Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Safaarada Somaliland ee Ethiopia oo ku fashilantay inay soo celiso ardayda hoos tagtay safaarda Somalia + sababta

$
0
0

Salaan guud iyo mid gaar ahba waxan u diraya shacabka Somaliland meel kasta oo ay ku suganyihiin iyo gaar ahaan bahda Saxaafada.

Warbixintii, tan ka horeysay ee quluubta dadka yaabka galisay, waxay timid markii ardayda reer Somaliland ee cariga Addis Ababa, Ethiopia go’aan ku qaateen inay hoos tagaan lana jaan-qaadan safaarada Somalia ay ku leedahay Addis-Ababa ee Ethiopia, waa ta-kowaad, markii ay u muuqatay kana quus is-taageen sidey ugu hawl gabtay Sfaraada Somaliland oo markii horeba hawl-maalmel-keedu ahaa mid shakhsiyaad loo soo magaacaway ay ku tanaadeen.

Taaso Shakhsiyaadkaas uu ugu horeeyo Safiir-kuxigeenku Mohamed Abdikariim Maarshaal, oo safaarada ka dhigtay  goob ganacsi oo dilaaladiisu ka buuxan isuna daba maraan, oo ay layaab ku noqotay markay arkeen gudi arday oo ku booqata safaarada iyo cabashada ardayda oo yaab makaag ku noqota  marka loo gudbiyo iyagoo  albaabda ay ka xidhaan iyo telefoonada, Si la midana habeenkii ay shaqada ay qabtaan tahay sidii lagu kala qaybin lahaa ardeyda si aan iyaga wax hawl ah loogu qaban ama aan loogu baahan safaarada!

Safaarada Somaliland ee itoobiya oo ay wax qabadkeedu noqday mid dano-shakhsi gaar u ah una adeega ,wuxu  ku darsaday safiir-kuxigeenku Mohamed Abdikariim (Maarshaal)  inuu  madaxda Qaranka Somaliland u gudbiyay  warar sal iyo raad-toona lahayn taaso ay ka mid tahay inu ka been-abuuray maarshaal oo uu yidhi ardayda Ethiopia waxkabarta waa 10 arday, waa arin qariib oo aad u yaab-galisay  ardayda dhamaan wax ka barta Ethiopia sida gudida ardayda Somaliland  tirakoobkii ay sameeyeen  dhawaan uu kor udhaafayay 180 Arday.

Aqoon-darada haysa Mohamed Abdikariim maarshaal iyo nacaybka ku jira iyadoo horeba loo ogsoona inuu ahaa shakhsi aan wax baran, tabashada ardaydana heer jamacadeedna aanu fahmi Karin madaamu aanu soo marin heer jamacadeed oo uu yahay dadkii afka wax ku cuni jirey, Sidaas darteedna uu iska qarinayo ardayda la kulankeeda oo uu dabada ku wato dhawr qof oo magaalada iska jooga oo ay isku reer yihiin.

Iyadoo sidoo kale la ogyahay in maarshaal jagada loo soo magacabay ee safaarada Somaliland ku soo beegantay Markii talada dalka uu qabatay Madaxwayne,  Muuse-Biixi oo ay isku reer yihiin in si xigaal ahaan meesha lagu keenay iyadoo lala socday aqoon-laan iyo karti xumida mudane Maarshaal.

Guntii iyo gabo-gabadii, waa la iska fahmi karaa  marka shakhsi Maarshaal oo kale ah  masuuliyad loo dhiibo inaanu hawsheedii  iyo shaqadii loo igmaday aanu ka soo bixi-kareyn. Iyadoo qiimaynta ardayda ku samaysay qodabadan ay keentay inay ka digo-rogtaan safaarda Somaliland ee Ethiopia una digo-rogtaan bishan gudaheeda Safaarda Somalia hadii safaarada Somaliland aan isbadal muuqda lagu samayn oo shakhsiga nabarka ama boogta ku noqday ee Mohamed Abdikariim maarshaal aan lagu soo badalin qof la shaqayn kara jaaliyada iyo cabashada ardayd.

Kama noqonayan ardaygu hoggaankooda iyagoo  diyaarna u yihiin kana  rajeenaya is-badel  lagu sameeyo hawl wadeenada Safaarada Somaliland ama ardayda reer Somaliland sida ay  ku tashadeen inay  ay kula jaanqaadayso Safaarada SOMALIA.

Nasir Farhan farhannasir991@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles