HAL LA QALAY RAQDEEDAA..!!!!
Wuxu yidhi hal abuurkii:
“Hal la qalay raqdeedaa lagu soo qamaamoo,
ninba qurub haleeloo, qosol wuxu ka joogaa,
qubanaha dambeeyee, qarka soo jafaayee,
Buuraha qotada dheer ka arkaaye qiiqee..”
Dalka waxa ka jira seddex xisbi qaran oo ku hirdamaya hanashada hoggaaminta talada dalka. Xisbi afraad oo loolanka ku weheliyaa majiro. Waa Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, iyo Faysal Cali Xuseen. Ganacsade Maxmed Aw Siciid la yidhaa tartanka doorashada ka mid ma aha. Dadweynaha ayey u taala xisbiga ay talada dalka ku aaminayaan. Tartan siyaasadeed ka duulaya barnaamij cad oo waxqabad ayaa looga fadhiyaa seddexda xisbi in uu mid waliba ummadda la horyimaado oo haddii sidaa codka loogu hibeeyo xilkana loogu hanneeyo..Waa marka caqliga fayow la adeegsado.
Hadalada aan loo meeldeyeyn ee lagu xajiimaynayo ganacsade Maxamed aw Siciid, cidda ay ka soo burqanayaan siiba xubinta ka tiran xisbiga wadani ee Safiir Axmed Safiina waxa looga fadhiyaa in uu maxkamadaha horkeeno caddaymaha la xidhiidha mukhdaraadka iyo hubka loo dhoofiyo Xuutiyiinta Yaman ka dgaalamaysa. “Ragbaa ku raaxaysta dhawaaqa rasaasta dagaalada Sokeeye..” Hadalada noocaas ah ee ku tiiraabaya dagaalo sokeeye oo dalka dib uga curta ma olole siyaasadeedbaa mise waxay sii saadalinayaan aafo hor leh? Ereyadaasi xisbiga taagero dadweyne iyo kalsooni ma usoo kordhinayaan? Jawaabtu waa maya.
Sidaa mar haddi xaalku yahay awtaad, rugunada, tiirarka iyo udub dhexaayada Xisbiga wadani waa in ay si cad uga jawaaba arrintan, haddii kale se waxay noqonayasaa mowqif xisbigu ka midaysanyahay.
Hanjebaad, aflagaado, habaar iyo waxyaabo aan hore saaxadda siyaasadda inoo soo marin ayaa maregaha laga soo afuufayaa. Dalku waa Somaliland cid loogu hanjebeyaa majirto. Ha lagu ekaado saaxadda tartanka. Codku waa baryo; budh-ku maal iyo baqa-ku-maal shaqaynmayso.
Ganacsatadu maalkeeda cidda ay ku taageerayso waa u xor oo haddii ganacsatada Somaliland hal xisbi adduunkooda ku taageeraan, xisbiyada qaranku kama horjoogsan karaan talana kuma laha. Mar hadday raadcadii kursigu noqotay hanti, Seddexda xisbi ee xilka madaxtooya ku tartamayaa dhaqaalaha ay ku hawl geleyaan xeeladday ku heleyaan qorsheeda iyaga ayaa iska leh.
Markase loolanku ka bilaabmo maryo iyo mooryaan iyo dhacdooyin laga soo hayaamay, halkaynu u soconnaa?
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
January8, 2017