Dhacdo kasta mid muuqata iyo mid dahsoon sabab ayey leedahay ; sida quraanka kariim ka ah ku xusan , 16/5/2018 illaa 22/5/2018 waxa mudo 7 casho ah ku da’ayey badi Somaliland ,puntland iyo khaliij ka cadmeed roobab cuf ,culays iyo cillado dabeylo iyo duufaano waaweyn ku hubaysnaa kaas oo qaybo ka mid ah degmooyinka Lughaya, Baki, Saylac, waqoyiga Gabiley, Bula-xaar iyo Berbera dhamaan intaba khasaare la xaad leh oo dad, duunyo iyo degaladoodii intaba halakeeyey in badan oo kalana naafeeyay.
Hadaba; yaa ka dambeeyey duufaantii sagar ee gabood falada ba’an dalka ka geysatay? Kuma ayaa kaaga digay? Ayaa se magac markiiba ula baxay?
Malahayga iyo xaqiiqda muuqata marka aan diirada saaro, gabood falada araxanka darnaa ee duufaanta ( sagar) gaysatay waxa duluc iyo ill ay ka soo baxdo masiibada u ahaa 2dan mid kood:
- meeraha dhawaan soo dhexgalay ururka nidaamka xidigaha ee loo yaqaano ( planet X , ama Nibiru oo 30 sano ka hor saynisyahanada galbeedku xaqiijiyeen balse quraanka ku xusan oo suurad dhan loogu magac daray suuratu DAARIQ ) iyo saameyntiisa ka dhalata ee uu ku leeyahay meerahan aynu ku noolnahay ee dhulka, meerahan ayaa 3 jeer ka weyn bed-ahaan dhulka , islamarkaana leh cuf isjiidad baaxad leh oo uu ku maamuli karo dhulka, dhaq-dhaqaaqyadiisa iyo waxa ku dhexjira, hagistaasi iyo hogaamintiisaasi ayaa sabab buuxda u ah ( isbedelka cimilada dunida, dhul-gariiro, roobab duufaano wata iyo fatahaado, fulkaano qarxa, khilaafyo xoogan, isfaham la’aan iyo dagaalo xoogan oo basharka ka dhex-qarxa , dhamaan dhacdooyinkan ayaa sabab u ah kharaabka meerayaasha oo uu dhulku ku jiro) dhamaan dhacdooyinkan ayaa si laba lexaad leh u curtay 2012 kadib markii uu soo dhex-galay meerahani nidaamka urur xidigeedkii dhulku kamid ka ahaa .
- Duufaantii arxanka darnayd sifo ay tahayba waxa loo badinayaa in ay gacantooda ka soo baxday ( U.A.E , K.S.A, U.S.A iyo UK ) iyadoo qadarka illaahay halkiisa yahay oo awooda illaahay wax la barbar dhigi karaa haba yaraatee aaney jirin mudane akhrista; waxa aad xisaabta ku darsataa in lagu jiro saban fidno iyo aafo oo lagu halaynayo shakhsiyaadka jiritaanka iyo awooda rabi shaki kaga jiro; waxa roob sameynta Aadamaha daliil u ah ( masiixu Dajjal) oo qof binu Aadam ah ayaa isaga laftiisuba roobab dadka u shubi doona marka la soo daayo dhawaan; sidaa daraadeed ha anfariirin saaxiib waayo roobka , duufaanada iyo kuwa sameynaya laftoodu waxa ay ka mid yihiin awooda illaahay ee aaney jirin wax la barbar dhigo haba yaraatee.
Farsamada roob sameynta waa mid dalalka horumaray iyo inta la macaashtaa gaadheen, balse mucjiso iyo wax lama arag ah ku ah dunida inteeda kale ee aynu ka midka nahay.
Waxa 10 jirsaday farsamada casriga ah ee roob iyo duufaano sameynta iyo kicinta leh ee dawlada maraykanka; oo ay uga wakiil tahay shirkada sahaminta hawada sare ee loo yaqaano ( NASA) shirkadan oo ka heshay maalgalinta ( HAARP program ) qaybaha iska kaashaday ee ( the U.S. Air Force, the U.S. Navy, the University of Alaska Fairbanks, and the Defense Advanced Research Projects Agency (DARPA) ayaa casriyeysay oo tijaabooyin meel mar ah oo xataa duufaano ku jiraan samaysa, tijaabooyinka ay horey u sameeyeen waxa si weyn looga shaki qabaa in ay ka mid aheyd duufaantii ( Irma) ee kal hore gobalo badan oo maraykan ka ah iyo dalalka koon furta maraykanka halakaysa sidii ay BBC du sheegtay.
Duufaantii (sagar) digniinteedii iyo magac bixinteedii intaba waxa iska la haa haya’ada ingiriiska u qaabilsan saadasha hawada qaybteeda arimaha dibada, magaca ( sagar) waa kalmad bangaala-dheesh ah, oo la macno ah ( garaad badane) markalana ah ( waran ka lagu ugaadhsado kalluunka) waaney u qalantaa magac bixintan; sababtoo ah cida roobabkii iyo dabeylihii dhalisay iyo cida isticmaalka la hayd intuba si bay u garaad badnaayeen, marka la cabiro halka ay ka soo curatay iyo jihada intii ay martay duufaantu waxa ay sawirtay jaantuus qaabkiisu yahay sida waranka lagu ugaadhsado kalluunka, balse u muuqday sida aan filayo mid qorshaysnaa.
Waa maxay Sababaha Awdal duufaantu ugu dhacday?
Iyadoo qadarka illaahay halka uu ku dhacayo meeshiisa iyo millaygiisa midna aan la baajin Karin; ayaa waxa mar walba jira qadarka wanaagsan iyo qadarka kiisa daran intuba intaba horgale ay u noqdaan sababo kalifa dhicitaankooda; si lamid ah waxa sababahaasi ka mid ah:
1.Gobalka Awdal oo ah kan Somaliland ugu Buuro badan dalka marka lag yimaado ( saaxil iyo sanaag ) oo badka dhulka gobolka 2/3 saddex marka loo qaybiyo laba kamid ah buuro ay hiin, buurahaasi oo qayb ka mid ah Berbera ku af-dhamaadaan oo ah laynka duufaanta bada dul sabeynaysay soo raacday; iyada oo waliba ay isku beegnayd jiho ahaan dhanka dhulka barta duufaantu ka soo curatay ee madaxa hore ( jaziirada suqadara) iyo laynka duufaantu bada uga soo leexatay ee buuraha sababtoo ah sideedaba meel kasta Buurahu waxa ay leeyihiin cuf is-jiidad ka xoog badan bada iyo bariga intab, sidaa daraadeed cuf isjiidadka buuraha gobolka Awdal ayaa soo jiitay duufaantii Bada maraysay ee ku jihaysnayd sidii gantaalka Djabuuti; sidaa darteed gurmadka Djabuuti waxa uu xisaabsanaa mahad celinta buuraha Awdal ee ka leexiyey duufaantii dad , duunyo iyo degalada intaba salfatay marka laga yimaado ehelnimo iyo siyaasad.
- waxa kale oo suuragal ah in ay ka dambeeyeen dalalka imaaraadka iyo sucuudiga oo labaduba hada gacanta ku haya deegaanka duufaantu ka soo kiciitintay oo ay ku jirto jaziirada suqadara ee ay dhawaan ciidamada xulafada ah ee sucuudiga iyo imaaraatku la wareegeen; iyada oo ay waliba qorshaynayaa labadan dal sidii ( jaziirada carabta ee maanta saxaraha ah oo looga dhigi la haa mid cagaar ah oo biyo badan oo ay shibiruhu ka xareediyaan; iyaga oo adeegsanaya tiknoolajiyada casriga ah ee roobsameynta maraykanka ee loo yaqaano ( HAARP) taasi oo ay dhici karto iyadoo qasdigoodu kaa ahaa in ( U.A.E ) uga faa’idaysatay tijaabinta qalabkaasi iyo kalsooni ku qabka roob sameyntiisa in ay ku aftaxaan marinka bada cas gaar ahaan wajahadeena, iyada oo imaaraadku dhanka kale inoo muujinaya in ay taariikhda u gasho jacayl beerid iyo gurmad wallaalnimo maadaama oo uu horey ugu soo hungoobay Somalia; iyo jabuuti; sidaa darteedna raba in uu si buuxda u diyaarsado rajada gacan ku haynta maamulka dekadaha xeebaha Somaliland; waxa iyana dhanka kale (K.S.A) sucuudigu inagu qaniini karaa shaacintii Somaliland shaacisay 2019 in dalka shidaal laga qodi doono, taasi dhamaan dalalka khaliijku u arkaan dhamaadka noloshooda isku diba dhacday, maadaama dhulka somalidu yahay keydka 4 aad ee shidaalka aduunka balse Somaliland rabto soosaaritiisa in ay horseed ka noqoto maadaamo oo ay xasiloontahay; arintan doorka maraykan ku waxa loo badinayaa in uu yahay cida iska leh (technology ) yadan oo maal fara-badan uu ku qandaraas qaatay , halka ingiriisku yahay isku xidhaha guud iyo dilaalka maadaama oo uu dhamaantood soo gumeysan jiray.
- waxa kale oo suuragal ah in ay sabab buuxda u tahay calool isku haynta taban ee qofiba qofka kale iyo beeliba beesha kale ugu hayso caloosha dadka deegaanadaa wadayaala, oo ay wehelin karto bixin la’aanta sakada Xoolaha iyo beeraha ee uu rabi waajib yeelay ; isla markaasna suurta gal ay tahay in aaney dadkaasi isgar-gaarsanin gabi ahaan ba, sidaa darteedna imtixaan illaahay ku yimi dadyowgaasi.
- U duceyn la’aanta waalidiintii hore iyo ka gaabinta laga gaabiyey siyaaradii SH.Samaroon oo intii aan jiray mar kaliya aanan arag iyadoo siyaaradaasi la qabanaayo taasi oo aaney diintu meelna ku diidin siyaarada qabuuraha saalixiinta iyo u duceynta waalidiintii hore illaahay dartii; dhibta ka dhalatay iyo cawaaqibyo isbiirsaday ayaa suuragal ah in ay gaar ku noqotay masiibada ku habsatay ummadan aan horeyba tamar buuran u la hayn ee xeeb iyo xeeb xigeenka wada taala.
Gabagabo:
Waxkasta oo dhaca waxa ay ku dhacaan gacanta qadarka ALLE oo ay sareyn iyo weyni u sugnaatay; iyada oo ay sababtu tahay galabsiga taban ee kayimi dadkii ay dhibtu gaadhay .
Xalka iyo samata bixinta Dadka dhibtu soo gaadhay waa in loo gurmado illaahay baa loogu dhawaanayaa iyo naxariistiisa; mar hadii duunyadii ay dhaqanayeen ka baxday ma’aha in ay magaalooyinka soo galaan , waxa haboon in laga dhigo ( xoolo dhaqato beeralay) oo beero loo sameeyo beero, kuwii qalabka iyo beerihiiba ay duufaantu ka qaadayna loo yagleelo beero cusub dhamaantoodna la siiyo qalab cusub si noloshooda ay u bad-baadiyaan, isla markaana ay u noqdaan ummad dalka iyo dadka wax-soosaar u qaabilsan.
tani waa arin iyo hawl u taala dhamaan dawlada Somaliland, dawladah s/land sxbiibka la ah, shacabka sharafta badan ee isku gurmada maalinta ay adagtahay iyo hay’adaha caalamiga ah.
Waxa aanu ugu bushaareynaynaa oo si buuxda u soo dhaweynaynaa oo hagar la’aan ah dhamaan UK, USA, U.A.E, K.S.A iyo cid kasta oo damac dano hogaaminayaan sidata balse waxtar nololeed oo buuxa u leh dadweynaha iyo deegaanka dhibtu gaadhay ; taa badal keeda waxa aanu dal baneynaa in laga daayo ku kicinta duufaanada iyo dabaylaha ummad aan waxba galabsan wax hore oo aan muuqan maanta se mooyee.
Waxa aan si weyn u bogaadinayaa sida ay dawlada Somaliland iyo madaxdeedu oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta hay’adaha dibu-degjinta iyo ka hortaga masiibooyinku dhamaantoodu uga qayb qaateen sidii qiimaha iyo qaayaha la ee ay gurmadkii iyo samata bixintii dadkaasi ay ka geysteen; waxa mahad celin iyo bogaadin gaara leh dawladaha Djabuuti iyo U.A.E sidii dhakhsaha aheyd ee ay uga dareen celiyeen iyo U.S.A oo niyad wanaag muujisay iyadna.
Fiiro gaar ah:
Mudane akhriste: Qormadan looguma tallo galin qof xag jir ah iyo mid aan la hayn karaan uu ku qaadi karo aragtiyaha qormadani xambaarsantahay.
Dr.khadar -Libaaxley
Regional political analysts