Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Ciro, Xirsi iyo Trojan Horse WQ Ahmed Doob-baje

$
0
0
Marka hore iga gudoon salaan qiimo badan iyo qadarinta mudan.
Mark labaad, fadlan inoo dabac maqaalkan iyo maansada xambaasan:
Ciro waanu garanine
Xirsi waa cidaadii
Ceebaha Kulmiye galay
Culilayd dhamaantood!

Cayaartay Giriigii
Colkii Troy ku jabiyeen
Faraskii Caloolwayn
Caynkeeda weeyaan!

Cawaraad khiyaaniyo,
Waa cadaalad qarin iyo
Camal uu rag kale falay
Cid loo raacay yay jirin!

Ciiriyo in qiiqiyo
Caro-xuubka weeyaan
Caamada Dadweyaha
Caqligooda lagu xadi!

Caawana siday tahay
Cakaaraa warkeed iman
Caadilkii Illaahay
Yaa cadayn waxii jira!

“Trojan Horse”, waxuu ahaa,  sida lagaga sheekeeyay sugaanta Giriiga, faras loox ah oo calool wayn, kasoo ay Cidamada Griigu u adeegsadeen xeelad dagaal oo ay ku jabiyeen Ciidanka Magaalada Troy, qarnigii 13aad, ka hor dhalashadii Nabi Ciise, calayhi salaam.
Waxay suugaantaasu sheegaysaa in Ciidamada Giriigu ku xeernaayeen Magaaladii Troy 10 sano, oo ay gali kari waayeen, dabadeedna ay Faraswayn oo loox ah samayeen oo ay dhex-dhuunteen 30 dagaal yahan, ka dibna ay colwaynahii Giriigu doonyahooda fuulaan oo iska dhigeen inay quusteen oo ka caraabeen Cariga Troy. Hayeeshee ay habeenimadii dib u soo noqdeen.
Reer Troy waxay la noqotay, sida xeeladu ahayd, inay Griigii guureen oo dalkoodii ku noqdeen, faraska Caloosha wayna ay ka caraareen, waxaanay Reer Troy bilaabeen farxad iyo dabaaldeg guusha ay heleen. Fiidkii ayay faraskii looxa ahaa soo jiiteen, soo dhaafiyeen gidaarkii magaalada ku xeerna, oo badhtamii magaalada kaga seexdeen, si barida loo daawado.
Habeen badhkii ayay ciidamadii Giriigu dib u soo noqdeen oo soo galeen magaaladii Troy markay 30kii nin ee faraska ku jiray iridihii magaalada ka fureen. Sidaas ayay Griig Troy ku qabsatay.

Intii maalintaas ka dambaysay “Xeeladda Trojan Horse” waxay soo ahayd xeelad dagaal oo cid walba adeegsato markay fursada hesho. Waxaa kaloo loo istimaalaa dagaalka siyaasadda, dhaqaalaha, basaasida iyo xataa computerka (Trojan Horse Virus)

Kulmiye si wanaagsan ayuu xeelada Faraska Trojan u adeegsaday markuu Xirsi WADANI ka soo dhextuuray ee uu waliba fadhiisiyay kursigiisii Ra’iisal-wasaarenimo ee uu ka hayay Xukuumada Kulmiye.
Ahmed Doob-baje

Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles