Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

FARIIN KU SOCOTA NINKA DHAQAALAHA BERBERA HUNGUREEYEY:

$
0
0

Ninkan soo halaanhalay ee hantida Berbera hunguri ka hayoow, hal  yar oo tusaalo ah an kuu yara horeysiiyo: Hantida magaalada Berbera waxa kaa xiga holac iyo dab naareed, halaag iyo wad baa ka sokeeya, seben horeyna nin reer Saaxil ahaa oo la odhan jirey Allah ha u naxariiste Cali Jaamac Habeel ayaa gabay ka tiriyey, oo wuxu yidhi:


xalay meel an jiifsaday halkay Maayaddu i geysey
Alla muusannaw iyo tirtire maad maxaan ku arkay
Wax magaaladdii laga warramay waydinnaan maqalle

Maantaan dhashee Maydaloow lay mashxaradaayey
Haweenkuna waxay moodayeen maahir soo kacaye
Magacay be’ marinkii wax furay dar anan moodayne

Marsadaa Berbera maalintuu Malagu soo jeexay
Midigtii Subeer buu ku dhacay malabki doocaane
Mataan adan lahayn lama qotoo rag isku maandhaafye

Kolka maaxdu kuu baylahdaa maalin la cabbaaye
Ogoobey maddada kii jabshaa midigta kaa yaalle
Waxaad mooya qooqaaratiyo malabe waa beene

Waxad mooddey mawdbaa sokada kaaga soo maraye
Gaalada Miskoo?

iyo haddii Minilig lay keeno
Ingiriis madaafiic hadduu nagu milaaleeyo

Awal aan la marin Saaxil oon meesha laga waayin
Nin madoobi xeebtii hadduu maro ka soo qaato
Abtirsiimaday muran gashiyo manidi Haabiile.

 
 
Waxan filayaa in ninka hadalku ka soo yeedhay in uu aad suugaantan si fiican u dhuuxi doono oo waxbadani kaga duxudoonaan. Shalay huwnatii Afweyne waxa lagaga faramaroojiyey qori caaradii, xukuumad kasta oo koonfurta Soomaaliya loo dhoob dhoobana mar walba ha ogaato in ummadda Somaliland heegan u tahay difaaca dalkooda diyaarna u yihiin in ay naf iyo maalba u huraan hadday joogsanweydo khuraafaadka uu Xasan Sheikh Maxamuud isku maaweelinayo, waxana la gudboon in isaga iyo xukuumaddiisu ku ekaadaan hawlaha dalkooda ka baylahsan si ay uga maarmaan dewersiga iyo qaraamaadka beesha caalamku ku taakulaynaysay oo haddfa isasoo gabaysa.
 
 
Mar haddii aadamuhu ka xuub siibto xeyndaabka xishoodka iyo karaamada una meel deyiwaayo hadalada afkiisa ka soo baxaya, waxa uu bartilmaameedey u noqdaa gooli-baadh aan loo waxba loo reebin oo waa “NINKII DURBAAN QAATAY CILAAQ DALBAY; ama man daqa albaaab laqiya al jawaab-Ninikii irridda garaacay jawaabtii hel.” Inankan hadalku ka maroorsamay miyaanay suugaanta Soomaaliyeed ee hodanka haba yaraatee waxba kaga duxin sida: 

NIN SAKAARO HEETAYNAYOON HAABAN KARIWAAYEY
OO IYABA HUNGURI WAA SHIDEE HED UGA YAABAYNIN

Waxa sidaas ka dhigan marka labadii dhuumood ee midna hawada aynu ku noolnahay mararsey mid cuntada iyo biyo marayeen, loo dhalan dooriyo in la marsiiyo dhuuni. Habar dugaag dhurwaaga la yidhaa  sidiisaba maadhaafo laf qallashay oo degel laga hayaamay taal; waa ta maammaahdu tidhaa “HAW DHURAN DHURWAAGII LAFTUU DHUUXAY EERSADAY.”

Haddaynu dib u milicsanno sooyaalka laba iyo labaatan jirsaday ee ka soo wareegay markuu haligmay qobtolkii la odhan jirey Soomaaliya, siyaasiyiintii koonfureed haddaqa ay la kala baydhi la’yihiin waa sheegasho ay hore ugu hungoobeen. Nin maxbuus ku ah gurigiisii oo bidood oo wishaysi waardiye u yihiin ayaa nin dalkiisii dhistay iyo ummad isku tashatay ayaa doonaya hadba hadal milgaha iyo sharafta aadamaha gef ku ah. Diingteena suubanina waxay inna faraysaa in inta garaadka iyo garashada ka dhiban loo gargaaro; qofkaq noocaas ihi muctamaca dhexdiis wixii dhibaato ah ee uu geysto, waxa daanyo qaad ka ah reer adoogiis iyo inta xigta; oo waata la yidhaa ninka waalan tolkii ayaa u miyir qaba; iyana waa mid meesha ku jirte taa ciddii ay khuseysaa fiiro gaar ah u yeelato.  
 
Muddo dhowr bilood laga joogo ayaa waxaynu warbaahinta ku arkayney nin la yidhaa Xasan Sheekh Maxamuud oo Danjire Augustine Mahiga maqaarsaar ahaan ugu cumaamaday Madaxweyne Soomaaliyeed. Sida caqiiqada ah Madaxweynaha rasmiga ah ee Koonfurta Soomaaliya waa Mahiga maalin dhoweyd waabu korodhsadoo Somalilandna ku darsadey waa kii dhambaal u soo direy kuweynu dooranay dalkana ku aaminay.

Ninkan koodhka iyo kabaha ka weyn loo geliyey ma ogsoonyahay in harqadda la huwiyey ay dayn tahay? Haddaynu toos u bayaamino waxan loo cumaamaday sharciyadeedu waxay tahay:

  1. Xasan Sheikh Maxamuud wuxu Xambaartay magac u yaal dal dhaxlay wixii lagu magacaabi jirey Soomaaliya;
  2. Dowadda gacan ku rimiska hoggaankeedu ha ogsoonaado in sharciyadeedu tahay mid aan tiirar adag ku taagnayn, qaabka lagu soo dhisayna yahay mid laga soo dheegtay geedi socodkii Somaliland. Marka ay koonfuri yeelato xukuumad ku timid rabitaan ummadeed oo ku salaysan doorasho iyo codbixin, seddexdii maqnaana gacanteeda soo gasho, ka dib ayey la gudboontahay in uu Somaliland soo hadal qaado;
  3. Sida xeerarka caalamku qirayaan masuuliyadda waxay ku koobantahay oo keli ah koonfurta Soomaaliya oo; madaxnimada Xasan dalka Somaliland iyo xuduudihiisa ma soo faro gelin karto;
  4. Hortaa jireba Xasanoow wuu ku hungoobay adna sidii kuwii kaa horeeyey ayaa ku hurrane hawraarta liq oo hadalada kaa soo yeedhaya aad uga fiirso. Damul-Jadiid ama damul-faasid kaad doontaba la shirkaale waxaanad helayn ha isku hawlin; 
  5. Dusha marka uu Xasan magacaasi u ritay waxa uu daanyaqaad ka noqonayaa dayn iyo hanti dalkaasi wixii uu lahaa iyo lagu lahaa;
  6. Xasan Sheikh Maxamuud iyo cida uga dambeysa kursiga dalkiisaba waxa sugaysa magdhowgii dhibtii loo geystay ummadda reer Somaliland ee naf iyo maalba lahayd oo hadda qiimaheeda lagu qiyaasi karo in ay kor u dhaaftay US$50.00 Billion. Daynta intaa le’eg ayaa Soomaali koonfureed sugaysa, goorta ay bixinayaan iyo qaabka ay u bixinayaana iyaga ayey u taala;
  7. Xasan Sheikh waxa loo sheegayaa in midnimo iyo Soomaalinimo labaduba hore ugu dhinteen laguna duugay qubuuraha Wardhiigley ee samir iyo iimaan.

 Gebogebadii:
Hunguri miidaamo ihi wuxu halis u yahay wed lama filaan ah; hase yeeshe mar hadday xurmiyo sharaf beesho waa sidaa waraabihi la yidhi: Waraabo bood oo xag walba u bood oo hadana xaga siniinta u bood.


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles