Hordhac: Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorasho toos ah oo daah-furani ka dhacdo. Taas awgeed, JSL waxa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay hormuudka doorashooyinka iyo siyaasadda ku dhisan xilwareejin nabdoon ee waddamada Afrika. Walow waayadan dambe Somaliland lagu canaanto doorashooyin mudodhaafay; xil-hayeyaashii Goleyaasha Deegaanka (GD) […]
↧