Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

MIYUU FASHILMAY WADA HADALKII SOMALILAND IYO SOMALIA

$
0
0

Waxa bishan November 2013 ee aynu ku jirno dib u dhacay wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia kaas oo lagu sababeeyey u diyaar garaw la’aan xaga Somalia ah, taas oo Somaliland laga codsaday in shirka dib loo dhigo ilaa iyo 8 December 2013, taas oo aan iminkana rajo laga qabin.

Wada xaajoodkaa labada dal u dhexeeya  oo aad beryahan danbe moodo inuu soo xagal daacayo, hadal hayntiisuna yaraatay, ayaa iminka la sheegayaa in mar labaad Somaliland lagu qanciyay in shirkaas dib loo dhigo ilaa iyo horaanta sanadka cusub ee 2014, arinkaas oo u muuqda waji gabax, kalsooni daro.
Yadoo aynu la socono shirkii igu danbeeyey ee ay labada dal wada yeeshaan wixii ka soo baxay inaan sidoo dii loo dhaqan galin, shirkaas oo lagu heshiiyay ama laga soo saaray hal qodob, halkaas qodob oo ahaa IN HAWADA SOMALILAND IYO SOMALIA HARGAYSA LAGA MAAMULO, DAKHLI WIXII KA SOO XEROODANA LABADA DAL U SIMAN YIHIIN SI ISLEEG, taas oo aan iminka muuqan, si rasmi ahna loogu wada wareegiyay Dawlada Federalka ee Somalia. Arinkaas oo aanay waliba Somaliland muw qif cad iska taagin, hadana dhabar jab ku ah geedi socodka wada xaajoodka.

Waxaan fikir ahaan ku soo jeedin lahaa in dhamaanba la qaadaco wada xaajoodka Dawlada federalka ee Somalia, waayo wax u diyaarsaniba ma jiraan oo yagiibaa madaxa iskula wada jira, mar haday sidaas tahayna u malayn maayo in wax faa’iido ah laga gaadhayo waxa xaajoodka dawladan yadiiba u baahan tahay wax ka qabashada.

Waad Mahadsantihiin
By: Mohamed Hamud


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles