Dhawaan kulan ka dhacay madaxtooyada Muuse Biixi ayaa siilaanyo u soo qadimay in aan xisbiga lagu fara gelin loona daba fadhiisto isaga siilaanyana u sheegay in arrimaha xisbiga faraha kala baxo maadaama uu Xisbiga kulmiye wareejiyey,Muuse wuxuu siilaanyo u sheegay in gudoomiye ahaan isagu soo magacaabayo gudiga qabanqaabada shirweynaha kulmiye wuxuuna sheegay in shirku dhici doono badhtamaha sanadkan 2013 qabanqaabadiisiina uu sii bilaabi doono,
Muse wuxuu siilaanyo u sheegay oo kale in uu joojiyo Wasiirka Maaliyada Samaale in uu kula tartamo Gogaanka xisbiga isagoo ku eedeeyey siilaanyo in isaga ka danbeeyo oo daaha dabadiisa ka hagayo samaale,muse biixi waxaa kale oo uu sheegay in Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Jaamac shabeel uu dab kula dhex wareegayo Xisbiga gudihiisa uuna rabo in uu xilka ka qaado.
Jawaabtii Siilaanyo:-.
Muusow waa marka koowaade sanadkan lama qaban karayo shirweynihii kulmiye waayo duufaano siyaasadeed ayaa jira wadanka gudihiisa iyi debadiisaba una baahan in la xalilo oo la wejaho maadaama arimahaasi taagan yihiin waxaan ku talo galay anigu in shirweynaha dib loo dhigo mudo sanad ah lana qabto 2014.
2.Muusow magacaabista gudiga qabanqaabada keligaa xaq uma lihid waxaa wada magacaabaya Golaha Dawlada iyo Hogaanka xisbiga,Arrinta Jaamac shabeel waxaa lagu doortay shirweyne waxaana lagu ridi karaa marka shirweyne la isugu yimaado awoodna uma lihid ka hadalka booska ama jagada uu xisbiga u hayo Jaamac Shabeel.
3. Muusow Wasiirka Maaliyada Samaale xaq ayuu u leeyahay in uu u tartamo hogaanka xisbiga cid hankiisa siyaasadeed is hortaagi kartaana ma jirto qof kasta oo xisbiga kulmiye ka tirsanina wuu tartami karaa hogaanka xisbiga hadii hankiisu siiyo.
Gebogebo:-
Kulankii labada odey dhex maray wuxuu ku soo gebageboobey isafgaranwaa,xanaaq,iyo kala shaki, Musena wuxuu ka soo baxay madaxtooyada isagoo xaraaradiisu boqolka marayso,waxaanay u egtahay inuu toos u bilaabmay dagaal kulmiye dhexdiisa ah oo ah ninkii roonow reerka u hadh.
Muuse Biixi oo mar walba iyo meel walba garab taagnaan jiray Siilaanyo oo xataa marka meel la iskugu yimaado kursiga m.weynexigeenka ku fadhiisan jiray ayaan gabi ahaanba an immika ag fadhiisan
Cali Xareed