Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

TACSI MADAXWEYNE

$
0
0

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaranka gaar ahaan ciidanka Militeriga oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid alle ha u naxariistee Xidigle  Marxuum  Faarax Caraale Waabari oo 11/08/2015, (shalay) u geeriyooday toogasho uu u geystay mid ka mida ciidanka qaranka, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay taliyihii aaga galbeedka gaashaanle sare Xasan Caaqil oo hada lagu daawaynaayo Cusbitaal kuyaal Jabuuti, madaxweynuhuna waxa uu alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo sarkaalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles