GEERI NAXDIN LEH. INNAALILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Waxa caawa fiidkii oo Taariikhdu tahay 23/11/2013 ku geeriyooday magaalada Hargeisa Ali Abdillahi Sool oo ahaa Walaalkay oo iga weyn. Marxuumka ayaa u dhintay Xanuun Beerka ka haleelay oo uu jiifay Muddo gaaban. Naxariistii janno ILaahay ha ka waraabiyo marxuumka. Inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Osman Abdillahi Sool. Freelane Journalist. Copenhagen
Tacsi….Geeridii Ali Abdillahi Sool
Korodhka shilalka gaadiidka, WQ Maxamed Xaamud
Berberanews-Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha guud ahaan caalamka gaar ahaana Somaliland.
Intaas ka dib, waxa beryahan danbe isasoo tarayay oo badanayay Shilalka gaadiidka, taas oo amar alle ah, hadana aynu qayb ku leenahay masuuliyadeeda, waayo, waxa yaraaday oo isbedel xoog lihi ku yimi mudooyinkii u danbeeyey TAYADA WADAYAASHA GAADIIDKA ama Xirfadooda, taas oo keentay masuuliyad darro aad u wayn.
Nafwalbaa marbay dhimanaysaa oo ma ogin sida aynu u dhimanayso iyo halka aynu ku dhimanayso, laakiin waxa jira taxadar fara badan in la yeesho, waayo Somalidu waxay ku maah-maahdaa” QUNYAR SOCDE QUDAXI MA MUDO”, taas oo loola jeedo maaha inaad tidhaado wakhtigoodii ayaa dhamaaday, xitaa hadii wakhtigaagu dhamaaday adiga taxadar ayaa lagu yidhi ee isku day inaan taxadar yeelato oo aad arimahaaga adigoo ilaahay isku xidhaya hadana aad is ururiso.
Talabaad waan in dawladu xooga saartaa hubinta aqoonta wadaha gaadiidka marka la siinayo Rugqada Wadida Gaadiidka oo aanay noqon keen lacagta oo qaado Rugsada, taasi waa ta keenaysa masuuliyad darada wadayaasha gaadiidka.
Waxaan aad iyo aad u rajaynayaa inaynu ku cibro qaadano waxa dhacaya ee maalin walba dadkeenu ku dhimanayan, waa in xooga aynu saarno shacab iyo dawladba sidii aynu wax uga qaban lahayn shilalka maalin walba sii badanaya.
Waxaan kula talin lahaa dhamaan ciday khusayso gaar ahaan Wadayaasha Gaadhiidka Kala duwan in ay alle ka cabsadaan oo ilaahay ku xidhnaadaan, waayo waxaad arkaysaa siiba gaadiidka yayar, markasta waxa ka baxaya MUSIC qayrul caadi ah, oo aan anigu fikir ahaan isleeyahay waa waxa keenay shilalka faraha badan maxaa yeelay maaha MUSIC-gu wax ilaahay raali ka yahay, maadaama MUSIC-gu yahay wax ilaahay necebyahay, waxa kugu dhacaysa cadhada ILLAAHAY, cadhadaa ilaahay ayaa waxa ka dhalanaya cawaaqibkaas aynu la qaylinayno. DHAMAAN TEEN ILLAAHAY HAYNOO NAXARISTO, AYNUNA KU DADAALNO WADA TOOSAN, OO AYNU ILLAAHAY TALO SAARANO WAXBA INAGA XUMAAN MAAYAANE.
WAAD MAHADSAN TIHIIN
BY: MOHAMED HAMUD
HAMUDSON@GMAIL.COM
Maamul –Xumo iyo Xaalad Qallafsan oo Wehel U Noqotay Cisbitaalka Dhimirka Berbera. Warbixin –Mubaarik Nirig.
Wariyaha jamhuuriya ee Saaxil
Berbera(Berberanes)- maamul xumo baahsan ayaa soo food saartay cisbitaalka dhimirka ee magaalada berbera xarunta gobolka saaxil oo ay ku jira dad aad u tiro badan oo maskaxda wax qaba .Weriyaha jamhuuriya gobolka saaxil oo bookhasho ku tegay indhihiisa ku soo arakay kastoo maamul xumo iyo dayac ka muuqda cisbitaalka dimirka iyo dadka maskaxda ka buka .kuwaas oo si joogto ah u helin xanaanadii ay u baahnayeen . warbixin la xidhiidha xaalada cisbitaalka dhimirka ee Berbera iyo waxyabihii wariyuhu la kulmay muddadii uu cisbitaalka joogay .waxa uu ka diyaariyay warbixin
Abaaro 9:00 sagaalkii subaxnimo shalay ayaan booqday cisbitaalka dhiminka magaalada Bberbera ayaa waxaan la kulmay xafiiskii maamulka oo xidhan ,hore ayaan u sii socday waxaana aan galay qaybta dumarka waxaana aan halkaa kula kulmay qaar ka mid ah ehelada bukaanka cisbitaalka iyagoo is haysta shaqaalihii wakhtigaa shaqada u lahaa .waxaana dhex maraayay muran aad u xoog badan waan ku soo dhawaaday waxaana aan labdaba dhinacba waydiiyay waxa ay is ku khilaaf san yihiin .
Waxa ii sheegen in xafiiskii dawada dadka lagu mudi lahaa xidhan yahay oo qofkii furaha hayay aanu soo shaqo tagin .intaa ka dib ayaa waxaan u soo gudbay qaybta raga lagu xanaaneeyo qaybtaa ayaa waxa ka socotay shaqo ah timo jaris lagu samaynaayo raga.
Sida aan ku arkay indhahayga sidoo kale qaybata ragan waxa ka jirtay buuq xoogan waana aan ku dhawaaday waxaan waraystay inan aad xanaaqsan oo ka gaabsatay inay magaceeda ii sheegto waxaana aan waydiiyay waxa ku dhacay intaasina waxay ii sheegtay inay laba maalmood ay wayday cid u shaqaysa iyo cid ay u ashkatootoba .waxaana ay intaa ku dartay in xataa ay isku dayday in dhakhtarka shaqda u leh soo toosiso kana soo wayday halkii loogu tilmaamay
Cisbitalka dhimirka Berbera ayaa shaqalaha ka howlgala cisbitalka dhimirka Berbera ayaan inta badan ba laga helin cisbitalka islamarkana ,wakhtiga la helo ay shaqada sagsagaan si ay lacag laluush ah u helaan,waxa kale guud ahaanba cisbitaalka ka jirin wax maamula ah oo dabo gal ku haya shaqaalaha cisbitaalka shaqada inay uqabteen sidii loogu talo galay iyo in kale maadaama cisbitaalku yahay goob loogu talo galay in lagu daryeelo dad maskax ahaan caafimaad qabin .
Isuduwaha wasaarada cafimadka gobolka saaxil ayan isagu gebi ahanba ka war qabin xalada uu ku suganyahay cisbitalkaasi oo ah mid masuuliyadiisu isaga hoostagto iyo Maamulaha Cusbitaalka.
si kastaba ha ahaatee xaaladan silica iyo darxumada leh ee cisbitalka dhimirka Berbera ku suganyahay waxay dhabarjab iyo tacabkhasaar ku tahay dedaalka iyo hagarbaxa ay u sameeyaan gudiga cafimadka gobolka Saaxil iyo qurbe jooga soo caawiya oo ah rag iskood isku xilqaamay oo wakhti badan geliya sidii ay xalada cisbitaalka dhimirku u hagaagi lahayd lakin tacabkoodii oo dhan ay khasariyen masuliyinta wasarada cafimaadka gobolka sida mamulaha dhimirka iyo isudawaha cafimadka .xaalada maanta uu cisbitaalaka dhimirku ku sugan yahayna waa xaalad la o dhan karo cidna uma maqna ceelna uma qodna dadkaa xanuunsaaya “ ayuu wariye nirig ku yidhi warbixinta uu ka diyaariyey xaalada cisbitaalka dhimirka berbera .
Berbera office jamhuuriya media group
Go’aankii shacabka oo xuud liqay, Cirro oo Xumbo Cuskaday iyo Saleebaan oo Seef loo dhiibay
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Marxuum Qaybe
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Guddiga iyo Xubnaha Jaaliyadda Somaliland ee Wadanka Finland oo tacsi diraya
waxaa ay tacsi u dirayaan Xoghayaha Jaaliyadda Somaliland ee Wadanka Finland- Mudane Muxyadiin Cabdillahi Sool , qoyskiisa iyo dhammaanba ehelahadiisa – geerida ku timi Wallaalkii Cali Cabdillahi Sool oo ku geeriyooday Magaalada Madax JSL ee Hargeysa.
Marxuum Cali waxay Eebe uga baryayaan Naxariistii Janno inuu ka waraabiyo, eheladiisa iyo qaraabadiisa oo dhan meelkasta oo ay dunida ka kala joogaan inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo .
AAMIIN AAMIIN.
MUWAADIN KA QAYB QAADO HURUMARKA DALKA.
Berberanews-Waxa muuqda oo aan indhaha laga qarsan Karin, in maanta dalka Somaliland hiigsanayo Hurumar ballaadhan oo dhan walba ah.
Waad arkaysaa sida dalka ay ugu soo qul qulayaan wufuud heer caalami ah, wufuudaas oo kala ah Turkey iyo European, wufuudaas oo dhamaantood wada qorshe horumarined, arintaana waxa amaanteeda leh xukuumada talada haysa, gaar ahaan Wasaarada arimaha Debada, oo runtii ku hawlan taageero uraadinta qadiyada madax banaanida Somaliland.
Waxaan si gaara amaan ugu soo jeedinayaa wasiirka wasaarada Arimaha Debeda Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Maxamed Biixi Yoonis, oo runtii ah hawlkar daacad iyo aqoon ba leh, waxaan leeyahay mudane magacaa ha jiro, dedaalkaagana halkaa ka sii wad.
Waxa kale oo aan aad u soo dhawaynayaa Mashruuca Caanaha, ee lagula soconayo daryeelka caanaha, haday tahay caafimaadkooda, caafimaadka xoolaha laga lisayo iyo caafimaad deegaanka xooluhu ku nool yihiin, taas oo iyaduna ah hurumar wayn oo dhanka caanaah ah.
Maanta waxaynu odhan karnaa dalka waxa ka socda horumarin aad u ballaadhan, waayo waxaan inta badan aragtaa ama maqashaa mashruuca ayaa halkaa laga fulinayaa.
Muwaadin ka qayb qaado hurumarinta dalka, waayo horumarku dhamaanteen faa’iido ayuu inuu yahay, maaha inaynu mar walba gacan shisheeye wax ka sugno, inaga ayaa wax badan qabsan karna hadaynu isu gayno awoodeena oo dhan Allena la kaashano inaga oo aan wax khiyaamo ahi inagu jirin.
Aad baad u mahadsan tihiin,
Aynu gacmaha is wada qabsano dhamaan reer Somaliland.
By: Mohamed Hamud Ali
hamudson@gmail.com
MIYUU FASHILMAY WADA HADALKII SOMALILAND IYO SOMALIA
Waxa bishan November 2013 ee aynu ku jirno dib u dhacay wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia kaas oo lagu sababeeyey u diyaar garaw la’aan xaga Somalia ah, taas oo Somaliland laga codsaday in shirka dib loo dhigo ilaa iyo 8 December 2013, taas oo aan iminkana rajo laga qabin.
Wada xaajoodkaa labada dal u dhexeeya oo aad beryahan danbe moodo inuu soo xagal daacayo, hadal hayntiisuna yaraatay, ayaa iminka la sheegayaa in mar labaad Somaliland lagu qanciyay in shirkaas dib loo dhigo ilaa iyo horaanta sanadka cusub ee 2014, arinkaas oo u muuqda waji gabax, kalsooni daro.
Yadoo aynu la socono shirkii igu danbeeyey ee ay labada dal wada yeeshaan wixii ka soo baxay inaan sidoo dii loo dhaqan galin, shirkaas oo lagu heshiiyay ama laga soo saaray hal qodob, halkaas qodob oo ahaa IN HAWADA SOMALILAND IYO SOMALIA HARGAYSA LAGA MAAMULO, DAKHLI WIXII KA SOO XEROODANA LABADA DAL U SIMAN YIHIIN SI ISLEEG, taas oo aan iminka muuqan, si rasmi ahna loogu wada wareegiyay Dawlada Federalka ee Somalia. Arinkaas oo aanay waliba Somaliland muw qif cad iska taagin, hadana dhabar jab ku ah geedi socodka wada xaajoodka.
Waxaan fikir ahaan ku soo jeedin lahaa in dhamaanba la qaadaco wada xaajoodka Dawlada federalka ee Somalia, waayo wax u diyaarsaniba ma jiraan oo yagiibaa madaxa iskula wada jira, mar haday sidaas tahayna u malayn maayo in wax faa’iido ah laga gaadhayo waxa xaajoodka dawladan yadiiba u baahan tahay wax ka qabashada.
Waad Mahadsantihiin
By: Mohamed Hamud
XIRSI baratee XINNIF baa lay yidhaa!!! WQ Deeq Shukri
Qormadan waxa ay baraarujin, iyo tusmayn u tahay Xukuumadeenan sharafta badan ee haatan talada gacanta ku haysa,ee u hoggaanka u yahay Madaxwayne Siilaanyo, habka u fiirsasho la’aanta ah ee uu isagu ugu soo magacawdo Masuuliyiinta qaar meelo iyo mansab aan ku haboonayn amaba aqoon ahaan aanay awood u lahayn shaqada loo doortay.
Koley anigu odhan maayo qaabka magacaabista madaxwaynuhu u dhacdaa waxa ay ku sallaysan tahay hab reeraysan oo u badan cida u hayb ahaan kazoo jeedo madaxwaynuhu, ama cid u fulinaysa dano gaara oo siyaasadaysan oo isagu leeyahay, balse waxa ay u eegatahay nidaam dag dag badani ku jiro, iyo isu miisaamid la’aan ah qofka iyo booska loo dhiibayo.
Taas oo ceeb iyo nusqaan ugu filan xukumadeenan sharafta badan. isla markaasna habqan iyo habsami u socod daro u keeni karta howlaha, shaqada qarankani u igmaday loona dhaariyey Mudane Siilaanyo.
Hadaba. Inaga oo tusaalayaal u soo qaadan doona Xubno badan, oo aan u qalmin gabi ahaanba mansabyada loo dhiibay marka loo eego xaga aqoontooda, waayo aragnimadooda; Bal ugu horeyn mid kamida xubnahaas hadii aanku horeeyo…..
Waxa aan ahay Mujaahid u soo halgamay Xisbiga haatan talada dalka haye ee kulmiye, Aniga oo halgankaas dheerna kula magac baxay Kaligii Kulmiye, ahna Agaasime ka tirsan Komishanka Qaranka ee xakamaynta Aids Jamhurriyadda Somaliland, gara’oo kamaan mutaysan Mudane Siilanyo booskan agaasime nimo oo waxaan ka filayay mansab kan kasareeya oo ah wasiir, kazoo aha wasiirka macdanta iyo biyaha, malaha hadda biyihiina waba laga reebe.
Run ahaantii cidii aqoon ii leh baa garanayse tacab aan la qiyaasi Karin ayaan so gashaday xisbiga kulmiye, Aqoon yaraani ima haysto xaga cilmiga maadiga ah ta diiniga ahna hadalkeedaba daa! Oo sheikh Abdi kariim ayaanba u ahay ugu yaraana saddex madaaris ayaanba burco kulaha waqtigii siyaasadda ka hor, iyada oo firfircooni iyo xadaarad halkaan ka gaadhay aniga oon hore siyaasad uso marin xisbiga kulmiye ka hor hadana aan la jaanqaaday marxaladahii xaasaasiga aha ee xisbigaasi soo maray.
Ismabaan lahayn waayo aragnimo iyo khibrad ayaa ku dhiman ee warba waakii iga qabsaday haya’addan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta Aidska markii la iso magacabay Agasimaheeda Maamulka iyo Lacagta, Jab’ba waa ka ii danbeeye waxaan filayay inaan qaybta maamulka iyo lacagta aan aqoon uleeyahay.
oo Markii aan xisbiga kulmiye u qaabilsana qaybta maamulka qarashaadka dawladda kazoo gala Xisbiyaddii qaranka ee markaasi jirey, tani show tiiba mahee waa tu cadaan, iyo madow ajaaniba. iyo wax daran oon laba afgaranayn lala xidhiidhayo oo macluumaad la is waydaarsanayo, waxayse iigu naxdin badnayd markii aniga oon shaqadaba si fiican ula wareegin aan la kulmay xisaabo dabayaaqo ah, oo maamulkii anaga naga horeyey ka tagay.
Xaqiiqdii meel aanka bilaabo ma garanayn, oo qoladii iga horeysay een wax waydiin laha gara’oo fudayd yar oon laha ayaan la sii jiidhay maalmahi ay xilkaba nagu wareejiyeen oo teelo’ba iyo abaal aan ugu noqdo umaan dhigan, waad u baahan doontana hadalkeedaba daa, oo xisbigii UDUB la odhanjirey ayay ahaayeen.
Alle ba waaka jire, waxaanku asturmay cid gaara allah haka jasaisiiye, intii ogayd uunba oge, oo ileen xinnif baan ahoo abaal ma gudee xumaanbaan ugu badaley iyana, oo booskaygaan uga baqay inay igala wareegaan.
Hadaba, haya’addana ileen mashaariic guuraysa ahe , oo hawlaheedu maha midey intaa ku dhamaate, ileen waxeyba ka mid tahay meelaha ugu dakhliga iyo kharashaadka badan xarumaha dawladda, taag baaska malaha inaan ka noolaado ayaaba meesha la igu dhiibay ana taagteedba malihi, oo ninkii ii magacaabay inaan ka bixi karo ayaabuu moodeyey malaha!!!!!!!!!!!!!!!
Fahanoo, malaha Adeerkay Siilaanyo casharo kazoo baro buu i lahaa , Bal adba? Ana kamaba joojine horta meeshi sidaan indho adeyg yar oo la igu xaman jirey aan ugu waday, Mushaharkii yara eenu ka heli jirnay haya’addaha ajaanibka ah ayaan isku eersaday shaqaale tiro yaraa oo tayo badna oo meesha nala joogaynay intoodi yareydna ka galaaftay, inkaartoodi se ka bad baado ninkalay la kacdee.
Hada se xinnif kii hore ha iigu soo hagaagine , oo bahal yar oo English la idha oonka qatanaana , dadka ku hadlana aanka dhuuman jirey, xafiiskana wiigag uga maqaanan jirey , calashaan aniga oo qof buka film ka ku matalaya si anaan isku arag wafuuda ajaanibka e nagu soo daga.
Haatan se koley waxbaa iska kaabadalay ayaanba isleyahay, tii alle na waa halkeedee.
Run ahaantii ma odhan karno dhamaan masuuliyiinta u madaxwaynaheena sharafta mudan ee mudane Ahmed Maxamed mahamud Siilaanyo usoo magacaaba uma qalmaan xilalka iyo mansabyada uu u igmaday, lakiin waydhici kartaa ama dhacdayba in lagu arko dad aan u qalmin haba yarate shaqada ay hayaan.
Laakiin mudooyinka danbe waxa aad moodaysayba in xilalku iyo mansab ka qabashada xilalka dawladdu uu yahay. Anigaa kaadidayda u soo cabay kulmiye oo waliba madaxwaynahana la hayb ah.
Waxa aynu garan karna farqiga u dhaxeeya qofka professional ka ah ee shaqada khibrada iyo aqoonta u leh iyo qofka markaasi, goobta shaqada gudaheeda isla markaa ku baranaya shaqadu waxay tahay iyo sida loo qabanayo hormarka ay ka kala keeni karaan.
La soco…………
Qalinkii Deeq Yuusuf Ducaale (Deq Shugri)
Kampala,Uganda.
zeedfour@gmail.com or zeed@live.co.uk
UJEEDDO: CANBAAREYN DAGAALKA TALEEX
Jaaliyada Somaliland ee gobolka Jönköping ee dalka Sweden waxa ay aad iyo aad u canbaaraynaysaa dagaalka aan macanaha ku dhisneyn ee dadka wax ma garadka ahi ka wadaan Taleex, taas oo ay ku dhinteen dad shicib ah , qaar kalena ku dhaawacmeen isla marklaasna ay ku baabe’een hanti badani. Waxa sidoo kale meeshaas ka dhacay barakac. Waxa aanu ka codsanaynaa dadka ehelka ah ee dagaalamaya in caqligu taliyo oo aan aanay gacantu talin, sidoo kale waxa aanu ka codsanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo joojoojiyo colaada.
Waxa kale oo aanu ka codsanaynaa in xukuumada , shacabka reer Somaliland iyo qurbo joogooduba ka qayb qaataan sidii taakulo loogu geyn lahaa dadkaas iyo sidii loogu diri lahaa dad dhexdhexaad ah oo wax ka tara nabadeynta.
Ugu danbayn dadka ku dhintay Alle waxa aanu uga baryaynaa in janadiisa fardowsa ka waraabiyo ehelkii ay ka dhinteena samir iyo iimaan ka siiyo.Kuwa ku dhaacamayna nabar gardaro Alla uga dhigo kana bogsiiyo.
AAMIN
Hussein Wadadyare
Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Jönköping Sweden
Halkuu Ku Dambeeyey Ballan-qaadkii Siilaanyo ee ahaa ‘UDUB Way Tagaysaaye Ha Tahriibin Walaal?’
Waa Dabciga Siyaasiga Mucaaradka ah ee Hamuunta u qaba hanashada kursiga ugu sarreeya ee dal laga hoggaamiyo in uu ku hadlaa xilliga uu loollanka ku jiro in uu isu taagay daboolidda ama wax ka qabashada baahiyaha jira iyo u adeegidda bulsho, isaga oo muujinaya inuu baahiyaha jira ka gaabiyey Maamulka markaa xilka hayaa, si uu ugu soo jiito rabitaanka bulshada, isaga oo dhinaca kale cidda markaa xilka haysa ku dedaalaya inuu nacsiiyo dadweynaha ama indhohooda ku soo jeediyo galdaloolooyinka muuqan kara iyo kuwa aan muuqan Karin-ba.
Waxa uu soo bandhigaa dhaliilah iyo Bog-jileeca Maamulka uu mucaaradka ku yahay uu leeyahay. Waxa uu damqaa Nabarrada ummaddu qabto ee Cid baanata dooneya. Waxa uu sheegaa wax kasta oo bulshadu ugu soo dhawaaneyso, kana fogeyneysa cidda uu mucaaridka ku yahay.
Xusuustiisa kuma jirto in Saxaafad Madax-bannaan shaqaynayso oo ay marka danbe ee uu xilka qabto sii shaqaynayso, isla markaana soo bandhigi doonto waxa markaa jira iyo wixii shalay jiray oo ay bilaabayso la Xisaabtan la xidhiidha waxa uu ka qabtay wixii shalay uu bulshada u muujinayey inay damqayso oo uu markiisa wax ka qaban doono, kuwii markaa joogayna ku cambaaraynayey. Ma xasuusna in la soo bandhigi doono Dhawaaq walba oo beerlaxawsi ahaa oo uu Shicibkiisa ujeediyay.
Somaliland kama madhna mucaaraddada in yar aynu dib ugu noqonno Xiligii uu dalka ka socday ololihii Doorashada Madaxtooyada ee qabsoontay 26 Jun 2010-kii iyo tusaalaha maanta jooga, waana Xisbigii ugu tunka weynaa xilligaa Mucaaridka, waa Xisbiga KULMIYE waxay goobkasta iyo fagaare kasta dhegaha ummadda ka buuxiyeen in ay is beddel buuxa ku sameeyn doonaan dalka oo dhan.
Musharrixii Jagada Madaxweyne ee KULMIYE markaa u tartamayey haatan Madaxweynaha maanta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu meelo kala duwan ka sheegay inay Mudnaanta Koowaad siin doonaan Haddii ay Hoggaaminta dalka ku guuleystaan in ay wax ka qaban doonaan Tahriibka Oo Noqday aafa Qaran xilliga. Waxa wakhtigaa markii Xisbiga KULMIYE ololihii doorashada ku jiray uu dacallada waddooyinka magaalada Hargeysa qaarkood ka taagay Boodhadh waaweyn oo lagu xardhay weedho ay ka mid ahaayeen; ‘UDUB WAY TAGAYSAAYE HA TAHRIIBIN WALAAL) iyo weedho la mid ah oo ujeeddada laga lahaa u muuqatay marka xaaladda maanta loo eego kuwo lagu nagaynayey dhalinyarada dalka ka baxaysay oo markaa iska koobnaaba si codka ay u siiyaan Xisbiga KULMIYE. Waxaanay hal-ku-dhagyadaasi niyad-dhis u noqdeen dhalinyarada reer Somaliland ee dalka waqtigaa ku sugnaa.
Hase-yeeshee filashada ballan-qaadkaasi waxay meesha ka baxday markii uu talada ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo, waxaana inta uu Somaliland hoggaaminteeda hayey toban jibbaarmay dhalinyarada sida is-daba-joogga ah dalka uga baxaya, si ay u raadsadaan nolol ta dalka maanta ka jirta dhaanta, kuwaasoo dhibaatooyin badan, dhimasho, dhaawac, xadhig, xad-gudubyo iyo waxaan qoraal lagu soo koobi Karin kala kulma jidadka Saxaraha Afrika iyo Badweynta Liibiya iyo Talyaaniga inta ay safarka ku sii jiraan, iyaga oo u sii jeeda inay Yurub u gudbaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxa sida Cadceedda u muuqata in ballan-qaadkaas iyo kuwo kale oo badan-ba ay Xukuumadda Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE ku fashilmeen wax-ka-qabashadooda, isla markaana ay Bulshadu weli u dheg-taagayso, indhahana ku hayaan halka ay ku dambayn doonaan iyada oo waqtiga Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa u hadhsani yahay muddo laba sano ka yar, haddana waxa la dhawrayaa inay sidaas ku dhammaysato iyo in kale.
.Askars4@hotmail.com
Qalinka C/qaadir Ismaaciil Askar
Hargeysa/Somaliland.
War Murtiyeed: Dalka iyo Dastuurka waynu wada leenahay
Saddexdii Maanlaawe. Waa Gabay cusub oo ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo) 7/12/2013
Saddexdii Maanlaawe. Waa Gabay cusub oo ay tirisay Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo) 7/12/2013
Bulshada Soomaalilaaneey
Siyaasigu wacad ma yeesho
Sirdoonkuna ma, laha aammin
Waxay ehel iyo sokeeye
Saxiibo noqdaan dantoodu
Cidday subaxba u tilmaanto
Qofkuna bari sidii uu yeelay
Si leeg ilamaa la yeello
Ma dhaado falkuu sameeyey
Sax iyo khalad miduu ku sheego
Sidaan qabo aadamuhuna
Talada waw simanyihiine
siyaasadu caynkan maaha
Sahwiga iyo beenta maaha
Runtoo laga soomo maaha
xaqoo la saluugo maaha
Inaan samo ka aradnaanoon
Xumaan ku sifoowno maaha
Inaan xayaday iska saarno
Xishoodkana siibno maaha
Baadilkoon u siyaaxno maaha
Cadliga seef goysa maaha
Salaanka dulmigana maaha
Inaan samo ka aradnaanoon
Xumaan ku sifoowno maaha
Inaan xayaday iska saarno
Xishoodkana siibno maaha
Anshaxa inaan saydhno maaha
Siyaasaddu maaha maaha
Caqliga samirkiyo damiirka
Asluubtiyo dhaqanka suuban
Sowraca gobonimiyo sharafta
Sidday u dhantahay dadnimadu
Innaan Siiroo garaynoon
Sabool iyo caydh ka noqono
Siyaasaddu maaha gacalo
Samsameey madaxweynaheena
Axmed iyo sowjaddiisa
Inaan sanifnoon u tirino
Inaan ku sasnoon dhaliilno
Inaan suuqyadda ka cayno
Sidaanu doonana u hadalno
Siyaasaddu caynkan maaha
Ma aha sodoh qiimo badanoo
Si weyn loo wada qadariyoo
Xushmiyo mudan soo dhaweynoo
Saygeediina uu xijaabtay
Sum cadeeda inaynu waxyeelno
Siyaasaddu maaha maaha
Marxuun saacadiis dhamaatay
Xabaashiyo Iilka seexday
Inandanu hilibkiisa saafno
Inaan sahal mayd u xamano
Aduunka maxkamad ku saarno
Siyaasaddi caynkan maaha
Sandoonow qaylo maaha
Ha la iswada seego maaha
Ha la isku sanaadho maaha
Sokeeye colooba maaha
Khiyaamee iyo sir maaha
Cadaawad sameyso maaha
Siyaasadu caynkan maaha
Saxaafada qowlal maaha
Muwaadin codkii ku siiyey
Xaqiisana seeji maaha
Sidii rangers guryaha oo
Saqdhexe loo daato maaha
Inaan sardhino iyo maaha
Kursiga qaranka ii sitaacan
Ka fuulayna ha isa siiyo
Ka doonayna ha u sakhraamo
Saakana haddal iyo goaankay
Hablaha Somalilandee
Suugaan ugub inaan ku baaqo
Iyaga sababta u ahaadoo
Sidii shanta maal aduunyo
Ragaa idin kala suntadayee
Misana isukiin saliday ee
Safeyn ugu kala jirtaan
Saddexdii maanlaawe weeye.
Saha iyo damac isku wadiyo
Sedkay isku laynayaana
Kumaba lihin saami qaybsi
Waxaad ugu sacabtuntaana
Sadooy waa dhoy la aane
Siddi siddi diina mooyee
Hubsada suubaan dhaciina
Ayidda samadka ina uuntay
Samow ku saliya rasuulka
Guriyaha salka dhiga xijaabta
Sitaadkeenii bilaaba
Ragow sidatani si maaha
Si aan ku qancaayo maaha
Walaahi si fiican maaha
Amaanadii aad sideena
Inaad dayacdaan sax maaha
Samaaloow miyaan aduunka
Siduu u dhan yahay xilkiisa
Rabigu dumaddiina saarin.
Maxaydun siddaas u yeeli
Maxaydun u sibiq dhaqaaqi
Maxaydun seeri dhaafi
Muxuu suudhkiyo tayga
Seetada dabarkiyo hogaanka
Iblaysku idiinku soohday.
Allaha saatiru raxmaana ah
U soo noqda waad gafteen e
Salaamka u toobad keena
Sujuud dhiga oo ducaysta
Sidaa iyo macasaalama
Nimco Aadan Hurre ( Nimco Gabaydo)
Phone Number 4104771
Aafada Qaadku ku hayo bulshada Soomaalida WQ.Mohamed Hassan kaahiye
Waxay ahayd goor ay saacadu ku siisiqayso abaaro 8:15 wakhtiga geeska afrika waxa aan ku sugnaa xarun caffe ga laga cabo taasi oo ku taala badhtamaha suuqa hargeisa halkaas oo aad moodo in ay qancin karila yahiin dadkii wax iibsanayey taasi oo macnaheedu tahay over customer sida shaqadu ay noqoto wakhtiyadii ramadaanta oo kale oo ay dhamaan meelahaas u afuro tagaan hadaba maanta maxaa dhacay xaruntan caffega laga cabo dadka i hareero fadhiyay ay dalbanayaa in laga iibiyo saabuuse iyo xalwad muus sharaabadii nooca juiceka ah dhamaantood waxay sheeko gaaban na dhexmartay nin agtayda fadhiyey oo sugayey dalab uu u diray shaqaalaha meherada waxayna u dhacday sidatan:-
Walaal magacaa magacaygu waa ahmed muse cali adigana mohamed hassan kahiye barasho wacan walaal maanta buuqa inta leeg maxa keenay meheradan waan ku xidhnaa oo sidan may noqon jirin marka laga reebo wakhtiyada ramadaanta ahmed walaal aniga iyo dadka ila midka ah ee fadhiya meeshan waxay waayeen Qaadkii la cunijiray wakhtiga galinka hore amaba loo yaqaan (IJABANE AROORYAAD) kaasi oo laga dhigto quraac amaba indhaha lagu kala furo subaxii marka qofku tooso ayaa taasi oo noqotay balwad aan laga maarmin amaba dadku laqabsadeen dadkana cunaa waxaan ku qiyaasay 94% dadka hargesia degan maanta maxaa ku dhacay Qaadkii waxaan maanta hakad galiyey xaflada qoomiyada ethopia oo markan ka dhacaysa kililka shanaad ee ismaamulka somalida oo markii u horaysay lagu qabtay magaalada jigjiga taasi oo sababtay in la xidho xuduudaha ethoipia ay la wadagto somaliland inta ay xafladu socoto waxaan axmed waydiiyey hadii la joojiyo maxaa dhacaya waxaanu iigu jawaabay adeer waxba kala soconmaayaan oo halkan caffe ku cabimaysid dadkuna waxay kaaga mashquulsan yihiin qaadka oo afarnooc loo cuno taasi oo wakhtiga oo dhan ay fadhiyaan marfashyada iyo meelaha guryahay halkaas oo ay ku dalbadaan -ijabane -barje biyo-raacis – iyo ka afraad oo ay ugu yeedhaan chenal 4 oo habeenkii saacadaha danbe ay cunaan dadka ku takhakhusay fajida intaas ka dib waxaan ka tagay meheradii caffe ga iibinaysay waxaanan ku laabtay xaruntaydii shaqo intii aan jidka ku sii jiray ayaan aniga oo maankayga ku haya sheekadii na dhexmartay ahmed waxaan la kulmay dadkii oo tuban wadooyinka dhexdeeda iyaga oo ka sheekaysanaya qaadkii goorta uu soo galayo halka qaarna ay leeyahiin ijabanihii hadii uu ina dhaafay suurto gal maaha in uu na dhaafo barjaha duhurka ka danbeeya hadii kale Ethoipia ay ka doonano dadka calooshii ayaa madhan oo wax lagu buuxiyo lama hayo inta qaadku maqanyahay halka qaar kalena ku tiraabayaan xaga hudheelada haloo yaaco si qaadka looga seexdo maanta hadaba waxaan iswaydiiyey dadka qaadka ma waxay u cunaan cunto ahaan mise waxaa loo cunaa mirqaan mise waxaa loo cunaa wakhti lumis su,aashaas oo aan ka jawabi kari waayey aniga shaqsi ahaan waxaan ku sifeeyey markii aan rogrogay jawaabta suaasha (gumaysi casriyeysan)
taasi oo bulshada dhamaanteed aanay wali dhaadsanayn
hadaba sida xaalku marayo hadii wax laga badaliwaayo waxaa iman doonta maalin raacdadu fogaato maarayna la heliwaayo ……….
wabilahi tawfiiq
Mohamed Hassan kaahiye
Email: mhkaah@gmail.com
Hargeisa somaliland.
TACSI ku socota Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
Boorama-(Berberanews)-Alla ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ku geeriyootay Hooyada Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Suldaan Maxamed Maxamuud Xamdule, Xaaskiisa iyo Caruurtiisu waxay Tacsi u direen Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahinoo ay ka tacsiyadeeyeen Geerida ku tiho hooyadii, waxaannay Ilaahay uga baryayaan inuu Naxariistii janno ka waraabiyo.
Sidoo kale waxaa Tacsi taa lal mid ah u diraya Hawlwadeennada Shebekadda Berberanews.com
Dalku Badbaaodo Ayuu U baahan Yahay: Warqad Furan oo ku socota Madaxweyne Silaanyo
- Ø Madaxwaynaha Jamuuriyadda Somaliland
- Ø Wasiirka Arimaha Gudaha
- Ø Wasiirka Arimaha Dibadda
- Ø Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
- Ø Wasiirka Waxbarashada
- Ø Wasiirka Cadaaladda
- Ø Wasiirka Beeraha
Somaliland waxa ay si buuxda xoriyadeeda uga qaadatay Mustacmaradii gumeysiga Ingiriiska 26 june 1960kii. Intaas kaddib jamhuuriyaddii Somaliland Waxa ay la midoowday Konfurta Somalia oo waqtigas uu gumaysan jiray Taliyaanigu markii ay somalialnd la midoowday Somalia Shuruud la’an waxa la soo gudboonaaday aafooyin Waxa dhacay xadgudib ,Xasuuq baahasan oo aan loo kala Miidan dayin dadka shacaybka ah ee reer somalialnd markii ay waxasi oo dhani dhaceen, waxa kala tegay Somaliland Iyo Konfurta
Bur-burburkii ku dhacay shacabka Somaliland Muu ahayn mid ku yimi maalin, bil ama sanad keli ah ee in ka badan 30 sanadood ayaa si dadban iyo toos ah labadaba looga shaqaynayey qaybinta, kala fogeynta iyo is nacsiinta Shacabka Somaliland Dagaalo sokeeye iyo Mid dibu xoreeyeed ayaa galaaftay jiilal fara badan oo ka mid ah shacbiga sharafta badan ee Somaliland Dadkayagu waxa ay waayeen garab iyo gaashaan, mugdi kasta waxa u beddelay mugdi ka sii daran, qax, cabsi, xabbad, cadaawad, qoqob, dir-sooc, dulmi, bur-bur, barakac, laajinimo, dhaawac, dhimasho, naafo, gaajo, fakhri, is-nac, is-diid, is-dil iyo dowlad la’aan ayay ahaayeen wehelka iyo wadaygii keli ahaa ee Somaliland kaga soo hagaagay midnimadii koonurta Somalia
30-kii sano ee Somaliland La midoowday Somalia ee Aynu soo dhaafanay waxa ay Somaliland kaga soo hagaagay .Aqoon la’aan, caafimaad darro, saboolnimo, biyo la’aan, caddaalad darro, maamul xumo, iyo nolol la’aan ayaa ahaa inta Somaliland kaga soo aadday sed-qaybsigii Koonfurta Somalia
Intaas oo mushkiladood waxa ay ku dhacayeen Shacabka Somaliland oo ah Shacab keli ah oo ku nool dal keli ah oo leh diin keli ah kuna hadasha af keli ah. Sidoo kale Rabbi ku mannaystay dal dihin, oo leh noocyada kala duwan ee khayraadka oo dhan sida xoolaha, beeraha, macdanta, badaha, daaqa waxan ay intaas oo dhan shacabka Somaliland ka doorbidayeen midnimada iyo walalatinimadii iyo Doonidii Midnimo Somali wayne lakiin Sadkoodu waxa uu noqday Xasuuq aan loo kala aabo yeelin hadaba maanta waxa laga joogaa 22 sano markii somaliand xoriyadeeda Dib ugala soo noqotay Koonfurta Somaliland waxay ku talabsatay horumar baalaadhan waxa ay samaysay wax dunia indhaheeda soo jiitay waxay qabtay dhisida qaran dhamaystiran waxay hubka dhigis ku samaysay maleeshiyaadkii waxan samayasay haykal dawladnimo oo dhamaysiran waxan qabatay doorashoyin xor ah oo xalala ah,hadaba waa su’aale maka intaas laga soo gudbo maxaa inaga hor taagan in aynu helo citiraaf dhamaystiran?oo aynu ka helno aduunyada inteeda kale hadaba Su’aashaasi waa mid u bahan in si cilmiyaysan loo eego logana jawaabo aniga waxan isku dayey in aan bal dhinacyo badan ka eego
- Haddaba markaan arkay qorsho la’anta ka muuqata Citiraaf Raadinta xukuumada maanta jirta ee ahmed siilanyo iyo tii ka horeysay ee dahir riyaale kaahin
- Markaan Darsay qaabkii loo bilaabay aqoonsi raadinta somaliand iyo qorsha xumadii ay ku wajahaday xukuumad hore ee dahir riyaale kaahin
- Markaa Ogaaday in hoggaamiyayaashii hore ee siyaasiyiinta u ahaa Somailand ku fashilmeen xal u helida dhibaatada Aqoonsi Raadinta ee somaliand
- Markaan Dhugtay Fashilka Laxadka leh ee ku yimid wadahadaladii Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey oo u muuqada qaar laga leexiyey jidkii loogu talo galay oo Somalia sida ay doonto u fasilatay
- Markii aan Fahamay fashilkii ku yimi shirarkii badnaa ee Aqoonsi Raadinta ahaa ee dibadaha lagu qabtay, beesha caalamkuna Fahami wayday xal u helida dooda Somaliland iyo Somalia taasi oo ay faragalin joogto ah ku haya soomaaliya Oo Geed Dheer Iyo Midgaabanba U Fushay Sidii aan Somaliland aqoonsi caalami ah u helin
- Markaan Arkay dhibaatooyinka bulsho ee aan xadka lahay Shacabka Somalilalnd sida, abaaraha , Wax soo saar La’aanta ,cudurrada, aqoon la’aanta, iyo kala daadsanaanta ee maanta bulshada Somaliland haysata.
Waxaa lagama maarmaan noqotay in Aan si toos ah u Taageero Dood Qaran oo Mudane Madaxwayne Mucaaradku ku dhawaaqeen hadaba Mudane Madaxwayne la hadal oo dhagayso waana Fikir iyo aragti la soo bandhigaayo, waana mid ay wadaan xisbiyada mucaaradka ahi, Waan mid is beddel doona si looga gudbo caqabadaha taagan waxaanay isku taageen badbaadinta dadka iyo dalka Somaliland Mudane Madaxwayne sida uu wasiirkaga arimaha gudahu sheegay waxa cadawaga somaliand ee somlia waa sida uu hadalka u dhigaye Billions ku bixiyaan sidii Somaliland looga ridi lahaa amaan daro marka maxad ku diidi hadii Xisbiyada mucaaradku yidhahadeen waar aynu isku nimaadno oo aynu ka wada hadalno xalada dalku maraayo mudane madaxwayne ma Xuma taasi ee mucaaradka la hadal
Mudane Madaxwayne wadiga reer koonfureedkaba horfadhista adiga oo og waxay na badeen iyo sida ay dadkaaga u xasuuqeen iyo wixii na dhexmarayba marka mucaaradka lahadal waa muwaadinine ?.
.
Sidaas darteed ayay isu-tagga Xisbigayda Mucaaradka ahi ee Somaliland is-tuseen, isla gorfeeyeen, isla fahmeen, islana garteen isla markaana isla qaateen DOOD QARAN
Qaranku waxa uu u bahan yahay Sadex arimood In laga badbadiyo
Bahiyaha kowadna waa ah:
- Mideynta Shacabka Somalilnad iyo la’dagaalanka waxyaabaha keenaya kala qaybsanaanta Shacabka sida: qabyaaladda, gobolaysiga, colaadaha, dulmiga, jahliga, cadaawadda, gaajada, qaadka, iyo wixii la’mid ah.
- Xafididda muqaddasaadka Shacabka Somaliland ee ay ugu horreyso Diinta Islaamka iyo Jiritaanka somaliland ,hiddaha iyo dhaqanka suubban ee shacabka Somaliland
- Abuurista Wax WAXSOOSARKA, MIDNIMADA, WADDANIYAD, CADDALADA, iyo HORUMAR, si loo helo ummad is-jecel, hannaan dowladnimo, bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh.
SIYAASADDA ARIMAHA GUDAHA EE DALKA
Siyaasadda Arimaha Gudaha Ee Dalka:
1) Mudane Madaxwayne Waa in Aad u Halgantaa sidii Somaliland uga hirgelin Lahayd qaran haybad leh, bulsho hodan ah iyo hannaan dowladnimo oo Somaliland u horseeda horukac taarikhduna ay ku xusi doonto .
2) Mudane Madaxwayne Waa In aad xaqiijinta Jamhuuriyad ay leeyihiin, u siman yihiin, isla markaana wada kulmiya dhammaan Shacabka Reer Somalilland waana muhiim in aad waxa ka badasho habka saami qaybisiga dalka .
3) Mudane Madaxwayne Waa in aad si adag uga soo horjeesataa hababka siyaasadeed ee aan ka turjumayn midnimada, wada-jirka iyo walaaltinimada Shacabka Somaliland sida:
Awood qaybsiga Beeleed
Habka maamul goboleedyada
Habka iyo nidaamka aan ka turjumayin Midnimada iyo walaltinimada shacabka
Shirar Beeleedyada
4) Mudane Madaxwayne Waa Waajib ku saran in aad si adag u ilaalisaa midnimada, qaranimada, iyo wada-jirka Shacabka Somaliland
5) Mudane Madaxwayne Waa in aad ka shaqaysaa dhismaha qaran awood leh oo si toos ah u maamula dhaqaalaha, siyaasadda, horumarinta guud iyo adeegga bulshada ee dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
6) Mudane Madaxwayne Waa In aad Culayska Saartaa in Shacabka Somaliland Helo Kalsooni, Caddaalad, Maamul hufan, Siyaasad deggan iyo Qorshayaal horumarineed oo waqtiga dhow iyo waqtiga dheer ba leh.
7) Mudane Madaxwayne Waa Waaji ku saran in aad dhisto qaran sharcigu ka sarreeyo qofka ee qofku aanu ka sarrayn sharciga
8) Mudane Madaxwayne Waa waaji ina saran in aad dalka u Samayso barnaamijyo dib-u Dajineed, Adiga oo abuuraya Aqoonteedi , adeeggii iyo kaabayaashii dhaqaale ee lagama maarmaanka u ahaa kor-u qaadida iyo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dadka.
SIYAASADDA ARIMAHA DIBADDA EE Dalka
1) Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax bannaan, una madax-bannaan maamulidda iyo maaraynta arimihiisa gudaha,
2) Xukumada aad madaxwaynaha ka tahay waa in uu noqdaa xisbig muxaafad ah oo aan marnaba aqbali karin in madax-bannaanida Somaliland Gorgortan iyo mugdi gasho.
3) Mudane Madaxwayne Waa In aad Dhistaa Xukuumad u hoggaansan Dhawraysan dhammaan shuruucda caalamiga ah ee dunida sida, Axdiga guud ee Qaramada Midoobay, baaqa caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka (Universal Declaration of Human Rights), Axdiga midnimada Afrika (African Charter) iyo dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay saxiixeen dowladihii hore ee Somaliland Soo maray ee ka turjumayey danaha Shacabka Somaliland
4) Mudane Madaxwayne Waa In aad Si Buuxda u Taageertaa soona dhawaysaa dersinimada, nabad ku wada noolaanshaha iyo iskaashiga wadamada gobolka Afrikada Bari. Waxaanan Kugu Dhiiri Galin Lahaa In aad ka Shaqayso sidii shucuubta Afrikada Bari uga dhaadhin lahay ku dhiirashada aqoonsiga somalialnd iyo sidii ay u samaysan lahaayeen ganacsi xor ah (Free Trade co-operation)
5) Mudane Madaxwayne Waa in aad soo Celisaa xiriirkii taariikhiga iyo soo jireenka ahaa ee ka dhaxayn jiray Somaliland iyo wadamada carbeed ee aynu ka mid nahay. waxa kale oo aan Jeclaan lahaa in aad soo Celiso xiriirkii Somaliland la lahayd shucuubta Islaamka ee aynu walaalaha nahay.
Siyaasadda amniga ee Dalka
Si loo abuuro Mudane Madaxwayne bulsho difaacan karta qaranimadeeda iyo jiritaankeeda Waxan Aminsanahay .
1) Difaacida qaranimada Somalialnd iyo midnimadeeda
2) Difaacida xuduudaha dalka Somaliland oo ay ku jiraan xuduudda dhulka, badda iyo cirka
3) Nabad kula noolaanshaha dawladahada dariska ah iyo iskaashigooda
4) Xoojinta iyo Qalabaynta qaybaha kala Duwan ee ciidamadii Qaranka Somalilnad iyo dhisida ciidan tayo iyo akhlaaq leh .
SIYAASADDA DHAQAALAHA EE DALKA
Si loo abuuri bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh Mudane Madaxwayne Waa In aad xoogga Saartaa:
1) Xoojinta wax soo-saarka gudaha gaar ahaan Beeraha, Xoolaha iyo Wax soo-saarka badaha
2) dhiiri-gelinta suuqa xorta ah
3) fududaynta maal-gashiga caalamiga ah
4) Yaraynta tacriifaadka gudaha (Inland Revenue) iyo cashuuraha macaashal macaashka
5) Soo noolaynta wax-soo-saarkii warshadaha yar-yar ee dalka iyo dhiiri-gelinta warshadaha mugga weyn leh
6) Abuuridda, tayaynta iyo kor-u-qaadidda adeegyada dadweynaha ee dhaqaalaha abuura (Service Sector)
SIYAASADDA ARIMAHA BULSHADA EE Dalka
Mudane Madaxwayne Waa In aad U Halgantaa Dhisida qodobada hoos ku qoran
1) Bulsho leh dhaqan, akhlaaq iyo diin (Islamic Society)
2) Bulsho walaalo ah, wadajirta, iskaashata oo is-jecel
3) Bulsho xor ah oo ka xor ah: gaajada, qabiilka iyo qof jeclaysiga qofkastaana xor u yahay maankiisa, maskaxdiisa iyo muruqiisa
4) Bulsho aqoon leh oo fikirkeeda iyo fahamkeeduba sarreeyo
5) Bulsho hodan ah oo ka hayaanta saboolnimda
6) Bulsho wadani ah oo ilaashan karta qaranimadeeda
7) Bulsho awood u leh xulashada, xakamaynta iyo la xisaabtanka madaxda qaranka
SIYAASADDA WAXBARASHADA, CAFIMAADKA IYO ADEEGGA BULSHADA EE DALKA
Mudane Madaxwayne Waa In aad U halgantaa sidii shacabka Somaliland helaan in uu ummadda Soomaaliyeed u diyaariyo:
1) Adeeg Waxbarasho oo lacag la’aan ah oo tayo leh
2) Adeeg Caafimaad oo lacag la’aan ah
3) Adeeg Biyo oo nadiif ah laguna heli karo qiime aad u jaban
4) Adeeg Is-gaarsiineed oo casri
5) Adeeg Koronto oo raqiis ah
6) Adeeg Gaadiid oo habsami u socda
7) Adeeg Maamul oo barax-tiran
8) Adeeg Garsoor oo caddaalad ku salaysan
SIYAASADDA HORUMARINTA XOOLAHA, BEERAHA IYO DEGAANKA
Mudane Madaxwayne waxan kugu dhiiri galin lahaa in aad xooga saartaan barnaamijyo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha iyo degaanka.Ee hada jira lana xoojiyaa waxa soo saarka beeraha ,
Mudane Madaxwayne waa in bulshada la baraa muhiimadda dhaqaale, nololeed iyo aayatiin ee ay leeyinhiin xoolaha, beeraha iyo degaanku sidaa darted waxan soo jeedin laha qodobada hoos ku qoran:
Waa in aynu xooga saaranaa:
1) Jihaynta beeraha iyo kobcinta abuurka beeraha
2) Ilaalinta iyo dhowrista degaanka
3) Dejinta reer-guuraaga
4) Kor u qaadida xanaanaynta xoolaha
5) La dagaalanka xaalufka iyo biyo la’aanta
6) Suuq u raadinta wax-soo saarka beeraha iyo xoolaha
7) Ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo isticlaamka kaluunka
Abdikarim Abdilahi Mouse
Hargiesa Somaliland
Waa Maxay Sababta loo sameynaayo Dhulkii Kawaanka Cusub ee Burco Waxaa bixiyey Maxamed Diiriye Guun
Burco-Waxay ahayd November 28, 2013 , Markii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) uu Xadhiga ka jaray , kawaan xoolaha lagu gawraco oo casri ah oo laga Hirgaliayay magaalada Burco, kaas oo ay maalgalisay hay,ada FAO,”siiba Dawlada Ingiriiska oo ay u
Fulisay Hay,ada FAO oo aqoon gaar ah u leh kawaanada iyo xanaanaynta xoolaha.
Hadaba waxaan maalin dhoweyd akhriyey maqaal nin weriye ku sheegaayo,in kawaankaasi cusub ee madaxweyne ku-xigeenku ka fiuray Burco dhawaan, ay dowlada hoose Burco weyday dhul ay siiso sameynta kawaanka cusub , sidaa daradeed uu muwaadin reer Burco uu isagu bixiyey dhul dhan 200M oo laba jibaaran, oo laga dhisay kawaankaasi “Yaab , qofkii aduunka nooli , geell dhalanaayana waa arkaa .
Ninka weriyaha sheeganaya hadalkii wuu sii waday , waxuu sheegay inaan xafaladaa lagu xusin , oo maayarka burco iyo badhasdaabka G/Togdheer ay uu quudhi-waayeen inay ka sheegaan furitaankaa in muwaadin Maxamed Diiriye –Guun oo bixiyey dhulka laga hirgeliyey kawaankaa cusub, ninkaa weriyahaa muu ku xusin , magaciisa inuu qoray maqaalkaa lakiin waa la fahmayaa in meel loo sii sameysanaayo kuwaankii hore in si sharci daro ah loo qaato.
Hadaba aan isweydiino waa kuma Maxamed Diiriyev-Guun , ninkan wuxuu dadkii cusbaa soo degay Magaalada Burco 1991, waxaanu ka furtay bakhaar alaabta dhismaha iibiya , guri uu lahaa nin adeerkii ah , iyadoo meel fiican u mareyso, ayuu bilaabay inuu dhul banana ku qabsado , dad degaanka ahaa oo dhul ay ilaa awoowyaashood lahayeen , taas oo dacwad iyo dagaal badan uu u galay.taas oo ganacsagiisu hoos u dhigtay .
Markii danbe waxuu u xuubsiibtay dowladdii Madaxweyne Rayaale inuu Udub qabqable uga noqdo taas balanteeda ay rag udub ka tirsani ku dagaalgeliyeen in loo magacaabi doono Badhsaabka G/togdheer laga 2005-2010 waxuu xoolihisii laga gurtay magacaabida Badhasaabkaasi, waxaa uu digreeto madaxweyne ku soo qaatay dhul badhatama wadooyinka ku kulmaan oo loo yaqaano Daahirow is-dhegayso ,kaas ahaa ninkii dhulkaasi , hawshiisa waday , markii danbe dadka degaanka ayaa arintaasi , gunafka ku dhuftay oo hal bacaadle ka dhigay, hungurigii uu watay.
Hadaba arintan cusub ee Maayarka iyo badhasaabku ay dabada ka riixayaan , ma tahay mid u suurta-geliysa, sababo badan awgeed.
Meeshan kawaanka hore waxay ahayd beer ,oday degaanka lahaanjirey , taas oo dan guud loo qaaday , waraaqaheediina waanu haynaa, haddii dantii laga kaaftoomay ,maayarka ina muraad ma siinkaro , badhasaabka xamarje ma siin karo, dadkii lahaa ayaanu nahay haddii ay ka baxday dantii guud ninkii hore u laaha . ayaa iska leh , taas ayaanu u sheegaynaa madaxda Gobolka iyo Degmada, Maxamed Guun waxaan leenahay , inan yar oo maqaal magaciisa ku soo qori kari waayey , iyo Madaxda Gobolka iyo degmada waxba yaanay lacagi ka dhamaanin meeshan waxay kugu noqonaysaa mar labaad Daahirow Is-Dhegayso
Maayarka iyo Badhasaabkuna yaanay Been kuu sheegin, raggii dhulka lahaa ayaa jooga , haddii dantii guud looga maarmay.
-Ilaahay ayaa Mahadleh-
Salebaan Faarax Cige
Burco-Somaliland.
MAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY MUDAHARAAD
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda warbaahinta madaxa banaan, intaas ka dib waxaan wax yar oo kooban ka odhanayaa Mudaharaadka ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradka ee Somaliland waa UCID IYO WADANI.
Waxaa leeyahay laba xisbi mucaarad mudaharaad xal laguma gaadho, dadwayanaha oo la kiciyaa waxba keeno mayso, teeda labad inagu reer somaliland ma naqaano mudaharaadka salmiga ah, waxa dhacda markay aynu is nidhahno mudaharaada inaynu wax badan qaribno, taasna damaanad qaadi maayaan xisbiyada mucaaradku.
Waxaan aad u soo dhowaynayaa go’aanka wasaarada arimaha guduhu ku diidan tahay in mudaharaad dalka ka dhaco, waayo mudaharaadkaasi wuxuu wax u dhimi karayaa xasiloonida dalka, taaso oo keeni karta in bur bur yimaado, waayo dadkan mudaharaadayaa si selmi ah u mudaharaadi maahaan e waxay samaynayaan inay wax xumeeyaan oo ay fad qalaleeyaan nabada, taasina waata ku kaliftay wasaarada arimaha guduhu inay joojiso mudaharaadka.
Markaa waxaan ku talin lahaa in xisbiyada mucaaradku ay joojiyaan ku dhaqanka wixii xasilooni darro inoo keenaya. Umaha baahnin maanta buuq iyo sawaxan aan macno ku fadhiyin oo ay dhici karto in naf iyo maalba khasaare inaga soo gaadho.
Markaa waxaan leeyahay gudoomiyayaasha labada xisbi waa inay arinkaas ka noqdaan, oo ay la yimaadaan hanaan kaas ka fiican oo wax lagu maarayn karo, maxaa yeelay kani maaha xalkii ugu danbeeyey ee waxa la helayaa xalal badan oo wax lagu xaliyo.
Mudanayaal ka daaya dadka iyo dalkaba kacdoonka aad ka wadaan oo suga wakhtigiina, maxaa yeelay dadkani wuu ka daalay dhibaatada iyo qaska, markaa uma baahnin wixii wax u dhimaya nabada iyo isu socodka bulshada.
Mudanayaal waa labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka e keena oo la yimaada barnaamij cad oo laydin kaga dayan karo , inta aad ku mashquusheen dacaayadaha iyo xaalad abuurka.
Waad Mahadsantihiin
Qore: Mohamed Hamud Ali
hamudson@gmail.com
Warsaxaafadeed: shirweynihii saddexaad ee bulshadda ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee magaalada Bristol.
Warsaxaafadeed: shirweynihii saddexaad ee bulshadda ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee magaalada Bristol.
Bristol-Waxa magaalada Bristol ka qabsoomay shirweynihii saddexaad ee bulshadda ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee magaalada Bristol.
Shirkaas waxaa lagaga hadlay sidii loo mideyn lahaa cududa iyo dhammaan ururada ka soo jeeda Gobolka Gabiley, una xoojin lahaayeen mustaqbalka ururweynaha GARDO.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka GARDO Xasan Xuseen, wuxuuna aad ugu nuuxnuuxsaday waxyaalihii u qabsoomay ururka GARDO muddadii uu joogay oo sanad ah iyo waxa la higsanayo mustabalka, sidoo kale wuxuu mahadnaq u soo jeediyey guddidii soo qaban qaabisay shirweynaha saddexaad ee bulshada ka soo jeeda Gobolka Gabiley.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay iskaashi iyo isku aragti sidii gobolka loo baahitiri lahaa iyo guud ahaanba Somaliland.
Waxa kale oo shirka ka hadlay guddoomiye ku xigeen ka GARDO Maxamuud wuxuuna aad ugu mahadnaqay soo qaban qaabiyayaashii shirkan, isagoona si weyn oo mug leh u faahfaahiyey GARDO oo la aasaasay 2001dii iyo waxyaalihii u qabsoomay. Iyada oo ay hadda u ballaadhiyeen si International ah oo ay hadda jirto GARDO FINLAND.
Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Faarax Meygaag oo ah guddoomiyaha HADA (Horn of Africa Development Association) aasaaskii ururka oo ka hawlgal Bristol iyo caqabadihii ka horyimi iyo siday u xaliyeen. Waxqabadka ururka waxa uu sheegay inay 4000 (Afar kun) oo buug u direen Jaamacada Timacadde ee Gobolka Gabiley.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee GARDO Mawliid Xasan, wuxuuna u mahadceliyey qaban qabiyayaashii shirka iyo martisharafta kale ee halkaa isagu timi, wuxuu ka soo jeediyey khudbad aad u dhaxal gal ah, wuxuuna ku soo gabogabeeyey hadalkiisii “In la kala saaro siyaasadda iyo charity-ga” labadaasina aanay isku meel wada fadhiisan Karin.
Dhinaca dumarka waxa iyaguna u hadlay Ruqiya Cabdi Xudhuun iyo Caasha Koos oo si weyn ugu dheeraaday sidii loo horumarin lahaa Gobolka Gabiley khaasatan dhinaca dhallinyarada iyo ciyaaraha, iyagoo xusan in sanadkan loo diyaaro garoobo sidii loo caawin lahaa ciyaartoyga Gobolka Gabiley.
Intii shirku socday waxa gabayo dhaxal gal ah ka soo jeedisay Hooyo Khadra Suldaan Ducaale iyo Gaashaan Meecaad oo si weyn dadkii madasha joogay u ruxay.
Ugu danbayn waxa shirka lagu go’aamiyey in la sameeyo guddii odayaal oo 5 ah oo la xaajoota dhigooda ay magaalada Bristol wada degan yihiin iyo 13 dhallinyaro ah oo ka hawl gala sidii loo horumarin lahaa Gobolka Gabiley.
Allaa Mahad Leh,
Axmed Xasan
Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada