Suldaan Max.ed Suldan C/qaadir, Safiya Suldan Cabdilahi, faadumo Suldan Cabdilahi, Hodan Suldan Rashiid.. Cali Suldaan Rashid. Sacido Suldaan Rashid, Mulkiya Suldan Rashid, C/lahi Suldaan Rashir. Shankaroon Suldan Rashid. Raaho Axmed Kosaar. Raxma Axmed Kosaar. Dhamaan Dadkaasi Waxay Tacsi u dirayaan Qoyska Reer Jaanbiir Suldaan Oo Ay ka Tacsiyadaynayaan Geerida Naxdinta leh ee ku Timi Walaalkood Cumar Jaanbiir Suldaan oo maanta Ku Geeriyooday Magaalada Margeysa. Waxaanay Marxuumka Illaahay Uga Baryayaan Inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo Qoyskii Qaraabadii iyo Dhamaanteena Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Aamiin Aamiin Aamii
Tacsi Marxuum Cumar Jaanbiir Suldaan
TACSI Qoyska Reer Jaanbiir Suldaan
Suldaan Max’ed Suldaan C/qaadir
Faadumo Suldaan C/qaadir
Foosiya Suldaan C/qaadir
Siciid Suldan C/qaadir
Canuud Suldaan C/qaadir
Layla Suldaan C/qaadir
Muuse Suldaan C/qaadir
Nasriin Suldaan Max’ed
Hoodo Suldaan Max’ed
Warda Suldaan Max’ed
Da’uud Suldaan Max’ed. Aniisa Shaqalle
Dhamaan Dadkaasi Waxay Tacsi u dirayaan Qoyska Reer Jaanbiir Suldaan Oo Ay ka Tacsiyadaynayaan Geerida Naxdinta leh ee ku Timi Walaalkood Cumar Jaanbiir Suldaan oo maanta Ku Geeriyooday Magaalada Margeysa. Waxaanay Marxuumka Illaahay Uga Baryayaan Inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo Qoyskii Qaraabadii iyo Dhamaanteena Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Aamiin Aamiin Aam
OGEYSIIS:Bandhiga Daah-furka Buuga SAMO-TALIS Caawa iyo Jaamacadda Hargeysa
Waxa la ogeysiinayaa bulsho-weynta Hargeysa in caawa la qabanayo Munaasibadda Daah-furka Diiwaanka SAMO-TALIS: Taariikhda Odayga Somaliland Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).. Waxa qoray Siciid Maxamuud Gahayr
Image may be NSFW.
Clik here to view.
(Hargeysaawi). Xafladdu waxa ay ka dhacaysaa Jaamacadda Hargeysa, wakhtiguna waa 06:30 fiidnimo. Kala qaybgal hal-door isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameed, axsaabta qaranka. Buugga madashada ayaa lagu iibinayaa waana $15 keliya. Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh 063448604/0634241046/0634041523
Tacsi Tiiranyo Leh Oo Ku Socota Reer Indha Waranle Ay Dirayaan Qaar Ka Mida Dhalinyarada Gobolka Saaxil.
Tacsi Tiiranyo Leh Oo Ku Socota Reer Indha Waranle Ay Dirayaan Qaar Ka Mida Dhalinyarada Gobolka Saaxil.
Saacadaha Shaqada Iyo Horumarka Dhaqaalaha, WQ Abdifatah Basher Hassan
1.Hordhac
Somaliland waa wadan yar oo curdin ah oo aan wali si fiican cagaha isugu taagin markaad ka eegto xaalada dhaqaale ee uu dalku ku sugan yahay. Inkastoo dalku uu magac wanaagsan kasoo hooyay horumarka uu ka gaadhay xaga nabadaynta iyo xaga dimuqraadiyadaba, haddana waxa jira waxyaabo badan oo aad arkayso in loo baahan yahay in horumarin lagu sameeyo. Meelaha loo baahan yahay in la horumariyo waxa ka midda saacadaha shaqada ee xafiisyada dawlada. Fikirka saliimka ah iyo cilmiga dhaqaaluhu waxay isugu imanayaan baahida loo qabo in saacado macquul ah oo aan dulmi ku jirin in la shaqeeyo si loo helo wax soosaar la taaban karo oo dalka horumar dhaqaale u horseeda. Qoraalkan waxaynu waxyar kaga tilmaamaynaa dhibaatada ay leedahay saacadaha shaqada oo aan sida munaasibka ah loo gudan.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
2. Saacadaha Shaqada ee Heer Caalami.
Xeerka caalamiga ah ee saacadaha shaqadu wuxuu dhigayaa in 24kii saacadood qofka shaqaalaha ahi inuu shaqeeyo 8 saacadood. Wiigiina shaqaalaha waxa laga rabaa 40 saacadood oo shaqo ah. Caadiyan shaqaalaha dawladu waxay shaqeeyaan usbuucii 5 cisho, laba cishana waa la fadhiyaa, oo qofka shaqaalaha ahi danihiisa gaar ahaaneed ayuu ku foofaa. Xeerkan ku dhaqankiisa waxa hormuud ka ah xafiisyada dawladaha iyo hayadaha caalamiga ah. Inta badan shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay waxay shaqeeyaan in ka badan 40ka saacadood ee xeerkan caalamiga ahi uu dhigayo, taasoo ku xidhan kolba sida ay shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo shaqaalahoodu ay ku heshiiyaan.
3. Saacadha Shaqada iyo Horumarka Dhaqaale.
Horumar dhaqaale oo uu wadan gaadhaa waxa uu si toos ah xidhiidh ula leeyahay saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha wadankaasi. Wadankii ay shaqaalihiisu shaqada masuugaan ama ay yareeyaan, shaqadaasi ay yareeyaan waxay ka go’an tahay koboca dhaqaale ee wadankaasi. Adduunka maanta waxa tartan loogu jiraa sidii uu wadanba wadanka kale uga dhaqaale wanaagsanaan lahaa. Tartankaasi ayaa wuxuu keenayaa in shaqaalaha aan laga eegin oo kaliya xaga saacadaha ay shaqaynayaan ee ay lagama maarmaan noqonayso in tayada waxsoosaar ee shaqaalaha kor loo qaado oo markaasi la siiyo tababaro kala duwan, iyadoo intaasi ay u dheertahay iyadoo shaqaalaysiinta ka hor shardi laga dhigayo qofkaa shaqaalaha ahi waxbarashadiisu waxa ay tahay iyo heerka ay aqoontiisu tahay. Sharafta uu wadan bulshadda caalamka ku dhexleeyahay waxay si toos ah ugu xidhan tahay heerka uu marayo dhaqaalaha wadankaasi.
Dhaqaalaha wadankana waxa lagu cabbiraa halbeeg caalami ah oo loo yaqaano GDP ama “Gross Domestic Product” oo Afsoomaali ahaan aan ku macnayn karno “waxsoosaarka Guud ee Wadanka halkii sanno”. Halkii sanno GNP ga wadankaasi waa maxay? Waliba waa lasii jilciyaa oo la isticmaalaa halbeeg kaa hore kasii farcama oo la yidhaahdo “Per Capita Income” (PCI) oo macnaheedu yahay waxsoosaarka sanadkii ee wadanka oo loo qaybiyay tirada wadankaa ku nool calaa qof wixii kusoo hagaagaya.
Markaa tusaale ahaan, “PCI” dalka Maraykanka waxa weeye 40,000 (afartan kun oo Doolar)sanadkii halka uu ka Somaliland ka yahay 600 (lix boqol Doolar kaliya). Kala sarayntaasi dhaqaale ayaa keentay in wadana uu noqdo deeq-bixiye wadana uu noqdo deeq-qaate. Markaa ta laysku dhaafay waa tayada iyo saacadaha ay shaqaynayaan shaqaalaha wadankaasi. Way jirtaa in waxsoosaarka aanay u sabab ahayn shaqaalaha wadanka oo kaliya oo ay jiraan sababo kale oo ay ka mid yihiin dhulka wadankaasi uu haysto (dhul beereed wabiyo leh oo kale) iyo lacagta uu wadankaasi haysto, iyo heerka maamul iyo teknoolajiyadeed ee wadanku gaadhay; hadana waxaas oo dhan waxa ugu mudan shaqaalaha wadanku saacadaha uu shaqeeyo iyo farsamada uu ku shaqeeyo.
4. Saacadaha Shaqo ee Somaliland.
Inagoo niyadda ku hayna in maanta nolosha caalamku ay tartan ku salaysan tahay, bal aynu eegno saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha dawladda ee Somaliland. Waynu wada ogsoonahay in shaqaalaha dawladda ee xafiisyada Somaliland aanay shaqaynin wax ka badan 28 saacadood usbuucii halka looga baahnaa inay shaqeeyaan 40 saacadood. Waxa halkaasi ka dhiman usbuucii 12 saacadood. Marka sanadku uu ka kooban yahay 52 usbuuc, waxay sanadkii Somaliland khasaartaa 52 usbuuc lagu dhuftay 12 saacadood oo noqonaya 624 saacadood calaa qof. Xafiisyadda dawlada ee Somaliland waxa lasoo galaa 8 subaxnimo waxaana laga rawaxaa 12ka duhurnimo. Gelin danbe oo shaqo lagu soo noqdaana ma jiro. Taasi waxay keenaysaa in hawshii hal usbuuc lagu dhamayn lahaa in ay qaadato laba usbuuc. Ku darso oo Somaliland malaha khayraad dabiici ah oo sababi kara in dadku ay fadhiga ku dhergaan sida wadamada Carabta qaarkood (dabcan marka laga reebo wixii baadhitaanada hadda socda lagu heli karo). Waxa kaloo jirta in heerka tababar ee shaqaalaha Somaliland aanu gaadhsiisnayn heer Afrikaan iskaba daa mid caalamiye. Hadaba waxa iswaydiinle, reer Somaliland miyey u badheedheen khasaarahaasi wayn ee kaga socda xaga saacadaha shaqada oo aad loo yareeyey? Mise hoosba arrinkan looma fiirin.
5. Hogaanka Wadanka Maxaa la Gudboon?
Hogaanka siyaasiga ah ee Somaliland waxaa la gudboon inay umadda fahamsiiyan in dalka dhaqaalihiisa ay ka go’antahay saacadaha shaqada ee la shaxaadayaa. Reer Somaliland waa inay run isu sheegaan oo ay xaqiiqda istaabsiiyaaan. Laba arimood marka la helo ayaa xaaladan haatan wadanku ku sugan yahay waxlaga bedeli karayaa. Kow, waa in siyaasiyiinta wadanka hogaaminaysa la yimaadaan qorshe ballaadhan oo si fiican u qeexaya horumarka dhaqaale ee uu wadanku higsano, isla markaana waa in qorshahaasi uu qeexayaa faaiidada shaqaalaha wadanka ugu jirta horumarka dhaqaale ee wadanka la doonayo in la gaadhsiiyo.
Laba, waa in shaqaaluhu ay la yimaadaan isbedel xaga fikirka ah oo ah “aniga ayaa gacanta ku haya in wadankaygu uu faqrigan kusii sugnaado ama inuu gaadho horumar dhaqaale oo ay aniga faaiido lacageed iyo mid sharafeedba iigu jirto” isla markaana ay isbedelkaa fikirka ay u bedelaan hawlgal dhab ah. Marka labadaa arimood la helo ayaa la arkaa in wadanku uu ka kore xaalada dhaqaale xumo ii haatan uu ku sugan yahay.
6. Higsiga Mustaqbal.
Maanta cidwal oo indhaha ku haysa xaalada dhaqan-dhaqaale ee ay Somaliland ku sugan tahay, way u caddahay in loo baahan yahay in xaaladan wax laga bedelo. Suaashu waxay tahay side isbedelka la doonayo loo gaadhayaa. Jawaabtu waxay tahay, wadanka haloo huro fikir iyo waqti. Shaqaalaha waxaa la gudboon inay ogaadaan in waqtigii loo baahnaa inay wadankooda u shaqeeyaan ay shaxaadayaan, shaxaadkaasina uu wadanka horumarkiisa dhaqaale uu dhaawac wayn ku yahay. Masuuliinta wadankana waxaa la gudboon in korodhka dhaqaale ee ka yimaada dadaalka dheeraadka ah eey shaqaaluhu keeneen, inay si cadaalad ah wadanka ugu horumariyaan isla markaana ay meel dhigaan xuquuqda shaqaalaha ha noqoto mushahar wanaagsan oo ay shaqaaluhu helaan ama ha noqoto adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin.
Marka la helo daacadnimo ka timaada xaga shaqaalaha iyo maamuul wanaag ka yimaada xaga masuuliinta waxa shaki la’aan ah in wadanku uu gaadhi karo horumar dhaqaale oo heer caalami ah, horumarkaasi oo Somaliland ay ku dhaafi karto wadamada khayraadka dabiiciga ah leh.
Aad baad umahadsantihiin saxaafada Somaliland
Qore:Abdifatah Basher Hassan
basherson@gmail.com
burao,togdheer,somaliland
Bayaan ku socda Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali
Ku: Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, suldaanka guud ee beesha Habar Jecle
Ujeeddo: Biyamaal Maxamed
Suldaan Cabdillaahi, nabad iyo bariidin.
Suldaan Cabdillaahi, qoraalkaygan gaaban ugama jeedo tilmaan, ama taariikh ka sheekayn, oo adiga ayaa taas nooga marjac ah; oo ehelkeedana ah. Laakiin waxa warqaddan igu dhaliyey oo kali ah, dareen iyo damaq tolleed, oo beesheenna Biyamaal Maxamed ku aaddan.
Biyamaal Maxamed, oo Habar Jecle ah, oo Aadan Maxamed, Yeesif Maxamed iyo Nuux Maxamed la dhashay, oo la walaal ah, ayay beel ka gardarani, ay duullaan ku tahay. Waxa tolkeen, halkeer ka helay, cadow aan masaakiin u naxaynin, oo aan Alla ka baqanaynin.
Suldaan Cabdillaahi, beesheennii Biyamaal Maxamed, waa lagu duulley, oo waa la weeraray. Deegaankeedii, maatideedii, beeraheedii, xoolaheedii iyo hantideedii, ayaa dab la galiyey. Dad damac dhulleed leh, ayaa guryaheedii dab qabadsiiyey, oo biri-ma-geydadeedii rasaas la dhacay, oo ubadkeedii baqdin galiyey. Sababta ay ka leeyihiinina, waa si ay dhulkeeda uga qaxiyaan, ama ay u gumaadaan; oo ka dibna ay iyagu u dhaxlaan.
Beeshan duullimaadka waddaa i, waxa ay ogtahay, inay xabbaddii dhacdaaba ay iyaga – waa Biyamaal e – ay ku dhacayso, hantidii gubataana ay iyaga – waa Biyamaal e – ay ka gubanayso; sidaa daraadeed ayay hub kasta iyo saannad kasta ba, ay ugu isticmaalayaan, oo ay ula dhacayaan.
Suldaan Cabdillaahi, waan ognahay, inuu waqtigii la isku soo duulli jirey, ee la isqabsan jirey, ee la isduudsi i jirey i, inuu dhammaaday. Laakiin nasiib darradu waxa ay tahay, waxa aan halkeer ka jirin, oo aan wali ka hirgalin, xukun dawladeed, oo xaq soor ah, oo caddaalad sugeeen ah.
Suldaan Cabdillaahi, fadlan u hawl gal, sidii aad xaqa ugu hiillin lahaydeen, ee aad baadilka u xakamayn lahaydeen, ee aad daandansigan u hor joogsan lahaydeen, ee aad deegaankan u nabadayn lahaydeen.
Nabad gal.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com
Hambalyo Arooska Axmed Siciid iyo Marwadiisa Nimco Cabdillaahi
Tifatiraha Shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago) waxa uu hambalyo kaliyo laabau dirayaa Arooska Axmed Siciid Maxamed iyo Marwadiisa Nimco Cabdillaahi Cabdi oo arooskoodu habeen hore kadhacay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Noqda Reerii lagu nastee isku waara abidkood,, ubad khayr qabana wada hela.
Tifatiraha Wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cabdi Cumar
Tifatire-ku-xigeenka Cali Jaamac Maxamed
Rashiid Cali Sheekh
Tifatiraha Wargeyska Somalilandtoday C/fataax I Mursal
Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid Jeylaani
Tifatiraha Shebekadda Somalilandpost.net Khadar Iid Kaariye
Cabdiwahaab Cali Jaamac
Mustafe Maxamuud Diiriye
Cayni Aadan Cali Xirsi
Dhammaantood waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska Axmed Siciid Maxamed iyo Marwadiisa Nimco Cabdillaahi Cabdi oo arooskoodu habeen hore kadhacay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Mashruuca Xaal bixinta Oo Noqday Jiif Oo Jaq!
Waxaa maalmahan danbe soo shaac baxay mashruuc la yidhaahdo xaal ayaan ka bixinayaa hadii wax lagaa sheego, oo weliba mashruucaasi waxa gadhwadeen ka ah dad dilaaliin ka ah madaxtooyada somaliland, dhawaan ayay ahayd markii dumar aan xil ka hayn xukuumada siilaanyo ugu hanjabeen Madaxda Xisbiga UCID in aysan tegi karin magaalada gabiley ee xarunta gobolka gabiley, waxaana dhacday in Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay ku wehelinaya safar balaadhan oo ay doonayeen inay ku tagaan magaalada gabiley Xoghaya Maaliyada ee Xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga laga hor joosaday inay tagaan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay xarunta madaxtooyada ayaa laga amray falkaasi foosha xumaa ee lagaag hor joogsaday masuuliyiintaasi xisbiga UCID gabiley, waxaana la sheegay in koox dumar ah oo awood badan ku leh xarunta madaxtooyada somaliland ay ka danbeeyeen falkaasi foosha xumaa ee masuuliyiinta xisbiga UCID loogu diiday inay tagaan magaalada gabiley, xarunta madaxtooyada oo haatan noqotay meel kooxo dumar ah oo doonaya inay socoto toodu ay ka taliyaan ayaa waxa dhacay in maalintaasi dhiil ay u soo jeedisay xoghaya maaliyada ee xisbiga UCID marwo faadumo Siciid Madarwada Siilaanyo Aamino Weris oo ay sheegtay inay xilka si wanaagsan oo umadu og tahay ugala wareegto Madaxweyne Siilaanyo madama oo ay iyadu ka taliso dalka.
Dhaliishaasi kadib ayaa la sheegay inay cadhootay Aamina Weris oo ku tiiraabtay dadkii aan ka soo jeeday ima taageersanay kadibna lacago badan ku bixisay sidii loo siin lahaa xaal waxana la sheegay in ay maalintaasi madaxtooyada ugu yeedhay ninka ay ededa u tahay ee lagu magacaabo C/risaaq Ciyaale oo haya xil waqtigisii dhamaaday balse awoodo kale ka haysta marwada madaxweyne siilaanyo malaintasi ayay ku tidhi soo abaabul kooxo isku jira rag iyo dumar oo aynu lacago siino si aynu indhaha daka u tusno in reer saaxil ka xun yihiin dhaliisha Faadumo Siciid ay I dhaliishay, deed waxa dhacday in kooxo laaluush qatayaal ah ay wax lagu sheegay xaal geeyeen Xarunta Madaxtooyada halkaasina ku siiyeen xaalkaasi.
Dhaqanka noocaasi ah ayay dadka ka faalooda siyaasadu ku tilmaameen inay astan u tahay kaslooni darada madaxtooyada ka haysata gobolka saaxil ee ay ka soo jeedo AAMINA WERIS.
Qore:Muna Maxamed Yuusuf
Berbera/Somaliland
Waxqabadkii Dawladda Hoose ee Burco ma wuxuu dhaafi waayay Gaadiid?
Burco-Waxaan mahad ballaadhan iska leh ilaahay (swt) marka labaad waxaan mahad usoo jeedinayaa dhamaan warbaahinta madaxa baan meel kasta oo ay aduunka ka joogto.
Waxaan wax ka tilmaamayaa waxqabadka dawlada hoose ee degmada burco, taas oo shalay 21/12/2013 lagu soo bandhigay hoolka dawlada hoose, wax qabadkaa dawlada hoose sheegtay oo noqday wax baanu soo iibinay oo kaliye ee aan ahayn waxaasaanu bulshada u qabanay, waayo waxaad arkaysaa xaafadihii magaalada oo wali qashin buuxo iyo bilicdii magaalada oo dayacan.
Dawlada hoose ee burco may fahmin in cashuurta dadka laga qaado ay u baahan tahay in loogu shaqeeyo, oo wax lagaga qabto qashinka meel laga maro la la’ayahy ee dawlada hoosena daawanayso.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Waxa dhibaato labaad ah marka la doonayo in meel qashin laga qaado, qashinkii la qaaday cidi fogayn mayso e waxa lagu qubayaa meel kale oo dad joogo, marka dadka degan xaafadu yidhaahdaan naga fogeeya ma dixda ayaad leedahay ayaa loogu jawaabayaa, taasina waata keentay in qashinku aanu ka dhamaan magaalada.
Markaa waxaan leeyahay dawlada hoose dadka hawgu shaqayso cashuurta yar ee ay ka qaado, ee yaan fagaarayaasha lagaga faanin waxaasaanu soo iibinay oo kaliya, yadoo dadkiina ka aradan yahay waxaas la soo iibiyay.
Waxaan ku talin lahaa in laysu dheeli tiro dhamaan adeegyada dawlada hoose oo ay qorshe ka yeelato dawlada hoose sidii loo dayac tiri lahaa goobaha qashinka dadkana looga fogayn lahaa.
Dawlada hoose waa in ay wax ka qabataa qashinka iyo wasakhda buux dhaafisay wadooyinka bulshadu adeegsato
Waad Mahadsantihiin
By: Mohamed Hamud Ali
Hamudson@Gmail.Com
TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Mahdi Ibraahim Xaaji Khayre oo ku geeriyooday 23/12/2013 Dalka Jabuuti laguna aasay.
Madaxwayne ku-xigeenku waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana janatu fardawsa ka waraabiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
DAN BAA I TIDHI TAHRIIB WQ Mowliid Cumar Xoog
Qaybtii:Koowaad
Rag cadalad wayay sida cawsha kala carrar.
Qoraalkan koobani wa mid aan u hibaynayo dhamaan dhalinyarada Somaliland.maqaalkani wax taban doona nolosha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dhalinyarada Somaliland, markii aan arkay dhalinyarada somaliland ilaa iyo 2010kii ilaahada marxaladaha nololeed ee kala duwan ee ay kusugan yihiin,afkaarta iyo fikiradaha ay ka haystan nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin, ee la tabalaysan dhibatooyinka ,dhaqaale xumo,siyaasad xumo,hogaan xumo oo ah mid dhaman saamaysay bulshada qaybahega kala duwan garna u tabatay dhalinyarada.
Markii ay arkeen dhalinyaradu in aanay jirin cid daneeynaysa ina ay wax kala qabato baahiya hooga,marki ay arkeen in anay jirin wax saa usiibadan oo rajo ah aanay ka muuqan madaxda manta oo bari lagu diirsankaro ,markii ay arkeen saamaynta aadka laxaadka u leh ee ay ku leedahay qabyaaladu dhalinyarada waxbaratay,markii ay arkeen in odayashii dhaqanku ay kaleexdeen sifihii an ku naqaanay oo ay wax walba dangaar ah ay ka dayayaan haday noqoto goobaha shaqada iyo goobaha cadalada,markay arkeen dhanlinyaradi inay yihiin qaar lobahan yahay malmaha doorashada iyo malmaha shakhsii dan gara leeyahay,markay arkeen in dayaxii u so baxaba damur laga marinayo,markay arkeen in aqoontii ay baranayeen hadhawto ay u bahan tahay garab qabyaladeed oo tartansiinaysa isaga iyo kii an waxba baran.Qodobadaas aan so shegnay iyo inkale oo badanba markay dhalinyaraadii aragtay,waxay iswaydiiyen xalka ubanani waxa uu yahay.xog lahelyaba talo lahelyee dhalinyaradii oogatay inaan duqayda haysata ee siyaasiyiinta isku shegtaa aanay marnaba qalbiga galin amba mesha so dhigan war maxay dhalinyaradeeni la yacaysa ee u tahribaysa balwadaha u cunaysa,se xanuunada maskaxdu inoogu so badanayan,iswaydiiyen lakiinse jawabtu noqotay adigu u yagleel guri cadaladeed,guri nololeed,han iyo himilo u abuur,noqotay adigu hadad inta samayn kari wayday bane mesha inankagu ha soo galee oo talo iyo tusale lagarabjoog. Markasu dalku horumar ku talabsane.Xalka se waxy u arkeen odayaashii inay taliyaan talo se salka ku haysa qabyalad,talo an horumar ku jirin,aqona kamadhan, dhalinyartiina dawadayaal ka noqda tidhi.Dhalinyarti taladaasi u arkeen mid qaloocan waxay kaga bogsaden inay xalmoodan, inay u tahriiban dalshisheeye oo ay ka raadiyan nolol ka deelwacan nolosha uu aas aas keeda ka wayay madaxdiisa,kana hungureeyan dad aanay isku dhaqan iyo diin toona ahayn balse u kaga kalsoon yahay tuu so arkay.
LA SOCO…………………
Qalinkii: Mowliid Omar Xoog (mawliidomar@hotmail.com)
Waxaan Ahay Hiil Qaran Haddii Layla Garto!:Qalinka Mustafe Axmed Keyse.
Marka hore waxaan salaan gobannimo u dirayaa guud ahaan bulsha dayda qaaliga ah ee aan jeclahay ee u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu horree yaan Madaxda Qaranku Mucaarid iyo Muxaafid`ba gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne kuxigeenka qaaliga ah ee Sharafta iyo Qadarinta mudan.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Marka labaad waxaa wagama maar maan ah inaynu wax isu sheegno oo qof waliba dhankiisa wixii qalad ah ee jira ee uu arko uu cod dheer iyo cod gaaban ba kusoo gudbiyo isagoo raacaya waddada wanaagsan ee uu wax ugu gudbin karro walaalihiisa isla markaana aan wax yeello ugey sanayn wadan kiisa tusaale ahaan waxaa jirta inay dad badan oo kamid ah bulshada marka ay wax sheegayaan iyagoo ujeeddo ahaan wax toosinaya oo qalad til maamaya inay haddana ku hadlaan hadallo wax yeelaya qarannima deenna.
Markaa walaalayaal ugu horeyn waxaan odhan lahaa halaga fiirsado hadallada oo muwaadin adoo wax wanaaji is leh wax yeello hasoo kordhin wacyi galinta aad waddaana yay noqon mid wax sii kala fogaysa midda kale waxaan usheegayaa Muwaadi niinta sharaf leh ee reer Smaliland Sacab iyo Masuul labadaba inay ka waan toobaan hadallada ay had iyo jeer warbaahinta kasoo day nayaan ee wax yeello mooyee aan wax ay tarayaan jirin waxaan ku boori nayaa mudane iyo marwaba inay ogaadaan hadalladaa cayn kaasi waa idiin sharaf dhac iyo karaama darro oo idinkaa is qiima ridaya marka erey qalloocan afkiinna laga maqlaba waxaa ogaataan inay hoos udhacayso subcaddii aydun ku lahay deen bulshada kale dhex deeda.
Hadaba walaalayaal waajibka inawada saran ayaa ah inaynu iska wacyi galinno waxkasta oo inagu keeni kara dhibaato haday tahay bulshada xaggeeda iyo haday tahay qaranni maddeenaba markaa Dhammaan Umadda reer Somaliland waxaan maanta kula talin lahaa inay wadajir iyo isku duubni ah uga hawl galaan hawlaha taagan oo ay hor illaahay ugu hiiliyaan Hashooda Maandeeq ee marka labaad halista u ah inay hallowdo oo walaalayaal wax yar bal hoos u eega waddada aa haysaan inay tahay mid sax ah oo tagaysa halkii aynu hiigsa naynay iyo in kale waxaa se is waydiisaan Muxuu ahaa wixii lagu hesheeyay ee ay 18kii May.1991kii bulshada reer Somaliland ay isla qaateen Miyuu se hirgalay waxaa kale oo iyana lagama maar maan ah inaynu isu miisaanno Waxa inoo qab soomay iyo Wakhtiga aynu jirnaa ma yihiin wax isu dhigma WAA MAYA JAWAABUHU aniga iyo fikir kayga waana waxa igu kalifay inaan qoraal kan idiin soo gudbiyo. waayo walaalayaal Ta koobaad Waddada aynu haynaa maaha mid sax ah maadaama aynu wali is bar-bar wadno Qaran iyo Qabiil isu cadaw ah oo aan meelba wada gali karin inta aynu ku dhaq mayno qabyaalad ee aynu wali reer hebel taaganna hay inay naan qaran noqon kara hayan waddadii aynu u mari lahaynna aynaan haynin Ta labaad waxii ay bulshadu ku heshiisay maalintii Burco 1991kii waa laga leexday waayo waxaa marag maddoon ah haddii cod laqaado inaan maanta la qiyaasi karin bulshada inta u coday naysa Gooni isutaagga Jamhuuriyadda Somaliland sababtoo ah shacabka reer Somaliland maanta iyo maalintaa faraq wayn baa u dhaxeeya tusaale ahaan walaalayaal bulshada 100% waxaa ku dhacay khal khal iyo jaah wareer oo waxaa ka lumay hadaf koodii guud iyo waxay ahayd himila doodu ee ay hig sana yeen waxaana usabab ah khilaafka iyo muranka siyaasadeed ee mar walba taagan ee madha layska ah isla markaana waxaa meesha kabaxay wixii looga baahnaa siyaasi yiinta iyo madax dhaqameedka iyo qof kasta oo wax garad ah oo u dhashay Jamhuuriyaddan Somaliland oo halkii laga rabay inay hadh iyo habeen`ba ku hawla naadaan danta shacabka sidii ay isugu soo jiidi lahaa yeen bulshada ee ay uga dhex dhalin lahaa yeen farxad iyo kal gacayl iyo wanaag ayaa iyagii dhex doodii isku mashquul san oo waliba shacabkii ku riday khal khalka iyo jaah wareerka isla markaana iyagaa u sabab ah inay dadku bilaa mabda noqdaan maanta oo ay niyad jab iyo kalsooni darro kaga dhacdo oo ay gooni isutaa goodii iyo aqoonsi inay helayaan oo ay noqo nayaan qaran madaxbannaan kadibna taasi ay keentay inaan shacabka maanta meel loogu soo hagaaga yaa jirin. Ta sadexaad walaalayaal waxa inoo qabsoomay maaha mid udhigma wakhtiga aynu jiro waayo waxaynu jirnaa 22.sanno walina ma lihin wax la til maamo oo cad oo aynu nidhaahno waxaas iyo waxaas ayaa dhammaaday oo halkii loogu talagay amma gaadhay ama ku dhaw Tusaale ahaan hadday noqotto Waddo iyo Laydh iyo Biyo iyo wax kastaba iska daa wax kaloo waxaynu wada og nahay inaanu shaqayn sharcigii dalku oo ay qabyaaladdu ka sarayso waxaa iyana wax laga xumaado ah inay 22.sanno ay bulshada inteeda badani aanay gara nahayn WAXAN AY XAQ UGU LEEYIHIIN WADAN KOODA IYO WADANKU XUQUUQDA UU KU LEEYAHAY taas oo ah ta ugu muhiimsan ee ummadi ay ku gaadhi karto meel iyo meeqaam sare haddii allaha awooda lihi ogolaado.
Hadaba Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinka codsa nayaa inaa maanta hurdada ka kacdaan oo qof waliba waajibka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa uu u gutto hagar la`aan isla markaana ayn dib ujelleecno halkaynu hasheenna maandeeq shalay kasoo helnay iyo hawshii inaga gaadhay oo aynu hurdada kakacno waynu hurud naa walaalayaal waxaanan idinku dar daarayaa inaynu illaahay ka baqano oo aynu madaxda qaranka iyo miisaanka ay ku fadhiyaan aynu eegno oo wixii qalad ah ee jira innagoo sheegayna haddana aynu ixtiraamno sharafta iyo karaamada qofka masuulka ah isla markaana aynaan ka tagin milgaha iyo xushmadda ka dhexaysa guud ahaan umadda muslimka ah ee ah la jec law walaal kaaga muslim ka ah wax kasta oo aad naftaada la jece shahay.
Allaa Mahad Leh.
Mustafa Axmed Kayse (Mr.Mak)
Ex. Gud, Ururka Solco
E-mail: mak.solco@hotmail.com
Carqaladaha Hortaagan Ka Faa’idaysiga Khayraadka Dalka Somaliland, W/Q Maxamed Muse
Maalahan u danbeeyay waxa jirtay in meelaha qaar lagaga hadlayay khayraadka dalka sida Macdanta iyo shidaalka, taas oo u badnayd eedaymo ay ka mid yihiin, Dalka Khayraadkiisa waa la boobayaa, reer hebel ayaa iska leh, dawladu waxay si khaldan u maaraysay khayraadka dalka iyo waxyaabo la mid ah, Waxayna hadaladaasi kasoo yeedhayeen shaqsiyaad warbaahinta kusoo qora maqaalo farwaaweyn lagu qoray oo lagu dhaleecaynayo xukuumadda, taas oo keentay in dadka makasta ah rumaystaan, isla markaana ay bulshada qaarkood sameeyaan waxyaabo iyo ficilo ku lid ah nabadgelyada iyo horumarka, kuwaas oo hakad gelinaya shirkaddaha danaynaya in ay maalgashadaan Somaliland.
Maadaama ay arrintani tahay mid saamayn ku leh qaranka waqtigan xaasaasiga ah iyo mustaqbalkaba waxa loo baahanyahay in si dhab ah loo oggaado sida ay wax uga jiraan eedaymahaa iyo inay yihiin kuwo ku salaysan xaqiiqda.
Aniga oo arrintaa ka duulaya waxaan isku deyay in aan wax ka oggaado sida ay wax uga jiraan eedaymahaa, balse markaan si dhab ah ugu kuurgalay waxaa soo baxday wax ka duwan waxa ay ka hadlayaan shaqsiyaadkaasi.
Shaqsiyaadkaa oo doonayay in la siiyo Balokyo waaweyn oo macdan iyo shidaal ah, kuwaas oo aan lahayn awoodii ay ku fulin lahayeen hawshaa, waxa keliya ee ay doonayeen in ay dilaalaan, kuwaas oo ay xukuumaddu ku xidhay in ay soo maraan sifihii sharcig ahaa ayna muujiyaan in ay awood u leeyihiin in ay ka midho dhaliyaan arrintaa sida sharcig a ah, balse ku guuldaraystay. Kadibna bilaabay sawaxan.
Dacayaadaha ay horseedka u yihiin shaqsiyaadka danta gaarka ah lahaa, waxay hakad gelisay inay kusoo dhiiradaan dalka shirkaddihii awooda u lahaa in ay ka midha dhaliyaan ka faa’idaysgiga khayraadka dalka, halka kuwii dalka ku sugnaana ay shaki gelisay.
Dunidu maanta waxay isku raacsantahay in Somaliland tahay wadanka ugu khayraadka badan aduunka. Jariirada Guardian waxay sheegtay in shidaalka ku jira Somaliland uu ka badanyahay ka ku jira dalalka laysku yidhaahdo Gacanka (Khaliijka carabta), marka laga reebo dalka Boqortooyada Sucuudiga, balse marka lagu daro Macdanta ku jirta Somaliland ay suurta galtahay in Somaliland ka qanisanaato wadamada Khaliijka, taas oo muujinaysaa in khayraadka dalka ku jiraa uu ka badanyahay Jiil ka Jiil oo ka dhigayo Bulshada Somaliland kuwa ugu qanisan Aduunka.
Hadaba khayraadka intaa leeg oo Somaliland oo dhan ku filan haddii loo bixiyo Baloodh baloodh sida ay shaqsiyaadkaasi doonayeen, ama codsadeen, waxay noqonaysaa in dhawr qof uu gacanta u galo, amma shaqsiyaad kooban gebi ahaanba khayraadka dalku , taas oo aan dani ugu jirin dadweynaha iyo deegaanada u dhegtaagaya ee ay dantooda gaarka ah doonayan in ay ku fushadaan.
Si hadaba looga faa’idaysto fursada maanta ay Somaliland haysto iyo khayraadka dihin ee ku jira dalka, isla markaana looga gaashaanto shaqsiyaadka danta gaarka ah u adeegsanaya deegaanada waxa hadaba lagama maarmaan ah.
In dawladu dar-dar geliso wacyigelinta iyo xidhiidhka deeganada.
2- In mudanayaashu aanay noqon kuwo waxyaabaha ay tabanayaan u mara wado khaldan oo si dadban ugu adeegaysa dilaaliinta aynu kor kusoo xusnay.
3- Warbaahinta waxa looga baahanyahay in ay fahmaan saamaynta qadiyadani u leedahay dadka iyo dalka horumarkiisa. Sidaa awgeed ay ka waantoobaan baahinta qoraalada lagu doonayo in lagu helo sed baalmarsan sharciga iyo nidaamka dalka.
Maxamed Muse
Hargeysa Somaliland.
Maxmuse12@gmail.com
Tacsi (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun)
Tacsi (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun)
Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Dhammaan Shaqaalaha Fulinta Xafiiska Dalladda SONYO iyo Guud ahaan dhallinyarada Somaliland waxa ay Tacsi u dirayaan Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo ay ka tacsiyeynayaan Geerida ku timid Aabihii Marxuum Maxamed Axmed Xassan (Surwaale) oo Maanta Ku Geeriyooday Caasimadda wadanka Itoobiya ee Addisababa. Dhammaan SONYO iyo masuuliyiinteedu waxa ay Marxuumka ILAAHAY uga baryayaan in uu jannadii ka waraabiyo dhammaan ehelkii iyo aqaaribtii uu Marxuumku ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Aaaamiiin Aaamiiin Aaaamiiin
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Mubaarak Ismaaciil Taani,
Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO
““Arrinta Faysal Cali-waraabe ka siidaayay warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun ballaadhan oo ka muuqday hadalkiisa..”Wasiir Waran cadde
Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa jawaab digniin xambaarsan ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, kaasoo saxaafadda ka sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi wadahadal gaar ah la furi doonaan dawladda Soomaaliya, haddii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo isku koobto wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uga furmaya Turkiga bishan January.
Md. Cali Maxamed Warancadde oo xafiiskiisa magaalada Hargeysa saxaafadda ugu waramay maanta, waxa uu sheegay in hadalkaas ka soo baxay Faysal Cali-waraabe yahay mid xad-gudub ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaanna aanay xukuumad ahaan ogolaan doonin tallaabooyinka lagu wiiqayo madaxbannaanida iyo wadajirka ummadda Somaliland.
“Hadalkii Faysal (Guddoomiyaha UCID) wuxuu fariin qaldan u dirayey caalamka aynu ka doonayno ictiraafka, oo sawir aan ka jirin Somaliland ayuu gudbiyey Faysal, oo ah kalsooni daro, dawlad la’aan, hogaan la’aan iyo kala dambayn la’aan. Waxaan bulshada dareenka qaaday u sheegayaa in aannu Faysal awood u lahayn, wuxuu sheegayna isaga ayey ku kooban tahay, xitaa ma qabo in xisbiga UCID la qabo in Faysal ku hadaaqo Soomaaliya nin walba halkiisa wadahadallo ha la galo. Waxaan leeyahay warkaa uu sheegay Faysal waxba kama jiraan, lamana yeelan karo wax xidhiidh ah Soomaaliya, haddaanu odeygu u jeedin inuu fariin u dirto isku shaandheynta Xamar ka socota si loogu daro liiska. Maaha wax la qaadan karo inuu yidhaahdo haddaan anniga la igu darin qaran ma jiro, macnaha qaran ma jiradaasi sharciga waxay keenaysaa dhadhan ama muuqaal halis ah oo qofku ku mutaysan karo cawaaqib xumo laga yaabo inaanu maanta dareemi karayn,” ayuu yidhi Md. Warancadde.
Waxa Wasiirka Daakhiligu sheegay in khasaare lagala kulmay dhawr jeer oo Guddoomiyaha UCID lagu daray guddida Somaliland uga qaybgala wadahadalka Soomaaliya, waxaannu yidhii; “Arrinta Faysal Cali-waraabe ka siidaayay warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun ballaadhan oo ka muuqday hadalkiisa, isla-markaana ku lid ah qaranimada Somaliland iyo gooni-isu-taaga Somaliland, wax haba yaraatee loo dulqaadan karana maaha. Faysal (Guddoomiyaha UCID) wuxuu ka hadlay wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaasi waxaynu ognahay inay xidhnaan jirtay, laakiin golayaasha sharci dejintu sharci ka soo saareen ay u Madax-banaanaynayaan Madaxwaynaha iyo xukuumaddu ay wadhadallo la furi karaan Soomaaliya, marar lagu daray Faysal guddida wadahadallada khasaare iyo tuhun badan baa ka soo baxay, ka dib markuu Faysal isaga oo ogolaanshihii ummadda iyo Madaxwaynaha haysta uu shirar gaar ah Soomaaliya, kuwaasi oo aan lala ogeyn, sidaa awgeed maantana guddida baxaysa waxa jira cid aan fulinta ahayn, waxaa ka mid ah golayaasha sharci dejinta.”
Waxa kale oo Wasiirka Daakhiliga Somaliland shaaciyey in xukuumaddu ruqsada kala noqon doonto telefishanka ama hay’adda warbaahineed ee faafisa hadalo qabyaalad ku salaysan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan Tv-yada ka maqlaa dad reer Somaliland ah oo hadlaya oo leh haddii aanu nahay qabiil hebel oo fariin u diraya qabiil kale, taasina waxay keeni kartaa isku dhac iyo cadaawad. Lamaan yaabin dadka suuqa jooga ee waxaas ku hadlaya ee aan masuuliyaddu saarnayn, laakiin waxaan la yaabay tifafriraha Telefiishan ama joornaal ee qofka caadiga ah ee suuqa jooga ee qof kale caayaya, inaad sidiisa u siidaysaan oo aydaan kala saarin oo aydaan kala miirin.
Waxaan halkan ka soo jeedinayaa oo amar ah inaan Telefiishanna siidayn karin wax ku taxaluqa qabyaalad, ruqsadda ayaan kala noqonayaa Tv-ga siidaaya Qabyaalad. sababtoo ah qabyaaladda oo si fool xun loo isticmaalaa waxay keenaysaa in dalkani la kulmo wax fool xun, qofku wuu sheegan karaa gobol, wuu odhan karaa haddaanu nahay reer Burco iyo haddaanu nahay gobolkaa.”
Berberaay Xaggeed u socotaa WQ Maxamed Jaamac Liibaan
Waxaa ayaan darro ,sharaf xumo,xushmo la’aan iyo is qadarin la’aan,baal marsan sharciga iyo Distoorka dalka u yaal noqotay,markay mas’uuliyiinta G/Saaxil si badheedh ah oo aan gabasho lahayn ugu dhaartey una diiday,muwaadin u dhashay dalkan oo ka mida muwaadiniinta caanka ku ah ka qayb galka horumarka dalkan oo aan dhib iyo hadimo toona lahay oo dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ah, inuu maal gashi ku sameeyo,warshada Sibidhka ee Berbera,oo manaafacaad badan badan u leh dalkan iyo dadkiisaba. Hore ayaa loo yidhi, Karis xun iyana wax ku la’a.
Markaan u soo noqdo arrintan gudo iyo debadba laga biyo diiday,ee raad xumada ku reebaysa dalkan iyo dadkiisa,isla markaana colaad iyo is nacayb ka dhex abuuraysa walaalaha is jecel ee danta guud iyo tan gaar ahaaneedba ay dhex u tahay ee deegaan wadaagta ah,in dhexdooda dab laga shido… oo ay shakhsiyaad danahooda gaarka ah wado u samaysanayaa,ka dhex toosaan hooyadii dal iyo dadba hormoodka u ahayd horumarka iyo deganaansha uu dalkani ku caano maalay,ayaa ilaa maanta la garan la’yahay ujeedada iyo sababaha ku kalifay inay u badheedhaan,hadaladda aan munaasibka ku ahayn muwaadin diyaar u ah inuu dalkan mustaqbalkiisa wax ku soo kordhiyo munaafacaad badan u leh dalkan iyo dadkiisaba,isla mar ahaantaana shaqooyin lagaga baahi baxo shaqo la’aanta ka abuuri lahaa,gaar ahaana reer berbera ay qaybta ugu badan shaqaalaha ka heli lahayd….iwm.
Taariikhdu ma duugowdo mana baaba’do,waana mid jiilba jiilka uu ka dambeeyo ka dhaxli doonaan,oo aan weligeed duugoobayn oo ay xusi doonto taariikhdu. Waxaana xusid mudan ujeedada qudha ee ay Xukuumaddu ka lahayd arrintan,may ahayn saaxiibtinimo ka dhaxaysa, ama waa reerkiina….iwm. waxayse ahayd horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha oo dal iyo dadba muhiimad weyn u leh,isla markaana abuuri karta shaqooyin kala duwan oo ay muwaadiniintu ka faa’idaystaan,ugu yaraana ay ka hawl gali karaan 1500 ilaa 2000 oo muwaadiniinta dalkan u dhashay ka mida oo uu gobolka Saaxilna shaqaalaha ugu badan ka heli lahaa…iwm.
Waxaa kaloo xusid mudan,faa’idooyinka kala duwan ee uu gobolkani,sida gaarka ah uga helayo oo noqon doonta magac iyo horumar dheeraad ah oo ay gobollada kale kaga horeeyaan,isla markaana uu dalkani kaga maarmi karo,lacagta adage e kaga baxaysa Sibidhka,dalkuna uu noqon doono mid dhinac walba isku-filaansho ka gaadha…iwm.
Waxaa haddaba,ayaan darro noqotay,inay mas’uuliyiinta gobolka saaxil,wakhtigan xaadirka ah,
ka mida muwaadiniinta dalkana,si badheedha uga hor joogsaday una diiday inu maal gashado warshada sibidhka..
Haddaba,waa maxay ujeedada ka dambeysa arrintan iyada ah ee sida gaarka ah u taabanaysa labada muwaadin ee xaq iyo xuquuqda ku leh deegaankan….? Ma aha wax kale ee waxaa loo jeedaa waa reer hebel,waana arrin ugub ku ah S/Land oo aan horeysiyo dambayso ka dhicin dalkan. Waana arrin khatar ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Jumhuuriyadan,oo mushkiladeeda iyo cawaaqib xumadeeda leh oo ku fidi karta gobollada kale,isla markaana noqon karta cudur aan daawo lahayn…. Dibna ugu soo noqon doonta,shakhsiyaadka ama mas’uuliyiinta reer saaxil oo mushkiladaas xal u helintoodu ku noqon doonto,mid ay ku kala jabaan dhexdooda oo aan wax garowshiyo ah ka heli doonin,walaaluhooda iyagoo miyir iyo maanba qaba ku xad gudbay, isla mar ahaantaana ay inta kale eedda iyo gafka dhabarka u saari doonaan,Hooyada S/Land, oo ah Berbera iyo Mas’uuliyinta reer saaxil iyo intii ku taageertayba.
Haddaanay maanta dib uga noqon oo aysan xal kama dambeys ah ka gaadhin arrinkaasi ay kula kaceen,walaaluhooda ay deegaan wadaagta yihiin,isla markaana u calool xaadhan iyaga oo aan wax cudur ama xumaan ah u hayn godobta ay ka galeen, dib ayey uga qoomamayn doonaan oo farta ayey dhexda ka qaniini doonaan,maalin aan maanta ahayn,xaq darrada ay kula kaceen labadaas muwaadin ee aan wax tar mooyee aan marna kula kicin wax xumaan ah oo sabab u noqota ama ay sabab uga dhigaan arrintaas iyada ah. Waa mid ay dambarsan doonaan cawaaqib xumadeeda mar aan sidaa u sii fogeyn.
Nin hadduu go’aankiyo sharciga gawrac ugu jjido,
Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi-furan keeno…
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku jiqo ereyga geedaysan-
Runta wuxuu u guul-guulaya wey gun dheertahay
Goldaloola qudha maaha iyo goonnidaa taliye
Gedaan loo filayn baa jirtiyo geel-la daaq kale’e
Waxaan ku soo gunaanadaya,arrintani waxay u taala aqoon yahanka iyo waxgaradka S/Land, inay ka gun gaadhaan,kana doodaan xalkeeda iyo waajibaadka ka saaran,fool xumada ay leedahay iyo raadka ay ku yeelan karto mustaqbalka dalkan iyo horumarkiisaba,intaanay saamayn guud ku yeelan…….iwm.
Diyaariye. Moxammad Jaamac Liibaan.
Daawo Majaajilaystaha Meecaad Miigane-Qosol
Maxay ku qotontaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya?Q.2aad
Qaybtii hore waxaynu dul marnay soo yaalkii siyaasadeed ee Turkiga qarniyadii hore oo ay noqotay xoogga ugu adag aduunka,fidiyay-na xukunka islaamka.Laguna jebiyay dagaalkii aduunka ee 1aad.
Hambalyo Aroos Wacan Ayman Aadan Wadaad-diid Iyo Hodan Cabdi Iimaan
Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax..Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinnu Guri Negi Guulloow Ka Yeel…
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Cabdicasiis Cismaan Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Maxamed Cismaan Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdirisaaq Cismaan Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Mustafe Cismaan Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdiqani Cismaan Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Xasan Jaamac Dhaglax, Ayeeyo Caasha Jaamac Cilmi, Hooyo Nimco Cismaan Faarax iyo Carruurteeda, Wacan Muuse Xasan, Kaltuun Mustafe Nuur-Bitig, Hibaaq Mustafe Nuur-Bitig, Maxamed Mustafe Nuur-Bitig, Hani Cabdi Iimaan iyo Saygeeda Cabdikariin, Suleekha Xasan Sheekh Sahal, Caasha Maxamed Cumar, Faadumo Cabdillaahi Sugaal, Sahra Cabdillaahi Faarax, Maryan Cabdilllaahi Faarax, Maryan Aadan Faarax, Maxamed Xuseen Faarax, Cabdiraxmaan Xuseen Faarax, Khadra Cabdillaahi Faarax, Nimco Xuseen Faarax, Hooyo Faadumo Cali Xirsi, Adeero Aadan Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Adeero Cabdillaaih Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Rashiid Cabdillaahi Faarax, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Bashiir Axmed Ismaaciil, Farax Axmed Qabille, Faysal Gacan, Khadiija Ceerigaabo, Cudbi Ismaaciil, Filis Maxamed, Faadumo Saleebaan Wayne, Faadumo Maxamed Suldaan, Mushtaaq Maxamed Ibraahin, Aamina Burhaan, Cabdiftaax Ismaaciil Mursal, Xaaskiisa iyo Carruurtooda. Dhammaan dadkaas iyo Asxaab kale oo tiro badani waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi Karin hawada u marinayaan.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ayman Aadan Wadaad-diid
Iyo
Hodan Cabdi Iimaan
Oo Tobankii bishan aynu ku jirno ee January (10/01/2014) Arooskoodu ku qabsoomay magaalada London ee Waddanka Ingiriiska, waxay leeyihiin noqda kuwii isku-raaga ee isku raasooma, Ubad Khayr qabana Illaahay kala siiyo, ee farxad, barwaaqo, badhaadhe, nabad iyo reynrayn ku wada noolaada. Aammiin………..Aammiin……………..Aammiin..Allaah ha aqbalo Insha Allaah.