Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Xil Qabte kastaa Dhac Hadoodilan ayuu u yahay Awdal iyo Gobolada dalka, Hargaisa iyo dadkeedana 85% Dan iyo munaaficaad

$
0
0

Xil Qabte   kastaa   Dhac Hadoodilan   ayuu  u  yahay   Awdal  iyo  Gobolada  dalka, Hargaisa   iyo  dadkeedana   85%  Dan  iyo  munaaficaad   ayuu  u  xisaabsanyahay !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Nidaam   siyaasadeedka   Somaliland   ku  dhisantahay  ee   Xaruntiisu   tahay    Hargaisa    waxa  uu   ka   ganacsadaa   ( Xoogga,  Xoolaha  iyo  Xil-kasnimada  Labeenta   iyo  Hal-doorka   Gobolada)  balse    Gobolada   iyo    dadkoodu  iskuma   haystaan in   ay   koriyaan    dhaqaale  ahaan  iyo  camiraad   ba   Hargaisa   iyo   Dadkeeda,  Dadka   Goboladu   kaliya   waxa    ay   ku   faraxsanyihiin   in  ay    Hargaisa   yimaadaan   ama     u   soo   guuraan   si    xisaab   iyo   qiimo    la’aan   ah.

Xil-Qabte    kasta    oo   Awdal  iyo  Gobolada  kale   ee   dalka    ka  mid  ah    waxa   ay    Midhaha ,  Manfaca   iyo  Maalkaba   u   hooriyaan    85%  waa    Hargaisa ,  halka   Gobalada   iyo  dadka  ay   siyaasada  ku  matalaan   ( Manfac   iyo   Midhaba  waxa   soo   gaadha   Awdal  iyo  Goboladaba  hambada      Hargaisa   ka   soo   hadha    oo   hab    hiif   ah   iyo   waliba   sidaa    in  ay   wax   weyn   tareen/ qabteen    ay    isku   arkaan    mid    Gobolkiis ,   ha   ugu   ayaan    daraadeen   kuwa   Awdal  e’ )

Hargaisa  ayey   dan  iyo  munaaficaad   u  yihiin   85%   macnaheedu  =

 

1.) waxa   ay   tahay    Masuul    kasta   oo   la   magacaabo    mushaarkiisa  iyo   lacag     kasta    oo  si   toosa   iyo   si  dadban   u   soo   gasha     waxa   uu  ku   cunaa    85%  in   ka   badan     Hargaisa      marka  lagu   daro   inta   uu  shaxaad  u   bixinaayo  iyo  inta  martiqaadaayo ;   waxa   suuragal   ah  10%    in   ka  yar   oo   lacagtaasi    ah   in  ay   soo  gaadho  Awdal  iyo  waliba   Gobolada  kale     habka   ay   ku   soo  gaadheysaana    waliba   yahay    shaxaad    iyo    kalifaad     odayo    oo   intuba    Hiif  iyo   fara-saydh-saydh    kaga     soo    baxda ,   halka  5%    suuragal   ay   tahay   saaxiibo   gobolada   kale   ah   in    uu   ku   marti-qaado   taasina   wax   saxa   ay     tahay   balse   sawirka    guud    mudane   akhriste   Miyuu    matalaa    dadkii   iyo   gobolkii   uu   ka   soo   jeeday ?  malahayga   waxa    aan   u   arkaa   dhac   hadoodilan    dadkuna   dareen   la’aan    ugu  faraxsanyihiin    ayaan    u    arkaa.

2.) Mashaariic    kasta   iyo   fursadaha   yaala   xafiisyada   wasiirada   Hargaisa   jooga    waxa  85%   xaabsada    dadweynaha    reer    Hargaisa,   ha    ugu   sii   darnaadeen    wasiirada   Awdal   ka  soo  jeeda   ,  waayo   mid   kasta  oo  la  magacaabo    waxa    uu   shaqaale   fiican   oo   fariida    u  yahay   Reer   Hargaisa    iyo   had-ba    madaxweynaha   xilka    haya    gobolkiisa      sababtuna   waxa  ay    tahay   kuwa   reer   awdal    waxa    ay   dareemayaan   in   aaney    gurigoodii   joogin   ,  habrasho   ka   dhalatay   joogid   la’aanta    gobolkiisii     darteed   ayey    ku   bartaan   iyaga   oo    ku    faraxsan    fursadaha   markaa    xafiiskooda    yaala   dadweynaha     Hargaisa   ee    ishooda    fahmay ,    masuuliyiin   Awdal    dadka   Awdal   Xilka    ku   hella      marka    qof    reer    awdal   ah   albaabka   uga    soo   gallo    hoos   ayey    u   yara     naxaan,    iyaga   oo   ka    baqaya   in   la   yidhaahdo   (  meeshiiba    waxa  uu    ka  dhigay   meel    Gadabuursi )   muraad   ay   wadaataan    dadkaa  uu   matalayaa    waxa   u  hirgala   10%  waliba   ma’aha     marwalba  ,  ma   jeclaystaan   in   xafiisyadooda     uu   cabaar    la    fadhi    is  yidhaad-ho   qof   ay   isku    gobol  yihiin    xataa   wax   muhiim    ah   hakala   hadlayaba  e’ ,    hadii  qof   reer   Hargaisa   iyo   Gobolada   Bari    ah    ugu    soo   galaan    xafiisyada   aad    bay   u   niyada   iyo   oogadaba   uga    farxaan      muraadkasta    wey    u   fuliyaan   95%   oo    karaan   kooda   ah !!   mudane    akhrista      markuu   xaalku   kaa   yahay     miyaaney    aheyn    dhac    hadoodilan   oo   sidiisa    u   yaala ?   ma   kuu   muuqataa  in      isbedal    lagu   maareeyo     habkan   nolosha   siyaasadu  u   socoto   oo   loo   baahanyahay  ?.

 

Ayaan    Darada    ugu  weyni   waxa   ay    tahay   iyadoo  Hargaisa  ay   Xaalufisay  ( Xoogga,  Xoolaha  iyo  Xil-kasnimada  Labeenta   iyo  Hal-doorka   Gobolada)  in  ay   Handana   Qaadato ( Tirada    Xillalkii   ugu   Badnaa   ee   Dalka   !!  Halkii   ay   aheyd     in  Hargaisa   oo    dareemaysa    sida    Dadweynihii   Goboladu   u   gobeeyeen    iyada   oo   khajilsan  oo    farxad  iyo   mahadnaq  uurka   ah    Hoosta   ka  eegaysa    gobolada   in   ay   tidhaahdo   Hadaan    Hargaisa   ahey    Goboladow   idinkaa   iga   mudan   e   qaata   tirada    ugu   badan   ee   kuraasta   ah  ,   hadey  wasiiro   tahay  iyo   hadey    xildhibaano   tahay    waayo???    Dhamaantood    calloosha    Hargaisa   ayey     Marti   u  yihiin    iyada   ayey    Dad   ku   qabta    oo   munaafacaadsata.

 

Gabo-Gabo   iyo   Gunaanad:

Sida    nolosha    siyaada   ee   dalku   u   socotaa   kaliya   waa   hab-siyaasadeed   faa’iidadeedu   hal    dhinacle    tahay,   Hargaisa  iyo   shacabkeeda   ayuun  bay  dan   u   tahay ,   Goboladana   Been,  Hafar  iyo  Dhac-hadoodilan    ayey    ku    tahay,    mana    haboona   in   ay   siisocoto    siyaasada    noocan   u  jilmaysaa    waa    in   Dastuurka   la  furo,   AWDAL     waxa   ay   u   baahantahay   Dawdal    Goboleed    70%    talladeeda   iyo    maamulkeeda    maasha   iyo   malafsata  , Hargaisana   30%   laga    maamulo ,    Gobolada    kale   iyagaa   u   madax    banaan    rabitaankooda.

Mudanayaal     manecbi   Hargaisa    iyo    dadkeeda    balse   nasteed   iyo    samadoon    ayaan  u   ahey   dhamaan   dadweynaha    jamhuuriyada   Somaliland.

 

Dr.khadar -Libaaxley

   dr.khadar05@gmail.com

   gargorey4@gmail.com

   Regional political analysts

Ahna   isbedel   Doonka   Siyaasada   Dalka

 

    4/14/2019


Qareenka Qaranka: Dariiqii dheeraa ee cadaaladda -qaybta 1aad

$
0
0

WAX YEELADU DABEECADAYDA AYAY KA MID TAHAY ?

$
0
0

Dabeecadaha dadku way kala duwan yihiin , oo qaarkood waxay leeyihiin ,

1-Dabeecadda xayawaanka doogga cuna oo kale , kuwaas hami iyo qamigoodu yahay , wax lacuno -wax lacabo iyo shahwad uun .

2-Dabeecadda xayawaanka hilibka cunana , waa in uu wax dilo – wax burburiyo -wax gaado  colaad -nacayb wax ka baji – hanjabaad -u xoog sheego kuwaad ka xoog wayn tahay iyo shahwad uun .

3-Dabeecadda sheydaanka ayay qaarna leeyihiin , wax lakhiyaameeyo – cid laysku diro- cid la daba galo – dulmi -isku dhifasho iyo camal sheydaan oo dhan .

4-Qaarna dhaqanka malaa iikta oo kale ayay leeyihiin , aadna way u yar yihiin .

Culimada cilmaga nafsiga ma yaqaanaan , ilaa iyo iminka si ay u fasiraan DABEECADAHA dadka , iyo waxa ku kelifa inay wax dilaan – wax burburiyaan – naqayb . iyo cadaawad badan oo ay dadka kale u hayaan .

Beri waxaa dhacdey in uu DIBQALOOC , meel webiya yimi , oo uu doonaayey inuu dhinaca kale uga gudbo , si alaale iyo si uu uga gudbo wuu garan waayey , MARKII danbe ayaa uu arkey RAH agtiisa taagan .

Waxa uu ku yidhi DIBQALOOCII : rahaw dhabarkaaga ma kori karaa , si aan webiga uga talaabo , oo webiga maad iga gudbin ?

RAHII :wuxuu ugu jawaabey : maya raali iga ahaw , WAAYO ?  waxan ka baqayaa inaad i QANIINTO ?

DIBQALOOCII :(ayaa ugu jawaabey) miyaad waalan tahay , arintaasu ma  dhici karto ,oo caqliga ma geli karto

haddii aan ku QANIINO saw dhiman maysid , anna saw dhiman maayo , oo biyaha ku qarqi maayo .

miyay kula tahay , inaan doonaayo inaan dhinto .

Dibqaloocii waxa uu keenay arin caqli gal ah , oo lagu qanci karo .

illayn hadii aan ku QANIINO adna waad dhimanaysaa , anna waan dhimanayaaye .

RAHII:sidaas ayuu ku ogolaadey inuu xanbaaro dibqaloocii .

RAHII: oo dusha ku sida dibqaloocii ayaa marka uu meel dhexe maraayo webigii , ayaa DIBQALOOCII qaniinay RAHII .

rahii ayaa dareemay xanuunkii qaniinyadii  dibqaloocu ku dhiftay , markaasaa inta uu cirka ka qayliyey , ayuu dibqaloocii , su aaley ?

WAAR MIYAAD WAALATAY  ? MAXAAD II QANIINTAY ? labadeenuba saw wada dhiman mayno ? sawdigii ii ballan qaadey , inaanad i qaniinin ?

DIBQALOOCII: (baa ku jawaabey) MIYAAD ILAWDAY , INAAN DIBQALOOC AHAY ?.

DIBQALOOCA dabeecadiisa iyo dhaqankiisaa ah , in uu wax qaniino , waayo ? noloshiisa iyo jiritaanka dibqalooca ayaa ku dhisan wax QANIIN .

Xataa haddii ay dhimashadiisu ku jirto .

Hadaba nolosha siyaasiyiinta somaliland (qaarkood) , gaar ahaanna siyaasadda xisbiga KULMIYE , ayaa waxa u saldhig ah , CADAAWAD – NACAYB-AARSI -ISKU DIR -DABAGAL -HANJABAAD – DULMI iyo arimo kale oo aan wanaagsanayn oo badan .

Arimahan oo qaar kale oo badan ayaa ka INDHO tiraaya inay wax qabtaan , dalkii iyo dadkiisii ay wax u qabtaan .

BERINA TUKE ayaa saabuun xaday ,oo la cararey , markaasaa waxa la waydiiyey , WAXA UU U XADAY SAABUUNTA , kol haddii aanu u baahnayn , oo AANU CUNAYN ama  AANU KU MAYDHANAYN .

Markaasuu ku jawaabay :DABEECADEYDA AYAA WADA WAXYEELO AH .

CALI MAXAMED BIIXI      caliwwelli@hotmail.co.uk

FAALIYE ISU FAALIN GARAN WAAYEY

$
0
0

Waxa jirey nin faaliye ah oo dadka u faalin jirey , ugana warama waxa ay la kulmi doonaan mustaqbalka iyo aayahooda danbe ,lacag badana wuu kaga qaadi jirey beenta uu u sheegaayo  Isaga oo ka faa iidaysanaaya jaahilnimadooda iyo garaad yaraantooda awgeed .

Maalinmaalmaha ka mid ah , ayaa qaxa u yimi nin , waxa uu ku yidhi :gurigaagii waa la jabsadey ,waanu albaab la yahey , wixii yaalayna waa la gurtay , oo shay lagagama tegin .

Faaliyihii intuu si degdeg ah isu taagey oo aad iyo aadna u cadhoodey oo samada ka qayliyey ayuu xaggii gurigiisii u dhaqaaqey , siduu u soo eego waxa gurigiisii ku dhacay .

Nin baa meel halkaas ah kala socdey faaliyaha , arimahan loo sheegaayona ka maqlaayrey , kalana socdey . Markaasaa waxa uu faaliyii ku yidhi : waxaad ka warantaa waxa dadka ku dhici doona iyo waxa ay la kulmi doonaan , laakiin adiga waxa kugu dhici doona iyo waxaad la kulmi doontid midna kama warheysid , waanad ogaan weydey waxa kugu dhacay, hadaba muxuu faalkaagu adiga wax kuugu sheegi waayey ?

Hadaba waxa jira dad (koox) ka waranta waxa ay ku sameyn doonaan cidda kale , laakiin kama war hayaan mana ka war qabaan waxa iyagu la kulmi doonaan .

wax ma fahantay

CALI MAXAMED BIIXI          caliwwelli@hotmail.co.uk

LACAGTAYDA ILA AASA

$
0
0

Waxa jiri jiray Nin aad u dhabcaal ahaa  (bakhayl ) aadna u lacag jeclaa , noloshiisii oo dhanaa wuxuu ku qaatay lacag ururin, berigii danbe ayuu gaboobay oo xanuunsaday , isaga oo sakaraad ah ayuu xaaskiisii la sii dardaarmay , wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaan kula inaan kula sii dardaarmo iina ballan qaadin inaad fuliso arinkan aan kuu sheegi doono , oo ah haddii aan dhinto waxaan doonayaa in aad lacagtayda oo dhan ila xabaasho , oo iilka laygula rido , si aan aakhiro ugu qaato .

Xaaskiisii way u ballan qaaday inay dardaarankiisa u fuliso . Laba casho kadib ayuu odaygii dhintay (geeriyooday) , Markii la kanfay ee la damcay in laqaado suga , inta ay ag-fadhiisatay maydkii ayay kafantii meel ka dilaacisay , oo ay  gelisay sanduuq yar , kadibna qaada ayay tidhi .

Saaxiibadeed ayaa waxay waydiisay : Naa ma dardaarankiisii baad fulinaysay , oo lacagtii oo dhan baad kafantiisa meel ka gelisay ?

Waxay ugu jawaabtay : haayoo dee waan u ballan qaaday , oo dardaarankiisii waa inaan u fuliyaa. Gabadhii oo aad u cadhootay baad ku tidhi : Naa shaw bahal nacas ah baad tahay , oo aan abddo (faa’iido) lahayn , anna waxaan ku moodaayay inaad intaa dhaanto .

Iyada oo aan cadhoon ayaa waxay ugu jawaabtay : waayo miyaanay xoolihiisii ahayn ?

Gabadhii oo aad u cadhaysan ayaa hadana waxay weydiisay :Naa ma kaa dhab-baa iminka ?

Waxay ugu jawaabtay : horta saaxiibay lacagtii oo dhan inta aan ururiyay , ayaan baankaygii ku shubay (accoun -kaygii) , ka dibna (check) jeeg ayaan u qoray saygaygii (ninkaygii)oo magaciisii ku qoray iyo tiradii lacagta , jeegiina kafantiisii ayaan u geliyay , sidaasna dardaarankiisii waan sameeyay , ballan qaadkaygiina waan u fuliyay , bal hadaba isagu jeegga aakhiro ha ka sarifto .

Hadaba waxa iswaydiin leh , xukuumadda kulmiye ee shaqadoodu noqotay lacag urursi iyo dhac hantida dalka iyo dadka , ee weliba tartanka ugu jira , sidii ay  wax u boobi lahaayeen oo qudha .

Bal xaggee bay wax u urursanayaan , ma akhiro ayay ganacsi kaga geli doonaan ? mise aakhiro ayay guryo kaga iibsanayaan ? mise waxay moodayaan in naarta jahanama lacag lagaga badbaado ? mise waxay moodayaan in janada lacag lagu iibsado ?

Hadaba ogow  lacagta aad urursatay ee xaaraanta ah,  aakhiro waxba kaaga tari mayso aan ahayd cadaabta oo lagu geliyo , ogowna aakhiro xisaab-baa taala .

Hadaba idinka oo aakhir-cimri taagan , maxaydun ilaahay la hortegi doontaan .

Ilaahayaw khaatumada ha na seejin . aaaamiin .

Ilaahayaw khaatumada khayr nooga dhig . aaaamiin

CALI BIIXI BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk

SHEEKO DHEX AMRTAY FIQI IYO MUUSE YALAXOOW

$
0
0

Halkan kore waxaa ku sawiran fiqi oo muu jinaa banaankana keenay Muuse,waxaad markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya waa maxay sababta ka danbaysaa ee fiqi shaashada u keenay YALAXOOW? Waa sheeko dheer balse aan soo gaabinaayo.waayadanba waxaa socday in hormarka dhanka wanaaga iyo dawladnimo talaabooyin hore loo qaaday. in shacabkii iyo dawladii isla jaan qaadeen Mogidshana ay inbadan soo hagaagtay dhanka nabad galyada tanoo dawladu shaqo fiican qabatay.

Ciidamadii dalka oo diwaan galin iyo tayayn lagu sameeyay,danmaynkii oo dalkeena laga cafinaayo,xiriir fiican oo maraykanku layeeshay dawladaan iyo taageero uu siinaayo soomaaliya oo buuxda.hormarkaan wuxuu khatar ku yahay qawlaysato ku naaxday dawlad la aanta soomaaliya,oo ah shabakad maafiyo caalami ah oo hor taagnayd mudo aad u dheer in soomaaliya dawladiba ka dhalato kana shaqayso.

Hadaba waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso waa kuwee shabakada maafiyada caalamiga ahi? hadaba waa 3 qolo oo gudaha ah iyo qolo afraad oo dibada ah waa afartaa oo isku xiran. waana sidan.

1.Kuwo xildhibaano ah iyo kuwo siyaasiyiin ah dadka qaarno u yaqaan siyaasiyiinta xanaaqsan. qoladani waxay ku gabadaan xildhibaanimo,siyaasi iyo mucaarad,waxayna kamid yihiin shabakada.

2.Ganaacsatada suuqa bakaaraha,kuwani waa kuwa ku dhuunta ganaacsiga oo ku qariya lacaga hawlaha lagu fuliyo ee ay keenaan dawlado shisheeye,hawlahaas oo lagu horjoogsanaayo dawlad ka hanaqaada dalka iyo nabad ka dhacda mogdisho gaar ahaan.shabakada ayay kamid yihiin

3.Kuwo laba waji leh mid afka ayduubtaan dadkuna u yaqaan shabaab iyo kuwo wajiga aan duuban oo ah ciidanka xooga dalka kuwan oo ah kuwa fuliya hawlaha shacabka lagu gumaado,qarax ama dilal qoshaysan iyagoo amarka ka qaata siyaasiyiinta xanaaqsan iyo ganaacsatada siisa dhaqaalaha. waa shabakada iyaguna

4.Dawlado shisheeye oo dhaqaalaha bixiya oo ay kamid tahay dawlada emaraadka oo sodonkaa sanadood mar dhaw uun la ogaaday iyo dawlado kale kuwanina waa kooxda afraad ee kamidka shabakada maafiyada caalamiga ah ee isku xiran.

Hadaba afartaa oo isku xiran ayaa ah shabakada maafiyada caalamiga ah ee gudaha soomaaliya ka hawlgasha hortaagana dawladnimada soomaaliyeed inay hirgasho.

Hadaba FIQI waa xildhibaan katirsan baarlamaanka soomaaliyeed hadana ah xubin shabakada maafiyada caalamiga ah kamid ah qaybteeda u xilsaaran baarlamanka iyo siyaasada iyadoo mucaarad lahuwanaayo.shabakada ayaa go aamisay in ay dardar galiyaan oo horjoogsadaan hormarka iyo amaanka magaalada mogdisho oo shacabku dareemeen in uu soo hagaagay kuna farxeen. waxay bilaabeen qaraxyo iyo dilal isdaba joog ah si loo yiraahdo Mogdisho nabad maha dawladna kama jirto.

Dawladu talaabo ayay qaaday kuna xakamaysay amaankii maalmihii dhawayd khalkhalka gay ee shacabka lagu gumaaday.waxaana laga qabsaday meelo badan shabaab waana lagu raad joogaa ilaa hada. dalkuna dagaalbaa ku jiraa.hase ahaatee waxaa loo xilsaaray fiqi in uu muuse u tago kana faa iidaysto arimo la xariira degaan uu muuse ka dagan yahay Mogdisho oo kabax layiri maa daama uu yahay dan guud. muuse iyo dawladana wada hadal ayaa u socday caadi ahaa.

Shabakada maafiyada caalamiga ah xubin kasocota waa fiqi ee ayaa habeen madaw gurigiisa si dhuumasho ah uugu tagay muuse oo ka kiciyay hurdadii. waxa uu u sheegay in muuse la dulmiyay magaaladuna tahay magaalo beesha hawiye leedahay,mareexaan iyo daaroodna qabsadeen. waxa uuna usawiray soona xasuusiyay muuse dagaaladii sokeeye wuxuuna aad isugu dayay in muuse ciidan diyaariyo kharashkana uu balan qaaday in labixinaayo. mudo dheer ayay wada hadlayeen oo muuse dhan walba laga tusay in uu beesha kiciyo oo la abaabulo kacdoon beeleed rajiimkana layska tuuro heeryadiisa.

Muuse warkaas waa ku cuslaaday, sidan warka ku hayno Muuse oo ah nin balaayo in badan u soo joogay iyo foolxumo dagaal iyo qabiil intaba hadana ah masuul aqal sare ayaa liqi waayay warkaa fiqi wado oo ah dagaaladii sokeeye dib haloogu noqdo.muuse waa ka aamusay in uu yeelo taladaa fiqi oo yeelay iyo diiday midna ma oran.hayeeshee mardanbaa fiqi ka soo fakatay muuse adiga doqon baa tahay ifahmaynin!!

Muuse waa dhibsaday warkaas iyo kalmadaan u danbaysa ee fiqi. wuxuu yiri muuse Aryaa nin muslim ah day hee lama jeer god lagama qaniino,xaa abgaal dheefay siyaad ka hortagtii doraad adaan ku warsahaa hee? yahooy afxumada igala aal,muuse ma karyo day hee mahaan aa mareexan fadhaa barigii  la arkaba ee abgaal isaga dhig yeelmi makaro, adaan ku war sanaa hee xaaka haraaya abgaal mugii dawladii timaadama loo hormarinaayo si loo dhameeyo? Hadaadse daacad qabto adaa keenay farmaajo asaad muga iidiree,xakaa halaysan minaad ciil u qabto mareexaanka aad sheegayso hortaaday fadhaane gal hee ma rag la aan aa ku hayso!!  igaar xabad ku dhinto muuse marabyo waxbadan aan usoo joogay xabadse kama dheefin  badalkeeda in uu waxbartaan rabaa oo uu nabad galyo helo.

Fiqi oo quus taagan waaguna soo baryaayo,ayaa yiri nin fiican aad iska dhigee dagaal ooge ayaad tahay dad badan laayay maxaa kuu dhawrsoon muusoow? Musee ayaa u jawaaboo yiri Aryaa muuse maalin cad uu dagaal galaayay mana qarsan mana gaadin ciduu la daalaayo,adiga iyo xasan sheekh dadkaa hoos u xasuuqayseen oo adiga naftirkaaga markaad nabad sugida ahayd xabsiga ku tooganaysay maxaabiista dagaal ooge ma aheen miyaa ma muusaa ka dilay soomaali halahaad disheen adinku waa isnaqaane.

FIQI oo caraysan kuna guul daraystay dhagartii loo isticmaalilahaa muuse iyo beeshiisa ayaa irida kabaxay. Waxa kaliya oo uu ku guulaystay in uu helo masawir cadaynaya in uu la kulmay muuse hawshii loodirayna qabsaday taasoo uu ku helay lacagtii loo qowsheeyay ee ay bixisay dawlada emaraadka. muujinta sawirka muuse waa lacag qaali ah oo u bislaatay fiqi tan muuse waa laga hoos bixiyay mana fahmin in fiqi yahay xubin shabakada maafiyada caalamiga ah ka tirsan wuxuuse u haystaa xildhibaan caadi ah!!! laakiin in dadkiisa la galiyo dab waa diiday muuse si cad. tani waa sheekadii dhexmartay muuse iyo fiqi oo kooban.

Yuusuf Omar mashruuc5@hotmail.com

Qareenka Qaranka: Dariiqii dheeraa ee cadaaladda -qaybta 2aad

“Madaxweynaheenu Wuxuu Yidhi Cigaal Ayaa Dekedda Berbera Qarameeyay 1975-kii, Sacad Cali Shirena DP World Isagaa Inuu Keenay Oo U Dhabar Adaygay” Muniir Axmed Cigaal

$
0
0

“Madaxweynaheenu Wuxuu Yidhi Cigaal Ayaa Dekedda Berbera Qarameeyay 1975-kii, Sacad Cali Shirena DP World Isagaa Inuu Keenay Oo U Dhabar Adaygay”  Muniir Axmed Cigaal.

Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal faalo badan bulshadu ka bixisay oo uu kaga hadlay Nuxurka khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Magaaladda Berbera wuxuu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, qoraalkas ayaa u dhignaa sidan.

Cajiib: Horta  Walal maanigaa moodayay mise Madaxweynaheena Mud. Muuse  Biixi Shalay wuu halmaamay mise tollow  wuu is moodsiiyay, mise sikale oo aan ahayn sidaynu wax u aragno ayay wax jiraan?: Khudbadiisi Berbera wuxuu yidhi “Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ayaa Dekeda Berbera Qarameeyay 1975-kii” Ogaalkay Cigaal 1975-kii iyo 1974-kii waabu xidhnaa.. Yeelkadeedi Madaxweynuhu wuxuu hadana yidhi “Keenista Dp World  waxaaba ammaanteeda leh shar iyo Khayr Wasiir Sacad Cali Shire. “ Cajiib kale .. Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi wuxuu hadana u cudur daaray Dadkii ka soo horjeeday mashruuca Dekeda ee Maantana saxda u arka wuxuuna yidhi “ Marka dagaaladu dhacaan Dadkaa yara wareera oo wax wayn ma ahayn”… Iyana waa Cajaabaha ay khudbadii tariikhiga ahayd ee Madaxweynaheenu xanbaarsanayd..

Ogaalkay Sacad Cali Shire waabu ka soo horjeeday mashruuca Dekeda oo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayuu la dareen aha Youtube ka ayaanu ku jiraa. Xitaa ansixintii Golaha Wakiilada kamuu qayb galin. Waase yeelkadeede kol hadaanu Ninkii Casaa ee Maxamuud Xaashi ku dhici karin waar Siilaanyo ayaa na xukumaayay oo Madaxweyne aha oo keenay Dp World shar iyo Khayr waxay Dalka u soo kordhiso wali khayr keedi ummaddu way sugaysaaye . KULMIYE isagii kala cuqdadaysan oo is aasaaya uun iga dheh…

Tusan

Muniir Axmed Cigaal .


“Dawladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ” Wasiir Faratoon

$
0
0

Hargeysa (Berberanews)-Wiirka arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Diyaaraha aan la aqoonsan ee walxaha ku daadiyey Deegaano ka tirsan Degmada Salaxlay, waxaanu sheegay in xukuumad ahaan ay arintan baadhitaan ku samaynayaan, balse aanay marnaba raali ka ahayn in lagu soo xad gudbo Badda, Hawadda iyo Dhulka Somaliland.

Wiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Berbera iyo roobabka curtay, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay isagoo ka jawaabay diyaaradahan walxaha daadiyey iyo waxaa Xukuumad ahaan uga meel yaala “Dawladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba, Dawladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena, Dawlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo, wixii aynu ka qaban karnaan waa laga qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac-dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga leeyahayna lama fahansana, laakiin Dawlad ahaan arintan waanu hubinaynaa, oo waanu baadhaynaa siday wax u dhaceen, marka ay wax dhacaana waa la buun-buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan Wadamada Jaarka, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeenaba lagu soo xad gudbo,”.

Mar uu ka hadlaayey Socdaalka Madaxweynaha ayaa yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa Dadkii Madaxweynaha u raacay Magaalada Berbera,Mashaariico badana waanu furnay maanta (shalay), horumarkaas ka socda Berbera waa horumar inoo soo kordhay, oo faa’iido badan u leh dalkeena iyo dadkeenaba, oo Dekaddeena oo ah halkay wax inooga soo degaan horumar weyn baa la gaadhsiiyey, aad iyo aadna waanu ugu faraxsan nahay, qaabka ay hadda u shaqeeyso iyo dawladdu waxay mar kasta diyaar u tahay inay dalka horumar balaadhan oo dhan kasta ah gaadhsiiso iyo inay shaqo abuur sameeyso”

Labada Professors Iyo Aqoonyahankii Burco Maxaa Kala Qabsaday?

$
0
0

Madal ay ku kulmeen aqoonyahanka gobolka togdheer iyo Labada Professor ee kala ah Professor Cali Qaliif Galaydh Iyo Professor Axmed Ismacil Samatar.

Madashaas waxay ahayd mid in muddo ah la sugayay qabsoomideeda, aqoonyahanka gobolka togdheerna ay rajaynayeen inay noqoto madal faa’iidadeeda leh.

Ka madaxweyne mustaqbal ahaan labada professor hadaladii ay ka jeediyeen madashaasi waxay ahayeen mid ay ku doonayeen dhawaansho ay ku dhawadaan xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne muuse. Inta badan aqoonyahankii halkaa soo camiray waxay aad u rajaynayeen inay waydiyaan labada professor su’aalo wax tar u leh jamhuuriyada Somaliland.

Dulucda qoraalkan wuxuu yahay labada professor waxay shegeen inay yihin TABLIIQIYIN SIYAASADEED.  mawduuca laga hadlayayna wuxuu ahaa DIMUQURAADIYADA IYO DOORASHOOYINKA SOMALIAND , labada professor waxaa laga dhadhan sanayay inay ahayeen niman soo qaatay mashruuc Somaliland aani dani ugu jirin,

Hadaladii ay ku hadlayeen waxaa kamid ahaa Somaliland dadkeeda qaar kamid ah waa la xasuuqay waxaana xasuuqay ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland, iyo doorashada golaha wakiilada qaab qabiil haloo qaybsado, arinkaana waxay buun buuninaysaa oo garab siinaysaa bulshada aan jecleyn Somaliland ee tiraahda Somaliland way kala qoqoban tahay.

Aqoonyahanka ku dhaqan gobolka togdheer waxay ku macneyeen kulankaasi macna badan, lagana dhadhan sano doono social media.

Guntii iyo gunaanadka ka Madaxweyne Mustaqbal ahaan waxaan kazoo horjedaa cid walba oo doonaysa inay umad kusoo qaadato mashruuc lagu doonayo in lagu bur buriyo nabadeeda iyo jiritaankeeda. Somaliland dadka ku dhaqan waxay diyaar uyihin inay ilaashadaan nadad galyadeeda.

mohamed osman <awaadan5@gmail.com>

Dadka laga rarayo meel luugu talagay inay noqoto Guriga madax tooyada.

$
0
0

Warar badan ayaa laysla dhex maryaa dhinaca social media. Dad ayaa ku adacoonaya inay leeyihiin Beertaa oo ay  maxkamaduna ay uxukuntay. Hadaba .1. su,aashu waxay tahay arintanu ma dhabaa waxaa ka jira arintan maxayse maxkamada sare uga hadliwayday Arintan iyada ah  2.Yaa  awoodaa  intaa leeg haysata   wax maxkamade xukuntay luugu dalbankaraa ciidanka. 3.ayaa awoodaa leh 4.Maxkamada awoodeedii meedaday  haddii waxay xukuntayba  lajabiyey. Dadku su,aalahaa iyo kuwa kabadan ayey isweydiinayaan. Haddaba waa maxuu xalku YAHAY??. Xalku waxa weeye in si sharciga waafaqsan ay dawladu ay uga hadashaa. 2. Waxa dadka iska horkeenayana ee SAXAFIYUUNTO ay haldalo ukala qaadayaan dadkana  ay joojiyaan. Oday dhaqameedada, mucaaridkba iyo dawladuna ay utudhaan shicibka oo waxa RUNTA AH AY SI RESMI AH U ICLAAMISO DAWLADU oo laga saaro waxa mad madowga  ah ee ku jira waayo arimaha caykaas ahi jaha wareer ayey shicibka wadanka gudihiisa jooga  iyo qaxoontiga Europe iyo North America joogaba galinayaan MAXAA RUNT AH MAXAA SE BEEN AH NOO KAL CADEEYA DAWLAD AHAAN. ANIGU OO MAGACAYGA OO KALIYA KU HADDLAYAA WAXAAN AHAY DHEX  DHEXAAD.  WAXAAN ku khatimayaa waayo Anigoo iska ilaalinaya inaan cid dulmiyo

عن  أبي ذر الغفاري – رضي الله عنه – عن النبي – صلى الله عليه وسلم – فيما يرويه عن ربه عز وجل أنه قال : ( يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي وجعلته بينكم محرما فلا تظالموا ، يا عبادي ، كلكم ضال إلا من هديته ، فاستهدوني أهدكم ، يا عبادي كلكم جائع إلا من أطعمته ، فاستطعموني أطعمكم ، يا عبادي كلكم عار إلا من كسوته ، فاستكسوني أكسكم ، يا عبادي ، إنكم تخطئون بالليل والنهار ، وأنا أغفر الذنوب جميعا ، فاستغفروني أغفر لكم ، يا عبادي ، إنكم لن تبلغوا ضري فتضروني ، ولن تبلغوا نفعي فتنفعوني ، يا عبادي ، لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم كانوا على أتقى قلب رجل واحد منكم ما زاد ذلك في ملكي شيئا ، يا عبادي لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم كانوا على أفجر قلب رجل واحد ما نقص ذلك من ملكي شيئا ، يا عبادي لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم قاموا في صعيد واحد فسألوني فأعطيت كل إنسان مسألته ما نقص ذلك مما عندي إلا كما ينقص المخيط إذا أدخل البحر ، يا عبادي إنما هي أعمالكم أحصيها لكم ثم أوفيكم إياها ، فمن وجد خيرا فليحمد الله ، ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا نفسه ) أخرجه  مسلم في صحيحه

وبالله التوفيق

Abdulfatah Farah Abdi

Abdulfatah Farah Abdi

Taariikhda Madow Ee Reer Banni Ummaya Qore khadar ibrahim

$
0
0

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Waxaan  maanta ka hadli doona taariikh ay dad badane jecel  in qariyaan khasataan kuwa wadaadada zamankan isku sheega , waana taariikhda bani umaaya iyo wixii ay u geestayn islaamka iyo saxaabada oo runtii basha ahaa wax badane iyaga dhexdooda taariikh xume dhex martay dagaalo sida  dagaalkii al jamal iyo sifeen kadib fitnadii dilkii cuthmaan binu cafaan.hadaba wadaaddadaas weeye kuwa horseeday oo yiri yaan la baarbaarin wixii asxaabta dhex maray, yaan asxaabta iyo taabiciinta waxba laga sheegin waa dad khayre. culmiadaas weeye culimada tiri caqligu diinta waa ka xaaraan ee diinta caqli ha u adeegsaninna. kuwaas weeye kuwa jideeyey oo banneeyey inaan la soo hadal qaadin wixii ay reer banii ummaya sameeyeen oo Mucaawiye binu abi sufiyaan uu kow ka ahaa.

Reer banii Ummaya waxay xukunka muslimiinta qabsadeen markii ay gudbeen afartii khulafada ahaa waxayna boqorro ahaayeen oo wax kharribayeen ilaa laga soo gaaro markii ay taariikhda hijrigu ahayd boqol iyo soddon iyo labo sano. Yacni waxay muslimiinta xukumayeen oo ay fasahaad iyo wax bi`in xiriir ah wadeen muddo hal qarni ku dhow. Boqorradaasi waxay xasuuqeen oo cagta mariyeen ahlubeytkii nebiga scww, runtii nimanka sidaas kula kacay ahlubeydkii nebiga scww oo ka xishoon waayey awlaaddii Faaduma rasuul, kuwo diinta ku dhaqmaya ama dan ka leh ma ay ahayn sida falkoodaba ka muuqata. Jifidaas ama qoyskaas boqorrada noqday oo xukunkii muslimiinta qabsaday waxay ahaayeen qoys colaad dheer iyo xafiiltan la lahaa qoyskii nebiga scww ee reer bani Haashim. jifidaasi waxay nebiga scww uga soo horjeeday qabyaalad ahaan iyo caqiido ahaanba dagaalna kula jirey intii uu dacwada faafinayey iyo intii uu jihaadka ku jirey oo dhanba.

Yasiid oo ahaa ninkii markii uu boqorka noqday ahlubeydka xasuuqay, kacbadana gubay oo boqollaal iyo kumanyaal qof ku diley, Madiinana colka geliyey oo ciidan ku fasaxay saddex maalmood iyo saddex habeen dil, kufsi, dhac iyo boob ku samaynayey reer Madiina oo Ansaar iyo Muhaajiriin iyo dumarkoodii iyo gabdhahoodii sidaas kula kacay, taasoo keentay inay kun gabdhood iyo dheeraad oo gabdhihii ansaar iyo muhaajiriin ee reer Madiina ahaa ay ku uuraysteen kufsigaas uur aan sharci ahayn, raggiina wixii la laayey ma ahee wixii kale bayco khasab iyo sandulle ah looga qaaday in ay hantida Yasiid ka mid yihiin, qaarkoodna luqmaha iyo sacabbada tiinbare lagala dhacay sidaas caddaynaya, kuwona luqmaha loo suray waxyaalo laga lulay oo lagu bahdilayo inay iska bixiyaanna uu dil u soojiidayo iyo inay naftooda waayaan.

Yasiidka sidaas yeelay wuxuu ahaa ina Mucaawiye binu Abu-sufyaan, aabbihiis Mucaawiyena waa ninkii ugu horreeyey ee ummadda islaamka boqortooyo qabiil u horseeday oo xukunkeedii ka dhigay, wiilkiisa Yasiid oo caynkaas u dhaqmayeyna boqorka ka dhigay oo taladii muslimiinta khasabka ugu dhiibay, kaddib markii uu isagu gaboobay xukunka muslimiintana uu xoog ku haystay labaatan sano iyadoo aan cidi dooran. Abu-sufyaan oo Mucaawiye aabbihiis ahaana waa ninkii kufaaru quraysh hoggaaminayey intii nebiga scww iyo kufaaru quraysh ay is hayeen oo Abu-Jahal markii uu dhintay booskiisii galay ilaa Maka xoog lagu qabtay oo uu markaas dadkii isdhiibay oo islaannimada sheegtay ka mid noqday.

Mucaawiye hooyadiis oo Yasiidna ayeeyo u ahayd naagtii Abu-sufyaanna ahayd waxay iyaduna ahayd Hinda bintu Cutba oo ahayd tii cuntay beerkii Xamsa binu Cabdi-muddalib. Naagtii Abu-lahab ee Ummul-jamiil la oran jirey Quraankuna Xammaalatul xaddab u bixiyey isla markaasna ahayd tii nebiga scww dhibi jirtey markii uu Maka joogey oo dacwada wadey oo albaabkiisa wasakhda iyo qodxaha ugu daadin jirtey, Allena iyada iyo ninkeedaba ka soo dajiyey suuradda Tabbad; naagtaasuna waxay iyaduna ahayd Abu-sufyaan walaaashiis, Mucaawiyana eeddo u ahayd Yasiidna ayeeyo u ahayd. Qoyska boqortooyada noqday oo muslimiintii qabsaday wuxuu ahaa qoyska sidaas u habaarnaa lidkana ku ahaa qoyskii nebiga scww ee reer bani Haashim oo iyagu badankoodu dad khayr ahaa.

Reer bani Umaya markii ay boqorro noqdeen qabiil iyo reernnimo xukunka ku haysta, waxay ku dhaqaaqeen aano-qaadasho iyo aargoosi ay kula kaceen guud ahaan wixii halgankii nebiga iyo jihaadkii daacad u ahaa sida ay reer Madiina u galeenba, gaar ahaanna waxay aano u daba galeen reer bani Haashim oo weliba khaas ahaan reer Abu-daalib, iyagoo daba socda wixii jihaadkii nebigu scww hoggaaminayey iyaga lagu yeelay. Waxayna si aad ah yool iyo hadaf uga dhigteen reer Cali binu Abu-daalib, kaalintii jihaad ee uu imaamu Cali dagaalladii la isku heli jirey kaga jirey awgeed.Boqorradaas reer bani Umaya waxyaalaha kale oo ay ku kaceen waxaa ka mid ahaa- oo had iyo jeerna ah hiddaha iyo dhaqanka madaxda aan Ilaahay aqoon- waxaa ka mid ahaa inay diintii afduubteen oo u adeegsadeen si danahooda iyo ujeeddooyinkooda waafaqsan culimmana u samaysteen muftiyaasha dawladda la yiraahdo, kuwaas oo diinta hadba u fasira oo u macneeya sida ay dawladda iyo madaxdu doonayaan, keligoodna amar iyo fasax u haysta sheegidda, wax ka qoridda iyo ka hadlidda diinta iyo arrimaheeda sida kuwa maantuba ay yihiin.igu danbeyn reer banni ummaya wax ay fadla ah ay ku dhex leeyihiin islaamka ma jirto , ka bilaw mucaaweya ila yasiid ila malaaciintii reer banni marwaan binu xakam taas aya inogu filan.

Qore khadar ibrahim

Khadar338@hotmail.com

Educating Somaliland Youth in IT Programming and Training as Software Developers

$
0
0

 The Chairman of Somaliland Diaspora Agency, under the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of the Republic of Somaliland Mr. Abdi Abdullahi Hersi (Dayaxweerar), and the MOFA Protocol Team received a delegation at Egal International Airport on the Sunday April 2019. The Delegation led by Cllr. Fatima Ali Madar, member of Oslo City Council, Culture & Education Committee, accompanied with Mr. Geir Isene CEO of A-Circle AS, based in Norway.

The delegation arrived in Somaliland after a series of communications shared with Cllr. Fatima Ali Madar and Mr. Geir Isene on the project “Educating young talents to become software developers who can compete for contracts on the global stage.”

Organized by Somaliland Diaspora Agency, an important information meeting was held at the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation on Tuesday morning, April 16th, Different key Ministries of Somaliland were invited and mostly represented by their Ministers, namely: Ministers of Education & Science, Employment, Social Affairs & Family, Communication & Technology,  Investment Promotion, Foreign Affairs & International Cooperation, and Marodijeh Regional Authorities as well.

In the meeting, Mr. Geir Isene, CEO of A-Circle AS and Cllr. Fatima Ali Madar gave an introduction to the project which relates to educating young people to become software developers who can compete for contracts on the global state, and to create sustainable jobs and bringing money in to Somaliland.“I had for ten years a burning desire to help African nation gain traction on the global IT stage.  The sale of services is more free and competitive than the sale of physical goods. A software developer in Somaliland can freely compete on the global scene against developers in Europe, the US, India and elsewhere,” said Geir Isene.

“We can focus the training on the task at hand – to get effective programmers to compete for software development contracts. No fuss, no unnecessary training, no slacking or messing around. We execute a few simple steps to start the ball rolling in establishing Somaliland as a nation to be reckoned with in the world of IT,” he added.

The Ministers and the other officials who attended the meeting all appreciated the proposed project, underlining that software programming is useful and more practical and can enable the youth to seek opportunities online. All the participant Ministries affirmed their cooperation and that the Somaliland Government is willing to assist and endorse the implementation of the project in Somaliland.

The purpose of the Delegation’s first trip to Somaliland was to inform the Somaliland Government, assess the opportunities and needs, and to identify pitfalls. They also had meetings with relevant stakeholders, including Shaqadoon Organization in Hargeisa. Accompanied with the Chairman of Somaliland Diaspora Agency, Mr. Dayaxweerar, the Delegation also visited Berbera, Sheikh, and Burao and had meetings with various public and private education institutions, Government officials, and other parties concerned.

Cllr. Fatima Ali Madar has been a well respected councilor for nearly twenty years in Norway. She is a dedicated development activist, and has been the backbone and the cause of important contributions to essential public services at varied times and always worked to strengthen the cooperation we have with the Government and the people of Norway. Several members of origin are councilors in various European countries, mostly provided successful in their positions and help for their origin country. Fatima Ali Madar is one of the role model in the Somaliland Diaspora.

 

Statement Issued for the PRESS

By Somaliland Diaspora Agency

Hargeisa, Republic of Somaliland 

April 20th, 2019

“Ma mucaarid baan ahay haddaan XAQQA ku maansoodo?” Xassan Cumar Hoorri

$
0
0

Erayo iga Raacay soo Dhoweyntii Madaxweyne Biixi ee Salaadiinta B. Sanaag

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Waxaa aan ka hayaa, AUN Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab),”ma xiniin yahay moodayaan muunad na la saaray, maalshiyo haddaan mililka duro, malow miyay fuuli, ma mucaarid baan ahay haddaan Xaqqa ku maansoodo?” Maansadan waxaa uu tiriyay kolkii uu arkay calankii sudhnaa Buuhoodle oo idlaaday, lana waayay wax lagu beddelo calalka. Dulucdu waxaa ay daarranayd toosin aan dalab lahayn taasoo ay tahay inuu halqafo masuul kastoo shacabka xil u haya.

Kow, waxaa aan bogaadin martiqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay qayb ka mid salaadiinta Bariga Sanaag. Inkastoo dadka qaarkood u maleeyeen mid lagu kala qaybinayo reerka, dad badan ayaa u araka Madaxweynahu in uu ku fooggan yahay sidii Beeshu ugu soo dhamman lahayd ka qayb qaadashada curashada Somaaliland cusub. Isla sidaa, waxaa qaba salaadiintii oo si dhab ah u xambaaray farriintii Madaxweynaha, xilna iska saaray fulinta waxii ku soo hagaagay.

Madaxweynahu, waxaa uu ku soo dhoweeyay salaadiinta, weedho ay ka mid ahaayeen: “Soddon sannadood dad kala gar-bixi waaya, oo in yariba meel ku oodnaato, innaguun (Somaali) baa la hayaa….” “Waxaa la yidhaahdaa qolada Somaaliland joogtaa, waxay doonayaan dawlad yaroo qolo leedahay, war sidaa maaha….” “Somaaliland oo aan isu dhammayn ma dhismayso, waxaa la innooga baahan yahay in Somaaliland aan wada dhisno Somaalidii kalena aan u gurmanno…” “Waxaan doonaynaa Somaaliland aynu u siman nahay, arrinkeeda, adduunkeeda, iyo taladeedaba….” 

Erayadu waxaa ay yididiilo geliyeen qof kastoo lexejeclo ka lahaa dalka. Haddii, ficil loo rogona, waxaa ay horseedi doonaan dhismaha Somaaliland mid ah. Arrinka, Madaxweynahu waxaa uu soo taagay  meel laga sii ambaqaadi karo. Gobna xurmo ayaa deeqda. Waxaan aan ka ducaynaynaa in aanay innaga noqon sabaaladii 20ka sannadood soo jiitamaysay. Runtii, dulqaadka dadku waxaa uu marayaa gabaabsi.

Waxaa aan ka mahad celinaynaa, maanta, haddii indhahii Madaxweynahu ay qabteen degaankii Bariga Sanaag. Waxaa uu ballan-qaaday gurmad loo fidiyo dadka iyo xoolaha abaarahu tabaaleeyeen. Arrintaa degaanku waxaa uu ku ilaabay, waxii hore u baaqday. Dad iyo degaanba waxaa deeqay erayadii Madaxweynaha, “hoo na waa naga intaa, hagarna waa naga Wallaahi”. Sidoo kale, waxaa aan ka mahad naqaynaa, in uu Bariga Sanaag ugu baaqay mudnaanta kowaad ee horumarinta dalka. Waxaa loo aayi doono waxii gala degaankaa. Dadkuna waxaa ay gudi doonaan abaalka qarankoodu u galay.

Dhinaca kale, hadalkii Madaxweynaha, waxaa iga raacay dhowr eray oo u baahan in la is kor taago. Waxaa uu sheegay dadku in ay leeyahiin waxii ay goostaan. Sax. Ogow, muwaadinnimadu qof kasta waxaa ay u goysaa in uu dalkiisu ku helo nabad, aqoonsi, diiwaangelin, codayn, is-sharraxaad, saami qaybsi, jagooyin sare, shaqo gelin, iyo dhismaha iyo horumarinta degaankiisa. Intaaba waxaa ay yahiin xuquuq aanu marti ka noqdon karayn muwaadinku. Waxaana xil ka saaran yahay xukuumadda.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu ku tiraabay, “ciidan idin ku filan, kiinana tababara oo ay ka mid noqdaan, waa diyaar. Waana idin dhow yahay. Ciidan dadka kala badbaadiya, cadowgana ka badbaadiya.” “Maamulka in aan dhisno, markaan isla garano oo amaan uu helno badhasaabkii, badhasaab gurigiisa jooga, gaadhigiisana laga dhacayo dee siduu wax u maamulayaa, waa in laga adkeeyaa…… Ileyn xabaal buuxin maynee.”

Degaanka waxaa taalla nabad. Waxbana ka ma jiraan Badhasaab gaadhigiisii laga dhacay, xaasha. Balse, warxumo tashiilka Madaxweynaha u gudbiyay eedda uu beesha u soo jeediyay, ayaa ku kala dhex jira xukuumadda iyo degaanka. Dhismaha maamulkuna ma aha in uu shuruud galo. Keliya, waxaa loo baahan yahay ku dhac iyo hagar la’aan hoos loogu daadejiyo lixda dagmo ee degaanka. Mudnaanta waxaa la siin doonaa dhismaha xafiisyo maamul, wasaarado, saldhigyo boolis, maxkamddo, iyo xabsi dhexe. Dadku iyaaga ayaa u jeellan maamulka, gacanna ka geysan doona.

Sidaa awgeed, waxaa aan tebayna talo. Talo iyo iskaashi lagaga badbaado isku dhaca ka dhasha ciidamada is hor fadhiya Yubbe. Talo iyo kalsooni keenta in la aamino Ciidamda Bariga Sanaag, la qalabeeyo, loona ekayso kuwa la midka ah. Talo, in la qarameeyo waxii ka dhiman iyadoo lala tashanayo ergada salaadiinta.

Gobolka, waxaa ku sugan guutooyin qaramaysan, kana soo jeeda Bariga Sanaag. Waxaa ay leeyahiin Janan, Korneello, Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo Dablay, intaba. Waxaana fadhiisimo u ah Yubbe, Carmaale, Xingalool, Ceelbuh, Badhan, Laasqorey, Ceelaayo iyo Dhahar. Hase ahaatee, ciidankaa, muddo aad u dheer, waxaa ay ku sugnaayeen dulmi iyo duudsi. Maantana, haddii la dulgeeyo ciidan wax kasti u dhan yahiin, waxaa ay dhoolatus iyo yesmo ku tahay iyaga iyo dadka degaankaba.

Ciidamadaa, intooda badan waxaa lagu tilmaamo kuwa ugu fiican Gobolka. Balse, faro ku tiris ayay derajado ku gaadhay. Waxaa la iska hortaagay in ay waxbarasho saraakiil u tagaan Itoobiya. Waxaa ka reebban in uu gacantooda galo gaadiidka, hubka iyo saanadda Qaranku. Xattaa, waxaa laga lexe-jeclaystay dirayska. Waxaa ay ku dhaansadaan dameero. Saldhigga Ilaalada Xeebta ee Laasqorey, isaguna, waxaa uu ka arradan yahay wax walba, halka sadeexda saldhig ee kale ay u dhan yahiin. Waxaa ka taliya Gaashaanle, dableydii uu soo xukumi jiray qaarkood ay ka raran yihiin Gaashaanlayaal Sare. Sarkaalkaa kuma uu hadhin aqoon, waayo-aragnimo iyo karti toona. Balse waxaa reebay haybtiisa.

Guutada 116aad oo ka mid ah ciidankaa, waxaa ay dhowr bilood ku kala dhex jirtay beelaha jiidda Ceelafweyn iyagoo ku lahaa magac iyo haybad. Isla markaa, waxaa ay kasbadeen kalsoonidii beelahii shaqaaqadu dhex martay. Se, waxaa aan xasuustaa, maalmahii ugu danbeeyay, waxgaradka reerku in ay ka odayeeyeen dejinta qaar ka mid ah ciidanka oo ka gadooday sida loo dayacay iyo isku filaanshaha ka shaacayay ciidamada dhiggooda ah. Waxaa, iyana, xusid mudan,  maalmahii 18 May 2018, Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Laasqorey, in uu gacanta ku hayay nabadgelyada Ceerigaabo, magaala madaxda Sanaag. Nasiib-darro, rasaasta uu hawsha ku fulinayay, waxaa uu ka amaahday ciidan dhiggiisa ah.

Sidoo kale, Guutada 93aad waxaa ay ku dhereran tahay Xingalool ilaa Dhahar. Waxaana ay ku filnaan lahayd sugidda nabadgelyada xuduudaha, haddii ay heli lahayd waxa ay haystaan ciidamada asaagood. Madaxweynahu waxaa uu salaadiintii u sheegay in QALBIGA la iska aamino. Sidaa darteed, waxaa habboon xukuumadda, weliba taliska ciidanka, in ay QALBIGA u sii daayaan cidankooda ku sugan Bariga fog. Suurtagal ma aha “Dudumo” in la dugsado iyo la dareensado.

Qoddobada aan soo sheegay haddii ay helaan tixgelinta ay mudan yahiin, waxaa hubaal ah ciidanka qaranku in uu ka hillaaci doono xuduudaha, iyadoo aan loo sadqeyn qof keliya. Waxaa aan ognahay, xattaa ciidamada innaga soo horjeeda oo hadda beelaysan, qalbigoodu in uu u soo jeedo xaggeenna. Balse, waxaa ay la maqan yahiin gacan-bidixayntii kaga dhacday taliska ciidanka.

Gunnaanad: Rasuulka Allah (NNKA) waxaa uu yidhi, “xikamaddu (talada fiican) waxaa weeye baadi ka maqan Muuminka. Meel kastoo uu ka helona, isagaa xaq u leh“. Mar kalena, waxaa uu yidhi (NNKA), “Hoggaamiye kasta waxaa ku lammaan la taliyayaal (waxgarad) nasteex u ah iyo kuwo jar ka tuura. Waxaana dhowrsoon kii uu Allah dhowrayo”.

Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania

Hogaamiye Xirsi Xaaji Xasan wuxuu Dooddii kaga Adkaaday Maxamuud Xaashi

$
0
0

Hogaamiye Xirsi Xaaji Xasan wuxuu Dooddii kaga Adkaaday Maxamuud Xaashi
Hogaamiye Xirsi badheedhihii uu doodda kaga qayb-galey, waxay aheyd
(waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin). Ex Wasiir Maxamuud Xaashina wuxuu taagnaa halkii Nuur Xaashigii yidh:
Wallaahi xayntuna ha iska-oontee inaanu runta sheegi.


Saaxibayaal waxaan isku dayi doonnaa in aan falan qayn kooban ku sameeyo
Dooddii xiisaha badneyd ee todobaadkan, Hargeysa lagu qabtay ee lagaga doodayey wada hadaladii Soamaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday ee hakadka galey.
Somaliland ma waxay dani ugu jirtaa in ay wada hadaladaasi sii socdaan mise in halkaa lagu joojiyo? Doodan xiisaha badneyd waxa ka qayb galey Lixda siyaasi ee kala ahaa:
1: PROF Axmed Ismaacil Samatar
2: ENG Maxamed Xaashi Cilmi
3: Sucaad Carmiye
4 : PROF: Abyan
5: Ex Wasiir Maxamuud Xaashi
6: Hogaamiye Xirsi.
Haddaba saaxibayaal waxaan falan qayntan ku soo koobayaa doodii dhex martay.
Hogaamiye Xirsi iyo Ex Wasiir Maxamuud Xaashi sababta aan labadooda u doortay waxay tahay labadooduba waxay ka tirsanaayeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waana labada xubnood ee kaliya ee dooda ka qayb galey ee wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya ka qayb gali jiray markaa labadooduba waxay goob joog u ahaayeen sidii ay wax u dhaceen.
In kasta oo afarta xubnood ee kale ee dooda ka qayb galeyba ay ahaayeen dhammaantood dad leh miisaan siyaasadeed haba ugu horeeye PRO Axmed Ismaacil Samatar sidaa darteed Ayaan u doortay in aan is bar bar dhig ku sameeyo doodii hogaamiye Xirsi iyo EX Wasiir Maxamuud Xaashi.
Hogaamiye xirsi waxa uu si aan gabasho lahayn ugu dooday in xukumadii uu ka tirsnaa ee Siilaanyo ay ku saxneyd inay wada hadal la furto Somaliya iyo waliba faa’dooyin la taaban karo laga helay iyo in wada hadalada la sii wado.
Doodani waxay waafaqsan tahay intii uu xirsi markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa ummda u sheegi jiray.

Ex Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu ku dooday in wada hadaladii Soamliland iyo Soomaaliya ay noqdeen ma dhaleys laguna khasaarey wax faa’iido ah oo Somaliland ay ka heshayna aanu jiri wada hadalkaasi. Hadalkani waxa uukhilaafsanyahay Maxamuud Xaashi markii uu Wasiirka Duulista ahaa iyo markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa wixii uu ummada u sheegi jiray.
Haddaba, marka aynu eegno doodii dhex martay labadaa Wasiir ee hore ee ka wada tirsanaa xukumadii hore xogogaalkana ahaa aynu falan qayno waxay aniga iila muuqadtaa sidan:
Hogaamiye Xirsi wuxuu si geesinimo leh u difaacay mawqifkii ama rayigii uu ka rumaysnaa wada hadaladii u socday Soamaliland iyo Soomaaliya waana calaamada muujineysa in uu yahay siyaasi aan ka gabanin waxa uu rumaysan yahay waxana laga hayaa Alle ha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin.
Ex Wasiir Maxamuud Xaashi doodiisii waxay ku saleys neyd sida dadka qaarkii aaminsan yahay oo ah mar haddii ay xukumadi Meesha ka baxdo Madaxwenuhuna xilka ka dago in la difaaco in aanay faa’iido ku dhex jirin isaga oo Maxamuud Xaashi isku qanciyey in aanu Siilaanyo Maanta madaxweyne aheyn isaguna aanu Wasiirkii Madaxtooyada aheyn. Sidaa darteed wuxuu isticmaaley maah maahdii aheyd (Nin bari ayaa socod ku roon) ee wixii eed ah u sii xambaari Madaxweynihii xilka ka dagay ee Siilaanyo iyo xukumadiisii oo uu ku calaamadiyey in ay Soamliland u hor seedeen wada hadalo lagu khasaarey oo ma dhaleys noqday sidoo kalena waxa ka muuqatay raali galin badan oo uu u hayey madaxweynaha hada xilka haya Mudane Muuse Biixi iyo xukamadiisaba oo iyagu shaki badan ka qaba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa qisadan soo socota .
Nin oday ah, (oo xayn yar oo adhiya lahaa) ayaa maalin maal-maha ka mida, waxaa markhaati been ah, u qabsaday odaygii lahaa barkada ay xayntan adhiga ahi ka cabto oo waliba si bilaash ah ama lacag la’aan ah odayga xaynta yar haysta loogu waraabin jiray. xilliguna waa jiilaal oo biyo la‘aan badan baa jirtay xayntii yareyd-na kalkeedii-baa taagan oo waxay u sii jeedaa xaggii barkada markaasaa odaygii barkada lahaa intuu waxaan jirin sheegay amma arrin aan dhicin sheega- iyada oo meel makhaayada la wada fadhiyo ayuu yidhi:
Qoodhii iyo xeradiin-ba waakan I hor fadhiyee Nuur Xaashi-ba waydiiya isaggaa markhaati goob joog ka ahaaye, Nuur Xaashi mar xayntii yareyd iyo biyo la’aantii jirtay ayuu eegay marna xaga Ilaahey buu eegay iyo markhaatiga beenta ah, ee loo qabsaday dabadeed hadalkii uu Nuur Xaashi naftiisa kula faqayey ayaa dibadda u soo baxay oo la maqley si aan ku talo gal aheyn, waxaanu yidhi: wallaahi xayntuna ha iska oontee inaanu runta sheegi.
Nin oday ahaa oo goobta fadhiyey oo barkada eeryada ugu wayna lahaa ayaa dhaar iyo xilo fur ku maray oo yidhi: Nuur Xaashiyoow intaan Noolahay xayntaadu waxay ka cabeysaa barakadayda ee runta sheeg Nuur Xaashina sidii buu runta ku sheegay oo markhaatigii beenta ahaana kaga badbaaday Hadaba qisadan waxaan u soo qaaday siyaasiyiinta Soomaalida ah ee wixii ay shaley markay xilka hayeen sheegayeen wax ka duwan Maanta dadka u sheega.

Qallinkii: C/risaaq Suudi Nuur
Tell: 4425243
Email: suudi786@gmail.com
Hargeysa/Somaliland


Akhri: Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir?

$
0
0

Waxaan aad u jecelaystay inaan Bulshada Somaliland la wadaago Qoraalo taxane ah oo aan isleeyahay ugu iftiimi Shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland  Axmed Yuusuf Dirir, Halka uu Shaqada Dawladda kasoo galay, cidda soo galisay, Dhacdooyin layaableh oo Musuq Maasuq oo taariikhdiisa shaqo ku sidkan, qaabka uu uga tujaaray Hantida Qaranka iyo arimo kale oo xasaasi ah oo si gaar ah qalbiga Qof kasta u taabanaya kuwaasi oo meesha ka saaraya inuu sii ahaado ama uu madax kasii ahaado Hay’addii dhamayd ee Qaranka ugu mudnayd ee loogu talo galay illaalinta Hantida Qaranka.

Waa kuma Axmed Yuusuf Dirir, Sideebaanu Shaqada Dawladda Ku Soo Galay?

Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu kasoo jeedaa Qoys Sabool ah oo xoolo dhaqato ah (imika waa tujaar eh), waxaanu ku dhashay, kuna barbaaray Nolosha baadiyaha, isagoo da’ ahaan weyn ayaa magaaladda Berbera la keenay Bilawgii Shagaashanaadkii, waxaana miyiga kasoo kaxeeyay Mareeyihii ugu mudada dheeraa Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo ay ehel dhaw yihiin, waxaana shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay Dekeda Berbera, isagoo ahaa shaqaale hoosaadka Dekeda, waxaana qoray Cali Xoor Xoor oo noloshiisa soo gacanta qabtay.  Axmed Yuusuf Dirir, maanta waa maalqabeen hanti badan ka dhaqday, xilal kala duwana kasoo qabtay Dekeda Berbera. Fuuqyada ugu dhaadheer ayuu ku leeyahay Magaalada Berbera iyo Hargeysaba, sidoo kale waxa uu Dubai ku leeyahay Hanti xoog ah oo uu si qarsoodi ah uga samaystay Dubai iyo Baananka uu lacagta dhigto oo Dubai uga Furan. Sidoo kale waxa uu Dubai ku guursaday naag carabiyad ah oo uu imikana uu Hargeysa usoo raray taasi oo muujinaysa sida uu uga tujaaray Xoolihii umadda ee lagu aaminay.

Door Noocee Ah Ayuu Cali Xoor Xoor Ku Lahaa Nolosha Axmed Yuusuf Dirir?

Axmed Yuusuf Dirir waxa si weyn usoo gacan qabtay Cali Xoor Xoor oo waxbarashada dadka waa weyn ku daray, waxa uu markii dambe u diray isagoo shaqaale hoosaadka Dekedda Berbera ah(Xamaal), koorso dibadda ah, Muddo lix bilood ah ayaanu ku maqnaa dal Africa-da kuyaala(South Africa), markii uu soo noqdayna Waxaa uu u magacaabay oo uu u dhiibay Xisaabiyaha Guud ee Dekeda Berbera,wakhtigii Xukuumaddii UDUB. Waxa uu Axmed Yuusuf wakhtigaasi khaayimay Cali Xoor Xoor-kii noloshiisa qaybta weyn ku lahaa ee soo dhisay ee soo gacan qabtay, waxaanu Siraha dekeda u basaasi jiray Xisbigii wakhtigaasi mucaaridka ugu weyn ahaa ee Kulmiye, isagoo qorshihiisu ahaa inuu haddii uu Kulmiye Talada dalka ku guulaysto uu Xilka kala wareego Cali Xoor Xoor, taasi oo markii dambe dhacday, oo uu Kulmiye abaal gud uga dhigay basaasnimadii uu kula shaqayn jiray ee uu sirraha Cali Xoor Xoor dibada ku siin jiray. sidii ay ahayd, Islamarkii uu Xisbiga Kulmiye talada Dalka ku guulaystay 2010-kii waxa Axmed Yuusuf Dirir loo magacaabay Dekeda Berbera, inyar kadib waxaa lagu helay arimo Musuq Maasuq, markiiba waxa uu qaaatay lacago badan, fooqyo ayuu dhistay, dhulki danta guud ayuu boobay,waxaanu arinkiisu noqday mid ifka u soo baxay oo lawada ogaaday oo aan cidna ka qarsoonayn, sidaasi ayaan Xilkii looga qaaday.

Markii Shirkadda Dp-World Dalka Timid iyo Dhacii Ugu Balaadhnaa Ee Uu Axmed Gaystay!!!!

Afar sanno markii uu ka maqnaa Xilka Maareeyaha Dekeda Berbera, ee ay Shirkadda Dp-World timid ee Cali Xoor Xoor-na si aad ah ugasoo hore jeestay ayaa uu mar labaad dib ugu yeedhay Maxamuud Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda. Markan dambe waa markii uu dhacay Wadanka. Gaadiid badan oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay oo ay dekedu lahayd, Alaabo safar dibadda ugu maqnaa Dekeda, iyo Lacago kaash ah oo Qasnadda ugu jirtay oo illaa 5-Milyan Dollar ahayd oo cadaan ah oo uu Cali Xoor Xoor Goob fagaare ah ka sheegay oo uu ku wareejiyay waxaasi oo dhan waa uu isku muudsaday oo kamuu xishoon. Waxa uu markiiba dib ulasoo noqday Lacagta alaabo Dekeda loo soo iibinayay oo Cali Xoor Xoor dalabkeeda ka tagay , taasi oo uu jeebka u shubtay lacagtoodii, arintaasi oo ku cadaatay markii dambe, kana mid noqotay dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee uu ku kacay ee fashiliyay.

Inyar markii uu Xilka hayay, waxay Dawladdii Kulmiye Galisay Hanti dhawr,  waxa kooxdii gashay hogaaminayay Hanti Dhawrihii hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire, Baadhistaasi waxaa lagu ogaaday in Hal milyan iyo boqol iyo konton kun maqantahay oo lacagtii Dekeda ee Akawnka kujirtay ahayd, waxa kale oo la ogaaday inay maqan tahay lacagtii Taagga lagu soo iibinayaya oo iyana Shan Milyan ahayd, sidoo kale waxa la waayay sagaal gaadhi oo Cali Xoor Xoor ku wareeejiyay, waxa kale oo la ogaaday qandarasyadii uu bixiyay Cali Xoor Xoor inuu dadkii kasoo celiyay oo uu lacagtii cunay. Halkaas markay maraysao waxay Hanti dhawrku sameeyeen in habeenimo gurigiisa loo daatay, waxa kooxdii Gurigiisa u daadatay ka mid ahaa oo hogaaminayay Ninka lagu magaabo Cali Bilyan, waxa islamarkan GURIGIISA loo daatay uu ku  mashquulsanaa Guryo uu ka iibsanayay Magaaladda Dubai oo goobo mihiim ah ku yaalay kuwaasi oo laga war helay, Waxa markii loo daatay Gurigiisa loogu tagay oo laga soo helay laba gaadhi oo ka mid ah sagaalkii Gaadhi, todobaddii kale waa la waayay oo sidaasi ayaa lagaga quustay.

Qaabkii Uu Ku Dhacay Lacagtii Shanta Milyan Ahayd Ee Taagga Iyo Siduu Uga Badbaaday Xadhigga + Cidda La Tacaashay.

Waxa kale oo baadhistaa iyo dabagalkaasi lagu sameeyay ee lagu raadcaynayay hantida badan ee ku maqnayd lagu soo helay Foojarigii uu lacagta Shanta Milyan ah ee Taagga loogu talogalay uu kula baxay, kaasi oo ay kuyaalaan Hal saxeex oo aanay la saxeexin raggii sharci ahaan la saxeexa lalahaa sida Xisaabiyihii Guud ee Dekedda iyo Raggii ee lalahaa saxeexa jeegaga.  Dhacdooyinkaasi fajicisada lahayd ee lagala kulmay baadhistaasi waxa ka mid ahayd in markii laga waraystay hantida baddan ee ku maqan halka uu mariyay iyo halka ay martay lacagtii Cadaanka ahayd ee Shanta milyan ahayd ee uu la baxay, waxa uu sheegay inuu Laba Milyan oo ka mid ah lacagtaasi uu Siiyay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo ahaa Wakhtigaasina Madaxweynaha Maanta Xilka haya Muuse Biixi Cabdi, arintaasi oo layaab ku noqotay Xukuumaddii Wakhtigaasi iyo masuuliyiintii baadhista sameeyay ee uu xogta la wadaagay. Waxa kale oo iyaduna layaab noqotay inuu sheegay inuu iyana Kharash galiyay oo uu lacagtaasi ku maqan ku soo sameeyay Calamaan iyo koofiyo Xisbiga Kulmiye iyo waxyaabihii kale ee Ololaha Xisbiga Kulmiye.

Waxa waxa uu Meelna ku sheegi waayay 7-dii Gaadhi ee la waayay ee Cali Xoor Xoor ku wareejiyay. Waxa kale oo la ogaaday in dhisme xafiisyo Cusub oo loo dhisayay wakhtigaasi Dekeda oo ay Soo qiimaysay Shirkadda VILLA and mansion oo ay afar boqol oo Kun oo dollar kusoo qiimaysay dhismahaasi waxa uu Koontaraaka Dhismahaasi siiyay shirkad kale oo la yidhaa Daryeel Construction taasi oo uu heshiis kula galay inuu lacag badan uu dul dhigto, waxa uu ku sheegayHal Milyan iyo Laba Boqol inay ku baxeen dhismahaasi,halka Shirkadda  VILLA and mansion hore ugu qiimaysay afarta Boqol oo Kun Oo Dollar,taasi oo iyaduna amakaag ku riday maasuuliyiintii wakhtigaasi baadhista ku sameeyay, iyo Xukuumaddii Wakhtigaasi Xilka u egmatay.

Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Dirir Halka Ay Iskala Jaan Qaadeen!!!.

Waxay baadhistaasi ay bilaabantay 14/09/2017-kii, waxaanay socotay illaa 18-kii bisha oo ah Afar cisho gudaheed, waxaana mudadaasi afarta cisho ah la ogaaday in hanti malaayiin doolar ahi ay maqantahay. Madaxweynihii hore ee Siilaanyo ayaa laga codsaday inuu xilka ka qaado si loo xidho. Waxa dagaal u galay in xadhig laga badbaadiyo Odayaal iyo salaadiin reerkooda ah,  waxa kale oo isna dagaal kala hortagay in ninkaasi la xidho Gudoomiyihii Xisiga Kulmiye ee Wakhtigaasi imikana ah Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Muuse ku qanciyay Xukuumaddii Siilaanyo in xilka uun laga qaado oo aan la xidhin,  22-kii Bishii Sagaal ee 2017-kii  ayaa xilka laga qaaday. Muuse Biixi ayaa Siilaanyo ka codsaday oo ku yidhi “ reerka ha igu kicin”. Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya inuu Muuse Biixi wakhtigaasi uu codsigan uu ka dalbanayay uu lugaha qabsaday Madaxweynihii wakhtigaas Siilaanyo. Waxa Xasuus Mudan in Axmed Yuusuf Dirir uu lacagaha lagu helay ee ku maqan uu ku sheegay inay qaybo ka mid ahi ku maqan tahay Xisbiga Kulmiye oo uu Gudoomiye ka ahaa Muuse Biixi Cabdi, waxaana Ficilka iyo dhaq dhaqaaq uu Muuse ku difaacayay ka muuqda inuu isaga laftiisu wax badan ka hortagayay. Waxa halkaasi ka cadaatay inay Muuse Biixi iyo Axmed Yuusuf Dirir isku xidhnaayeen islamarkaana uu dan gaar ah ku qabay, suurtagalna ay tahay inuu Lacagtaasi iyo hantidaasi uu dhacay wax ogaa.

La Soco Qaybaha Dambe Ee Taxanahan ….

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2001@gmail.com) , London.

XOG: Musuqmaasuqa Masuuliyiinta Caafimaadka Togdheer, Xujada Wasiirka Cusub & Fashilka Mashruuca SHINE ee HPA/DFID.

$
0
0

Assalaamu Calaykum dhamaan wey salaamanyihiin akhristayaasha Shabakaddan Wararka.

Waxaan halkan jeclaystay inaan idiin kusoo gudbiyo xog xaqiiq oo ka dhacday magaaladan aan joogo ee Burco, Togdheer.

Hordhac:

Kawaran laba masuul oo BILKASTA lunsada $40,000. Gobol dadkiisu u baahanyahay adeeg bulsho?

Kawaran hadii 400 shaqaale caafimaad ah aan lagu xidhin cilmi caafimaad, imtixaana aan laga qaadin?

Kawaran hadii 400 shaqaale midkasta laga qaaday lacag uu ku iibsado jago shaqo caafimaad?

400 oo shaqaale ah miyay qarinkaraan galdaloolooyinka & dulmiga, dhaawacaya quruxda dawladnimada iyo bixinta adeeg caafimaad?

Dhamaan waa dhacdooyin xaqiiq ah oo magaaladaydan ka dhacay, qofkastana saamaynaya.

Musuqmaasuq & Caafimaad waa labo aan isqaban:

Musuqmaasuq waa Aafo baabi-isa dawladnimada iyo dadnimadaba. Somaliland oo sanadkan 28 jirsatay, markii ugu horeysay waxaa muuqmaasuq shaqada ku waayay Laba (2) Wasiir, agaasimayaal guud iyo Agaasima-waaxeedyo. Dhamaantood waxay ahaayeen masuuliyiin loo arkayay lama taabtaan, laakiin waxaa galaaftay tuhunno musuqmaasuq iyo maamul xumo. Waxaana suuragal ah inaanay masuuliyiintaasi waxba lunsan shakhsiyadoodu, laakiin maamulkoodii oo jilicsanaa ama ka warhayay musuqmaasuqa ayaa galaaftay. Waa tallaabo horey loo qaaday, Madaxweyne Muuse-na wuu ku mahadsanyahay.

Wasaaradda Caafimaadka waxay dad badani ka war-qabaan inay tahay wasaaradaha ugu mashaariicda badan uguna hanta-lunsiga iyo musuqmaasuqa badan.

Dabagal dheer oo aan sameeyay ka dib waxaa iisoo baxday musuqmaasuq caddaan ah oo ka dhexsocda hawlaha Wasaaradda, qaybo ka mid ah.

  1. Musuqmaasuq hadheeyay Mashruuca ee SHINE (DFID) ee Nafaqaynta & Daryeelka Caafimaad

  2. Musuqmaasuqqa Dhakhtarka weyn ee Hargeysa & Deynta $425,000

  3. Shaqaalihii Dhakhtarka weyn ee aan la shaqaalaysiin 7 sano, qaar cusubna si hoose loo qaatay.

Qoraalkani wuxuu ku koobanyahay Musuqmaasuqa Mashruuca SHINE.

Somali Health And Nutrition Programme (SHINE) waa mashruuc caafimaad oo ay malaayiin Doolar ku maalgelinayso dawladda Ingiriisku (DFID-UK).

Mashruucani wuxuu ka fulayaa labada gobol ee Awdal iyo Togdheer ee Somaliland iyo labaa gobol ee Banaadir iyo Galguduud ee Soomaaliya.

Gobolka Togdheer waxaa fulinaya Haayadda HPA, waxaana gobolka Togdheer ka shaqeeya in ka badan 400 oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira Kalkaaliso (Nurse), Umuliso (Midwife) iyo Dhakhaatiir.

Shaqaalaysiinta 400 ee muwaadin loo marin habka iyo sharciga qaadashada shaqaalaha. Waxaa loo xushay hab aad u foolxun. Waa kuwan dhacdooyinkii ku gedaamnaa qaadashada shaqaalaha caafimaad ee mashruuca SHINE-DFID, ee Gobolka Togdheer ee Somaliland:

  1. Qabyaalad ku koobnaatay labada masuul ee ugu sareeya caafimaadka gobolka

  2. Qofkasta oo hab qabyaaladeed lagu xushay waxaa lagu xidhay in uu bixiyo lacag fadhiisin lagu sheegay ama lacag baad ah oo xaaraan ah. Lacagtaasi waxay u dhaxaysay $50 ilaa $100, qofkiiba. Masuuliyiinta caafimaadka gobolka Togdheer waxay Jeebabkooda ku xeerooday lacag u dhaxaysa $20,000 ilaa $40,000 (50×400=20,000).

  3. Labadii bilood ee ugu horeeyay shaqada waxaa shaqaalaha laga goostay midkiiba $200. Waxaanay noqonaysaa = $200 x 400 shaqaale =$80,000 sideetan kun oo doolar. Waxaana kala qaatay labada Diktoor ee Gobolka ugu sareeya.

  4. Bil kasta waxaa shaqaalaha laga reebaa ama laga goostaa $100 ($100×400=$40,000) Hadda waa AFARTAN kun oo doolaar oo BILKASTAtaagan.

  5. Kirada laba gaadhi oo si qasab loogu shaqaaleysiiyay (Conflict of Interest) iyagoo meesha ka saaray laba gaadhi oo kale dad shicib ahi lahaayeen oo si cadaalad ah hore ugu shaqayjiray.

  6. Waxaa musuqmaasuqa qayb weyn ku leh Haayadda HPA, oo u fududeysay in Masuuliyiintani Xisaabta Shaqaalaha u maamulaan la-Xisaabtan la’aan (NO Transparency and NO Supervision).

  7. Haayadda HPA waxay lacagta hore ugu shubi jirtay shaqaale kasta Xisaabtiisa Bangiga uga furan (Employee Bank account) laakiin imi waxay ku wareejisay Xisaabaadka Bangiyada ay maamulaan labadan masuul.

Talo ku socota Wasiirka Caafimaadka:

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Cumar Cali Cabdillaahi (Cumar Dheere) waxaanu ka codsanaynaa inuu baadhis weyn ku sameeyo dhamaan tuhunnada musuqmaasuq ee Wasaaradda ka jira, gaar ahaan uu baadhis ku sameeyo Maamulka caafimaadka Togdheer, Dhakhtar weyn ee Burco, iyo Mashruuca SHINE ee Haayadda HPA & DFID gobolka ka wadaan iyo Musuqa ku huursan shaqaalahaas.

Wasiirka waa masuuliyadiisii shaqo, waana mid uu If iyo Aakhiroba u taala wuxuu gashado habsami u socodka hawlaha caafimaad ee dalkeenan tamarta daran.

Talo ku socota Haayadaha HPA & DFID-UK:

Haayadahan waxaa saaran masuuliyadda guuleysiga mashruucan oo lacag badani ku baxday.

Hadii lacagtii loogu talo galay loo leexiyo jeebab kale waxaa fashilmaya mashruucan qiimaha badan, iyo lacagtii cashuur-bixiyayaasha Ingiriiska.

Qore Ciise Yaasiin Cali

Burco, Togdheer.

Maayor Solteco oo farogalin qaawan ku haya iskaashatada basaska caasimada

$
0
0

Waxa la yidhi baqal ma dhasho wax dhalana ma doonto, waxa sidaa ka dhigan Mayor Solteco oo ku fashilmay shaqadii loo igmaday oo waynu arkaynaa baylahda caasimada ka muuqata, iskadaa wax kaloo tahli kari waayay inuu iska basriyo xashiishka wadhan wadooyinka magaalada. 

Iskaashatada Basaska Caasimada Hargeysa waa iskaashato guun ah oo isku tashatay maamul samaystay, danahooda u midoobay ka qayb qaata horumarka caasimada, iskaashatadii caynkaas ahayd waxa maanta burburinaya Mayor Solteco oo xafiiskii ka xidhay, Maamulkii iskaashatada xidhxidhay Gud. Iskaashatada, xigeenka iyo xoghayahiiba mudo 2 todobaad ah xidhan, sababta ugu wayn ee ay xidhan yihiina tahay Maxaad baahidiina uga hadasheen, Runtii waa arin nasiib daro ah halkii Mayorku garab istaagi lahaa oo dhiirigalin lahaa iskaashatoyinka ayuu usoo biyaystay curyaaminta iyo burburinta iskaashatada iyo cid kasta oo isku duuban waa halkii somalidu tidhi Baqal Ma Dhasho Ma Dhalana Ma Rabto.

Mayor Solteco; waa maayarka ugu liita maayarada Somaliland, bayladaha caasimada ka jirta ayaa igaga filan, Wado la,aan, Nadaafad la,aan, Biyo la,aan, Maamul xumo baa ragaadisay magaaladii Dawladii Hoose wuxuu ka dhigay meherad uu isagu iska leeyahay,  Ayaanadarada Caasimada ku habsatay ayay ka mid tahay in Solteco oo la garanayo wuxuu yahay Mayor ka noqdo Hargeysa.

Waxa la yidhi Mayd maxaa u danbeeyay kaa lasii sido, Mayor solteco oo fadhiid ka dhigay adeegyadii bulshada, wuxuu maanta bilaabay burburinta cid kasta oo isku duuban, Iskaashatada Basaska ayaa markhaati inoo ah kuwa kalana way ku xigaan, waxaanu leenahay Caasimada hala badbaadiyo Solteco.

Iskaashatada basaska caasimadu nidaam ayay leeyahiin iyo qaab ay isu soo doortaan maamulkooda, Gudidii wuu xidh xidhay wuxuuna doonaya in maamul isagoo kale ah uu keensado meesha oo isagu leeyahay. Arintaas lama aqbali karo Solteco hakala baxo farogalinta qaawan ee uu ku hayo iskaashatadii ugu waynayd Caasimada. Wasiirka Arimaha Gudaha waxaan usoo jeedinaynaa in arintaas hoos u eego gudidaas xidhana xoriyadoodii loosoo celiyo maamulkoodana faraha looga qaado.

Ilaahay xaqa hayna waafajiyo

W/Q: Jaamac Cabdilaahi Faarax
Hargeysa/ Somaliland.

Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?

$
0
0

Hargeysa (Berberanews) – Sheekh Cabdicasiis Muxumed Samaale waxa uu Siyaasadda kasoo fantay oo uu ka mid ahaa raggii ku ababay Xisbiga Kulmiye wakhtiyaddii uu Mucaaridka weyn ahaa ee uu dalka ka talinayay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale kaahin, waxaana lagu xasuustaa weedho aan laaqi ahayn oo uu si Jar-Iska-Xoornimo kujirto ugu miisi jiray Daahir Riyaale kaahin kuwaasi oo illaa imika ka dhex guuxa Dad weynaha ku dhaqan Gobolka Awdal oo uu Deegaan ahaa Kasoo jeeday Riyaale.

????????????????????????????????????

Waxa uu soo noqday Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiiladda Isagoo ku matalayay Xisbiga Kulmiye, waxaanu si weyn uga dhex muuqan jiray Golaha isagoo ay caawisay Culimanimadda iyo goobaha diiniga ah ee uu kusoo hanaqaaday. Waxa uu door weyn ku lahaa duufsigii Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ay wakhtigaasi u shirabnaayeen Xisbiga Kulmiye waxaanu ahaa shaqsi uu Siilaanyo wakhtigaasi oo uu kursiga madaxtinimadda u ordayay oo uu mucaarid ahaa  uu aad ugu kalsoonaa, Isna (Samaale) dhinaciisa waxa uu daacad u ahaa Kulmiye iyo inuu Siilaanyo Kursiga ku guulaysto. Markii Siilaanyo Talada Dalka ku guulaystay waxa uu Siilaanyo u magacaabay Xil Wasiir, waxaanu u dhiibay Wasaaraddii ugu miisaanka Cuslayd ee Maaliyadda isagoo markii uu shan sanno ku dhawaad hayay Xilkaasi iskii iskaga casilay, isalmarkaana  banaanka uga Baxay Xukuumaddii Siilaanyo.

 Waxa Samaale ku abuurmay wakhtigaasi Han Musharax Madaxweyne waxaanu dagaal culus u galay sidii uu u banaysan lahaa Musharaxnimadda Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii, iyagoo Geesaha isgaliyay Muuse Biixi Cabdi oo isna hanka Madaxweynenimadu mar kuwad abuurantay. Iyadoo ay halkasi marayso ayaa waxa uu Muuse Hiil ka helay Qoyskii madaxweyne Siilaanyo sidaasi ayaanu ku hantay inuu noqdo Musharax aan lagula tartamin Booska kal  dambe ee Musharaxnimadda Madaxweynenimada ee Xisbiga Kulmiye Gudihiisa Siilaanyo dabadii. Samaale waxa uu isku dayay inuu dibadda kala dagaalamo Muuse balse Waxa u laqimay oo cagta u dhigay Kooxo jibo Qabiil olole ugu jiray oo ka koobnayd ganacsato kuwaasi oo la sheego inay woxogaa lacag u duuduubeen Samaale. Wixii intaasi ka dambaysay waxa uu muxaafid u noqday Muuse balse dareen gaar ah ayay kuwada socdeen.

Muddo ayuu Samaale saaxadda kabaxay markii uu Muuse Talada dalka ku guulaystay balse haddana dhawaan ayuu ku soo noqday Xayndaabka. Waxaana lagu dhex ararkayay Kulamada Xisbiga Kulmiye yeelanayo ama Xisbiyadda kale la yeelanayo.

Arinta layaabka ku noqotay Taageerayaashii Sheekh Samaale iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waxay tahay, waxa uu maalin dhawayd kasoo muuqday Shaashada isagoo uu barbar taagan yahay  Ku xigeenka Xoghayaha Xisbiga UCID, Arintaasi oo ay saluugeen taageerayaashiisu islamarkaana la iswaydiiyay Xilka uu Samaale ka hayo Xisbiga Kulmiye ee aan muuqan iyo bahdilaada muuqaalkaasi iyo halka uu taagnaa oo aad loola yaabay?.

Haddaba Waxay Iswadiintu Tahay Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?.

 Dad badan ayaa aaminsan inuu Samaale Lacag jecel yahay oo uu hoosta ugaga jiro Muuse islamarkaana waxa bahdilay ee meeqaamkiisii hoos u celiyay ay tahay Danno Dhaqaale, walaw warar hoose sheegayaan inuu bil walba masaariif ahaan u qoray shan kun oo dollar.

Dad kale ayaa aaminsan inuu dano qabiil u gardadaduuban yahay balse arintani waxay ku tiirsanayd wakhtigii ololaha oo waa laga soo gudbay, waxaanay wax waliba iskugu aroorayaan Dano Dhaqaale. Sidoo kale danihii siyaasiga ahaa hadda ma shaqaynayo oo majoogto wax shax siyaasadeed ah oo la ciyaarayaa. Sheekh Samaale waxaa gardaduub u xidhay dano dhaqaale waxaanu ka mid yahay dadka lacagta jecel ee mar walba ka agdhawaada dhariga, sida hadda ka muuqata, waana dadka  sharaftooda iyo kartidooda waydaarsada haddii ay meesha taalo lacagi waana tii uu Wasaaradda maalliyadda diiday in laga badelo ee uu iskaga casilay Wasaaradda Waxbarashada.

Diblomaasi Khadar Muxumed Karaash

Akhri: Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir(Xoggo Badan Halkan Kaga Bogo)?. Q:2-Aad

$
0
0

Akhiristayaal waxaad qaybtii koowaad ku soo aragteen dhacdooyin badan oo yaableh oo xaqiiqo ah oo dul hoganaya Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, musuq maasuqii kala duwanaa ee uu sameeyay xiliyaddii uu Xilalka kala duwan kasoo qabtay Maamulka Dekeda Berbera, lacagtii Taagga lagu soo iibinayay ee uu cunay iyo hantida badan ee uu ka dhaqday Xoolihii Umadda ee lagu aaminay, waxa kale oo aad ku soo aragteen markii uu Siilaanyo xadhiga u diyaariyay cidda ka hawlgashay ee Siilaanyo ka ladqabaysay,taasi oo ay kuusii  Xaqiijinayso xilkan isagoo tuugga ah lagu abaal mariyay ee mar kale Xoolihii u madda loogu loogay.

Waa Kuma Mar Kale Axmed Yuusuf Dirir?, Hantiisu intay leeg tahay?

Maanta Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu ka mid yahay dadka ugu tujaarsan Magaalooyinka Berbera & Hargeysa, waxa uu ku leeyahay Dhismayaal aad u badan oo iskugu jira huteelo waa weyn iyo goobo ganacsi magaalooyinka Berbera & Hargaysa umaduna ay wada ogtahay, oo aan cidna ka qarsoonayn, waxaana uu hantidaasi ka dhaqday Xoolihii umadda ee lagu aaminay.  Musuqa ugu badan waxa uu gaystay wakhtigii kala wareegga Dekeda Berbera ee ay Shirkadda Dp-World la wareegtay isagoo hanti badan oo iskugu jirtay Lacag cadaan ah iyo gaadiid  iyo hanti kale oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay afka iska mariyay, meel ay jaan iyo cidhib dhigeenna aanay ciddi garanayn, markii ay Xukuumaddii hore ku ogaatay ee ay damacday in Xabsiga loo taxaabana waxaa difaacay Madaxweynaha Maanta oo wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha Kulmiye kaasi oo dano badan ku qabay islamarkaana sida uu sheegay Axmed Dirir, ay qaybsadeen Lacagtii Malaayiinka ahayd ee Taagga ee la waayay ee uu Axmed Dirir sida badheedhka ah AKAWNKA Dekedda ugala baxay. Sidoo kale Waxa uu Axmed Dirir ku leeyahay dhismeyaal dhaadheer Magaalada Dubai. Axmed Dirir waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka intay xoolihii  umada boobeen hadana umadii kala xishoon waayay ee xaaraantii ku furtay goobo ganacsi, iyo dhul, dhismayaal maalin walba la iibsado.

Magacaabistii Xilkan Uu Hadda Haye Ee Hanti Dhawrka Iyo Dareenadda Ku Gadaanaa!!!

Markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilka Madaxtinimadda Dalka ku guulaystay, ee uu Xilka la wareegay waxa uu xilka Hanti dhawrka Qaranka u magacaabay Axmed Yuusuf Dirir oo illaa imika haya. Dad badan ayaa aad ula yaabay Madaxweyne Muuse Biixi sababta uu tuuggii uu Xukuumaddii hore ka ladqabeeyay uu xilkan culus ugu abaal guday, waxaase dadka intaasi ka sii xog ogaalsane ay iyana jawaabteeda ku siinayaa jawaabteeda oo uu nuxurkeedu noqonayo inay Ninkani Madaxweyne Muuse Wax baddan isku qarsanayaan.

Markii Uu Xilka Hanti Dhawrka La Wareegay Iyo Baadhisihii Uu Bilaabay + Fadeexadaha.

Haddaba Markii uu Axmed Yuusuf Dirir  la wareegay xafiiska hanti-dhawrka ee Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay, in yar kadib waxa uu baadhis ku bilaabay dawladaha hoose ee wadanka dhamaantood. Baadhitaanadaasi waxa ay Hanti Dhawrku ka bilaabeen Xafiisyadda Dawladdaha hoose ee Magaalooyinka Boorama Gebiley, Hargaysa, Berbera & Burco. Waxa dhamaantood wada baadhay hal Tiim oo uu si gaar ah ugu xil qarsanayay Axmed Yuusuf Dirir, waxaana tiimamkaasi haystay oo uu Madax uga dhigay Cali Bilyan. Dhamaan magaalooyinkaasi meel kaliya oo wax laga qabtay may jirin marka laga reebo Boorama oo la soo eedeeyey Maayarkii, xilkiina lagaga qaaday?.

Akhri Dareenada Iyo Fadeexadaha Ka Soo Ifbaxay Baadhisahaasi?

Waxaynu ku dul istaagaynaa oo aan ku hakanaynaa Baadhisahan oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu Sameeyay Axmed Yuusuf bilawgii Muddo Xileedkiisa iyo fadeexadihii kasoo noqday.

Dabo-gal iyo faham gaar ah oo aan galiyay sida uu hantidhawruhu uu shaqada baadhistaa Hay’addahaasi u bilaabay iyo halka wax ka khaldameen ayaa waxa noo soo baxay qodobadan:

1. In Dhamaan Maayirada Magaalooyinka Hargaysa, Gebiley & Berbera Laga Qaatay Laaluush.

2. In Heshiis Joogto Ah Lala Galay Oo Bil Walba Ay Lacag Bixin Doonaan.

3. Iyo In Aan Culays Danbe La Saarin Ee Siday Doonayaan Ay Sameeyaan Oo Ay U Icticmaalaan Kharashka Mar Hadii Heshiis La Yahay.

Bulshooy ilaahaybaan idinku dhaarshee ma waxaasi ayaa baadhitaan ah? In la yidhaa mayarkii boorama oo kaliya ayaa la qabtay oo dhamaan maayiradii kale waa wada nadiif inaga oo og maanta hargaysa waxa ka taagan ma waxaan aqbali karnaa?.Waxaan ognahay markii la baadhayey dawlada hoose ee Berbera toban cisho intaaynay gaadhin mudadii la hayey faylashooda ayaa habeen madaw inta hargaysa laga qaaday la geeyey Berbera inta qalinkii akhtarka ahaa loogu saxay. Ma waxaas ayaa baadhis ah?

Muxuu Ku Badeshay Baadhisahaasi?

Waxaanu ogaanay in dhamaanba dawladahaasi hoose ee uu baadhay uu Axmed Dirir ka qaatay laaluush iskugu jira lacag iyo dhul, meesha kaliya ee uu ka waayay waxaasina ay ahayd Boorama isagiina la eedeeyey, waana tii uu Xilka ku waayay maayarkii Boorama. Ma waxaas ayaa cadaalada ama baadhis aan odhan karnaa ? waa ninkaa hantidhawraheena guud ee maantu bulshooy.

6. Kooxo Uu Ku Shaqaysto Oo Uu Samaystay & Haykalkii Xafiiska Oo Uu Baabiiyey.

Axmed dirir mudadii uu joogay hantidhawrka waxa uu sameeyey in uu shaqaalihii hantidhawrka kala qaybiyo, oo dadkii khibrada lahaa ee mudad dheer soo shaqaynay uu waxba u dirsan waayo ama ka qaado goobihii ay joogeen. Waxa uu samaystay laba kooxood oo beeshiisa ah oo uu u dirsado meeshii uu doonayo in la baadho si ay ugu soo ururiyaan laaluushka uguna fudaydiyaan musuqa uu doonayo, waxaad arkaysaa mar meel koox baadhis ah loo diro in 5 ama 6 qof ee goobtaa loo diro ay isku beel wada yihiin oo dawladnimadii meesha laga saaray, sobabta ugu waynina ay tahay musuqa uu doonayo si aan loo fahmin.

Waxa kale oo dhacday in uu baabiiyay hawkalkii dawladnimo oo dhamaanba waaxyihii kala duwanaa ee xafiiska hantidhawrka uu ka dhigay wada beeshiisa dadkii kale oo dhana uu meesha ka saaray.

7. Miisaaniyadii Xafiiska Hantidhawrka Iyo Sida Uu Ugu Tagrifalo!!!

Waxa uu sameeyey in uu musuqay miisaaniyadii xafiiska ee loogu talo galay in la siiyo shaqaalaha Hantidhawrka si meesha looga saaro in aanu ninka hantidhawrha ah ee wax baadhayaa aanu waxba waydiisan Masuulka uu baadhayo. Lacagtaasi Axmed Dirir wuu ka duudsiyey shaqaalihiisa, lacagtaasi oo dhan  milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar sanadkii waxa uu ku shubtaa akoon gaar ah oo sadexdii biloodba loogu shubo lacag gaadhaysaa 3 boqol oo kun oo dollar. Taasi haddii aad rabto waxa aad boqataa Xafiiska Hanti dhawrka, waxaanad ka ogaan kartaa Shaqaalaha laftooda iyo masuuliyiinta halkaasi ku sugan ee dulman.

Halkan U Fiirso Oo Fahan Buuxa Ka Qaado?.

Lacagtaasi ma laha wax xisaab celin ah ee waxa uu ula baxaa sida uu doono, shaqaale waxba kama siiyo marka laga reebo kooxaha uu samaystay oo uu waxyar ka siiiyo iyaga. Madaxweyne ma dawladnimadaa in hantidhawrihii wax sixi lahaa uu isagii boobayo lacagtii shaqaalaha lagu tayayn lahaa? Wasaaradaada maaliyaduna ay si toosa ugu fudayso musuq oo akoon ugu shubto inaga oo ogsoon in hay’adihii kale iyo wasaaradihii dawladu ay foojar isticmaalan?

Gebo-gebadii Madaxwayne waxay umadu kaa sugaysaa in aad si degdeg ah talaabo u qaado oo aad keento qof nadiifa oo umadu ay ku kalsoonan karto, musuqna aan hore u soo samayn oo baadhitaankii lagu qanci karo.

Mudane Madaxweyne ma tuuganimadii ayaad ku abaalmarisay? Ma xoolihii umada ee uu sifaha khaldan uu adeegsaday ayaad abaal gud uga dhigtay goobtii la doonayey in aad gayso nin nadiifa oo umadu aamini karno, waxa uu soo qabtana lagu qanci karo? Madaxweyne, Ilaahaybaan kugu dhaarinee miyaanad umada Somaliland ka xishoonayn markaad ninkaa tuugaa ee aad ogtahay aad aad u magacaabayso meeshi musuqa lagala dagaalami lahaa?!!!  Maxaad madaxweyne umada caqligooda u caayaysaa?!!!

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hal xaaraani nirig xalaala ma dhaso! Oo macanaheedu maanta noqonayo nin tuug ahi baadhitaan sax ah ma samayn karo.

Shacab Somaliland-na waxaan leeyahay waa ninkaa hantidhowraha maanta ina leh waxbaan saxayaa. Waa kii la horgayn lahaa cadaalada ee xoolihii umada ee uu dhacay laga soo celin lahaa. Ilaahow cadaalad ayaan ku waydiisanay iyo dad sharaf iyo karaamo leh oo hantida umada lagu aamini karo.

Lasoco Qaybo Dambe ….

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London.

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live