Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Taageerid Bannaanbaxa Jaaliyadaha Somaliland ee Brussels , Belgium, 11th April, 2013

$
0
0

Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSl wuxu hambalyaynayaa ururka jaaliyadaha Somaliland ee SSE iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee u ballansan bannaanbaxa ballaadhan ee 11th April, 2013, Brussels, Belgium oo laga samayn doono xarunta baarlamaanka Europe horteeda kaasoo qayb ka ah mawqifka Somaliland ay ka taagantahay shirka Somalia loogu qaban doono London 7th May, 2013.

 War saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ee uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ayaa u dhignaa sidan:-

“Sida aan ognahay  qurbajoogga Somaliland waxay kaga jiraan  kaalin weyn  dhaqaalaha wadanka,  maalgashiga ganacsiga iyo waxsoosaarka  dalka, waxana illaa sannadan u dambeeyay  ee is bedelka siyaasadeed dalka ka dhacay aad usoo kordhaya dadka qurbajoogga ah wadamada caalamka ka soo nogonaya iyagoo si rasmi ah usoo guryo noqonaya dalkooda si ay  u deegaan, una maalgashadaan sida aannu xogta xafiiska ku hayno”.

“Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL wuxu ka turjumayaa siyaasadda xukuumaddu ka leedahay dhiririgelinta iyo kobcinta doorka qurbajoogga iyo xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland guud ahaan.  Waxa noo qorshaysan, ahna himilooyinka aannu ku taamayno in la gaadho in dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso inaan ka wada shaqayno sidii loo xaqiijin lahaa in qurbajoogga Somaliland si waafi ah u maalgashadaan khayraadka iyo fursadaha  badan ee dihin ee dalka taasoo u baahan inaan xukuumad ahaan ka yeelanno wadatashiyo ballaadhan siyaasadda qaran ee qurbajoogga Somaliland iyo in la diyaariyo dhammaan wixii shuruuc iyo siyaasado ah ee ku saabsan waaxdan taasoo ay ku jirto in caasimadda iyo dhammaan  magaalooyinka xarumaha gobollada looga qorsheeyo dhul ku habboon ganacsiga iyo warshadaha (|Trade zones and industry zones) oo ay qurbajooggu maalgashadaan”.

“Waxannu sidoo kale u aragnay hab waxtar leh oo qurbajooggu dakhli joogta ah oo lagu xisaabtamo ugu yeelan karaan miisaaniyadda dalka in la sameeyo sanduuqa qurbajoogga ee horumarinta dalka. Annagoo la tashannay Wasaaradda Qorshaynta JSL, qurbajoogga iyo Shirkadaha Xawaalada lacagaha aannu  soo jeedinay (Drafting)  Xeerka Maamulka Sanduuqa Qurbajoogga ee Horumarinta Somaliland kaasoo uu Garyaqaanka Guud gacanta ku hayo isla markaana aan u aragno in ansixintiisa waxtar badan iyo dhaqaale ugu jiro dalka”.

“Mudane Madaxweyne, waxan soo jeedinayaa inaan xukuumad  ahaan ahmiyad badan siinno hirgelint qorshayaasha iyo himilooyinka Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha ee kobcinta doorka qurbajoogga ee dalka JSL”


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles