Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

QORRAX SACAB LUGUMA QARINKARO‏.WQ. Saciid Cabdi Aadan

$
0
0

BerberanewsHalkan waxan idinku soo gudbinaya , maqaal ku saabsan  xaaladaha siyaasadeed iyo daruufo dhaqan dhaqaale ,mid  bulsho ee wadanku marayo wakhtingan la joogo.
Waxaan si qoto dheer oo ku sallaysan fikir siyaasadeed oo xor ah ugu qaadi dhigi doono habsiyaasadeedka xukuumada uu madaxweynaha ka yahay , AHMED MAXAMED MAXAMUD SILAANYO.

Siciid Cabdi
laga soo bilaabo 27/06/2010 markii  xukuumada Siinlayo loo dhaariyay inay hanato xilka iyo talada wadanka Somaliland waxa soo ifbaxayay fikiro iyo aragtiyo  la xidhiidha geedi socodka siyaasadeed ee xukumada silaanyo gadhwadeenka kayahay.
Waxaan ku ammaanayaa ugu horayn Xukumada Somaliland hormarka la taaban karo ee aya ka gaadhay baahiyaha aas aasiga u ah nolosha bulshashada iyo ballanqaadyadiii ololaha doorashooyinka oo ay wax bdan ka qabatay ,sida .Lacagta laga badelay gobolka Togdheer,  iyada taasi suurto galisay inu gobolkaasi la jaan qaadi karo gobolada kale ee wadanka, Furista asxaabta, Bixinta darajada ciiidamada qaranka Somaliland, oo runti ahayd tallaabo geesinimo leh oo hore loo qaaday, Hirgalinta idaacad qaranku leeyahay oo dhamaan wadanka oo dhan gaadhay gudihiisa iyo  iyo debadisaba. qabsoomidi doorashooyinka golalaha deegaanka ee qaranka ,iyadoo ku duulaysa hirgalinti dilmuqraadiya curdinka  ee Somaliland.
Waxaa lama ilaawaana oo aan si gaara u xusayaa isku badalka badhasaabada gobolada wadanka oo noqotay tallaabo cusub oo uu xukumada hada taladawadanka haysa lagu xasuusan doono.
Hadaba ma odhan karnaa waxba lama qaban? taa jawaabteedu waxay noqonaysaa  cadceeda sacab laguma qarin karo ayay Soomaalidu ku maahmaahda, mana odhan karno waxkasta waa la qabtay  100% .
Waxaan ugu baaqaya ummada Somaliland gudo iyo debadba inay ilaashadan
maamuskooda dowladnimo iyo wadanolashahoodaba, kana dheeraadaan waxkasta oo wax u dhimayana.
Muwaadin kastaa xaq buu u leeyahay inuu cabiro fikirkiisa laakiin maaha in siyaasada lagu dhex milmo oo qofkastaba uu noqdo jaanta rogan
Tusaale ahaan, qalalaadkii  ka dhacay doorashooyinkii dawladdaha hoose waxay sababeen khasaare dhimasho  khasaaro naf iyo maalba leh, saammayna ku yeelatay guud ahanba dalka oo dhan. waxaan soo jeedinayaa inaan laga hadhin xal u helida iyo kala-bogsiinta cidkasta oo wax tabanaysa sida ugu macquulsan, balse aan laga aamusin  ee la hadlo ,oo la qanciyo waayo hadalku waxbu bogsiiyaa.
Maadaama aynu nahay qaran dimuquraadi ah waa in ay xukuumaddu dhawrto tiirarka dilmuquradiyada oo ay ugu horayso xoriyatul qowlku oo ah  mudanta qaranka laga dheehan karo.
Gebagabadii waxay Somaliland halkan ku soo gaadhay samir ,wada tashi iyo  danta guud oo loo midoobo. Waxaan halkan dardaaran ugu soo jeedinayaa  shacabka nabada jecel ee Somaliland , shacabkayga sharafta leh ,waxaan u sheegaya inay ilaashadan nabada iyo wadanoolashahooda wixi wax u dhimayana ay meel uga soo wada jeestaan .

Adan-sahal@hotmail.com

Qalinkii Said Abdi Adan
Norway


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles