Maanta waxaan door biday in aan ka hadlo arrin maalmahan-ba saxaafada lagu hadal hayey oo ah in xildhibaano ka tirsan Kulmiye ay xukuumada dhaleeceeyey.
Xildhibaan Dheeg iyo xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo wax ka sheegay xukumumada, waxaan leeyahay xukuumadu aad ka tirsanayd ama xisbiga aad ka soo jeedeen wanaagiisu maanta uu idinak muuqdaa, bari xagaad qabataan waa la idiin yaaba, arki doonaa halkaad ku danbaysaan.
Cidna idin aamini doonta ee idin soo dhaweyn doonta ayaa laysku haystaa, wuxuu yidhi “waa laysku haystaa wixii madaxda kaa dhigay”. Qof kasta oo ceeb iyo xumaan u soo jiida meherada uu ka shaqeeyo ama ceebaya bari waa hubaal in uu sidoo kale xumaan u soo jiidi doono meel kasta oo uu tago.
Umada Somaliland waxaan leeyahay sidee loo aamini karaa qofka maanta ceebeeyey ama xumaan u soo jiiday meherada uu ka tirsan yahay, waa maradaadu kugu gubtay halkii ay soomalidu odhan jirtay.
Xildhibaan Xasan Cawaale hadii maanta uu leeyahay waxaan ka baxay xukuumada, ama xisbigii Kulmiye sida Xildhibaan dheeg oo kale, hadalkiini hore iyo kiina danbe midkee ayaa la rumaysan doonaa, umadu sidee ayey wax idiinka qori doontaa.
Siyaasiga wanaagsan ee bulshaawiga ah waxaa lagu gartaa waxaa ka mid ah asturnaanta iyo is dhul dhiga markay arrimihu siyaasad noqoto, ceeb iyo aflagaado lagama arko, sida aynu hore u soo aranay inay juuqda gabeen rag wasiiro ah oo xilalkii ay hayeen iska casilay ama laga qaaday, kuwaas oo maanta ku nool sharaf iyo cisi.