Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

SOOMAALILAND IYO SOOMAALIYA IYAMAA DAWLAD U QALMA OO U BAAHAN AQOONSI CAALAMIYA?

$
0
0

QALINKII:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood:Mobile:4109843 HARGEISA Somaliland REP

 Hargeysa-Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa miidaamo dhego ma leh haddii meleg dhawaaqaayo waxaa wax lala yaabo ah Oo doqonimo,dulinimo,iyo maangaabnimo ay weheliyo maamulka ula boocaha ku tukubaya ee maganta u ah ciidamada Shisheeye ee afrikaanka ah ee la yidhaahdo AMISOM,oo noloshoodii la ilaalinayo halkii ay seexanayeen,marka ay fool-dhaqanayaan, Markay suuliga ama mushqusha gelayaan iyo markay cuntaynayaan oo noloshoodiiba cidhiidhi gashay cidhiidhigaasina uu ugu wacan-Yahay dhiiga muslimka ee ciroole iyo caruurba la xalaashaday laguna xalaashaday diin la,aanta ay aabaha u tahay qabyaaladdu.

Haddaba waxaa iswaydiin leh Koonfurtii Soomaaliya ee gaalkii talyaanigu gumaysan jiray imisa maamul goboleed ayaa ka jira? Dawladdan la yidhi waxaad ka baxdeen maamulkii ku meelgaadhka ahaa haddana weli maamuladdii ku meelgaadhka ahaa shaqaynayaan Oo maalinba maalinta ka dambaysa ay sii badanayaan maamul goboleedyadu,haddii aan dib ugu  noqdo waxaa ka dhisan maamul Goboleedyo aad u fara badan 1-maamul goboleedka putland,2-maamul goboleedka Banaadir land,3-Maamul goboleedka Muqdisho land oo UU M/waynaha ka yahay Xasan shiikh maxamuud,4-Maamul goboleedka Hiiraan land,5-Maamul goboleedka Galmudug,6-Maamul goboleedka Baydhaba land,7-Maamul goboleedka Jubba land,8-Maamul goboleedka Al-shabaab land,9-Maamul goboleedka Timo wayn land,waxaa  iswaydiin leh intaas oo maamul goboleed keebaynu la hadalnaa oo aynu aqoonsigeena kala hadalnaa mise waxaynu sugnaa inta laga  taqalusinayo 

 

Maamul goboleedyada oo koonfurta soomaaliyana ay noqonayso dawlad awoodeeda ku baahisa gobolkii talyaanigu gumaysan jiray oo  Ay noqonayaan adoon xoroowday kana xoroowday Amisom iyo dawladaha kale ee gacanta kula jira Soomaaliya ee aan la doonayn inay Weligeed aanay ka dhismin dawlad awood leh oo xuduudaheeda sugi karta geeska afrika iyo afrikaba wax laga waydiiyo sababtoo ah Wadamada gaaladu badankoodu dan iyo muraadtoona kama lahaa Soomaaliya waxaana u sabab ah marka hore waa dal muslim ah 100%

 Waana Sunni waana isku jinsiyad,isku dhiig,iyo isku luqad haddii muraad laga leeyahay ama dano siyaasadeed 21 sano may noqoteen dawlad La ahaan balse hadafka ugu wayni waa inay birta iska aslaan oo kay garabka saarayaan iyo ka danahooda ka soo horjeedaaba ee labada Qolo ka kala dhimanayaa waa muslim oo tirada way wada qoranayaan mustaqbalkana waxaa la doonayaa marka la waayo dhalinyaro hubka Qaadan karta oo Shacabku isugu baxo dumar iyo caruur in loo taliyo,dadka noocaas ah ee mustaqbalkooda la doonayo in maamka aduunka Laga saaro ayaa Soomaaliland oo 21 sano ahayd dawlad dhinac kasta ka dhisan oo awoodeedu ay xasilin karto Soomaaliyadaas aan hayn Raadkeediina hayn hanaankii dawladnimo lagu yiqiinay hadaba waxaa iswaydiin leh Maamulka goboleedka muqdisho ka dhisani wuxuu Hankiisii liidnimada ahaa u bandhigay raysal wasaaraha ingiriiska oo idaacaduhuna ay si khaldan inoogu sheegayaan waxaa fikirkaa soo Jeediyey raysal wasaaraha ingiriiska,fikirkaas oo ah in Soomaaliland la siiyo raysal wasaare kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

hadalkaasi haddii Uu yahay mid ka soo baxay raysal wasaaraha ingiriiska iyo haddii uu ka soo baxay maamul goboleedka muqdisho land wax ka soo qaad Ma leh hadalkooduna wuxuu ka dhigan yahay HAL CADI CAYN KU JABTAY,Gooni-isutaaga jamhuuriyadda soomaaliland caalamka oo dhani Waa ka war hayaa halgankii loo soo maray ee naf,maal iyo moodba ah wixii 63 sano ka hor la sixi waayey haddii la yidhaahdo M/waynaha Qaata,wasiiradana kala badh,Ciidamadana qolo kastaaba degaankooda ha joogaan,Saamiga  Dhaqaalaha,dib u dhiska, caafimaadka,wadooyinka,waxbarashada,iyo ilaha dhaqaalaha oo si isleeg loo qaybsado dawladda dhexena  La wadaago,oo aydun Soomaalida kale ee maqan ku soo dartaan maamulka federaalka ah Sida Jabuuti,NFD,Soomali itoobiya oo 

 

Barlamaankana si isleeg iyo maamulkaba loo qaybsado inaanu soo yara debecna waa laga yaabaa balse Soomaaliya waa koonfur iyo 

 

Waqooyi anagu ma haysano midnimada Ama Federaalka Soomaaliya waxaanu aminsanahay haddii aanu nahay Shacabwaynaha 

 

Soomaaliland iyo Xukuumadooduba Shanta Soomaaliya haddii aad doonaysaan in soomaali isu timaado oo shanta soomaaliya isu timaado

 

Waa inaad raadisaan Sadexda kale ee Soomaali ka maqan ka dibna miiska wada hadalka laysugu yimaado si wixii KHasaare loo qaystay 

 

Gobolada Soomaaliland iyo Halyeeyadii ku Shahiiday iyo kuwii ku dhaawacmayba la siiyo magahoodii,kuwa ku shahiidayna calaa qof 

 

AAD BIXISAAN TOBAN MAGOOD OO GEEL DHOG AH,Wixii ku naafoobayna Geel lagu xukumo,wixii guryo,iyo hanti lagu waayeyna 

 

Qofkasta wixii ka maqan farta laga saaro,Waxaan xukuumadda talada haysa u soo jeedinayaa waa in feejignaan adag laga galo 

 

Dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda oo weliba nin rug cadaaya oo miisaan ku leh Wadamada islaamka iyo kuwa gaalada xilka loo 

 

Dhiibo,Wasaaradda arrimaha gudahana nin rug cadaaya oo miisaan ku leh shacabka reer soomaaliland oo dhibaato kasta oo dhacda 

 

Xalinta iyo turxaansaarkeeda khibrad u leh,Hogaanka sirdoonkuna waa inuu noqdaa nin rug cadaaya oo weligiiba shaqooyinkan soo wadi 

 

Jiray oo derejada ka gaadhay gaashaanle,gaashaanle dhexe iyo gaashaanle sare xilligii Maxamed siyaad barre,maanta waxaad moodaa

 

Afartaas arrimoodba inay yihiin meelaha daldaloolooyinku ka muuqdaan ee culaysku inaga haysto haddaba waxaan mar labaad 

 

Xukuumadda sharafta leh ee uu M/wayanaha ka yahay Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD(SIILAANYO) oo ah rug cadaayada 

 

Naadirka ah ee wadankeena hooyo ku sii hadhay waxaan Mudane:M/wayne si xushmad,qadarin iyo maamuus leh kaaga codsanayaa 

 

INaad dib u eegis ku samaysid afartaas waaxood ee aan kor ku xusay sababtoo ah maanta waxaa inagu waajibka shicib iyo dawladba 

 

SIDII MEEL looga soo wada jeesan lahaa cadowga gudaha iyo ka dibadda oo aynu culays siyaasadeed ka saari lahayd wadankasta oo 

 

Sumcaddii iyo karaamaddii Soomaaliland dib loo soo celiyo wixii khilaafaad ah ee gobolada Soomaaliland ka jirana loo diro cidda ugu 

 

Fara dhuudhuuban,Masuulkasta oo xilkiisa gudan kari waayana aanay kugu adkaan xilka qaadistiisa,waana in gacmaha lays qabsado oo 

 

OO lays cafiyo oo amaanka dalka shacab iyo dawladba meel looga soo wada jeesto,wixii dhaliil xukuumadda loo soo jeedinayana oo 

 

AY tahay dhaliishaasi mid jirta oo laga wada dheregsanyahay waa inaan indha adayg lagu jawaabin balse si cilmiyeysan looga jawaabo,

 

Haddii ay tahay dhaliil mala awaala oo qaranka lagu waxyeelaynayana waa inaad xeer adag ka soo saartaan si shaqsigaas ay ka soo baxday

 

Loo mariyo qaybta anshaxa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles