Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Wax Qabadka Marwada Kowaad iyo Wasiirda Wax Barashaduba Waa Mid Aan la Qarin Karin

$
0
0

Aniga oo ah samsam  Aadan saleeban waxaan  halkan kaga hadlayaa wax qabadka  wasiirada wax barashada Somaliland marwo  Samsam cadbi Aadan  ee guud ay ka fulisay  gobolka saxil iyo wadankeeda .waxa  kale oo aan ka jawaabay Eedaymo  ay u soo  jeedisay guddomiyaha xisbiga mucaaridka ah ucid  ee gobolka saaxil marwo  rooda Axmed yaasin .taas oo dhaliil dusha kaga tuurtay aan qabanin marwada waxbarashada iyo marwada ,madaxweynaha Somaliland.DSCF2256

Waxaan hadaba u sheegay in marka qof aad dhaliilayso inaad keento wax cad oo bulshadu kaa dhagaysan karto .hadalkaa aad tidhi aniga oo ku hadalaaya magacayga iyo magaca bulsho weynta haweenka gobolka saaxil ayaa xaal ka bixiyay waxaan aan ka siinayaa marwooyinka aan gayin dhaliilaha aanay lahay “


Haadaba hadaan ka waramo wax qabadaka guud ee wasiiradu u qbatay wasiiradu wax barashada Somaliland iyo gobolka saaxil .ka mid ah qaranka soamlialnd waxay u hir galisay arinta ay ka wada siman yihiin oo ah in ardaydii dugsiyada hoose dhexe lacagtii feega laga daayay .wax barasho tayo lehna ay helaan .intaa waxa dheer wax qabadaka ay u suuro galisay gobolka saaxil oo ah in wax barashada goblkeenu noqoto mid aad u heer saraysa oo aradaydii imtixaanadka shahaadiga ah ee gashay labadii sano ee u danbeeyay ay kaalmo muuqda Somaliland kaga soo baxeen ardaydeenu oo u ku hanbalyeey madaxweynaha Somaliland mudane axmed maxed maxmuud (silaanyo ) waa arin aan hore loo arag in ardayda wax ka barta dugsiyada gaar loo leeyahay  dalka ay hogaamin jireen .in maanta ardayada wax ka barata dugsiyada burade ee berbera dalka kaalin muuqta ka galaan waa ilahay mahadi “

Wax kale oo aan ka hadalayaa wax qabadaka marwada kobaad  ee qaranka Somaliland Aamin x maxmuud jirde ka fulisay gobolka saxil mudadii ay shaqybanaysay .wax qabadku waa mid aan halkan lagu soo koobi Karin lakiin wax ka mid ah ayaa aynu soo qaadan doona kana tilmaamaynaa school ay u dhagax dhigay gobolka saaxil iyadoo bixisay wixii kontor biyuushan ah ee xageeda ku  hagaagay .marwaduna inta waxay  diiri galisaa dadka dan yarata ah caruurata agooma ah iyo kuwa darbijiifa ah oo ay u samayso wax barasho .si tastaba marwo rooda waxa waxaan kale oo u sheegay in di muqraadiyada haweenka ay meel kaga dhacay oo aanay ahayn in haweenku is dhaliilo maadma ay saxada siyaada hada u faro madan yihiin : 


Hambalyo Meherka: Mr. Abokor Isaak Yousuf iyo Hibaq Ali Abyan

$
0
0

Aabo Isaak Aw Yousuf Bouh, iyo Hooyo Khadra Muhumed Haaji , Mustafe Bille Abokor, Abdirahmaan maal , Khaalid abdirahman maal , Ahmed Isaak Yousuf, iyo Hibo Isaak Yousuf dhamaanwaxay hambelyeynayaan meherka

Mr. Abokor Isaak Yousuf iyo Hibaq Ali Abyan

oo ka dhacay magaalada hargeisa, Hotel Imperial bishan September 07/2013 waxaan leenahay noqda kuwii isku waara ubad khayr qabana kala hela

OGAYSIIS: Daawo 10:30 Caawa HCTV Barnaamijka Madaxweyen Silaanyo ee Furitaanka Mashaariicda Berbera

$
0
0

OGAYSIIS: Daawo 10:30 Caawa HCTV Barnaamijka Madaxweyen Silaanyo ee Furitaanka Mashaariicda Berbera

Waxaa la ogaysiinayaa Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan in caawa saacadda bariga Africa markay tahay 10:30 ay ka daawan karaan Telefiishanka HCTV Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Furitaanka Mashaariicda Horumarinneed iyo kuwo dhagaxdhigga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay ka sammeyay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Safarka Madaxweynaha ee Gobolada waxaa lagu qarinayaa musuqa iyo cadaalad darada baahsan ee dalka ka jira.

$
0
0

 Mashruuc baal la furay   iyo Mashruuc baa dhagax la dhigay,waa farsamooyin loo adeegsado,laguna qariyo musuqmaasuqa iyo cadaalad darada baahsan ee wadanka aafaysay

 Marka hore waxaan  salaan  mudan  dhamaan shacabka  reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan  gudaha iyo dibadaba.

Sida aad la wada socotaan waxaa malmihii ugu dambeeyey  safar ku tegay qaar ka mid ah Gobolada Somaliland Madaxweynaha Somaliland  Md.Siilaanyo,iyo  kooxda   Wasiiro   sheegata.laakiin dalka looga yaqaan «  yaanu u jawaabnaa iyo qaar kale oo loo yaqaan kooxda awooda badan ee ee ku xeeran Madaxweyahay ».

 

Haddaba Xafiiska Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID wuxuu u arkaa safarkaa

 Madaxweynaha iyo kooxda loo yaqaan  « yaanu u jawaabnaa » sida tan :-

1.     Mashaariic baa qaarna la furay qaarna dhagax la dhigay,waxaa lagu qarinayaa Musuqmaasuqa  iyo cadaalad darada baahsan ee maanta ka jirta Somaliland,waa hab lagu  marin habaabinayo shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba .

 

2.     Mashaariic baa la furay ,qaar ayaa dhagax  la dhigay waa farsamooyinka ay Xukuumada Somaliland u adeegsato Musuqa iyo cadaalad darada,waa hab loo adeegsado in lagu naas nuujiyo ,lagu xooleeyo,qandaraasyo lagu siiyo shaqsiyaad gaar ah oo la doonayo in ay dhaqso u taajiraan. Waxaa markhaati buuxa ka ah  musaqa ka dhacay Hargeysa Airport iypo Shirkadii Genel oo aan ilaa hadda xal  loo helin.

 

3.     Shacabka  sharafta leh ee reer Somaliland waxaa la gudboon in ay dhegaha iyo Indhahaba furaan oo fahmaan  in Mashaaricda loo sheegaayaa ay been yihiin,balse ay yihiin habka ugu fudud shacabka lagu qaldi karo,  cashuurta iyo deeqaha Ummadda la siiyana jeebabka loogu guran karo.

 

4.     Waxaa haboon si  si deg deg ah Xisbiyada Mucaaridka ahi  u magacaabaan guddi isku jir ah oo soo baadha Musuq maasuqa iyo cadaalad darada wadanku  la kacaa kufayo.

5.     Waxaanu ka codsanaynaa  Golayaasha Xilligoodii dhamaaday , Garsoorka dalka iyo  ,Xisbiyada Mucaaridka ah  iyo guud ahaanba shacabka reer  Somaliland ee nadiifta ah in la gaadhay xilligii  la BADBAADIN LAHAA DALKA IYO SHACABKA  DANYARTA AH,SHARCIGANA LA HORKEENI LAHAA  SHAQSIYAADKA  AFKOODA UU KA QOYAN YAHAY DHIIGII IYO DHEECAANKII DANYARTA REER SOMALILAND.

 

6.     Waa muhiin in sida ugu dhaqsaha badan Mucaaridku uga tashadaan talaabo kasto oo muhiim ah iyo sidii shacabka masaakiinta ah loo badbaadin lahaa.

Hadal iyo dhamaan  ma jiri doonto meel ay ku dhuuman karaan dhulka korkiisa , kuwa jeebabka ka buuxsaday  shillimadii  danyarta iyo dadka maasaakiinta  ah ,Akhirana waxaa idin hortaala xiisaab adag oo aydaan ka baxsan karin

 

 

(Nina dhuuni buu ku dhex joogaa————-Nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay)

 

 

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

                              Xisbiga UCID

            abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman

“ Dawgaad Banaysaa ka Kale Deylo Soo Marine “ W/Q Cabdicasiis Cali Cadaani

$
0
0

“Hadduu Baqal-fuul gurguray

Baroor faras baa hidda ah,

Hadduu Badhax-miis ku dhalay

Runtaan la-biyeyn karayn,

Nin baydhsadayow dan guud

Waxaa jira baadi-doon,

Af booli wixii ku maqan

Col soo bedayaa ogsoon ” Abwaaan Hadraawi

 

Tartanka indho la,aanta ah ee ay ku jiraan jamacadaha dalku waxa u gaadhay meel bir ma geydo ah , meel sharaf iyo qiimo ugu fadhida ardayga jamacada dhiganaya iyo ka dibada ka jooga , meel astaan u ah in lagu kale saaro faraska dheereyey iyo midka orodka gaabshay , wada garate ayan filayaa halkan u ham iyo dig leyahaye waa SHAHAADADA ama CADAYN aqooneedka la gudonsiyo ardayga si buuxda uga so baxay shuruudaha lo jideeyey in shahadaasi lagu qaato

Caalamka waxa ka jirta nooc shahaado oo la idhaahdo shaahado sharafeed “honorable certificate ama degree honoris causa ” Taasi oo logu talo galay in lagu mamusay xubno tariikh waxbarasho oo sugan leh

Garo oo waa shahaadoyinka ay malmahan bixiyan qaar ka mid ah jamacadaha dalku ! Hadaba waxa isweydiin mudan shahaada nocaasi o kale ah yaa bixiya ? gormay bilaabmatay ? sideese lo bixiyaa ? halkee se ayey laga xusi karaa tariikhda qofkasi qaatay ?

Jamacada ku taal dalka maraykanka ee HAVARD UNIVERSITY ayaa ahayd ibo furaha shahaado sharafeedka waxanay marki ugu horaysay tariikhda gudoonsiisay Puritan clergyman sanadku markuu ahaa 1652 sidoo kale jamacada OXFARD ayaa iyaduna ku dooda in ay iyadu ahayd ti u horasay ee bixisa shahaado nocan oo kale ah sanadkii 1470 kii

iyadoo ay sidasi tahay ayaa hadana shahaadani anay ahayn mid u dhiganta shahaada la gudoonsiyo ardayga si toos ah u soo dhamaystay waxbarashadisa , sharciyana laguma xusi karo taarikhda qofka (persons CV ) laguma so dari karo tirade shahaado aqoonedka u qofku haysto

MADAAMA ay jamacadaha dalkenu hada bilaabeen waxa lama huraan ah in bulshada lo iftimiyo dhacdooyinka jamacadaha calaamka ka soo maray shahadooyin ay bixiyeen iyo samaynta ay ku yeelatay sumcada jamacadaahsi

Ka hore se aan dhowr layn ku soo koobno cida loo cayimay in jamacadi shahaado sharafed gudonsiiso

 

Shahaadan waxa qadan kara qof kasta oo bulshada ka tirsan ha noqdo , jilaa,ganacsade,ciyartooy,siyaasi ama aqoonyahan isla markana leh taarikh aqooned sugan , qofkasi wa in anuu ku jirin kiis maxkamadeed , in anu ka qayb qadan dagaalo sokeeye , cunsuriyadeed iyo dhac hanti umadeed

Intaasi haday tahay qaar ka mid ah shuruudaha asaasiga ah ee lagu xidho qofka la gudonsinyo shahaado sharafeedka aan inyar ka so qadano dhacdoyinka caalamiga ah ee muranku ka dhashay

April 2009 jamacada la idhaa Arizona university ayaa diiday in ay shahaado sharafeed gudonsiiso madaxwaynaha maraykanka Barrack Obama iyadoo ku sababayay in anu sugnayn soyalkisa waxbarsho ee hore

2001jamacada la idhaa yale university ayaa shahaado sharafeed gudoonsisay madaxwaynihi hore ee maraykana George w bush halkaasi oo u hore uga qalinjabiyey , waxa se arintaasi keentay in kuliyado iyo arday badani ay ku mudaran jamacda isla markana ay mamnucaan ka qayb galka xafldii 300 ee jamacadasi

Jamacada la idhaa Edinburgh university ayaa iyaduna gudoonsisay Robert Mugabemadaxwaynaha Zimbabwe , waxa se marki dambe la mamuncay shahadasi marki lagu so edeeyey in u geystay xasuuq ba,an isla markana u ka qayb galay dagaladi sokeye ee dalkasi iyo waliba in dalka u galiey xalad dhaqaale xumo ti abdi u darnayd

 

“Nin dhug lihiba wuu garanaya suul dhabaalaha e

dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye

dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhababaceeye

dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye”

 

Hadaba hadii xaal sidaa yahay inagoo maanka ku hayna hirdanka siyasadeed ee dalka ka jira , iyo baratanka ku dhaxeeya jamacadaha dalka ee mid walba ku donayso in ay kasbato siyasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee caanka ah , bulshada somaliduna caan ku tahay in ay kolba wax iskaga daydaan

Jaamacadaha is eryanan waxa la gudoboon in aanay eegan title ka uu leyahay masulka ay shahadada siinayaan balse ay eegan tariikhdisa waxbarsho , midisa dhaqan iyo diineedba sabatoo ah waxa surto gal ah in ay shahaado gudonsiyaan SIYAASI iminka caan ah laakin 5 sano ka hore Qof kale ahaa ,

“Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine

Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye

Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne

Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye”

Arinkani waa in uu noqdaa mid ka wayn qancinta iyo xod xodasha cid xaflada idinkale so qayb galaysa , wa in aydaan jidayn in siyaasiga loo geeyo warqada casumaada iyo shahaada oo wada socda oo an la odhan mudane ANAGANA NOO KALAY AAN PHD ku sinee !!!

 

 

WQ. Cabdicasiis cali cadaani

Email : golden_aziz@live.com

Maanta aynu eego Golaha Wakiilladu waxay ka yeelaan cashuurta ninku keensaday

$
0
0
Waxa ceeb ah in dadkeenu u sacab tumo mashaariic lagu dhisay adduun iyagu bixiyeen oo intoodii badnayd ay jeeb qof gashay. Haddaan kaa qaado 100 kun oo doolar oon kuu dhiso guri 50 kun ah ma sacbinaysa mise waad lala dagaalmi doonta, miyaad ii mahad niqi mise waad i dacweyn. Haddaba Xaaji Axmed oo aad u yaqaan sida uu bulshada u jeediyo isagoo inta badan aan la socon ayaa xanaaqu soo kiciya deedna la soo baxa intuu Ina Barre ka bartay, waa khrash loo daadiyo afmiinshaar hooyooyin iyo guulwadayaal sacab iyo sawaxan la dabo socda, iyo koofiyad baclayaal loo qadiido oo lagu laaluusho hantidoodi.
 
Waxaqabadka ma diidanin oo waa waxa aynu u dooranay, laakiin yaa xukuuma jiib xisaab ayaanu leenahay. Ma aha faanku inuu noqdo cashuur ayaan kordhiyey oo miisaaniyaddii waxaan gaadhsiiyey intaas. Sale cale taas waa idinkaan idin baadhay ee dalka maxaad kheyraad ku soo kordhisay, meeday xisaab celini, maxaa ku baxay mashaariicda maqaska lagu daaliyey, hantidhowrka hurda ma soo ansexiyey. 
 
Waxa maanta Wakiiladu ka doodayaan waa cashuur si toos ay oo bilaa shuruud ah loo xalaaleenaayo Wasiir Xirsi oo horeyba keli ku ahaa lacagta xad dhaafka ah een hantidhowr taaban karin ee Madaxtooyda, een Xaaji Axmed iyo Aw Saylici midna ka war qabin iyo cid kale toona.
 
Waxa baabuurta yaryar ee maxaysatadu ku qadhaabato iyo Landcruiserkii ayaa isku cashuur laga dhigay. Waxa la kordhiyey wax ka badan labanlaab cashuurta baabuurta yaryar oo laga dhigay sanadkii 60 ( Afar jeer oo min 15 ah)doolar halkay ka ahaayeen 20 dollar sanadkii (Laba jeer oo min toban ah) Waa korodhsiimo ah 200%. 
WAxa la saaray cashuur la yaab ah oo xoolaha dhoofaya la dul dhigay, waxaynu ognahay qorshaha Itoobiya iyo Jabuuti ku wadaan inay tartan toos ah sanadka soo socda inala galaan ooy xoolaha laga dhoofiyo Jabuuti iyo maxjarka kilinka laga wado.. Waaa ayaan darro in xoola dhaqatada la saaro culus iyadoon waxba loo qaban. Waxaad ogaata nin tajirku ka jaraayo xoolo dhaqatada oo sicirka neefka hoos loo dhigi doono. Caashuurtu sideedaba kuma dhacdo ganacstada haddayna ahayn tan maacaashka.
 
Golahu heys weydiiyo waxa hortaagan in cashuurta malaayiinta ah ee xawaaladaha iyo isgaadhsiinta ku baaqata. Maxuu Xirsi uga fakirwaayey in maal qabeenka dalka laga soo xareeyo cashuurta, Dabcan waa isaga iyo Samaale oo ku xidhan maalqabeenada ayna dhibti tahay inay iyagu halkan ay joogaan keynsadeen. Haddaba Wakiilada waxa looga fadhiya haddayna iyana maalqabeenku keensan kolay qaar ayey ku leeyihiin inay ka gilgishaan dulmigan yuurura ee is dul koray ee lagu hayo danyarta. 
 
Waar cashuur malaayiin ah ayaa inaga maqan maalqabeenka ee culayska ka daaya danyarta.
 
Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso lacagta danyarta laga soo uruuriyey ee sida bahalnimada ah loo cantoobsanaayo agtaada waliba sida araxan darrada ah ugu baxda safaradaada bal eeg inta ku dhinac socota ee hawshoodi soo dayacday ee gunada iyo dhiidhiida jeebka loogu ridaayo, eeg inta guulwade iyo afmiinshaar dhoolacaddeynaysa. Xaaji Axmadow xisaab ayaa kaa dambaysa ee is xisaabi intaadan hoyan. Wallee waa iga talo ee is dabo qabo. Waxba ha ku raaxeysan sacab been ah iyo munaafaqadda ammaanta beenta ah ee hortaada laga sheegayo. Alla maxa mid ku amaanaya kolka uu kola joogo cay iyo aflagaado kuu miisa kolka aad ka jeedsato. Ragganimadu waxay ku jirta inaad shib ku tidhaahdo Wasiirada sida doqonnimada ah kuu amaana..kuwa nabi iyo Cumar Binu Khadaab ku ag dhigaya waa qaar ku yaqaan  nin ammaan jeceyl oo ka naxa runta, nin nacas ah ayaa ku raaxeysta ammaan aanu lahayn…Alleele iyaga ayey ahyd inaad UF UF UF ku tidhaahdo.
 
Reer Burcana waxaan leeyahay waar dhibtu dalkoo dhan ayey haysata, oo maalkeeni ayaa xisaab la’aan loo dhacaya ee beerlaxawsiga doqoniimo diida, reer waliba wuu leeyahay tuug dhacan qayb ka ah, laakiin bulsho weyntu meel ay joogtaba wey ka aradan tahay. Yaan xoolihiina leydunku laaluushin.
 
Wadajir iyo dan wadaag ayaan inoo rajeynaya.
 
Cabdi Xaaji Axmed  

Hambalyo Meher Farxad Leh: Gacal iyo Sokeeyaba Guurkiinna Lagu Farax

$
0
0

Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinnu Guri Nagi Guulloow Ka Yeel

Hambalyo-Meher1

 Hooyo Guuro Nuur Ciise, Abukar Macallin Cabdulle, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Aamin Axmed Tawaad, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdillaahi Axmed Tawaad, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Prof: Axmed Maxamed Tawaad, Xamdi Axmed Tawaad, Saygeeda iyo Carruurtooda,  Xabiibo Axmed Tawaad, Khadiijo Axmed Tawaad iyo Carruurteeda, Muumino Tawaad iyo Carruurteeda, Cabdifataax Cali Abukar, Carafaad Sahal Maxamed,  Sahra Maxamed Tawaad, Saygeeda iyo Carruurtooda, Dhammaan Reer Axmed Tawaad iyo Reer Dhaqane Cilmi Tawaat, Malyuun Axmed Tawaad, Saygeeda iyo Carruurtooda waxay Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan.

 

                                               Ibraahin Axmed Cadaawe

                                                           Iyo

                                             Ayaan Dhaqane Cilmi Tawaad

Oo Meherkoodu ka qabsoomay 20/09/2013 oo ku beegnayd Jimcihii magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan Xaafadda Yaqshid.

Waxaanay Illaahay uga baryayaan inuu ka dhigo Lammaanihii Aqal-galkooda ku gaadha Nabad, Barwaaqo, Bash-bash, Farxad iyo Rayn-rayn, Ubad Khayr qabana kala hela. Aammiin…Aammiin…Aammiin. Allaah ha aqbalo.

 

Hambalyo Meher Farxad Leh: Gacal iyo Sokeeyaba Guurkiinna Lagu Farax

Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinnu Guri Nagi Guulloow Ka Yeel

 

Aammina Axmed Abukate iyo Carruurteeda, Shamsa Axmed Abukate iyo Carruurteeda, Maxamed Axmed Abukate, Xaaskiisa iyo arroortooda, Aadan Axmed Abukate, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Sahra Axmed Abukate, Farxiya Axmed Abukate, Saygeeda iyo Carruurtooda, Faadumo Ibraahin Bayle, Saygeeda iyo Carruurtooda, Deeqo Ibraahin Bayle, Foosiya Axmed Abukate, Saygeeda iyo Carruurtooda, Nuur Cabdi Yuusuf,Ismaaciil Mursal Aadan, Xaasaskiisa iyo Carruurtooda, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Xaaskiisa iyo Carruurtooda, Nuura Cismaan Axmed, Saygeeda iyo Wiilkooda. Dhammaan dadkaasi waxay Hambalyo iyo Bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan

 

                                              Ibraahin Axmed Cadaawe

                                                           Iyo

                                             Ayaan Dhaqane Cilmi Tawaad

Oo Meherkoodu ka qabsoomay 20/09/2013 oo ku beegnayd Jimcihii magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan Xaafadda Yaqshid.

Waxaanay Illaahay uga baryayaan inuu ka dhigo Lammaanihii Aqal-galkooda ku gaadha Nabad, Barwaaqo, Bash-bash, Farxad iyo Rayn-rayn, Ubad Khayr qabana kala hela. Aammiin…Aammiin…Aammiin. Allaah ha aqbalo.

 

Kooxda Xiddigaha Geeska oo Hambalyo u diray Axmed-weli Ibraahin Furinle iyo Xaaskiisa Asma Axmed Ismaaciil oo Gabadhi u dhalatay

$
0
0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul

Abwaan Sidiiq Maxamuud Gahayr

Abwaan Sidiiq Burmad

Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jeylaani)

Abwaan Xasan Ismaaciil Weedhsame

Fannaaniinta kala ah:

Maxamed Siciid Cabdi (BK)

Mursal Muuse Cumar

Maxamed Axmed Bakaal (Cirro)

Cabdi-hani Xaashi Cabdillaahi

Nimcaan Cabdiraxmaan Hillaac

Yuusuf Jeego

Cabdiraxmaan Caydiid Oday

Hodan Cabdiraxmaan Dheere

yurub maxamed cabdi (Yurub Geenyo)

Xamda Cabdi Kiinaal

Khadra Cabdi Sinimmoo

Eng Caydaruus Ismaaciil cabdi iyo Tifatiraha Shebekadda Berberanews.com Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago) waxay dhammaantood hambalyo aan la soo koobi karin hawada u marinayaan Macalinka, muusiishanka Axmed-weli Ibraahin Maxamuud (Furinle) iyo Xaaskiisa Asma Axmed Ismaaciil (Asma Love) oo caawa gabadhi ugu dhalatay Cusbitaalka EdnaAdan, gabadhaas oo loo bixiyay Ishwaaq Axmed-weli Ibraahin.

Waxaannu Ilaahay uga baryaynaa inay noqoto tii dalkeeda,diinteeda iyo dadkeedaba anfacda.

Aaammin Aaammin


Anigoo Ka Mid Ah Qoyska Xil. Qabille Waxaan Saxayaa War Si Qaldan Loo Faafiyey…By Salaan Good Abees

$
0
0

Anigoo Ka Mid ah Caa’iladda amaba qoyska uu ka soo jeeddo Xil. Maxamed Faarax Qabille,  sida aynu la wada socono waxa dhawaan goor habeennimo ah fal waxashnimo ah lala beegsaday xil. Qabille oo la doonayay in lagu khaarijiyo nasiib wanaagse tiiisii may noqon ee wuu ka bedbaaday. Falkaas oo goor habeenimo ah ka dhacay xaafadda jigjiga yar waxa loo qabtay nin sarkaal ah oo ka tirsan ciidamada qaranka kaasi oo isagu fuliyey hawsha, waxa kale oo falkaas baadhistiisii gashay oo isna xidhay nin kale oo ku wehelinayay hawlgalka.

Haddaba waxaan jeclaystay inaan qoraalkan ku bayaamiyo hadalo iyo  warar aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu marin habaabinayo Kiiskaas iyo ciddii ka dembeysay, isla markaana la weecinayo jihadi uu ka soo fulay oo baadhistu gashayba haatan.

Mr. Tabaarik Maxamed Ducaale oo ah sarkaalka xabbadda ku riday Xil. Qabille oo isagu xidhan ayaa waxa maalmihii la qabtayba waxa ciddii hawsha daaha dabadiisa ka dirawalinaysay oo run ahaan la garanayo ay ka cabsadeen in baadhistu toos u soo gasho, sidaasi darteedna waxa ay damceen inay kiiska soo geliyaan cid aan haba yaraatee ku lug lahayn isla markaana aan waxba ka ogayn.

Horaa loo yidhi Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer, run ahaan Arrinta fajacisada nagu noqotay  waxa ay tahay in Maareeyaha Dekedda Berbera Md. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor ) lagu xidhiidhiyo falkaas iyadoo qiil looga dhigayo in Eedaysanaha falka  gaystay ay isku qoys yihiin. Arrintan oo bil xaqiiqatan aanay haba yaraatee waxba ka jirin ayaa nasiib darro dad badani rumaysteen oo weliba gudo iyo dibedba ku faaftay, weliba Qurbajooguna dhab mooday.

Sidaas oo ay tahay waxa jaalliyadaha qurbaha ku dhaqan nagaga imanaya warar aanaan jeclaysan oo falkaas ku xidhiidhinaya Md. Cali xoorxoor. Qolada warkaas beenta ah faafisayna waxa uu  noqday xumad jebin ay is yidhaahdeen warkinii waa la qaatay, runtuse sidaas way ka fogtahay.

Waxaan bulshada reer Somaliland u sheegayaa, gaar ahaan qurba jooga warkani sida qaldan u gaadhay in anigoo ku hadlaya magacii qoyska xildhibaan MAxamed Faarax Qabille aanu haba yaraatee Maareeyaha dekedda berberi ku lug lahayn falkii dhicisoobay ee laga soo maleegay guryo aanu xogtooda hayno, xaalna waxaanu Md. Xoorxoor ka siinaynaa sumcadda la doonayo in laga  dilo.

Mida kale waxaan halkan farriin uga dirayaa dhalinyarada warkan sida qaldan u faafisay oo iyagu is garanaya, waxaanan leeyahay Wanu idin ognahay waxaad ku foogan tihiin iyo halka aad doonaysaan inaad ku moostaan falkii idinka dhicisoobay ee haddii aydun dib uga joogsan weydaan waxa aad wad wadaan, runtii ma mahadin doontaan wixiii idinka gaadha.

 

Wa-billaahi towfiiq

Salaan Maxamed Xuseen (Salaan Good Abees)

Hargeysa, Somaliland

Hello, Ma Xafiiskii Xarunta Xisbigaa Mise waa Xaruntii Samafalka?

$
0
0

Waxay ku beegnayd 16 Nov 2013 abaaro 10:30 a.m markii aan usoo jarmaaday cafateriyada shacbiyada badan leh ee looga bartay inay leedahay Bun(coffee) aad u heersareeya oo soo jiidasho leh. Waa Purple Café oo ku taal iskogyska tog-dheer kagana beegan  dhinaca bari Macmacaanlaha caanka ah ee Maka-Almukarama. Amintii aan salka kursiga la helay ee aan dalabkaygii koobka bunka ah dhiibtay ayaan jaleecay dhinacayga midig kuraas igaga beegan , waxaaba fadhiya seddex dhalinyaro ah oo ka sheekeysanaya mihnadda ciyaaraha, daqiiqado kadib ayaa haddana waxaa dhegtayda kusoo dhacday erreyo mid kamid ah sedexdii wiil “waar hay’addii dhiirigalinta ciyaaraha ugu wanaagsanayd ee ODHA, waynagii gudoomiyeheedii kasoo waynay Xafiiskeedii ODHA maxaynu samaynaa? Waxaa u jawaabay wiil kamid ahaa sedexdii waxaana uu yidhi “ waar waynagii telephonkeeda kasoo qaadanay xoghaynteedii xafiiskeeda samafalka e aynu wacno”. Kii sedexaad ayaa isna kusoo kordhiyey “ waar yaadaheen miyaydaan ogayn inay tahay Faadumo siciid marka laga yimaad gudoomiye/aas-aasaha ODHA inay tahay Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga Ucid?  Labadii wiil ee kale ayaa markaliya wada dhawaaqay oo yidhi “ saaxiib waad naxasuusisaye aynu la hadalno oo aynu nidhaahno “Ma Xafiiskii Xarunta Xisbigaa ayaad fadhidaa Mise Xafiiskii Xaruntii Samafalka” waa hadii ay kusoo noqotay xafiiska samafalka intii aynu kasoo maqnayn.

Haddaba , markaan ka baqoolay goobtii sheekadani ka dhacday , waxaan dib ugu laabtay xafiiskaygii , waxaanan isweydiiyey dhawrkan su’aalood; intaanan su’alahan isweydiin waxaan dib u jaleecay wadamada dunida iyo sida ay u horumareen oo run ahaantii ka timid ku dhaqanka sharciyada iyo xeerarka ay dhigteen oo xataa haddii uu masuul sare oo xil qaran dalkiisa u hayaa uu meel kaga dhaco xeerarka u yaal iyadda oo cid kaleba soo gaadhin isagaa iska casila xilkaa uu hayo kadibna raali galin bixiya. Aan usoo noqdo su’aalihii aan isweydiiyey;

1)Ma lahelayaa Hay’addo Samafal oo kale oo Masuuliyiintoodu Xilal sare ka hayaan Xisbiyada Qaranka?

2)sharciga iyo xeerarka dalkeenu ku dhisan yahay muxuu ka qabaa masuul madax ka ah Hay’ad Samafal islamarkaan Xil sare ka haya Xisbi qaran? Saamaynta ay keeni kartaana maxay noqonaysaa?  

Su’aasha kowaad jawaabteeda markii aan baadhitaan balaadhan aan sameeyey waxaa iiga soo baxday in Gudoomiyaha/Mulkiilaha SORADI, uu yahay Xoghayaha Arimaha dibeda ee Xisbiga Waddani , islamarkaana hormood kayahay shakhsiyaadka ku hawlan in dalkani dib ugu noqdo xaaladihii aynu soo marnay 1992.

 

 

 

Suaasha labaad jawaabteeda haddii aynu iyana wax ka bayaamino. Tilmaamaha dastuurka qaranku ka bxiyey ee nidaamka siyaasadeed, Xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale , bulsho, xaqa doorashada , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is abaabulka waxaynu ka dheehan karnaa  qodobadiisa 9aad ,22aad iyo 23aad. Mida kale. XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXAABTA SIYAASADA IYO WAX KA BEDELKIISII HIRGALEY.XEER No. 14/2011 qodobkiisa 1aad  farqadiisa 5aad wuxuu leeyahay ;Waxaa loola jeedaa Xisbi/Xisbiyada Qaran ee la ansixiyay si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka Guud ee Golaha Wakiillada iyo kuwa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa; sidoo kale Qodobka 14aad: Reebbanaan, waxa ku xusan sidan:Uma banaana qof kasta oo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida: Ciidanka qaran, Booliska, Ciidanka Asluubta, hay’adaha sirdoonka qaranka, Ururada aan Dawliga ahayn, shaqaalaha dowlada (civil servant) iyo xubnaha ka tirsan Garsoorka, Xeer-ilaalinta, iyo gudidda diwaan galinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka in ay: 1) Samaystaan Urur/xisbi Siyaasadeed iyo xubin ka-noqoshadiisaba. 2) In loo magacaabo xafiis Urur/xisbi Siyaasadeed.

 

Dhinaca kale , Xeerka Ururadda Samafalka ee aan dawliga ahayn XEER NO. 43/2010, Qodobkiisa 1aad wuxuu leeyahay sidan; Urur Samafalka aan Dawli Ahayn” (USDA) waxa loola jeedaa shakhsiyaad iskood isku diray ama isu abaabulay ama isu-bahaystay, kana madax-bannaandhaqdhaqaaq siyaasadeed, dhex-dhexaad ah, oo aan macaash doon ahayn.Kuwaas oo noqon kara heer Caalami, Qaran, Gobol, Degmo iyo tuulo(community-based organization). ururaddaas oo uu dhisan inay u adeegaanxubnahooda iyo bulshadaba kana shaqeeya hagaajinta adeegyada bulshada(social services), xaaladaha bani’adamnimo ee deg-degga ah (humanitarian

issues), horumarinta, ilaalinta deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah, maamulwanaagga,ilaalinta xuquuqda, daryeelka iyo kor-u-qaaddida nolosha bulshada(livelihoods), tababarrada aqooneed iyo kobcinta tayada iyo hourmarinta.

 

Gabagabadii,ODHA IYO SORADI madaxdoodu waxay hormood ka yihiin labada xisbi Qaran ee UCID IYO WADANI. Halka Gudoomiyaha/Mulkiilaha ODHA Marwo Faadumo Siciid ay tahay Xoghayaha Maaliyada ee UCID. Sidoo kale,  Gudoomiyaha/Mulkiilaha SORADI Mr Fadal uu hayo Xilka  Xoghayaha  Arimaha Dibedad ee WADANI. Islamarkaana, ay labadoodu wakhtigan xaadirka ah dusho u riteen Xilal sadexaad oo ah abaabulka iyo dardargalinta barnaamijka Shirqool Qaran. Haddaba, xaaladan oo ah mid sharci darro, oo ah ku tumasho xeerarkii qaranka u yaalay. Sidaadarteed,  Waxaan talo kusoo jeedinayaa inay Hay’addaha sharciyan ay khuseeyaan arimahani haddii ay tahay xeerarka DASTUURKA, ASXAABTA QARANKA IYO HAY’ADAHA SAMAFALKA EE AAN DAWLIGA AHAYN. Inay talaabo degdeg ah ka qaadaan labadaa masuul ee shuruucdii dalka dambiga ka galay.

 

Wabillahi tawfiq

Abdirasak Askar

Qalinmaal

Hargeisa,Somaliland 

Guurkina guur khayr gurigina guri nage guulow ka yeel

$
0
0

Guurkina guur khayr gurigina guri nage guulow ka yeel

 

Aabo cali xayd guleed iyo hooyo canab cali sheikh cisman iyo caruurtooda,feysa cali xayd iyo seygeda,moxamuud cali xayd iyo marwadisa,abdixakim cali xayd iyo mawwadisa,Mustafa cali xay iyo caruurtisa,sabaax cali xayd iyo seygeeda,leyla cali xayd iyo seygeda,wali cali xayd iyo marwadisa,khadar cali xayd ,raxma cali xayd iyo seygeda, dhamaan rer xayd guleed meel kasto ay jogaan iyo Axsaab kale oo tiro badani, waxay Hambalyo iyo Bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan:

                    Axmed cali xayd

Iyo

marwadisa Nimco  mahad jamac faroole

Oo Arooskooda iyo Aqal-galkoodu ku qabsoomay toddobaadkan magaalada burco , waxaanan ILLAAHAY uga baryayaan oo ay leeyihiin noqda kuwii isku raaga, Ubad khayr qabana kala hela, noloshooodana ku wada qaata Farxad, Bash-bash, Barwaaqo iyo Raynrayn.

Aammiin……….Aammiin………..Aammiin…..Allaah ha aqbalo.

 

Xukuumada oo Baarlamaanka Weerar Qaawan Ku Soo Qaadey iyo Xubno kamid ah Gudoonka Baarlamaanka oo Ciro Ku Tilmaamay Aar Qoyay…Faalo Wariye Hiiraan

$
0
0

Talaabooyinka indho la,aanta ah  is daba wareega, khilaafyada gudaha ee dhinac kasta ka daaran ayaa caado Calaamad iyo caynka Xadhiga  u ah Xukuumada uu Hogaamiyaha u yahey Madexweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo marka dib loo milicsado sanado wakhti badan laga joogo oo kusiman maalmihiisii Mucaaridka  aan meel dheer laga dooneyn hadaladii uu khilaafkii Xukuumadii Rayaale iyo Golaha Wakiilada Siilaanyo ka odhan jirey, taas oo ku noqoneysa xiligan baabiinta raadadkii Geedi socodkiisa Siyaasadeed.

Marka loo sii dhabo galo Dhacdooyinka Xukuumada Madexweyne Siilaanyo ee Xiligan iyo waxyaabaha ay dadku sida ugu dhakhsaha badan ugu dhegtaagayeen ee laga filayay Xukuumadiisa ayaa ah mid aan mustaqbalka laga dhursugeyn haseyeeshee taagan wakhtigan xaadirka ah marka loo eego sakaaro boodka ay ka bilowdey Golaha Baarlamaanka dhexdiisa taas, oo marka dhinacyo badan laga eego isugu soo biyo shubaneysa Hinaasaha ay Xildhibaanada Mashaariicda ka qaata Xukuumadu kaga hinaaseen laba mudane iyo mudanayaal kale oo Shacbiga ka muteystey aaminaad xoogan iyo kalsooni dheeraad ah, iyadoo Tusaalaha ugu badan farta ku fiiqayay indhawaale Xildhibaan Buubaa iyio Xildhibaan Rayte, oo loo aqonsadey Xubnaha ka dhabeeyay codkii dadweynaha ee lagu soo doortey Islamarkaana, gaashaanka u daruurey qadfimaha iyo xadhig tuurka beenta ah ee Xukuumada iyo xubnaha ka ag dhow taladu , Golaha la hor yimaadaan.

Marka aynu usoo noqono dhacdadii u dambeysay ee Xubnaha Shirgudoonka Golaha Wakiiladu kasoo qeyd xambaarteen wiilasha qasriga laga ogolyahey ee katirsanaa Baarlamanaka Somaliland islamarkaana, ku mashquulsanaa Mashaariicda iyo mus ka deymoodka hantida dadweynaha ee Xukuumadu kala rogeyso, ayaa dadweynaha Reer Somaliland ee siyaasada lafa guraa  u arkaan wakhtigan mid khasaare kambadhuudha, marka loo eego sida uu hadalkoodu ugu soo beegmay, maalmo badan kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro), ku dhawaaqey Gudidayada aqalka Wakiilada, taas oo Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Shirgudoonka Golaha Wakiiladu Dr Cali Yuusuf xusey in uu markii hore la ogolaa Gudoomiyaha magacaabista Gudiyada laakiin uu khaldanaa hada hadalkaas, oo mudh iyo ceeb qaran ku ah islamarkaana lafjab iyo karaamo dhac weyn ku noqoneysa maamuuska Gole iyo qaran ee kuraasta ay ku fadhiyaan codkii dadweynaha, in marba weecsin iyo beedhsin kale ay kasoo majaro qaataan, waxaanay arinatni qeyb ka noqoneysaa mushkiladaha iyo carqaladaha dhinaca maamul ee haysta ee Xukuumada Madexweyne Siilaanyo, iyadoo sii xoojineysa khilaafyada iyo maandhaafka Hay,adaha dastuuriga ah ee dalka, iyadoo kalsooni badan ka lumen doonta Xukuumada marka loo eego tuhunka kaliya ee loo aaneeyay oo ahaa in Golaha Baarlamaanka Somaliland si daacad ah ula shaqeeyo kuna asturo Xukuumada Suiilaanyo arimaha isku ceynka iyo beydka go,an ee Goldoloolooyinka iyo dhaliilaha dul hoganaya taas oo u badan aqoon la,aanta Maamulka iyo nidaamka isku dhex furan ee abuurey awoodaha kala qeybsan ee Xukuumada dhexdeeda.

Sikastaba ha ahaatee muran kama taaagna in Xukuumada Madexweyne Siilaanyo gol faoyoobi iyo naruuro ka qabtey inta badan Golaha Baarlamaanka iyadoo, Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, uu indhawaale u muuqdey in uu kaambeyn gacan qaloocda ah ku beegsanayay Xilka Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland oo mudanayaashu aqlabiyad uga xishoodeen, isagoo Baashe u muuqda marka dhinac kale laga eego in uu ku luuqeynayo Aar qoyay aqoongaabku dacow uga eekaa, isku soo wada duub oo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Islamarkaana, ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani ayaa dadku inta badan ku tiriyaan in uu kawada dubaalad dheer yahey ragii ay Shirgudoonka Golaha Wakiilada mar wada fadhiisteen ee kasoo jeeday Xisbi Xaakimka Kulmiye islamarkaana kaga dublmaasi san yahey arimaha Siyaasada iyo hanka Mustaqbalkeeda marka loo eego halka uu taagan yahey wakhtigan taas oo hadii dagaal kasta Xukuumadu kusoo beegto aanu marna khasaare ku taagneyn halka uu beegsanayo, waxaanay inta ugu badan dadweynuhu hadalhayaan sida uu wakhti xaadirkan u bisleystey Xisbi Mucaarid ah isagoo ah Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland.

 

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

hiiraan2007@gmail.com

Maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil oo tacsi u diraya marxuum Maxamuud Siciid Geeddi

$
0
0

 

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R&ME Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R& ME, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Jaamac Moxamuud Cigaal, COOga SOMTEL Axmed Cabdullaahi Caynaanshe,  Maamulaha DBI, Xirsi Dirir, Saciid Maxamed Saciid, BOD Member  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadaha Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan Maxamed Siciid Geeddi, Guddoomiyaha SOMCABLE,  guud ahhaanba qoyskii, qaraabadii, asxaabtii  iyo dhammaan shacbiga Somaliland oo uu ka baxay marxuum Maxamuud Siciid Geeddi , oo  ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa 19 November 2013. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somaliland; marxuumkana Jannadii  Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo Sidoo kale waxa tacsi taa la mid ah la gaadhsiinayaa dadkii kale ee shilkaasi baabur ku geeriyoodey iyo eheladoodii, iyada oo inta ku dhaawactayna Ilaahay looga baryayo inuu caafimaad waafi ah siiyo. Aamiin. Aamiin.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo tacsi u diray Marxuum MAXAMUUD AW SICIID GEEDI

$
0
0

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay MARXUUM MAXAMUUD AW SICIID GEEDI oo ku geeriyooday shil gaadhi oo 19/11/2013 ka dhacay duleedka Galbeed ee caasimadda Hargeysa, waxaannu si gaar ah tasi tiiraanyo leh ugu dirayaa Ganacsade Maxamed Siciid Geedi oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska, qaraabada iyo ehelada ay ka baxeen Marxuumiinada kale ee ku dhintay shilkaasi naxdinta leh, isagoo dhammaantood Ilaahay uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, inta ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.

TACSI MADAXWEYNE

$
0
0

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo shil baabuur ugu geeriyooday 19/11/2013 galbeedka Hargeysa.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii iyo qaraabadii ay ka tegeena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyey Gudoomiyaha Shirkada Somcable Maxamed Aw Siciid Geedi oo walaalkii Maxamuud Aw Siciid Geedi  uu ku geeriyooday shilkaasi, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu caafimaad u baryey dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in illaahay caafimaad sareecana uu siiyo

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Asqowga Xukuumada siilaanyo, Guulwadaynta labada gudoomiye ku xigeen ,iyo sharciga Cabdiraxmaan Cirro waa kaaf iyo kala dheeri

$
0
0

Qalinkii: Khadar Cabdi Xassan (Khadar Gureyte),khadar_gureyte@hotmail.com

Sida aynu ka wada warqabno bishan aynu ku jirno horaanteedii ayaa Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu isku shaandhayn ku sameeyey Gudi-hoosaadyadii aqalka Baarlamaanka Somaliland oo noqonaysa mudadii ay baarlamaankaasi jireen markii ugu horeysay ee isku shaandhayn abid lagu sameeyo gudihoosaadyadaasi,

 Hadaba mudadii uu xilka hayey Baarlamaankani oo hada ku siman mudo sideed sano ah ,waxa wakhtigaasi Baarlamaankani ku kala yimi sadexdii Xisbi Qaran ee markaasi jirey UDUB, UCID, iyo KULMIYE. iyada oo markaasi Gudi-hoosaadyadaasi uu xisbi kastaa uu saami ka helay .intaa kadib waxa taladii dalka ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo ololihii ugu balaadhnaa ku galay inuu ururo furidoono ,kadib furitaankii URURADA  iyo kala saaristoodiiba waxaa ugu danbayn xisbiyo qaran usoo gudbay sadexda xisbi Qaran ee manta jira KUMIYE, UCID,iyo  WADDANI. Waxaana markaasi meesha ka baxay Xisbigii talada dalka hayey ee UDUB, iyada oo in muda ahba xildhibaanadii xisbigii UDUB aanay meelnaba ku biirin wallow  todobaado ka hor ay qaar kamida xildhibaanadaasi ku kala biireen Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga mucaaradkaa ee WADDANI, waxaa aynu sida oo kale ka warqabnay in Xildhibaanadii xibiga mucaaradkaa ee UCID iyana ku biireen Xisbiga WADDANI, sidaa daraadeed Waxaa markaa halkaasi ka cad in aanay jirin isku dheelitir gudihoosaadka oo Xisbiyadu saami ka kala helaan waana ay cada hay in isku shaandhayn lagu samayn karo si ay dardar usii gasho xildhibaanada shaqadooda iyo hawsha ay qabanayaanba ee ay qarankan u hayaan .

 Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Md: cabdiraxmaan (Cirro) waa masuulka ugu sareeya Aqalka wakiilada waxaana uu awood buuxda uleeyahay sharciyanba inuu golahaasi uu isku shaandhayn ku samayn karo ,ahna mid loo baahnaa xiligan oo xildhibaanada wakhtigoodu sii dhamaanaayo.

Kadib markii uu gudoomiyahu magacaabay waxaa soo ifa-baxaayey hadal haynta gudi-hoosaadyadani oo markaasi muxaafidku u turjumanayeen in mucaaradku u badanaayo balse ay saamiyo isku mida haleeen wallow xisbiga talada hayaa u ubadan yahay hadana ay masayr iyo ka xumaan ka muujiyeen markii gudida joogtada ah gudoomiye loo doortay xilldhibaan Ibraahim mahdi Buubaa iyo xildhibaan Rayte oo isna loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha gudida joogtada ah , waxaana ay noqdeen labadan boos ee uu Xisbia WADDANI helay in si dacaayadayadaysan loogu dacaayadeeyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo layidhaahdo waxaa uu meeshii ku soo gurey mucaaradkii oo mucaaradku maanay ahayn xildhibaano ku jira wakiilada oo xaqna uleh inay hogaan ka noqdaan golaha.

 Iyada oo arrimahaasi aynu kor kaga soo waranay oo dhamiba ay jiraan ayaa hadana xukuumadan asqaysan ee danta umadan liidata inay ka shaqayso ahayd waxaa ay hantidii umada ku bixinaysaa sidii labadaa boos looga takhalusi lahaa ilayn maska madaxaa laga dilaayee , waxaana cad in labada gudoomiye ku xigeen inay si cad oo badheedha ay uga soo horjeesteen go”aankii gudoomiyahooda cabdiraxmaan cirro waxaana ay sheegeen in aanay gudidaasi waxba ka jirin oo muujinaysa ayaan darada haysata labadan masuul oo aan shaqadoodii garanayn waayo awooda magacawday gudiyadani waa ay kasaraysaa iyaga , inay awood iyo joojin isku dayaana ma dhici karto oo waa wax sharci ahaan u banaan gudoomiyaha baarlamaanku inuu isku shaandhayntan ku samaynkaro gudi hoosaadyadiisa , labadan gudoomiyahana aanay waxba badali Karin ilaa wax uu u igmado masuulka aqalka sharci dajinta ugu sareeyee ee Md cirro.

Waxaan hadal qoraalkaygan aan ku soo koobayaa dawlada Somaliland waxaa ay ka kooban tahay sadex qaabdhismeed oo muujinaaya in aanay midina mida kale aanay maamuli Karin oo mid waliba sidiisa uu isagu u madaxbanaan yahay hawlihiisa shaqo wana sidan Golaha fulinta,Golaha sharci dajinta, iyo Garsoorka . oo muujinaysa sida midba ka kale uga shaqa duwan yahay laakiin ay isku xidhan yihiin, sidaa daraadeedna ma aha in xukuumadu ku galgalato ama isku dawakhiso waxaan shaqadeeda ahayn oo shacbigana waa uu arkayaa in cashuurta laga urururiyo lagu bixiyo meelo aan dan u ahayn oo shacbiga aan waxba ka soo galayn faa iido ahaan

Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Ee Gobolka Saaxil Waxaan leeyahay Ma Gaadhid Gudoonka Gobolka Ee Caga-dhigo!.

$
0
0

Hargeysa-(Berberanews)-Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil Saleebaan ayaa waxa uu leeyahay magacyo baddan iyo awoodo ka baxsan shaqadiisa,taas oo uu ugu hanjabo masuuliyiinta dawlada ee xilalka ka haysa Gobolka Saaxil.
Hadaba, waxay su’aashu tahay waa maxay Awooda isu-duwaha Awqaafta Gobolka Saaxil isticmaalayo?
1. Ma awooda guddoomiyaha Gobolka Saaxil-ba?
2. Ma awooda Maareeyaha Dekedda Berbera-ba?
3. Ma gacan-yaraha Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina-Weris-ba?
4. Mise xilkiisi isu-duwenimo ee awqaafta ayaa heerka, awoodaas yeeshay? Su’aalaha jawaabtooda waxaynu uga fadhinaa Saleebaan inuu shacabka u bayaamiyo.

Saleebaan waxa uu ahaa nin Sheekha oo tujiya Masaajid ku yaala Xaafada Daaroole ee Magaalada Berbera, waxa kale oo jira aragtiyo kale oo aan ka qabo qaabka hab-dhaqankiisa ee uu bulshada ula dhaqmo,isaga oo ku yidhaahda dadka uu u arko inay muraad u leeyihiin madaxda sar sare ee Gobolka Saaxil, maxaad uga baahan tahay aniga ayaa soo dhameynayee, isaga oo sheeganaya inuu metelo masuuliyiintaas aan kor ku soo sheegnay.

suleyman

Markaa waxaan leeyahay Isuduwe Saleebaan Siyaasada khalad ayaad ka fahantaye hab-dhaqankaaga wax ka bedel, oo iska daa hoos Cararka Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina Weris marka ay timaado Gobolka Saaxil, marwadanina maaha marwadii la hoos carari jirey.
Waxaanad ahaan jirtay ayaan leeyahay Saleebaan aqoon Diineed, ee waa inay hab-dhaqankaaga ka muuqataa, oo aad ku eekaata xilka Isuduwe-nimo ee aad Gobolka Saaxil ka haysid.

Ugu danbeyntiina waxaan maqaalkaygan ku soo gebo-gabeynayaa Saleebaanoow ma gaadhid xilka gudoonka Gobolka Saaxil.

Qalinkii Axmed Maxamed Marshaal
Hargeysa/Somaliland

Dhalinyaradda Shaqo doonka iyo dhacdooyinka ay kala kulmaan xafiisyadda. Warbixin: Barkhad-ladiif M. Cumar Q:3aad

$
0
0

Berberanews-Tabashooyinka dhalinyaradda ee xaga shaqo doonta ma yara, haddii aad la sheekaysato waxaad dareemaysaa niyad jab iyo calool xumo xad dhaaf ee ay ka tirsanayaan madaxdoodda iyo shirkadaha wadaniga ah ee wadanka ka shaqeeya.

Inta badan dhalinyaradda marka ay ka sheekaynayaan dhacdooyinka ay kala kulmaan shaqo raadinta waxay dhalinyarada u leedahay laba Faa’iido, Ta kowaad waxay ku dawaynayaan ka sheekeyntaasi naftooda oo waxoogaa waxay qaadanaysa raaxo, iyagoo u arkaya inay dawo u tahay ka sheekaynta, ta labaad waxay u tahay khibrad iyo waayo aragnimo, marka uu nin waliba ka sheekeeyo dhibaatooyinka uu kala kulmay goobihii uu shaqadda u raadsaday, waxaanay mid waliba niyada ka odhanaysa ilayn cadaalad darada waa lagula qabaa, taasina waxay qofkii ka ilaalinaysa inuu quusto oo uu nolosha ka dhaco, maadaama oo wax lala wada qabo tahay oo aanay kaligii ku ahayn. barkhad

Si kastaba ha ahaatee, Xeyndaabka iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan xafiisyada ay u arkaan inay fursado shaqo yaalaan ama shaqooyin lagu sheego fursadaha shaqo ayaa waxa fursad kasta kaga horeeya dad ay wadaan Suldaan ama Siyaasi ama xildhibaan, taasina waxay keentay inay dhalinyaro badan oo aan saaxiib dhow la lahayn madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta dushooda ku murma aanu fursad shaqo heli Karin.

Sacad waxa uu ka mid yahay dhalinyarada magaaladda Hargeysa ee sida weyn uga cawdo shaqo la’aanta iyo eexda iyo qabyaaladda la isku shaqaalaysiiyo, waxa uu ujoogay dhacdooyin badan oo meelaha shaqooyinka laga xayeysiiso kala kulmay, waxa uu ii sheegay in maalin isagoo ka mid dhalinyaro xaraystay shaqooyin ka banaan dawlada inuu xafiiskii Hay’adda shaqaalaha soo galay wasiir ka mid ah wasiirada ugu awoodda badan xukuumada, taas oo dareengalisay in wasiirkaasi u socdo kolay inuu dad hoosta ka wato.

“Anigoo jooga hay’ada shaqaalaha oo lagu soo xayeysiiyey shaqooyin ayaa waxa soo galay xafiiskii wasiir lagu tiriyo inuu yahay wasiiradda awoodda badan ku leh xukuumadda , waxaan dareemay in uu wasiirku u socdo inuu dad shaqaalaysiiyo ama loo fududeeyo sidii ay shaqo ku heli lahaayeen, waxaan si kadis ah u galay xafiskii uu galayey, markiiba dadkii meesha joogay way u sara kaceen si ay soo dhoweeyaan wasiirka, nasiib daro ana imay suuragalin inaan xafiiska gudaha usii galo, anigoo doonaya inaan ogaado waxa uu u socdo, cadhadii aan ka qaaday wasiirkaa ayaa magacaygii oo ku jira liiska la soo dhajiyey ee imtixaanka galiyey aan garan waayey oo aan arki kari waayey, ka dibna waan iskaga tagay oo rag kale ayaa isoo sheeegay in magacaygu jiro, laakiin waxaan dareemay kol hadii wasiirkaasi socdo in aan niyada galin in shaqadaasi heli karo sidiina way udhacday”ayuu yidhi Sacad oo iga waramayey niyad jabka uu kala kulmo goobaha dawladda ee shaqooyinka uu ka raadiyo.

Wiil kale oo isna magaciisa igu sheegay Maxamed ayaa isna ka sheekeeyey arrin uu kala kulmay xafiiska, waxaanu yidhi “ waxaan laba bilood daba socday sidii aan ku arki lahaa nin wasiir ah, waliba waa wasiirada shaqaalaha u badan qorta inta badana dhalinyaradu ku mashquulsantahay sidii ay ula kulmi lahaayeen si ay shaqo uun uga helaan, waxaan soo kaxaystay nin macruuf ah laakiin wasiirkan aanay garasho badan isku lahayn si uu wasiirka iga dhameeyo shaqooyinka, aniga iyo ninkii muddo laba bilood ah ayaanu raadinayney oo maalin kasta lixda subaxnimo iman jirnay, wakhti badan ka dib waxaanu helnay wasiirkii, wasiirkii markii aanu arrintii u sheegnay waxa uu nagu qoray buug hor yaalla, CV-giina wuxu yidhi u dhiiba xoghayihiisa, laakiin waxa markii dambe la ii sheegay inay wasiirku isticmaalo laba buug, ka uu doonayo inuu qofka uu shaqalaysiinayo ku qoro buug iyo mid kale oo uu qofka aanu dooneyn ku qoro balse ku qancinayo isaga iska dhigaya inuu qorayo, ka dibna iskaga riixa xogheynta, waxaana dareemay markii dambe inuu igu qoray buuga qancinta qofka aan la dooneyn”ayuu yidhi Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada sheekooyinka cajiibka ah kala kulmay shaqo raadinta.

Goobaha sidan oo kale ka dhaco maaha oo kaliya goobaha dawladda waxa ku jira shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadanka, waxa dhalinyaro badan aad uga cawdaan in masuuliyiinta leh shirkadaha waaweyni ay dad aan aqoon lahayn ku qasbaan inay tobabar shaqada xafiiska siiyaan, isla markiina laga saraysiiyo ama booskiiba looga qaado.

Mid ka mid ah dhalinyarada sidaasi ku dhacay ayaa iga waramay qiiso ku dhacday, waxaanu ii sheegay in shirkad uu ka shaqaynayey Nin dhalinyaro ah loogu keenay xafiiskiisii si uu u tobabaro, ka dibna markii muddo joogay ee uu isha u furay si cad loogu yidhi shaqadii waanu ka joojinay ka dibna ninkii uu waxbarayey loogu bedelay, isaga oo aan loo sheegin sababta loo eryey iyo dambiga uu siiyey, balse masuulka sare ee shirkadu uu nin ay isku reer yihiin ugu bedelay ninkii meesha ka shaqaynayey ee aqoonta u lahaa, isagoo door biday in nin barbarad ah u shaqeeyo kana maarmay kii aqoonta lahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar

E-mail:barkhadladiif@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

La soco…

faallo Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qaaday Jidkii ayku fashilantay dawladii ka horraysay

$
0
0
Faallo: Wariye Khadar Ali Hussein [Shiine]
 
Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Qaaday Jidkii Ay Ku
Halligantay Dawladii Uu Hogaaminayey Madaxweyne Daahir Rayaale
Kaahin..
 
Inta badan waxa iska caado ah inay ku dhaqaaqdo xukumad Afrikaani ahi
hab-dhaqano xun iyo tallaabooyin baalmarsan shuruucda iyo qawaaniinta
u degsan, dabarkana u ha. Iyadoo si jar iska xoornimo ama indho isku
qabad ah u jabisa sharciga dalka u yaalla, taasoo aakhirkana
dhaxalsiisa cidhib xumo aanay ka soo kaban karin.
Waxa baryahan dambe isa soo tarayey tallaabooyinka quracan ee ay
samaynayso xukumada uu hogaamiyo Madexweyne Axmed Maxamed Maxamuud
[Siilaanyo], kuwaasoo guud ahaan shacabi weynaha reer Somaliland guddo
iyo dibeddaba ku keentay u qaadanwaa.
Ficilladdan ugubka ahi, una daran maqalka dadweynaha ay masuulka
tahay, ayaa isugu jira sharci jabin toosa, xajiimayn, cambaarayn ay
kula kacayso asxaabta mucaaradka ah iyo waliba Golaha wakiiladda oo ay
dabadda ka riixayso, isla markaana ay hurinayso kuna shubayso basiin
khilaafka cusub ee u dhexeeya Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda oo ku
jooga cod dadweyne.
Iyadoo ay badan tahay tallaabooyin sharciga baalmarsan iyo ficillada
ceebaynta ah ee ay la dabagashay Xisbiyada Mucaaradkaa ee WADDANI iyo
UCID, ayaan waxa aan soo qaadan doonaa dhowr ficil oo ay xukumaddu ku
kacday dhowaanahan, kuwaasoo la arko inay ka shalayn doonto, kuna
dambayn doonto gacan, dhafoor ku qabasho iyo qoomamayn, marka la
gaadho doorashooyinka Madextooyadda iyo Baarlamaanka oo ay shacabka
reer Somaliland caado u leeyihiin inay ugu abaal gudaan sidii ay ugu
soo listay mudadii ay xilka haysay.
Dariiqan cidhib xumadda iyo halaaga ahi maaha wax ku cusub maqalka
shacabka reer Somaliland ee xalaasha, isla markaana jecel dalkooda,
habeen iyo maalina heeganka ugu jira dhisida, horumarinta, ka midho
dhalinta qadiyada aqoonsiga iyo ilaalinta qaranimadooda lagu waayey
halyeeyo dalkan qiimo badan ku lahaa. Balse waa jid ay hore u martay
Xukumaddii ka horeysay ee uu gadh-wadeenta ka ahaa Md Daahir Rayaalle
Kaahin, taasoo dhaxalsiisay cidhib xumo iyo haraati daran oo ay
shacabku ku dhufteen markii la gaadhay maalintii doorashadii
Madextooyadda 26-kii June sannadkii 2010-kii, wakhtigaasoo shacabku
afka ciida u dareen, kana aargoosteen xukumadii Rayaalle.
Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay halkee ayey dadweynaha
reer Somaliland ka qaniineen Xukumaddii Rayaalle, hadii aan ka jawaabo
waxa kow laba ka ahaa. Markii ay xukumadaasi ay xidhay, isla markaana
qufulweyn saartay Golihii Wakiilladda ee ay ummaddu soo dooratay
hadhka cad, iyadoo si toos ah u jabisay shuruucda iyo distuurka JSL oo
ay ku cad yihiin mihiimadda uu golahani dalka u leeyahay, iyadoo oo la
ogaa inay dadweynaha reer Hargeysa u hiilyeen wakhtigaas
shir-guddoonkii iyo xildhibaanadii dibed wareega ahaa, kuna dhinteen
muwaadiniin.
Sidoo kale, waxaanay shacabku dhegahoodu maqli karin asxaabta
mucaaradka ah ayaa dalka burburinaysa, taasina waxay caado u ahayd
Xukumadii Rayaalle oo iyadu markasta u jeedin jirtay dhaleecayn,
cabaarayn iyo wanjalaad sal iyo raad toona lahayn asxaabtii mucaaradka
ahayd ee UCID iyo KULMIYE, ficilladii xumaa ee ay xukumaddaasi ku
wanjali jirtay asxaabta ayaa waxa ka mid ahaa waa argagixiso Xisbiyada
mucaaradku, dalka ayey burburinayaan oo qandaraas ayey soo qaateen iyo
qaranimadda Somaliland daacad kama ah.
Iyadoo ay sidaas tahay, ayaa xukumada hada talada hayse ee KULMIYE
martay jidkii noocaas ahaa ee galaaftay xukumadii ka horeysay, waxay
bilowday inay shiidaal ku shubt khilaafka u dhexeeya shir-guddoonka
golaha wakiillada ee salka ku haya isku shaandhayntii uu Guddoomiye
Cirro ku sameeyey golaha uu guddoomiyaha ka yahay oo uu xaq u leeyahay
inuu kala badelo. Waxaana laga dareemayey maalmihii u dambeeyey
xarunta golaha iyo Madextooyadda dhaqdhaqaayo ku wajahan sidii looga
horjeedansan lahaa isku shaandhayntaas, waxaanay u adeegsantay
xukumadu xildhibaanadeeda KULMIYEYSAN ee ku hungoobay inay xilal ka
qabtaan guddi hoosaayada cusub, kuwaasoo u badan qaar sideedii sanno
ahaa guddoomiyeyaal. Waana ficil cid gaar ah loogu raadinayo xil.
Sidoo kale waxay xukumadani kula mataanowday tii ka horeysay ficillada
xun ee ay ka mid yihiin arinta qandaraas burburin ah ayey soo qaateen
mucaaradku, sida ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Guddaha Cali Maxamed
Warancadde oo uu wanjal ma dhalaysa lana soo arkay cidhib xumaantiisa,
kaasoo yidhi dooda qaran ee ay waddaan labada xisbi mucaarad ee UCID
iyo WADDANI waa qandaraas ay ka soo qaateen dawlada Somaaliya, taasoo
xisbiyaduna si cad u sheegeen in aanay waxba ka jirin arintaas.
Haddaba waxay eegnaa bal waxay faa’ido xukumadani jidkii galaafay
xukumadii ka horeysay, taasoo shacabkii iyo fartoodiina diyaar tahay.
Khadar Ali Hussein [Shiine]
E-mail: khadarshiine012@gmail.com.
Hargeisa/Somaliland.

Degmada Gabiley waa in KABAHA laga xereeyo hadday doonayaan in Madaxweyne Siilaanyo yimaado‏

$
0
0

Salaan iga gudooma saxaafada iyo shacabka somaliland .Taariikhdu waa diiwaan qormaya waqtiga ayaana u markhaatiya.Somaliland oo dhami waxay daawatay  sidii karaamada ka aradnayd ee milgaha bani aadan nimada ka baxsanayd  ee shacabka degmada Gabiley Madaxweynaha la doortay Axmed Siilaanyo ugu soo dhaweeyeen KABAHA XAARAANTA ah taasoo aan hore uga dhicin degmo Somali degto noqotayna taariikh madaw oo Degmada Gabiley ku suntan kuna kasbatay in shacabka somaliland ugu yeedhaan degmada KABO KU SALAAN.

Madaxweyne Siilaanyo oo ah siyaasi ruug caddaya waayo aragnimo badanna u leh sida loo furdaamiyo cidii ka
hor timaada siyaasadiisa  ayaa dhirbaaxooyin is daba jooga ku dhuftay bulshada degmada Gabiley iyo siyaasiyiintooda,god madawna biyo ugu shubay.Aan soo qaadanno hawl galada uu ilaa hadda ku  fuliyey :

1-General Nuux Taani oo lagu shaanbadeeyey dhagartii iyo dhiigii Seemaal,xilkiina uu ka xayuubiyey
2-General Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo xil ka xayuubin lagu sameeyey, isagoon salkaba dhigin
3-Boobe Yuusud Ducaale oo si bilaa karaama uu xilka uga xayuubiyey kuwii uu Boobe shaqada ka eryeyna la dalacsiiyey
4-Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacade),oo loo xidhay  dhagartii Seemaal markii uu soo daayeyna
xil kale u dhiibay balse daruurtii dhagartii Seemaal weli dul hoganayso

Taa waxaa daba socday in dhawaan markii Siilaanyo ka soo qayb galayey munaasabadii ardayda ka qalin jabisay
jaamacada Camuud ee magaalda Boorama   uu soo noqodkii  shacabkii degmada Gabiley ee u taagnaa soo dhaweytiisa ee tubnaa dariiqa hareerihiisa uu muraayadihii ka dalacday xawaarana baabuurtii siday ku dhaafeen.

Balse tan maanta dhacday ayuu ugu quus gooyey degmada Gabiley (KABO KU SALAAN) ka dib markuu Siilaanyo mar maaha,oo laba maaha , oo saddex maaha  ee  markii afraad uu ka cudur daartay inuu kala qayb galo munaasabada ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Timacade oo  ciil iyo cadho ka qaadeen.Ninkaan tashan in loo taliyo  oo sidii xoolaha hogaanka lagu hayo waa lama huraan waayo Lax waliba halkay is dhigto ayaa lagu qalaa.

Madaxweyne Siilaanyo haddii uu Gabiley yimaadana wax ay Degmada KABO KU SALAAN (GABILEY)
u soo kordhinaysaa ma jirto balse aan ahayn maah maahdii ahayd ” ciyi waa ka baryey , ninkii cunay baa ka liita .”
Gabo gabo, Degmada Gabiley waa in KABAHA laga xereeyo hadday doonayaan in Madaxweyne Siilaanyo yimaado.

Amiin Adan Axmed

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live