Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Qorshaha Madaxwayne Siilaanyo Iyo Caa’iladiisa Uga Meel-Yaala Suxufiyiinta Haatuf Ee Aargoosiga Ugu Xidhan!!!Qalinkii Naasir Aadan

$
0
0

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Marwadiisa Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil qorshaha uga meel yaala masuuliyiinta Haatuf ee u xidhan waxa weeyi in lagu xukumo xadhig-dheer oo ay jeelka ku baanisaan inta u dhaxaysa 3 ilaa 6 sanadood iyadoo ay ku xisaabtamayaan in sanadka u hadhay loogu daro laba sanadood oo mudo kordhin ah ama shan sanadood oo dib loo doorto.

Axmed Siilaanyo iyo caa’iladiisa ayaa waxay arrintaasi talo ku gaadheen ka dib markii masuuliyiinta Haatuf lagala quusta inay ogolaadaan in xayiraada laga qaado, dacwadana lagala noqdo iyaguna ay balan-qaadaan inaanay wax danbe ka qorin Baashe Cawil iyo arrimaha shidaal baadhistaba.

Labadan shardi ee lagu xidhay madaxda Haatuf ayaa waxay muujinayaan in wargeysku taabtay laba arrimood oo caa’ilada madaxwayne Siilaanyo ku noqday dhimbiil dab ah, iyadoo ay caa’iladu xasaasiyad dheeraad ah ka qabto qod-qodista heshiisyada shidaal baadhista oo ah meesha ugu musuqmaasuqa badan ee ay caa’ilada madaxwaynuhu wax ku qabsadaan iyo sidoo kale soo bandhigista awoodaha qarsoon ee wiilka madaxwaynuhu sodoga u yahay ku yeeshay dawladda isagoon meelna kaga qornayn xukuumadda.

Xasaasiyadaa (Sensitive) siyaasada ah ee ay caa’iladu u leedahay labadan arrimood, waxa u daliil ah go’aamadda khal-khalka ah ee ay sida is daba jooga ah kolba uga qaadanayaan arrinta Haatuf oo ay ku bilaabeen xayiraad aan wax sharci ku fadhiyin ee xataa hadii loo raaco xeerka habka ciqaabta (Criminal law) ee ay xukuumadu ku isticmaasho saxaafadda iyadoo ka cararaysa xeerka saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004 ee u gaarka ah saxaafadda ee madaniga ah, oo aanu ku jirin xeerkaa ciqaabta ah qodob xukuumadda u saamaxaya inay meherad xayirto.

Marka kaliya ee xeerka ciqaabtu ogolaanayo xayiraada waxa weeyi marka goob faldanbiyeed ka dhacay sida dil, kufsi ama meel la dhacay ay ciidanka Bilaysku si ku meel gaadh ah u xayiraan si farihii (Fingerprint) dadkii dambiga gaysta looga qaado goobtaa.

Xukunkii ay soo qadintay xukuumadu ee ay ku xayirtay xarunta Wargeyska iyo ciidamadii ay ku wareejisay haba ahaadaan xukumo khaldan, waxay  caa’ilada madaxwayne Siilaanyo hadana ku xigsiisay inay xayiraad kale saarto labada Website ee Haatuf iyo Somaliland Times iyo xayiraadii safarka ee Guddoomiyaha iyo Tafatiraha iyo hadana u yeedhis Maxkamadeed oo laga sii daayey warbaahinta oon loo marin nidaamkii iyo jaran-jarooyinkii garsoorka (Due Process of Law) oo markii ay eedaysanayaashii Haatuf maxkamadda u tageen inay is-difaacaan uu dhagaysigii u horeeyey intii aanu bilaabminba xoriyadoodii laga qaaday oo xabsiga sifo sharciga baalmarsan loogu taxaabay.

Dadka aan aqoonta fiican u lahayn Siilaanyo ee u haysta inuu yahay qof wayn oo mutacalim ah oon isku quudheen wax xun oo ceeb iyo tacadi ah ee dawladii dhamayd kula kacayso wargeys yar oo uu waliba mulkiiliyihiisu yahay nin ay halgan dheer soo wada mareen ayaa waxay ku doodaan in malaha ay jiraan dad kale oo masuul ka ah ficiladan fadeexada ah ee caynkaas oo kale.

Dadka sidaas u fikiriya waa kuwa damiirkoodu fayow-yahay oo iyagu ma khaldana inay dhinacaa wanaagsan ka eegaan nin lix sano ku dhawaad guddoomiye u ahaan jiray ururkii SNM haatana ah madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, laakiinse xaqiiqadu sidaas way ka duwan tahay oo Siilaanyo qof ahaan waa nin Cabban oon isku kalsoonayn oo waliba dhaliishana aad u neceb.

Siday dad badani moodayaan madaxwayne Siilaanyo maaha aqoonyahan (Intellectual) arragti gaar ah oo wax ku ool ah ka dhiibankara arrimaha iyo qadiyadaha waawayn ee ka jira dalkan, manddaqadan ama caalamkaba.

Ma jiro higsi iyo arragti fog oo Siilaanyo la yimid wakhtigii halgankii SNM-ta iyo xiligan oo madaxwaynaha yahayba oo la odhankaro waa loo aayey oo Siilaanyo ayaa figradaas lahaa oo uga tagay bulshadiisa oo ay ku liibaantay.

Marka la eego xiligi uu Axmed Siilaanyo ahaa agaasimaha guud ama wasiirka qorshaynta xukuumadii Rajiimkii Siyaad Barre waxa lagu xasuustaa inuu ahaa nin ku wanaagsan marka hawl loo diro oo lagu kormeero (Autocrat) balse sabool ka ah hal-abuurnimada.

Xaga Qiyamka iyo akhlaaqiyaadka (Moral Ethics and Values) marka laga eego, bal maxaa lagu sifaynkaraa madaxwayne ogolaanaya in dawladii dhamayd ee dalka, wasiiradii, xeer ilaalintii, garsoorkii iyo Bilayskiiba ay dhamaantood garyaqaan u noqdaan wiil yar oo uu soddog u yahay oo doonaya in wargeyska wax ka qoray loo xidho???.

Waxay yidhaahdeen Baashe Cawil waa muwaadin lagu khaldamay oo xaq u leh inuu dacwoodo. La iskuma hayo inuu muwaadin yahay xaqna u leeyahay inuu dacwoodo laakiinse lama maqal dawlad mawaadin kaliya u dacwoota oo xeer ilaalintii dalka looyar u dooda uga dhigta, halkii isagu iskii u dacwoon lahaa ama qareen  u qabsanlahaa, sida 3,999, 999 muwaadin ee reer Somaliland ee kale oo ay ku jiraan labada masuul ee Haatuf ee iyagu iskood Looyarada u qabsaday, inkastoo garsoorihii garta qaadayey uu iska hortaagay inay difaacaan labadii eedaysane ee soo wakiishay.

Siilaanyo waxa lu’gooyey inamo yaryar oo RRU la yidhaa oo aanay ragba is arag oo uu ku karbaasho cidkasta oo xukun xumadiisa wax ka sheegta, .

Wuxuu isku halaynayaa Ina Fadal iyo Maxamuud Ducaale oo goob dagaal ka socda aan waligood istaagin, balse si fiican u tabariya markay Baashe Cawil u fulinayaan shirqoolada fulay-nimada leh ee uu kula kaco warbaahinta madaxabanaan sida falalkii kala ahaa isku-dayga dil, weerarka, qabashada iyo xadhiga ee lagu fuliyey Hubaal iyo Haatuf.

Waxaase hubaal ah in Siilaanyo iyo caa’iladiisu ay dhibaatooyin culculus kala kulmi doonaan qaybta danbe ee qorshaha ay la maagan yihiin guddoomiyaha iyo tafatiraha Haatuf ee aargoosiga ugu xidhan wakhtigan.

Qalinkii Naasir Aadan


Heerkii Somaliland Ka Gaadhay Aqoonsi-Raadinta Oo Madaxwayne Siilaanyo Isku Fuuqsaday; Xili Afartii Sano Ee Xukuumadiisa Dhaawac-Wayni Soo Gaadhay Labadii Arrimood Ee Dunidu S/Land Ugu Soo Joogsan-Jirtay:  Faallo Naasir Aadan Maxamed

$
0
0

 Inakoo 18-kan May u dabaal-dagi doona sanad-guuradii maalintii aynu madaxbanaanideena la soo noqonay ayaa 23 sanadood ka bacdi waxa doorkan farxadeena kala dhantaalaya aqoonsigii aynu inta badan naawilaynay ee aynu waxyar ugu saarnayn xaqiijintiisa oo inaga durkay intii uu xukunka qabtay Madaxwayne Siilaanyo.

Xaqiiqatan mudada afarta sano ku dhawayd ee xukuuumadda Kulmiye ayaa dawladihii, siyaasiyiintii, hay’adihii iyo aqoonyahanadii markay caalamka noqoto aynu tirsan-jirnay ee qadiyadeena la jiray ayaa iyagu xiligan sanka inaga haysta waxaana loo aanay-nayaa guul-darooyinkaa iyo sumcad xumada heerkaa gaadhsiisan xukun-xumida Siilaanyo.

Caalamku wuxuu inagu soo majiiran-jiray nidaamka dimuqraadiga ah ee kolba heer soo marayey ee ka hirgalay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dalka waxa ka hirgalay axsaab siyaasiya oo doorashooyin ugu tartama codka shacbiga, doorashooyinkaas oo dunidu u qushuuci-jirtay siday u dhacaan.

Horumarka ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyada ee ay dunidda kale kaga heli jirtay tixgalinta gaarka ah waxa markasta saldhig u ahaa saxaafadda xorta ah ee dalka ka hana-qaaday oo si wayn u soo jiidan-jirtay indhaha caalamka.

Hadaba intii ka danbaysay doorashadii 2010-kii ee Axmed Siilaanyo noqday madaxwaynaha Somaliland wax badan ayaa iska badalay labadii arrimood ee caalamku inoogu soo joogsan jirtay ee kala ahaa doorashooyinka iyo xoriyada saxaafadda.

Intii uu Siilaanyo madaxwaynaha ahaa waxa istaagay ama dib u gurtay geedi-socodkii aynu sanadaha badan ugu jirnay inaynu ku gaadhno hadafkeenii ahaa aqoonsi aynu caalamka dalkeena uga helno.

Waxa sanadkii 2011-kii Somaliland ka qabsoomay doorashadii ugu horaysay ee fashilanta ee dhiigna ku daato.

Doorashadaasi may fashilmin oo qudha balse way inakala qaybisay iyadoo ina kala dhex-dhigtay dakanooyin iyo calool-xumo badan oo aynu maamulka Siilaanyo ilaa hadda isku dayin sidii loo dawayn-lahaa isla markaana looga taxadiri lahaa in wixii dhacay aanay mar danbe dib u dhicin.

Sixitaan uu ku sameeyo iyo garawshiyo uu ka bixiyo cabashooyinkii ay dadwaynuhu ka muujiyeen kaalintii ay dawladu ku lahayd wixii doorashadaa ka khaldamay daayoo, Siilaanyo wakhtigan xaadirka ah ayuu waddaa qorshe uu ku carqalaydayo doorashada madaxtinimada dalka ee ku beegan badhtamaha 2015-ka taas oo kaliftay in deeq-bixiyayaashu dhawr jeer uga digaan cawaaqib-xumo ka dhalankarta dib u dhac ku yimaada doorashadaa diyaar-garaw la’aan awgeed.

Arrinta 2-aad ee ah ta saxaafadda waxaynu ka wadda dharagsananahay in afartii sanadood ay xukuumadda Siilaanyo dagaal aan kala go’ lahayn kula jirtay warbaahinta madaxabanaan ee dalka oo ay qaylo-dhaantu gaadhay guddo iyo dibad-ba.

Madaxwayne Siilaanyo mar walba wuxuu dhagaha ka furaysan jiray baaqyada ay xukuumadaha iyo hay’adaha caalamka iyo saaxiibadii ay Somaliland ku lahayd dunidu ay u soo jeedinayaan markasta oo xukuumadiisu tacadiyo u gaysato hay’adaha warbaahinta ama suxufiyiinta dalkan ka hawlgala.

Waxa Somaliland markii ugu horaysay ka dhacay isku day-dil oo lala beegsaday suxufiyiin iyo hay’ado warbaahineed oo albaabada loo xidhay oo aan iyaga loo marrin dariiqii sharciyada.

Tirada suxufiyiinta la xidhay afartaa sanadood ee xukuumadda Kulmiye waxay kor u dhaaftay ilaa Boqol iyadoo aynu nahay waddan tirada dadka ku nool lagu qiyaaso 4 Malyan oo qudha.

Xasuuqan uu Siilaanyo u gaystay xoriyatul-qawlkii iyo dhaqamada kali-talisnimada ah ee aynu kor ku tilmaanay ee uu ku wajahay doorashadiii golayaasha deegaanka iyo waliba tuhuno iyo gal-daloolooyin saamayn ku leh mandaqada oo lala xidhiidhinayo arrimaha ka hortaga amaan-darada (Insecurity), waxay dhaawac-wayn u gaysteen sumcadii Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd dibadda iyo hayn-waynidii caalamku u hayeen inay gaydo ka mid-noqoshaha dalal dunida ee la aqoonsan yahay.

Isku soo wadda-duuboo Madaxwayne Siilaanyo oo isagu masuul ka ah hin-taaqadda wayn ee inaga soo gaadhay geedi-socodkii ictiraaf raadinta dalka ayaa hadaba wuxuu doonayaa inuu yidhaahdo murashax baan ahay oo shanta sanadood ee danbe ayaan aqoonsigii idiinka keeni doonaa caalam aynu ognahay inaanay arki-karayn oo ay ka quusteen goor aan dhawayn.

 

 

Faallo Naasir Aadan Maxamed

Madaxweynaha oo Tacsi u diray Chief Caaqil Faarax Cumar Cali oo ku geeriyooday Berbera

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka Somaliland Qoyskii Qaraabadii Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Faarax Cumar Cali  oo ku geeriyooday Berbera 19.05.2014 laguna aasay.

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii ka soo shaqeeyey dib u dhiska dalka.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madax-dhaqameedkii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

TACSI MADAXWEYNE

$
0
0

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxabtii uu ka baxay Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad (Sanyare) oo ku geeriyooday 19.05.2014 Magaalada Hargeysa.

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayasha ugu magaca wayn Hargeysa iyo Dalkaba waxaanu ka mid ahaa masuuliyintii Dalka xoogooda iyo Muruqoodaba u huray sidii u dalku u dhismilahaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Xanuunka Waddo-walafka Ee Xukuumadda Tirsiga 12aad – Qalinkii: Boobe Yuusuf Ducaale.

$
0
0

“Waxaad waaliftoon wed kaa helin,

 

Ka waantoobay waa war loo noqon,”

 

Maxamed Ismaaciil Baa-sarce (Barkhad-cas)

 

Waddo-walafku, waa xanuun cusub oo si la yaab leh u saameeyay Xukuumaddeennan Kacaan-u-eg ee dadkii ku haysata: “Waxaanu qabannay maxaad u sheegi weydeen?” Runtii waa aynu sheegi lahaynba e’, mid wax sugaysa ayaanay ahaynba. Dulqaadka ayaa ku yar. Intaa diihaal ayay la sahaysaa. Baalla-daymaha iyo calool-taabashada ayay kaga dartay. Marka dambe ee ay hamaansato ayay sidaa gacanta u marisaa hunguriga. Dab liqaanu idin nidhi.

 

Ma cid baa dafirsan in ay waxyaabo maaddiya oo qosol-ku-jab u badan qabatay oo dhal-dhalaalkooda meelahaa laga arko. Bal amarka ilaahay xataa Xuruuftii ayay u kala eexdeen oo wax-qabadkoodii ayaa Xarafka Da’ (D) dhaafi la’. Miyaan idiin tirayaa? Ma laga yaabaa in aad ku hafataanba: Derbi, Daar, Dugsi, Daw, Dallacaad, Derejo-bixin, Dabbal, Dal-meer, Dibad-meer, Dibad-jacayl, Dulmi-taran, Debno-xidh, Dollar-raadin, Dirham-quud, Duub-xun, Demmen, Doqon-kaal, Diric-ciil, Dembi-badan, ma tirin karayo ee intaad doontaan ku darsada.

 

Waa Madaxweyne iyo Xukuumad lagu falay Waddo. Kuwa dhaadheer ee ay dhagax-dhigtay inaga daaya. Bal isku kooba Wajaale oo aan dhammayn 18 kiiloo-mitir. Malahayga qiyaastii saddex ilaa afar jeer waa la dhagax-dhigay. Intaas oo jeerna waa la furay oo xadhigga ayaa laga jaray. Intaas oo jeer oo kalena dhagax-dhiggii ayaa la cusboonaysiiyay. Mar wasiir baa xadhigga ka jara, marna Madaxweynaha ayaa loo dalbadaa. Bal amarka Ilaahay waxa lagu kari la’ yahay kiiloo-mitirna ha noqoto e’ mar uun ninkaa Seylici u dira. Laakiin waa tii ay hore u sheegeen in aan isaga Waddooyinku u qaalibnayn. Midda kale dee waddooyinku waa mudnaantii 1aad oo ku-xigeen iyo waxaa looma diro. Wasiir darban ama Madaxweyne daallan ayaa xadhigga ka jara. Hadda sidaa ay tahay Wajaale ilaa Kalabaydh laammi laguma sheegayn ee waa labeen ayaa la lahaa oo dadku u badinayay. Iyaga iyo Allahood e’.

 

Bal ka warrama waddooyinka ay xukuumaddan dulmi-jecel dhagax-dhigtay, marka 5tii kiiloo-mitirba Madaxweynuhu mar furo. Alla maxaa hawl ina sugaysa. Waxaan soo xusuustay ma-hadhooyinkii Jabhaddii iyo da’-yartii seegtay fursadihii haasaawaha.

 

Beryihii dalka la xoreeyay ayay barbaartii Jabhadda ku soo kortay la qabsan kari weyday noloshii magaalada. Hablo iyo haasaawaba hore uma ay arag. Mustafe iyo xertiisa ayaa galab-galab nala fadhiisan jiray. Qaadka inta la jarjaro oo la kaco ayaa haddana la soo noqdaa. Waxay noo sheegeen in ay garan la’ yihiin sida hablaha loogu sheekeeyo oo ay ka qabsatay hawl-gal iyo siyaabihii loo fuliyay oo aanay habluhu jeclayn. Dagaalladii Buuraleyda aay uga sheekeeyaan. Iyaga oo sheekaynaya ayay habluhu ka dhaqaaqaan iyaga oo leh: “Alla hoogay, sidaas ayay sheekadii dagaallada intoodii badnaydna iigu hadhay.” Innaga ayaa maanta taas oo kale u taagan oo waxaas waddo la dhagax-dhigay ina sugayaan. Alla maxaa xadhig-jar iyo dhagax-cusboonaysiin inoo hadhay. Waa haddii ay run ka ahaydba.

 

Waxa la yidhi Madaxtooyada ayaa dalbatay nin khabiir ah oo Somalilander ah oo Mareykanka deggenaa. Madaxtooyada ayaa xafiis looga furay. Waxa laga codsaday in uu xukuumadda u sameeyo barnaamaj habaysan oo ‘electronic’ ah. Waxa la weydiistay in uu wasaarad iyo hay’ad kastaba u sameeyo: Guud-mar kooban iyo saddexda baahiyood ee ugu mudan ee cid waliba leedahay (priority). Ninkaas, waxa la sheegay in la yidhaado Dr. Dibad-joog. Waa xeel-dheere xataa Mareykanku ka yaabay.

 

Wasaaradihii ayaa saf u soo galay. Guud-markii koobnaa ayuu ka wada qaaday. Ka dibna mid walba wuxu weydiiyay saddexda Qodob ama arrimood ee mudnaanata 1aad u leh. Mid waliba saddexdiiba waxay ka dhigtay waddo. Wuu yaabay. Wuxu weydiiyay: “Waar miyaan dalka baahi kale jirin?” Waxa loogu jawaabay horto waddo loo maro ha la helo.

 

Dhowr jeer ayuu codsaday in uu Madaxweynaha arrimahan uu ka fajacay ka arko. Dhowrkii jeerba waxa loogu jawaabay: waddo ayuu soo dhagax-dhigayaa, waddo ayuu soo furayaa, dhagax-dhig waddo ayuu soo cusboonaysiinayaa. Dhabannada ayuu gacmihii ku illoobay. Xafiisyadii Madaxtooyada ayuu ku wareegay. Waxa laga sheekaynayaa waddooyin. Waxa la daawanayaa waddooyin. Waxa laga murmayaa waa waddooyin. Waxa la qorshaynayaa waa waddooyin. Shirarka jaraa’id waa waddooyin.

 

Ninkii Odeyga ahaa ee Dr. Dibad-joog ayaa afkiisii waddo mooyaan e’ wax kale laga waayay. Wuxu yidhaahdaaba waa waddo. Xigtadiisii ayaa u qaadatay in uu is-dhaafay. Dr. Aar oo cisbitaal cusub oo casriya magaalada dibaddeeda ku haysta ayaa loo geeyay. Su’aalo ayuu ku bilaabay. Dr. Dibad-joog wax kasta oo la weydiiyaba wuxu kaga jawaabaa: waddo. Dr. Aar ayaa yidhi: “Ma Madaxtooyada ayuu ka shaqeeya.” Waxa loogu jawaabay haa. Dadkii Dr. Dibad-joog waday ayaa yidhi: “Maxaad ku garatay in uu Madaxtooyada ka shaqeeyo.” Dr. Aar ayaa si fudud u yidhi: “Xanuunkan ayaan garanayaa iyo meelaha ugu badan ee laga helo ama uu dadka kaga dhaco. Wuu sahlan yahay oo waa marxaladihii hore ee cudurkan cusub ee xukuumaddan la kowsaday ee Waddo-walafka. Waa aynu daweyn karaynaa, laakiin dib dambe halkaa ugu shaqo tegi maayo.” Dadkii waday Dr. Dibad-joog ayaa nefisay oo yidhi: “Qurbihii uu ka yimid ayaanu ku celinaynaaba.”

 

Weli waxa sii qoyan raadkii dabbaal-degyadii sannad-guuradii 23aad ee 18ka Meey. Khudabaddii gaabnayd ee uu Madaxweynuhu ka akhriyay fagaarihii dabbaal-degga wuxu markii ugu horreysay ku sheegay in xukuumaddiisu qaadanayso dhalliilaha loo soo jeediyo isla markaana ay wax ka qaban doonto. Waxaanu leenahay, hanbalyo Madaxweyne haddii aad dhalliilaha dhego u yeelatay.

 

Imtixaanka lagugu eegayaa waa sii daynta Hubaal iyo Haatuf. Waa wadarta dadka iyo waraaqaha xidh-xidhan ee aan waxba galabsan. Ha beenaan. Waa haddii aad isa- sixidda halkaa ka bilowdo. Sideed u jeclaataa in lagu yidhaahdo: “Waad soo halgantay oo lagugu ammaano”, adiga oo kuwii halgankaa ku jiray aan libin iyo nolol midna u oggolayn. Hees-lo’aad aan ku soo xidhno:

 

“Adoo hadal neceb,

 

Adoo hayb jecel,

 

Oon hufnaan wadin,

 

Oo habeeno leh,

 

Oo Hubaal xidhay,

 

Haatuf jeel dhigay,

 

Dadka ka hortow,

 

Ha laysoo horo,

 

Ha I doortaan,

 

Sideed ku heshaa,”

 

 

Dhammaad

Guddoomiyaha Ururka AFGARAD Oo Ka Noqday Istiqaalad Uu Hore U Shaaciyay, Codisyo Uga Yimid Bulshadda

$
0
0

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Uruka Waddaniga ah ee AFGARAD Axmed Maxamuud Cali (Shiine) oo dhawaan mar uu warbaahinta la hadlay shaaciyay inuu iska casilay Hoggaaminta Ururkaasi ayaa sheegay inuu dib uga laabtay Istiqaaladdaasi, Codiso kala duwan oo uga yimid Bulshadda Somaliland ee ku dhaqan dalka dibaddasa iyo guddihiisa.

 

 

Guddoomiye Shiine oo soo saaray Warsaxafadeedd uu nuxurkiisa ku caydaynayo sababah dhaliyay inuu dib uga laabto istiqaaladdii uu hore u shaaciyay, waxaanu Warsaxafadeedkaasi uu soo-saaray u dhignaa sidan:-

 

“Dhawaan mar aan Warbaahinta la hadlay waxaan sheegay inaan iska casilay Hoggaamintii Uruka Waddaniga ah ee AFGARAD , codiso kala duwan oo iga yimid Bulshadda Somaliland ee kala sugan Daafaha Adduunka, kuwaas oo i soo jeediyay inaan ku Nagaado Masuuliyadda Ururka AFGARAD, waxaanan u balan-qaadayaa Bulshadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan inaan dadaalkay-ga sii laban-laabi doono Shaqaddii aan Bulshadda u hayayna aan halkaygii ka sii waddi-doono.

 

Waxaan Dadkay-ga uga mahad-naqayaa Kalsooniddii fiicnayd ee ay I siiyeen inaan ku sii Hoggaamiyo Ururka waddaniga ah ee AFAGRAD”

 

ALLA MAHAD LEH.

 

Axmed Maxamuud Cali (Shiine)

 

Guddoomiyaha Ururka waddaniga ah ee AFGARAD.

Xidigaha Geeska Waxaan Xaal Ka Siinayaa sida ay xukuumadu Wax Tarkooda indhaha uga Qarsanayso

$
0
0
Kooxda xidigaha Geesku waa hormuudka fanka wakhtigan waxaanay si muuqata uga qayb qaateen xuskii 18 may ee sanadkan oo heeso shacabka dareenkooda ka turjumaaya ay soo saareen kuwaasi oo dal iyo dibadba aad dadku u jeclaadeen, balse waxa nasiib daro ah in xukuumadu indhaha ka qarsanayso islamarkaana ay dafirayso waxtarkooda muuqda.
Waxay dibada ka soo casuuntay fanaaniin muwaadiniina waa sax oo ma diidani balse kharashka tirada badan ee ay ku bixiso iyo casuumadaha is daba jooga waxa haboon in ay ka sinto oo fanaaniinta dalka qiimayso xukuumadu waxaana igu maqaala ah in waliba ay soo wada casuuntay fanaaniin isku wada hayba oo madaxwaynaha ay isku reer yihiin.
xidigaha 2 Xidigaha1
Ruruntii waan ka xumahay, in xukuumadu cadaysato falal fanaaniinta qaarna lagu buubbuuninaayo qaarna waxtarkooda la aasayo Xidigaha geesku waxay nooleeyeen Fankii Hargaysa caanka ku ahayd in ay xukuumadu intaa ku qiimaysaa qurux badan.
kooxda xidigaha geeskana waxaan leeeyahay waa dalkiina waana dadkiini idinkaa u hadhaya dalka balse xukuumadan reer jeclaysiga astaanta ku ahi way iska tagi ee samra.
Hadii xaqiiqda laga hadlo fanaaniinta qurbaha ka timiday way fiicanyihiin laakiin inta ay dalka tari karaan kuwa joogaa iyagu ma tari karaan laakiin waxay soo kordhinayaan kharash waxaanay niyad jabinayaan fanaaniinta dalka ee dadku jecelyihiin tv-ga waxaan ka dawada maalinba wasiir iyo agaasimayaal qada sharaf u samaynaya kuwa qurbaha haday xukuumadu aanay kala saarayn fanaaniinta maxay ugu samayn wayday fanaaniinta dalka.
Cabdi Allaale Nuur
Hargaysa Somaliland

Oggaysiis Ganacsatada Muwaadiniinta ah Ee Somaliland

$
0
0

Ganacsatada Somaliland ee doonaysa, ama danaynaysa in ay kor u qaadaan ganacsigooda, waxa loogu bushaaraynayaa in loo hayo fursado ay uga faa’idaysan karaan sidii ay ganacsigooda kor ugu qaadi lahaayeen, fursadahaa oo ay bixinayaan shirkado ajaanib ah.


Hadaba wixii faahfaahin ah kala xidhiidh telefoonka hoos ku qoran
063 4240 643


Talo ku saabsan Horumarinta Gobolka Saaxil

$
0
0

Talo ku socota Gudidda dan Iyo duco

—Maamulka gobolka Saaxil
– Maareeyaha dekadda
—Gudoomiyaha Gobolka
—Maayorka Gobolka Saaxil.
 
Marka hore iga guddooma salaan aad u qaali ah,ka dib koley waxaad mudan tihiin sharaf iyo karaamo madaama aad tihiin maamulkii gobolka iyo guurtidii horumarinta ee gobolka u adeegayey.
 ayaan imi wadanka gaar ahaan Gobolka saaxil,Suuqsade,sheikh,Berbera waxaan soo marey goobaha wax lagu dhigto gaar ahaan dugsiyada sare iyo caafimaadka ,dhakhtarka sheikh,Berbera waxaanan ku arkay dib u dhac weyn oo heysta xagga waxbarashada ma heystaan macalimiin qualified ah Bsc,BA iyo gudoomiyayaal waxbarasho oo heysta wax u dhigma masuuliyadda intaas le’eg ay hayaan.
Xagga caafimaadka waxaan booqday dhakhtarka sheikh oo ay dawladu tidhi waan furay walaahi waan qaadan kari waayey waxa aan ku arkay oo aan ahayn microscope meel yaalla,Bebera waxaan la kulmay agaasimaha gobolka oo shir u jeedinaya shaqaalaha oo gabay shaqadoodii iyadoo weliba guno looga diyaariyey heyad wax caawisa—waxaan indhaheyga ku soo arkay labka oo aanay oolin—simple Biochemistry analyzer—basic test like—HDL,LDL,Trig,Glucose,HBA1c ,Basic hematology Analyzer CBC etc.
Haddi aad qiimeyso labadaa qalab ma dhama 10,000$,waxaan weydiiyey badhasaabkii hore wuxuu iigu jawaabey dad waxaan u jeeda maaha.
Hadaba waxaan u sheegayaa qurbo jooga waakaa gobolkiinii waxa ugu sahlan aanay qaban karin maamulada ka jiraa oo aanay lahayn aragti fog oo ay wax arkaan,arintaas ayaan u soo jeedin lahaa gudo iyo dibadba in wax laga qabto in kastoo hawluhu badan yihiin hadana in lagu tiraabo dadka ehelka u ah gobolka ee maamulka dawligga sheeganya in siiyaan muhimadda labada  sector ee aan soo sheegay oo ay joogiyaan jey ku daadinta wadooyinka iyo kamarad iska doobinta aan macno lahayn
Waar wadankiina ee wax u qabta,oo markaad kiina daryeeshaan aayaad somaliland iyo somalida kaleba aad wax tari kartaan.
  Waxaan doonayaa in aan halkan uga soo jeediyo qurba jooga gobolka saaxil waa haddii ay wax ku qaadanayaa,
Dr, Mohud Afyare 
Dr, Mohu Aw Cali
DR, Milatar
Dr, Mohd Abdi Ibrahim
Dr, Dr, Xaraaro
Dr, Ahmed Heybe
Dr, A/razak Mohdi Essa
Dr, Abdulrahman —Agaasiha gobolka berbere
Dr, Madadaal
Cabdillahi jaamac
Saleebaan jama
C/raman Jama
Reer Abdillahi diiriye
Reer Xuseen dhagaweel
Sayid habashi
Ibraahim xabashi
C/khaalq Xabshi
Reer bayac
Reer Essa Awaleh
Reer Abdilahi warsame 
Reer ismail cadde
Reer shaleeli
Xasan xabashi
Reer xaaji mohd siraad oo dhan
Reer x.Aaaden
Reer xaaji muuse
Reer canrtan abokor iyo ——-Dadku waa badan yahay
waar wadankaagii aad ku dhalater ee aad wax ku baratey ,addunka lama arag qof ka dhaqaaq meeshii uu ku dhashay isagoon wax u qaban.
Saaxil yaan lagu halayn dawladd iyo cid kale waa in loo gurmaddaa dhinac walb,gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka–bilaahi ceylkan dhakhtarkii sabadii ayaa biyihii sii deysay ka dib markii uu dayac tiray kuwaitiga illaahay ha ka abaal mariyee.
Waar HADAL HAAMO LAGAMA BUUSHO waxaan ku soo xidhy hawl weyn ayaa ina sugeysa.
Siyaasadan cusubna reer siilaanyo la yimaadeena ha dhex galina oo amnigiina ilaashada ,ninkii dhooqo faraha darsayana isagey jirtaa iyo masuuliyadda la saaraY wadan dhan ilaa qow iyo zeylac.
Cuqaash,salaadiinta iyo caqli u saaxiibka waxaan u soo jeedin lahaa in nabadda la ilaaliyo 
,inagaa ku noole iyadu inaguma noole..
Maamulka berbere :
La yimaada aragti for oo ku saleysan waxqab gobolka saaxil.

 
Dr,Abdul Razak Mohdi Essa
Senior Medical supply chain officer
Abu-Dhabi-United arab Emirates

Waraaq furan oo ku socota Agaasimaha Caafimaadka gobolka Saaxil

$
0
0

Waraaq furan oo ku socota Agaasimaha Caafimaadka gobolka Saaxil 

Dr. Abdirahman abdillahi Dualeh

Bogaadin marka hor e togba taagtii ayauu rogmadaa inta aad u qabatey gobolkaagii waad ku mahad san tey.
 
waxaan doonayaa in aan ku xasuusiyo dhakhtarka sheekh oo ah meesha kaliya dhakhtar wanaagsan laga sameyn karo wuu dumayaa oo sabadii ayaa laga qaaday oo wuu habayaa xitaa qolkii qaliinka ayaa hor joogaha nursing mr. ayaanle i tusay.
waxa ugu horeeya ee aad ka hawl gahsaa waxa weeye dhismaha sida aad u safe gareyn lahayd,waayo waa bino qaali inagu ah oo ay noogu deeqday dawlidii USSR,taas ayaan kugu boorinayaa.
Ta labaad waa in dhakhtarka Berbers qeybta Emergencysiga waa inay joogaan shaqaaluhu ay ku sugan yihiin shaqadooda,taasi oo aan u soo goob joog ahaa anigoo ku doonay anig iyo inankii loo soo magacaabey dhakhtarka shekh ayaan cidnaa ka weyney,markaas waan la yaabney,emergencysigu waa qeyb muhiim ah ee ogow,xagaa nadaafadda waxaan muxaadaro kla dhegeystey shaqaalaha oo waxay ku tuurayaan needle kii iyo syringeka wada ama waadhka dhexdiisa,taasina waa khatar ay ku tahay iyaga dadka soo booqanaya ama degaanka.
Waa in aad dhalinta yar yar ee dhameysay schoolada waa in aad dhiiri gelisaa in ay iskaa wax u qabso u shaqeeyaan oo ay bartaan,mucaawin nurse,mucaawin lab etc.
Waa in aad dekedda ,dawladda hoose,airportka,biyaha iyo korontada aad uga doontaa
kab ama waxa loo baahdo.
 
 
Had iyo jeerna ku xir now madaxdaada walow yaaney wanaagsanaanbey—madaxweynuhu waa weli amarkii wuxuu doono ha sameeyo isagaa inoo ah -madaweybne intii aynu ixtiraami karno waa in aynu yeelnaa isaga waxa looga baay\han dulqaad ,honest,eex la’aan,qabiil raac ,hantida qaranka oo uu ilaaliyo ,isku xishka bulshada iyo iyagoo si siman wax loogu qeybiyo wixii la soo helo.etc
 
Dr, Abdirahman hadalkiiba ila taraarey ee guntiga dhiisha isaga dhig anigu heyadaha caalamka ee nala jooga ayaan kuu baadhayaoo xidhiidh kaaga sameynayaa  ama kheyriyada wadankan inkastoo dawladda soomaaliyeed ay jirto hada qofka aaminka caawimooyinka yar yar wey u fuliyaan ama dadka u dhashay gobolka wixii baahiya yar yar way ku filan, Diasparaha ama ku khaleejka ee soo sheeg wixii yar yar ee jira kolba.
 
Sheikh Khadar ayaan la xidhiidhey ee isagana la soco waa gudiga dhakhtarka sheekh.
 
 
Waa wadankaagii ee waarimeyside war ha kaa hadho!
 
Dr, A/razak Modhi Essa
Bsc(Biology/Chemistry)1987
Researcher Medical parasitology
Clinical chemistry,hematology
 
Senior Medical supply chain Officer
 

Wasiir ku khashifay bogga face buugiisa beentii dawlada

$
0
0

Waxa maalinba maalinta ka dambaysa ummada Somaliland u soo ifbaxaysa ceebaha dawaladan iyo beenta ay doonayaa inay dalkan ku xukumaan iyagoo talo meel dhigtay ahna in dagaal sokeeye ay dalka galiyaan iyo jahawareer halkaas oo dabadeed ay rabaan inay ku dumiyaan dawladii ummadu dhisatay.

Shalay ayay ahayd markii Salebaan gaal ku dhawaaqay in la hakiyay shirkii garabka dawladu wadatay halkaas oo ay ka horaysay markii garabkii kale ee muusa biixi si niyad sami iyo wanaag doon ah u sheegay inay dib u dhigeen shirkoodii golaha dhexe. Iyadoo sidaa lagu dhawaaqay inkastoo markii horeba farta lagu godayay dhexedhexaadin uu saleebaan gaal gadhwadeen ka yahay , ayaa maanta wasiirada ugu cadcad guulwadaynta oo la yidhaa cabdi aw daahir ayaa face boogiisa soo dhigay inay maanta ay qabsadeen shirkoodii ugu horreeyay.
Arrintan oo fadeexad ku ah Saleebaan gaal gaar ahaan iyo dawaldii sheegatay inay hadhimo sharafeed u sameeyeen xubnahooga hase ahaate aanu jirin wax shir ahi ayaa arrintani u muujinaysaa shacabka Somaliland daacad la’aanta meesha taala waxaana looga fadhiyaa inay dadka u sheegaan cidda beenta sheegaysa inuu yahay guulwade cabdi aw dahir ama Saleebaan gaal iyo golahiisa.

C aw dahir

Si kastaba ha ahaatoo, shaadh walbaha u galiyaan, wixii aan daacad ahayn wa u soo baxaa . waxaan ummadda reer Somaliland u cadaynaynaa in maamulka haatan jiraa dalkii ku wado god madaw kol haddii haba yaraate talaabadii ugu horeysay ee waanwaanta ay ka been sheegayaan. Inkastoo madaxwaynuhu dafiray xalay inaanu diidin dhexdhaxaadintii odayaasha, ayaa wasiirkan guulwadaha ahi qoraalkiisa face boogu kuu sheegaya xaqiiqada jirta oo ah in shir qabsoomay oo aan la rabin wax wanaag ahi inuu haba yaraate ka dhaco dalka.
Cumar Cali

Hambalyo Meherka Mukhtaar Cali Xasan iyo Nimco Maxamuud Xasan‏

$
0
0

Dhamaan dadkani waxay  hambalyo iyo bogaadin u dirayaan meherka 

Boqarka Mukhtaar Cali Xasan 

                   iyo 

Marwo Nimco Maxamuud Xasan oo 

meherkoodu kadhacay 7 June2014  Hotel ABCO ee Magaalada Burco Waxaaney leeyihiin noqda kuwii bash-bash iyo barwaaqo ku gaadha aqal-galkiina.

 1958072_1513804975508971_6937176370569249977_n
Maxamed Axmed Cali,
Mustafe Cilmi Xasan( Irshaad) ,
Maxamed Ismaaciil Cilmi (kaabi) ,
Maxamed C/laahi Xasan( Sayid),
C/fataax Cali C/laahi (caateeye),
C/rashiid Cismaan Maxamed ,
Sacda Cilmi Xasan,
Mustafe Maxamed Axmed (mustafe cawo) ,
C/fataax Maxamed Ibraahin ,
C/raxmaan Ismaaciil C/laahi,
Nimco siciid Muxumed ,
Yaasmiin Saleebaan ibraahin,
C/qani Caydaruus Cilmi ( Dalxa),
Ubax Fu’aad Caydiid,
Abshir Maxamed Axmed,
Nadiira Ibraahin Jibriil, 
Maxamed Deeq Maxamed,
Mustafe Cabdi Ismaaciil, 
Samsam Caydaruus Cilmi,
Ayaan Cali X. Nuur 
C/salaan Axmed Aloore 
Xamse Axmed Cali 
Cabdale Ciise Xasan,
C/rxamaan cumar sulub, 
C/raxmaan Cali Axmed, 
Maxamed C/laahi Axmed (Rabiic),
Ibraahin Cali Cilmi,
C/risaaq Cismaan Askar,
Samsam Siciid Muxumed,
Mustafe Maxamuud Cali, 
Maxamed Saleebaan Raxaab,
Axmed Yuusuf x.Cali,
C/qaadir Ismaaciil Axmed,
C/raxmaan Cali Xasan,
Maxamuud Aadan aw Cali, 
C/ladiif Caydaruus Cilmi. 
dhamaan dadkaasi waxay  mar labaad tahniyada iyo bogaadin udirayaan boqorka iyo boqorada 
 Mukhtaar Cali Xasan
                           iyo 
Nimco Maxamuud Xasan 
waxaanu leenahay noqda rerkii lagu nagaade ubada khayr qaba kala hela. gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax
waxaanan idinku ducaynaynaa ducadii nabiga scws barakalaahu laka wabaraka calaykumaa wajamaca baynakumaa bilkhayr  AAAMIIN AAMIIN  GOBANIMO

Gartii saddexda iyo Muuse Biixi dhexmartay WQ Naciima Cabdi Galiixe

$
0
0

Qoraa Naciima Cabdi Galiixe

Si la mida dadweynaha Somaliland ayaan u sugayey go’aanka golaha guurtidu ku xallinayen khilaafkii Xisbiga Kulmiye, waxaan hor fadhiistay telefiishanka si aan u dhegeysto go’aanka golahaasi ka soo saareen khilaafka, waxaa indhahaygu qabteen goobtii natiijada lagaga dhawaaqayey oo ahayd qolka ay ku shiraan golaha wasiirada ee Somaliland, waxaa madashaas fadhiyey oo kamaraddu qabatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo sidii caadada ahayd fadhiya kursigii uu golaha xukuumadda ka guddoomin jiray, ku xigeenkiisa iyo raxan wasiiro ah, dhinaca kale waxaa ka fadhiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ku xigaan xubno ka mida garabkii isaga Taageersana, waxaa sidoo kale goob-joog ahaa Golihii Guurtida oo Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdi Waraabe ay horkacayaan, waxaa niyaddayda markiiba ku soo dhacday mar haddii labadii oday waa Madaxweynaha iyo Guddoomiyihii is khilaafsanaaye ay is horfadhiyan waataa xal la gaadhay, si niyadsami ka muuqato ayaan u daawaday telefiishankii anoo u dhagtagaya garta gurtida qaaday.

Waxaa lagu dhawaaqay gartii ay guurtidu madasha keentay oo ay waraaq ku soo qoreen, “Gartii aad noo dhiibateen waanu goynay, saddex qodob ayaana natiijadu noqotay oo kala ah 1. In wixii ka soo baxay shirweynihii kulmiye sidiisii lagu qaato 2. In ciddii doonaysa inay tartanto ee golaha dhexe ee Kulmiye ku jirtaa ay tartanto 3. In ciddii khilaafka kulmiye loo xidh-xidhay la soo daayo” gar nuxurkeedu intan ahaa ayay guurtidii ku dhawaaqeen, waxaan u qaatay in weli go’aano kale dhiman yihiin waayo waxaan intan u haystay inay ahayd intii Madaxweynuhu ku doodayey laakiin Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadalka ku soo afmeeray“Gar haddii guurti loo dhiibo waa lagu qancaa” anoo yaabban ayaa Madaxweyne Siilaanyo oo dhoosha ka qoslayaa si qalbi furan u yidhi “waan qaatay gartaas guurtidu qaadday” Muuse Biixi ayaa isaga oo u qaadan la’ sida wax u socdaan oo u malaynaya inay riyo tahay wajigiisana is-badal badan ka muuqdo yidhi “si kasta oo ay u qadhaadhahay waan qaatay oo danta qaranka ayaan u tanaasulay, inkasta oo aan gartaydii waxba laga soo qaadin”.

Gartan uu Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtidu ku dhawaaqay saddex weji ayay lahayd, 1. mar waxay inna tusaysaa sida ay Somaliland ugu bisishahay inay khilaafaadkeeda gudaha ku xallisato oo aanay gacmo shisheeye soo dhex-gelin, waa arrin lagu farxo xattaa haddii dhinac loo eexdo in danta qaranku ka weyn tahay oo dhinaca kale tanaasul muujinayo, 2.marna waxay inna tusaysaa sida ay weli curdin u tahay dimoqraadiyaddeenu oo waxay ahayd in hay’adaha garsoorka lagu kala baxo oo ay ka garnaqaan ama fasiraan qodobada sharci ee la isku qabto, si labada dhinacba ugu qancan 3. qodobka saddexaad ayaa ah in ay weli qabyaaladdii hiil siyaasadeed taagan tahay.

Waxaa dareen badan abuuraya marka aad dib u milicsato sida Saleebaan Maxamuud Aadan uu mucaaradka ugu ahaan jiray xukumadihii hore ino so marray ee Cabdiraxmaan Tuur, Ina Cigaal iyo tii Riyaale, iyo sida uu haatan xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo muxaafidka u noqday ee haddii madaxweynaha ay cid murmaan uu meel dheer ka soo qaylinayo ee uu dalka degdeg ugu soo laabanayo ee intuu guntiga u xidho dhex-dhexaadinta gelayo ee weliba sida Madaxweynaha dalku doonayo ama dantu ugu jirto go’aanka u soo saarayo.

Garta Muuse Biixi loo qaaday waxaa dhinac ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, waxaa ka garqaaday Xasan Macalin oo ah afhayeenkii guddida ururada, waxaana go’aanka ku dhawaaqay Saleebaan Gaal, Muuse ayaa dhinac laga wada maray, laakiin Muuse wuxuu taagan yahay:

Afar nin oo walaalo ah sideena,
saddex isku bah tahay sidiina,
ninna bah goonni yahay sidaydaa,
saddexda nin siri ninka sidiinaa
ninkuna sirta garan sidaydaa
haddaynu isa siri sideedaba
ma iska kala tagnaa sideedaba.

Gartan Guurtidu soo saartay waa gar dhex martay saddex isku hayba iyo Muuse Biixi, Saleebaan Maxamuud Aadan hal ayaa seegtay, Xasan Macalin oo ah afhayeenka Guddida Diiwaangelinta ururadana hal ayaa seegtay, Madaxweynahana hal ayaa seegtay Muuse Biixi se hali ma seegin.

Xasan Macalin hal baa seegtayoo waxay ahayd maadaama uu yahay guddidii diiwaangelinta ururada iyo xallinta khilaafkooda oo masuuliyadi ay ka saaran tahay marka xisbi is khilaafo inuu labada dhinacba dhegaysto ka dib cida sharciga ku taagan iyo cida sharciga baal maraysanba kala xaqiiqsado sidii ay hore u samayn jireen markii UDUB iyo UCIDba is khilaafeen ee ay maxkamad arrintoodu ku dhamaatay, laakiin maanta taasi may dhicin oo Xasan Macalin ayaa afkiisa laga hayaa inay heleen oo keliya liiskii ka socday dhinaca Madaxweynaha oo ay garta dhinacaas dhegaysteen, isla markaana ay soo saareen oo keliya liiskii iyo go’aamadii dhinaca Madaxweynuhu wateen. Taasi hadday jirto ma gar eexaa mise waa garsoorkii la filayay?
Xasan Macalin waxaan odhan lahaa waxaa shacabku kaaga marti yihiin inaad fasiraad ka siiso adigoo gacantii midig ee Madaxweyne Rayaale ahaa inaad habeenkii doorashadii 26/6/2010 kii aad ka dhaqaaqday oo aad raacday Madaxweyne Siilaanyaha aad maanta u hiilinayso oo hoggaaminayey xisbigii mucaaradka ahaaee Kulmiye, hadda Xasanow ogow waliba waxaad Madaxweyne Rayaale ugu jirtay halka manta Xirsi ugu jiro Siilaanyo, waxaase taa kaba sii daran in suaali ka taagan tahay guddidiina diiwaan-gelinta oo miisaaniyadiisii la xayiray isla markaana aanay lahayn sharciyad ay ku hawlgasho.

Saleebaan Maxamuud Aadana mid ayaa seegtayo, waa odaygii golaha guurtida ugu sarreeyay, waa siyaasi dadka oo dhami ay tuhmayan, dhaqana waxaynu u lahayn haddii talo laguu dhiibo oo dadka aad garta u qaadaysana qof aad isku reer tihiin qofna kaa fog yahay hayb ahaan oo lagu yidhaahdo noo gar qaad inta badan waxa lagu seexdo lagu ciira amaba lagu jiifsada dhinaca qofka ku xiga ama si caddaalad ah ayaa loogu gar qaada laakiin Saleebaan taas muu yeelin oo sidii madaxweynuhu doonayey ayuu soo saaray, mesha inaan gar la qaadina oo go,aan cid gaara lagu raalli gelinayo la soo saarayna waxaa hadalkiisa laga fahmayey Xaaji Cabdi Waraabe oo yidhi “Madaxweynuhu kuu ku adkaysto ayaa danteena ah in la raaco” waa runtii xaajiga oo talada dalku inay midaysnaato waa waxaynu ku hodonay ee heerkan manta Somaliland ba ku so gaadhay, balse cadaaladdu sidaas way ka duwan tahay, Saleebaan xattaa isma odhan haddii dooddii madaxweynaha la qaatay bal wixii Muuse Biixi qabayna wuxuun ha laga qaato, waayo doodda ugu badan ee khilaafka keentay ayaa ahayd Golaha dhexe ee Kulmiye oo lagu muransanaa oo madaxweynaha garabkiisu ay gole iyaga taageersan soo xusheen, iyada oo uu Muuse Biixina gole dhexe oo kale ku dhawaaqay, lama tixgelin kii Muuse Biixi ee kii Madaxweynuhu raallida ka ahaa ayaa la qaatay, Guddidii Fulinta ee Muuse Biixi magcaabay lagama hadlin ee tii madaxweynuhu raallida ka ahaa ayaa la qaatay, haddii gartaasi mid eexo tahay iyo hadday mid caddaaladeed tahayba shacabkaan u dhaafay.

Madaxweynahana mid baa seegto waxay ahayd haddii laba nin oo ay isku hayb yihiin ay garta dhiniciisa u soo naqeen oo ay go’aannadii uu doonayey u soo saareen inuu wax hambeeyo oo gobanimo muujiyo oo ninkii looga eexday uu isagu gacan qaado oo uu garta dhinaca ka raran wax uga tanaasulo, laakiin taasi may dhicinoo Madaxweynuhu malaah isagaaba wax kale tirsanayo waxa buu doonayaa in Kursiga madhan ee Muuse ku fadhiyona uu kaga daba tago.!!!!!

Muuse Biixi se hali may seegin, oo markii lagu dhawaaqay gartii ay soo qorshaysten saddexdii isku haybta ahaa ee laga eexday muu diidin ee danta qaranka ayuu eegay oo iyada oo qadhaadh ayuu qaatay oo gobanimo ka raacay,

Qalinku wuu ila taraa-raye waxaan qoralkaygan ku soo afmeerayaa, waxan ka mid ahay xisbiga Kulmiye, waxanan ahaa dadkii meel dhexe ka taagnaa khilafka kulmiye ee doonayey samaha xisbiga iyo in meeldhexe la isugu yimaaddo, laakiin waxaa muuqata in taladii qaranku xilligan dan gaara iyo dad gaar ah u adeegayso oo waxaa markhaati innoogu filan in Madaxweynaha ay garbihiisa fadhiyaan oo ay talada la goynayaan oo keliya siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin.
Waxaa tusaale kooban inoogu filan golaha wasiirada ee madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo afar wasiir oo beeshiisa ah ayaa ku jira mid waliba wuxuu fadhiyaa kursigii lagu magcaabay mid keliya xilka lagama qaadin, ama xattaa wasaaraddiisa lagama bedelin haddana madaxweynuhu in ka badan 7 jeer ayuu isku shaandhayn ku sameeyey xukumadiisa, wasaaradaha qaarkood waxay marayaan shan shan wasiir, sida Wasaaradaha Warfaafinta, Hawlaha Guud, Dib u dajinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta,  iwm. laakiin Wasiirka Madaxtooyadu waa sidii loo magcaabay wasaarad kale lama geyn, Wasiirka Macdantu afarsano ayuu dhamaystay oo waa sidii loo magcaabay oo xattaa wasaarad kale looma bedelin, Wasiirka Duulista Hawadu waa sidii loo magcaabay oo wasaarad kale lama geyn, Wasiirka Cayaaruhu waa sidii loo magcaabay oo wasaarad kale lama geyn, iska daa in la geeyo wasaarad kale ee iyaga ayaaba go’aanada gaadha Wasiirada la eryaayo kuwa la bedelayo iyo kuwa joogayaba oo waxaa markhaati inoogu filan Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamed Cabdullaahi Cumar hadalkii uu ku yidhi wasiir ka mida beesha Madaxweynuhu oo ahaa “Waa dagaal ee dhinac raac ama annaga nala safo ama waa lagu eryi” iyada oo subaxdii xigtayna la eryey.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Qaybshaa Qad ama Qaaday, markaa haddii Madaxweyne aad tidhi wada qaatay ogow waa mid ka mida casharada laga baran doono hoggaamintaada.

ALLAAH MAHAD LEH

Qalinkii iyo Faaladii Naciima Cabdi Galiixe
Email naciimagaliixe@gmail.com
Hargeisa Somaliland

İlmadii Aqoonyahanka:Taariikh Nololleedkii Cabdirisaaq Axmed Cali(Fool Caynab)

$
0
0

İnta suxulkaagu xabaal ka sukeeyo waxay naftu la kulmaysaa farxad iyo murugo isu bedbeddalaya sida maalinta iyo habeynkuba isku beddelaan.
Nolosha ayaa mar kaa farxinaysa marna kaa nixinaysa.
Waa dabeecadda nolosha inay laba wejiilayso.Rabbi xigmaddii u daa.
Geerida, Rabbi baa abuuray oo dhammaanteen waynnu idlaan doonnaa.
Qormadan gaaban waxaan ugu baroordiiqi doonnaa, walaalkeen Cabdirisaaq Axmed Cali (AHU).

10373481_654495664630087_671006673584937473_n
Cabdirisaaq, ilaahay ha u naxariisto’e wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo mutacallin ah.
Aqoonyahan Maxamed Cismaan Nuux-dheere, oon waydiiyay sooyaalkii marxuumka ayaa sidan iigu warceliyay:”marxuumku, Waa Cabdirisaaq Axmed Cali markalena waa Fool Caynab Aamus.Wuxuu  dhashay sannadkii 1985-kii, iyo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,isla halkaas buu ka bilaabay waxbarashadiisii ugu horraysay ee quraanka iyo dugsiyadii hoose dhexeba.
Dugsiga sare ee “Xaaji Aadan Secondary School” ee ku yaalla Ceerigaabo ayuu dhammaystay.
İntaas kaddib, wuxuu waxbarasho ugu soo kicitimay magaalada caasimadda ah ee Hargaysa;halkaas buu ka bilaabay Jaamacadda Hargaysa laba sanno oo “Survoyer ah”.
İntaas kaddib, wuxuu aqoontiisii dib ugu celiyay magaaladii uu ku dhashay ee Ceerigaabo oo uu ka hawlgali jiray Hay’adda Jermany Agro Action.
Aqoonyahan/Marxuum, Cabdirisaaq Axmed Cali wuxuu go’aansaday inuu sii horumariyo waxbarashadiisa dabaddeed, wuxuu shandadda u soo xidhxidhay dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada  Adis ababa.
Xilligaas uu Adis ababa yimid marxuumku, waxay ahayd 2009-kii, oo uu Jaamacadda Central University ka bilaabay shahaadada koowaad ee Jaamacadda Caafimaadka”.
Maxamed Cismaan Nuux-dheere iyo marxuumkuba waxay ahaayeen saaxiibbo iyo arday  jaamacadaha İtoobiya ka wada baran jiray.
Cumar Maxmed Axmed(Hawsi) oo ay isku fasal iyo saaxiibboba ka wada ahaayeen Adisababa, ayaa isaguna iiga warramay waayihii ay marxuumka soo wada mareen;xilliyadii ay bilaabeen waxbarashada heerka koowaad ee kulliyadda caafimaadka ee Centraal University.
Cumar Hawsi, oo kamid ah shakhsigii ugu dhawaa ee noloshii Adisababa ayaa sidan hadalkiisa ku bilaabay:”Kulliyadda ‘Shaybaadhka Caafimaadka’(Medical Laboratory)ayaannu bilaabnay hilaaddii15,10,2009-kii, iyo Jaamacadda Cenrtal ee Adisababa;waxaannu goonka qalinjabinta(Marada Qalinjabinta) xidhanay 8,9,2012-kii”.
Rabbi luxudka laydh qabow ha ugu geeyo’e marxuumku,markii uu soo gabgabeeyay waxbarashiisa waxay isguursadeen Khadar Shiil.
Bil kaddib aqalgalkoodii, xaaska marxuumku waxay u safartay dalalka Yurub oo ay hadda ku nooshahay.
Aqoonyahan/marxuum Fool Caynab Aamus, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo hoosta ka xariiqday mustaqbal u qorshaysnaa taasood adiguba garan garto macaankeeda iyo sida qof waliba u jecel yahay inuu dadkiisa iyo qoyskiisa la sii joogo, noloshana la qaybsado.
Waxaan se inna baajinayn mawtka.Waxaynaan dhaafi karin saacaddii rabbi innoogu talo galay inaynnu noolaano.
” Ma ahayn saaxiibkay oo kaliya ee wuxuu ahaa walaalkay;wuxuu ahaa qofka kaliya een nolosha wax u sheegto isaguna sidaas buu ahaa”Sidaas waxa yidhi Cumar Maxamed Axmed(Hawsi).
Cumar iyo Caynab, waxay ahaayeen mataanaha Hargaysa iyo Ceerigaabo;umay kala fogayn sida labadooda degmo ukala durugsanaayeen ee waxay ahaayeen isku fikir dhinac kasta iskaga sidkan.Walaalkeen Cabdirisaaq Caynab, maanta inna lama joogo adduunka,waynnu u ducaynaynaa in WEYNUHU jannooyinkiisa ugu deeqo.
Bal aynnu gabgabada, Cumar Hawsi oo ay dad iskugu dambeeyeen marxuumka  weydiinno sida  uu geeridiisa ku ogaaday.
Cumar Hawsi wuxuu yidhi:”Maalintii oo dhan waannu wada joognay sidaannu subaxnimadii isku raacnay,sidii caadada noo ahaydna waannu wada cashaynay.Annakoo miiska cashada fadhinna ayuu marxuumku igu tidhi ‘caawa Cumarow, laba nafar ma wada cuni karnee hal saxan oo casho ah aynnu wadaagno’ ayuu  yidhi Cabdirisaaq.Markaannu cashadii dhammaysanay oo ammintuna tahay 9:42 fiidnimo, ayaannu kala dhaqaaq hollanay ayuu igu yidhi:’Cumarow aroorta ha seexan ee soo kalah aynnu jaamacaddii kasoo qaadanno shahaadadii asalka ahayd, marka dambena aynnu safaaraddii dal-kugalkii(Visa) kasoo qaaddanne’”.İntaas wuxuu raaciyay Mr Hawsi:“Marxuumka wax xanuun ah oo xataa madax xanuun ha noqotee ma qabin ee wuxuu ba ahaa kalgacal iyo farxad miidhan; kolba wuxuu igu soo celcelinayay oo uu igu adkaynayay hawlaha berri aannu qaban doono ee geeridu baajisay.Markay saacaddu ahayd 11:45 ayuu isoo garaacay oo uu igu yidhi “waar seexo waa xilli dambe“;waxa iigu xigtay waa mayd ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Cumar Hawsi”.
Bishan aynnu ku jirno dhammaadkeeda ayaa Cabdirisaaq Caynab, u qorshaysnayd inuu xaaskiisa ugu tago dalka Dhaanishka waxa se kasoo horumaray safarkii dhabta ahaa.
Dhammaanteen mayd socda ayaynnu nahay mar haddaynaan ogaynba xilliga aynnu aakhiro u haayimi doono.
Cabdixakiin ahaan waxaannu ahayn aniga iyo marxuumku ardaydii Jaamacadaha Adisababa wada baran jirtay,shakhsi aad u furfuran oo dadku jecel yihiin ayuu ahaa.
Kaftan iyo weji debecsan ayuu caan ku ahaa;sidaas baan ku bartay oo aannu muddo ugu wada noolayn Adis ababa.Waxaan kale oon aqaannay Maxamuud Axmed Cali oo marxuumka hoos uga yaraa oo isaguna Adis Jaamacadda ka baran jiray.Sida aan maqlay reer Caynab Aamus waa reer ballaadhan oo sanaag ku dhaqan.
Maanta oo ay khamiis tahay ayaa loo badinayaa in lagu aaso magaalada Adis ababa marxuumka.
Rabbiyow dhammaanteen samir iyo İimaan innaga sii,marxuumkana godka ku JANNEE.
Waxaan tacsi hawada u marinayaa xaaskii marxuumka Khadra Shiil,dhammaan Qoyska Reer Caynab Aamus iyo aqoonyahankii Adis ababa wax ku soo bartay qaarna hadda gudanaya waajibkooda oo aad uga ilmeeyay geeridan naxdinta leh.
F.G
Waxaan u mahadnaqayaa Aqoonyahan Maxamed Cismaan Nuux-dheere oo Carri İngiriis ku nool iyo Cumar Maxamed Axmed(Hawsi) oo İtoobiya ku sugan.Labadan aqoonyahan waa kuwa aan uga marti noqday qoraalka inaan idin soo gaadhsiiyo.
Wa Billaahi Tawfiiq.
    
Qalinkii,Cabdixakiin M Maxamuud “Marayare” 
Face media:Abdihakin Marayare
Marayare@live.com
Ankara,Turkey.

TACSI MADAXWEYNE

$
0
0

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland iyo Bahda Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,  Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam (M.M KASTAM) oo ku geeriyooday 11.06.2014 Hargeysa.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii dhidibada u taagay saxaafada Somaliland, kana mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee Alle hibada u siiyey Qoraalka mar walbana wax ka qori-jiray hadba wixii taagaan,

 

Waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeys-yada iyo Television-nada Dalka intooda badan wuxuu indhaha u jeexay da’a yarta saxaafada maanta ku shaqaysa intooda badan oo uu tusaale u ahaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, iyo Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


QAYBO KA MID AH BADWEYNTA TAARIIKH-NOLOLEEDKII SAAXIIBKEEN MM. KASTAN

$
0
0

By: Cabdirashiid Cali Sheekh, Jamhuuriya

“Geeriyeey xishood laa’

Xejiyaay fogeeyaay” Abwaan Gaarriye

Inaalillaahi wa inaa Illeyhu Raajucuun. Geeridu waa xaq, waana mid Ilaahay (SWT) ugu ballanqaaday in noole kasta oo adduunka guudkiisa ku uumman uu dhadhamin doono, cid geeri ka badbaadaysaana aanay jirin.

Allaah ha u naxariistee suxufigii, qoraagii, aqoonyahankii iyo taariikhyahankii weynaa marxuum Maxamed Maxamuud Kastan (MM.Kastan) oo ka mid ahaa haldoorka tiir-dhexaadka ee dhidibada u taagay saxaafadda xorta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku faanto, ayaa si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Hargeysa habeennimadii Arbacada ee taariikhdu ahayd 11 June 2014, kaas oo si ballaadhan loogu aasay maanta qubuuraha Xeedho ee woqooyiga caasimadda.

Aaska loo sameeyey marxuum MM Kastam, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland oo Wasiirka, wasiir-ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ugu horreeyaan, suxufiyiin ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo dadweyne aad u badan, kuwaasoo dhammaantood marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelka, qaraabadda iyo asxaabtiina ka siiyo samir iyo iimaan.

Haddaba, waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa qayb yar oo ka mid ah badweynta taariikh-nololeedkii aan qallin iyo qoraal lagu soo koobi karin ee marxuum MM.Kastan Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee.

Allaah ha naxariistee marxuum Kastan waxa uu sannadkii 1960kii ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo barbaaray, wax ku soo bartay noloshiisa intii badnaydna ku soo qaatay.

Waxa uu ka soo jeeday qoys wada mucallimiin ah, nolol wanaagsanna ku soo koray, markii dambena ka mid noqday dadka Soomaalida ee dibaha u dhoofay sannadihii toddobaatanaadkii oo uu isaga qudhiisu qurbaha galay, balse dawaaf uu daafaha caalamka ku maray sannado badan kadib la soo laabtay dal-jacayl iyo waddaniyad xooggan oo siduu ii sheegay gaadhsiisay heer uu xataa marar badan diiday inuu daawayn caafimaad ugu baxo dalalka tegistooda loogu jecel yahay adduunka.

Marxuumku waxa Somaliland u soo wareegay sannadkii 1991-kii oo uu markii ugu horreysay si rasmi ah u degay, gooni-joogna kaga noqday dhammaan xubnaha kale ee qoyska reer Kastan oo ku kala nool Maraykanka, Yurub iyo Australia, kadib markii uu go’aan adag oo aan leex-leexasho lahayn kaga calool-go’ay qurbo-joognimo iyo nolol raaxo badan, waxaannu ka door-biday inuu isagoo wax kasta heli kara caasimadda Hargeysa ku guursado sannadihii dhowr iyo sagaashankii, dhawr carruur ahna ugu dhashaan.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta ugu aqoonta iyo kartida badnaa ee seeska u dhigay aasaaskii saxaafadda xorta ah oo la kowsatay markii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii, waxaannu sannadkii 1992kii ka mid ahaa aasaasayaasha wargeyskii ugu horreeyey ee dalka laga sameeyey oo la odhan jiray CODKA HARGEYSA oo calanka u siday tifaftireyaashii soo saari jiray, wax yar kadibna waxa uu abuuray wargeys uu isagu gaar u lahaa oo la odhan jiray.

Markii saxaafadda Somaliland u guurtay nidaamka daabacaadda casriga ah ee waqtigan la isticmaalo sannadkii 1996kii oo sababtay inay meesha ka baxaan wargeysyo dhowr ahaa oo gacanta lagu daabaci jiray, waxa uu hormood ka noqday qorayaashii ugu muhiimsanaa ee hawlgalay wargeyska JAMHUURIYA oo nasiib u yeeshay inuu kelidii ilaa hadda ka sii shaqeeyo wargeysyadii mar lala aasaasay sannadihii sagaashanaadkii.

Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Kastan hibadii Ilaahay u siiyey qoraalka saxaafadda iyo buuggaagta ka sakow, waxa uu ahaa taariikhyahan iyo xeel-dheere loo daba fadhiisto taariikhda bulshooyinka Soomaaliya iyo caalamka oo dhan, iyadoo arrintaasina u suurtogelisay inuu qoro maqaallo iyo buuggaag aad loo jeclaysto akhriskooda oo huwan qisooyin iyo dhacdooyin kala duwan oo iyagu is-fasiraya.

Waxa uu ku caan-baxay qorista maqaallo joogto ah iyo buuggaag xambaarsan macno iyo ujeeddooyin aad u xeel-dheer oo ku saabsan nolosha bulshada iyo tusaalooyin aqooneed oo la xidhiidha sida looga guulaysto isbeddellada ijtimaaciga ah ee dunida soo mara, kuwaas oo uu si xikmadaysan ugu aroorin jiray hadba dhacdooyinka ugu waaweyn ee waqtigaas ka taagan dalka iyo duruufihii nololeed ee shacabka reer Somaliland soo dhex dabbaasheen labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.

SIFOOYINKII GAARKA U AHAA MARXUUMKA:

Wuxuu ahaa waddani dhab ah oo aad ugu dhegganaa madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana neceb oo xataa gacan ula taga hadday ku kellifto cid kastoo uu arko inay dibindaabyeynayso qarannimada dalkiisa aan weli caalamka aqoonsiga ka helin.

Wuxuu ahaa deeqsi gacan furan oo aad ugu roon masaakiinta iyo dadka baahan

Wuxuu ahaa saaxiib qaali ah oo cidda ay is-bartaan aanay weligeed ka xiiso-jabin dadnimadiisii iyo aqoontiisii ku dhisnayd cilmiga iyo xikmadaha aan tiro iyo cadad lagu soo koobi karin ee maskaxdiisa ku duubnaa.

Wuxuu ahaa faylasuus iyo indheer-garad saadaallo aqooneed ka bixin jiray waxyaabo aan inta badan ku jirin garashada dadka badankiisa oo la xidhiidha isbeddello dhinacyo kala duwan oo soo socda mustaqbalka dhow iyo ka fogba.

Waxa uu ahaa nin aad u cibaado badan, had iyo jeerna asxaabtiisa ku waaniya, kuna dhiirrigeliya inay cibaadaystaan, diinta islaamkana si fiican u bartay.

Waxa uu ahaa aqoonyahan afkiisa iyo qallinkiisaba ka fogeeyey ka-hadalka siyaasadaha madhalayska u badan ee dalka gudihiisa ka socday 23-kii sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanida haysatay, qoraalladiisa iyo sheekooyinkiisuna ku qotomeen cilmi, xikmado iyo taariikho aan weligood duugoobayn oo uu kala hadhay faylasuufyadii ugu caansanaa ee dunida soo maray.

Waxa uu ahaa nin aan dadka iska sarraysiin oo intii badnayd noloshiisa la soo qaatay qaybaha bulshada dabaqadaha hoose, sidoo kalena aan qiimayn hantida iyo dhaldhalaalka aan waarin ee nolosha adduunyada.

Waxa uu ahaa caalim si qoto dheer u bartay diinta islaamka iyo falsafado kala duwan oo ay aaminsan yihiin dadka aan muslimka ahayn, gaar ahaan reer galbeedka, kuwaas oo u sahlay inuu noqdo nin si cilmiyan ah uga jawaabi kara su’aalo isu-dheellitiran oo ku saabsan qaybaha nolosha aadamaha iyo aragtiyahooda kala fog ee dhinaca caqiidada. La soco qaybo kale oo ka mid ah taariikh-nololeedkii marxuum Kastan……

 

 

 

 

Maayar Xilkiisi Gabay W/Q Suxufi Bedri Koosaar

$
0
0

Tan iyo intii uu maayarnimada uu la wareegay c/raxmaan maxamuud caydiid waxa gabi ahaanba istaagay adeegii ay bulshada u haysay dawlada hoose ee hargaysa . waxaana hadii aad socod ku marto meelo badan oo magaalada hargaysa ah ay idhahaagu qabanayaan QASHIN.

 

XARKAHA LAYDHKA AMA KUWA SHIRKADAHA WADDOOYINKA ISKU BADALAY GODAD YAR YAR OO DHAMAANTOOD ISKU WAHESHADAY MAGAALADA HARGAYSA waxaan xusid mudan in CASHUURTA laga qaado dadka dan yarta ah aan waxba loogu qaban balse taa badalkeeda cashuurtaa lagu bur buriyo GURI WAYN oo ku yaal xaafada jig jigayar oo lay ula baxeen maayirka iyo xildhibaano taabacsani GAAJO MA TAALO !!!! gurigani oo aan dhawaan booqday ayaa u muuqday guri cashuurtiii bulshada lagu bur burinayo .

 

waxaana nasiib daro ah in maayirkan xilkiisii ku fashilmay dhawaan loo cumaamaday maayirka maayirada somaliland. waxaanan niyadayda ku soo dhacday tiraabtii ahay TIISABA DARYEELAA TU KALE KU DARA ama ISLAANTII XAABADII AY SIDAY QAADI KARI WAYDAY EE TIDHI MID KALE ISAARA !!! geesta kale hadii aad tagto xarunta dawlada hoose ee hargaysa waxaad arkaysaa dadwayne tuban barxada hore ee dawlada hoose kuwaasi oo la meel uu maray maayirkii ay soo doorteen oo XARUN KA DHIGTAY QASRIGA MADAXTOOYADA. dadka aqoonta dheer u leh maayir soltelco ay sheegeen in aanu aqoon u lahayn shaqadani …..,,,,,,,,,

 

 

 

W/Q Bedri Koosaar Maxamuud

 

Tell:- 063-4476187 ama 9933333

 

Doorka waalidka ee waxbarashada ilmaha

$
0
0

Hordhac

Maqaalkan waxaan ku soo qaadan doonaa kaalinta waalidka ee waxbarashada caruurta iyo qodob muhiim ah oo ku sahabsan doorka waalidka ee ubadka .

Waxbarashadu waa aas-aaska horumarka iyo nolosha taas oo uu qof kasta u baahan yahay inuu helo waxbarasho, waxaanay lagama maar maan u tahay nolosha iyo horumarka qofkasta iyo bulsho kasta, Horumarkuna waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee qofka iyo bulshada. Wax kasta oo la rabo in laqabta waxay u baahan tahay aqoon iyo karti, Horumar wayn oo lagaadhaa waxay ku xidhan tahay aqoonta oo lagu dadaalo.

20140428_074656-1

 

Waxaa si gaar ah loogu cadeeyey daarasado kala duwan in ka qayb qaadashada waalidka ee waxbarashada caruurta ay saacidi karto:

  • Joogtaynta ardayga ee fasalka (improved attendance)
  • U suuragelinta ardayga dhameystirka howsha waxbarashada ee guriga (Timely homework completion) waqtiga loogu talagalay
  • Horumarinta tayada wabarshada ardayga (improved student achievement)
  • Sare u qaadida hamiga waxbarashada (higher educational aspirations)
  • Sare u qaadida tayada waxbarida ee barayaasha (improve teachers’ effective teaching)

 

Doorka waaalidiinta  ee waxbarashada caruurtooda, waxa si faahfaahsan loogu qeexay maansada soo socoto ee uu curiyeey Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)
Hooyoy la’aantaa

Adduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen

Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen

Xiddig hawd ka lulatoo
Hawo laguma gaadheen

Tixdan waxa abwaanku ula jeeday in hooyadu ama hoygu yahay dugsiga ugu qiimaha badan ubadka.

Hadaba halkan waxaan uga soo jeedinayaa waalidiinta dhow qodob oo muhiim ah

  1. Waalidku  waa in ay ogaadaan in guusha waxbrashada carurteena  ay ku xiran tahay hadba inta aan juhdi la gelino waxbarashadooda iyo la socodkeeda.
  2. Waalidku waa in ay xil gaar ah iska saaran fahmida iyo barashada nidaamka waxbarashada  iyo kaalinta ay ku yeelan karaan waxbarashada caruurta.
  3. Waa in aan ka abuurnaa guryaheena jawi  munaasab u ah waxbarasho. Sida waqti goan in loo cayimo daawashada telefiishiinka iyo in haddii durufta saamaxdo  la sameeyo meel gaar u ah waxbarashada.
  4. Sidaasi oo kale waa in waqti go’aan loo cayimo  seexashada qoyska
  5. Waaa in aan xaqiijinaa  subax kasta u diyaargarowga caruurta waxbarasho. Sida in la xaqiijiyo nadafada dharka, jirka, buugaagta, qalmaanta iyo in cunto u qaatan dugsiga
  6. Waa in caado laga dhigto in la weydiiyo caruurta marka dugsiga (school) ka yimaadaan waxii maalintaa kala soo kulmeen dugsiga, waxii ku adkaa, waxii uu aad uga helay iyo haddi loo soo dhiibay ee laylis ah
  7. Waa in la weydiiyaa caruurta natiijada ay ka heeleen imtixaanka laga qaaday. Waana in aan la dhaliilin hadii uu  sheego in uu ku liitay imtixaanka. Haseyeeshe taa bedelkeeda waa in la weydiiya waxyabaha ku adkaaday, laguna dhiirigeliyaa in uu u  diyaargroobo imtixaanada soo socda.
  8. Hadii ay kuu cadaato in ay duruustu ku adag tahay, geey meelaha laga caawiyo ardayda  (homework centre) ama macalin gaar ah u qabo (home tutor).
  9. La saaxib ilmahaaga, markastana dhiriigeli. Ogow qofka waxbaranayo waa ilmaha ee adiga xoog waxba kuma bari kartid.
  10. Maadaama ay suurogal  tahay in an maqaalkan akhrintiisa awood aney u wada helin dadka u baahan ,fadlan qofkii akhristow ku dabaq qoyskaada iyo siiba caruurtaada waalid

 

Gabogabo.

 

Waalid kasta hadii uu caruurtiisa uu qodobadaasi aan kor ku soo sheegay kula dhaqmo waxa hubaal ah in caruurta ay waxbarashadood wanaagsanayso maadaamo oo uu la shaqaynayo waalidkiisu .

Ilmaha waalidkiisu aqoonta leeyahay waxa uu ka nasiib badan yahay ilmaha aan waalidkiisu aqoon lahayn ee mar kasta aan helay waalid ka caawiya xagga waxbarashada .

Hadaba waalid la socoshada waxbarasha caruurta waxay kaalin way ka qaadataa hormarinta iyo caruurta waxbarashooda .

  Qore: Yacquub Abdilaahi Omar

  Hargeysa / Somaliland

  063 448-43-54

  Alla Mahad Leh 

Horumarka Somaliland Baanka Dhexe qaybtiisii wuu gutay Laakiin ma qabato Qurba Joog waxaad raacisay

$
0
0

Horumarka Somaliland Baanka Dhexe qaybtiisii wuu gutay Laakiin ma qabato Qurba Joog waxaad raacisay

Iid Daahir Jaamac

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan ummadda muslimiinta ah guud ahaan gaar ahaan bulshada reer Somaliland oo aan leeyahay Ramadaan Kariim.

Intaa ka dib waxaan aragtidayda ka dhiibanayaa maqaal lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta online-ka ah oo ciwaankiisu ahaa WAXQABADKII XUKUUMADA SIILANYO WAA FOOSTO GUN L’A KA DHIGEY AQOON LA’ANTA MADAXDA BANKA,kaa soo uu qoray JAMAAL HASAN FAARAX  oo ku nool dalka ingiriiska hadaba waxaan leeyahay Jamaal horta marka hore waxaaynu ku gudo jirnaa bishii khayrka iyo cibaadadad ee Raadaanka waxaanay ahayd in aad dadka wanaag farto kana dheeraato wax a sheega qaar ka id ah madaxda qaranka oo aad adiguba qoraalkaaga ku qirtay in ay wax qabteen.

 

Waxaa xusid mudan in aad sheegtay in dalka horumar tiro badan laga hir galiyay intii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo afar jirsatay taasoo aad sheegtay in wax-qabadka Xukuumadda ay ka mid tahay in lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray gobolada Togdheer iyo Sanaag,hadaba waxaa lacagtaa dalka ka bedelay oo badbaadiyay madaxda iyo hogaanka Baanka Dhexe ee Somaliland oo ay hormuud u yihiin aqoon yahanno shaqada baanka khibrad weyn u leh muddo bandanna ka soo shaqeeyay baanan caalami ah oo heer caalami ah kuwaasoo ay hormuud u yihiin guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi iyo Agaasime Cabdilaahi Cali Xasan.

Hadaba iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan isla markaana aanan doonayn in aan ku fogaado jabaawba aan ka bixinayo qoraalka Jamaal waxaan odhan lahaa ku dedaal in aad horta dalka xog ogaal u noqoto halka uu maanta sarifka lacagaha qalaad ka marayso isla markaana aad ogaato wax qabadka madaxda baanka Somaliland iyo halka ay kaga jiraan kobcinta dhaqaaaha waddanka.

In ksasta oo aad tahay sida ka muuqata qoraalkaaga muwaadin u dhashay Somaliland oo qurba joog ah isla markaana ku nool waddanka Ingiriiska laakiin waxaa diiniyan waajib ah marka aad cid wax ka qorayso in aad horta xog ogaal u ahaato waxa aad ku dhaliilayso masuulka aad wax ka sheegayso.

Jamaal waxaad qoraalkaaga kaga marag kacday wax qabadka madaxda baanka hadana adiga ayaa dib u dhaliilay oo yidhi waxay caqabad ku yihiin horumarka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku hagayso,laakiin waxaan kuu sheegayaa anigoo ka mid ah muwaadiniinta ku nool gudaha  Dalka Somaliland isla markaana xog ogaal u ah halka uu maanta dalku marayo waxaa kula gudboonayd in aad ku hambalyayso halka ay gaadhsiiyeen kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sida ay ula dagaalameen sixir bararka sarifka lacagaha qalaad,taana waxaa marag u ah siday u majeerteen sariflayaasha  ka anacsada isku bedelka lacagaha qalaad iyo Somaliland shilin oo maanta dalka ka maraysa halkii ugu wanaagsanayd isla markaana uu xiligan sarifka Doralku marayo meel fadhida oo aan kicitaan lahayn.

Jamaal waxaad qoraalkaaga ku sheegtay in Madaxda Baanka Somaliland aanay lahayn khibrad baan laakiin halkaa waxaa iiga caddaatay in ay taasi tahay aqoon darro ay sababtay in aanad wax aqoonna aanad u lahayn madaxda Baanka Somaliland sababtoo ah waxaad ogaan lahayd in ay yihiin Madax ka soo shaqaysay baanan caalami ah oo ay waliba ka soo noqdeen  hogaanka ugu sarreeya ,waxaay wada ogsoontahay bulshada Somaliland in ay yihiin madaxda baanka Somaliland hoggaanka ku guulaystay tallaabadii ugu adkayd ee baanka Somaliland uu qaaday  oo hortood lagu dhiiran kari waayay oo ah in ay dalka goboladiisa bari ka bedelaan lacagtii giimbaarta ahayd oo dalka qaybtiisa bari ku haysay dhaqaale darro aad u weyn isla markaana curyaamisay koboca ganacsi ee dhaqaalaha dalka.

Hadaba intaanad madaxda qaranka wax ka sheegin waxaa habboon in aad horta waxbadan ka ogaato wax qabadkooda iyo halka ay hawsha ka bilaabeen iyo halka ay maanta marayso goobta ay joogaan,laakiin yaanu noqon qoraalkaagu mid ay ka muuqato xaraarada miiroo la,aanta ka jirt dalka ingiriiska ee aad hadda ku noshahay.

By Iid Daahir Jaamac Hargeysa Somaliland

Jaliyada jönköping ee dalka sweden oo soo dhaweyn u sameeyey Cabdixakiin Garaad Maxamuud cali shire

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live