Waxay ku beegnayd 16 Nov 2013 abaaro 10:30 a.m markii aan usoo jarmaaday cafateriyada shacbiyada badan leh ee looga bartay inay leedahay Bun(coffee) aad u heersareeya oo soo jiidasho leh. Waa Purple Café oo ku taal iskogyska tog-dheer kagana beegan dhinaca bari Macmacaanlaha caanka ah ee Maka-Almukarama. Amintii aan salka kursiga la helay ee aan dalabkaygii koobka bunka ah dhiibtay ayaan jaleecay dhinacayga midig kuraas igaga beegan , waxaaba fadhiya seddex dhalinyaro ah oo ka sheekeysanaya mihnadda ciyaaraha, daqiiqado kadib ayaa haddana waxaa dhegtayda kusoo dhacday erreyo mid kamid ah sedexdii wiil “waar hay’addii dhiirigalinta ciyaaraha ugu wanaagsanayd ee ODHA, waynagii gudoomiyeheedii kasoo waynay Xafiiskeedii ODHA maxaynu samaynaa? Waxaa u jawaabay wiil kamid ahaa sedexdii waxaana uu yidhi “ waar waynagii telephonkeeda kasoo qaadanay xoghaynteedii xafiiskeeda samafalka e aynu wacno”. Kii sedexaad ayaa isna kusoo kordhiyey “ waar yaadaheen miyaydaan ogayn inay tahay Faadumo siciid marka laga yimaad gudoomiye/aas-aasaha ODHA inay tahay Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga Ucid? Labadii wiil ee kale ayaa markaliya wada dhawaaqay oo yidhi “ saaxiib waad naxasuusisaye aynu la hadalno oo aynu nidhaahno “Ma Xafiiskii Xarunta Xisbigaa ayaad fadhidaa Mise Xafiiskii Xaruntii Samafalka” waa hadii ay kusoo noqotay xafiiska samafalka intii aynu kasoo maqnayn.
Haddaba , markaan ka baqoolay goobtii sheekadani ka dhacday , waxaan dib ugu laabtay xafiiskaygii , waxaanan isweydiiyey dhawrkan su’aalood; intaanan su’alahan isweydiin waxaan dib u jaleecay wadamada dunida iyo sida ay u horumareen oo run ahaantii ka timid ku dhaqanka sharciyada iyo xeerarka ay dhigteen oo xataa haddii uu masuul sare oo xil qaran dalkiisa u hayaa uu meel kaga dhaco xeerarka u yaal iyadda oo cid kaleba soo gaadhin isagaa iska casila xilkaa uu hayo kadibna raali galin bixiya. Aan usoo noqdo su’aalihii aan isweydiiyey;
1)Ma lahelayaa Hay’addo Samafal oo kale oo Masuuliyiintoodu Xilal sare ka hayaan Xisbiyada Qaranka?
2)sharciga iyo xeerarka dalkeenu ku dhisan yahay muxuu ka qabaa masuul madax ka ah Hay’ad Samafal islamarkaan Xil sare ka haya Xisbi qaran? Saamaynta ay keeni kartaana maxay noqonaysaa?
Su’aasha kowaad jawaabteeda markii aan baadhitaan balaadhan aan sameeyey waxaa iiga soo baxday in Gudoomiyaha/Mulkiilaha SORADI, uu yahay Xoghayaha Arimaha dibeda ee Xisbiga Waddani , islamarkaana hormood kayahay shakhsiyaadka ku hawlan in dalkani dib ugu noqdo xaaladihii aynu soo marnay 1992.
Suaasha labaad jawaabteeda haddii aynu iyana wax ka bayaamino. Tilmaamaha dastuurka qaranku ka bxiyey ee nidaamka siyaasadeed, Xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale , bulsho, xaqa doorashada , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is abaabulka waxaynu ka dheehan karnaa qodobadiisa 9aad ,22aad iyo 23aad. Mida kale. XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXAABTA SIYAASADA IYO WAX KA BEDELKIISII HIRGALEY.XEER No. 14/2011 qodobkiisa 1aad farqadiisa 5aad wuxuu leeyahay ;Waxaa loola jeedaa Xisbi/Xisbiyada Qaran ee la ansixiyay si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka Guud ee Golaha Wakiillada iyo kuwa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa; sidoo kale Qodobka 14aad: Reebbanaan, waxa ku xusan sidan:Uma banaana qof kasta oo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida: Ciidanka qaran, Booliska, Ciidanka Asluubta, hay’adaha sirdoonka qaranka, Ururada aan Dawliga ahayn, shaqaalaha dowlada (civil servant) iyo xubnaha ka tirsan Garsoorka, Xeer-ilaalinta, iyo gudidda diwaan galinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka in ay: 1) Samaystaan Urur/xisbi Siyaasadeed iyo xubin ka-noqoshadiisaba. 2) In loo magacaabo xafiis Urur/xisbi Siyaasadeed.
Dhinaca kale , Xeerka Ururadda Samafalka ee aan dawliga ahayn XEER NO. 43/2010, Qodobkiisa 1aad wuxuu leeyahay sidan; Urur Samafalka aan Dawli Ahayn” (USDA) waxa loola jeedaa shakhsiyaad iskood isku diray ama isu abaabulay ama isu-bahaystay, kana madax-bannaandhaqdhaqaaq siyaasadeed, dhex-dhexaad ah, oo aan macaash doon ahayn.Kuwaas oo noqon kara heer Caalami, Qaran, Gobol, Degmo iyo tuulo(community-based organization). ururaddaas oo uu dhisan inay u adeegaanxubnahooda iyo bulshadaba kana shaqeeya hagaajinta adeegyada bulshada(social services), xaaladaha bani’adamnimo ee deg-degga ah (humanitarian
issues), horumarinta, ilaalinta deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah, maamulwanaagga,ilaalinta xuquuqda, daryeelka iyo kor-u-qaaddida nolosha bulshada(livelihoods), tababarrada aqooneed iyo kobcinta tayada iyo hourmarinta.
Gabagabadii,ODHA IYO SORADI madaxdoodu waxay hormood ka yihiin labada xisbi Qaran ee UCID IYO WADANI. Halka Gudoomiyaha/Mulkiilaha ODHA Marwo Faadumo Siciid ay tahay Xoghayaha Maaliyada ee UCID. Sidoo kale, Gudoomiyaha/Mulkiilaha SORADI Mr Fadal uu hayo Xilka Xoghayaha Arimaha Dibedad ee WADANI. Islamarkaana, ay labadoodu wakhtigan xaadirka ah dusho u riteen Xilal sadexaad oo ah abaabulka iyo dardargalinta barnaamijka Shirqool Qaran. Haddaba, xaaladan oo ah mid sharci darro, oo ah ku tumasho xeerarkii qaranka u yaalay. Sidaadarteed, Waxaan talo kusoo jeedinayaa inay Hay’addaha sharciyan ay khuseeyaan arimahani haddii ay tahay xeerarka DASTUURKA, ASXAABTA QARANKA IYO HAY’ADAHA SAMAFALKA EE AAN DAWLIGA AHAYN. Inay talaabo degdeg ah ka qaadaan labadaa masuul ee shuruucdii dalka dambiga ka galay.
Wabillahi tawfiq
Abdirasak Askar
Qalinmaal
Hargeisa,Somaliland