Ujeedada qoraalkan saldhig waxaa u ah arrin muhiim ah oo ay magaalada Boorame iyo shacabkeedu aad iyo aad ugu baahi qabaan taas oo ah Madaar la,aan una baahan in la helo si ay bulshada Galbeedka Somaliland uga faa’iideysato.
Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nebi Muxammed. Intaas ka dib Waxaan jeclaa inaan ka hadlo amase ka faalloodo arrimo dhawr ah oo khuseeya arrimaha horumarka Somaliland gaar ahaana Galbeedka siiba degmada Boorame ee gobolka Awdal.
Magaalada Boorame waa magaalo aad u balaaran isla markaasna hadda lagu tilmaamo karro inay noqon karto magaalo u qalanta in loo dhiso Garoon Diyaaradeed oo caalimiya , marka la eego tiradda bulshadda ku dhaqan,baaxadda degaanada galbeedka Somaliland ee intaa leeg iyo bilicdda guud ee dhismaha magalooyinka degaankaasi ka dhisan yahay.
Magaalada Boorame waxaa ku nool bulsho aad u balaaran oo ku abtirsada in ay qayb-weyn ka soo qaateen Nabada, dhismaha iyo dowladnimada jamhuuriyada S/land , dadka ku dhaqan magaalada boorame waxay jecelyihiin horumarka S/land iyo degaanada ay ku noolyihiin sidii horumarkoodu aanu uga hadhi-lahayn qaybaha kale ee wadankooda ,taasi oo intooda badan ku dadaala sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadda iyo bilicdda Magaalada inkastoo bilicdada magaalada qaarkeed iyagu awoodi waayeen inay ku soo kordhiyaan waxyaabaha muhiimka ah sida Madaarka.
Magaalada Boorame ee meel istaraatiji ah marka laga hadlayo gobollada galbeedka dalka somaliland,waxaana ay xilligii dagaalada sokeeye ka dhaceen dalka Somaliland ahayd meesha kaliya dadkeedu ay u guntadeen sidii wadanku nabad ku noqon-lahaa isla-markaana waxa ay noqotay halbowlaha hooyada Dowladnimada , nabada iyo waxbarashada Somaliland.
Aan u soo laabto ujeedada maqaalkan maanta keenay inaan ku soo daabaco shabakadaha wararka iyo maqaalada laga dheehdo. Ujeedada qoraalkan saldhig waxaa u ah arrin muhiim ah oo ay magaalada Boorame iyo shacabkeedu aad iyo aad ugu baahi qabaan taas oo ah Madaar la,aan una baahan in la helo si ay bulshada Galbeedka Somaliland uga faa’iideysato.
Ma jirto garoon diyaradeed u dhow dadka galbeedka S/land ku dhaqan, ama si caadi looga isticmaalo Magaalada Boorame,waxaana dadku isticmaalaan badankoodu ay ka soo degaan madaarka Berbera oo aad uga fog ,kaas khataro dhimasho keena iyo weliba madax xanuun kugu ridaya dadka safarada gaar ahaana qurbajooga galbeedka S/land maadama uu yahay safar aad u dheer oo ay ku soo dalaan. Waxaa magaalada Boorame jirta madaar la,aan taasna maahan wax waxtar muhiim ah u leh shacabka.
Jaaliyadaha ka soo jeeda galbeedka S/land gaar ahaana kuwa gobolada awdal iyo Selal waxaa sanadihii iyo bilihi ugu dambeeyey ku mashquulsanayeen Airport- diyaaradeed oo ay sheegeen in dhismihiisu ,laga bilaabo duleedka magaalada Boorame.
Shaqsi ahaan aniga garoonka diyaaradaha dhisidiisa waa arin muhiimsan in madaar joogto ah laga hirgeliyo Magaalada Boorame oo badhatanka Galbeedka S/land oo ay ku dhaqan yihiin boqolaal kun oo ruux kuwaasi oo baahi saa’id ah u qaba helida garoon diyaradeed 24 hours ah si bilicda iyo ganacsiga S/land u hormaro.
Dhinaca kale dhisitaanka garoonku ayaa iminka si fiican u bilaabmay oo dadweynaha degaanadaasu ay lacagii aad isaga uruuriyeen, waxaa garoonka dhismihiisa la bilaabayaa muddo dhow, waxaana ku baxaya lacago aad u badan markaad eegtana waxuu noqon waxqabadka muuqda oo la qabtey iyo kharashka baxaya oo loo baahnayahay in dowlad iyo shiciba aan loo kala hadhin.
Dhisida garoonka iyo arrimaha la xiidhiidha waxaan ka aaminsanahay inay horumar balaadhan u tahay xukuumada S/land kaasi ah in balanqaadyadii barnaamijka Kulmiye uu waxqabadkiisu wadanka oo dhan wada gaadho madaama laga faraxashay madaarka Egal international Hargeisa isla markaasna muwaadiniinta qurbaha ku nool ay ku tageeraan dowladooda si waxqabadka uu bulshada oo dhan u wada gaadho.
Waxaana haboon in bulshada dooneysa horumarka ay ku dhaqdhaqaaqo waxyaahaba muhiimka ah sida bilicda degaanka, garoonka iyo waxyaalaha kale ee la xidhiidha.
Si kastey ahaataba waxaa Jaaliyadaha ama ganacstada Somaliland gaar ahaana kuwa ka soo jeeda degaanada aan kor ku xusay u soo bandhigi lahaa in fursad banaan tahay in laga faa’iideysto taas oo ah hirgelinta garoon diyaradeed Magaalada Boorame yeelato, Waxaana aaminsanahay in xukuumada , ganacsatada iyo ciddii arrintaasi ku talaabsata ay faa’iido wanaagsan iyo magacba ku dhex yeelan lahayd shacabka degaanadaas ka soo jeeda.
tusaale waxaan u soo qaadankarnaa ,asxaabigii cumar binu khadaab RC ,mar uu ka hadlaayey wanaaga dariiq toosan oo la jeexo ayuu yidhi ,waxaan ka baqaya in maalinka qiyaame xataa xooluhu i dacweeyaan oo yidhaahdaan maxaa jidadka noloogu samayn waayey cadaalad wanaaag awgii ,uu asxaabigu hiigsanayey ,sidaa awgeed wa in aan loo kala hadhin dowlad iyo shiciba hirgelinta Madaarka diyaarada ee Magaalada Boorame.
Alla Mahad leh.
———–
Hibo Elmi Husein
London -UK
Hibaq2005@hotmail.co.uk