Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Macnaha xisbiyada dimuqaraadiyada iyo masraxiyadooda

$
0
0

Waxaan qalinkaygan ku eeg doona qaab dhismeedka guud ee xisbiyada haday kuwo mucaarida iuo mid muxaafid ah baa,aaraarta yaan ku fogaanine aan nuxurka u dhaadhaco.

Ugu horeeyn xisbiyadu waxay ka dhashaan ama ka soo dhax baxaan urur siyaasadeediyo waafaqsan shuruucda dalka,una gudban heerka xisbinimo ee waafaqsan shuruucda dalka ka jirta.

Hadaba waa maxay xisbi ama xisbiyo?

Xisbiyadu waa ururo  ama koox dad ah oo wadaagaaya aragtiyo isku mid ah oo ku saabsan,hab maamulka dawladnimo iyo in la helo musharaxiin u tartama taladda dalka,waxay inta badan diiradda saaraan doorashooyinka kala duwan dalka.

Hadaba waa maxay sababaha loo samaysto xisbiyada dimuqaraadiyada ah?

  1. Ficilo wada jira: in xisbiyadu si wada jira ugu hortagan arimaha lidka ku ah jiritaanka qaranka

  2. Fududaynta iyo samaynta siyaasada: xisbiyadu waxay dardar galiyaan dhamaystirka siyaasadeed ee dalka iyaga oo isku dhinaca

  3. Han siyaasadeed: waa in xisbiyada dhexdooda ka jirta aragtida tartaranka xalaasha

Hadaba waa imisa nooc xisbiyada dimuqaraadiyada?

Siday dimuqaraadiyadu qabto xisbiyadu waa laba nooc oo kala ah muxaafid iyo mucaarid,isla markaan muxaafidku waa xisbi ay ku midaysan yihiin koox dad ah oo ka midaysan mabaadida siyaasadeed ee xisbi xaakimkoodu ku hagaayo dalka, halka mucaaridku noqon karno hal xisbi iyo wax ka badan sida oo kale xisbiyada mucaaridku waa xisbi ama xisbiyo ka aragti duwan hadaba xisbi xaakimka dalka jooga siyaasad ahaan.

Unugyada ay ka kooban yihiin xisbiyadu?

  1. Hoggaamiyayaal: waa tiro dad ah oo ugu sareeya qaab dhismeedka xisbiyada siyaasada

  2. Xubno firfircon : waa tiro dad ah qabta hawl maalmeedka iyo dardar galintooda

  3. Raacsanayaasha: waa mawjado dad ah oo kala duwan kuwaas oo ku qancasan barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiyada,isla markaan codkooda ku siiyaan barnaamijyadaas.

Tiirarka aasaaska u ah xisbiyada dimuqaariyada:

  1. Aragti siyaasadeed

  2. Han siyaasadeed

  3. Daahfurnaan siyaasadeed

SHaqada xisbiga muxaafidka

  1. Inuu dalka ka hirgaliyo barnaamijyeedii iyo balan qaadyadii wakhtigii ololaha doorashada

  2. Inuu la xisaabtamo xukumadiisa ama xisbi xaakimkooda

  3. Inuu iska difaaco eedaymaha kaga imanaaya xisbiyada mucaaridka,isaga oo ilaashanaya taageerida shacabka sida oo kale waa inuu xukuumadu dhageysto qodobbada mucaaradka si ayaa waxa u korsato ama u sameyso isbeddelo muhiim ah

Shaqada xisbiyada mucaaradka

  1. Xisbiyada mucaaradku waxay darsaan sababihii ku keenay guuldarooyinkoodii doorashooyinka

  2. Xisbiyada mucaaradku waa inay lahaadaan mabaadii ka duwan xisbiga talada haya, haday tahay dhanka xoriyada, dhanka cadaalada,dhanka dhaqaalaha

  3. Markaasta oo ay xisbiyada mucaaridku ogaadaan galdaloolada xukuumada waxay soo bandhigaan khaladaadkoodii iyagagoo waliba ku ilaalinaaya dimuqaraadiyad caafimaad qabta

  4. Mqnaanshaha xisbiyada mucaaridka waxay xukumada ku dhalin karta inay baalmarto sharciyada iyo xeerarka

Shaqada xisbiyada ka siman yihiin

  1. Waa inay ku dhaqmaan shuruucda iyo inay wuu cadaalad sameeyaan xubnaha xisbiga iyo inay qabsadaan shirarkoodasida shirwaynaha iyo shirka golaha dhexe

  2. Magacaabista

  3. Ilaaliyaan

  4. Waxqabad calaamadsan

Dooda fikirkayga ee qabdhismeedka xisbiyada

Marka soo ogaaday qaab dhismeedyada ay u dhisanyihiin xisbiyada dimuqaadayda leh,haday yihiin hanaanka labada xisbi iyo xisbiyada badan,somaliand waxay ku qurux badan tahay laba xisbi maxay yeeley laba xisbi qaab dhismoodu wuxu yahay sidan

  1. Mabaadii qeexan

  2. Waxtar badan

  3. Daahfurnaan

  4. Khilaafaad yar

Halka xisbiyada badani ayaa yihiin kuwo intaas ka maqan tahay qaab ahaan ama baa madmadow  badan baa leh

QALINKA: CABDICASIIS XASAN MAXAMED(SEED)

PHONE  : 0634905333


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles