Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Somaliland: Dal Baddiisa Ka Bad-baadiyay Budhcad Baddeeda Iyo Kalluumaysiga Sharci Darrada Ah:Warbixin By: Khadar C. Muuse

$
0
0

Berberanews-Somaliland ayaa sanadahan u danbeeyay waxa ay si wayn xooga u saartay dhisitaanka ciidamada ilaalada xeebaha, kuwaasi oo ay tayadooda iyo qalabka ay ku hawl gelayaanba sida gaadiidka hubka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin si aad u kor ugu qaaday.

Inkasta oo aanay Somaliland wax taageero ah ka helin beesha caalamka, ayaa hadana waxa ay ku dadaashay in ay samaysato ciidamo baddaheeda ka ilaaliya cid kasta oo ku soo xad-gudubta sifo sharci darro ahna ku soo gasha biyaheeda, waxaanay ciidamadeeda ilaalada xeebuhu inta awoodooda ah kala dagaalameen budhcad badeeda ka qawlaysata xeebaha Soomaaliya, gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya, waxaanay ka dhigeen badda Somaliland mid ka caagan falalka amaan darrada ah.

.                                 

Somaliland oo dhererka xeebteeda lagu qiyaaso 850km2 ayaa ciidamadeeda ilaalda xeebuhu waxay ka dhigeen mid nabdoon oo aanay ka jirin wax budhcad badeed ahi iyo sidoo kale inay kala dagaalameen una diideen maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee ku soo xadgudba biyaheeda, kuwaasi oo ay talaabo ka qaadaan, iyada oo marar badan ay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland soo qabteen gacantana ku dhigeen budhcad badeed isku deyay inay falal afduub ah u gaystaan maraakiibta dekedaha Somaliland imanaya ee ganacsiga ka keena dalalka adduunka.

Kuwaasi oo lagu xukumay xadhig kala duwan jeelasha Somaliland-na lagu xidhay.Sidoo kale waxay dhawr jeer ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland qabteen maraakiib iyo doonyo kalluumaysi oo ku soo xad-gudbay biyaha Somalilandiyada oo nimankii doonayahaasi iyo maraakiibtaasi watay.

Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa fadhiisino iyo aagag ay ka hawlgalaan waxay ku leeyihiin deegaamada xeebta ah ee gobolada dhaca xeebta, kuwaasi oo heegan ugu jira difaacida baddahooda isla markaana aan ogolayn in lagu soo xad-gubo taako ka mid ah biyaha Somaliland.

Dhinaca kale Somaliland ayaa dhibaatooyin kala duwan oo amaan darro oo badda iyo berrigaba ah waxay kala soo gudboonaada dalka aynu jaarka la nahay ee Soomaaliya, iyada oo ay Somaliland iyo Soomaaliya gaar ahaana maamul goboleedka Puntland oo aynu wadaagno xuduud dheer oo bad iyo berriba ah isla markaana muddo nusqarni ah aanay wax dawlad ah ama maamul iyo kala danbayn ahi ka jirin, waxaany dalka Soomaaliya safka hore kaga jira wadamada bur-buray ama guuldaraystay, ee aanay wax nabad-geliyo ahi ka jirin baddiisa iyo berrigiisa isla markaana hoyga u noqday budhcad badeeda iyo argagixisada.

Waxaanay budhcaddeeda ka qawlaysata biyaha Soomaaliya iyo Puntland dhibaato wayn oo aduunka oo dhan saamaysay ku noqotay wadamada adduunka oo dhan, maxaa yeelay waxay budhcad badeeda Soomaalidu falal af-duub ah iyo weeraro u gaysteen tobankii sano ee u danbeeyay maraakiib tiro badan iyo boqolaal dad shaqaale ah oo saarnaaba af-duubteen maraakiibta maraysa marin biyoodka gacanka Cadmeed oo ah mid halbawle ah isla markaana dariiq ay maraan u ah maraakiibta aduunka isaga kala gooshta.

iyada oo ay wakhtiyada qaarkood dhacday in ay budhcad-badeeda ka qadhaabata biyaha Soomaaliya weeraro iyo falal qafaalasho ah ka fuliyeen meelo kumanaan mayl ka baxsan biyaha Soomaaliya. arrintaasi ayaana noqotay mid wer-werka iyo walaac joogto ah ku keentay wadamada aduunka ee ay maraakiibtoodu is-ticmaalaan marin biyoodkaasi. Waxaanay budhcad-badeeda Soomaalidu lacag aad u badan oo malaayiin Dollar ah madax furasho uga qaateen maraakiibta ay soo af-duubtaan.

Si wax looga qabto dhibaatada ay budhcad badeeda Soomaalidu ku hayaan adduunka, waxa ay wadamo ka tirsan qaarada Yurub isku gaashaan buuraysteen sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa, iyaga oo badda Soomaaliya u soo diray maraakiibta dagaalka oo ay saaran yihiin ciidamo badan, kuwaasi oo ilaaliya amaanka badda Soomaaliya isla markaana soo gelbiya maraakiibta gargaarka cuntada u sida Soomaaliya iyo sidoo kale maraakiibta ganacsiga ee u socda Soomaaliya iyo kuwa wadamada kale ee aduunka u socda ee maraya biyaha caalamiga ah.

Waxaanay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha baddaha ay sheegeen in dahwrkii sanadood ee u danbeeyay uu hoos u dhacay af-duubka iyo weeradada ay budhcad-badeedu ka gaysan jireen xeebaha Soomaaliya iyo biyaha la jaarka ah isla markaana lagu wiiqay awoodii iyo weeraradii kala duwanaa ee ay budhcad-badeedu ay gaysan jireen, iyada oo ciidamada la dagaalanka budhcad-badeeda ee jooga baddaha Soomaaliya ay waxyaabihii ay budhcad-badeedu ku hawl geli jireen laga bur-buriyay.

Difaaca ay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ka wadaan baddaha Somaliland iyo dagaalka ay kula jiraan budhcad-badeeda iyo kalluumaysiga sharci darrada ah ayaa ka dhigay biyaha Somaliland kuwa amaan ah, iyada oo hawlgalkii u danbeeyay ee arrimahaasi la xidhiidhana uu dhacay Salaasadii todobaadkan, ka dib markii sida la sheegay todoba doonyood oo laga leeyahay dalka Iiraan ay soo galeen xeebta bari ee gobolka Sanaag, gaar ahaana meesha la yidhaahdo Dur-duri oo u dhaxaysa Maydh iyo Laasqoray, waxaana la sheegay in ay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland guutada saddexaad ee fadhigoodu yahay xeebta gobolka Sanaag ay dhirbaaxo wayn ku dhufteen doonayahaasi sifada sharci darrada ah ku soo galay biyaha Somaliland.

Waxaana la sheegay in ay ciidamada ilaalada xeebuhu weerarka ay ku qaadeen doonayahaasi iiraaniyiinta ah ay kaga soo furteen agab kala duwan sida hub, shebaagta kalluumaysiga hubna ay ka soo furteen. Waxaanay taasi muujinaysaa in ay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland awood u leeyihiin difaaca badaha Somaliland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles