Waxa aan aad iyo aad ugu xumahay dagaalka sokeeye ee ka socda Gaalkacayo.
Waxaad mooddaa in Soomaalidu geesiyaal iyo Ma-baqde isku mooddo dilka iyo dhiigga Walaalkood, Inaabtigood, Habar-wadaaggood, Inaadeerkood, Seeddigood, Soddoggood, Wiil iyo Waalidkii iyo inta kale ee ku xeeran.
Iyaga oo sidaa isugu wada maran oo wada Walaalo ah, meelna aan kala tegi karin ayey haddana garan waayeen in ay khaladdada dhex-yaal wanaag iyo is afgarasho ku dhammaystaan, hadday ku dhammaysan kari waayaanna la dhex-galo oo la dhex-dhexaadiyo oo ciddii is-haysaba gacanta la isu saaro, wax kasta oo la isku hayana nabad lagu dhammaysto oo la is-hor-fadhiisto.
Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay Adduunka ka joogto, waxaa saaran Masuuliyad ah in ay nabadda iyo xasilloonida degaannadooda ka shaqeeyaan. Waxa muhiim ah in aan lays odhan kani waa reer Hebel, Gobol Hebel, Dwalad Hebel ee dhammaan laga wada shaqeeyo xasilloonida Deegaanka iyo Nabad ku wada-noolaanshaha Bulshada Walaalaha ah.
Sidaa daraaddeed, waxaan soo jeedinayaa inaan sidaa lagaga gaabsan ee loo gurmado oo la kala gaadho Dadka Walaalaha ah ee dagaallada Kumannaanka kun ee Shacabka Maatida ah Gaalkacyo ka barokiciyey ku dhex-marayo magaaladaas muddada ee maalin walba dhacaya, maalin walbana lagu dhimanayo ee lagu dhaawacmayo. Kuwa dagaallamayana waxaan leeyahay Xabbaddu Xal maaha ee xaaladda halla dejiyo.
Illaahay wanaaga dhammaanteen ha ina garansiiyo. Aammiin…….Aammiin… Aammiin.”
Sahra Caydiid
Dalka Jarmalka.