Berbera (berberanews):- Dhiinka kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Gollis Berbera Mr Cabdirisaaq Cabdilaahi Adan ayaa hambalyo u direy shacabka Somaliland munaasibadda 22-guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may oo ku beegan berry oo sabti ah.
Qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa magaalada Berbera ayuu hambalyo ballaadhan ugu direy shacabka reer Somaliland gudo iyo debedba. Waxa uu sheegey 18-May inay tahay maalin ay reer Somaliland saxeen khalad ay galeen lixdankii. Sidoo kale waxa uu sheegey in dalku marayo meel taariikhi ah oo u baahan in loo sii samro si buu yidhi aynu uga mid noqonno wadamada la aqoonsanyahay.
Ugu danabyntii wuxuu shacabka ka codsaday in loo duceeyo intii ka soo shaqaysay horumarka Somaliland.
Qoraalka dhiinka kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Gollis Berbera Mr Cabdirisaaq Cabdilaahi Adan oo nuqul kamidi soo gaadhay shebekedda Berbernews ayaa u dhignaa sidan:
“Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo debed-ba munaasabadda 22-guuradii maalinta xorriyadda Somaliland ee 18-may. Aynu u xusno taariikhdeena muhiimka si muwaadinimo ku jirto. 18 May 1991 waa maalintii aynu saxnay khalad aynu hore u gallay 1960-kii. Waa maalin uu ku faano qofkasta oo reer Somaliland ahi.
Ilaa 1991-kii waxaynu qabsannay wax badan oo ina anfacay. Waxaynuna maraynaa meel taariikhi ah, waxaynu u baahanay in aynu dedaalkeena xoojinno, taasoo aynu ku kasban doono inaynu noqonno wadan kamida dunida la aqoonsanyahay. Aynu u ducayno dadkii kusoo tabcay waxa aynu haysanno maanta, aynuna u dedaal gallo dhamaystirka inta inoo hadhay Inshallah”