Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

WAXAAN U SHARAXANAHAY MURASHAXA JAGADA GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE XISBIGA KULMIYE

$
0
0

Qalinkii:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood:Mobile:4109843 Hargeisa Somaliland Rep.

 
Ururkasta oo la furo waxaa laf dhabarka koowaad u ah dhalinyarada oo ah 70%,inka soo hadhayna waa dadwaawayn oo Da’dooda lagu qiyaaso 60-120 jir haddaba waxaa iswaydiin leh oo meesha ka maqan mishiinaddii wareejin lahaa ururkasta ama Xisbi ha u soo baxo ama yaanu isoo bixinee waxaa inta badan lagu xisaabtamaa in 95% lagu guuro oo aanay ka muuqan masraxa Siyaasadda ee ururada ama xisbiyadda oo inta badan isku sawira qolyaha TUNKA WAYN ha noqdaan maal-qabeeno,saraakiil, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin balse laga qadiyo mansabyadda mihiimka ah ee kala ah gudoomiye ku xigeenka koowaad,labaad.
 
Sadexaad iyo xubnaha kale ee mihiimka ah haddii ay noqon lahayd gudoomiyaha golaha dhexe,golaha fulinta ama gudoomiyaha
 
 SHirwaynaha balse arrinka dhalinyaradu noqday in haddii wax loo ogolaado laga soo qayb geliyo xafladda ama qaban -qaabada 
 
Shirka lagu daro,haddii aan dib ugu soo noqdo damacayga gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye anigu shaqsi ahaan 
 
Waxaan ahay nin gudan karaya OO EHLU CIBAADO AH OO AAN LAHAYN WAX BALWAD AH OO ay ka mid yihiin waxyaalaha muqaadaraadka 
 
Ah ee ALLAAH(SWT) xaraatimeeyey sida QAMRIGA,QAADKA,SIGAARKA,XASHIISHADDA,SINADA IYO QABYAALADDA,waxaan xilkaas uga 
 
Soo baxayaa si daacadda aniga oo tixgelinaya rabitaanka Rabitaanka Gooni-isu taaga shacabwaynaha reer soomaaliland,aniga oo tixgelinaya
 
Rabitaanka Taageerayaasha xisbiga kulmiye,aniga oo damiirkaygu isiinayn inaan noqdo shaqsi bilaa damiira oo ka xoogaysta ama si dadban 
 
U leexsada lacagaha Jaaliyaduhu soo diraan,aniga oo fulinaya rabitaanka Jaaliyadaha oo aan ku dadaali doono in lacagahaas waxyaalaha 
 
loogu 
 
Talo galo lagu qabto,aniga oo aan soo kala dhowaysanayn shacabwaynaha reer  soomaaliland oo ay ii yihiin muwaadiniin ii siman, 
 
qofkastana Mustawihiisa aan ku tixgeliyo,aniga oo jecel inaan gobolkasta aan la yeesho xog-waraysi si loo helo lameenta gobolkasta
 
 Oo loo magacaabo Jagooyinka mihiimka ah ee ay u qalmaan,aniga oo jecel inaan xisbiga kulmiye ka ilaalin doono waxyaalaha ducufnimada,
 
 
Liidnimada,guulwadaynta,xaasidnimada,shaqsi nacaybka,nin jeclaysiga,qabyaalada iyo khilaafaadka badan ee goorkastaba soo noq-noqda,
 
Hadal iyo dhamaan,waxaan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee iga mudan sharaf,ixtiraam,qadarin,maamuus,iyo milgo aan u soo 
 
Bandhigayaa inay ii tixgeliyaan igana aqbalaan jagada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye INSHA-ALLAAH.
 
 
 
WABILLAAHI TOWFIIQ.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles