Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

“Dhalandhoolka dhallaanka dhib weyn baan ku Qabaa” Qalinkii Samataliye Cabdisitaar Dubad

$
0
0

“Dhadhamada dhallaankani
dhul-shisheeye loo dhigay
dhulgariir ka Daraneee
dhalintii dhulkaygaay
 dheef miyaad u aragteen
dhalanteedka Yurubee
afrikaan dhiciisiyo
Magafiyo dhibtiisii
Saxarii dhunkaal iyo
Cunay Dhaayahaygii
Dhamaantood dadkaygii
Dhimashada u wada qoray”
        Ereyadii Samataliye Cabdisitaar”
dubadTahriibku waa Aafo, Musiibo iyo mahalako bulshada Afrikaanka guud ahaan gaar ahaana Umadeena Somaliyeed  saamayn baaxadleh ku haysa, waa cudur iyo Caadaysi galaaftay  kumanaan kun oo da’yartii cilmiga iyo cududa u ahayd dalka, waa mushkilad maaraynteeda aynu guud ahaan masuul ka nahay aynu u sii kala mudnaanee, waa Mihnad mudooyinkan danbe meherad u noqotay wax magarato maan-raac ah oo aanay masuuliyadi ka saarnayn umadan haadka shimbiraha iyo hanfiga saxaraha loo dhigayo ama badweyn lagu haligayo  inta huudhi buufimo ah si hoosiis ah habeen loogu guro..

Hadaba su’aasha taagani waxay tahay Tahriibku ma wuxuu noqday tab iyo xeelad aynu waalidkii inagu soo tabcay ugu bedelayno  tiiraanyo, tacab khasaar iyo taftaaf aduunyo?
Inay bulshada cududoodii mustaqbalka iyo maantu ay badaha ku dhamaadaan ma waxay noqotay tamartii ugu danbaysay ee nolosheena aynu kula tacaalo?  Maxaase inaga hortaagan inaynu hankeena iyo himilada mustaqbalkeena ku hagno hiyi toosan oo horumar nafaheena iyo dalkeenaba u horseeda.

Somaliland waa dal hodana oo khayraadkiisa dabiicaga ahi kufilaan karo dunida kalena anfici karo hadaynu madax iyo minjo  isu xulafaysano mustaqbal ifaya oo bulshadu kaga guurto halkan aynu taaganahay  ee niyad xumada iyo rajo beelka da’yarteenii ku abuuray,
Hadaynu guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada  qaranku ka kooban yahay ay xafiiltanka siyaasadeed iyo isu xulafaysiga shakhsi araga ah intaynu dhan isakaga Tiirino u tafaxaydano tayaynta  bulsho isku tiirsan oo dhaqaale iyo maamul xoogan leh oo musuqmaasuq iyo cadaalad daro ka madhan kuna dhisan mabda’a maamul wanaaga iyo midnimada shacabka, dal dunida kale tusa danahooda si aynu uga iibino Ictiraafka aynu baadigoobka mudada ugu jirnay, dal dunida aqoonsi ka haysta dadkiisuna ku Najaxaan.

Aqoonyahankaa iyo xoogaa dalka ee maalin walba u xidhxidhan safarkaa aan dhamaadkiisa la ogayn iyo bulshadaa bir-magaydadeedii yurub ilaa dalka baylahdeedii waraabuhu ku cunayo,  waa kuwii dalkan ka dhigi lahaa mid isaga loo soo tahriibo oo dunida kale u soo shaqo iyo shaxaad doonato, nasiib darose waxay ka doorbideen in dal kii lahaa uu hagaajistay ay  noloshiisa u hanqal taagan,

Waxaan ku soo ururinayaa maqaalkaygan Tahriibku waa naftaadii oo aad galaafanayso, gumaynayso oo aad gaajaysiinayso , waalidkii oo aad goblaminayso iyo dalkaagii oo aad gaabis gelinayso ee aynu ka dheerayno umadeena, maxasteena iyo dhalaankeenaba ugana digno masiibadan ba’an ee inagu habsatay ee Garbabeelka iyo ganacjabka inagu ah.
 Iyadoo aan madaxweynaha  uga mahadnaqayno gudidii ladagaalanka Tahriibka iyo shaqo abuurista ee uu dhawaan dhisay, waxaan leenahay mudane Madaxweyne Gudidaas weli warkeedu wuu nagu yaryahay hawshanina waa hawl culus ee waa in la dardargeliyaa dhakhsana wax la taaban karo ay u muujiyaan si looga badbaado musiibadan Tahriibka .

Wixii aan Saxay Eebaa ku Mahadsan Intaan Qaldayna Shaydaanbaa iska leh

Qormadii Iyo Qalinkii
Samataliye Cabdisitaar Dubad
cabdisitaar@hotmail.com
www.samotaliye.blogspot.com
+252-63-4430873
Hargeysa JSL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles