Berbera-(Berberanews)-Waxaan qalinka u qaatay in aan bogaadiyo tilmaamo ku garab istaago hadba masuulkaan u arko in uu ku taaganyahay wadadii saxda ahayd ee ku horumarin lahaa shaqada uu qaranka iyo umadaba uu u hayo Maayorka magaalada berbera ee dhawaan la doortay oo imika xilka hayey mudo ku siman bil,
Runtii waxa hortaalay shaqo aad iyo aad u culus oo ah.
- in laga shaqaysiiyo laamaha d/hoose oo runtii fadhiid ahaa(ama halwgaba ahaa)
- Soo dhisida gudiyadii golaha deegaanka
- Dhulka oo fawdo ahaa
- Shaqaalaha oo inta qoran iyo inta shaqaysa kala badantahay
- Saanitayshanka ama nadaafada magaalada oo aad u liidatay iwm
- Siyaasad laan ka jirtay dhaamaan hawlaha shaqo ee ay d/hoose haysey
- Khibrad laanta golaha cusub
- Waxyaabaha laga filayo oo badnaa gaar ahaan dadkii soo doortay
runtii qofka berbera debada ka jooga waxa laga yaaba in uu is yidhaahdo waa magaalo waxbadan laga qabtay,laakiin anigu waxaan leeyahay waa magaalo waxbadani ka qabyo yihiin,
Hadaba waxaan maayorka cusub ku bogaadinaya arimahan hoos ku xusan oo uu ku talaabsaday mudadii yarayd ee uu joogay ama bisha ahaydba oo kala ah.
- Joojinta dhamaan qarashyaadii xaaraaanta ahaa sida,kirooyin,hudheelo,laydh,telephoono.oo dhamaan laga bixin jiray shaqsiyaad oo ahayd fal aad u foolxun in caashuurta islaamaha suuqa fadhiya rag iisiiyo ku gashadaan
- In dhamaan shaqaalaha d/hoose 6 subaxnimo ay sexeexaan buuga soo galitaanka shaqo,12:30 saxeexaan. Awal waxa dhici jirtay in shaqaalaha qaar hadaad bilo ka raadiso d/hoose ama xafiiskooda aanad arki kari jirin, waxba faahfaahin mayo halkaas oo qofkastoo berbera joogay arintaas wuu ila garanayaa
- Xayiraada dhulka oo iyaduna talaabo kale oo loo baahna oo ahaydba halka sartu ka qudhantay,ee waxqabadka u baahndayd
- Sumaynta ayda oo iyaguna dhibaato ku hayey dad iyo duunyaba oo tiradooduna aad u badnayd
- Ka shaqaysiinata dhamaan waxyaaha d/hoose ka koobantahay oo aad arkays dhamaan agaasimaayaashii iyo madaxwaaxeedyadii oo heegan ku ah xafiisyadooda
- Blan qaadka ah inuu shaqaalaha siin doono mushahar ku filan oo ay kaga maarmaan baahida joogtada ah ee ay qabeen iyo baryada madaxdaba
- Kidinka xafiiska maayorka oo laga dhigay mid u furan bulshada oo bilaa askar ah
Arimahaas iyo kuwa kale oo lagu diirsado waa laga filayaa maayorka cusub.ee waxaan kula talin lahaa maayorka arimahan hoos ku xusan:
- Samaynta siyaasadii lagu hagi lahaa ama wadi laha dhamaan arimahan hoos ku xusan
- Siyaasaadii nadaafada ee degmada
- Siyasadii Waxbarashada ee degmada
- Siyaasadii Biyaha iyo laydhka ee degmada
- Siyaasadii Horumarinta iyo dhaqaalaha ee degmada
- Siyaasadii Nabadgalyada iyo aminiga
- Siyaasadii Deegaanka iyo bilicda
- Siyaasadii Dalxiiska iyo goobaha taariikhiga ah
- Siyasadii shaqaalaha iyo shaqada
Marka la dejiyo ama la sameeyo siyaasad heer dagmo ah oo khusaysa arimaha kor ku xusan,ayaa waxay noqonaysa talaabada ku xigta
In la faafiyo oo la gaadhsiiyo dhamaan cida ay khusayso ee ay ahayd in ay ogaadaan arintani oo ay ka mid noqon karaan ,shaqaalaha,dadwaynaha si la isula jaanqaadi karo
Oo loo wada fahmo waxa yoolku yahay ,halku laga duulayo iwm.
Talaabada ugu danbaysaa waxay noqonaysaa hirgalintaa ama dhaqan galinta siyasaada la dejiyey ee khusaysa dhamaan dhinacyada shaqada ee d/hoose
Waxaan kula talin lahaa xildhabaanada golaha deegaanka ,xukuumada dhexe,iyo dadwaynaha reer berbera arimahan hoos ku xusan.
- in lagu taageero meel marinta qorshayaasha horumarineed ee la wado
- in aan caqabad lagu noqon socod siinta hawlaha shaqo
- in la joojiyo caadadii xumayd ee is eryadaka golaha oo ay gacmaha isu qabsaadan horumarinta degmada
- in ay xukuumadu ka dayso wixii hagardaamaynaya golaha ama kala qaybinaya,ama ka mashquulinaya hawlahooda shaqo
- in lagu hanbalyeeyo wixii wacan laga waaniyo wixii khaldan lagu taageero wixii saxan
qalinkii aqoonyahan c=C/qaadir fartaag
Berbera s/land
4446252