Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Xukuumada oo Baarlamaanka Weerar Qaawan Ku Soo Qaadey iyo Xubno kamid ah Gudoonka Baarlamaanka oo Ciro Ku Tilmaamay Aar Qoyay…Faalo Wariye Hiiraan

$
0
0

Talaabooyinka indho la,aanta ah  is daba wareega, khilaafyada gudaha ee dhinac kasta ka daaran ayaa caado Calaamad iyo caynka Xadhiga  u ah Xukuumada uu Hogaamiyaha u yahey Madexweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo marka dib loo milicsado sanado wakhti badan laga joogo oo kusiman maalmihiisii Mucaaridka  aan meel dheer laga dooneyn hadaladii uu khilaafkii Xukuumadii Rayaale iyo Golaha Wakiilada Siilaanyo ka odhan jirey, taas oo ku noqoneysa xiligan baabiinta raadadkii Geedi socodkiisa Siyaasadeed.

Marka loo sii dhabo galo Dhacdooyinka Xukuumada Madexweyne Siilaanyo ee Xiligan iyo waxyaabaha ay dadku sida ugu dhakhsaha badan ugu dhegtaagayeen ee laga filayay Xukuumadiisa ayaa ah mid aan mustaqbalka laga dhursugeyn haseyeeshee taagan wakhtigan xaadirka ah marka loo eego sakaaro boodka ay ka bilowdey Golaha Baarlamaanka dhexdiisa taas, oo marka dhinacyo badan laga eego isugu soo biyo shubaneysa Hinaasaha ay Xildhibaanada Mashaariicda ka qaata Xukuumadu kaga hinaaseen laba mudane iyo mudanayaal kale oo Shacbiga ka muteystey aaminaad xoogan iyo kalsooni dheeraad ah, iyadoo Tusaalaha ugu badan farta ku fiiqayay indhawaale Xildhibaan Buubaa iyio Xildhibaan Rayte, oo loo aqonsadey Xubnaha ka dhabeeyay codkii dadweynaha ee lagu soo doortey Islamarkaana, gaashaanka u daruurey qadfimaha iyo xadhig tuurka beenta ah ee Xukuumada iyo xubnaha ka ag dhow taladu , Golaha la hor yimaadaan.

Marka aynu usoo noqono dhacdadii u dambeysay ee Xubnaha Shirgudoonka Golaha Wakiiladu kasoo qeyd xambaarteen wiilasha qasriga laga ogolyahey ee katirsanaa Baarlamanaka Somaliland islamarkaana, ku mashquulsanaa Mashaariicda iyo mus ka deymoodka hantida dadweynaha ee Xukuumadu kala rogeyso, ayaa dadweynaha Reer Somaliland ee siyaasada lafa guraa  u arkaan wakhtigan mid khasaare kambadhuudha, marka loo eego sida uu hadalkoodu ugu soo beegmay, maalmo badan kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro), ku dhawaaqey Gudidayada aqalka Wakiilada, taas oo Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Shirgudoonka Golaha Wakiiladu Dr Cali Yuusuf xusey in uu markii hore la ogolaa Gudoomiyaha magacaabista Gudiyada laakiin uu khaldanaa hada hadalkaas, oo mudh iyo ceeb qaran ku ah islamarkaana lafjab iyo karaamo dhac weyn ku noqoneysa maamuuska Gole iyo qaran ee kuraasta ay ku fadhiyaan codkii dadweynaha, in marba weecsin iyo beedhsin kale ay kasoo majaro qaataan, waxaanay arinatni qeyb ka noqoneysaa mushkiladaha iyo carqaladaha dhinaca maamul ee haysta ee Xukuumada Madexweyne Siilaanyo, iyadoo sii xoojineysa khilaafyada iyo maandhaafka Hay,adaha dastuuriga ah ee dalka, iyadoo kalsooni badan ka lumen doonta Xukuumada marka loo eego tuhunka kaliya ee loo aaneeyay oo ahaa in Golaha Baarlamaanka Somaliland si daacad ah ula shaqeeyo kuna asturo Xukuumada Suiilaanyo arimaha isku ceynka iyo beydka go,an ee Goldoloolooyinka iyo dhaliilaha dul hoganaya taas oo u badan aqoon la,aanta Maamulka iyo nidaamka isku dhex furan ee abuurey awoodaha kala qeybsan ee Xukuumada dhexdeeda.

Sikastaba ha ahaatee muran kama taaagna in Xukuumada Madexweyne Siilaanyo gol faoyoobi iyo naruuro ka qabtey inta badan Golaha Baarlamaanka iyadoo, Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, uu indhawaale u muuqdey in uu kaambeyn gacan qaloocda ah ku beegsanayay Xilka Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland oo mudanayaashu aqlabiyad uga xishoodeen, isagoo Baashe u muuqda marka dhinac kale laga eego in uu ku luuqeynayo Aar qoyay aqoongaabku dacow uga eekaa, isku soo wada duub oo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Islamarkaana, ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani ayaa dadku inta badan ku tiriyaan in uu kawada dubaalad dheer yahey ragii ay Shirgudoonka Golaha Wakiilada mar wada fadhiisteen ee kasoo jeeday Xisbi Xaakimka Kulmiye islamarkaana kaga dublmaasi san yahey arimaha Siyaasada iyo hanka Mustaqbalkeeda marka loo eego halka uu taagan yahey wakhtigan taas oo hadii dagaal kasta Xukuumadu kusoo beegto aanu marna khasaare ku taagneyn halka uu beegsanayo, waxaanay inta ugu badan dadweynuhu hadalhayaan sida uu wakhti xaadirkan u bisleystey Xisbi Mucaarid ah isagoo ah Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland.

 

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

hiiraan2007@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles