Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Musuqmaasaq Hadheeyey Wasiirka kahaarajiga Somaliland

$
0
0

Waxaa soo if-baxaya fool-xummo siyaasadeed iyo mid shakhsiyadeed oo dul hoganaysa Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo dhamaan meelihii uu ka soo shaqeeyey looga soo eryey musuqmasaq badan iyo wax is weydaarin.
Wakhtigii uu ka shaqayn jirey Baanka Afrika ee uu mamuli jirey xafiiska shaqaaleynta (Human resource) ayey baanku ka eryeen markii lagu arkay waxyaabo badan oo is dhaafdhaafin oo ku saabsan dad ay isku ehel yihiin  oo uu shahaadooyin been ah u meel mariyey. Markii lagu qasbay inuu shaqada ka tago ayuu cararkii ku noqday jaamacad oo uu u doontey Manchester, kadibna wax uu shaqo ka helay Jamciyadda quruumaha. Markii la keenay xarunta Darfur ee Sudan Wasiir Biix imuu bedelin dhaqankii musuqmaasuq, isagoo halkiisii ka waday shaqo gelinta dadka ay isku jilibka yihiin.

Waxa ay gaadhay heer inuu isagu u tilmaamo meelaha laga soo qaato shahdooyinka beenta ah ee ay ka mid yihiin Hindia iyo bariga Yurub.
Qof aan ahin bahdiisa mooye wuu ka dhaariyey dadka kale ee reer Somaliland inay ka shaqeeyaan.

 Dhalinyaro badan oo shahaadooyin waangsan haysta oo aan la wadaagin haybta ayuu qashinka ku riday dalabkoodii. Dadkaa shaqooyinka loo diidey oo ay ka mid ahaayeen dad reer Somaliland iyo dad ajaanib ah ayaa u ashkatooday qaybta jamciyada Quruumaha ee la yidhaahdo (UN Department of Field Support).
Gabadh reer Bagistaana oo la yidhaahdo Amiirah Xaq  oo ku waanisey dadkii cabanaayey inay la xidheedhaan qaybta loo yaqaan (Internal Audit Division), ayaa u yeedhay Maxamed Yoonis  ogeysiiyeyna inaanay raali ka noqonaynin qaaraba kiilka uu ka wado (UNAMID),  badditaan dheerna loo diri doono.
Iloo u dhuun daloola waxay shegeen intaanu shaqadi siideyn inuu tegay Xamar oo la fadhiistay madaxweynaa Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weydiistay wasiir khaaraji, balse  Madaxweynaha Somalia wuu  kaa diiday, waxaanu ku yidhi hada booskaasi ma bannana.
Markii uu arkay inay ku xuntahay arimhu ayuu Jilibkiisa  iyo Waiirro ay xukuumadda isku dhowyihiin la soo hadlay oo u sheegay inuu diyaar u yahay jagada khaarajiga . Maxamed ma sugin badhitaankii ee baqdin u ka qabo qaddiyadan wuxu miciin biday inuu shaqadii iska casilo oo uu qaatay wasiirka khaarjiga Somaliland.
Somaalidu waxay ku mahmaahdaa “ Nina caadii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo”. Maxamed halkii ayuu ka sii waday muqumaasuqa markii loo dhiibay khaarjiga. Halkii looga baahnaa inuu isku  taxaluujiyo arimha ictraafka iyo siyaasadda debeda ee Somalilnd, wuxu markiiba u baydhay arimahiisa u gaarka ah. Waxa uu bilaabay inuu wixii mansabbo sare oo dhan inuu ka buuxiyo jilibkiisa oo keliya dadka kalena u doono docfadhiisi iyo xoghayn inuu la doondoono.
Hada waxa uu wada isku shaandhayn safiirrada debedaha u metela Somaliland. Waxaanu rabaa in meelaha ugu muhiimsan inuu ka buuxiyo docdooda.

Nin ay aad isu xigaan oo la yidhaahdo Cabdulxakiim Xaaji Siciid “Sanyare” oo ku magaacaban la taliyahiisa kowaad ayuu beryahnba u goobayey safiirka Itoopia. Isagoo ninkan inaadeerkii la raba Itoobia oo ay gabdhiisu ka shaqayso halkaa si uu xaaskiisa ula joogo lacagna ugu qaato ayuu wasiirku ugu dagaalamayaa. Iyada oo uu inaga joogo safiir dalka Ethiopia ahna  nin u qalma mansabkiisa. Haseyeeshee Maxamed Biixii wuxu dagaal adag u galay inuu ka wareejiyo safiirka itoobia oo uu inaadeerkii geliyo, nasiib wanaag Madaxtooyadu ganafka ayey arinkaa ku dhufatay,  waanay la yaabtay.
Hadda waxa uu u raadinayaa inuu ka dhigo Safiirka inoo fadhiya Turkiga. Ninkan inaderkii oo muddo is daba socdeen oo uu ka soo kaxeeyey Sudaan oo uu shaqadaas ku siiyay wakhigii uu joogay UNAMID.
Waxa nasiib daro ah in Wasiirka Khaarjiga Soomaliland shaqadii qaranka uu ka door biday docodocayn qaraabo kiil aan xad lahayn wasaaradiisa iyo meeshii uu gacan la gaadhi karo.
Waxa laga war qabaa in docdiisa ku jirta dawalada in uu hadh iyo habeen ku gubaabinayo inay dareen badan u yeeshaan danaha Nuux Ismaaciil.

Jaamac Faduul Axmed
Tell:063-456213


Guddoomiyaha guud ee Aftahannews oo loo magacaabay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

$
0
0

Hargeysa(berberanews):- Tifaftiraha guud ee Shabakadda Aftahannews media co-opration Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayaa Guddoomiyaha guud ee Shabakadda u magacaabay inuu noqdo Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), ka dib markii sidaa lagu go’aamiyey shir ay Guddiga Maamulka, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo Hawladeennada kala duwan ee Aftahannews maanta ku yeesheen magaalada Hargesya.

SICIID-MAXAMUUD-GAHAYR-HARGEYSAAWI

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Tifaftiraha guud ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayaa lagu faahfaahiyey qaabka loo magacaabay Guddoomiyaha guud ee Aftahan Media iyo go’aanka ka soo baxay shirka ay maanta ku yeesheen Hargeysa, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Shir ay maanta magaalada Hargeysa ku wada-yeesheen Maamulka, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha, Shaqaalaha kala duwan iyo Guddiga Boodhka ee Shabakadda Aftahannews oo ay kaga wadahadleen arrimo door ah, ayaa lagu go’aamiyey in Shabakaddu yeelato Guddoomiye guud, si loo gaadho hadafka, higsiga iyo himilada loo aasaasay Aftahan.

Sidaa daraaddeed Mulkiilaha Aftahannews, ahna Tifaftiraha guud ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal isaga oo ka duulaya soo jeedinta iyo go’aanka Shaqaalaha iyo Maamulka kale ee Shabakadda waxa uu go’aansaday inuu Siciid Maxamuud Gahayr noqdo Guddoomiyaha Aftahannews iyo dhammaan Aftahan media copration laga bilaabo taariikhda maanta 16/April, 2014.

Waxaan rejaynayaa in Shaqaalaha, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan hawl-wadeennada kala duwan ee Aftahan media ay sida ugu habboon ula shaqayn doonaan Guddoomiyaha Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).

Waxaan u rejaynayaa Guddoomiyaha in Illaahay ku asturo xilka uu qabtay, isla markaana uu u gudan doono sida ugu habboon ee waajibaadka xilku farayo. Waxaan rejayanayaa inuu noqdo Guddoomiye isku wada hawladeennada iyo shaqaalaha kala duwan ee Aftahannews meelkasta oo ay dunida ka joogaan.  Allaah Mahad Leh.

 

Axmed Kayse Iyo Mingiste Maxay Ku soo Kordhin Karaan Ama Ka Dheefi Karaan Kulmiyahan-tiisii Cuslaysay.

$
0
0

 Copenhagen: Taariikhdu waxbay hagataa , dadkuna wuu haybiyaa…..Magaalada Burco oo ah Caasimada Togdheer, runtii waa Magaalo Xadaariya oo ay ka soo jeedaan , dad badan oo qiimo ku leh bulshada ku dhaqan Geeskan Africa ee ay nu ku noolahay waa haday Tahay dhinca Tacliintna, dhinca Fanka iyo Suugaant iyo dhincayo kale oo badan oo iyana Faa’dooyin leh. Tusaale 1980-tamaadkii waxa magaalo Burco ka jiray kooxo dhalinyaro ah kuwaas oo caan ku ahaa Qook-ka-cayaarka iyo heesha Aroosyada iyo Xafladaha lagu maamuuso. Kooxahaa inta aan ka xasuusto waxa ka mid ahaa 1- Far iyo Suul 2- New love iyo koox iyana la odhan jiray Sharaab-doon….Labada kooxood ee kala ah Far iyo Suul iyo New love waxa ay ahaayeen kooxo miisaan leh oo sharaftooda ilaa shada, meel laga dalbado oo laga soo casuumo mooyaan meel kale may tagi jirin, waxa ay aad u ilaalin jireen Sumcadooda iyo ta Fankaba….. laakiin kooxda la odhan jiray sharaab-doonto sida magacooduba fasilaayo waxa ay ahaayeen koox sanqadh dhagaysiya oo dhinca dhuuniga u janjeedha.

 

Xasuustan iyo tusaalahan waxa igu kalifay maanta mar aan warbaahinta ku arkay koox ay ka mid yihiin Ahmed Kayse iyo Mingiste oo la yidhi kulmiye ku biiray, labada ninba markay Udub afku-xooglayaasha ka ahaayeen waxa ay kula hadli jireen kulmiye luqad Qadhaadh, waxa isu kay qaban la’ Afkii shalay aan wax ku weeraraaya ayaan maanta ku shaxaad tegeyaa. Kayse iyo Kooxdiisu waxa lagu sifayn karaa Neef baadiya oo seddex sumadood leh…. meela ma sal didhigu,  Daraad Udub, shalay Ucid maantana Kulmiyahan-tiisii cuslaysay. Mar aan waraystay Masuul reer Kulmiye ah oo diiday in aan qoraalka magaciisa ku xuso….. Ayaa yidhi  (Timirtii Horeba dab loo waa) waxa uu intaa ku daray masuulku isaga oo leh Kooxdan aad ku sifaysay Sharaab-doontii reer Burco waxba kuma soo kordhin karaan, waxna kama dheefi klaraan Kulmiye, Waayo Kulmiye tiisii ayaa Cuslaysay oo isagii ayaan cagaba ku taagnayn. Ucid-na fil maayo in uu dhitaanyo kooxdan maalinba meel ka onkodaysa.

 

Osman Abdillahi Sool. Copenhagen. sooldhuub@hotmail.com

GEESINIMADA WAA LOO DHASHAA !!

$
0
0

Nin ugaadhsato ah oo raad Libaax guraaya oo  raadinaaya , ayaa waxa uu ku soo baxay Nin Geeljire ah . Waxa uu waydiiyey : bal inuu meelahan ku arkey raad libaax ? Ama uu arkey libaax ? Wuxuu ugu jawaabay Ninkii Geeljiraha ahaa: Haayoo Libaax baan ku soo arkey kobtaa , waanan ku soo tusi karaa haddii aad doonayso .

Ninkii ugaadh satada isku sheegaayey markii uu maqley hadalkaa , intuu NAXAY , oo GARIIREY oo DUBAAXIYEY oo baqdey OO ilkaha isla dhacey , ayuu yidhi : Anigu waxaan debajoogey raadkiisa uun e iyo wadada (meesha ) uu u kacay e , isaga (LIBAAXA) laftiisa maan dooneyn (raadineyn ) .
Sheekadani waxay qaawineysaa in geesinimada loo dhasho , inkastoo iminka dad badan oo fulayaal ahaa ay u hadlaan sida geesiyada , laakiin marka ficil yimaado waa la waayi doonaa . 
Ma garatay , mana fahantay .
BAL ADABA 
 

CALI MAXAMED BIIXI         caliwwelli@hotmail.co.uk

Xanaanaynta Argagixisada iyo gacan ku dhiiglayaasha

$
0
0

Bismilaah; marka hore waxaan salaamayaa dhamaan war baahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha gudaha iyo debeda Somaliland, intaas kadib, maxaa loo daryeelayaa dadka gacan ku dhiiglayaasha ah ee laayay dad badan oo aan waxba galabsan?. Dadkaas oo maalin walba ehelkoodu tagan yahay maxkamadaha Somaliland kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah dil lagu xukumay hadana dilkaasi aanu fulin, hadaanay xukuumadu dilka fulinayn maxaa loo xukumayaa in ladilo?.

Xaamud
Gacan ku dhiiglaha oo jeelka layskaga hayaa waxay keenaysaa ama badinaysaa sida iminkaba socota in la dilo qof aan waxba galabsan oo ka soo jeeda qayskan wax dilay taas oo mujtamaca oo dhan dhibaato ku abuuraysa keenaysana waxa la yidhaahdo AANO, markaa waxaabad moodaa in xukuumadu dhiiri galinayso in AANO wax lagu dilo, maxaa yeelay kuwii wax dilay waatan jeelasha lagu daryeelayo ee lagu xanaanaynayo, qoyskii qofku ka dhintayna ay iska raacday qofkoodii oo maqan iyo dhaqaalahoodii oo laga furtay, taas oo maxkamaduhu ay ka furayanaan sida marba loo soo noq noqonayo.
Markaa waa in xukuumadu fulisaa dilalka badheedh ka ah ee la hayo, ee waliba maxkamadaha dalku ku xukumeen dilka toogashada ah, taasi waxay quluubta u xaadhaysaa dhamaan bulshadii kala cabanaysay, waxaanay meesha ka saaraysaa in la dilo qof aan waxba lagu lahayn, taas oo keeni karta amaan darro.
Waayo dadka qaar waxay jeelasha u yaqaanaan ALBEERKO oo waayo qofkii halkaas ayaa layskaga haynayaa ilaa inta wuxuun si noqonayaan,halkaas ayaa wax walba loogu keenayaa, waydinkaa arkayaa waxa ka dhacay jeelka wayn ee Hargaysa in xitaa BASTOOLADU loogu geeyey jeelka minankii argagixisada ahaa ee ay mamnuuca ahayn in waxba debeda looga keeno, waad arkaysaan debecsanaanta ka muuqata jeelasha ugu khatarta badan ee waliba aadka loo ilaaliyo waxa shalay ka dhacay. Ninka argagixisada u xidhan sidee loogu keenaa wax debeda laga keenay, waa in jeelka gudihiisa loogu kariyaa waxay kunayaan waayo maaha rag la aamini karo.
Guud ahaan xukuumada waxaan u kula talinayaa in dadka reer Somaliland ee qudh gooyooyinka kala dhex fadhiyaan in quluubtooda laysu xaadho waa hadii horumar la doonayo e, oo gacan ku dhiiglayaasha jeelasha ka buuxa ee uu ku dhacay xukun dil ahi waa in la dilaa oo la waafajiyaa shareecada islaamka, dadwaynaha reer Somaliland na waxaad u soo jeedin lahaa in meesha laga saaro waxa la yidhaahdo AANO, maxaa yeelay qof aanad waxba ku lahayn oo aad dishaa waxay keenaysaa cadho ilaahay iyo ciqaabkiisa oo inagu dhaca, waa in xukuumada cadaadis xoogan lagu saaraa sidii looga takhalusi lahaa dhamaan gacan ku dhiiglayaasha dilka ku xukuman ee buux dhaafiyay jeelasha Somaliland.
 
Waad Mahadsantihiin
Allaa Mahad Leh
By: Mohamed Hamud Ali
Hamudson@Gmail.Com

Wax HaLaga Qabto Cilaajyaddan Dabarka Goostay /Qalinkii C/qaadir Askar

$
0
0

Waxaa sanadahan danbe magaalooyinka dalkan jamuuriyada Somaliland ku soo badanaya goobaha lagu xereeyo dadka qaba xanuunka dhimirka taas oo looyaqaan cilaajka .

fgl askaras

Hadaba goobahaa cilaajyada oo dhawaanahan noqday meelaha lagu gumaado dadka u ubaahan in la gargaaro ee xanuunka maskaxda qaba oo ah dadka ugu jilicsan bulshada taas oo ay aheeyd in la xanaanneeyo oo maskaxdooda ilaga ilaaliyo buuq ayaa loo adeeg sadaa shaabuug iyo jidh dil

Aaladda leedhka jidhkoodda lagu qabanayo taas oo gayeysiisay qaar bukaanka ka mida dhimasho iyada oo loola dhaqmayo Si naxariis daraha loogu geeysanayo tacadi naf ahaaneed iyo jidh ahaaneed .

 Dadkeenu boqolkiiba boqol waa dad islaam ah oo waa lawada og yahay in waxa wax lagu dabiibo sheeyga ugu horeeya in ay tahay qur,aanka kariimka hadaba waxaa soo badanaya in dhaqaale lagu doono in lagu dabiibo bukaan

Halka qaar dadka ay aamin sanyihiin qur,aankaa loo shidayo bukaanku lagu tusayo uu dad ka eheladiis qofkan xanuunka dhimirka qaba

Hadaba dadka badankiis waxa uu ka dheregsan yahay in xarumahan ku sii badanay wadanka ay dhaqaalo doon yihiin

Hadii aanu eegno sanadkan aanu ku jirno gudahood inta qof ee ku geeriyootay xarumahaa aanu soo qaadano kuwa magaaladda hargeysa gudaheeda waxa ay sare udhaafayaan ilaa 5-6-qof

Markaa xanuunkani waa xanuun jiray ilaa waligii hadaba qaabab kale ayaa loo daweeyn jiray oo uu qur,aanka kariimka ugu horeeyo miyaanan loobaahneyn in dadkan camalka ka dhigtay in ay qof miskiin ah oo alle miirkii ka qaaday camal ka dhiganay in aad loogu fiirsado oo culumadda taqsuuska ule arrintaa loodiro oo kuwa ka soo baxa shuruudahana loo ogolaado in uu dabiibi karo qof xanuunka dhimirka qaba.

Waxaa magaaladda hargeysa ku yaala ilaa 400- goobood hadii aaney ka badneyn waa ayna sii kordhayaan hadii goobahaa dabarka goostay aan laga qaban dadka xanuunkaa dhimirka qaba in laga dhaxli doono cawaaqib xun

Waa in xukuumadda Somaliland wasaaraddaha uqaabilsan amuurtan ka hawlgalaan oo go,aan laga soo saaraa cilaajyaddan Dabarka Goostay.

Askars4@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

C/qaadir Ismaaciil Askar

Wasiir Dekedda Berbera Dhaxal-wareejinaya!

$
0
0

Sidii uu u soo galay Shaqada Wasiirnimada waxa uu Maxamed Bixi aad ugu dedaalay sidii uu lacag u urursan lahaa oo uu isu sharaxo Madaxweynaha Somaliland (JSL) ee soo socda hal sano ka bacdi.

Lacag-doonista deg-degga ah ayaa waxay ku kalliftay inuu fara-geliyo Wasaarado aan ta uu Masuulka ka yahay ahayn. Waxaa ka mid ah Wasaradaha ama hayadaha Madaxa-bannaan, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dekedda Berbera.

Intaanu laba wiig joogin shaqadiisa ayuu si caddaan ugu badheeday Mareeyaha dekeda Mudane Cali Xoxor oo uu laba dibleeyey sida uu u fahmsiin lahaa qadiyada Bollore oo ah shirkad fransiis ah.wasiirka-Arrimaha-Dibada-M-biixi-Yoonis-300x200

Arinka dekeda Berbera waxa kala shaqaynaayey shirkad Looyar ah (Lawyers) ah oo u dhashay dalka Ingriiska. Shirkaddaa oo uu horkacayo nin la yidhaado (Jason Daniel McCue) oo dillaalista Afrika ku caano-maalay, Maxamed Biixina ay wax wada dillaalayeen muddo ka badan 20 sano.

Arrimahan wasiirka khaarjiga iyo saxiibkiisa ingriiska ah   waxay ka shaqanyaeen mudo 2 sanadood oo ay abuurkeeda iyo maal gelinteeda ka shaqaynayeen. Shaqadan wasiirnimadana way ka wada tashadeen sidey ugu hirgelilahayd hawshoodu dekedu. Ninkan ingriis waa nin ku shaqo leh arrimaha nabadgelyda oo aan wax aqoon aan u lahayn dekedu iyo arrimaha bada la xidhiidta.

Marka aad geleyso deked maamulid had iyo jeer waxa la qaata niman aqoon badan u leh dekedaha caalamiga ah, laakinMaxamed wuxu door biday saxibkiisa uu wax la cuni karo.

Ninkan wuxuu leeyahay shirkad la yidhaahdo (Moda Alliance Group) oo ka hawl gasha arimaha nabadgelyada. Shriikadihii hore dawlda kala xajoonayey arimaha dekeda dawladu waxay adeegsanjirtay niman khubara ah oo ku xeel dheer arimaha dekedaha laakin wasiirku cidna kamuu xadhig xidhan ee saaxbkii (Jason McCue) ayuu ula gurguurtay.

Waxa marka Wasiirka iyo saxiibkii sameeyeen shirkad gooniya oo loo xil saaray inay la xaajooto Bolore oo ay u bixiyeen (Berbera Development Company, BDC). Shirkadan oo ay wasiirka iyo ninka saaxibkii kula shurkeen niman kale oo kala ah ingriis, jabuutiyaan, iyo kaneedian u dhashay Somaliland.

Nimankaa oo lakala yidhaahdo (John Richrad Moore) oo ah ingriis, Ibrahim Ali Yusuf iyo Ahmed Mohamed Abokor. Ninka la yidhaahdo Ahmed Mohamed Abokor wuxuu ku noolyahay magaalda jabuuti waxaanu la shariig yahay Madaxweynaha Jabuuti. Wasiirku wuxu aad ugu dadaalay inuu xantiisa foogeeyo oo uu la shurko dad ajaanib iyo shisheeya ah si aan sheekadiisu usoo bixin.

Maxamed Biixi siduu u raad-gato wuxuu ku gacan laabtay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Maareeyaha Dekedda Cali Xoorxoor, isaga oo aan u sheegin shirkadahan isaga u qarsoon oo uu daboolka ka saaray.

Waxan aan halka ku soo qoray ma aha wax aan anigu alifay ee waa warar lagu soo qoray wargeyska afka dheer ee loo yaqaano (the Indian Ocean News letter) oo lagu faalleeyo arrimaha qaar kasoo bax Afrika. Waa Jariirad loogu talo-galay inay akhristaan dadka raba inay wax ka ogaadaan dalalka ku yaal cadceed soo baxa Afrika.  Waxaan idiinku soo lifaaqayaa Jariiraddan si aad u ogaataan waxa uu Wasiirkeennu ku mashquulka yahay.

Markii uu Wasiirka arrimaha dibeddu habaabiyey Cali Xoorxoor iyo Wasiirka Ganacsiga, ayuu shirkaddiisa u dhiibay siday ula xaajoodaan shirkadda Dekedaha Bollore. Waxaan Kharajiga aad ugu waanin lahaa inuu talada wax ka siiyo Maareeyha Dekedda, maaddaama oo isaga iyo shirkaddiisu (BDC) aanay waxba ka aqoon Dekedaha.

Cali Xoorxoor 20 sannadood ayuu Deked tagnaa adiga iyo saaxibbadaa Riyo kamaad daawan Deked. Waxad u nasiib daro ah ninkii aynu is lahayn manta ictiraaf ayuu somalilnad u raadinayaa wuxuu u xuslinayaa musunaasaq iyo qaraabo kiil.

Isku soo wada duuboo wuxuu ku riyoonayaa wax aan u suuro-galayn oo ah inuu Dekeddii Berbera hoos-geeyo Jabuuti. Sidaa awgeed, waxaan leeyahay Wasiir Maxamed Biixi, ‘Berbera wax go lagu qaado ka weyn Wasiir.’

Halkan waxa ku lifaaqan caddaymo cad oo qof waliba ku qanci karo .

Xasan  jaamac wardheere Tel  0033 123 456 67 france

 email wardheere101@gmail.com

on Daniel McCue

The Briton Jason Daniel McCue, 44, does not only deal with security issues via his MODA Alliance Group of which he recently formed a subsidiary in Djibouti. He also campaigns on behalf of the Somaliland government for international recognition of this State in the North West of Somalia, which declared itself independent many moons ago.

Jason McCue also founded a company in London in April called Berbera Development Company (BDC) which works with the Hargeisa government to find a concern prepared to invest in developing and operating the port of Berbera. McCue and his partners in BDC are very ambitious: they want to raise over $2 billion in investment funds to turn Berbera into a logistic hub for the whole region.

BDC has three directors in addition to McCue: the Britons John Richard Moore, 45 (who heads John Moore & Co Ltd) and Ibrahim Ali Yusuf, 41, plus the Canadian Ahmed Mohamed Abokor, 48. The latter lives in Djibouti, where he owns a stake in the firm Afro Shanghai-Djiboutiin partnership with the businessman Mohamed Said Guedi, an Issak like Djibouti’s First Lady

n°1377 – 04/04/2014SOMALILAND

BUSINESS CIRCLES

Who Bolloré has to talk to in Berbera

Hargeisa has instructed a British lawyer to negotiate with the French group Bolloré to hammer out the details of the agreement to manage Berbera port.

Meetings began about two weeks ago between representatives of Bolloré Africa Logistics and the British law practice McCue & Partners to work on an agreement for the French group to run Berbera port. In fact, several months ago the Somaliland government instructed the firm’s main partner, Jason Daniel McCue, 44, to look for funding to develop the Berbera corridor towards Ethiopia. This is a vast project including an oil pipeline, estimated to cost a total of around $2.5 billion.

This mandate was attributed to the Berbera Development Company (BDC) founded by McCue in London in April 2013 to make the Somaliland port into a logistics hub for the whole region.

 

McCue and BDC have consequently also become Bolloré’s primary contact points for Somaliland. BDC has three directors in addition to McCue, who is interested in security via his MODA Alliance Group.

They are the Britons John Richard Moore, 45, who heads John Moore & Co and Ibrahim Ali Yusuf, 41, plus the Canadian Ahmed Mohamed Abokor, 48. The latter lives in Djibouti, where he is in partnership with the businessman Mohamed Said Guedi in the company Afro Shnagai-Djibouti.

He is also one of the directors of Pontus Marine Ltd (ION 1359) – an industrial fishing company in Somaliland founded last year in London – alongside the British lawyer from Somaliland, Mohammed Yusef who is moreover the founder of Invicta Capital.

Pontus Marine has one heavyweight as a non-executive director: the Conservative MPHenry Bellingham, a former Parliamentary Under Secretary of State at the Foreign and Commonwealth Office in charge of African affairs.

Siilaanyo dhiib: Maanso baroor-diiqda Wargeyskii Hubaal sannad ka hor WQ Siciid M Gahayr

$
0
0

Maansadan magaceedu yahay “Siilaanyo dhiib” waxa aan u tiriyay baroor-diiqda Wargeyskii Hubaal oo sannad ka hor lagula kacay isku day oo xagga Alle ka baaqday. Jawaabta xukuumaddu waxa ay noqotay xadhigga HUBAAL, sii deyntii eedaysanaha, iska hor keenka shacabka Hargeysa.

 

Waa dhacdo yaab lahayd! Waa astaan dulmi, maanta oo ay taariikhdu tahay 24kii, April 2014ka waxa aan caddaynayaa in aan si toos ah ugu biirayo siyaasadda si aan erey iyo addinba wax uga qaban karo dulmiga dalka ka jira.. Si ku-meelgaadhna waxa aan u hakinayaa naanaystii Hargeysaawi ee la ii yaqaannay. Ma sheegan karo Hargeysa, kumana faani karo in aan Hargeysa ku dhashay inta ay caasimadda ka dhacayaan falalka noocan ahi…

 

Waa kuwan saddaradii maansadu, waxa ay soo baxday saacad ka hor:

 

 

Anoo sebi ahaa

Dhaaxaan sawaxan

Dhegta saaqi jiray

“Wuu dhacay Siyaad

Siilaanyo dhalay

Sida dhibica roob

Soo dhigay Isaaq”

Saynle heesaynnee

 

Safaad daawadow

Saaka baaqu waa

Gu’ siddeentan baad

Subaxdani jirtoo

Safiirkii Cirriyo

Sareeduu Jamaal

Sanqadh baan maqloo

Sahan noo arkee

Siilaanyo dhiib

 

Rashiidow sinnaan

Somaliland

Sinnaan ugu adeeg

Same Xaashi iyo

Suryo-diid ha jiro

Siilaanyo dhiib

 

Waa bishaad sahwiga

Cabdigii sigtee

Sintuu kaaga jabay

Sanniftee abaal

Seef ku dhaawacdee

Siilaanyo dhiib

 

Waa bishaad sahwiga

Sur Caloolay keen

Sabaalaynaysee

Sannad-guuro wacan

Siilaanyo dhiib

Soljaay ogow

 

Waa bishaad sahwiga

Santaaggii Xirsiga

Nadra saamaxaad

Safis aan sugnayn

Sii-ay-dhii fartee

Siilaanyo dhiib

SOLJAAY ogow

 

Saynlow gobtii

Saraar waad xidhoo

Suubbaihii GARADAG

Silic baad baddoo

UDUB suuliyii

MAANDEEQ siree

DAWAN saarayow

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gobtii

XAQSOOR seef an geyin

Ku surgoysay waran

Sool lagu didshoo

Sallaxley shan mayl

Kuma sacabbisee

Siibatoo qaddee

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gobtii

So’ Gebiley kabo

Salaan kuu qiroo

Isa-seejintii

Seemaal mirtoo

Saluug beertay culus

Saymo baaqeyahaw

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Sawlow gob-aas

Sayid iyo HORYAAL

Neceb Seylacow

Talo saydhisee

Faysal soomisee

Sawir-muujiyaa

Kol ma saamacnee

Sax ma tihid malaha

Maxaa kaa silloon

Saanta waan arkee

Sidee bay waxyiin

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

Saransareeyihii

“Saa” ma yeelannayiyo

“Saadambaad wax garan”

Saaryada qabiil

Rayaalii sudhee

Beeleyn sidkow

Saldhiggaagi noqoy

Sarakicidda layl

San lagaa qabsado

UFTA samirka daran

SULUB wuxu ku yidhi

“Imaad saamixine

Saydaanka naar!

Safxadaha kitaab

Saani maad u dhugan

Akhri suuradaa”

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

HUBAAL waa sannaadh

Suuggu aanu karin

HAATUF waa sawaxan

Saska-beerihii

Runta saafayoo

UNIVERSAL seben

Seeto waan ka furi

GEESKU waa saf nool

Sadar aan demayn

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

HORN CABLE sawd

Kol sabbaaxad qudha

Sibiq maaha wiil

Lagu sahayan karo

Sunuud iyo OGAAL

Sun ma quudatoo

Sarrif lama gadee

FOORow sawaxan

SAXANSAXO war sii

USJ sifee

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saynlow gob-aas

Jannaalow surmiye

HADHWANAAG ma solo

OODWEYNE suul

TOG ma saari karo

Lama seexsho QARAN

Sees aftahanews

HIMILADA sedka ah

Sekadaha JAMHUUR

Ma sal-guurayaan

YOOL waa sifaa

Sawrac aayatiin

Summaddii caqliga

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Sumeeyii CALOW

SSC berkado

Suus loogu daray

Kuma suurayaan

Saakadii shirkaba

TALEEX saanad culus

Sarreeyihiyo gaas

Kuma sahamminine

Suuree wax jira

Sahankii maxaa

“Sinniqsada” ku yidhi

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Saadaashu waa cadliga

Cadligoo saldhiga

Sabo maamul iyo

Seeraha qasriga

SAAXIL oo mar kale

Dulmi siririsoo

Sida aan rabana

UDUB saanyatoo

Suldaan iga dhigtoo

Safka Agabareed

Salli ay dhigeen

Sanaag loola kaco

SANDULLO xil mudan

Sooryo looga dhigo

Saami DAAKIR helo

XAABSADE an sahal

Suudhki QEYBE lumin

Sin wakiilku yahay

SALEEBAAN u dira

 

Sinnaantuu FUAAD

Suuqyada Hargeys

DARWIISH sooggan yahay

Adoon siinnin miid

Summad weeye qaran

 

Suugaan inkier

Safar aanu garan

SOMALI PEN

Ku sulaaqayow

Siqitaanki XAMAR

Kii socdaalayow

Saxeexii axdiga

Sikinkii liqdee

Siilaanyo dhiib

SOLJOOW ah tebi!

 

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair


CONFERENCE ANNOUNCEMENT: Somaliland Societies in Europe

$
0
0

CONFERENCE ANNOUNCEMENTSSE

In collaboration with Somaliland Seura ry (SL), an umbrella organisation of Somaliland community organisations in Finland, SSE is organising its Annual General Meeting and Conference on:

Date: 25th– 26th April 2014

Venue: Hilton Strand Hotel, Helsinki, Finland

Topics:

  • Challenges the Republic of Somaliland faces, and the opportunities it has.
  • The issue of the recognition of Somaliland and its implications for the security, stability and development in the Horn of Afric

Somaliland Seura ry (SL)

 

a.

  • The role of culture in the development of Somaliland.
  • Ways of improving partnership working, networking and collaboration between Somaliland organisations in Europe and the Government of the Republic of Somaliland.

Guest Speakers:

  • Ahmed Ismail Samatar, James Wallace, professor of International Studies, Dean of the Institute for Global Citizenship. USA
  • Marja Tiilikainen,  University of Helsinki, Finland
  • Jama Musse Jama, Redsea Culture Foundation, Somaliland
  • Seppo Lehtinen, Chairperson of Turku City Council, Finland
  • Riika Kangas, Africa desk, Foreign Ministry, Finland
  • Liisa Jaakonsaari, Member of European Parliament, Finland
  • Andrew A Rebold, Project Coordinator IOM country Office, Finland.
  • Mia Nuikka, International Solidarity Foundation executive director, Finland
  • Leo Koski Awale, Training director-University of Jyvaskya, Finland
  • Hussein Abdillahi, SSE former executive, now based in Somaliland
  • Maija Kajava, Social activist, Finland
  • Representatives of Somaliland Diaspora Organisations: Others Speakers include: Mohamed Harun, Mohmed Meigaag, Kadar Houssein Abdi
  • We are also expecting Somaliland Government Officials to join us.

For more information contact the SSE preparatory committee
Abdourahman Yassin                                      Hassan Nur,
Chair of SSE                                                      (Somaliland Seure executive member)
Tel: 0033689831266                                       Tel: 00358452085403

Hassan Ali                                                       Mustafa Ismail

Chair of Somaliland                                         Member of Preparatory committee

Tel; 00358445564652                                     Tel: 0044 7983804940

 

Iid Hassan (SSE Executive member)                Moote Haji Ali (SSE Executive member)

Tel: 00447870515334                                                Tel: 00447912639319

TACSI MADAXWEYNE -IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

$
0
0
TACSI MADAXWEYNE – 25/04/2014
 
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdi Jaamac  Xayd oo ku geeriyooday 25/04/2014, Magaalada Hargeysa.
 
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayaashii iyo Ganacsatadii Reer Hargeysa qayb weyna ka soo qaatay nabadayntii iyo dhismaha wadanka.
Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.
 
 
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Xarunta Xuquuqal insaanka: Dacwadda loo haysto Haatuf waa in loo raaco Xeerka Saxaafadda

$
0
0

 Human Rights Center
                                                

Headquarters: Hargeisa Somaliland Tel: 4008357
 30th April 2014                                                                                                             5/2014
War-saxaafadeed

Xarunta Xuquuqal insaanka: Dacwadda loo haysto Haatuf waa in loo raaco Xeerka Saxaafadda

 Waxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka baafisay war-baahinta gudoomiyaha iyo tafatiraha wargayska xayiran ee Haatuf. Qoraalka Maxkamadda ee la baahiyay wuxuu sheegay in dacwad ciqaab ah oo ay ku eedaysan yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Haatuf, iyo Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, ay hortaal Maxkamadda. Dacwadaas oo ay ku eedaysan yihiin qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta. Dacwadani waxay ka danbaysay kadib markii la xayiray wargeyska Haatuf 7th April 2014.  
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay in saxaafadda loo adeegsado Xeerka Ciqaabta iyada oo la baalmarayo Xeerka Saxaafadda, Xeer Lr. 27/2004.
 Saxaafaddu waxay leedahay xeer u gaar ah oo maamula saxaafadda. Mana aha in lagu qaado saxaafadda xeer kale iyada oo uu dhaqangal yahay xeerkii saxaafaddu. Xeerka Ciqaabta waxa la sameeyey 1962dii. Sida ku cad qodobka 130(5) ee dastuurka, Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore ee aan ka hor imanayn xuquuqaadka iyo xoriyaadka asaasiga ah. Sidaasdarteed, maadaama oo qodobada Xeerka Ciqaabtu ay yihiin kuwo aan la jaan qaadi karin xoriyaadka aasaasiga ah, waxay tahay in loo raaco dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Xeerka Saxaafadda.

 Xoriyadda saxaafadu waa mid dastuurku damanad qaaday sida ku cad qodobobka 32 (3) oo reebaya fal kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda. Xeerka Saxaafaddu waa xeer gaar ah oo ka leh mudnaan xeerka guud.

Sidaasdarteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:
In dacwadda loo haysto gudoomiyaha iyo tafatiraha wargeyska Haatuf loo raaco Xeerka Saxaafadda
In xayiraadda laga qaado wargeyska Haatuf
Mulaho Mohamed Ali
Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

  Contact
Human Rights Center
Hargeisa Somaliland
www.hrcsomaliland.org
Ms Mulaho Mohamed Ali
Email: mulmohamed@hotmail.com

Hambalyo Aroos wacan Xamse Mataan iyo Marwo Yaasmiin Siyaad

$
0
0

Dhamaan dadkan oo kala ah Aabe Cali Aadan Muuse,  Hooyo Cibaado Cumar Axmed, Cabdi Cali Aadan, Jamaal Cali Aadan, Dhagalaab Cali Aadan, Asad Cali Aadan, Mawliid Cali Aadan, Sahra Cali Aadan, Rooda Cali Aadan, Iido Cali Aadan iyo Saado Cali Aadan  Dhamaan reer Cali Aadan Guure Waxay Hambalyo kal iyo lab ah u dirayaan Mudane Xamse Mataan Haybe iyo Marwo Yaasmiin Siyaad oo Arooskoodu 30-kii Bishan April ka dhacay Magaalada Hargeysa. Isku waara oo Ubad khayr qabana kala hela ayaanu leenahay Lamaanaha Reerka yagleelay.

 

Agaasimeha cusub ee Warfaafintu waa nin horumar gaadhsiin kara wasaaradda loo bedelay.By: N. Gargaar

$
0
0

Ugu horeyn Waxaan Hambalyo u Dirayaa Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Warfaafinta, Wacyigalinta Iyo Dhaqanka Jamhuuriyada somaliland Mudane Mohamed Elmi Aden (Ilkacase).

Waxaanan leeyahay ilaahay hakula Garab galo Shaqada cusub ee laguu dhiibay, Mohamed Aadan Cilmi (Ilka case).

Maxamed Cilmi Aadan waa Nin Horumar soo gaadhsiiiyay wasaaradii Kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee laga soo bedelay.Agaasimaha-Kalluumaysiga-300x216dddd11221122

Waxaana la filayaa Inuu Horumar kasii wanaagsan uu gaadhsiin doono Wasaarada Warfaafinta ee hada loo dhiibay, isagoo horena Hay’adda Havoyoco oo ka mid ahaa Aasaaseyaasheeda uu horumar fiican gaadhsiiyay, isla markaana uu xarun uga furay dalka Itoobiya.

 Waxa kale oo Agaasime Ilkacase lagu xusuustaa inuu muddo dheer ahaa Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyada oo uu shaqo fiican ka qabtay, isla markaana uu muddadii uu xilka hayay door muuqda ka qaatay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo uu isku xidh weyn ka geystay.

Waxa kale oo aan la hilmaami Karin in Agaasime Ilka case uu shirar Caalami ah dibada kaga qayb-galay intii uu Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga ahaa, shirarkaasoo uu kii ugu dambeeyay dhawaan kaga qayb-galay dalka Seychelles iyo kuwo kale oo badan.

Hadaba waxaan mar kale leeyahay Agaasimaha Ilaahay hakuu fududeeyo xilka cusub ee lagu dhiibay.

By: Naasir Saleban Qaloonbi (Naasir-gargaar).

Waxgaradka Reer Saaxil Oo Taageeray Xilka Loo Igmaday Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Saaxil.

$
0
0

Hargaysa(Berberanews)-Qaar Ka Mid ah Aqoonyahanada Deegaamada Gobolka Saaxil Ayaa Maanta Waxaa Ay Ka HAdleen Isku Shaandhayntii uu Madaxweyne Silanyo Ku Sameeyey Habeenkii Xalay Golahiisa Xukuumada Isla Markaana uu Xil Ka Qaadista Iyo Magcaabista Ku Sameeyey Waxaana Ay Mahadnaq Iyo Taageero Ku Sifeeyeen Isku Shaandhayntaasi

Baaqan Oo Kasoo Baxay Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Haweenka,Cuqaasha,Qurbajoogta Iyo Dhamaanba Inta BAdan Shacabka Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Ayaa Ay Halkaasi Waxaa Ay Hanbalyo Iyo Bogaadin Aan Lasoo Koobi Karin Dusha Ka Huwiyeen Cali Maxamed Cilmi oo Ahaa Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil.

Waxaana Ay Halkaasi Hanbalyo iyo Bogaadin uga Soo Jeedinayeen Xilka Loo Magcaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo loo Igmaday Inuu Ahaado Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha

Cali Maxamed Cilmi Ayaa Ay Waxgaradkani Ku Sifeeyeen Inuu Yahay  Siyaasi Ruug Cadaa Ah,Waayarag Ah Isla Markaana Xilkiisa Uga Soo Baxaya Sidii Loogu Doortay Wuxuuna Ku Caana Maalay Awoow Ka Awoow Talada Iyo Hogaaminta Maadaama uu Ka Soo Jeedo Reer Samotalis ah

Cali Maxamed Cilmi Waxaa Ay Ku Sheegeen Inaanu Ahayn Nin Looga Bartay Xaalad Abuur Iyo Kicin Dadweyne Wuxuu Damiyo Mooyaane Waxaana Taasi Gartay Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Asiibay Xil Magcaabista Cali Maxamed Cilmi Isagoo Ku Soo Beegmay Waqtigii Loo Baahnaa Isagoo Masuulkani Buuxin Doona Booskii Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Xilkaasi Laga Eryay Markuu Gudan Kari Waayay Waa Siday Sheegeene.

Ugu Danbayntii Waxaa Ay Ilaahay Uga Baryeen Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi Inuu U Fududeeyo Xilkaasi Loo Igmaday Ilaahayna Ku Garab Galo

 

Magacyada Waxgaradka Baaqan Soo Saaray

Eng Cali Maxamed Xoorxoor        Maareeyaha Dekeda Berbera.

Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye      Agaasimihii Hore Cashuuraha Beriga.

Cali Axmed Kooshin

Cumar Cali Xuseen Buraale

Cabdirisaaq Cali Xuseen

Xildhibaan Siciid Cartan

Xildhibaan Waysacade

Xildhibaan Dable

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Xildhibaan Cawl Cabdilaahi Beegsi

Cawil Cawl Cabdilaahi Beegsi

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh

Suldaan Cabdilaahi Ismaaciil Aaden Dirays

Caaqil Jaamac Muuse Geedi

Maxamed Cali Cumar Halaasi

Sheekh SaLeebaan Maxamed

Muuse Biixi oo Murrashaxnimadiisa Shaaciyey Xilli Hunguri Siyaasadeed ku Jiro Siilaanyo

$
0
0

Hargeysa-(Jam/Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu jagada madaxweyne ee xisbiga tallada dalka haya isku sharixi doono, isla markaana diyaar u yahay inuu KULMIYE dhexdiisa kula tartamo haddii madaxweyne Siilaanyo is-sharaxo.

Md. Muuse Biixi Cabdo oo waraysi siiyey BBC-da shalay, waxa uu caddeeyey in hankiisa siyaasadeed yahay kursiga dalka ugu sareeye ee madaxweynenimo, balse waxa uu xusay inay xisbi ahaan leeyihiin nidaam iyo aqoon lagu kala xakameeyo dadka is-sharaxaya si aannu khilaaf uga dhicin xisbigooda.

muuse iyo silaanyo

“Horta markaad xisbi guddoomiye u tahay shirkad baayac-mushtari maaha oo lacag laga macaashayo, waxaan u socdaa in aan ku gaadho meqaamka ama kursiga dalka ugu sarreeya ee madaxweynenimo oo ah waddada loo maro, waddadii baan hayaa, waddaduna sharci bay leedahay, xisbiguna sharci iyo xeerar buu leeyahay, qof kasta oo golaha dhexe ee xisbiga ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu is sharraxo, aniguna muwaadiniinta is sharraxaysa ee xaqa u leh ayaan ka mid ahay, qofkii kale ee xisbiga ka mid ahina xaq buu u leeyahay haddii uu yahay madaxweynaha iyo haddii uu yahay mid kale oo xil hayaba, laakiin waxaannu leenahay nidaam iyo aqoon lagu kala xakameeyo dadka tartamaya oo aannu xisbiga khilaaf ka dhex iman.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa 12 January 2014 daboolka ka qaaday in aannu jirin wax ka horjoogsanaya amma u diidaya inuu mar labaad isku sharraxo madaxweynenimada Somaliland, xilligaasoo madaxweynuhu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Itoobiya.

“Xisbiga KULMIYE xubin ka mid ah ayaan ahay, madaxdiisana waan ka mid ahay, madaxweynihii qarankana waan ahay, wax iga hor jooga inaan iska soo sharraxana ma jiraan,” ayuu yidhi Siilaanyo xilligaas, iyadoo arrintaasina muujinayso in  madaxweynuhu leeyahay hunguri siyaasadeed oo uu mar labaad isugu sharaxo madaxtinimada dalka, maadaama dastuurku u ogolyahay inuu laba jeer xilka madaxweyne isku sharaxi karo.

Hasayeeshee, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo la waydiiyey waxa uu yeelayo haddii Madaxweyne Siilaanyo yidhaa waan is sharraxayaa, waxa uu ku jawaabay, “Waan soo dhawaynayaa, madaxweynuhuna xaq buu u leeyahay inuu is sharraxo, waana aasaasihii xisbiga, aniguna guddoomiyihiisii baan ahay, haddii aannu xataa labadayadu tartanno miyaanay sharaf ahayn, odaygaygii iyo ninkii uu siyaasadda ku soo kordhiyey haddii ay tartamaan miyaanay qurux iyo horumar siyaasadeed ahayn.”

Golaha Dhexe ee lagu doortay shirweynihii 3aad ee xisbiga KULMIYE, ayaa xaq u leh inay doortaan murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga uga qaybgeli doonta doorashada madaxtooda ee la filayo inay badhatamaha sannadka 2015 dalka ka qabsoonto, iyadoo la saadaalinayo in shirkaas Golaha Dhexe loolan siyaasadeed oo adag ku dhexmari doonto Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Siilaanyo haddii aan midkood ka tanaasulin hankooda madaxweynenimo.


Agaasime Saleebaan Jaamac Diiriye: Waxqabad Iyo Dadaal Muuqdan

$
0
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye,oo muddo kooban hayey Xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada ayaa maalinba maalinta ka danbaysa waxqabadkiisu kor u sii kacaayay isla-markaana muujinayaa dedaal iyo Karti dheerada.

 

Agaasime Saleebaan Jaamac Diiriye,ayaa wakhtigu u saamaxay in isaga oo haya Xilka Agaasimaha Guud ee Maaliyada kor u qaado dakhliga Dalka oo bar bilow u ah Waxqabadka uu doonayo in uu ka fuliyo Wasaraddaasi.

 

Agasime Saleebaan Jaamac Diiriye,ayaa muddo dheer ka soo shaqaynaayey Dalka dibadiisa gaara ahaan Dalka Ingiriiska

 

Agaasime Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa mudadii uu fadhiyay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland ku talaabsaday Waxqabad muuqda oo la calaamadin karo.

 

Haddaba, miyaanay wax lala yaabo ahayn in dad aan xil kas ahayni ay mafaariishta fadhi ku dirirku ku kulmo ay la taagnaadaan ceebayn iyo dhaliil aan sal iyo raad lahayn oo si qarsoon loo mariyo Mareegaha Internet-ka iyo Wargeysyada qaarkood.

 

Anniga oo aan doonayn inaan ku talax tago ka hadalka fadhi ku dirirka yooyootanka mafaariishta la fadhiya, waxaan hadalkayga ku soo xidhayaa midho ku jiray Hees uu sameeyay Abwaan Cali Seenyo.

 

 

 

“Nin Beyrliyo Xaasidkii,

Badhaadhaha Noo Kordhiyo

Barwaaqadu dhibi jirtoow

Xornimo Noo Buuxsantee

Bislaataye’ Noo Hanee”

 

 

 

 

W/Q:Daahir Ugaas Canjeex

 

Mobile:0633-469908

 

Hargeysa-Somaliland

TACSI: Marxuun Cabdi Axmed

$
0
0

TACSI: Kayse Axmed Digaale,Badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diirye, Maayirka Degmadda Burco, Maxamed Yuusuf Muraad, Maayirku xigeenka degmadda Muxumed Xasan Xoday, Badhasaab ku xigeenka gobolka Maxamuud Maxamed Ubaxle,Xoghayaha dawlada hoose Cismaan Maxamed Sheekh,Xildh.ASkar,Prof.Saleebaan Dirir, Dr.Xasan Ismaaciil,Ismaaciil Maxamuud Caraale,Cabdi Faarax Digaale,Maxamuud Axmed Xasan Dhagalaab,Xildh.Axmed Afyare,Xildh.Shiine Faliidh,Gaashaane Ciil Tire, Maxamed Jaamac Bootaan,
Maxamuud Maxamed Warsame (Jaare),Ismaaciil Caato, Cabdi Raabi,ibraahin Xiniftire, Xuseen (Girgire),Axmed Xaaji Yuusuf, Maxamed Cawil Xaaji Nuur,Cismaan Abokor Berberaawi,Maxamuud Faarax Gurey,Cismaan Afgaab,Axmed Dheere, CabdiWali Aadan Geeljire,Maxamed Daahir,Maxamuud X.ibraahin, Aadan Dooc,Cabdi Ismaacil(Salaal),C/risaaq Arnab, Cumar Aadan Yuusuf, Cismaan Saalax Faarax, Mubaarik Axmed Xaaji Yusuuf, Cartan Maxamed Jaamac,Cabdsamad Faarax,Axmed Jawar,Siciid Quluumbe, Prof.Xasan Faroole,Ibraan Yuusuf(Jirde),Dr.Cabdi Yaasin,Jamaal Xiinwaal,Dr C/qaadir x.Muuse,Cabdi Maxamuud Qaloobi(Cabdi Cago), Sahra Basbaaso,

Cabdi Jiinje, Cabdi Cali Dhegawayne, Maxamed Huriye,Maxamed Aadan Foolge,Xuseen Lucky,Baashe Aw-Yuusuf, xuseen Xaaji quluumbe,Dr.CabdiJibaar Maxamed Siciid,Maxamed Abokor, C/raxmaan Gaade, Siciid Cige,Dhamaan Dadkani waxay Tacsi u Dirayaan ehelkii iyo qoyskii yo Dhamaan Bahda Waxbarasada Somaliland uu ka baxay Gudoomiyihii Waxbarasada Gobolka Togdheer,Marxuun Cabdi Axmed Siciid,7.5.2014.oo Maanta Lagu aasay magaalada Burco,Waxay Leeyihiin Samir iyo iiMaan, Marxuunkana janadii eebbe ha ka waraabiyo ..aamiin..aamiin.

UJEEDO: BAAQ QAADACAAD

$
0
0

Hadaanu Nahay Aqoon Yahanka Iyo Wax garadka beesha BAHGOBO  waxaanu  xukuumada iyo hayadaha ay khusayso arinta diwaangalintu ku wergalinayaa in aany deegaanada Gogol wanaag ilaa horehaadlay aanay ka dhici doonin wax diwaan galin layidhaa sababahan soo socda awgood;-

1.      Sida laga warqabo dadka deegaanadan EEBE ku abuuray waxay si cad uga footeeyeen xisbigii talada dalka hayay ee UDUB iyaga oo kaga cabanay in aanay deeganadan ka qayb galin wax allaale wixii horumarin ah ee dadka iyo deegaankuba u baahnaa, waxaa maantana la mid ah in xukuumada siilaanyo ee waxaas oo abaal ah loo galay ay noqotay mid bilaa abaal ah oo aan dadkii iyo deegaankii midna aan dib ugu soo noqon, isla markaana wixii ay balan qaadayna ay waxba kama jiraan ka dhigtay.

 

2.      Guud ahaan deegaanada aan kor ku soo sheegnay waxaa ka maqan dhamaan baahiyaadkii aas aasiga ahaa tusaale ahaan dhinac

 

a)      caafimaadka hadaan eegno wax MCH ah oo lagu daryeelo hooyada oorka leh ee ku nool deegaanadan iyo ubadka yar yare majiro, cusbitaalna hadalkiisaba daa, marka laga yimaado deegaanka intiisa kale waxaan tusaale lawada dareemi karo u soo qaadanayaa xarunta biyo soo saarka ee afartankii sano ee ugu danbeeyey laga waraabinayay caasimada dadka ku nool in aanay maanta hooyada ku foolataa helin daryeelkii ay u baahnayd ee caafimaad taasina ay ku timid dayac xukuumada siilaanyo, waayo marka ay foolato hooyadu  waxaa loo soo qaadaa dhinacaa iyo hargiesa waxaa suurto gal ah in hooyadaasi la soo gaadh siin kari waayo dhulka oo wadadiisu aad u xuntahay iyo iyada oo laga yaabo in gaadhi loo waayo, xukuumadii rayaale waxay tan maanta ku dhaantay marka geedeeble laga hadlayo waxaa xarunta yaalay gaadhi naafto ah oo wixii hooyooyinka iyo ubadka shaqaalaha ku soo kordha loogu gurman jiray waxaa maanta laga dhigay patrol is aanu dadka deegaanka ugu gurman waa ayaan darada xukuumada siilaanyo.

 

b)     Waxbarashada hadaan ka soo qaadano waxa ka jirta baahi aad u balaadhan waayo waxaa ku yar dugsiyada hoose dhex iyo macalimiintaba sidoo kale dugsi sare hadalkiisaba daa xukuumadani shan jeer ka badan inta ay balan qaaday hadan waxba kama fulaan oo waa taa lawada ogyahay balanqaadkeeda indha sarcaadka ku salaysan.

 

c)      Biyaha waxaa laga warqabaa in dhulka biyuhu ka fogyihiin hayadaha khayriyaadka ahi ugu deeqeen riigag si dadka iyo xooluhuba uga cabaan ugana manaafacaadsadaan, waxaa markhaati madoon ah in dhul aan u baahnayn lagu khasaariyay iyada oo loo xilanayo in lacag lagu lunsado tusaale ahaan waxaa xarunta biyo soo saarka ee geedeeble laga hirgaliyay sadex ceel riig oo loogu talo galy meelaha biyuhu ka fogyihiin balse ceelashii hore ee qodnaa meel 5m ujirta laga qoday taasina ay sababtay in ay wada shaqayn kari waayaan oo labadii ceel midi fadhiisto  taasi waxay nusqaaan ku tahay kuxuumada maanta talada dalka haysa sababta oo ah waxay ceelashani khasaarisay laba jeer mar waa iyada oo laga qodin meelihii loogu talo galy marka kalena waxaa weeyi iyada oo meeshii kale ee ay ka qoday aan wax faa iida ah ku soo kordhin oo uu halkaa ku khasaaray ceelkii riiga ahaa ee la inoogu deeqay.

 

3.      Deegaankan kama jirto wax maamul dawladeed oo la sheegi karo sababta oo ah dawlada maanta jirtaa malaha wasaarad madaxbanaan oo iyadu iskeed shaqada ay xaqa u leedahay  ugu howlgasha sababta oo ah dadka deegaankani waxay wasaarada arimaha gudaha  ka codsadeen in maamul wanaagsan oo karti leh loo sameeyo balse waxaa wasaaradii nagaga soo baxay in wasiirku nagu yidhi  

 

ALLAA MAHAD LEH

Duruufii Calankayga: Maanso Waddani ah iyo Dabaaldegga 18 Mey

$
0
0

Maansadan waxa uu Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr , wuxuu kaga hadlayaa taariikhihii kala duwanaa ee soo wajahay calanka Somaliland sida ingiriiskii dalka haystay 1884 illaa 1960 iyo halgankii lala galay , koonfurtii lala midoobay 1960 illaa 1991 iyo hagardaamooyinkii laga la kulmay,iyo ugu danbayn dagaaladii qadhaadhaa ee calanka dib loogu helay, waa maanso dheer oo meelo badan taabanaysa,. waxa ay markii koowaad ka baxday idaacadda Radio Hargeysa 13kii Mey sannadkii 2005ta

 

tuducyadan  ayaanay ka koobantahay:

 

 

Inkastoo ay duniduba

Rug qudhoo la dego tahay

Way dacallo badantoo

Dadka qaar ba goob buu

Daayinkood ku uumoo

Ay kuna dambaabaan

Oo duunyadooda ah

 

Daw-dhaaf qof fala iyo

Daandaansi ruuxliyo

Dulmi lagama waayee

Dawladaha reer Yurub

Duullaanka culus iyo

Damaaciga kolkii ay

Dunidaba ku boobeen

Ee ay doobinaayeen

 

Delhi iyo Kalkaatiyo

Dahoomay Galbeed iyo

Riyo-diijineeriyo

Dalas iyo Amriikiyo

Sidhni Daarwin bari iyo

Dooxada Mambaasiyo

Doddoomada Tansaaniya

Daaraasalaam iyo

Delta Niilku leeyiyo

Aag Dimishiq tahay iyo

Dahraan iyo Kuwayt iyo

Dejla iyo Tehraan iyo

Akra iyo Dakaar iyo

Dhulka daafihiisaba

Markii ay degeeneey

Dusha sare ka haysteen

Dulligii gumaysiga

Markay daadihinayeen

Dadkeennii midaysnaa

Diin qudha ku wada jiray

Diirkiyo ushiisii

Dubka midab masaysnnaa

Dugulkiyo madawhaa

Afka hadal ku darishaa

Isku duubnidoodii

Way daciifiyeenoo

Dubcadlii gumaystuhu

Soomaali dalal iyo

Degelluu u qaybshoo

Badhba dawlad gaaraa

Damiin looga dhigayoo

Dabar loogu xidhayoo

Xadna loogu dayroo

“Dul ka maamul” lagu yidhi

 

Doco kala fadhiistoo

Diridhaba Itoobiya

Dikhil sheegay Faransiis

Koonfur waa la duufsaday

Waxa dafay Talyaaniga

Dadkaygiyo dhulkaygana

Daacuflii u weynaa

Ingiriis ayaa degay

Macdantiisa dihin iyo

Daldalaayay luulkana

 

Kolkaasuu Darwiishkina

Dugsi malaha gaalkuye

Ka damqaday xad-gudubkiyo

Dulinnimada Biritayn

Jihaad buu diyaarshoo

Dirir buu abaabulay

Koofil waa ki dooxee

Dul madoobe dhigayee

Ka dul tiriyay gabayada

Kolkii xigayna danabyaal

Jaamici digriilaa

Kufrigii dareershoo

Dawgiisi mariyoo

Idinka Alle dabadii

Iblayskii ku yidhi “duul”

 

Laakiin dedaalkaas

Lagu didiyay gaaladu

Wax ma tarin dadkiisee

Shay taas ka  sii daran

Dibiyaabu dhalay yaab

Calankiina daadays

Daad iyo jar buu maray

Intaan didiyay good baan

Dabiib mooday halaqoon

La darsoon la jaaroo

Intaan dayrshay riis baan

Mid kaloo ka sii daran

Maan korodhsan derejee

Ku aaminay dalkaygii

 

Kayn doog leh iyo maadh

Oo daristu simantoo

Nimco lagu dhex daaqoo

Sagal uu ku da”ayoo

Dayr cadka iyo ayradu

Doobbiyada ku buuxshaan

Oo khayr ku dihinyoo

Cudurada wax dila iyo

Durro idil ka aamina

Shay diiq abuurana

Indhahaagu daarayn

Oo daayin hibo iyo

Ku manaysaty deeqoo

U wanaagsan dunidaba

Bartaas baan il-duufoo

Dalandool waxaan tegay

Meel dacawo joogtoo

Duurjoogta gooshiyo

Dawri aar u xarunoo

Dinaddiyo shabeelkiyo

Waraabuhu daf uu yahay

Aan dirirka roobeed

Waayo iman dushoodoo

Dabadheer la riiqmoo

Ugaadha iyo deeradu

Socdaal ay dareereen

Ka dawaaftay cawshuna

 

Doocaanka malabeed

Caanaha durduurta leh

Intaan daadshay oon qubay

Yaan dacar qadhaadh iyo

Waabay an doontoon

Dakhar baday naftaydoon

Ku doorsaday samaan xumo

 

Intaan dawlad wacan iyo

Doorasho xalaaloo

Dadku uu codeeyoo

Qof kastaaba dookhii

Ikhtiyaar la darisyahay

Iyo maamul doorloo

Danahaaga dhawraan

Dayacoon fogeeyoon

Dawo mooday nacaboon

Digtaatooriyaad iyo

Rajiim darayo weyn loo

Shacbigaba dullaystoo

Danahiisa dhawrtoo

Ku durduriya uunkoo

Xuquuqda dumiyoo

Heeryana dul saartoo

Kaligii digleeyoo

Aan diir naxaynoo

Naxariisna duugoo

Sun noo sii diyaarshaan

Degellkiisi ugu tegay

 

Tixdaydaas daboolka leh

Duur xulkiyo tilmaantaas

Daaha aan ka qaadoon

Daliishoon caddeeyee

Dacartaas an sheegiyo

Dabadheer abaartaas

 

 

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

Daawo: Barnaamij Koobsanaya Dhacdooyin Xaqiiq-da Ku Fadhiya, Midowgii Somaliland Somalia Iyo Horumarka Hadda La Higsanayo

$
0
0

Hargeysa (Berbera news) Saddex iyo labaatan sanadood ka dib Somaliland maxaa laga filan karaa, Barnaajim uu soo diyaariyay Wariye Cabdiqani Xasan Cilmi (Dawlad) oo ka tirsan Telefishanka caalamiga ah ee KALSAN Xaruntiisa Magaaladda Hargeysa.

 

 Waana Barnaamid hor dhac ah

 

Halkan ka daawo.
qorshaynta
 

 

Berbera news/Hargeysa.

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live