Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Hambalyo Arooska: Maxammuud Mahdi Maxamuud iyo Suhuur Muuse Qaasim

$
0
0

Hambalyo Aroos
Eng. Ismaaciil Xassan Coomey (Like)
Cabdillahi Siciid Muxummed
Maxammed Axmed Cige
Cabdifataax Maxamuud Ibraahin (Carsaanyo)
Axmed Maxammed Saleebaan
Yuusf Maxammed Xassan
Cumar Maxammed Faarax

Dhamaan shaqaalaha Shirkadda Taran Engineering and Construction Company ee magacyadoodukor ku taxan yihiin, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan arooska iyo aroosadda

Maxammuud Mahdi Maxamuud

iyo
Suhuur Muuse Qaasim

Oo arooskoodu dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa, waxay leeyihiin noqda kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela
Aamiin Aamiin Aamiin


Hanyaraanta cismaan Hindi iyo Hubsiimo la,aanta hadalkiisa, WQ khadar jirde Ahmed

$
0
0

Q/l: by: khadar jirde Ahmed                                               23:01:2014
Hanyaraanta cismaan Hindi iyo Hubsiimo la,aanta   hadalkiisa
 Marka  hore waxa aan  halkan  ka salaamaya bulasha waynta reer Somaliland iyo bahawaynta saxaafada  madaxa banan  meel kasta oo ay ka jogan wadanka , hadii aan u soo gonda dego fikikygan shakhsiga a.

,Khadar
Waxaan donaya in aan ka jawabo hadal ka so yeedhay manta  Cismaan Cabdillaahi Cigaal Cismaan Hindi oo uu ku duraayo Gudoomiyaha xisbiga UCID eng, Faysal Cali Waraabe  taas oo  uu leeyahay waa in  xilka laga qaado ama uu baneeya  jagada taas oo uuleeyahay hadii  u jagada baneeyo in xisbigu taageero badan heli lahaa.
Sida aynu wada ognahay waxa wadanka  ka tartama tobankii sanaba  mar xisbiyo looso doorto hab  dimuquraadiya  oo ku yimaada codka dadwaynaha ku nool jamuuriyada  Somaliland intaas oo  odhan waxa uu  xisbiga UCID eng, faysal cali warabe  ku hogaaminayay kalsonoda shacaka  reer Somaliland  taasi  oo ay ku dheehantay wayo aragnimo  iyo karti isaga oo mar walba u qaadayay sidii wadanku hurmarka ku gaadhi lahaa   ee maaha mid  uu cismaan hindi inta uu soo xantoobiyay uu xibiga  UCID  ugu shubay.

Waxa hubalala ah nin waliba waxa uu wadanka  iyo shacabka  u taray anay taarikhdu ilaabi doonin    waxa la wada ogyahay doorka iyo maqaamka uu Cismaan Hindi ku lahaa  fadaqaladii uu afar iyo labatanka sacdood uu kula dhex jiray xisbigi UDUB iyo bulshada reer Somaliland  hadii aan soo qaato waxa yaabaha dhabta ah ee  manta tarikhada u galay Cismaan Hindi waxa ka  mida in uu waxa tar iska daaye uu musumaasuq  u shaqaysanayay kaas oo uu ka alkumay Hotel Crown.

Waxa  kele oo ka mida waxyaaba Cimaan Hindi taariikhda u galay  fidmadii uu isagu aabaha ka ahaa ee ahayd mid hadii lagu raaci laah dalka oo  dhan fawdo iyo dil  hor seedi lahayd taasi oo ahayd dorashdii  wadanka ka dhacday  ee laga gulaystay xibigi UDUB kana helay madaxwynaha hada talad haya Axmed (siilanyo) laakiin waxa Cismaan Hindi  ku gacan saydhay hogaamiyihii wadanka  oo ahaa madaxwayne Daahir Rayaale kaahin oo go,aan  door shariifana ka qaatay fadqalaldii uu waday Cismaan Hindi oo   fadaqalalo ka  dhalin lahayd wadank.

Cismaan Hindi waxaa taariikhda ugu jira waxa ka mida  baabintii iyo in uu saaxad ka baxo  xisbigii UDUB ee wadanka dimuquraadiydiisa uu manta ku naalonayo  dhidibad u tagaay hadab waxaan leeyahay Cismaan Hindi, yaan magtii xisbiga UDUB laguu qabsan,  eng, faysal cali warabe shabaka ayaa og wax uu wadanka iyo shabka reer somalilanba  u taray oo aan kow iyo lababa laguso kobayn.  Waxaa kuso koobaya fikirkayga, (Cismaanow adigaaba lagu goobaya oo waanad garanayn e gagabso oo aamu yaan gaadh lagaa qabane)

Wa bilaahi tawfiiq
Xikmaawi.410@gmali.com

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Madaxa Hey`ada D R C oo uqeybiyey Qalab Beereed Ciidamada Xooga Kuheysta Kabxanleey iyo Madiina.‏

$
0
0
Horaantii bishii hore ayey aheyd markii Ciidamada Dowlada katirsan lakiin ka amar qaadanayey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi faarax Laqanyo ay dagaal ba`an ku qaadeen Deegaanada Kabxanleey iyo Madiina, Ciidankaa oo gaarayey Lix boqol oo Askari kana mida Kun Askari oo ay tababartay Dowlada Jabuuti si xoogana u qalabeysay.
Hadaba Ciidamadan oo iyagu 12 kii bishii hore ka geystay Gumaad iyo barakiicin qoysas gaaraya 815 qoys ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Madaxa Hey`ada D R C ee Gobolka Cilmi Garweyne ay gaarsiiyeen qalab ay ku fashaan Beeraha ay xooga ku qabsadeen,iyadoo ila madax banaan sheegeen in ay tahay ujeedkii awalba dagaalka iyo barakicinta loo sameeyey ee ah in dhul Beereedkan Alle ku maneystay Deegaamadan si xoog ah lagu qaato iyadoo shacabkii daganaa ay noqdeen wax la dilay, kuwa dhaawaca iyo qaar ka barakacay halkii ay Ab ka Ab ay daganaayeen ee looga saaray magac dowladeed iyadoo madaxweynaha soomaaliya Xasan sheekh la sheegay in uu iska indha tirayo uguna talagalay in aysan fulin xitaa Balantii ay qaaday Bil kahor Dowlada ee aheyd in Dib loosoo celin doono mudo Lixdan Bari gudahood Shacabkii deegaanka lahaa lana dhisidoono Guryihii la gubay.

Gobolka Hiiraan oo ay wada dagaal afar iyo Toban Qabiil ayaa tani noqoneysaa markii ugu horeysay ee la isku dowladeeyo iyadoo waxgaradka Deegaamada Deefow,Kabxanleey iyo Madiina ku eedeeyeen Madaxweynaha, Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Gobolka in ay isla ogyihiin Qorshahan isir sifeynta ah iyadoo laga deyrinayo Xaalada Shacabkii ku dhaqnaa Deegamadaa oo ay la soo daristay xaalad ah cidi kuuma maqna ceelna kuumaqodna .

Tacsi Inaa lilaahi waa ina ilayhi Raajucuun.

$
0
0

Xuseen C/laahi Xuseen(Girgire), Maxamed Cawil Xaaji Nuur (Xoog), Kayse Axmed Digaale, Xuseen Xaaji Axmed Qulunbe, Cali Hawd Warsame, Maxamed Huuriye Nuuraani, Mustafe Maxmaed Xuseen, Cabdi Cali Dhegaweyne, Cumar Yuusuf Cabdi Siciid, Cabdi Jiinje, Cismaan Abokor Berberaawi, Jamaal Huuhaa, Maxamed Aadan Foolge,Siciid Xaaji Axmed Qulunbe, Maxamed Abokor, Guuleed Daahir Samater, Siciid cige Caro-baydhay, C/laahi Maxamed xuseen Xino, Aadan Siciid Dooc, C/risaaq Arnab,Farxaan C/laahi Caydiid, C/raxmaan Maxmaed Axmed Xudur, jaamac C/laahi Baxnaan, Mubaarik Yuusuf Cilmi, Siciid Maxamuud Qaloobi, Cabdi Maxamuud Qaloobi,Cabdi Jaquur, Ibraahin Daahir Caateeye  iyo Dhamaan Bahda ciyaartoyga gobolka Togdheer.



Waxya tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii, Qaraabadi iyo Asxaabti C/rashiid Maxamed Sugule (Culus), oo ka mid ahaa ciyaartoygii gobolka Togdheer ee Sideedtamaadkii u safan jiray  00 26-january-2014 ku geeriyooday magaaladda Lestar oo ka trisan Cariga UK, waxayna ilaahay uga baryayaan in uu marxuumka naxriistii jano ka waraabiyo, eheladi iyo caruurihii u ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo Aamin… Aamin.. Aaamin.

DUNDUMO MAYDH MAANSO : XILDHIBAN QABILE

$
0
0

Maansadan la magac baxdey (Dundumo Maydh) oo uu curiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Caawa oo ay taariikhdu tahey 28/01/2014. Wasxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan:-

  1. dedan maahee daalacan,
  2.  geedi wuxuu u duurxuley
  3. deeley u halabsadey,
  4.  nabar doogtu furantoo
  5. damqashiyo xanuunba leh,
  6.  cidi kuma duduucine
  7.  dareen buuxsamaa jira,
  8. waqtigaa u direy hawl
  9. dadku uu ubaahnaa,
  10.  duufaanadii carab
  11. ku dirqiyey waxyeelada
  12. tuuniisiya wixii durey
  13. masar daadkii wadagaley
  14. liibiya ku daadegay
  15. dabridkeedii yamaniyo
  16. suuriya wixii degay
  17. dakharadaa xasuutale
  18. waxa didiyey waa cadho
  19. dabuub horaa waxey tidhi
  20. foodsaar daleysnaa
  21. dabasaarkii loo celi
  22. dulucdeedu waxay tahey
  23. sharcigoo la daahiyo
  24. xeerarkoo la daba marey
  25. waxaan doono aan falo
  26. ruuxna yuu i dabagelin
  27. sidaa waxa daliishadey
  28. nin dookhiisa sahansadey
  29. waa dirkii nabruudiyo
  30. fircoon dala’asigiisii
  31. dushuunbaa la taabtee
  32. wali looma daadegin
  33. waxa daafta kale yaal
  34. dilaal iyo malaaliyo
  35. dibjiradu alooseen
  36. himiladii dadku lahaa
  37. danabadu ku le’edeen
  38. duunyadeena loo hurey
  39. duubyadu ku laabmeen
  40. badhna aakhiro u degay
  41. dib inaan u celiyaa
  42. dariiqyga maahee
  43. dibindaabyo kale iyo
  44. cadawgaan mar hore direy
  45. inaan daawo lala gelin
  46. marlabaadna lay dagin
  47. dawgaynu hayno
  48. daliilkiisa yaa saxey
  49. maxaa ii damaanada ,
  50. afartaa daleeyaye
  51. waxa aan ku darayaa.
  52. dalka oo bukoodoo
  53. cid dabiibta loo helin
  54. eebaha deeqda bixiyiyo
  55. daa’inkaan ka magangaley
  56.  su’aal baana daba taal
  57. Xumaan daafaceediyo
  58. Digarogoshodeedii?
  59. abwaanadaan u dirayaa
  60. iney doorkan keenaan
  61. deelqaaf anoon ridin
  62. waxan taa ku sii darey
  63. d’a yartii dareertee
  64. saxaraha ku dabar go’ay
  65. ama raacey doonyaha
  66. badahaa ku daakiyey
  67. hilibkooda darabta ah
  68. bahaluhu daldalayeen
  69. ka dibirey libaaxiyo
  70. kaluunkoo is daba galey
  71. damanuhu ma moogyahey
  72. dugayeeyda yeedhiyo
  73. baroortaan mar qudha damin
  74. ma damqadey ma jiidh naxey
  75. dad ma dhaqe ma moogyahey
  76. waxa didiyey maatada
  77. waxa debad baxoodiyo
  78. dabeyl raaca ugu wacan
  79. waa su’aal deldelanoo
  80. abwaanadaan u dirayaa
  81. iney doorkan keenaan
  82. afartaa daleeyaye
  83. waxa aan ku degayaa
  84. tu kaloo ka sii daran
  85. cadligii dushu’u baxey
  86. garsoorkaa dayaxa korey
  87. xaqiibaa la dacal marey
  88. sinaan laga dibooyoo
  89. dadku wada jirkii lumi
  90. dirsoociyo waswaasiyo
  91. qabiilbaa darka u galey
  92. samihiina laga durug
  93. nin danlaa ka taajiray
  94. ma durbaano khaliyaan
  95. deymada ku dhowraa
  96. ma dudada banaanbaan
  97. ku dugaashadaa khalad
  98. duurka waxan u galayiyo
  99. meeday dawladnimadii
  100. waa su’aal deldelanoo
  101. abwaanadaan u dirayaa
  102. dawadeedu waxey tahey
  103. iney doorkan keenaan
  104. afartaa daleeyaye
  105. wax aanku darayaa
  106. wali daalaleeydiyo
  107. danta aan ka leeyahey
  108. dabnaheygu mey furin
  109. diihaalka gaajada
  110. duruufaha adkaadiyo
  111. danyaraha saboolka
  112. daryeel li’ida haysiyo
  113. dacartiyo dhibtuu qabo
  114. nin dibirey ka xoogsadey
  115. tiiyoo diifi haysoo
  116. boqolaal dabloo shidin
  117. cashuur lagu dalacayiyo
  118. xisaabaha dul socodka’ah
  119. dakhli laga uruursado
  120. waxa loogu sii darey
  121. nimcaa dedan dhulkeeniyo
  122. kibir laga dul heesaa
  123. cid u diirnaxaysoo
  124. debecseni ku eegtoo
  125. u damqada ma leeyiin
  126. waa su’aal deldelanoo
  127. abwaanadaan u dirayaa
  128. iney doorkan keenaan
  129. Axmedoow dundumo maydh
  130. docna uma dhaqaaqee
  131. waxaan doonisteedii
  132. u dabaal-degaayiyo
  133. waxan diidanee jira
  134. inaan laba u kala deyo
  135. diirka aan ka qaadee
  136. dabayaaqadii mey
  137. duhur laysu wada jiro
  138. goosashadan dabka u ridey
  139. go’aankii dadweynee
  140. distoorkeena lagu dhigey
  141. dedaalkaan ku goostiyo
  142. ninka dood ka celiyaa
  143. danbi qaran inuu galey
  144. dadwaynaa u markhaatiya
  145. carab dalable laba jeer
  146. ninka ila dul joogoow
  147. dumadaada weeyaan
  148. waqtiyaa is daba marey
  149. dabinaa ku hoos xidhan
  150. miinaan dulmarayaa
  151. doonibaa badweyn jaban
  152. mawjadaa dalacayoo
  153. ku dib jirey horseedkii
  154. dalcadaa la galey adag
  155. jarbaa lagu dul joogaa
  156. fikir laga dambariyiyo
  157. hadaan taladu dabar helin
  158. go’aan loo degdegiyo
  159. runta doobir laga dhigan
  160. door-roone loo xuley
  161. aanu diirada u qaban
  162. daba gala wixii lumey
  163. dawga laga habaabiyo
  164. ku dabaala xeerkii
  165. daacadnimo ku maamula
  166. rajo daadegeysiyo
  167. darayiyo dhib mooyee
  168. wax is doorsha lama filo

TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye oo ku geeriyooday 08/01.2014, Boorama, Marxuumka oo ka mid ahaa odayaashi ka soo qayb qaatay dib u dhiskii Qaranka iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo  Shacbiga Somaliland uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Golaha deeganka Hargaysa: Gafaneyaal ku naaxay dhiiga shacabka

$
0
0

Qore: khadar jirde Ahmed   

Waxa aan salaan u dirayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland iyo bahda saxaafda oo had iyo jeer soo bandhigta tabashada shacbi waynaha reer Somaliland hadaba hadii aan ku soo durko ujeedada dulucda hadalkayga,
Waxa beryahanba soo  baxaysay  cabashada shacabka  dan yarta ah iyo shacabka intiisa kelaba  taas oo ay kaga cabanayaan  cashuurtii laga qaadii jiray dadka oo ay dawlada  hoose ay tidhi waxaanu ku kordhinay boqolkiiba boqol kordhintan oo maayirka golaha deeganka C/raxmaan c/laahi caydiid (solteco) uu si  ay ka muuqato axmaqnimo naxariis la,aan  ugu badheedhay in uu  ku tacadiyo dadka masaakinta ah ee aan awodayn in ay iska bixiyaan  takliifta intaa leeg iyaga oo markii horaba la dala dhacayay  sicir Bararka maciishadeed ee wadanka ka taagan.

Khadar
Waxa aan ladafir Karin inta caqabadod ee  ah mid biyood mid kale oo ah waxayalihii qubtal daruuriga ahaa  oo aan manta la jari Karin, waxa kele oo aynu arkaynaa dhulkii danta guud ahaa oo nag laga siiyay oo ladhameeyay iyada oo lacagta tacadiga intaa leeg loogu gaysanyo dadaka iyo shabiga  aan waxab loogu qabanayn ee aayar uun jeebada layskaga shubanayo, runtii  waxaynu  odhan karna kuwan waxa dhaamay kuwii uu madaxwaynuhu magacaabi jiray oo aan  iyagu shacabka kumay hayn dhibaato   waxa wax laga xishoodo ah in aanay waxabab ka xabayn oo ay musuq maasuqa ay si fool xun ugu karbashayan shacabka waxa ka ka mida  dadkii isku faamliga ahaa  ayaa la yidhi oo anay dadkodi dhiman cashuur dhaxal shakhsiyeeda dhinaca dhulka ayaa laydinka donaya waa waxayaabaha  ama arimaha ay waxa ku musuq maasuqaan ee ay soo kordhyeen iyada oo aynu wada ognahay sida dhulkii halbawlaha ahaa loogu tashaday siiba Maayir soltelco,
Sida khayriyadii hore oo uu ka iibiyay nin uu xilgii kambaynka lacagbadan ka qaatay, runtii waa wax yaabaha  diiwanka u galay golahan imika jooga.
 Waxa aynu  ognahay in aanay xukuumadihii kala danbeeyay aanay soo marin shacabka tan oo kale iyo tacadiga maciishadeed ee maanta haysta  kan cashuureed  iyo kan musuq maasuq 23kii sano ee ay Somaliland jirtay waxay dadku ku tamarinayeen oo ay ku nolayeen waxay ahayd dhinacyad  cashuurta iyo qubtal daruuriga  iyo isku wada laysku waday dadka iyo hadaba duruuftii jirta in la eego shacabka  manta  uma baahna dadku hagar daamo waana laydunku arkaya waxa aad  falaysaan  wuu idinla socdaa shacabku waxa   aan u soo jeedinaya dad waynaha in ay indhaa u kala hayaan waxa noloshoodu  ay ku tiirsantay  ee lagama maarmaanka u ah  oo ay diidan  musu maasuqan lagu dhiig miiranyo ee aan hadana waxba laga tusayn shacabku waa in uu la xisaabtama golaha deeganka  waxa loo dortay muu ahayn  in ay dadkii codka siiyay ay dhiigoda dib u cabaan  waxa an u soo jeedinayaa shacbi waynaha reer Somaliland  in ay cod dheer kaga hortagan arinkan  cashuur bararka ah ee noloshoda lidka ku ah,soltelcona waxan leeyahay arinku (mayska cunaa maahee waa caqli lakaalay).

Kala baro Xildhibaannada dhaameel-raaca noqday iyo kuwa sharcigga u hiiliyay

$
0
0

Somaliland waxa beryahan ka jiray ismaandhaaf siyaasi ah oo u dhexeeya mudanayaasha ay shacabku soo wakiisheen iyo kuwa hilmaamay dadka soo wakiishay oo iyagu doorbiday inay madaxtooyada u adeegaan,  halka ay u adeegi lahaayeen ummada soo dooratay ee safafka dheer u galay si ay cododkooda u siin lahaayeen, kuwaas oo is ahaa dhawaaqiina ayey gaadhsiin doonaan xukuumada jirta balse noqon waa hadaba ummadii soo dooratay xildhibaanada mar qudha boqol iyo sideetan degree isku rogay marka madaxtooyada looga yeedhay loona daadiyey xooga lacag ah xildhibaanadaas oo laga war helay iyaga oo dhinacii kale ka soo wada jeedsaday horaana loo yidhi” Ilaahayow haa iyo maya meel qudha ha nagaga yeedhsiin” xildhibaanadaas oo is iska dhigaya kuwa u doodaya xuquuqda ka maqan kuxigeenka koowad ee isagu isxambaarka ku yimi golaha oo aan hal cod ah ka helin shacabka uu sheeganayo in uu matalayo arrintii shalay ka dhacday wakiilada ee ciidanka loo adeegsaday sida qaldan si loo cabsi galiyo xildhibaanada xilkooda gudanaya laguna taageerayo xildhibaanada lacagta ku shaqeeya iyagu hadaba waa ayo xildhibaanada sharaftooda iyo sharafta shacabka soo doortay ilaashaday kana doorbiday dollaro yar

 
1. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka soo jeeda xisbul xaakimka Kulmiye noqdayna ninka qudha ee aanu dollarka madaxtooyadu ka bedelin mabdaiisi hore halka ay saaxiibadii dollarka doorbideen waana xildhibaanka laga been abuuray magaciisana si sharci darro ah loogu soo dara liiska xildhibaanada dhaameelka jecel isaga oo markii uu yeedhinayey magaciisa Gudoomiye Cirro yidhi ” anigu kuma jiro Gudoomiye” magaciisa oo bilaa saxeex ahna ku soo darsadeen liiska
 
2. Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo isagu soo jeediyey in golaha la keeno mooshin lagu baadhayo caafimaadka madaxweyne Siilaanyo madaaba oo ay intan oo qalalaase dalka ka jiraan isna iska dhigayo nin aan ka warqabin rabshada ay golaha ka dhex wadaan kuwa ugu dhaw dad ee lacagaha qaranka ku bixinaya laaluushka xildhibaanada
 
3. Xil Mahdi Buubaa oo kashifay beenta Wasiir Xirsi oo lahaa wax shaqo ah kuma lihi iyada oo uu soo bandhigay dhamaan xubnaha guddiga joogtada ah ee saqda dhexe kula shiraye wasiirka madaxtooyada iyo guriga madaxweyne kuxigeenka
 
4. Xildhibaan Xoog oo isagu u babac dhigay xildhibaanada lacagta soo qaatay 
 
 
Yaase geesta kale ah oo dollarku xaqa ka duway
 
 
1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo isagu la mid ahaa kuwa lacagta loo kordhiyey saacadihii dambe markii hore inta qadar lacag oo yar loo balan qaaday balse markii dambe loo kordhiyey
 
2. Xildhibaan Blaaki oo isagu markuu xijisan waayey beenta isku dhex yaacay oo hadalo qadaf ah kula dul kufay Gudoomiyaha golaha dhaarna ku maray in uu xilka ka qaadayo laakinse ma ahayn isaga ninka hadlayey ee waa nusasaacihii laga soo guray caruurta dhigata dugsiyada dalka
 
3, Cali Mareexaan oo ah ninka qorshahan madaxtooyada laga soo macmalay gacanyaraha ka ah, Cali oo isagu magaca ka turgumaya musuqmaasuqa uu faraha kula jiro ka turjumaya wata kaas oo ah Mareexaan ama booli qaran. Cali waa ninka ay madaxtooyadu ka adeegsato gudhaha golaha waan Xirsiga golaha wakiilada
 
4. Xildhibaan Nacnac isna waa nin magaciisi wata oo waa xildhibaan nacnaca ama macaanka jecel kaas oo habeen dhexdaas ah looga soo miisay madaxtooyada ayna faraqa ugu soo laabtay marwada madaxweynaha iyada oo afkeeda laga hayo ma arki karo ninkaas bidaarta leh ee Cirro
 
5. Xildhibaan Bukhaari oo isaga loogu balan qaaday xilka Gudoomiyaha golaha wakiilada, xildhibaankan oo isagu aan caadi ahayn dowlada ingiriiskana ka sajilan in uu yahay qof disabled ah oo aan shaqo qaban karin xiskiisuna dhamayn ayaa ka mid ah dadka ay ku shaqaystaan kooxda madbakha madaxtooyada ka arrimiya
 
 
6. Iyo qaar kaloo badan oo sida zaadka lacagta loogu shubto 
 
 
Waxaas oo dhan waxay ku dambeyn faashil oo shacabka Somaliland baa jawaab waafiya siin doona xildhibaanadan ay soo dirteen iyo cida kale ee ku shaqaysata doorashooyinka soo socda
 
 
Warkii jiraaba bakaaruhu iman
 
Guuleed Buraan

Xaalada Dalka Iyo Duruufaha Ku Gadaaman By Fouad Abdisalam

$
0
0

“Waxaa la isku dilayaa,

In xumaha la doorshiyo
Xil Daryeelidiisiyo,
Dad U Hiilin maahee
Geenyadda dekaanka ah,
Aan aan dul-buuxshoo
Dalasado Markaygoo,
Daadka aan ku dhaafee,
Iiga soo deg weeyaan!!  Abwaan Hadraawi

 

 

Waxaa sideynu la wada socono todobaadkii  ugu danbeeyey dalka Somaliland ku soo kordhey xiisad siyaasadeed oo udub dhaxaadkeedu yahey awoodaha kala duwan ee habka maamulka iyo muran hadheeyey waaxyaha ugu sareeya dalka ee fulinta  iyo sharci dejinta, muranka siyasadeed maaha mid Somaliland ku cusub ee mid aynu u soo wada joogney oo mudooyin badan oo hore sidanoo kale wax u dhaceeen, waxaa  ayaandarro ah in maslaxad shaqsi siyaasi ah ama shakhsiyaad siyaas ahaan iyagu isku eryana in danta dalka iyo horumarkiisa lala jeedho, ama xukuumadda manta talada dalka heysa ha ahaato ama xildhibaanadda golaha wakiiladda labadaba ay yihiin mid ay dadweynuhu soo doorteen una doorteen in ay maslaxada iyo baahiyaha umadda u adeegaan.

Guud ahaan dalku waxaa uu marayey meel wanaagsan dhinac walba inagoo ogsoon in duruufaha ku gadaaman ay yihiin qaar cawaaqibkooda leh oo saameyn balaadhan ku leh geedi socodka nololeed ee shacabka Somaliland. Waxaa marag ma doon ah in isbedel kasta oo ku dhaca siyaasadda dalka ay raad muuqda ku yeelaneyso nolosha shacabka iska tabaaleysan una baahan mar walba in la dhiso o kor loo qaado dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan,

Xiisadda muranka siyaasadeed ee barlamaanka dul hoganeysa waxey anfariir ku noqotey shacabka u heelan in la dheerigaliyo oo horumarka iyo kor u kaca dhaqaale u taagnaa iyadoo xukuumaduna kaga mashquushey isbedeladaas ka taagan barlamaanka , waxaanad dareemeysa in shacabka iyo madaxtuba ku mashquulsan yihiin hadal heynta iyo falanqeynta buuqa barlamanka ku xeeran.

Waxan qoraalkan ku soo afmeerayaa  fariin cad halkan uga dirayo  barlamaanka iyo xukuumadda, Barlamaanka waxaan leeyahey waxad ogtihiin sharcigiina iyo doorka aad dalkan ugu jirtaan, kumeydaan iman kursiga xildhibaanimo dagaal aad u gasheen iyo laaluush se cod shacab ayaad ku timaadeen, iyagaad ka turjuntaan oo aad u adeegtaan waxaa idinku waajib ah in maslaxada dalka iyo dadka ka shaqeysaan is qabqabsiga iyo muranka aan danta shacabka quseyna la idinka hanweynaa, farogalin kasta oo xukumadda ama cid kale idinkaga timaadana hadey jirto isku duubnideena iyo wadajirkiina kaga gudubtaan, cadowgiinuna noqdo kuwa diidan Somaliland iyo horumarkeeda.

Xukuumaddana waxaan faraya in ay ka masuul tahey dalka iyo shacabka, eedeymaha kala duwan ee dul hoganayana shacabka ay ka qanciyaan kala saaraana sharciga iyo waajibaadka saran gole kasta o qarankani leeyahey. Dalkana ku maamulaan sharci aan laheyn xisbi jecleysi ama shaqsi jacleysi, maalinbaa iman doonta sideynu u soo wada joogney talada dalku idinka wareegto waxaad umadiina iyo qaranka u qabataan e wanaagsan ayaad heeli idin noqon doono.

 

Waad Mahadsantihiin

 

Fouad Abdisalam

FARAHA IYO FALAGA MAXAA KA DHEXEEYA? W/Q/Maxamed Faarax Qoti

$
0
0

FARUHU WAA AFAR EE MID SHANAAD MA JIRTO IYAGU QAABKAY DOONAAN HA UDHIGAANA WAXAAN MALE AADAME KU YARA MALA AWAALI DOONAA XIDHIIDHKA KA DHAXEEYA FARAHA IYO FALAGA”

M-Faarax Qoti

Waana sidan:- Far-yaro : waxa lala xidhiidhiyaa meeraha illi maqabatayga dhinaca xidigiska, waxaana loo nisbeeyaa dhinaca isgaadhsiinta , waxa kale oo lala xidhiidhiyaa inuu leeyahay hammo sarre iyo inuu ku xidhan yahay dadka ugu fiican dhinaca dhaqaalaha iyo aragtida fog, waxa kaloo lagu tiriyaa dhinaca xoriyadda. Faadumo: Tani waxay khusaysaa waa Apollo waxaana lala xidhiidhiyaa meeraha jilboole, taasina waxay ku tusinaysaa abuurida himiladda, waa ruuxi lagu lamaan yahay, wax-qabad, curin iyo ka midho dhalin. Far-dhexo: waxa lala xidhiidhiyaa meeraha jilboole, waana cadaalad, wax-garad iyo garawshiyo la’aan, waxa kale oo lagu tiriyaa inuu ka sameysan yahay dun xariira oo fiican, xasilooni iyo masuuliyad, haddii farta dhexe ay aad u dheeraato ama faraha kale ka gaabnaato waxay ku tusinaysaa wadadaad maraysaa in aanay dheeli tirnayn iyo wadada dadka kula darajada ahi ee xukuumadahu ay marayaan. Murdiso: Tani waa dariiqada hiigsiga horumarka, waxa la xidhiidhiyaa meeraha mushtar, Farta sharaxaada ama tilmaanta, waxa loo eegaa inay leedahay niyad iyo tamar, isku kalsooni, dhisid mustaqbal, iyo dhexdhexaad, laakiin haddii murdisadaasi ka dheeraato far-dhexeda ama ka gaabnaato waxa ku tusinaysaa dariiqada tayada hogaamintiisa iyo in go’aankiisa halgan laga hor yimaado, iyo inuu si dhib yar uu dhameeyo

Diyaariye:- Maxamed Faarax Qoti

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo Hamablyo Meher U diray Aadan Xasan Aadan iyo Muha Daahir Faarax Jire

$
0
0

Berberanews-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo Dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu Hambalyo Meher wacan u dirayaa Aadan Xasan Aadan iyo Muha Daahir Faarax Jire oo meherkoodu ka dhacay 11/02/2014 Dalka Jabuuti.

 

Wasiirku waxa uu qoyskan cusub ugu ducaynayaa ducadii Rasuulka (SCW) ee ahayd BAARAKALAAHU LAKUMAA WA BAARAKA CALAYKUMAA WAJAMACA BAYNAKUMAA FII KHAYR) (scw)بارك الله لكم وبارك عليكم وجمع بينكما في.

 

Noqda qoyskii isku raga eek ala hela ubad khayr qaba oo waalidkood anfaca.

Hoggaanka Xisbiga UCID oo Tacsi u diray MARXUUM CALI C/ QAADIR FAARAX oo xalay Ku Geeriyoodey Cariga Ingiriiska

$
0
0

UJEEDO/Tacsi Tiiraanyo leh
Hogaanka sare ee xisbiga Ucid Musharaxa Jagada Madaxweyne Iyo Ku Xigeenkiisa ,Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha xisbiga ucid waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, iyaga oao  uga Tacsiyeeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid MARXUUM CALI  C/ QAADIR  FAARAX  Kaas oo  Xaley Ku Geeriyoodey Cariga Ingiriiska Gaar Ahaan Magaalada LONDON  ( Inaa Li Laahi Waa Inaa Ileyhi Raajucuun )
Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan ummada  reer Somalilandna Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII, QARAABADII IYO DHAMAAN  REER C/QAADIR OO DHAN  uu marxuumku ka baxay

Aamiin                                                  Aamiin                                                                     Aamiin

Xoghayaha Warfaafinta  Ee Xisbiga UCID

Aragtiyaha Daalan – Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

$
0
0

Waa hubaal in wax la iska weydiiyo, aragtiyahan maanta dhan kasta inoo dhex-qaaday, waana mid aad u xanaf badan oo ay yartahay cidda si dhaba u tidhi waa maxay aragtida dhabta ah ee aan u baahanay, hadii aan nahay bulshada Somaliland iyo aragtidee ugu haboon ee lagu dhaqi karaa qarankeena, taas oo hirdankeedu aad u taagan yahay, oo uu taagnaan doono, taas oo salka ku haysa kala gadisnaanta dadka iyo dhanka ay hadba ka eegayaan aragtida.
Si aan bal I iftiimiyo sida ay wax iigu muuqdan, oo aan badka soo dhigo aratiyaha daalan, ee dadka qaar inoo dhoodhoobayn wax buurana inooga dhigayaan, isla markaana aan u soo kobo, oo inta badan aan u qodobeeyo iyada oo aan ku ladhi doono faahfaahin dhaba oo dhabarka ku haysa waxa jira, isla markaana aan qalinka u dabri doono si aanu yoolka u dacal marin, waxa aan ku bilaabi in aan ku bilaabo aragtiyahan daalani kuwa ay yihiin.
Aragtida Wadaadada
Aragtida Reer Galbeedka
Aragtida Martida Loo Yahay
Kuwaasi waa aragtiyo si dhaba u daalan, waxa daalka badayna waa cida wada oo aan si dhaba u dhugan, una aqoon waxa ay sidaan, ee ay rabaan in ay iib-geeyaan, waayo waxa uu qofku iib-gayn karaa waxa uu si buuxda uga dharagsan yahay, isla markaana weydiimaha kaga yimaada uu war-celin waafiya ka bixin karaa, hadaba aan qodob qodob u soo qaadano aragtiyahan daalan.

Garyaqaanka

 Aaragtida Wadaadada
Waa dhab in aan ugu horayn aan kala saarno, DIINTA iyo WADAADA, waxana aan u kala saarnay DIINTU waa wax dhawrsan oo dhan, wax ka qabyo ah oo ka dhex jiraana ma jirto , waxana ay ka timi meel maamuus iyo milgo leh, oo aan wax qabyo ahi ka iman, waxa ka soo fulaana uu dhan yahay, se WADAADADU waa dad leh dhamaan ceebaha uu lee yahay qofku oo malaha dhawrsani, waxan ugu mudan ceebahaas aqoon gaabni, garasho yaraan, laab-la kac iyo dano gaara intaas oo dhami waa wehelka qofka, wadaadkuna intaas buu la wadaaga dadka, iyada oo taasi jirto ayuu hadana wadaadku lee yahay tix-galin iyo dhagaysi, waxa taas keenay isaga oo dadka u sheegaya wanaaga If iyo Aakhiraba, se waxa uu taas helayaa marka uu la yimaado qodobadan
In uu ogaado waxa uu sheegayaa in uu dhan yahay, se isagu aanu dhamayn
In aanu aragtidiisa uga dhigin dadka in ay dhawrsan tahay
In uu dadka u tilmaamu tubta toosan
In uu ka dheer yahay Qabyaalada
In uu si dhaba u yaqaan bulshada uu ka dhashay
In uu ka fogaado aragtiyaha daalan ee lagu dhex qasay diinta
In uu ka dheeraado qabyaalada diinta
 In uu diinta aqoon aad u dheer u yeesho
In uu dadka waxa midaynaya u sheego ee aanu kala kaxayn
In uu ka dheeraado xoog ku raadinta kursiga
Intaasi waa inta wadaadku ku yeelayo maamuus iyo milgo dhaba, waana waxa loogu soo joogsanaayo, hadii se uu dhinaca ka dhaafo waxaas waxa uu noqonayaa mid sida aragti daalan, dhibtuna isaga ku koobnaan maysee waxa loo adeegsanayaa, in diinta lagu duro oo loo celiyo gafkiisa diinta, iyada oo diintu gafkaas ay ka fogtahay.
Dadkeenu waa dad aad uga dambeeya wadaada oo aad u tix-galiya, taasina waa ta keentay, in wadaadu ay noqdaan bulshadeena dhexdeeda dadka loogu dhagaysiga badan yahay, looguna kalsoonida badan yahay, waayo waxa laga urinayaa waa udgoonka diintu leedahay, se waxa jira dad si cad oo qaawan u raba in ay dhulka dhigaan wanaagaas lo hayo wadaadada, iyaga oo fata ku fiiqaya gafaf ay galeen qaar ka mida wadaada, taasna uga jeeda in ay kalsoonidaas burburiyaan, se waxa taas burin kara marka wadaadku aqoon dhaba oo qaan-gaadhay uu u leeyahay diinta, ee aanu diinta gole ka fuul ku ahayn, kana dheeraanyo, waxa diinta loogu soo dhuuman karo.
Hadaba waxa aduunkan aan guudkiisa joogno, jira dad badan iyo wadamo hawlo liita u adeegsada diinta, oo ka dhigta dhabar ay u fuulaan danahaas liita,  inta badan wadamadaasi waxa ay ka dhex fushadaan hawlo sir-doonimo iyo in ay hadba aragtida ay markaas u arkaan in aanay danahooda wax u dhimayn ay agarab iyo gaashaan buuxa siiyaan, wadamadaasna waxa ugu mudan Sucuudiga iyo Baakistaan, oo si qaawan uga dhex fushada danahooda liita. Se waxa haboon in uu wadaadku aad u hufo oo u haadiyo waxa uu sheegayo, iyada oo manta aan si cad u wada ognahay in ay diinta ka dhex dilaaceen qabyaalad diimeed, oo qof waliba kuu sheeganaayo qol hebel baa qolo heblaayo ka fiican, sidii aan qabyaalada reeraha aan ku naqaanay, wadamadaasina waxa ay kobla garab siiyaan qolada ay ka dhex arkaan danahooda liita, haba ugu sii liito sucuudiguye.
Waxa se manta la gudboon wadaadkeena in uu si dhaba u ogaado una barto bulshadiisa oo uu diinta uga dharigiyo si haboon, waligiina uu danta guud ilaaliyo iyo waxa bulshda wanaageeda keenaya, ee aanu dadka ku daalin aragtiyaha liita, iyo waxa geed-sare-waab ka ah ee aan dug hadha lahayn.

Aragtida Reer Galbeedka
Waa dhab oo sida cadceeda oo kale ayaa loo arkaa, aragtiyaha daalan, ee sida daadka ugu soo jabay bulshadeeda iyada oo uu jabay darbigii ka moosi lahaa oo ah AQOON-YAHANKA , maxaa yeelay waa mooska dhabta ah ee kala hufi kara isla markaana kala bidhiiqin kara aragtida daalan iyo aragtida dhabta ah ee aan u baahanay, iyada oo ay u badan yihiin aragtiyahaasi habka iyo hanaanka qaran loo maamulo, maxaa yeelay qaranimadu waa wax dhankooda inooga yimi, ee maaha waxa aan gaar u leenahay.
Aragtiyahan reer galbeedku waa kuwo si dhaba intooda badani geeska u daraaya waxa aan rumaysanahay iyo hadoodilkeena nololeed, waana kuwo inagu soo jabay iyaga oo wata wanaagoodii iyo xumaantoodiiba, dabadana ay ka riixayaan qaar ka mida aqoon-yahanku, dhalaal badanina ku ladhan yahay, oo halkii diidaba lacagi dhaafinayso, hadaba waa kee aqoon yahanka dhabta ah ee moos u noqon kara aragtiyahan daalan ee ka soo jabay gibil cada reer galbeed
 Waa in aqoonta uu sidaa ay biyo dhigatay, oo arinka uu dhan kasata ka eego, oo aanu hal gees ka eegin, waana in uu ka dheeraadaa laab-la-kac  aqooneed
aqoontiisu ay qaan-gaadho, qofku jidh ahaan waxa uu u qaan-gaadhaa marka uu 15 sano gaadho, se garaadkiisu muu qaan gaadhin, waxa uu se aqoontiisu ay si dhaba u noqotaa aqoon-qaangaadhay malinta uu noqdo gurgurshaaga aqoonta ee uu u bislaado
aqoon tiisu ka weynaato reerka uu yahay, iyo kooxda uu diin ahaan taageersan yahay, iyo aragtisiisa qofnimo,
 aqoontiisu ka weynaato cid jecelaysi, iyo cid necebaysi, iyo kan ku riix iyo kan ku soo dhawee, kaliya ay ka tahay dadkaaga ugu dhaami, adiguna dan gaara ha ugu adeegsan
In uu noqdo kan ay dhamaan bulshadiisu wada hadhsato, waan in uu ahaado kan loo soo wada ooyo, ee aanu noqon ka cid gaari hadhsato.
In uu aqoon yahanku yeesho meel loogu soo hagaago, oo aanu noqon mid habeenba geed taagan, waana in aanu noqon hangool maliba ninkii soo oodaysanayaa dagta sii sudho.
Rukunadaasi waa kuwa si dhaba u moosaya oo celinaaya aragtiyahaas daalan ee soo jabay, waxan dhadhan gaara siinaya marka uu si dhaba u dhugto uduga ka baxayaa heesta arday ee uu Maxmed mooge ku heeso ee odhanaysa                                                                

waxan ahay waadiga dugsiyada                                                                                     waxan ahay waanada macalinka                                                                                    waagii baryaba ubax laga waraabsho                                                                                       waxan ku warwaraynaa                                                                                                       wadankiina waxa u barta                                                                                                            oo xambaara waajibkiisa
Dhadhankaas aadka u sareeya iyo xilka dhabta ah, ee ku duugani waa ka Eebe yidhi ( kaliya waxa sida ugu haboon iiga cabsadaa waa dadka aqoonta iyo kasmada leh) ma jiro sarayn ka weyn taas in uu Eebe ka dooraty dadkii uu abuuray oo dhan, qofka aqoonta leh, ee si dhab u gartay sirta aqoonta.
Hadaba aqoon yahan dhugo xilka dhabarka ku saran ee ay bulshadaadu kaa sugayso in aad u noqoto darbi ka celiya duufaanada liita eek u soo dhex dhuumanaaya aqoonta, aqoon yahan eebe garab buuxa ha kugu siiyo hawshaas.
U ka coo ka huf kana haadi aragtiyaha daalan ee soo jabay, adiga oo aan ka tagayan aragtida toosan ee aan u haraadanahay eek u jirta aragtiyahaas daalan, adiga oo maanka ku haya waxa ay bulshadaadu uga baahan tahay iyo waxa aanay u baahnayn. Iyo halka ay ku haboon tahay ragtida toosani.
Aragtida Martida loo Yahay
Bulsho meel wada dagan waxa uu Eebe sumad lagu soo hayb-sooco uu u siiyay waa dhaqan, kaas oo ka kooban AF iyo HADOODIL NOLOLEED  oo u gaara, kaas oo ay kaga duwentahay bulshooyinka kale, waxa hadaba dhaba bulshada intaas dhawran weydaa in udubka lagu riixo oo la milo, taas oo halisteeda iyo dhibteeda leh, waxa ugu mudan ee bulsho gaadh ka haysaa waa afkeeda iyo hab-dhaqankeeda oo ah dhaxalka ugu milgaha iyo saraynta badan ee faceeda dambe ay u gudbinayso.
aragtidani waa tag u mudan ee lagu qasaban yahay in laga wada dambeeyo, laguna wada dabo faylo, waxan dhaba in ninkii iska baal-maraa uu halis u banana yaalo, waayo waxa uu rabaa bulsho dhan in uu hantideeda gaarka u ah uu xado  isaga oo aan dhaadayn in dhibtu isaga ka bilaabmayso, isagana ay dhadhan tirayso, waa dhab oo dhanqanku waa rukunka ugu adag ee aan la loodin Karin.
Hadaba maxaan u idhi waa aragti daalan?
Aan war-celinta koobee, waxa aad mudooyinkan dambe  soo gadaal-baxay weerar adag oo dhan kasta kaga yimi sumadeednii, iyada oo si cad oo qaawan loogu taagan yahay in jirida loo siibo, waxan ugu mudan oo ay ka soo galeen waa
 
Dhanka afka
Afku waa ka ugu mudan ee ugu horeeya ee qofka lagu garto  bulshada uu yahay marka ugu horaysa ee uu erayga koowaad yidhaa ayaa la gartaa bulsha weynta adunkan ku nool ta uu ka yahay,
Bulshada afkeeda jirida loo siibaana waa ka tirantaa dunida waxan ku dhaca milid taas oo la milo afkeeda oo ah halka ay wax kastaa ugu kaydsan yihin, waxana haboon oo aad iyo laxaad u mudan in aan si dhaba ugu wada kacno sidii aa afkeena u badbaadin lahayn, hadii ay tahay dawalda iyo bulshadaba oo ay ugu horeeyaan dadka aqoonta lehi.

                                  Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
                                     Bartay Aqoontaka Xeerarka
                                   Cabdale_2012@hotmail.com
                                                16/02/2014

Dharkeyn iyo Qabeyn- Qalinkii: Liibaan Xaaji Fagadhe

$
0
0

khriste maalmahanba waxaad aad isku waydiiseen su’aalo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen hadii aan wax ka taabto .
1- Qolooyinkii qalinka wax idiinku tilmaamijirey ama ku toosin jirey tolow maxaa heley?
2-Miyey daaleen?
3-Miyaa iyaga laftooda la Dhakeeyey oo dabeedna la Qabeeyey?    Iyo Qaarkale oo Badan.
Sanadkan cusub ee curtey waxaanu eegeyney bal saadaasha iyo siyaasadu halka ay isugu biyo shubato ,eegney oo odorasney odeygana yara deyney markii nala yidhi waa yara juujuucsan yahey ama bukaa oo kuyara sugnaaney heydiin ladnaado  . Ruug Cadaagii soo rogaal celi Maqaalkeenan maanta Ciwaankiisu waa DHAKEYN IYO QABEYN  Ilaahey aynu inteena xaqa ka hadashaa ka magan galno’e  waa sheeko iyo qiso la yaab lehe.
Bal ufiirso waxaynu maqli jirney ninkii hebel waa la MUSTAFEEYEY  oo waxoogaa shalimaad ah inta la siiyey ayuu hadalkiisii halkaa ku gam yidhi oo dadku waxay is weydiiyaan miyuu xanuunsanayaa , ma howl ayaa ku soo korodhey mise, mise,mise iyo is weydiin badan deedna halkaas ayaaba lagu ilaawaa.
Mudo aynu hadaba sanad ku dhawaad ka joogno dadkii la MUSTAFEEYEY waxa ka mid ahaa oo aan idin xasuusinayaa nin markii xukuumadii Riyaale tagtey isagu jeebkiisa kala soo baxay xil aan xukuumadaa u xisaabsaneyn oo uu is yidhi malaa tan ayuunbaad xukuumada Siilaanyo ku jujuubi kartaa Cidna kuma ogaaneyso wax ku soo baadhayaana majiro balse markii aanu inbadan isku taxa luujiney soo helney runtii ninkaasi waa Mr C/fataax oo sheeganjirey mudo laba sano ah inuu ahaa Ambasadoorkii Ireland balse waa sheeko la macno noqotey tii aynu isla naqaaney ee aheyd KU QABSO KU QADIMEYSID waxoogaa 18/05/2013  London lagu siiyey oo layidhi lacag yar oo faro guud kood ah ayaa lasiiyey  Maalmo ka diba waa ka madhnaa.

sawirkeyga
Nin ay aad usaaxiib ahaayeen ayaan Maalin aan sii fogeyn waydiiyey oo aan ku idhi waar xagee ayuu ku dambeeyey ninkii aad saaxiibka aheydeen ee Ambasadoorka sheegan jirey  waxa uu iisheegey ninkaasi waxba magacaabi maayee inuu ninkii C/fataax ahaa meeha naabaayo magaaladii Hargaysa  Wasiir Xirsi oo soo xerogaliyeyna ilaa hada ku Maaweelinaayo sug Xafiiskaagii gacanta ayaa lagu hayaa oo dhismihiisiiba waa dhamaade  Bisha May/2014  ayuu Sanadkii ku gow yahey waaba sidii wadooyinkii dhagaxa uun la dhigaayey ee laga tagayey bal adba eegoo xagee lagu arkey xafiis sanad ku dhawaad la dhiso ma aqalkii Xisbigaa ee Hargaysaa . Siyaasadaa  Mustafeyntu waa mid soo jirtey mudo oo xukuumadani la kowsatey .
Sanadkii 2013 Waxa uu inoogu bilaabmay wadahadaladii Turkiga iyo Somaliya hadalkeediina waa gam wax ka soo baxayna ma jiro Tolow miyeynaan hadeynu shacbi nahey Xisaabtameyn oo Xukuumadda Siilaanyo waa bilaa barakee aynaan baraneyn.
Intaasi waa Xasuusin iyo Sanadkii aynu ka soo gudubney bal hadaba aynu usoo laabano Sanadkan iyo Siyaasada Odeyga iyo Sifaheeda oo tii sanadkii hore wax ay iska shabahaan waxna uu ka badeley  waxa hadaba sida dhabta ah ee xaqiiqda ah aynu sanadkana ku dhameysaneynaa waxyaabo badan oo markaan idiin iftiimiyo aad fahmi doontaan aynu ku horeyno .
Dhakeyn: Dhakayntu  Waxa ay tahey kolka aad dulmigii aad ka hadleysey intaad raadkaagii dib usoo qaado soo ag yuurursato  .
  Qabayn:  Qabayntu Waxay iyana timaadaa dhakeyn kadib dulmigii aad ka hadleysey markaad difaacdo oo aad     ugasho cidii dulmiga samayneysey sida aad shaashadaha  ka aragteen .

Maalmahan ugu dambeeyey waxaad lasocoteen in ay koox baarlamaanka ahi ay keeneen xeerar labada gudoomiye ku xigeen lagaga dhimaayo awooda . Waxa kale oo aynu daawaney wasiirka madaxtooyada oo Liverpool qudbad ka jeedinaaya goob uu madaxweynuhu fadhiyey si anshaxa dowladnimo iyo milgaha baarlamaanka ka baxsan ayuu arintaa uga hadley waxaanu halkaa ka sheegey inuu baarlamaankani yahey kuu waligiiba ka marsan jirey oo uu sankooda caano ka keeni doono sidii ayaabu baarlamaanka ku tagey .waxaynu aragney golihii oo si xishood la aan ah oo indho la aan ah iyaga oo qabeysan wixii ay an sixiyeen cakiskeeda ku hadlaaya ,arintiina waxay ka dhigeen wanjal ay ku duween gudoomiye Cirro inuu beesha Sool xaqeedii ka qaadey.

Haddaba anigoon uhiilineyn bal waxay isweydiintu tahey waa kuma Cirro? Cirro waa ninkii mr xirsi ufududeyn jirey 40 xeer ee uu sheegey ee ahaa xaaraanta halka guriga saylici lagaga dhakeeyo baarlamaanka waxa hore loogu dhakeyn jirey guriga cirro halka xirsi lacagta ugu qeybiyo ee lagu qabeeyana Ciraa qeybinjirey .
Hadaba waxaynu uhiilineynaa cirro maaha ee waa sharciga iyo xaqa reer sool waxaan leeyey waa dhab oo waxa idinka maqani waa xaq halkuuse ku maqanyey? aynu fasirno ee maaha kursiga cirro, ee saami qeybsiga miyey israacaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha guurtidu , hadii ay ka dhabtey kursigaa Saleebaan how baneeyo madaxweynu xaabsade. Waxa kale oo is weydiin le xukuumadan uu dhisey muxuu Harti ka siiyey isku soo wada duubo waa waxba . Sidii barigii dhaweyd hadana ma wuxuu rabaa inuu Siilaanyo ujaawaabi kariwaayo inantii yareyd eek a heshey Maraykanka ee uu ku xanaaqey.

Hadaba waxa nasiib daro ah xubnaha baarlamaanka ee madaxa banaan iyo xisbiga wadani in aad daabaqad leydinku dhufto oo aad beel waxeedii qaadateen oo iyadoo leydinka gardaranyey leydinka gar helo oo aad muujinkariwaydaan dadkana tusi kariwsydaan in arintani ay tahey arin sharci iyo beelahaa wixii ka maqani halka ay kumaqanyiin.

Waxaan ku soo gabagabynayaa oo aan Gudoomiye cirro kugula talinayaa inaad iska casisho xilkan si aad shacbiga cafis uga hesho una muujiso dhaliilaha jira oo noqoto mucaarid buuxa haddii kale waxay umuuqaneysaa inaad dan gaara wadato oo aad waxooduun la walaaqaneyso.

GUUL ALLE

DHAMAAD

Dhallinyarada Somaliland: Suureynta qarannimadooda iyo siday u rabaan koboca dalkooda

$
0
0

Xuska Qaran ee Maalinta Dhallinyarada Somaliland – 20 Feeberwari

Dhallinyarada Somaliland ee ku nool magaalada Landhan waxa ay kugu martiqaadayaan in aad kala soo qayb gasho xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland oo ku beegan Khamiista 20ka Feeberwari. Kulankani waxa uu ka dhici doonnaa daarta Oxford House ee bariga magaalada Landhan, 6da fiidnimo. Waxa lagaga hadli doonnaa ahaanshaha iyo kobcinta qaran ee Somaliland, waxa na madasha ku wada hadli doonna dhallinyaradii shalay iyo kuwa maanta. Meelo kale oo laga xusayo maalintan ayaa lala xidhiidhsiin doonnaa doodaha.

20kii Feeberwari ee 1982kii waxa ka dhacay magaalooyin kala duwan kacdoonkii kowaad ee dhallinyaradu kaga hor timi maamulkii kali taliska ahaa ee ka jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya xilligaas, kacdoonkaas oo dhagaxa ay ku tuureen uu sidey farriin ah ka dhiidhiga xumaanta, dulmiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka ee maamulkaasi si walba u baabi’iyey. Waxa ay si gaar ah dhallintaasi ay hor kacayeen ardeyda dugsiyadu maalintaa u diideen xadhiggii xaqdarrada ahaa iyo xukunkii maalintaa ku dhacay kooxdii UFFO loo yaqaannay, ee waxa ugu wayn ee lagu qoonsaday ay ahayd hagaajinta iyo nadiifinta dhakhtarka guud ee magaalada Hargeysa. Iyadoo kacdaankaa niyadda lagu hayo, 20ka Feeberwari waxa qaranka Somaliland aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland.

Kulankan oo haddaba loogu dabbaaldegayo Dhallinyarada maanta ee Somaliland, waxa isku soo hor-fadhiisan doona dhallinyarada ku nool Landhan ee ay ka mid yihiin ardayadda dhaqaalaha barata ee Farax Xasan, Warda Maxamed iyo dhallin kale oo ku nool Landhan, waxa na ay wadahadal la wadaagi doonaan Maxamed Baaruud Cali oo ah qoraaga buugga “The Mourning Tree:  An Autobiography and Prison Memoirs”, kana mid ahaa dhallinyaradii UFFO, iyo Cali Maxamed Yuusuf Cali “Cali Gurey” oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga UCID, kana mid ahaa madaxdii ururkii SNM. Waxa hadalka u qaybin doona Jaamac Muuse Jaamac, qoraaga buugga “A note on my teachers’ group: news report of an injustice”.

Kulankan oo uu martigelinayo Ururka Dhaqanka iyo Fanka ee “Kayd”, waxa ay ujeeddadiisu tahay in dhallinyarada maanta ee Somaliland ay kala hadlaan ummaddooda sida ay qaran ahaan u arkaan aayahooda iyo ahaanshohooda, kuna garnaqasadaan waddadii loo mari lahaa dhismaha waddankooda sidii ay waax uga noqon lahaayeen.

Waxa suugaan gabayo ah iyo fan kala duwan soo bandhigi doona Caasha-Luul Maxamuud iyo Nimco Deggan.

Kulanku waa bilaash, waxa aad iska diiwaan gelin kartaa halkan (guji xidhiidhiyahan https://www.eventbrite.co.uk/e/somaliland-youth-identity-and-development-tickets-10627462025), haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahatana la hadal teleefonka 07793096140.

Ka eeg warbixintan www.kayd.org


Ururka WADDANIGA Ah Ee AFGARAD Oo Golaha Guurtidda Ku Bogaadiyay Go’aanka Ay Ku Xaliyeen Khilaafkii Golaha Wakiiladda

$
0
0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha ururka Waddaniga ah ee AFGARAD Axmed Maxamuud Cali (Shiine) ayaa Golaha Guurtidda Somaliland ku hambalyeeyay Go’aankii ay ku soo af-jareen khilaafkii xambaarsanaa mooshinadda Siyaasadeed ee ka taagnaa Golaha Wakiiladda.

 

Guddoomiye Shiine oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay urur ahaan soo dhaweeynayaan qodobadasi lagu xaliyay khilaafkaasi, isla-markaana waxa uu ugu baaqay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda  inay gartaan Masuuliyadda iyo waajibaadka Shacabku u  Soo doorteen.

 download(1)

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Uruka Wadaniga ah ee AFGARAD waxa uu Golaha Guurtidda Jamhuuryadda Somaliland ku bogaadinayaa sidii geesinimadda lahayd ee ay u damiyeen Khilaafkii bar-yahan ka aloosanaa Golaha Wakiiladda, Shacabiga Somaliland waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen dhawaaqii yidi-diiladda ahaa ee ka soo baxay Odayaashii dhex-dhexaadinta wadday. Uruka AFGARD waxa uu ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda inay Umadda uga tagaan dhaxal fac ilaa fac la isticmaalo, sidda xeerar wanaagsan IWM ”

 

 

ALLA MAHAD LEH MD. Axmed Maxamuud Cali (Shiine)

 

Guddoomiyaya Ururka WADDANIGA ah ee AFGARAD.

 

Falagga iyo Miisaanka Magaca :Diyaarintii Maxamed Faarax Qoti Qaybtii 1-aad

$
0
0

Berberanews-Xarafka ugu horeeya magacaagu  wuxuu ku siin karraa calaamad muujinaysa shakhsiyadda qofka waxa loo nisbeeyo.  xaqiiqadana Allaa og.

Xarafka A   ‘Dadka magacoodu  A uu ku bilaabmo xarafka ugu horeeya waxa lagu xidhiidhiyaa inay yihiin Cilmi baadhayaasha, raaxo-raadinta, macalimiinta, torch sameeyayaal, waa kuwa tusa dadka dariiqa saxda ah, waa hogaamiyayaasha ,dhiirigaliyayaasha aragtida iyo rabitaanka, kuwaas oo ka warqaba awooda ay lee yihiin wixii ka dhalan kara, sidoo kale waxa lagu tilmaamaa inay u eegyihiin  ‘ jilayaasha ‘ cajiib ah nolosha iyo sidoo kale inay soo saari karaan  shaqsiyaadka ay doonayaan inaad aragto. Runtana Allaa og.

M F QOTI

Dhanka kale, Qofka uu ku bilaabmo waxa khatar ku noqon kara kuwa uu u dadaalayo. Runtana Allaa og.

 Xarafka B. Wakiilka Caadifada iyo Qoysnimada
Dadka bilowga magacoodu uu yahay xarafka  B inay yihiin kuwo saaxiibtinimo fiican, xanaanayn, iyo wadaagista  guud ahaan waa dadka jecel qaraabadooda, waxa kale oo lagu xidhiidhiyaa dhinaca wada shaqeyn iyo edaab leh waana shaqsiyaad aad u qadarin mudan,  Waxay leeyihiin iino si ay u awoodaan in ay dareemaan dareenka dadka kale , waxa kale oo ay awoodaan in ay  muujiyaan xirfada dhexdhexaadinta qaarkood marka la xalinaayo xaaladaha murugsan, B, way garanayaan sida wax loo abaabulo iyo sida dadka loo daryeelo iyo raaxo,  iyo in darafkooda muhiim u tahay  Nabadda iyo wada noolaanshaha. Runtana Allaa og.

Dhanka kale (negative side), B  waxay noqon karaan mararka qaarkood kuwo faan-badan oo yara damaaciya. Runtana Allaa og.

Xarafka C. Dadka bilowga magacoodu yahay xarafka  C inay yihiin dadka nasiibka badan, iyo hoodo, bulshaawina ah,  waa dadka inta badan rajada ka eega dhinaca wanaagsan iyo xamaasad dhabta ah eek u saabsan nolol ku noolaanshaha, waxa caado u ah inay jeclaadaan waa kuwa uu xarafka ugu horeeyaa uu ku bilaabmo C  sababtoo ah guud ahaan waa kuwo soo jiidasho badan, iyo sheekeeye fiican ,  inta badan waxa lagu xidhiidhiyaa inay leeyihiin awood dabiiciya gacan siinta iyo dhiirigalinta dadka kale,  si fiican bay wax uga qabtaan meelaha kuwaasoo si fiican uga  faa’iideeya kartidooda iyo xirfadahooda. Runtana Allaa og.  

Dhanka  Kale, (Negative side) C dadkaasi waxay noqon karaan kuwo aan nasan iyo axmaq mararka qaarkood. Runtana Allaa og.

Xarafka D. Waa wakiilka Dheelitirka iyo Shaqada adag.
Dadka bilowga magacoodu yihiin B inay yihiin kuwa awooda tamartoodu badan tahay oo shaqo badan qaban kara, laakiin intooda badani way helaan guusha noloshooda, waa kuwo dareensan inay dhameystirka dhismaha dhidibada u adkeeyaan, iyo kuwa ku xayndaabsan, khaasatan qoyskiisa. Runtana Allaa og.

Dhanka  Kale, (Negative side) D dadkaasi waxay noqon karaan kuwo Macangag ah oo dadka kale naftooda wax-yeela . Runtana Allaa og.

Xarafka E. Dadka bilowga magacoodu yahay  E inay yihiin waa Qof-diiran qallafsan , oo jecayl iyo naxariis leh, ama mid debecsan,  Iyadoo Xarafka E ka bilabmo magacoodu waxay had iyo jeer raadsadaan farax, mararka qaarkood waxoogaa khatarta ah ayaa ka yimaada waxay turjumaan, iyo in ay yihiin inta badan dad khayaali ah oo aan si caadiya u fikirin, laakiin waxay si dabiici ah u awoodaan inay xaliyaan dhibaatooyinka qalafsan si fudud. waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin  mufakiriinta, goobjoogayaasha,  sidoo kale inay yihiin kuwo xariif ah oo hadana isu cadow ah, laakiin waxay awood u leeyihiin in ay si wanaagsan u sameeyaan waxyaabo badan . Runtana Allaa og.

Dhinaca kale (Negative side),E Qofka uu ku billaabmo magaciisu xarafka E inay yihiin kuwo aan la isku haleyn Karin iyo waxoogaa qab leh. Runtana Allaa og.

Xarafka F. Dadka bilowga magacoodu uu ku bilaabmo xarafka  F inay yihiin shakhsiyad Daacad ah oo Naxariis badan, Daryeel leh, masuul, ka hadla arimaha qoyska, Awooda u leh inuu jidhkiisu iska difaaco cudurada, akhlaaq leh, qof diiran oo qalafsan, xalin-og khilaafaadka, farshaxanmiinta, si fudud u socda, jecel caruurta iyo xayawaanka, xarafka  F waa lagu tiriyaa dadka ku dadaala nabadda iyo wada noolaanshaha, inta badan waxa lala xidhiidhiyaa inay yihiin kuwo u baahan gargaar iyo qalbiqaboojin.

sidoo kale waxay yihiin kuwo dareenkoodu si qoto dheer ama weyn wax u fahamikara, waxay inta badan doonaan in la dhowro xaalada dheelitirka iyo wada noolaanshaha, kuwaasoo soo saara in baahi looqabo dhinaca illaalinta ama la iska ogaado dadka kale, waana dad deeqsi u ah asxaabta iyo qoyskooda si baarri ah oo masuuliyadi ku dheehan tahay. Runtana Allaa og.

Dhinaca kale (Negative Side)  Xarafka F,  Dadku waxay noqon karaan qof xaalad adag gala. Runtana Allaa og.

Daawo muuqaallada sanadguurada 20aad ee ciidanka qaranka Somaliland

I Xusuusi Haddaan Illaawey:Falsafadaha Jahawareerinta ee Mucaaradk

$
0
0
Waddanka waxa ka socda jahawareerin badan oo aan u dan ahayn wadajirkiisa, horumarkiisa, kala dambayntiisa, oo inta badan ka timaadda colka xil-sugayaasha ah.
 
Waxa u wanaagsan dal iyo dadba in hadba xilka cidda hayso lagu ilaaliyo, lagu ixtiraamo oo aan laga been sheegin, si kolka doorkaagu soo galo aad wakhti ugu hesho aad ku fuliso danaha qaranka – waa haddii ay kaa dhab tahay e.
 
Mucaaradka xukuumadda Somaliland munaasabado tiro badan, Cod baahiyeyaal xoog badan ku dara, weedho mitid ah, oo loo ararto, la iska nasiyo oo laga dhigo runtii, iyo socdaallo loo asteeyo iska-horimaad iyo xaalad abuur lagu soo jiito indhaha moogganaha, ayay aad culayska u saaraan. Hudheellaa lagu shiraa. Dad baa la isugu yeedhaa. Website’yo ay og yihiin baa laga daba akhriyaa war ay xaqiiqo-darradiisa iyaguba og yihiin, oo shir jaraa’idyo loo qabtaa.
Haddaba, akhriste, i xusuusi haddaan illaaway. Waxa aan hoos ku soo qaadanaynaa weedhaha u badan ee mucaaradku ku celceliyaan. Ka soo naqil bogga aad ka daalacato ee saxaafadda, oo ku kala qor (a) Been, ama (b) Run – hadba sida ay kuula muuqato. Fadlan raac tiraabta u horraysa oo ah tan mucaaradku cod-baahiyeyaasha ka sheegaan.
Madaxweynuhu dalka ma maamulo, iyada oo aanu madaxweynaha la doortay ee qaranku meelna ku maqnayn, xanuunsanayn, miyir la’ayn, oo hawlmaalmeedka xafiiskiisa gudanayo… (a) BEEN      (b) RUN
 
Biyo-Gelintii Hargeysa waa la cunay: Iyada oo maanta ay dalka isugu yimaadeen shirkado danaynaya inay ka calaf-qaadaan barnaamijyada la xidhiidha biyo gelinta magaalada Hargeysa ay caasimadda joogaan oo qandaraasyo-horaadkii  Expression of Interest (EOI) loo soo bandhigay, iyaga oo metelayey dalal ay ka mid yihiin Somaliland, Kenya, Uganda, France, Germany, Rwanda, Sudan, South Sudan, Somaliya, Djibouti, Rwanda, Ethiopia, India, China, Argentina, USA, UAE, South Korea, Italy, Turkey, Switzerland, South Africa, Netherland iyo Spain… (a) BEEN      (b) RUN
 
Waddada Ceerigaabo Lacagteedii waa la lunsaday: Iyada oo ninka sidaa lihi aanu waxbaba ku darsan, dhiggeedana dadka ku boorriyo inaan waxba lagu darsan, isla mar ahaantaana wax kasta oo muuqda uu ka indhasaaban yahay, oo ka mid tahay inaan weli la bilaabin, qalabkii lagu dhisi lahaa horraantiisiina waddanka soo gaadhey, wixii la ururiyey iyo halka ay maraysona ummadda fagaare loogu soo bandhigay… (a) BEEN      (b) RUN
 
Madaxweynuhu Muddo Kordhin ayuu doonayaa: iyada oo meel uu ka yidhi, cid uu ku yidhi, goor uu yidhi midina aanay jirin, sir iyo caad toonna… (a) BEEN      (b) RUN
 
Waddanka Nabadi Kama jirto: Iyada oo Madaxwynaheeda masaajidada shacabka kula tukado, suuqyadeedana in badan socod ku maro iyada oo aanu wadan ilaalo ka socota qaramada midoobey iyo Afrika… (a) BEEN      (b) RUN
 
Waddanku halkii u liidatey ayuu marayaa: Iyada oo miisaaniyadda qaranku shan jibbaarantey, horumar ballaadhan laga gaadhey dhinac walba, waxbarashadii kor u kacday oo sabool iyo hantiileba loo sinnaaday, ciidamadu derejadii qaateen, mushahaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kor loo qaaday, garsoorka aan qabiilaysnayn la xoojiyey, sharciga iyo kala-dambayntii hirgashay… (a) BEEN      (b) RUN
 
Guddoomiye Cirro Waa laga Gardaran yahay: iyada oo aan cidiba ugu iman mooshinnada kala dambeeyey ee uu isaga iyo xulafadiisu ku kala firdhiyeen wadajirkii Golaha Wakiillada, isla markaana ku-digasho iyo aleegad ugu dareen burburintii qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa Xeerhoosaadka, isla mar ahaantaana markii la isku soo miyirsaday iyagu afka gacanta geliyeen, haddii Guurtidu xal u heshayna, guul ka shhegteen… (a) BEEN      (b) RUN
 
Siyaasadda Arrimaha Dibeddu Waa Fadhiid: Iyada oo maqaamkii u sarreeyey iyo guulihii u ballaadhnaa qaddiyadda Somaliland gaadhey sannadihii u dambeeyey, gaar ahaan intii ay gadhwadeenka ka ahaayeen labadii wasiir ee u dambeeyey Mudane Maxamed Cabdullaahi Cumar iyo Mudane Maxamed Biixi Yoonis… (a) BEEN      (b) RUN
 
·         Iyo iyo iyo iyo….
 
 Dr. Deria N Jire
Nairobi, Kenya

Tacsi: Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Walaashi Ku Geeriyootay Berbera.

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), dhamaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Walaashii Ruqiya Siciid Ayaanle ku geeriyooday magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Waxaannu Eebe uga baryayna innu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle qoyskiisii iyo qaraabadi ay  ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Somaliland.

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live