Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? W/Q. Maxamed Action Q 2aad

$
0
0

Waxaa akhristayaal inoo sii socday maqaalkeenii, Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? waxaanay inoo maraysay bulshada qeybeheeda kala duwan ee ka masuulka ah ama loo tiriyo inay qeyb wayn ka qaataan hoos u dhaca afkeena, waxaan soo aragnay inay Dawladdu ka mid tahay qeybaha aynu sheegayno waxaana ku xiga;
Ururadda Dhalinyarada, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah waa meelaha anigu aan filayo inuu aad Soomaaligu uga liito. Dhamaan magacyada ururada ama Hay’aduhuba hadaad u fiirsato magacyadooda waxay ka kooban yihiin kalmado la soo gaabiyay una taagan afka qalaad ee Ingiriisiga, sida Hay’adda ABC, WXYZ IWM. Dhanka kale dastuurada, shuruucaha u yaalla, xeer-hoosaadada ay ku dhaqmaan iyo habsami u socodka xafiisyada iyo waliba afka lagu isticmaalaa wada sheekaysiga iyo tilmaamaha oo dhani waa wada af Ingiriisi. Mashaariicda ay fulinayaan intooda badani waa Ingiriisi, hadalkasta oo aad ku aragto nin dhalinyaro ah waxaa laga yaabaa in boqolkiiba 50 ay yihiin kalmado ingiriisi ah. Waxaan ka qeyb galay tababaro badan oo ay qabanayeen Hay’addaha kala duwan ee dalka ka dhisan, macalimiinta daadihisa tababarkaasi waxay ku hadlayaan kalmado ingiriisi ah. Ta aad ka iiga yaabisay anoo maalin maalmaha ka mid ah ku jira tababar dhalinyaro u badan ayaa waxaa I ga soo garaacay tilifoonkayga gacanta nin aanu asxaab nahay, kadib waxaan u sheegay inaan ku jiro tababar, markii ba wuxuu igu la soo booday waar ma CIIDAMADA ayaad ku biirtay waa maxay tababarka aad sheegaysaa. Markaa waxaan is idhi ma adiga ayaa qaldan mise inanka. Markii dambe se waxaan fahmay inanka hadaan ku odhan lahaa TRAINING ayaan ku jiraa markii ba wuu fahmi lahaa. Taasina waa dhibaato kale oo laxaad leh.
Labadii sanno ee u dambeeyay waxaan ururiyay kalmado af ingiriisi ah oo gaadhay 600 oo kalmadood oo boqolkiiba 90 loo helayo turjumaadoodii afsoomaaliga ahayd oo sax ah laakiin waxay aamineen in hadii ay kalmadahan ingiriisigooda ku hadlaan ay macno ka wayn samaynayso ta soomaaliga. Way jiraan kalmado badan oo aan lahayn eray bixin afsoomaali ah. laakiin kuwaasi waa kuwo gaar ah. Sida kalmada STATEGY oo ay dadbada oo hal-door iskugu jira sugaanyahanno, qoraayo iyo aqoon yahanno badan oo ku shiray Dalka Jabuuti waxay kalmadaas rog-rogaan oo ay u raadiyaan afsoomaali ugu dambayntii waxay ku soo macneeyeen ISTARAATIIJIYAD. Waxay igu qaadatay inaan munaasibad kasta oo aan ka qeyb galo aan tiriyo dadka kala duwan ee ka hadlayaa inta ay soomaali ku hadlaan iyo inta ay ingiriisi ku hadlaan ayaan waxaan u samaystay buug aan ku xafido. Waanan sidan jiray buugayga munaasibad kasta kalmadahaas ingiriisiga ah ee lagu hadlayo ayaan qori jiray, hadaan ku soo beegmo munaasibad anoon sidan buugaygana tilifoonkayga gacanta ayaan ku sii xafidi jiray hadhawna waan ka wareejin jiray.

Kalmadah aan ururiyay aad ayay u badan yihiin waxaase ka mid ah;

In capacity building ka la dhiso
In advantage laga helo
In disadvantage ka laga eego
In strategic plan ka la horumariyo
In la implement gareeyo
In information sharing la sameeyo
In la approve gareeyo
In la advocate gareeyo
In la train gareeyo
In la lobby gareeyo
In la join gareeyo
In la facilitate gareeyo
In la establish gareeyo
In la determine gareeyo
In corruption ka la ilaaliyo
Institution ahaa
Aan comment ku daro
In aan context ka laga bixin
In civic education ka la sameeyo
In Youh centers la sameeyo
In recreation la sameeyo
Effect ga uu ku leeyahay
In data la helo
In Research la sameeyo
In raw material la helo
In laga qayb qaato Decision making ka
Waxaasi waa unique
Waxaasi waa series
U fikir si rational ah
In aan lagu confuse garoobin
Anaa inoo lead gareynaya
Banker ayan aha
Follow ga barnaamijka
Waa role model
Unfortunately nasiib darro
Challenges fara badan
Donors ayaa inaga caawinaya
Emergency ha igaga dhigin
Context keena marka laga eego
Media heenu ma wanaagsana
Waa case jira
Waa issue muhiim ah
Congratulate gareeyay
Level ka caalamiga ah
Foundation caan ah
Reform ka la sameeyey
Waxay shape garaynaysaa
Partners ayay la yihiin
La launch gareeyey
Cabinet ka la doortay
Globalized ayuu adduunkii noqday
Waa very logic meeshaasi
In revenue ga la kordhiyo
Waa arrin sensitive ah
International recognition la’aan
Lack of expertise ayaa jirta
Hundred percent weeye
Ayaa minute-ka inoo qaadaya
Sheeko funny ah weeye
Intani waa qayb ka mid ah kalmadaha faraha badan ee aan ka ururiyay bulshada qeybeheeda kala duwan waxaanan ku soo bandhigi doonaa maqaalo kale insha’alah.
Culimada diinta ayaa iyaguna ah kuwa dhankooda masuulka ah hoos u dhaca afkeena. Sheekhyadu hawlo aad u muhiim ah ayay u hayaan bulshada, haday tahay tilmaamidda xaqqa iyo farista wanaagga iyo xumaan reebista ba. Hadaba dhanka ay iyaguna ka galayaan dabar-go’a afka soomaaligu waa iyagoo markay dadka wacdinayaan, intay afka soomaaliga ku hadli lahaayeen ay ka doorbidaan inay afka carbeed ku hadlaan, ama ay inyar na ku hadlaan afka soomaaliga inta kale na afka carabida. suugaanta Tusaalayaasha u soo qaataan marka ay wanaag sheegayaan ama ay xumaan dadka uga digayaan, dhamaan waa wada suugaanyahanada carbeed. Markaa waxaan is weydiiyay talaw Suugaantiina ama gabayaaga Soomaaliyeed miyaanay lahayn gabayo dhinaca diinta ka hadlaya? Haa weeye jawaabtu oo sugaanyahanno badan ayaa leh qeybaha kala duwan ee suugaanta oo ay uga hadlaan si aanay uga hadal carabtan aynu ka soo dhuxul-qaadanayno, markaa maxaa Culimada Diinta u diiday inay tusaale ama tilmaamid u soo qaataan gabayaa la wada fahmo fariinta uu wado, maxaa u diiday Gaarriye, Hadraawi, Timacadde iyo dhamaan suugaanyahannada soomaalida meelkasta oo ay joogaan inay halkay ka soo qaadan lahaayeen nin carabi ku gabyay. Dhamaan bal u fiirso ogaysiisyada muxaadarooyinka, astaamaha meherada Maktabadaha Islaamiga ah, iyo duruusta kale ee lagu bixiyo masaajiddada waxaa ku wada qoran af carabi inta fahamtaaba ay aad u yartahay.
Ganacsatada oo doorka ugu wayn ba ka qaata sii xumaanshaha afkeena; bal hal su’aal ah aan idin weydiiyee yaa wali ku arkay dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ka kooban tahay Somaliland, dukaan ama meherad ganacsi astaanteeda ama magaca meheradda oo ku qoran afsoomaali sax ha ahaado ama qalad e? Waxaan filayaa inay adagtahay, hadday se jirtaba aan la soo helayn wax ka badan mid iyo laba meheradood. Mar aan cilmi baadhis kala shaqaynayay shirkad la yidhaahdo KIMETRICA INTERNATIONAL ayaa waxaanu ka samaynaynay cilmi baadhis dhamaan lixda magaalo ee waawayn iyo Wajaale oo aanu tirikoobaynay caqabadaha haysta ee dhinac kasta ah, dadka aanu waraysanaynayna waxay wada iskugu jireen ganacsatada waaweyn, dhexe iyo kuwa yar yar ee quutal-daruuragooda kala soo baxa ganacsigaas. Marka laga tago shaqadayda iyo buuxbuuxinta weydiimaha looga baahan yahay in wax laga ogaado, waxaa ii raacsanaa cilmi-baadhistaydii kale ee ku saabsanayd u fiirsashada astaamaha (Boodhadhka) meherada aan waraysanayay ama aan ku arkayay wadooyinka. Waxaan helay Dukaan ku yaalla Magaaladda Burco oo ahaa ka kaliya ee aan ku arkay boodhkiisa afsoomaali oo uu si fiican ugu qoray waxyaabaha uu ka ganacsanayo oo afsoomaali sax ah inta aan aniga ka garanayay, laakiin anoo u bogay meheradan ayaa hadana waxaan arkay in Magaca meheraddu ba ku qoran tahay af ingiriisi.

W/Q. Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Mobile: +252 63 4429181
Email: action50@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles