Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN: TACSI MADAXWEYNE

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa labada Golle ee wakiilada iyo Guurtida Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan Golaha wakiilada Somaliland oo uu ka ka tacsiyadaynaayo geeria ku timid ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta, Marxuumka oo beryahanba u jiifay xanuun.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid au dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid xildhibaanka.

 

Madaxweynuhu waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xafiiska  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles