Qormadan waxa ay baraarujin, iyo tusmayn u tahay Xukuumadeenan sharafta badan ee haatan talada gacanta ku haysa,ee u hoggaanka u yahay Madaxwayne Siilaanyo, habka u fiirsasho la’aanta ah ee uu isagu ugu soo magacawdo Masuuliyiinta qaar meelo iyo mansab aan ku haboonayn amaba aqoon ahaan aanay awood u lahayn shaqada loo doortay.
Koley anigu odhan maayo qaabka magacaabista madaxwaynuhu u dhacdaa waxa ay ku sallaysan tahay hab reeraysan oo u badan cida u hayb ahaan kazoo jeedo madaxwaynuhu, ama cid u fulinaysa dano gaara oo siyaasadaysan oo isagu leeyahay, balse waxa ay u eegatahay nidaam dag dag badani ku jiro, iyo isu miisaamid la’aan ah qofka iyo booska loo dhiibayo.
Taas oo ceeb iyo nusqaan ugu filan xukumadeenan sharafta badan. isla markaasna habqan iyo habsami u socod daro u keeni karta howlaha, shaqada qarankani u igmaday loona dhaariyey Mudane Siilaanyo.
Hadaba. Inaga oo tusaalayaal u soo qaadan doona Xubno badan, oo aan u qalmin gabi ahaanba mansabyada loo dhiibay marka loo eego xaga aqoontooda, waayo aragnimadooda; Bal ugu horeyn mid kamida xubnahaas hadii aanku horeeyo…..
Waxa aan ahay Mujaahid u soo halgamay Xisbiga haatan talada dalka haye ee kulmiye, Aniga oo halgankaas dheerna kula magac baxay Kaligii Kulmiye, ahna Agaasime ka tirsan Komishanka Qaranka ee xakamaynta Aids Jamhurriyadda Somaliland, gara’oo kamaan mutaysan Mudane Siilanyo booskan agaasime nimo oo waxaan ka filayay mansab kan kasareeya oo ah wasiir, kazoo aha wasiirka macdanta iyo biyaha, malaha hadda biyihiina waba laga reebe.
Run ahaantii cidii aqoon ii leh baa garanayse tacab aan la qiyaasi Karin ayaan so gashaday xisbiga kulmiye, Aqoon yaraani ima haysto xaga cilmiga maadiga ah ta diiniga ahna hadalkeedaba daa! Oo sheikh Abdi kariim ayaanba u ahay ugu yaraana saddex madaaris ayaanba burco kulaha waqtigii siyaasadda ka hor, iyada oo firfircooni iyo xadaarad halkaan ka gaadhay aniga oon hore siyaasad uso marin xisbiga kulmiye ka hor hadana aan la jaanqaaday marxaladahii xaasaasiga aha ee xisbigaasi soo maray.
Ismabaan lahayn waayo aragnimo iyo khibrad ayaa ku dhiman ee warba waakii iga qabsaday haya’addan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta Aidska markii la iso magacabay Agasimaheeda Maamulka iyo Lacagta, Jab’ba waa ka ii danbeeye waxaan filayay inaan qaybta maamulka iyo lacagta aan aqoon uleeyahay.
oo Markii aan xisbiga kulmiye u qaabilsana qaybta maamulka qarashaadka dawladda kazoo gala Xisbiyaddii qaranka ee markaasi jirey, tani show tiiba mahee waa tu cadaan, iyo madow ajaaniba. iyo wax daran oon laba afgaranayn lala xidhiidhayo oo macluumaad la is waydaarsanayo, waxayse iigu naxdin badnayd markii aniga oon shaqadaba si fiican ula wareegin aan la kulmay xisaabo dabayaaqo ah, oo maamulkii anaga naga horeyey ka tagay.
Xaqiiqdii meel aanka bilaabo ma garanayn, oo qoladii iga horeysay een wax waydiin laha gara’oo fudayd yar oon laha ayaan la sii jiidhay maalmahi ay xilkaba nagu wareejiyeen oo teelo’ba iyo abaal aan ugu noqdo umaan dhigan, waad u baahan doontana hadalkeedaba daa, oo xisbigii UDUB la odhanjirey ayay ahaayeen.
Alle ba waaka jire, waxaanku asturmay cid gaara allah haka jasaisiiye, intii ogayd uunba oge, oo ileen xinnif baan ahoo abaal ma gudee xumaanbaan ugu badaley iyana, oo booskaygaan uga baqay inay igala wareegaan.
Hadaba, haya’addana ileen mashaariic guuraysa ahe , oo hawlaheedu maha midey intaa ku dhamaate, ileen waxeyba ka mid tahay meelaha ugu dakhliga iyo kharashaadka badan xarumaha dawladda, taag baaska malaha inaan ka noolaado ayaaba meesha la igu dhiibay ana taagteedba malihi, oo ninkii ii magacaabay inaan ka bixi karo ayaabuu moodeyey malaha!!!!!!!!!!!!!!!
Fahanoo, malaha Adeerkay Siilaanyo casharo kazoo baro buu i lahaa , Bal adba? Ana kamaba joojine horta meeshi sidaan indho adeyg yar oo la igu xaman jirey aan ugu waday, Mushaharkii yara eenu ka heli jirnay haya’addaha ajaanibka ah ayaan isku eersaday shaqaale tiro yaraa oo tayo badna oo meesha nala joogaynay intoodi yareydna ka galaaftay, inkaartoodi se ka bad baado ninkalay la kacdee.
Hada se xinnif kii hore ha iigu soo hagaagine , oo bahal yar oo English la idha oonka qatanaana , dadka ku hadlana aanka dhuuman jirey, xafiiskana wiigag uga maqaanan jirey , calashaan aniga oo qof buka film ka ku matalaya si anaan isku arag wafuuda ajaanibka e nagu soo daga.
Haatan se koley waxbaa iska kaabadalay ayaanba isleyahay, tii alle na waa halkeedee.
Run ahaantii ma odhan karno dhamaan masuuliyiinta u madaxwaynaheena sharafta mudan ee mudane Ahmed Maxamed mahamud Siilaanyo usoo magacaaba uma qalmaan xilalka iyo mansabyada uu u igmaday, lakiin waydhici kartaa ama dhacdayba in lagu arko dad aan u qalmin haba yarate shaqada ay hayaan.
Laakiin mudooyinka danbe waxa aad moodaysayba in xilalku iyo mansab ka qabashada xilalka dawladdu uu yahay. Anigaa kaadidayda u soo cabay kulmiye oo waliba madaxwaynahana la hayb ah.
Waxa aynu garan karna farqiga u dhaxeeya qofka professional ka ah ee shaqada khibrada iyo aqoonta u leh iyo qofka markaasi, goobta shaqada gudaheeda isla markaa ku baranaya shaqadu waxay tahay iyo sida loo qabanayo hormarka ay ka kala keeni karaan.
La soco…………
Qalinkii Deeq Yuusuf Ducaale (Deq Shugri)
Kampala,Uganda.
zeedfour@gmail.com or zeed@live.co.uk