Qalinkii Yusuf Keyse A/laahi
Marka hore waxaan salaamaynaa dhamaan shacbiga jamuuriyadda Somaliland,sidoo kale waxaan salaamayaa saxaafadda madaxa banaan ee habeen iyo maalin u taagaan u shaqaynta dadkooda iyo dalkooda
Waxaan maanta doonayaa in aan ka hadlo Arin in badan ku soo noqnoqota media ama saxaafadda Somaliland,taas oo aad arkeyso wasiir,kuxigeenkiisa iyo agaasimihiisa oo Arin ama shaqo isku qabsada anigaa awood u leh iyo anaa u leh taas oo mar marka qaar gaadha ilaa heer gacan ka hadal ah
Taas oo aan u arko in uu madaxweynuhu kaw ka yahey sababta oo ah marka la magacaabo wasiirka ama agaasimihiisa waa in la raaciyaa ama la sii waraaq qoraal ah oo cadayneysa waxaa uu qaban karo iyo waxa aanu qaban Karin ama (job description)
Hadii kale waxaa dhici doonta in Shaqadii madaxweynaha uu qabto wasiir,Shaqadii Wasiirkana uu qabto Agaasime sida Doraad ka dhacdey Haayadda Koranta ama Laydhka oo Maareeyaha Haayadda Korantada uu Wasiir Xaabsade Go,aan aan Sharci aheyn iska soo saarey
Waayo,Waxaa uu madaxweynuhu 19—November 2012 u saarey Gudi Baadhitaan ku sameysa hawlaha Haayadda Koranta,gudidaas oo ilaa hada wax asbaab oo cad aan inoo soo bandhigin isla markaana aan madaxweynaha waxba lagu soo celin ayaa waxa wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta mr Axmed Cabdi Xaabsade oo Gudoomiye u ahaa Gudidaas madaxweynuhu magacaabey, uu kaligii iska qaatey go,aan uu ku sheegay in uu xilki ka qaadey maareeyaha haayadda korantada kaas oo aan u malaynayo in ay ka ahayd garasho,laan ama badheedh sharcidaro ah
Hadaba waxaa wax lala yaabo ah in Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeyntu oo gudoomiye u ahaa gudidaas uu isagu isku qanciyey in uu booskii madaxweynuhu Degreetada ku magacaabey uu Naadiyo isla markaana uu Xoghayn ka dhigto
Ugu danbayntii waxaan madaxweynaha u soo jeedineynaa in Arinkaa haayadda Korantada wax ka qabto,wasiirka hawlaha guudna aad u sheegto shaqadiisu waxay tahey mr Axmed Cabdi Xaabsade ama Responsibilityga uu leeyahey
Yusuf keyse A/laahi
Tell 9145949