Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Badbaadinta Xisbiga KULMIYE waxey ku Jirtaa in Xisbiga laga qabto Muse Biixi Iyo Cabdicasiis Samaale:

$
0
0
Xisbiga KULMIYE oo ah Xisbi uu Aasaasay Madaxweynaha Hadda Kursiga Dalka Ugu Sareeya Ku Fadhiya ee Md Axmed Maxamed Maxamoud Silaanyo, aya ah Mid Somaliland Ku Leh Sumcad iyo Tariikh Balaadhan, Xisbiga KULMIYE waxu ka Mid Yahay Xisbiga Ugu tageerada Badan Marka la Eego Gobolada ay Ka Kooban Tahay Somaliland iyo weliba iyado Ku cad, sidi Doorashadi Dhoweyd ee Dalka Ka Dhacday ee uu la Kacay Cod 50% Dalka Codkiisa, Iyado Lixda Gobol ee Somaliland Ka Kooban tahay Ka Helay Aqbaliyad Ku Filaaday Ino Ku soo Baxo Kursiga Madaxtooyada.
 
Hadda Iyado uu Ku Guuuleystay Kursiga Dalka Ugu Sareeya Madaxweyne Axmed Silaanyo 2010 isago Isla Markiibana Xilka, Gudoomiyenimada Xisbiga KULMIYE iska Wareejiyay, Iyado aanay Noqon Karin Sharci ino Isko Hayo Labo Jago, ayo waxu Jagada Gudoomiyanimada Xisbiga KULMIYE Ku Wareejiyay Mujaahid Muse Biixi Cabdi Isago aha Markaas Gudoomiye Kuxigeenki 1aad ee Xibiga KULMIYE, Isago Markaas Xaq uu Laha Ino jagadaasi Sii Qabto, Ila Shirweyne Xisbiga KULMIYE Dhacayo si ay Halkaas Hadhow Loogu Codeeyo Cida Noqonaysa Gudoomiyaha iyo Kuxigeenada Xisbigaasi.
 


Si kasta ha ahaate Shirweynahi Loo Qaban laha Xisbiga KULMIYE Goolahiisa Dhexe. waxa Hadheeyey Tuhuno Siyaasadeed iyo Buuq badan Iyado Taasi kaliftay in La Isko afgaran Waayo Xiliga La qaban doono Shirweynaha Golaha Dhexe ee KULMIYE, Iyado Masuul kasta oo Ka haya Jago Xisbiga KULMIYE ka Baqanayo ino Waayi Doono Booskiisa ama Jagadaas uu hayo.
 
Waxa Suuqa Iyana Soo Gashay ino Cabdi Casiisa Maxamed Samaale oo aha Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Barlamanka oo haddana Loo Magacaabaya Jagada Wasaarada Maaliyada Xukummada Somaliland, Ino uu Taagan yahay Jagada Musharaxa Madaxweynaha Somaliland iyado Taasi uu Xaq uu Leeyahay Madaama uu ka Tirsan Yahay Xisbiga KULMIYE Goolahiisa, Waxaaney Taasi Wer wer Ku abuurtay, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muse Biixi oo isago haya Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Laakin Isago Isko Waday ino Isago uu iso soo Sharaxo jagadaasi.
 
Waxa Sheekada Suuqa Soo Gashay iyo Xanka Siyaasadeed ee Suuqyada Somaliland iyo Caalamka Laga Faleeyo in Mujaahid Muse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale Labaduba uu taaganyahiin Jagada Musharaxa Madaxweyne ee Doorashada Soo Socota, Iyado Labada Muwaadin ee Ka soo wada Jeedan isko Beel Hoose, ayay waxey Saameyn weyn Ku yeelatay Beesha Sacad Muse ee ay ka soo wada Jeedan Iyado, taasi kaliftay ino Ninba Salaadiin Gaar ah La shiro, Tageerana ka Raadsado Beesha.
 
waxa Magaalada Hargeisa Mar keliya Laga Maqlay Ino Shirweyne uu Qabtay Mujaahid Muse Biixi Saladiinta Beesha Sacad Muse Iyado Taasina wer wer Ku abuurtay Cabdicasiis Samaale Isago isna Xaggiisa ka abaabulay Shirweyne Kale oo Isna Salaadiinta Beeshiisa sacad Muse ugu Qabtay Hotelada Magaalada Hargeisa Mid ka Mid ah.
 
Iyado Taasi Sababtay Inay Iyana Salaadiinta Beelaha Sacad Muse Ku kala Qaybsamaan Ciday Tageerada Siin Lahayeen.
 
Si kastaba ha ahaate, Iyado Beelaha Sacad Muse uu kala Qaybsameen 2 garab, aya waxa garab Ka Mid ahi, Ku Dhawaaqen In Shirweyne Beesha Sacad Muse Loo Qabto, iyado ay Sheegen inay ay uu Baahanyahiin Inay Beesha Sacad Muse si Mideysan uu Doortan Musharax uu Tartama Doorashada Madaxtinimada ee Inagu soo Foosha Leh, Iyado Ka dibna ay Garabki Kale ee Iyana Ka Tirsanayd Beesha Sacad Muse ay iyana Ku Dhawaaqen Shirweyne Kan La Mid AH.
 
Iyado Muranka Siyaasadeed ee uu Dhaxeeya Labada Siyaasi ee Kala Muse Biixi iyo cabdicasiis Samaale, aya waxa Ka Muuqata Xisbiga KULMIYE Qudhiisa Ino Bur Bur ino Qarka uu Saaranyahay Madaama,  Laga dareemayo Xisbiga Gudahiisa in Loo kala Qaybsamay Iyana Dhowr Garab, oo Shakhsiyad Kala Tageeraya, Iyado Cuduuda weyn ee uu kala Jabay uu yahay, Mid uu Kala Qaybsan ( garabka Mujaahid Muse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale) 
 
Haddaba Maxa La Filan Kara Shirweyna Xisbiga KULMIYE ee Lagu Dhawaaqay ino Dhici Doono, Bisha DEC 2013, Miyo Qabsoomi Mise Dib ayo uu Dhici Doona, Mise Shirweyne Beesha Sacad Muse ee Hadda Ka socda Duleedka Hargeisa aya Xal Ka soo Saari Doona Dabeysha Siyaasadeed ee ay Kiciyeen Labadan Siyaasi.
 
Mise Badbaadinta Xisbiga KULMIYE waxey Ku Jirta Ino Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamoud Silaanyo ino Mar Kale Jagada Dalka Ugu Sareysa ino iso soo Sharaxo Sido Xisbiga KULMIYE uu Badbaadin Laha?
 
Waa Bilaahi Towfiiq
 
Jaamac C/Laahi Biime
Burao@Live.com
London

Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles