. Markaa iibkan ay aayaddu ka hadlayso waa mid gooni ah oo Allaah uu ogaa,  oo Nebiga SCW loo sheegay , muslimiintuna ay ku dhaqmeen.
b) Wejiga labaadna  iibka aayaddu ka hadashay waa caam , balse  laga soo reebay qaar iibka ka tirsanaa oo daliil ku hadhay.
2.  Aayadda baa  duuduuban oo aanu macneheeddu caddayn. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Midho daray duuduub baa lagu cunaa”. markaa macnaha aayaddu ma saafna .
a) Aayadda lafdigeeda ayaan macne ahaan u caddayn , waayo aayadda horraanteeda iyo dambeedkeeda ayaa foodda iskula jira. qaybta hore ee aayadu waxay inoo sheegtay in iibku banaan yahay, oo dheef korka laga helaa jid haysto, qabta danbena in Ribadu xaaraan tahay, oo dulsaarka laga helaa  aanu bannaanayn.  labadubana waa iib. sidaa awgeed aayaddu iskeed ayay u duuduuban tahay oo may kala saafna.
b) Aayadda macneheedu waa cad yahay, ee iibka  banaan ayaa hadoodilan,  waa iib idilkii oo dhan, waxa ku jira ;  Bakhti iyo Nasiibkii, Iibka shay aan la hayn cayntiisaba, Iibka dagitaanka iwm.  markaa aayaddu waa duuduub ee waxaa fasiray oo macneheedana saafey sunnada Rasuulka SCW. Nebiga NNKH ayaa inoo caddeeyay  iibka bannaan iyo ka xaaraamta ah. hadoodilkii iyo gedefkii saarnaana ka xayuubisay oo caddaysay macnaha aayadda.
3.  Aayaddu waa caam gudo balaadhan balse laga saaray qaybo ka mid ah,  waana duuduub la saafay . hawraartani waxa ay midaysay labadii qodob ee aynu hore u soo sharraxnay, oo iibka oo idil waxa ka baxay kuwii daliil dedefeeyay, iibkii gedfanaana waxa saafay oo qalay Axaadiista oo u kala huftay iibka bannaan iyo kan reeban labadaba.
4. wejiga afraad waxa ay Imaamyadu sheegeen in Al-sha ku jirta Beeca ay tahay , tii cahdiyada ama tilmaamsiga ,  waana iibkii la ogaa ee cid kastaa ka war haysay. waayo aayadda ayaa soo degtay bay leeyihiin culimadu xilliggii ay sunnadu kala saaftay iibabka , ee ay kala huftay kiisa banaan iyo kan xaaraanta ahba. Waa iibkii Allaah uu jideeyay ee rasuulka loo soo dhiibay ee muslimiintu ku dhaqmayeen.
Hawraarahan afarta ah ee  uu Mad-habkaygu ka qabo iibka ee uu weliba fahamkooda ku kala maan duwan yahay waxa ku jira faa’iido aad u weyn oo looga baahan yahay qof kasta oo dhaqaalaha ama ganacsiga ku dhex jira in uu fahmo. waa midda koobaade haddii iibka aad cid isku qabataan,  waxaad u cuskan kartaa aayaddan, adigoo ku tiraabaya , Asalka iibku waa mubaax , banaaan,  ee adigu ii keen wax xaaraantinimeeyay, waayo aayaddu waa caam oo iib oo idil ayaa ii banaan wax daliil iga dedefeeyo ama reebo maahaane.
Balse haddii ay cidda ku haysataa ku tiraahdo aayaddu  waa duuduub oo way hadoodilan tahay macnaheeduna ma saafna  iyada, ma cuskan kartid daliilna kuuma noqon karto aayaddu ee waa in aad nas kale ama daliil kale raadsato.
Annagu waxaanu  qabnaa in aayaddu ay caam tahay, oo iib oo idil baa bannaan oo mubaax noo ah  wax daliil naga dedefeeyay ama reebay mooyaane.
La soco …..
Bare Sare Axmed Muuse Ismaaciil

Siyaasad eray u baahan WQ Cabdinaasir Axmed

$
0
0
WQ-Cabdinaasir Axmed Abraham.
In-door-ah oo aan u kuur-galay siyaasadda iyo sida Soomaalida badankoodu u fahansan yihiin, waxa iiga soo baxday, in khalad fahan jiro. Kaas oo marin-habowga keenay. Aragtidayda caqligu mus-dambeedka u yahay na, waxa bud-dhig u ah, ereyga siyaasad oo laftiisu ah erey QALAAD, una baahan dhiggiisa oo afkeenna ah, bal si fahanka macnihiisu u soo dhowaado. Haddii dadka aad kula dhex wareegto weydiinta ah; Waa maxay siyaasadi? Jawaabta aad ka helaysaa waxa ay u ekaanaysaa, SIYAASADDU WAA KHIYAAMO.
 
Dadka caadiga ah ee aan wax baran iyo waayeelka fahankooda ku aaddan siyaasaddu, waxa uu hoosta ka maray ASAL-MA-DOORSHAHA. Aqoon-yahanka laftiisu siyaasadda geed iyo nin uma kala saari karaan. Intaa ba waxa ka sii daran in wadarta siyaasiyiinta Soomaalida laftoodu aanay fahansanayn macnaha runta ah ee siyaasadda. Haddii aad la sheekaysatana, waxa aad ku arki shakhsiyaad ku caan-baxay fagaaraha siyaasadda, dadkuna Idil ahaan ba u aqoonsan yihiin siyaasiyiin oo uu hadh kaga jiro kursiga/xilka iyo siyaasadda.
 
Bahda suugaanta oo ah kuwa fahan ahaan ugu dhow macnaha siyaasad ayaa iskugu jira kuwo khalad turjumay iyo kuwo ereyo kooban macno badan oo nuxur ah ku soo koobay. Isla markaa, innagaga filan hab-san u fahanka siyaasadda.
 
Ii ogolaada in aan idiin soo horreysiiyo, mid ka mid ah maansoleyda Soomaaliyeed, ee siyaasadda wax ka yidhi. Waa Maxamed Ibraahim Warsame oo si gurracan u sawiray. Waa aragtidayda caqligu mus-dambeedka u yahaye. Wuxu yidhi:
 
“SIYAASADI AABBE MA LEH,
Ku daalka abaabulkeeda,
Alooskiyo baaneheeda,
U jeeddo ka keeni maysid.
Waa halkaa barta aan ku kala aragti geddisannahay aniga iyo ninka Rabbi ugu sedka-buriyay qofnimada hodanka ah, waa Hadraawiye. Waxa aan qabaa in dhaqanka siyaasiga Soomaaliga ah yahay ka eedda leh. Gaar ahaanna, sida ay u badan yihiin ee liidnimada ku ah. Isla markaa, dullaysay dadkii ay siyaasiyiinta u ahaayeenna. Hasa yeeshee, siyaasaddu hannaan uun tahay, oo Aadamaha isticmaalkiisa ku xidhan. In ummaddu siyaasadda ku badhaadho iyo in ay ku ba’do waxa jaangooya had ba sida ay fahansan yihiin siyaasadda.
Gun-gaadhkii Hadraawi wuxu eedda saaray siyaasadda. Halka anna aan ka rumaysanahay in aan siyaasaddu eed lahayne, ee halka sartu-ka-qudhantay tahay dhaqanka xun ee siyaasiga.Waxa boogta taabtay oo barta mililka abbaaray (AHN) Tima-cadde. Wuxu yidhi:
 
Nimankii mashaqaday dhigeen reer ba dhan u moosay,
Suntay nagu mudeen wiilashii la is marti waayay,
Nimankii muggoodu ba ahaa maalin la casuumo,
Muraadkoodu ninkuu ahaa moodhadhkiyo daarta.
Rabbii naxariistiisa janno ha ku galladee, wuxu “Tima-cadde” si toos ah u abbaaray, halka dhibku ka taagan yahay in ay tahay “Nimankaa siyaasiyiinta ah ee dhaqanka xun.” Waa iyaga kuwa ummadda kala dila. Waana iyaga kuwa dhuuni-raacnimada la dayoobay, waxaana dul fadhida murti-maahmaaheedda Soomaaliyeed ee tidhaa; NIN SOORI KAA QAADDAY, WAA NIN SEEFI KAA QAADDAY.
Intaa haddii aan ku soo af-meero, fahankaygii khalad fahanka siyaasadda. Haddii Rabbi xaggiisa laga helo waxa aan uga sii gudbi qoraalladan silsiladda ah, Hoggaanka iyo suugaanta.

Talo-soo-jeedin: Mudane Madaxweyne; Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey?! Qallinkii: Rashiid Sulub Caalin

$
0
0
Bani’aadamka mar kasta talo lagama waayo’e waxaan talo yar ka  dhiibanayaa sidii looga samato-bixi lahaa halista abaaraha adag ee xilligan innagu habsaday
 Anigoo ah muwaaddin Rashiid Sulub Caalin oo aanay igu cusbayn ka-hadalka arrimaha danta guud ee ummadda iyo qarankaJamhuuriyadda  Somaliland, iyadoo aan had iyo jeerna warbaahinta ku soo bandhigo talooyin la xidhiidha hagaajinta danaheenna guud.
 Sidaa darteed, waxaan qoraalkan yar ku soo gudbinayaa talooyin aan si gaar ah ugu dirayo Madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaas oo aan is leeyahay haddii la fuliyo Ilaahay idamkii wax bay ka tari doonaan dhibaatada aadka u culus ee ka dhalatay abaaraha kulul ee waqtigan ku habsaday dadka iyo duunyada dalkeenna.
 MudaneMadaxweyne; adiga oo aan ku khasbanayn in aad sidooda u qaadato talooyinkan, haddana waxaan  maantana  kuu soo jeedinayaa talo iigu muuqata inay kaga bixi karno abaarahan halista ah.
 Madaxweyne; sida ay ila tahay waxaan laga fursanayn si dhibaatada abaarta aan uga baxno, in aad u hawlgasho sidii aad isugu yeedhi lahayd 114 qof oo isugu jira culimo, madax-dhaqameed,aqoonyahanno iyo xirribo-caddayaal xeel-dheerayaal ah, kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha Gabooye, kana kala imanaya gobollada Somaliland oo dhan, kadibna aad si sharaf iyo milgo leh u soo dhowayso, isla markaana ugu martigaliso qasriga Madaxtooyada, iyadoo la samaynayo casuumad heerkeedu aad u sarreeyo. 
Dabadeedna aad kulankaas taariikhiga ah ee qiimaha badan kaga dalbato in ay Ilaahay inoo baryaan roob ina maansheeya oo aynu dhibaatada adag iyo baahida jirta xilligan kulul kaga baxno, illeyn cid lagu jiraba Ilaahay baa og’e.
 Arrintan waxaan u cuskanayaa qodobaddan: Maadaama ay dulman yihiin beelaha Gabooye ilaa xad inuu Ilaahay (SWT) ka aqbalo ducadooda, sida diinteennu caddaysayna qofka dulman Ilaahay ducada wuu ka aqbalaa, maadaama;a) ay suurtogal tahay, inuu Ilaahay ka aqbalo ducada oo dhammaanteen faraj inoo noqoto.b) In aanay waxba innagu kacayn arrintan oo aanay jirin wax aynu kaga baaqanno.c) Waxa suurtogal ah in beelahaasi ku calool fayoobaadaan xushmaddaas.d) In ay ina saamaxaan oo qalbigoodu ku qaboobo qaddiyaddan. e) In tabashooyin badan oo ummaddaasi innaga qabaan arrintani dawo u noqon karto.
Tirada 114-ka oday waxaan u soo qaatay waxaan ku saleeyey tirada suuradaha qur’aamka kariimka ah oo aan uga jeedo Alle u dhowaanshihiisa inuu ducadooda inoo aqbalo, innagana dulqaado dhibtaada iyo abaaraha kulul ee innagu habsaday,raxmaadkiisa iyo nimcadiisana inoo shubo. Sidoo kale, waxaan u arkaa in kulankaas ducada ah uu daawo lagu badhaadho u noqdo odayaasha beelaha Gabooye oo inta badan lagu yaqaan is-qabqabsiga dhexdooda oo aan aaminsanahay inuu sabab u yahay dayaca iyo dib-u-dhacyada ka  naafeeyey bulshada beelahaas. 
Weliba waxaan soo jeedinayaa munaasibaddaas si toos ah looga baahiyo telefishannada kala duwan ee dalka ka hawlgala.
 Mudane Madaxweyne; dhibaatooyinka soo jireenka ah ee bani’aadamka waligeedba waxa lagaga bixi jiray fikir,qorshe, niyad-sami iyo ficil. Waxaan masal kuugu soo qaadayaa oo aan kugu qancinayaa sida laga yaabo inaad taariikhda ku hayso, maadaama aad nin weyn tahay  oo waayo-arag ah.
 Dhowr qarni horteed qaaradda Yurub waxa soo maray intii aanay tignoolajiyadda casriga ah soo bixin abaar ba’an oo baabi’isay dadkii, xoolihii iyo degaankiiba.
  Waqtigaas ma jirin gaadiidkan dheereeya ee waxa la adeegsan jiray fardaha iyo wixii la mid ah, hadday noqoto dagaal in lagu galo iyo adeegsiga safaraddaba. Kadib waxa dhacday, in ay fardihii cuni waayeen cawskii qallalnaa ee aanay u baran,halkaasna noloshoodii halis weyn ku gashay.
 Rag talo lagama waayee, nin ayaa talo keenay oo wuxuu hindisay farsamadii lagu liqsiin lahaa in ay cunaan cawska qallalan,  Ilaahayna wuu ku gargaaray sida farduhu u noolaadaan. Waxa uu u sameeyey fardaha muraayado cagaar ka dhigaya cawska qallalan oo u sahlay fardaha inay cunaan cawska, maadaama muraayadaha loo xidhay uga dhigeen doog qoyan, sidaana way ku badbaadeen.
 Mudane Madaxweyne, waxaan ku soo afmeeraya maqaalkan kooban ee talo-soo-jeedinta ah Ilaahay talada toosan ha ina waafajiyee ma jirto wax dan gaara amma siyaasad ah oo aan qaddiyaddan ka leeyahay, oo aan ahayn in Eebbe innaga dulqaado cadaabaha ina haysta, waana halka Soomaalidu tidhaa, ‘COLKA WADHAF MA LAGU DAYEY!’ Odhaahdsaas oo macnaheedu ku qotomo in xallinta arrimaha dhinacyo badan laga galo si loogu helo xal waara. 
Sidoo kale, masalka sheekada aan soo qaatay yaannu caqli-gaabku u rogan si qaldan, waxana habboon in dawladda Somaliland shacabkeeda ku wacyigeliso, kuna baraarujiso in isbeddelka cimilada ee adduunka oo dhan ka dhacay qayb ka yahay abaaraha baahsan ee meelo badan oo caalamka ah ka jira waqtigan.
 FG: Maqaalkani waxa uu qayb ka yahay barnaamijka Geeddiga Wadaay qaybtiisa 4aad oo aan si xidhiidh ah ugu soo bandhigo qoraallo xambaarsan 100 qodob oo ku saabsan horumarinta adeegyada danta guud ee la dayacay.
Qallinkii: Rashiid Sulub Caalin

Amaanada – Akhlaaqda iyo Burburka ummadah qaybtii 3aad

$
0
0

Amaano La’aan waa diin la’aan. Waxa nabi Maxamed (salalahu calyhi wasalam ) laga soo wariyay in uu yidhi “Hadii amaanada loo dhiibo dad aan u qalmin, qiyaamaha suga. Burburka umadaha waxa keena in amaanadu yaraato mujtamaca dhexdiisa.

Fadlan halkan ka daawo mawduucaas, 

ASTAAMAHA UGU MUHIIMSAN EE GABADHA LAGU DOORTO W/Q:C/RAZAQ IBRAAHIM ALI “BOODHLE”

$
0
0

Qaraarrada  ugu muhiimsan ee qofku uu qaato inta uu noolayay waxa kamida ka uu ku dooranayo cidii nolosha la wadaagi lahayd iyo hooyada caruurta uu dhali doono,hadaba waxa muhiima in qofku aanu ku dagdagin qaadashada qaraarkan, waayo somalidu waxay ku maahmaahdaa “hubsiimo halbaa la siistaa” sababtoo ah mustaqbalkiisu waxa uu ku xidhayahay qaraarkan waana ka go’aaminaya in uu noqdo mid badhaada ama mid aan badhaadhin oo murugo ku gedaamantahy, kaliyaata jacaylka iyo gabadhu ku yaab galiso maaha muhiim hadii aanad ogaan qofka nolosha aad lawadaagayso dabeecadihiisa wuu adkaandoonaa is fahanka danbe.

Hadab waxa muhiima si aad ugu guulaysato gabadh fiican in aad ka baadho astaamahan:

1.islaamnimo

2.wanaag iyo toosnaan

3.garaad fiican

4.xishood

5.dhaga-nuglaan

6.qurux

7.nasab-fiican

8.nadaafad-wanaag

9.in aanay qaraabo dhaw kuu ahayn

10.jacayl

Fiiro gaara: dhamaan astaamahan in lahelo waajib ma aha laga  lkn waa in badankooda la helaa sida diin wanaaga iyo dhaga nuglaanta

Doorka Barbaartu Ee Talada Dalka iyo Booqashadaydii Guddoomiye Sharmaarke Geelle W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

$
0
0

Tan iyo 12kii Ogos 2006da oo Somaliland markii kowaad laga xusay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka, waxa aan ka mid ahaa inta u heellan inay barbaartu talada dalka saami ku yeeshaan. 23kii Ogos 2006da ayaan curiyay maanso magaceeda Xaqdoon la yidhaahdo oo nuxurkeedu yahay in da’yarta laga qayb-geliyo hoggaanka dalka. Meerisyadeeda waxa ka mid ahaa:

 

Tan iyo wakhtigii xornimo

Raggii lixdankii xilkiyo

Xayuubsaday maamulkaa

Illaa hadda xaadiroo

U xaydan kuraasidoo

Xafiiskana doonayee

 

Barroosin xabaalan iyo

Ma xididdaa uga dul baxay

Xaruumahan dawladdoo

Xukuumaddu waa dukaan

Xisaabtiisa ay hayaan??

Mise waa xilo mar hore

Xaakinku u guuriyoo

Anaa xergiyoon ogayn??

 

Kaddib markii da’da murashixiinta goleyaasha deegaanka Somaliland laga dhigay 25 sano iyo dhalashadii xukuumadda Siilaanyo ee 27kii Julaay 2010ka, waxa suurtagal noqday in xilal intii hore ka tiro badan ay qabtaan dhallinyaro badan oo reer Somaliland. Da’yarta hoggaanka dalka qaybta ka qaadatay waxa ay isugu jiraan kuwo la bogaadiyo iyo kuwo la duro, mid kastaana waxqabadkiisa ayuu ku mutaa dareen-celinta togan ama taban ee dadka. Waxa aan maantana qormo kooban ku eegi lahaa Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmaarke Axmed Muxumed oo ka mid ah dhallinyarada loo igmaday mansabyada culus.

 

Bishii sagaalaad ee Sebtember sannadkii 2011ka ayaanu bareyaal ka wada noqonnay dugsiga sare ee Nuuradiin ee magaalada Hargeysa. Fasallada kowaad ayuu Kimistariga u dhigi jiray, aniguna macallinka Bayoolajiga ayaan ahaa. Waxa uu ahaa aftahan codkar ah iyo barbaarshe ku fiican gudbinta casharrada uu daaddihinayo. Inkasta oo uu isla gu’gaas ka qalin-jebiyay Jaamacadda Camuud, waxa uu kalsoonida ardayda ku kasbaday hannaankiisa qurxoon ee waxbarista. Sidaas awgeed ayaa uu uga mid ahaa bareyaasha ku suntan wadneyaasha ardayda.Sannad kaddib ama 2012kii ayuu ku biiray hawl-wadeennada Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

 

 

Waxa aan Guddoomiye Sharmaarke Axmed Muxumed ku booqday xafiiskiisa subaxnimo Sabti ah oo sooyaalku ahaa 08dii Abril 2017ka. Abbaaro 11:30 ayaa aan xafiiskiisa galay, halkaasna waxa aan kala kulmay soo-dhaweyn iyo qaabbilaad sare. Xog-wareysi kooban kaddib waxa aan Guddoomiye Sharmaarke weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa in uu iiga warramo waayihiisii qalin-jebinta Jaamacadda Camuud, xilliyadii macallinnimada iyo sidii uu ku bilaabay shaqada qaranka oo uu ugu horraan ka mid ahaa shaqaalaha madaxtooyada Somaliland.

 

Isaga oo arrimahaas inoo faahfaahinaya waxa uu yidhi “Sida aad walaal sheegtay waxa ay ahayd 2011kii markii aan ka soo baxay Jaamacadda Camuud oo aan shahaadada degreega ku qaatay maaddooyinka Bayoolajiga iyo Kimistariga, qaybta macallinnimada. Markii aan soo dhammeeyay waxa aanu dugsiga sare ee Nuuradiin saaxiib ku noqonnay Abwaan/Bare Sare Siciid Maxamuud Gahayr oo isaguna ahaa macallinka Bayoolajiga. Haddii aan sheekada ku noqdo maalintii aanu Jaamacadda Camuud ka qalin-jebinnay waxa nalaga soo qayb-galay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanay ii ballan-qaadeen in aan ka mid noqon doono shaqalaaha ka hawl-gala Wasaaradda Madaxtooyada. Noloshayda waxa maalintaas ku dhacay is-beddel, iyada oo si u jihaysnayd ayaa ay si kale u jihaysantay. Haddana diyaar-garawgii iyo intii aan madaxtooyadda ku sii dhawaanayayba ma aan sugine, waxa aan aroornimadii ku xigtayba shaqadii macallinnimada ka bilaabay dugsiga sare ee Nuuraddiin oo wada-hadal noo socday. Taasina waxa ay sababtay in aan muddo dheer macallin sii ahaado oo aan bahda waxbarashada ku sii dhex jiro.

 

Kaddib uu xidhiidhkii madaxtooyadu noo adkaaday ee la iigu baaqay in aan xafiisyada muhiimka ah ee madaxtooyada ka soo hawl-galo, waxa aan joojiyay waxbaristii. Halkaygiina waxa buuxiyay macallin kale. Waxa aan si toos ah isugu soo luga duwaday wasaaradda madaxtooyada. Xafiiskii kowaad ee aan madaxtooyada shaqadeeda ka bilaabay waxa uu xidhiidhka dawladda (Presidential Office for government communications). Ujeeddada xafiiskani waxa uu ahaa in la wanaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya laamaha dawladda, in si wanaagsan loogu wadaago xogta qaybaha xukuumadda, in wasiir kastaaba si fiican ula socdo hawlaha wasaaradda uu masuulka ka yahay, diyaarinta waxqabadka xukuumadda oo aanu qayb ka ahayn in aanu ka soo qaadno xarun kasta iyada oo qoraal ah ama in ay noo soo diraan iyo hawlaha isku-xidhka guud ahaan laamaha xukuumadda

Muddo kooban ku noqday Xoghayaha Gaarka ah ee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan. Xilliyadan oo aanu xidhiidh lahaynna, waxa uu waajibaadka qaranka u gudan jiray si bogaadin mudan. Waayadan waxa uu safarro shaqo ku galaa-bixiyay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Sidii aan hore ugu bartay waxa uu ahaa hawlkar maddaale ah, qof weji-furan, shakhsiyad hodan ku ah habdhaqan togan iyo xilkasnimo. Dhanka kalena waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada mar kasta is-xilqaanka ugu adeegta bulshada ee doorka laxaadka leh ka qaata barnaamijyada horumarinta, samafalka iyo wadajirka barbaarta Somaliland. Sharmaarke Geelle oo ka warramaya waayihii uu ahaa Xoghayaha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iyo magacaabistii loogu xulay Xoghayaha Golaha Wasiirrada Somaliland waxa uu yidhi:

 

Xafiiskaa markii aan ka soo gudbay waxa aan noqday Xoghayihii Wasiirka Madaxtooyada, halkaas ayaan u soo dhawaaday. Sidoo kale shaqooyin ayaa ii dheeraa oo waxa aan ahaa xidhiidhiyihii Haayadda Waddooyinka iyo Wasaaradda Madaxtooyada, maadaama oo ay dalka waddooyin badani ka socdeen waxa aan haayadda waddooyinka ku waday kaabis iyo kabitaan, si xidhiidh loogu sameeyo haayadda waddooyinka oo shaqaynaysay iyo madaxtooyada. Sidoo kale waxa aan ahaa Xoghayaha guddida qaran ee dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco. Markaa intii aan wasaaradda madaxtooyada joogay, waxa aanu wasiirka madaxtooyada iska caawinaynnay meelo badan. Sidoo kale waxa aan wasiirka u qaabbilsanaa xidhiidhka saxaafadda iyo dhallinyarada.

Shaqadaa dheer dabadeeda waxa dhacay is-beddel kale oo nololeed, Oktoobar 2015kii ayuu wasiirkii hore ee madaxtooyadu shaqada ka degay, waxaana xilkii la wareegay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi. Waxa na dhexmaray shaqo dheer iyo hawl u baahan inaad si fiican uga soo baxdo masuuliyaddaada, waayo waxa is-beddelay laba wasiir oo laga yaabo in ay siyaasadda ku kala duwan yihiin. Markii aanu muddo wada shaqaynnay wasiirka cusub, waxa yimi is-beddel kale oo waxa aan noqday Xoghayihii Golaha Wasiirrada Somaliland”

La soco qaybta kale haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Labada Siyaasi ee Marin habaabay WQ Buuni Cabdi Abiib

$
0
0

Waxaa  marba  marka  ka  danbeeya  soo  baxayay  Siyaasiyiin  faro  ku  tiris  ah  oo  ka  leexday  nidaamkii siyaasadeed  ee Somaliland  ay  kusoo  caano  maashay,  kuwaas  oo  habeen iyo maalinba heegan ugu jira sidey u hori marin lahaayeen danahooda gaar ahaneed, iyagoo gees maraya wixii umadu usoo dooratey ee ah iney ka shaqeeyaan danaha ummada ay masuulka ka yihiin ee ay xilka u hayaan taasi oo sumcad xumo ku ah magaalooyinka ay kasoo jeedaan.
Ma aanu aheyn markii ugu horreysay ee Qarankeena ay ka qabsoonto doorashooyinka Dawladaha hoose sanadkii 2012kii, mana noqon doonto markii u danbaysay ee doorasho noocan oo kale ahi ay dalkeena ka dhacdo, waxaa hubaal ah in dad-weynaha reer Somaliland  ay yihiin dad waayo arag u ah oo fahamsan nidaamka dimuqraadiga ah ee  dalkeena ka hirgalay iyo sida muwaadin kastaa uu xaq ugu leeyahay inuu  codkiisa  siiyo  qofka  ama  Ururka  uu  u  arko  inuu  qarankiisa  horumar  gaadhsiin  karo,  waxa  kale  oo  dadweynaha  reer  gabiley iyo Berberaba  ay  ogsoon yihiin iyaga oo aan cidnaba ka yeelli doonin inay dhibaato u geysto kalsoonida ay u qabaan xisigey wateen ee laga yaabo in uu sobota ugu badan isaagu lahaa una badan tahey sidaas, lakin aanu muhiimada ugu badan aanu laheyn shaqsiga helay codko. Sidaa darteed qofka wax dooranayey uu eegayey xisbiga uu ku qanco istaraajiyadiisa, kadibna uu raadinayey qofkii uu ku qanci lahaa sifaduu doono ama dhinicuu doonoba haka istaaagee,  waxa uu  muwaadin  kastaa  uu  codkiisa  u dhiibtey si xor ah oo xalaal ah,
Siyaasiyiintaa marin habaabey Waxaa wax laga xumaado ah in xubno siyaasiyiin sheeganaya oo xataa  qaarkood  ay  hormuud  ka  yihiin  Ururrada  tartamaya sidoo kaleh ay yihiin masuulo xil qaran haya, xilalkasi oo ah kuwii ugu sareeyey ee heer gobol yeesho, in    ay  ololahoodii  ay gees mareen oo xisbigoodii ay xagal daaciyeen yadoon jirin sobob alleh sobob ku kalifeysaa arinkan.
Waxa wax iska caadi ah noqotey in marka wakhtiga ololuhu soo dhawaado ay soo baxaan siyaasiyin badan oo daneystayaal ahi, oo ay ka baxaan xisbigoodii kadibna ay ku biiran ururka ama xisbiga ay u arkaan inuu noqon doono kan ku guuleysanaya talada dalka si ay marlabaad xilkii usii hayaan oo xil uga helaan, waana tan ugu horeysa ee carqalada ku ah horumarka Somaliland arigtideyda waayo ninka dawladii dhacdey ka hayey xil ee hadana tan marlabaad xil ka qabtey ma kula tahey inuu keenayo isbadal, jawaabtu waa maya sobobtoo ah fikirkiisu waa kii hore sidoo kaleh waxa’ba suurta gala ah in aanu wax cusub keeni karin madaama uu hore intii uu hayeyba u isticmaley si uu isku soo saaro.
Waxaan aad uga xumahey in labada masuul ee kala ah MAAYIR AAMIIN CUMAR DHEERE “gabiley” iyo MAAYIR CIDIN “berbera” ay noqdaan abid inta tarikhda ku suntan labada masuul ee lagu xasuusan doono taariikh xumo iyo maangaabnimo cad oo keentey iney gaf ka galaan xisbi qaran oo ka mudnaa taageero iyo olole baladhan oo ay la garab galaan.
Waxaan ku taageersanahey xisbiga “UCID”  iyo hogaamiyihiisa MUDANE FAYSAL CALI WARABE in uu dacweeyo, waxanan rajeynayaa inuu qaban doono sharciga u yaala Somaliland oo ay xataa waayi doonaan xubinimada xisbiga labadaa masuul.
Siyaasiyinta waxa ugu liita hoos u jeedka cadowga la cataaba, ee godihiiisa ceeb iyo dhaliil kula caweynaaya.
WQ. Mufkr buuni cabdi abiib
buunicabdi@gmail.com
Contact:0633560108

Goormaa la sameeyey Calanka Somaliland se waa kuma qofka ikhtiracey?

$
0
0

 

 

Waa goor habeenimo ah waxaan dhex mushaaxayaa qeybta qoraalada daabacan ee facebook “post” waxaan isha ku dhuftey qoraal diiranaa oo isoo jiitey oo yaaley barahaa bulshadu ku kulanto ee facebook waxey aheyd su’aal aad u fiicned oo mid kamida asxaabteyda uu kusoo daabacey barihisa bulshada ee facebook.

Hadaba su’aashu waxa ay u dhaceysey qaabkan fadlan I qanci? oo ii sheeg ujeedada ku duugan ee ka danbeysa calanka Somaliland? isla markaana ku lamaan ee uu sido iyo wakhtiii la aasaasey iyo waliba goobtii lagu aasaasey?. Cajiib!

sidoo kaleh waxa uu sheegey ninkaa saaxiibkey in ay waajib tahey in la helo cidii laheyd fikirkaa si aynu ugu maamusno.

Hadaba  waxa la hayaa oo la heley cidii laheyd fikirka calanka buluuga ah ee somalia. Sidaa darteed maxaa ka somaalileyn loo laayahey hadii ay jirtana dad badan uga warqabi waayeen.

Waxa la hayaa in calanka somalia ee buluuga ahi leeyahey taariikh dadbadani hayaan oo xog-ogal u yihiin cidii keentey calanka ee fikirkisa laheyd sidoo kaleh la garanayo tariikhdii la aasaasey waxaanu magaciisu yahey shaqsigaa leh fikirka calanka somalia [Ahun] Maxamed cawaale Liibaan oo ah shaqsiyadkii 60kii ka ahaa xildhibanada koonfurta Somalia isla markaana ah kuwii ugu horeyey.

Hadaba saaxiibkey Mustafe isaga oo hadalka sii wata waxa uu sheegey in xil: Maxamed uu ahaa shaqsigii fikirkaa lahaa tariikhdu markey aheyd 12 Oct 1952 sidoo kaleh wuxuu raaciyey in ay jirto ujeedo cad oo uu leeyahey calankaa midabkiisu buluug yahey isagoo soo qaadanaya wareysi uu Maxamed mar idaacad ka bixiyey In uu Maxamed sheegey in ay jirto Ujeedo cad ee uu u doortey midabkan isla markaana uu yidhi, jamciyada quruumaha ayaa waxa ay aheyd mid qeyb weyn ka qaadatey dib ugala soo noqoshadii gumeystaha xornimada taasina ay sobobtey in Maxamed calanka jamciyada quruumaha oo ah buluug uu u raaco midabkiisa si uu u tuso uguna muujiyo in Somalia ay ixtiram u hayso sidoo kaleh uu sheegey Maxamed inaanu taasi oo kaliya u doorane ay jirto ujeedo kaleh oo ku duugan calankan midabkiisu yahey buluuga taasina ay tahey in somalia leedahey xeebta ugu dheer geeska africa isla markaa uu midabkani ka turjumayo midabka biyaha bada.

Sidoo kaleh ana aan ku daree Waxaa aan maqley in xidigta midabkeedu cad yahey yadna ay ka turjumeysey ujeedo aad u fiicneyd oo ah midowgii somaliweyn laakin noqdey mid lagu hungoobey. Intaa aan kaga imaado calanka somalia iyo tariikhdiisa Hadaba hadii ay jirto oo la garanayo cidii laheyd fikirkaa calanka somalia iyo tariikhdii la aasaasey, sidaa si lamida Maxaa loo heli wayayey cidii laheyd fikirka calanka somaliland ee sadex midablaha ah. waa suaasha uu saxiibkey mustafe u socdee. Intaa wuxuu sii raaciyey in ay jirto Ilo warar ah oo uu heley in ay shegayan sobobta calanka somaliland ka danbeysa iyo waliba xiligii la samayey, laakinse ay yihiin nasiib xumo kuwo is burinayaa oo aan inbadan lagu kalsoonan Karin hadii aan la hayn cidii fikirkan laheyd ee shegan laheyd.

  1. waa xogta ugu macquulsan een ilaa hada hayo lakin xogaha oo badey iskuna eeg eeg waxey keeneysaa khilaaf iyo isburin“Waxaa LA sameeyay sanadkii 1997 kii shirkii hargeysa ee marlabaadkii lagu dooranayay MAXAMED Xaaji Ibraahim cigaal waxaana sameeyay “Muraad cabdala saalax” oo ahaa nin arts ah oo asalkiisu yahay Carab reer awdal ah iskana lahaa gurigii udub ay Ku jirtay ee madax tooyada ka danbeeyay

Calankii hore wuxuu ahaa calan midabkiisa cadaan tahay dhexdana doogo goobo ah Ku leg tawxiidkana goobada Ku wareegsan tahay tusaale Ayaan calanka jabaan usoo qaadanayaa, halka goobada casaanka uu ku leeyahay ayuu keenuna ka lahaa goobo aqtar ah tawxiidkana Ku wareegsan tahay markii danbe aayaa kan lagu badalay Ina cigaal markii calankaan oo samaysan loo keenay ayuu Ku kordhiyay xidigta madow ee dhexda Ku taal dib ayuu “Muraad” ugu daray fikirkii ugu Ina cigaal Ku kordhiyay ee xidigta meadow sidaas ayeey ahayd

 

 2_waxa jira war kale oo shegaya in calanku yahay kii jabhadii SNM oo wakhtigaa uu midabka casaanka ahi uu sareeyay dababdeena markii dalka la xoreeyay 1991kii midabka dooga ah LA saraysiyay halka midabka casaanka ahna LA hosaysiyay iyadoo looga gol leyahay inuu dhamaday wakhtigii dagaalku isla markaan LA galay wakhtigii nabada iyo barwaqda

3_waxa jira tariikh kale oo aan maqlay oo odhanaysa calankaa waxa bixisay dawldii ingiriiska wakhtigii gumaystaha ,oo Somaliland Lola dhaqmi jiray qab maamul hosaad hase yeshee warkaas isagunu wuu jiraa, dhawr odhahood oo kala duwan ayaan ka maqlay arinta calankeena lkn ilaa iminka ma hayo hadalka saxda ah oo Ku sabsan midka xaqiiqada ah,

calanku wuxuu kamida yahay waxyaabaha ka turjuma dad iyo dal noloshooda taariikhdooda amase dhaqankoodba , waana muhiim in qofkasta oo muwaadin ahi uu ka hayo xog Ku sabsan calanka uu hadhsanayo.

Waxaan dhaliil u haynaa wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo ka gaabsatey in ay manhajka dugsiyada ku darto taaariikhda wadankooda si loogu dhigo barbaarta wax baraneysa ee aan loo dhigin taariikho shisheeye oo aan wax macne balaadhan ah u sameyneyn.

W/Q; Mufkr Bouni Abdi Abeib

buunicabdi@gmail.com

gabiley Somaliland

contact: 25220633560108

Awooda-Dadka iyo Tartanka Salmiga ah

$
0
0

Si aynu u ogaano ama u fahano mucaaradnimada, tartanka siyaasadeed iyo taageerada xisbi Qaran ama musharax qaran, waa in aynu marka hore fahanaa muxuu yahay nidaamka aynu hogaan ku xulanaa. Somaliland ahaan waxaynu haysanaa ama ayidsan nahay nidaamka dimuquraadiyada ama wax wada lahaanshaha sidaa darteed waa in aynu ka dharagsan nahay dimuquraadiyadu waxa ay tahay. Dimuquraadiyad, oo ah kalmad qalaad oo ka timi luuqada Ingiriisiga (democracy), waa mid lagu qiyaaso inay dhalatay qarnigii 16 dhamaadkiisii. Waa kalmad Latin ah oo ka kooban laba eray oo kiiba macno gooni ah sito; 1. Demos oo ah macnaheedu dadka, iyo 2. Kratia oo macnaheedu yahay xukunka ama awood. Labada kalmadood marka laysu geeyo ayay sababeen macnaha ah demokratia amd democracy oo turjun keedu yahay xukunka ama awooda dadka. Dimuquraadiyadu waa awooda dadka oo macnaheedu yahay in dadku ay xor u yihiin doorashada cida hogaan u noqonaysa iyo cida aan sifo sharci Qaran u lahayn talada dalka. Dal ay ka shaqeyso dimuquraadiyad waa dal ay xukuntaan shacbiyadiisu oo ay talada u dhiibtaan cida ay doonayaan cida ay diidaana ka xayuubsadaan mas’uuliyada ay qaranka u hayaan. Dadka ayay u taalaa iyaga oo maraaya sifaha sharci ee qaranka inay la xisaabtamaan cida ay hogaanka iyo talada u dhiibteen.

Nidaamka dumuqiraadiyada ayaa tusaalaynaaya in qaranku wax wada leeyahay cida talada qaranku ay ka go’daana tahay shicbiyada ama bulshada qarankan iska leh oo ah markaa tirade ugu badan (majority). Somaliland waxaa cod shacab ku yimaadaa waa Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa, hogaanka Aqalka Sharci’dejinta (Chairperson of House of Parliament), xubnaha Aqalka Sharci’dejinta (Members of Parliament; MPs), iyo xubnaha golaha deegaanka (Councilors of the Municipality). Hadaba, dadkan aadka u tirada yari waa shaqaale Qaran oo ay qorteen bulshada inteeda kale. Qof kasta oo ka mid ah hogaamiyeyaasha xilaalka kor ku xusan ma helayaan jagooyinka ay u tartamayaan ilaa ay ka helaan bulshada cod aqlabiyadeed. Hadaba, mudada ay shaqsiyaadka jagooyinkan ama xilalkan Qaran u tartamaya ayaa ah mudada ay iskaga dhaadhicinayaan bulshada ee ah inay si waafi ah u sharaxaan guulahoodii hore (their curriculum vitae) iyo guulaha ay doonayaan inay inooga midho dhaliyaan (their political agendas/manifestations). Cod bixiye kasta oo bulshada ka mid ahi waxaa ku waajib ah in uu iska naqeeyo CVs ka iyo qorshayaasha siyaasadeed ee ay xil doonayaashani codka inagaga raadinayaan.

Sidaas oo ay tahay ayaa codbixiyuhu noqon karaa mid taageeradiisu tahay rasmi oo si joogto ah u taageera xisbi ama musharax khaasa oo markaa uu u arko in uu la mab’da yahay ama isku aragti yihiim marka loo eego dhinaca hogaanka dalka iyo geedi-socodka qaranka guud ahaan. Sidoo kale waxaa jira cod-bixiyayaal iyagu markaas saaxada ku soo biira oo weli aan go’aan rasmi ah oo ay cid khaasa ku taageeraan aan qaadan. Cod-bixiyayaashan cusub (new voters) ayaa had iyo jeer hawl badan iska saara xulashada cidii ay codkooda siin lahaayeen. Waa cod-bixiyayaashan kuwa ay xisbiyadu tartanka u galaan sidii ay codkooda u kasban lahaayeen. Cod-bixiyayaashan cusub ayaa sabab u ah in xisbiyada tartamayaa malaayiin doolar awgood u kharash gareeyaan si ay u qanciyaan oo kasbdaan kalsoonidooda.

Xisbi kasta oo ku tartamaaya doorashooyinka ayaa diyaarsada qorshe siyaasadeed qeexaaya sida ay hogaanka dalka ku fulin lahaayeen mudada xileedka iyo arimaha ay siinayaan muhiimada 1aad. Xisbigu waxa uu ku olaleynayaa in qorshaha ay wataan uu dabooli doono baahiyaha guud ee qaranka isla markaana saameyn wanaagsan ku yeelan doono baahiyaha shaqsiga. Xisbigu waxa uu ku olaleynaya in qorshahiisu ka mudan yahay ka xisbiyada kale ee la tartamaaya isaga oo markaa is barbar dhigaaya labadooda qorshe siyaasadeed. Sidoo kale waxa uu is barbar dhigayaa tartamayaasha matalaaya xisbiyada oo uu markaa ku doodaayo in murashaxiintoodu yihiin kuwa ugu haboon ee qorshaha ka midho dhalinaya qarankana ku hogaaminaaya guulo wax ku ool ah iyaga oo uga markhaati kacaaya wax-qabadkoodii, waayo’aragnimo, iyo aqoonta ay markaa u leeyihiin ka midho dhalinta qorshayaasha hogaanka qaran.

Hadaba, hadii ay xaqiiqadu tahay in shicibku leeyihiin awooda ay kusoo saarayaan cida hogaaminaysa mudo xileedka markaa loo tartamaayo, isla markaana waajib qaran ka saran yahay xulida mas’uul u qalma xilka qaran, miyaanay shicibka codbixiyayaashu u qalmin in si aqoon, xirfad, iyo xilkasnimo leh loo qanciyo oo lagaga kasbado codkooda iyadoon markaa la caayin garaadkooda?

Ujeedad kuwaad ee aan qoraanka u diyaariyay ayaa aheyd tusaaleyn ku wajahan olole siyaasadeed kusheega ay codka ku doonayaan qaar ka mida xisbiyada isu diyaarinaaya doorashooyinka tartanka jagada madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee sanadkan 2017 ka.

Waxaa goobaha barta intarneedyada ee bulshadu ku kulanto iyo saxafadaha gaarka loo leeyahay loo adeegsadaa in lagu fuliyo nidaamyo aad u foolxun oo lasyku dayaayo in lagu taageero xisbi gaar ah ama lagu jabiyo xisbi mucaarad lagu yahay. Waxaad malin walba arkaysaa dhalinyaro, wayeel, mas’uuliyiin iyo haween ku kacaaya ficilo qalaadood oo ka hor imanaaya dhaqanka Islaamka iyo ka dhaxal-galka ah ee dadka reer Somaliland; waxaa taageero la bidayaa in la af-lagaadeeyo shaqsiyaad qarankani la’aantood aanu jireen ama heerka uu manta maraayo aanu joogeen shakhsiyaadkaas oo ah sumad qaran. Waxaa si joogto ah loo faafinayaa sawiro khaldan iyo been abuur badan si loo dhaawaco sumcada dad mas’uul ah. Waxaa la taqaaqufinayaa lana awaadhayaa dad Islaam ah oo lala jecleystay in ay tii Allahba ka horeeyaan. Waxaa la dambabasayaa isla markaana biyo col dhaanshay laga dhigayaa waxqabdaka qaran 26 sano jira. Waxaa la quudhsanayaa malaayiinka qof ee ku dhaqan dalkan Somaliland oo laga dhigaayo in sankooda hoostiisa saan qudhuntay la gogladay oo ay markaa dareen u yeelan waayeen am ay ka diidhiyi kari waayeen. Waxaa si kasta loo caayey caqligii umada laga rabo codka.

Hadii dimuquraadiyadu tahay wax-wadayeelasho iyo awood-bulsheed, codka iyo taageerada codbixiyayaashana lagu kasbanaayo qorsheyaal siyaasadeed oo hufan iyo shaqsiyaad tayo ku leh qarankooda dhexdiisa, maxaa sababay in olalihii codka lagu raadinaayey loo badalo mid si foolxun loo fuliyo oo halkii wax wanagasan lasoo bandhigi lahaa lagu mashquulo adhax jabinta taariikhda iyo wax-qabadka qaranka iyo shaqsiyaadka maan, maal, iyo muruq-gashaday qarankan?

Waxaan faaladeyda kusoo ururinayaa in sadexdan arimood ee hoos ku xusan shaqsiyaadka iyo xisbiyada qaar fiiro gaar ah u yeeshaan:

  1. Mucaaridada; mucaarad oo tax dhaliilaha go’aamoda aad saluugsan tahay adigoo dul istaagaaya qodobada salka u ah dheeliga go’aankaas isla markaana taxaaya xalkii arintaa aad aaminsan tahay inay murugtay.
  2. Soo bandhig qorshahaaga siyaasadeed ee aad ugu talo gashay in aad dalka iyo dadkiisa ku hogaamiso mudada xilka. Is barbar dhig qorshahaaga iyo kan cida aad mucaaridayso oo ku qanci cod-bixiyaha sababta kaagu u istaahilo xulasho
  3. Taageer musharaxaaga adiga oo faahfaahin ka bixinaaya shaqsiyadiisa, aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa, iyo wax-qabadkiisa uu qaranka kusoo kaabay intii aanu xilka hogaanka isku soo sharixin

Waxaan aamin sanahay in taageerihii ama xisbigii sadexdaa qodob laga waayaa uu yahay mid aan kalsooni isku qabin kana heli doonin kalsooni cod-bixiyayaasha isla markaana ah candho doonaysa in dadka inta kale ee hagaasan ay marto. Waa qaran dumis aan istaahilin codkeena iyo saameyn ay ku yeeshaan go’aanada qarankan. Waa fanto, xasad, iyo juhalo doonaaya inay sababaan kala-fogeyn iyo dibu dhac hanaanka dimuquraadiyadeed ee dalkani ku sifoobay.

Cod-bixiye u fiirso cida qorshe siyaasadeed kaa iibinaysa adigoo baandhaysanaaya tayada qorshahooda. Ka marag-kac hogaan waxtar leh oo danta dalka iyo dadka u heelan adigoo jeydaalinaaya waxqabadkiisii hore.

Qalinkii Salma A. Sheikh

Nin xun waxa soo saara nin wanaagsan oo codkiisa la aammusay by Ahmed Hassan Arwo

$
0
0

WAXA LA YIDHI NINKA XUN WAXA SOO SAARA INTA AAN CODEYN.

Ninka Maraykan waalay ee Trump, waxa la xaqiijiyey inuu guusha Ku helay inta diidan een codeyn. Waa qaar maanta murugo iyo ciil dhexda farta ka qaniinay oon ladin.

Ruux lala baryaayo inuu doorto cidda hogaamin doonta ee ay taladoodu u dhiibanayaan, ma heli karo waxa u rabo. Waxa la sheegay in qurbojoogu ugu badan yahay dadka ugu hor qaatay. Qurbajoog waxuu yaqaanaa qiimaha ay leedahay doorasho. Waxuu waliba abaabulaa wacyogelinta muwaadinka, iyagaa hormood ka ah dadka isku xilsaaray inay si muwadacnimo ah arrinta xisbiyada iyo doorashada uga hawlgalaan Maal, talo iyo tacabba.

Haddaba muwaadin u toos waajibka dalku Kugu leeyahay. Haddaad kaadhka qaadan weydo ma heleysid fursad aad wax Ku yeelato talada dalka. Mana ka caban kartid ruux aadan dooran, ma heli kartid fursad aad filirkaaga u gudbiso. Waxaad noqon ajnabi dalkiisa jooga. Kolka kii codeeyey taladiisu dalka ka talin doonto.
Ogow kaadhkani Waa mid loo isticmaali doono


Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin

$
0
0

Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaar tahay inay ku codayso musharax.

Balse raga hadaladaa kazoo yeedhaya waxay indhaha ka qarinayaan xaqiiqda jirta inay sidaa ku dawan tahay jiraana aqoon yahan fahansan mas’uulka ku haboon inay talada dalka u dhibaan una codeyaan.

Dadka codeeya waa dhalin yaro, dhalinyaradana manta ninka la saxiiba ee soo dhawaysta ayaa ka helaya codka, waxuuna noqonayaa musharaxa ku guulaysan doona talada dalka.

Hadaynu tusaale soo qaadano xisbiga kulmiye markii ururada la furayay waxuu ahaa xisbi ay dhalinyarada ka dhex muuqato halka ururkii sahan uu isagana ahaa mid ay dadka waawayn ku bahoobeen balse waxaa awood batay xisbigii dhalinyarada ay daa dihinayeen ee ahaa kulmiye.

Waxaa intaa dheer manta cida codaynaysa ee isbadalka u baahan waa dhalinyarada jamhuuriyada Somaliland waxayna u baahan yihin kuwii dadka hore u boobay iyo kuwa manta boobaya inay dalka taladiisa kala wareegaan.

Waxaa intaa dher kuwa cardka qaadanayaa waa dhalinyaro, dhalinyaradaas waxay arkaan ragii waa waynaa oo leh musharaxan ayaan idin wadaa markuu talada ku guulaystana anagaa idin daba galayno oo idinkaga soo qaadayno waxa aad xaqa u leedihin, ee doorkan arinka sidaa way ka duwan tahay, oo waxaa la raacayaa ninka faceka hore soo dhigta dhalinyarada, dadka waa wayna nasiya.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan musharaxa aan soo jeedinayo dareenkisa waxaan leeyahay xaqiiqda haka tagin, kuwan ku hareera socda lama ogola oo way calaamad sanyihin mas;uuliyintan magacoodu loo soo shirkoodu  waa inta ay xilka hayaan.

mohamed osman <awaadan5@gmail.com>

Afar qodob oo Faysal Cali-waraabe kaga fursad badan yahay musharaxiinta kale inuu dalka ka noqdo madaxwayne.

$
0
0

WQ Mahdi Ismaaciil

Waxaan idinla wadaagayaa 4 qodob oo Musharaxa Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe uu kaga chance badan yahay musharaxiinta kale inuu dalka madaxwayne ka noqdo Doorashada 2017.

  1. In Faysal cali waraabe kaga aqoon badan yahay habka ololaha iyo doorashada madaxwayne nimo isagoo kaga faa’iidaysanaya khibradii uu kasoo bartay labadii jeer ee hore ku guul daraystay doorashada dalka(Failure teaches you success) ama” guuladaradu waxay ku bartaa wadada guusha” inagoo u eegnayna labada musharaxa kale ee la tartamaya oo ay tahay marki koowaad ee ay u tartamaan kursi madaxwayne nimo.
  2. In faysal cali waraabe Sanadkan marka aynu barbar dhigno xiliyadii hore ee dalka doorashooyinkii hore ka dhaceen musharaxiintii la tartamayay ee Madaxwayne Daahir Rayaale oo xukunkii dalka hayay, xulafo siyaasadeed oo wanaagsana dalka ku samaystay iyo Madaxwayne siilaanyo oo Sanadkii labad siyaasad uu ku hantay populationka somaliland oo dhan xidhay sidiina ku guulaystay ay labadooduba ka saamayn siyaasad duwanayeen kana xogogaal sanaayeen dalka markaynu musharaxiinta imika barbar dhigno ee muuse iyo Cirro.
  3. In faysal cali waraabe Sanadkan xisbiga Ucid ugu talogalo inuu musharaxa Madaxwayne ku xigeen muddo laga joogo 26 sano ka dhigo Markii koowaad Gobolada beriga Somaliland taaso u sahlaysa inuu ku kasbado Siyaasada cusub shacbi waynaha somaliland ee jecel isku xidhka umada Dalka .
  4. In faysal cali waraabe iyo Xisbiga Mucaaridka Ucid ay sanadahii u Danbeeyeen ka qayb qaadanayeen mashaariicaha horumarineed dalka Xukuumada Madaxwayne siilaanyo ka hirgalisay ee DPworld iyo UAE miltary Base iyo u furustii Wada hadalada Khaatumo oo Guul ku dhamaaday.

 WQ: Mahedi ismail

Gmail: mahedi.alsomal@gmail.com

Gabadh kasta oo qurux badani ma aha mid qalbi wanaagsan, balse gabadh kaste oo qalbi wanaagsani waa ay qurux badan tahay!!

$
0
0

Ruux dumar ah oo aad u laf wayn, dheer, garbo waawayn wajigeedana laga cabsanayo ayaa xafiis qareenno (Lawyers) soo gashay. Isla markiiba qareennadii ayaa midh midh u baxay.
Xafiiskii waxa ku soo hadhay gabadh aad u da’ yar oo ku cusub shaqada.
Iyada oo hadalkeeda uu ka muuqdo cabsi iyo warwar badan ayaa waxa ay waydiisay maxaan kuu qabtaa?
Gabadhii : Waxaan ahay haweenay dumar ah oo ragu ka firdhadaan ilaa ay da’daydu buuxisay 40 jir, aniga oo maalin gurigayga hor fadhiya ayaa waxa ii timid gabadh aanu jaar ahayn, waxay igu tidhi nin maal qabeen ah ayaan kuu hayaa waxaanuu leeyahay 4 caruur ah oo hooyadood geeriyootay.
Waxa kaliya uu rabaa in uu ku guursado balse hal shardi, In aad xaas u noqoto hase yeeshee aad wax xuquuq ah waydiisan.
Aniga oo dhinacyada jalleecin ayaan aqbalay.
Sannadadii ayaa is daba maray aniga oo caruurtiisii sidii ubad aan dhalay u daryeelaya, noloshoodii ayaan farxad iyo raynrayn kusoo kordhiyay, waxaanu isku noqonay hooyo iyo ubadkeed.
Kama dambayntii waxaan ku guulaystay qalbigiisii oo dunida inta ku dul nool aniga ayuu iigu jelcaaday iina dhamaystiray xuquuqdii ay xaasku saygeeda ku lahayd.
Hadaba maanta waxaan kuugu imid, ninkaygii waa uu geeriyooday, waxaanuu iiga tagay maal badan oo malaayiin kor u dhaafay, caruurtiisiina waa ay isku raaceen in aan xoolahaas xaq u yeeshay!
Hase ahaatee anigu waxaan rabaa in aan sida ay xoolahaasi u dhan yihiin caruurta u qaybiyo, waraaqihii uu ninkaygu ii saxeexay waa kuwan si aad hadalkayga u rumaysatid.
Gabadhii qareenka ahayd oo ka fajacsa xoolaha looga tagay ayaa fajac iyo layaab afka kala qaaday, iyada oo qajilaad iyo naxdin la anfariirsan ayaa waxa ay waydiisay maxaad u haysan wayday xoolahan oo aad adigu ugu takar fali wayday?
Waxa ay ugu jawaabtay: Maya, Ilaahay waxa uu iga siiyay reerkayga kalgacayl iyo farxad aan noloshayda ka quusatay, Ilaahii farxadaas iyo raaxadaa qalbiga isiiyay ayaan ugu mahad naqayaa mana u baahni wax kale oo dunida dusheeda yaalla!
Maahmaah ingiriisi ah ayaa marka la turjumo macnaheedu yahay (
Hadii aad dhamaysatay sheekada fadlan la wadaag asaxaabta, hakala bakhaylin wanaaga.

Ka Faaidaysi Wacan

Diyaarintii: Wariye Mustafe Shawahaaye

Hoggaamiyaha Bulshaawiga Ah VS Igu Sawir: W/Q Mawliid Cali-dhure

$
0
0

Hoggaaminta bulshaawinimada leh waa tan hoggaamiyuhu si dabacsan ku raadiyo xidhiidh wanaagsan oo farxad leh in uu la yeesho bulshada. Hoggaamiyeyaasha bulshaawiga ah waa kuwo saaxiibtinimo leh, jecel in ay dadka dhexqaadan, hab-dhaqan fiican, xeelad badan oo diblamaasiyad leh. Waxay xasaasiyad ka qabaan baahiyaha dadka iyaga oo degdeg uga jawaaba, islamarkaana tusa siday u danaynayaan wanaaggooda. Waa kuwo leh xirfadda dad la dhaqanka, islamarkaana abuura jawi iskaashi oo ay la leeyihiin dadka ay hoggaaminayaan1.

Tusaale ahaan: Michael Hughes wuxuu ahaa hoggaamiye weyn oo jaamacadeed, Waxa uu danayn jiray ama door bidi jiray in uu dhex socdo  Kambaska jaamacadda oo salaamo ardayda, shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kulliyadaha kala duwan. Marmarka qaar waxa uu dhex tagi jiray Meheraddaha(Cafeteria) laga nusa-saceeyo isaga oo ardayda waydiisan jiray in uu la fadhiisto iyana ay soo dhawayn jireen. Waxa uu isticmaali jiray qoraallo uu ku boggaadinayo ardayda, kulliyadaha iyo hawl-wadeennada shaqada fiican qabtay, kuna ogaado baahiyahooda. Ardaydu waxay ku qiimeeyeen hoggaamiye la heli karo oo si sahlan loola qabsan karo, halka kulliyaduhuna ku qiimeeyeen in uu ahaa qof siyaasad albaabo furan leh ku dhaqma2.

Hoggaaminta waxa loo qaybiya laba nooc oo kala ah: Hoggaamin u dhalasho ah(Trait Leadership) iyo hoggaamin barasho ah(process). Hoggaamintan waxay ka mid tahay nooca u dhalashada ah ee ay dabada ka riixayaan waxyaabo qofka ku oogan oo ah tayo ama karti u dhalasho ah in uu daneeyo wax ka qabashada baahiyaha bulshadiisa, islamarkaana dhibta iyo dheefta la qaybsado. Waa arrin la baran karo laakiin, kollay aan lagu gaadhi Karin qofka ku soo dhashay hibada noocan ah.

Horraantii 2016 markii diwaangelinta codbixiyeyaashu ka bilaamatay gobolka Togdheer ee Somaliland waxa halkaasi ku loolamay musharraxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo musharraxa  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro). Waxa ololahaas ka soo noqday sawirro si weyn looga falceliyay oo ay ka mid ahaayeen Musharrax Muuse oo la sawiray isaga oo lisaya hal wayd ah oo duruuf ba’ani ka muuqato iyo Musharrax Cirro oo Mooya Saxo ku qulaaminaya waxar yar, marna qoys uu goor habeen ah taakulo siinayay la daba siday khashaafad si loogu sawirro. Bulshadu arrintan waxay ka soo saartay hal hays ah ‘Igu Sawir’ taas oo macnaheedu yahay in madaxdii is tusnimo waddo halkii  ay xoogga saari lahayd waxay dadka tarayaan.

Waxa taas baro dhaafiyay madaxda Soomaaliya loo doortay ee Farmaajo iyo Khayre oo dhawaan uu ku kacay duufaanno loo bixiyay ‘IGU SAWIR” ololahani wuxuu soo bandhigay sawirro boqolaal ah oo madaxdu iska qaaday iyada oo hawlo ka qayb galay laakiin, markii loo fiirsaday muhiimaddu aanay ahayn in ay hawsha qabtaan ee ay ahayd in ay isku sawirraan oo bulshada samcad kaga raadiyaan.

Hoggaamiyeyaashu waxay bulshada ku soo jiitaan ficillada wanaagsan ee khuseeya danahooda guud. Hoggaamiyeyaashan Soomaalida ee ay ahayd in ay waxay qabanayaan bulshada ku soo jiitan waxay u muuqatay in ay lidka tagtay oo loo arkay madax is-tusiin ah taas oo aanay bulshadu jeclaysan sawirrada madaxdu faafinayso tallaabo kasta oo ay qaadan.

Tusaale ahaan; Musharraxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ku fiican yahay in uu bulshada la wadaago dareenkooda sida: in uu guryahooda ama cisbitaallada ku bookhdo dad xanuunsanaya ama uu tacsi ugu tago qoysas geeri ku dhacday, in uu noqdo qofka u horreeya ee bookhda ama waxtara dad tabaalaysan oo saxaafaddu soo tabisay xaaladdooda, waxaase nidaamkan fiican ee dareen qaybsiga ah dhalliil u soo jiida in uu kaxaysto koox wariyeyaal ah, islamarkaana sawirro iyo muuqaallo laga duubo kadibna dadka dhalliilsan ku dhejiyaan fasiraad ah in ay is tus-tus ka tahay. Hoggaamiyaha Kulmiye Muuse Biixi kuma fiicna arrimaha noocan ah, waxa se suuro gal ah in uu ku fiican yahay waxyaabo kale sida: in uu ku fiican yahay toosnaanta ama raacista sharciga oo loo arko nin adadag oo nidaamkiisa toosnaan laga filan karo.

Gabogabo: Inkasta oo ay jiraan habab badan oo hoggaamineed Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambeeyay u arkay in sida kaliya ee ay dadka ku soo jiidan karaan tahay in ay bulshada la socodsiiyaan oo baraha bulshada iyo warbaahinta u mariyaan tallaabo kasta oo ay qaadayaan, iyada oo marar badan ay bulshadu ku mashquulan sawirro la naqdiyayo qolana difaacayso. Waxa habboon in taageerayaasha xisbiyadu darsan ama bartaan hadba hannaanka hoggaamineed ee musharraxoodu ku fiican yahay si ay ugu iib geeyaan waxyaabaha uu ku fiican yahay.

Xigasho:Leadership Theory and Practice, 20131/2

Mawliid Cali-dhure

Suxufi/Siyaasadda waxka bartay

Mawliid2014@gmail.com

Toban Talo oo ku socda Madaxweyne Muuse iyo Xukuumaddiisa..?Qallinkii. SCC. Kalshaale

$
0
0

Waxa aan la hadlayaa Madaxweynaha cusub iyo Xukuumaddiisa, waxaan leeyahay ‘Xilku maaha siyaasi maanta..’

Arraar

Laga soo bilaabo sanadkii 2014-ka, waxa aan safarro shaqo oo kala duwan ku tegay Gobolada dalka badankooda, gaar ahaan Deegaamo badan oo hoos-yimaada Gobolada Maroodi-jeex, Saaxil, Awdal iyo Togdheer, kuwaaasoo aan inta badan u tegay booqasho-howleedyo qayb ka ahaa xaqiiqo-raadintii gurmadka Abaaraha oo aan si mutadawacnimo ah deegaamo badan u tegay si aan xaallada Bulshooyinka ugu kuur-galo, ugana soo gudbiyo warbixinno.

Waxa kale oo jiray kormeerro Saxaafaddeed oo aan ku tegay Gobolada qaar markii ay Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu socotay, ujeeddaduna waxay ahayd in aan xog ka hello sida Bulshada loogu wacyi-geliyey Diwaan-gelinta iyo fikirka ay shacbigu ka aaminsan yihiin Doorashooyinka.

Guud ahaan socdaallaydaas oo ku jaan-go’naa xog-urruurin, xaqiiqo-raadin iyo wacyi-gelin, waxaan ka bartay dhowr arrimood oo aan filayo inaanay dadka badankiisu darreensanayn, waxaana kamid ah:

Inaanay Dawladnimadu si fiican u gaadhin, isla markaana uga shaqaynin Degmooyinka iyo deegaamada ka baxsan Caasimada Gobolada dalka

Inaanu wanaagsanayn ama aanu jirrinba xidhiidhka Dawladda iyo shacbiga reer guuraaga ah ama Beeralayda ah ee ka durrugsan magaalooyinka waaweyni, hadduu jirrona ahayn xidhiidh ku dhisan habkii loo baahnaa.

Inaan adeegyada dawladdu bixisaa dhaafin Magaalooyinka waaweyn, hadday dhaafaanna aanay ahayn kuwo tayo iyo tamar fiican leh.

Waxaan ogaaday in Dadka xoollo-dhaqata ahi Dawladda u yaqaannaan shay manficiisa Dadka xilalka hayaa ku nool yihiin, iyaguna waa dadka aanay dawladnimadu saameynne loo baahdo marka codka laga doonayo.

Waxaan ogaaday inaanay Bulshadaasi wax rejjo ah ka qabin waxqabad dawladnimo oo dhaafsiisan Jiidh-jiidhka xilliga lagu jiro Ololleyaasha Doorashada.

Waxaan ogaaday in Hay’addaha Ajaanibka ah ee dalka jooggaa kuwa Dawladda uga xoggogaalsan yihiin baahiyaha ka jira Deegaamada dalka qaarkood oo aad arkayso meello laga fuliyey mashaariic ay Hay’addo ajaanib ah hir-geliyeen oo aanay ka muuqan raaddadkii dawladda dalka xukuntaa.

Waxaan ogaaday inaanay Hay’addaha nabad-gelyada iyo kuwa arrimaha Bulshada ee Dawladdu si fiican uga howl-gelin badi Degmooyinka iyo tuullooyinka dalka ee ay shaqaddoodu ku kooban tahay Magaallooyinka waaweyn.

Waxaan booqday Magaallooyin go’doon kaga jira dalka intiisa kale oo aan Xafiis dawladdeed ka furnayn, dadkuna ii sheegeen inay cid dawlad ka socota arkaan marka Doorasho jirto oo qudha, waxaanan tusaale u soo qaadanayaa Tuullada la yidhaahdo DALLAW oo ku taalla Buuralayda Koonfureed ee Gobolka Saaxil, sidaan  filayanna hoos-tagta maamul ahaan Degmada Abdaal.

Deegaankaas waxa ku dhaqan  Bulsho Beer-xoollo dhaqato ah. Nawaaxiga Tuullada DALLAW waxa ku yaalla Beero badan oo khudradu ka baxdo, waxaana aad uga baxa Cambaha iyo noocyada kale ee Khudrada Furuudka ah.

Gudaha tuulada waxa deggen Dad lagu qiyaasay laba kun oo Qoys, waana magaallo wakhti badan jirtay oo Ganacsi leh.

Sidaasoo ay tahay, Saldhig Boolis kuma yaallo Tuullada, Xafiis dawladdeed oo kalena hadalkiisaba daa.

Dadka Tuulladu waxay ii sheegeen inay aaminsan yihiin inay Dawladda Somaliland u shaqayso Dadka degen Laamiga iyo Magaallooyinka waaweyn “annagu Taakullo iyo Tacab kale toona kama helno Dawladda aad sheegayso…maalinta Doorashada ayuunbaanu aragnaa Dad cod naga doonaya” sidaas ayey ii sheegtay Haweenay Dabakaayo Bagaashka lagu Iibiyo ku haysata badhtamaha Magaaladaas.

Tobannaan Degmo iyo deegaan oo kale oo aan midka ugu yar saacado la sheekaystay Shacbiga ku nool, ayaan kala kulmay cabashooyin iyo cuqdad laga qabo Dawladda, iyadoo dhaliilshana marba Xisbiga xukunka haya ama Madaxweynaha eedda la saaro.

Hambalyo iyo Boggaadin

Haddaba, anigoo ka duullaya xoggogaalnimadayda xaaladda dhabta ah ee ka jirta berriga ka baxsan Bandarada waaweyn ee iyagaba baahida aasaasiga ah laga cawdo, waxaan jeclaystay inaan Madaxweynaha cusub ee xukunka la wareegay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Gollihiisa Xukuumadda la wadaago tallo-soo-jeedin kooban oo wax lagaga qabanayo arrimahaas.

Sidaas-darteed marka hore,  Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada cusub waxaan leeyahay Hambalyo, xillalka Alle ha idiin fududeeyo.

Mar labaadka Madaxweynaha waxaan ku hambalyeynayaa oo ay Bulshada inteeda badani ku bogaadinaysaa xubnaha uu u xushay Golaha Xukuumadda oo u badan dhalinyar aan odhan karno waa dad xoggogaal u ah xaaladda dhabta ah iyo xaqiiqada ay la noolshahay Bulshada Somaliland.

Mar saddexaadka waxa Madaxweynuhu ammaan ku mudan yahay inuu Golaha Wasiirrada u magacaabay Ashkhaas aan Baasboorro kale wadan, isagoo meesha ka saaray qurbo-jooggii dalka qabsaday todobadii sanandood ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo talada haysay.

Mar afarraadka, waxa Madaxweynaha in lagu bogaadiyo oo lagu hambalyeeyo mudan arrinta ku saabsan in Golaha Wasiirradu Hantidooda gaarka ah Diwaan-geliyaan, inta aanay xilalka la wareegin, waxaanan qodobkaa ku tahkiidin lahaa inay Bulshadu markhaati ka noqoto arrintaasoo oo qalabka saxaafadda lagu soo bandhigo intii suurto-gal ah Hantida masuuliyiinta la magacaabay, si ay meesha uga baxdo saska iyo su’aasha laga qabo xatooyada ama musuqmaasuqa Hantida umadda, masuulka lagu qabto hanti-lunsinna hadhow Maxkamadda loo wada saarro.

Talo iyo Tilmaamo

Intaa markaan ka imaado, waxaan tallo iyo tilmaamo uga dhigayaa Madaxweynaha iyo Golihiisa cusub qodobadan soo socda;-

  1. waxa iddiin taala shaqo culus oo u baahan deddaal iyo daraasad hor leh.
  2. Wuu dhamaaday wakhtigii Siyaasaddu,waxa la gaadhay xilligii Shacbiga loo shaqeyn lahaa ee la fahmi lahaa micnaha dawladnimada ee uu Muwaadinku heli lahaa xaqiisa, isna baran lahaa xaqa lagu leeyahay.
  3. Shaqada dawladdu maaha Xafiiska oo la fadhiyo, Waraaqo lays dhaafsado iyo Mashaariic Hay’addaha laga dalbado, balse waa Abaabul, Wacyi-gelin iyo Jiheyn, taasoo ah dhabaha lagu gaadhayo waxqabsiga iyo isku-filnaanshiyaha dal.
  4. sidoo kale Shaqada dawladdu, waa ‘hoggaamin, haggid ,haggaajin iyo hir-gelin’.
  5. sidaas darteed, Wasiirrada cusub iyo masuuliyiinta kale ee Dawladdaba waxa laga rabbaa inay dib ugu noqdaan bulshada oo ay xoggogaal u noqdaan nolosha ay ku nooshahay ee looma baahna inay Xafiisyada fadhiyaan oo ku sugaan shaqada.
  6. Waxa laga rabbaa inay dhamaantood noqdaan shaqaalle u carbisan maamulka iyo hogaaminta.
  7. Waxa laga doonayaa inay shaqaalaha Wasaarradahooda ku hogaamiyaan fulinta adeegga ee looma baahna inay Hudheellada Bunka iyo Liinta ku cabaan, sidii looga bartay ama dhaqanka u ahayd Masuuliyiin badan oo ka tirsanaa Xukuumadda xilka wareejinaysa.
  8. Waxa laga rabaa inay dawladda iyo dadka isgaadhsiiyaan oo Shacbiga lagu carbiyo bixinta Cashuurta iyo Tacabka, taasoo qayb ka ah hannaanka Maamul-daadejinta.
  9. Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa looga fadhiyaa, lagana filayaa inay Shacbiga ku soo dabaallaan dhaqanka suubban iyo Asluubta, lagana saarro qabyaalada iyo fool-xumadda sida Fayriska ugu fiday oo diciifiyey awooddii dadnimo iyo wada-noolaanshihii Bulsho.
  10. Madaxweynaha cusub waxaan kula talin lahaa inuu Laamaha Xisbigiisa ee Gobollada iyo Degmooyinka awood loo siiyo inay madaxda Xafiisyada Dawladda ee heer Gobol, Degmo iyo deegaan kula xisaabtamaan fulinta iyo ku shaqeynta Barmaamujka Xisbiga, taasoo keenaysa isla-xisaabtan iyo dar-dar gelin Dawli ah oo si togan oo la taaban karo u gaadha mujtamaca Somaliland oo dhan.

Allaa Mahad leh

Wariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: curad1986@hotmail.com

Tel: 00252634229772

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live